Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Dr_Osman;768076 wrote: Hilarious there is no comments it appears people are owned You have yet to produce C/Weli walking in the streets of Boosaaso. Pics of Carmo and bunch of Saracen puppets aint doing the PM justice. I will give it one more day for the pics.
  2. news flash! you posted fake news. Wafdigii lasocday R/wasaaraha Xukuumadda Faderaalka iyo madaxwaynaha Puntland oo Yimid Boosaaso December 27, 2011 Wafdigii lasocday ra’isal wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la xanibay gaadiidka waawayn iyo kuwa yaryar inay adeegsadaan wadooyinka waawayn ee soo gala islamarkaana ka baxa magaalada,waxaana ciidamadu ay daad sanayihiin wadadada dheer ee laamiga si’ay u sugaan amaanka. Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa mudo sanad ku dhaw aan cagaha soo dhigin magaalada Boosaaso,halka ra’isal wasaarahana ay u noqonayso booqashadii ugu horeeysay ee isaga wasiirka gashaandhiga Xuseen Carab iyo wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ay ku yimaadaan magaalada Boosaaso,inkastoo ra’isal wasaarahu uu horay siyaabo kale duwan uu u booqday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Booqashada ra’isal wasaaraha ee Boosaaso ayaan la shaacin inta ay qaadan doonto,hase ahaatee waxaa la filayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso inuu kormeer ku tago suuqii waynaa ee magaalada Boosaaso oo dhawaan dab uu baabi’iyay intiisa badnayd iyo xerada ciidamada badda Puntland ee u dhaw deegaanka Qaw. Puntlandnews24 Xafiiska Boosaaso. ------------------- Qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta R/wasaare Cabdiwali oo hada ka socata magaalada Boosaaso http://horseedmedia.net/2011/12/27/qaban-qaabo-loogu-diyaar-garoobayo-soo-dhaweynta-rwasaare-cabdiwali-oo-hada-ka-socata-magaalada-boosaaso/ --------------------- Raysalwasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole oo Boosaaso soo gaaray. December 27, 2011 http://puntlandpress.net/2011/12/raysalwasaare-gaas-iyo-madaxweyne-froole-oo-boosaaso-soo-gaaray/ -------------------
  3. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=YvR7tfkuqD8#!" frameborder="0" allowfullscreen>
  4. Culimo ma jirto miyaa ku adkeysatey marka? hadalkaada waxaan ka fahmey "AS waa culimada keliya ee soo harey, marka hadalkooda ayaa ah kan saxa ah, haddey muslim gaaleysiiyaana wey ku sax san yihiin". Bay iyo Bakool dagaal kama jirin, laakiin hooyooyiinka caruurtooda jidka ku dhimanaayey ma ogeen beeraha ay AS u tacbaayeen iyo taakuleynta ay u fidinaayeen, they missed the memo somehow. Maanta Muqdishu waxaa buxaa Bay iyo Bakool dadkii gaajada uga soo cararey, kuna soo cararey kuwa gaalada ay AS ku sheegeen dhankooda, ugu yareen 400k ayaa ka kaxdey gobolodaas iyo agagaarkooda marka AS haddey wax tarayeen TFG dhankooda hunguri kama soo doonteen. Marka doodaada ku aadan dhankaa waa FAIL! Khilaafada sooma soo socoto anytime soon, marka wax soconaayo oo macquul ah hala yimaadaan. AS qabiil wey ku shaqeystaan, gobolada ay maamulaan ninkii ka soo jeeda ayaa hogaamiye u ah, Kabakutukade meesha loo soo magacaabey hadda iyo meesha u ka yimid bal fiiri. Godane wuxuu baryaayaa Ceyrow qabiilkiisa iney la soo saftaan, Aweysna waa ogeed cabaadkiisii, Mansur reerkiisa ayuu u barooranaayey maalin hore. Looma ooyaankana hogaamiye hal nin lagama dhigin, oo meeshooda ayey weli joogaan. Nin looma ooyaan ah oo aan u qalmin in hogaamiye gobol laga dhigo in la waayey u maleymaayo, mid qasnada lacagta loo dhiibo in la waayey u maleymaayo. Qabiilada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa AS xukuma, dhaqaalahoodana maamula, marka another FAIL ayaan ku siin in that regard. AS haddeysan wadahal rabin, mas'uuliyada dadka ku dhimanaayo daraadood ayagey saaran tahay.
  5. Arrinta Soomaaliya si fiican ayuu u la socdaa, qaraxii 100ka qof lagu qarxiyey ayuu xataa ka hadley. Soomaaliya sheekadeeda cid aan aduunka la socon sannadkaan waa yar tahay, front page news ayey si is daba joog ah ugu jirtaa. Ka gudub taas, ICU hogaamiyeyaashooda wey kala fikrad duwanaayeen, kuwa heshiis rabey ayaa jirey sida Godane xataa sheegey, takfiirinta arrinteeteedana waa qalad sida Sheeku sheegey. Bay iyo Bakool oo ah gobolada ugu barwaaqeeysan maxaa sababey in dadkeedu ka barakaco gaajo daraadeed? Dhiiga muslimka in la daadiyo yaa yiri waa xalaal? daliil ma u haysaa? Sheeku wuxuu yiri AS waraaq ha soo qorto ay ku cadeyneyso sida ay u xalaaleysteen dhiiga muslimiinta, iyo daliisha ay u haystaan gaaleysiinta muslimka. Haddii aan soo gabogabeeyo, waxaan rabaa inaad ii sheegto sababta ay AS culimada aduunka ula hadli la'yihiin oo ay u diidayaan in ay ka doodaan mowqifkooda ku saabsan jihaadkooda? Ogow dictatorship MSB AUN oo ka awood badnaa AS ayaa lagula dagaaley oo laga guuleystey, marka xoog cid wax looga qaadaayo ma jirto maanta. Nabadu waa lama huraan. Wax aadan af iyo qalin ku qaadi karin xoog kuma qaadi kartid. Qalad wuu dhacaa laakiin waa in cashar laga bartaa oo la saxo ma ahan in qalad lagu gudo.
  6. Haa, mar mar ayaan soo siyaartaa. Godane qof degan ayuu ilaa ahaa oo sugaanta Soomaaliyeed aad u jecel. Wuu ku mahadsan yahay inuu Sheikh Barsane AUN halgankiisa uu talyaaniga kula dagaalamey dhegaystayaasha xasuusiyo, Koonfurta iney taariikh leedahay ayeysan dad badani ogeyn. Aden Cayroo AUN beeshiisa ha u aar gudo ayuu la soo shir tagey, lama yaabani maxaa yeeley AS beeshaas ayey mar walba ka hadashaa iney soo raacaan ileen libaaxnimada waa loo dhashaa. Taas markaan ka soo tago, takfiirinta ICU hogaamiyeyaashoodii oo u ku celceliyey ayaan ka yaabey, iyo sida u waxqabadkoodii u dafirey.
  7. Xoosh iyo Kuwait ma maqashey? Madino iney ka mid ahayd ayaan filaa waagii hore, Galbeedka Wadajir ayey ku taal koley.
  8. Wadajir I reckon. Mar mar waa lagu turtaa, waa caadiyoz.
  9. Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa u sharraxay wasiirrada billad sharafta Qarammada Midoobay ay bixiso iyo in dowladda KMG ah ee Soomaaliya looga baahan yahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay billaddan. .
  10. http://www.radioalfurqaan.com/codad/Wareysi_Abu%20Zubeyr.mp3
  11. Isniin, December 26, 2011 (HOL) − Shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirada DKMG ah ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga hadlay shaqsiga mudan in la siiyo sannadkan billad sharafta ay Qarammada Midoobay bixiso ee loo yaqaan United Nations Population Award. Kulanka wasiirrada oo uu guddoominayay ku simah ra'iisul wasaaraha, ahna wasiirka arrimah dibadda Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa u sharraxay wasiirrada billad sharafta Qarammada Midoobay ay bixiso iyo in dowladda KMG ah ee Soomaaliya looga baahan yahay inay si deg-deg ah u gudbiyaan shaqsiga ay u arkaan inuu muteystay billaddan. Sanad walba guddiga Qarmamada Midoobey u qaabilsan billad sharafta (United Nations Population Award) ayaa waxay guddoonsiiyaan shaqsigii ama hay’adii loo garto inay kaalin mug leh ka qaateen dhiirri-gelinta ama wecyi-gelinta bulshada caalamka ama xalintooda. Bilad Sharaftan ayaa waxaa lagu aasaasay qaraarkii golaha guud ee Qarammada Midoobey 36/201, ee bishii november 1981, iyadoo markii ugu horreysay la bixiyey 1983-dii. Billaddu waxay isugu jirta: billadda dahab ah, shahaado iyo lacag. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa ka hor 31-ka December 2011; inay gudbiyaan shaqsiga ay u garteen inuu mudan yahay bilad sharaftan. Golaha wasiirrada oo aad uga dooddan arrintan ayaa waxay u garteen ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan in loo aqoonsado shaqsiga ugu mudan caalamka in la guddoonsiiyo billad sharaftan, isla markaana ay dowladda Soomaaliya u gudbiso Qarammada Midoobay musharaxnimadiisa. Qarammada Midoobey ayaa ku dhawaaqi doonto shaqsiyaadka muteystay billad-sharaftan bisha Maarso ee sannadka 2012, iyadoo xoghayaha guud uu guddoonsiin doono shaqsigaas biladda marka la gaaro bisha Juun ee 2012. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  12. Waxaa maanta bac ay walxaha qarxa ku jiraan laga helay wadada Airport-ka aada ee magaalada Boosaaso. Ciidamo tira badan ayaa durbadiiba soo gaarey goobta ay Minaadaasi ooleyda waxaana la xiray dhamaan jidadka halkaas soo gala. Baarintaan kadib ayaa la xaqiijiyey in waxa bacdaas ku jiraa ay walxaha qaraxa yihin waxaana lagu guuleystey in iyada oo Miinadaasi aanay wax khasaare ah geysan halkaas laga qaado. Dhowr daqiiqo kahor ayaana lagu qarxiyey xeebta magaalada Boosaaso meel u dhow xarunta ciidamada PIS-tu ay magaalada ka degen yihiin. Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay maanta magaalada Boosaaso kusoo beegnaayeen wefdi uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali kuwaas oo weli aan dhinaca Garoowe kasoo ambabixin loona badinayo inay baaqanayaan. Shalay ayeyna ahayd markii miino jidka dhinaciisa la dhigey ay ku qaraxday gaari ay wateen saraakiil ka tirsan ciidamada miino baarista, qaraxaas oo galaaftay nolosha hal Askari islamarkaana 3-kale ay dhaawacyo kasoo gaareen. Weli majiraan Mas’uuliyiin laamaha ammaanka ka tirsan oo arintaas ka hadlay haseyeeshee wixii war ah oo kasoo cusboonaada Saacadaha soo socda hadii eebe ogolaado ayaan idiin soo gudbin doonaa.