Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Ma lay ogoleen inaan cuno jalaatadaan ka gato iskuulka hortiisa. Hadda waa xoroobey waana tijaabin karaa maadaama aan talaalanahay. LOL Wadajir
  2. Aamiin! Kheyr Insha Allah!
  3. Glad to know HOL agrees with me. Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir waxaa soo maray Guddoomiyayaal gobol oo aan la mid ahayn Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaan Tarzan, kaasi oo haatan ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo si weyn loogu yaqaano u doodista dadka Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahaayeen dadka gudaha dalka ku nool iyo kuwa dalka dibaddiisa ku nool ayaa sanad ka hor loo doortay xilka guddoomiyenimada Gobolka Banaadir, xili gobolka Banaadir uu ku jiray marxalad aad u adag. Guddoomiye Tarzan oo wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore ee Mileteriga wuxuu ku noolaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa isagoo la nool reerkiisa iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Ingiriiska ku nool waxaa uu taleefoon ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo weydiistay in uu ka aqbalo in uu u magacaabo xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada Muqdisho. Mr. Tarzan markii uu ka fekeray arrinta uu u soo jeediyay Madaxweynaha, isla markaana uu eegay dhibaatada nolol iyo nabadgelyo xumo ee ka jirta Gobolka Banaadir iyo waxa uu ka qabo waxaa uu aqbalay in uu xilkaas qabto oo uu u qidmeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, kaddibna waxaa uu ku laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo xilkaasna loo magacaabay. Sanadkii 2011 oo horraantiisii xilkan loo magacaabay Guddoomiyaha Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu ahaa sanad lagu xusuusto qaraxyo lagu dilay dad bulshada waxgal u ahaa iyo arday, sidoo kalena ay dhaceen abaaro ba’an oo ku dhuftay dalka Soomaaliya guud ahaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhibaatooyinkaas ku wajahay geesinimo iyo go’aan ah in uu ku dhibaatadaas ku dhex shaqeeyo, isla markaana uu soo celiyo amnigii iyo bilicdii caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah Aabaha lix caruur ah, awoowana u ah 8 ilmo ah, waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna yaraantiisii ku soo koray nolol agoonnimo ah oo aad u adag, isagoo ka mid ah caruur agoomo ahaa oo ay dowladdii hore ee mileteriga Muqdisho ku xanaaneyn jirtay loona yaqaanay "OORFANO". Tarzan dadaal uu sameeyay caruurnimadiisii iyo dhalinyaranimadiisii wuxuu ku guuleystay in uu noqdo qof wax bartay oo dadkiisa iyo dalkiisa u ololeeya oo u wax qabta. Kaddib markii ay burburtay Dowladdii hore Maxamuud Axmed Tarzan iyo qoyskiisa waxay ka mid noqdeen dadka Soomaaliyeed ee fursadda u helay in ay ku noolaadaan dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, wuxuuna Tarzan halkaas ka sii watay waxbarashadiisa, isagoo shahaadada maareynta ka qaatay Jaamacadda Westminster. Shaki kuma jiro in waxbarashadiisa dhinaca maareynta ay ku caawisay guddoomiyaha Gobolka Banaadir in uu wax ka qabto dhibaatooyin ka jiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Tarzan markii uu xafiiskii la wareegay sanad ka hor waxaa qasnadda maamulka Gobolka Banaadir ku jirtay 128$ kaliya iyo lacag shillin Soomaali ah oo aan ka badneyn hal milyan, taasi oo muujineysa in uu guddoomiyaha iyo maamulkiisa uu meel hoose oo aan agab dhaqaale lahayn uu wax ka billaabay. Waxyaabaha la xusi karo ee uu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo maamulkiisa waxaa ka mid ah uu nidaamiyay degmooyinka gobolka Banaadir maamulladooda, kuwaasi oo hadda u shaqeeya qaab isla xisaabtan iyo wada shaqeyn ku dhisan, iyadoo dhaqaalaha gobolkana uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, waa sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha Gobolka Banaadir qudhiisa. Waxyaabaha kale ee uu qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hormuudka ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa ka mid ah in uu intii karaankiisa ah wax ka qabtay nabadgelyada gobolka, nadaafadda oo uu howl fiican ka qabtay, mugdi badan oo magaalada Muqdisho ka jiray oo uu wax ka qabtay, degmooyin badan oo mugdi ahaana uu maamulka koronto lacag la’aan ah u sameeyay. Inkastoo ay waqti badan qaadaneyso in Muqdisho ay dib ugu noqoto sidii ay beri-samaadkii ahayd, haddana waxaa uu maamulka gobolka Banaadir qabtay howlo badan oo dhinaca bulshada ah, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu diyaarinayo qorshe howleedyo lagu awoodeynayo dadka Muqdisho, si ay uga maarmaan in ay ku tiirsanaadaan kaalmada shisheeye, ayna dib ugu laabtaan isku filnaantii ay dadka Soomaaliyeed ku faani jireen. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii uu dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool uu uga raaridi lahaa in ay aqoontooda, maalkooda iyo khibraddooda ay kula noqdaan dalka Soomaaliya oo uu si weyn ugu baahan yahay dadka burburka ka badbaaday ee dibadaha u baxay. Waxqabadkaas la taaban karo ee uu muujiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dartiis ayay bahda Hiiraan Online u dooratay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan in uu noqdo shaqsiga sanadka ee Hiiraan Online 2011.
  4. heestii "now you see me, now you don't".
  5. Kubadda waa lagu ciyaaraa Beledweyne xataa, sawiro labo isbuuc ka hor la qaadey ayaan haayaa, track pants ayey xiranyihiin oo la laabey 3 jeer, marka waxay ku xirantahay xaafada aad joogtid iyo cidaad taqaanid.
  6. AUN Wasiirka sheekadiisa ka danbeysey laakiin. lol@gediga, sheeko miyaa taas. kkkkk
  7. Maadeey, magac qabiil lama ogola in lagu soo qoro meeshaan waad ogtahee, sidee wax u jiraan?. Reerkaas weligoodba mucaarad ayey iska ahaayeen, kii yimaadaba wey ag fadhiistaan (i.e Caato) marka intey dagaal iyo baq baq ku jiraan ha dhisaan gobolka ay rabaan iney difaacaan. Laakiin waa iska daaqa dhididka qurbajoogta Hiiraan soconmeyso anymore.
  8. That's gansgta! Anti Sakiin camp waa dhaarsan yihiin iney odeyga ka taqlusaan markaan. Weyba sugaayeen asxaabta kale maanta haddeyba biloowgii saxaafada diideen iney gudaha soo galaan. Istuma ilaa hal mid soo haro. Kii raayo reerka ha u haro.
  9. Somalia;770344 wrote: @Somalina There's nothing wrong with being embarrassed. I would be too if I was in your situation. This hasn't got anything to do with his uncle or your uncle, this has to do with the fact that a thick fog of hypocrisy is descending on a few people on this site. I mean, if I were you I wouldn't be thinking about how you were just exposed, I would be thinking about, what could have been? What could have been if your "people" were cheering the right side.. fortunately you are not me, and you'll never be. So that's that. I'm glad you enjoy my threads and reading up my old posts. Keep on exposing me now you hear! Well done Cusmaano.
  10. Dr_Osman;769424 wrote: Wow Booming Beletweyn That's Bulo Burde hospital I would like to make a correction on one of the pictures, #26 is added in error so scratch it. Thanks.
  11. :D I think the General knows "what" I was referring to exactly, you on the other hand have no clue and never will. Can't say I'm suprised you raced here with that quote, did you notice he didn't ask what his uncle did?. Nice try Cusmaano. That's what you call arguing about B/Wein? kkkkk
  12. Somalia;770337 wrote: I read their dialogue @Somalina, I am not a multinicker Can you link the thread you are referring to? I have never argued with the General about B/Weyne. You FAILed Mr. I'm 19 yrs old-call-me-Cusmaano.
  13. Maaddeey;770333 wrote: ^That was back 2009, and you only joined 2011, how do u know that? * Cough * multinicker.
  14. Kool_Kat;769929 wrote: Big up to Bulo Barde! Lovely thread...Thanks Ms. Somalina for showing us a pleasant sight of parts of Somalia, waanba kadaalay hadal xun lee siduu meeshaas uga soo baxaayay... Bulo Burde, that's what's up! holla if you hear me! lets get faded. :D You're welcome inbaay beesaani-yaanyuur. lol ------ Valenteenah, adaa mudan walaashiis! I hope in the near future we get to see pics of Balcad, Afgoi Corridor, Merca, Barawe, Ceelbuur, Dhuusomareeb, Baardheere and Kismaayo.
  15. Chimera, welcome back! and as always thank you for the support. Great idea you got there! I like it. We can achieve great things if we put our heads together and form a government that represents the majority first. Great to have you back. My cottage in Feerfeer should look like this.
  16. NGONGE;769874 wrote: I don't understand it. These are pictures of a beautiful and progressive town. Where the hell did all the fighting or (at least) the signs of it? Few places in Beledwein have actually been destroyed in the last ten years give or take and that's because there was never real "fighting" taking place, more like skirmishes on the outskirts of the city. 2 tikniko firing few rounds here and there and baam! the media makes a meal of out of it. The media and international NGOs do one hell of job projecting the South as one hot mess of hell and a sad place devoid of any future. Other than Mogadishu, there's hardly any recent pics of Southern cities and towns on the Internet search engines. Why that is I don't know however if I were to guess I would sum it up as: No exposure = no outside investment = economic depression/agricultural failure = more people depending on foreign aid = more refugees in Dadaab
  17. School and mosque construction completed. Thank you Turkiya. The new school can provide education to 450 students, both girls and boys, throughout the day.
  18. Isniin, Jannaayo 02, 2012 (HOL) − Hay'adda Humanitarian Aid Foundation (IHH) oo ka mdi ah hay'adaha samofalka Turkiga ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa waxay ka hirgelisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya iskuul iyo masjid, sida uu sheegay madaxa hay'addan, Taner Altun. Iskuulka oo ka kooban lix galaas ayaa la sheegay inuu yahay dugsi hoose/dhexe oo loogu talogalay in ay wax ku bartaan 450-arday, iyadoo la sheegay in masjidka oo laga dhisay meel ku dhow iskuuulka la sheegay inay ku tukan karaan markiiba 150-qof. "Masaajidka waxaa markiiba ku tukan kara 150-qof, waxaana laga dhisay meel ku dhow iskuulka," ayuu yiri madaxa hay'adda IHH, isagoo intaas ku daray inay qayb ka yihiin howlaha samofalka ah ee ay hirgeliyaan Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo hay'ad samofal oo Turki ah ay sheegto inay ka hirgelisay meel ka baxsan Soomaaliya dhismaha iskuul iyo masjid, waxaana tani ay horseedaysaa in hay'adaha Turkiga oo fara badan ay ka howlgalaan Soomaaliya oo dhan. Mr. Altun ayaa sidoo kale sheegay inay hay'addu dhar iyo cunno u qaybsay kumannaan qof oo Soomaalia ah, isagoo sheegay in howlaha gargaarka iyo dhisidda goobo wax lagu barto iyo goobo lagu cibaadeysto ay sii wadi doonto. Dalka Turkiga ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka u soo gurmaday Soomaaliya markii ay ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60-sano ah, waxaana dowladda Turkigu ay sheegtay in howlaha ay qabanayso ay yihiin kuwo ay ku caawinayso Soomaalida. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaali