Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
KP, listen to your own advice and stop calling me Deeqa for the last time you hear.
-
KP ka dhexbax sheekadaan. This odey needs to learn a lesson or 2.
-
Talaado, June 01, 2010 (HOL) − Munaasabadda Maalinta Joojinta Cabidda Sigaarka oo ku beegnayd 31-Maajo-2010 ayaa lagu qabtay Muqdisho, taasoo looga gol-leeyahay in bulshada Caalamka lagu wacyigeliyo Khatarta uu leeyahay sigaarka. Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene. Adduunyada horumartay iyo midda soo koreysaba waa ku badan yihiin cabista sigaarka iyo khatartiisaba. Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Hal bilyan waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya. Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan haweenka. Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista 5.4 milyan oo qof. Wuxuuna mas'uul ka yahay dhimashada 10kii qofoodba qof taasoo ka dhigan in 3 meeloodoo laba waxay u dhintaan cudurada sigaar-cabista ka dhasha waana lambarka 2aad ee cudurada ioo dhinto caalamka marka laga soo tago cudurka Dhiig-karka. Dhimashadaas 70% waxay ka dhacdaa Dunida saddexaad. Cabista sigaarka waxaa la socda 19 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka kansarka. Wuxuu kaloo wataa maaddada loo yaqaano Nicotin-ka oo sababa qabatin balwad ahaan loo qabatimo jir ahaan iyo maskax ahaan. Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo. Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is dhimi karto. Saameynta Caafimaad ee cabidda Sigaarka: Cabista sigaarka wuxuu sababaa cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attacks iyo Strokes), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la'aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah. Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la'aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca. Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo acsaabtiisa had iyo jeer kacsan tahay. Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa aragga Indhaha iyo Maqalka Dhegaha. Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag-dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%. Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da'da yar iyo kuwa Shiishadda la cabo u badan ee dadka waaweyn kuwaasoo ku keeni karaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka. BAAQ: Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo khatarta caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keenayo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Blah blah blah. Matag badanaa...
-
C&H ha ku daalin dadkaan, this is the same dude who started "SYL myth" thread....hater numero uno waa lagu yaqaan.
-
says the Somali hater! wax is dhaantiin malaha adiga iyo thread starterka!
-
I also will vote for Aaliyah and LG (she sure knows how to address certain characters on SOL)...hell I will vote for most of the sisters.
-
AFP Somali reporter wins CNN African journalist award
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in General
A well deserved award indeed. Congratulations. -
Hala daawado dumarka dabada ween DAY miyaa maanta? A rhetorical question...uf
-
Good for you! Good luck on your quest. WCS
-
KK goodnight. Amna, just trying to figure out what mosque is close to you that is all.
-
Amna, are you in Toronto? KK, waad ogtahay Somali iney ku yar yihiin meeshan aan joogo. Laakiin markaan Toronto imaado ayaan habeynayaa aleylehee.
-
lol@wareer u baahniyee...maxaan somali kaa bartey. Is she from Toronto horta? Party in loogu tooro waaye (speed marrying kind) KK, we should start a matchmaking bizniz, there is a lot money involved, and I know you love money (dollar dollar bill yo). Aaliyah stop playing, this is serious.
-
maxaan ka ogahay dastuurka ay isticmaalaan. Gabadhani wey kugu qafiiftey ee aaway "double check" aad waday? hook her up saaxiib PRONTO! kiyaakarahaan wuu dhamanaayaa markaas. qooq is what qooq does! ya dig!
-
KK Alshabaab ma ogola bras.
-
Oh no she didn't! KK is a friend of mine, and she aint a heartless witch. On the contrary, she is a great person and an amazing mom. xataa inti ya habiibti...lol my best Arabic
-
hahahaaaaaaa@double check....start dialing the digits NOW, Amna is desperate. Please help her....
-
lol@mukulaalo gaajo heyso oo xabad sambab ah loo tuuray....(i'm guessing sambab is an edible food) Runta u sheeg saaxiib, waxaas waa shaqadaada. Yaaret!
-
it is very hard to please you! xirkaad roob ku ogtahay like me.
-
Amna, niyada kheyr u sheeg marka hore, inshallah you'll get that phone call. The important thing here is to have confidence and iman. Like Marley said "don't give up the fight".
-
Is this the Million Dollar Matchmaker? Mid lacag badan waa is fureyseen laba beri kadib. Kibirkiisa iyo kaaga maba is arki karaan waad ogtahay Waxaan soo raadinaa mid shaqeysto, how is 50K sound?...ok ok fine, I will look for 65K and that's as high as I can go. SOLD ...
-
KK runta waan kugu jeclahay, however we are talking about a disabled person here. where are your wings saaxiib? u qabooji dee hadalka inyar. She wont even admit her disability on her profile what makes you think she wants a disabled man? I think she should visit her local mosque and talk to the imam about hooking her up with a muslim brother.
-
Popular Contributors