Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Eid Mubarak to fadhi ku dirir and the rest of the SOLers!
-
Why not 6 years in cyper prison with dial up internet? muriidi hasn't broken the Golden rules so I don't see why he should be banned. muriidi la'aan waa murugo.
-
I was trying to be nice dee, wax garo. Sidey noqotaba, Mr Suul weyn ayaa maamula PL, asagaana mas'uul ka ah wixii ay PL ku xuntahay ama ku fiicantahay.
-
Gheele ma jirin digniin la siiyey Horseed Media. Sheekadu waa taa. lol@yaa ka danbeeyey..... There is no press freedom in PL since Suul weyn took over. Marka yaa kale oo ka danbeyn kara aad is leedihiin?
-
Ayagoo cunta u qaybinaayo dadka gaajeysan yaa arkey? Ayagoo dadka dhaawacmey soo booqanayo yaa arkey? Ayagoo dadka dhibaayetsan dhaqaale siinaayo yaa arkey? Sakada laga bixiyey meelaha ay xukumaan jeebkooda ayey gashteen. Faan badanaa taagerayaasha! Sakada waxaa loogu tala galay dadka dhibaateysan oo aan awooda lahayn, not argagixiso. Waxaaba dhici karta caruurtaas waalidkooda lacagta laga baadey iney ku soo noqotey ayaga as a PRIZE. Kulahaa meelaha ay xukumaan waa nabad. AK47 iyo RPG bey dadka masaakiinta ku xukumaan (yaa hadli kara markaas). Abu hebel iyo kuwa kaa danbeeyaba meeshaad geli lahaydeen diyaarsada, ileen filinkiina dhamaad ayuu taagan yahay. Mustaqbalkooda ayey lumiyeen markaasey xaasidnimo darteed caruurtii yar yareed dabka ku tuuraayaan. War wuxu naxariis daranaa oo jaahilsanaa!
-
Cabdifataax Jaamac Mire Agaasimhii Horseed Media waxa uu xabsiga magaalada Bosaso ku jiraa muddo 27 cisho ah, xabsiga Cabdifataax ayaa yimid kadib markii Idaacadda Horseed ay waraysatay Shiikh Maxamed Siciid Attam taariikhdu markey ahayd 13.08.2010, ninkaas oo dagaal adag uu dhexmaray isaga iyo ciidanka Puntland, waraysiga ayaa ahaa mid caadi ah, oo aalaaba la sameeyo in warka laba dhinac laga keeno waxaana uu ka hadlaayey weeraro uu ku qaadey qaar kamid ah ciidanka Puntland oo isla maalintaas dhaawaca iyo dhimashada ka soo gaartey la keenay magaalada Bosaso, ciidankaas oo ahaa kuwo markaas ka yimid magaalada Garoowe isla markaana ka tirsanaa Ilaalada Madaxweynaha. Isla maalintii waraysiga Shiikh Attam uu dhacay waxaa Idaacadda Horseed Media xarunteeda Bosaso gudaha u soo galay ciidan uu wato taliyaha qaybta gobolka Bari Col.Cismaan Cuuke (Afdalow), waxaana xabsiga la geeyey dhamaan shaqaalihii idaacadda. Cabdifataax Jaamac Mire ayaa xabsiga ugu tagey mar danbe kadib markii uu maqley xariga shaqaalaha, maadaama waqtigaas uu isagu ka maqnaa xarunta, waxaana uu sheegay in isagu uu yahay masuulka idaacadda, Ciidankii Boolisu waxay sii daayeen dhamaan shaqaalihii iyada oo si toos ah loola haray Cabdifataax Jaamac Mire. :eek: Habeenkaas oo taariikhdu ay tahay 13.08.2010, Cabdifataax waxa uu ku baryey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso, waxaana isla habeenkaas lagu sameeyey waraysi iyo hanaddadaad, waxaa qolyihii waraysanaayey ay u sheegeen in uu ka tirsan yahay xarakada al-Shabaab, isla markaana ay ka doonayaan in uu qirto, Cabdifataax waxa uu ku adkeystey in Idaacaddu qaadey isla markaana la dhegaysan karo haddii ay ku jiraan wax qalad ah laakiin aysan waxba ka jirin waxa ay doonayaan in uu qirto, Cabdifataax waxa uu noo sheegay in habeenkaas dharbaaxo kulul uu ku dhuftey mid kamid ahaa askartii habeenbarkii ugu timid saldhiga. Subaxnimadii Axadda taariikhduna ahayd 14.08.2010 ayaa si deg-deg ah Cabdifataax oo aan laga qorin wax Statement ah, baaritaana lagu samayn denbiga lagu haysto, waxaa la horkeenay Maxkmadda derajada kowaad, taas oo ahayd mid la sii balamiyey. Cabdifataax Jaamac Mire waxa uu codsadey in uu helo xuquuqdiisa isla markaana uu doonaayo in uu qabsado qareen u dooda, laakiin arintaas waxba lagama soo qaadin waxaana ku soo oogey denbiga Xeerilaaliyaha Maxkmadda Maxamuud Maxamed Yusuf Shimbir. Xaar-ilaaliyuhu waxa uu ku eedeeyey Cabdifataax Jaamac Mire in uu ku xadgudbey QOD:222-223 Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, taas oo ah in uu buunbuniyey niyadda u dhisay taageerona siiyey kooxda Attam, Guddoomiyaha maxkmadda Faarax Xasan Ismaaciil ayaa ku xukumey 6 sano oo xarig ah iyo 500$ oo ganaax ah. Burinta Qodobada Loo Tiigsadey Cabdifataax 1. Ugu horeyn:- Cabdifataax Jama Mirre waxaa lagu eedeeyey inuu 13/08/2010 war uu ku celceliyey idaacadda Horseed ka siidaayey lana soo xiray isla waqtigaas, idaacada Horseed waxay ka mid tahay idaacadaha ka howlgala dhulka Puntland Cabdifataaxna waa suxufi masuul sare ka ah idaacadaas, 13/08/2010 idaacado badan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa laga dhageysto ayaa ka hadlaayey laga sii daayey xaaladaha dagaalka buurta waxaana la wareystay wasiirka amniga Puntland waxa kaloo la wareystay Atam wareysiyadaas oo dhamaan saxaafadduhu ka wada hadlayeen moyee ma jirto wax gaar ah oo maxkada la soo hordhigay oo uu galay:- C/fataax Jama Mirre sidoo kale Cabdifataax kama mid ah Al-shabaab waxaana xaraan ah qofka wax uusan ahayn in lagu sheego balse Cabdifataax waa suxufi ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Puntland mana jirto wax xiriir ah iyo shaqa ah oo gaar ah uu la leeyahay Al-shabaab iyo Atam midna, eedaynta ku qoran xukunka max/D/1aad Bosasana waa waxba kama jiraan iyo eedayn been ah dambina ku ah ciddii soo sameysay kuwaaso u gafay sharciga. Sidoo kale waxaa la orankaraa ama aytahay mu’aamarad shirqool deg-deg ah ee lagu sameenayey Cabdifataax maxa yeeley waxay sheegeen in uu 13/08/2010 war siidaayey waxaana maxkamadda la horkeenay 14/08/2010 waxaana markhaanti loo dhigay askartii soo xirtay oo aan wax cadna sheegin 2. Marka xigga:- Qodobada maxkamadu u cuskatay xukunkeeda waa qodobo danbiyadda ciqaabtooda uusan galin isla markaasna qodobadaas ma aha kuwo ay ku caddahay xukunka 6da sano iyo ganaaxa 500 dollar ee lagu xukumay C/fataax marka aynu eegno QOD:222-223 XCS ma aha qaran dumis sida ay qodobadaan maxkamaddu uga been sheegtay balse qodobadaan waxa loo soo qataa laguna ciqaabaa danbiyada dadka gala xasuuq, boob iyo gowracaad iyo danbiyadda dadka gala dagaalka sokeeye. Sidaas darted eedda xaaraanta mu’aamaradda ah ee ay ku eedeyeen Cabdifataax Jama Mirre iyo qodobada ay u cuskadeen maha kuwo iswaafaqsan waxaana halkaan ka muuqda inuusan wax danbi ah galin. Sidoo kale qiraalka ay isna u cuskatay maxkadda xukunkeeda waa qiraal guud oo saxaafadaha iyo idaacaduhu sii wada dayeen hase ahaatee ma aha mid gaar ah oo uu galay gooni Cabdifataax 3. Marka xigga:- Cabdifataax Jama Mirre waxaa loo diiday qareen ka difaaca Maxkamadda horteeda kasoo uu xaq u lahaa sida waafaqsan dastuurka Puntland QOD:25 firqadiisa 3aad ( xaquuqda uu leeyahay qof kasta ama muwaadinkasta ee maxkamad la horkeeno waxaa ka mid ah inuu qareen qabsan karo ama maxkamaddu u qabato iyo QOD:27 ee D/ puntland sidaas waxaa lagu xadgudbay sharaftii iyo xaquuqdii muwaadinka C/fataax Jama ee uu siiyey dastuurka Puntland sida ku cad D/ Puntland ee QOD:27 faq/2aad waxaa kale oo lagu xadgubay loona gafay xaquuqda saxafadda iyo warbaahinta sida ku cad D/puntland QOD:22 sidoo kale waxaa afduub iyo xarig aan danbi lahayn lagu sameeyey xoriyadda fikriga ah ee C/fataax uu siisay sharciga iyo D /Puntland. Rafcaanka iyo Fadeexadii Xeer-ilaalinta Maamulka Horseed Media markii ay intaasi dhacdey waxa uu durba gudagalay sidii arinta hab sharci ah oo waafqsan qaynuunka ay u mari lahaayeen, waxaana loo qabtey Cabdifataax Jaamac Mire qareeno difaaca, kuwaas oo soo qorey warqadii rafcaanka, waxaana dhacdey mudadii rafcaanka in la sameeyey meermeerin aad u badan, iyo in laga cagajiido in Guddoonka rafcaanku fariisto xafiiskiisa si uu qabto warqadaha rafcaanka, taas oo runtii ahayd mid aan garawshiyo lahayn, oo laga dareemi karo in xariga meel kale laga jiidaayo sikastaba ha haatee maamulka Horseed Media waxa uu u dulqaatey dhibaatada iyo hagardaamada sharciga iyo xuquuqda muwaadinka loo geysanaay Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka Shiikh Nuur Maxamed ayaa muddoo markii qareenadu ka codsanayeen in uu soo fariisto isla markaana ka qabto rafcaanka waxa uu balan qabtey 01.Sept.2010, oo ku beegneyd Arabacadii todobaadkii hore, markii la isugu tegay Maxkmadda ayey Xeer illaalinta la shir timid in aysan diyaar ahayn oo dib loogu dhigo tan iyo maalinta Sabtida ah ee ku beegan 04.09.2010. Taasi waa laga aqbalay dibna waa loogu dhigay si Xeer illaalinta oo horey 2 todobaad wakhti ah u dhumiyey, in markale maalmo loogu daro xiliga maxkamada la isugu imaanayo. Ugu danbeyntii waxaa Cabdifataax la horkeenay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka Bari 04.09.2010. Guddoomiyaha M/rafcaanka Gobolka Bari Shiikh Nuur Maxamed ayaa mar kale ka codsadey Xeer ilaaliyaha Maxkmadda Derjada Kowaad Mr.Shimbir in dacwadiisa soo gudbiyo, Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay intii uu ka sheegay Maxkmadda derajada kowaad ee xukunkii hore ridey, isaga oo codsadey in xukunkaas sidiisa loo daayo. Qareenada difaacaayey Cabdifataax Jaamac waxa ay goobta ka akhriyeen ilaa shan qodob oo dacwaddan ka dhigeysa mid afduuban oo shirqool ah isla markaana laga soo shaqeeyey, sidoo kale waxa ay dastuuriyan u muujiyeen qodabada lagu xukumey iyo denbiga la sheegaayo in aysan ahayn kuwo is waafaqsan, waxaana dhamaan dadkii goobta fadhiyey u caddaatey sida loo marin habaabiyey sharciga loogana been sheegay. Cabdifataax Jaamac Mirre oo maxkmaddu weydiisey waxa uu ka codsanaayo, ayuu mar kale sheegay in aanu denbi gelin, waxa uu soo qaatey oo yiri Idaacadda Horseed Media waxa ay ahayd idaacadda keliya ee sii deysey cod la soo dhigey Internetka, nin Sheeganaayey in uu yahay Shiikh Attam oo yiri “Waxaan ka mid nahay al-Shabaab, Alshabaabna anaga ayey naga mid yihiin” warkaas Madaxweynaha Puntland waa ku faaney waana soo qaatey isaga oo sheegay goobta uu ka hadley, waayo markaas waxa ninkaas la sheegay in uu Attam ahaa uu qirnaayey al-Shabaab, si beesha uu ka dhashey loogu qanciyo, ma jirto cid is weydiisay iyo qof loo xirey, isla waraysigaas waxa uu ku sheegtey in uu jebiyey ciidanka Puntland, ma jirin digniin la siiyey Horseed Media oo la yiri codkiisa ma siideyn kartaan. Qaaliyiinta Maxkmaddu markii ay arkeen in Xeer-ilaaliyuhu uu lafcad toobin ku hayo, isla markaasna la buriyey burhaantiisi iyo sharcigii uu indhaha ka xirey, ayey go’aan ku gaareen in Xeer ilaaliyaha dacwadiisu aysan dhamaystirneyn ee uu soo dhamaystirto, Cabdifataaxna Xabsiga lagu hayo. Xeer ilaaliyuhu dacwad kale oo uu Cabdifataax ku soo oogayaa ma jirto iyo denbi kale oo uu galay, maxay tahay sababta keentey haddii burhaantiisi ay burtey lana caddeeyey afduubka sharciga lagu hayo in la yiraahdo, war ninyahow ma diyaarsanid oo waa lagaa adkaadey ee isa soo diyaari, waxay ahayd sida sharcigu qabo in Cabdifataax la siidaayo 04.09.2010 , mar haddii aysan ahayn dacwadda xeer ilaalintu mid sharci ku dhisan. Laakiin Garsoorkii Puntland, xaalkoodu waa “…Waxaan arkaa wax ilguruxeed ka weyn…” oo Reenka iyo hinraagada Aarka Garoowe ayaa soo gaareysey. Hadaba Cabdifataax yuu u xiran yahay? Waxaa maalintii doraad (06.09.2010) ku ekeyd waqtigii loo qabtey Xeer-ilaalintu in uu dacwadiisa ku soo diyaariyo, waxaana soo baxdey in cadaadis weyn la soo saarey Maxkmadda Rafcaanka, caddaadiskaas oo ka yimid xubno ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, kuwaas oo amar qayaxan ku siiyey in arinta Cabdifataax aan mar danbe Rafcaan la horkeenin, kadib markii sharci ahaan la arkey in gartu Cabdifataax la jirto isla markaana uu ku xiran yahay sharci darro. Sanadkii 2003-dii Cabdifataax Jaamac waxa uu ka mid ah qorayaasha wargays ka soo bixi jirey Bosaso, waxaana markaas wasiirka Maaliyadda ahaa Madaxweynaha hadda ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Maqaal ku soo baxay joornaalkaas ayaa looga hadley musuqmaasuq markaas ka taagnaa wasaaradda maaliyadda, waxaana Cabdifataax dacweeyey Faroole waana la xirey, waxaa la isla tegay Maxkmadda, waxaana Cabdifataax xoriyadiisi siisey maxkmaddii waagaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed. Todoba (7)sano kadib Madaxweyne Faroole ma hilmaamin arintaas, waxaana uu marar badan sheegay in Ninkaas (Cabdifataax)uu mucaarad ku yahay isaga, Madaxweynaha Puntland ayaa arintaas si toos ah ugu sheegay Maamulka Horseed Media, mar uu kala hadlaayey arimaha saxaafadda iyo maamulkiisa. Maalinta ay dhacayso (14.08.2010) Maxkmadda Cabdifataax xukunka xaqdarada ah ku ridey, iyada oo uusan dhicin xukunku waxaa soo galay Taliyaha qaybta gobolka bari Col.Afdalow, waxaana uu telefankiisi gacanta oo markaas uu qof kale kula hadlaayey uu si gaar ah ugula faqay Guddoomiyaha Maxkmadda Derajada Kowaad ee xukunka looga fadhiyey, isaga oo aan wax jawaab ah celin, ayuu gudoomiyuhu telefonka ka soo jeestey, isla markaana aan wax hadal ah celin, daqiiqado kadibna waxa uu ridey gartii leexsanayd, Waa arin aan sharciga waafaqsanayn in Guddoomiyaha oo ku jira xaalad uu wax ku xukumaayo in telefoon loo keeno, taas oo caddeyneysa in meesha ay shaqeenayeen amaro ka yimid meelo kale. Baaritaan Horseed Media samaysey ayey uga soo baxdey in Cabdifataax uu u xiran yahay ”SHARCI DARO” iyo adeegsi Awooda DOWLADEED , waxaana muuqata in Cabdifutax aan loo ogolaan markale in uu helo xaquuqdiisa sidii dhacday 2003-dii oo ay maxkamad isla tagaan Mas’uul dowlada ka tirsan oo xiligan ah Madaxweynaha Puntland. Xaaladda Caafimaad ee Cabdifataax Cabdifataax oo bishii Ramadaan oo dhan ku jirey Xabsiga ayaa sheegay in askarta xabsiga dhexe ay ayaamihii danbe si wanaagsan ula dhaqmaan, laakiin waxa uu sheegay in maskaxiyan ahaan arintan darteed uu aad isugu buuqey, waxa uu sheegay in maalintii banaanka laba jeer loo saaro laakiin habeenkii oo dhan uu ka dul shidan yahay Nal ama Laydh aan lahayn meel laga demiyo, iyada oo kuleyku maraayo in ka badan +400 C, Xiliga Bosaaso uu yahay waqtiyaddii ay ugu kuleleyd. Mar aan weydiiney khabiir arimaha bini’aadanimada ka shaqeeya waxa uu sheegay in Maxaabiista oo Nalka lagu shido 24saac ay tahay jirdil qaynuunka caalamiga ah ee maxaabiistuna uu sidaas u aqoonsan yahay, sidoo kale haddii ay tahay goobtu mid kulul oo dhaafsiisan heerka nolosha caadiga ah waxa uu qofku u baahan yahay in fursad loo siiyo in uu helo layrta, waxaana dhici karta in qofka dhiigu ku furmo haddii kuleykaas aadka u adag iyo nalka joogtada ah lagu hayo. Gunaanad Maamulka Horseed Media, waxa uu isku dayey waxkasta oo arintan lagu qaboojin karo isla markaana loo mari lahaa si sharciga waafaqsan, taas oo ah xuquuq asaasi ah oo dastuurku siinaayo muwaadin kasta, waaba haddii warqadaha la dhigtey ay yihiin kuwo la aqoonsan yahay. Waxaan mahad balaaran u celineynaa dhamaan hay’adaha saxaafadda ee Soomaaliya, kuwaas oo garab istaagey qaddiyadda Cabdifataax Jaamac Mire, sidoo kale waxaan Mahad u celineynaa dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee canbaareeyey xariga Cabdifataax isla markaana nagu dhiiri geliyey in qaddiyada Cabdifataax ay noqoto mid la gaarsiiyo meel kasta, isla markaana laga dacweeyo cidkasta oo ka tirsan Madaxda Puntland ee arintaan lug ku yeeshay, waxaana si gaar ah Mahad ugu celineynaa CPJ, Reporters with our Border, IPI, Amnesty International oo balan qaadey in ay arintan hay’adaha caalamka iyo kuwa ku hawlan arimaha Soomaaliya kala hadli doonaan. Maamulka Horseed Media waxa uu mar kale maamulka ugu baaqayaa in uu dib uga fiirsado falalka caynkan oo kale ah ee sumcadii maamul ee Puntland dhaawaca gaarsiinaaya. Maamulka Horseed Media
-
@iska baroori lahaa. Somaligaaga ma jiro runtii.
-
Harper doesn't strike me as man who will run away from a fistfight. Adiga ma dagaalami lahayd haddii lagu dharbaaxo out of the blue?
-
Canada wazaarad waaye!! intakalena? Wakaalad waaye!!! shukumaan iyo baaldi biyo aan ka daba wadaa nooh seecamal! LOL MMA, filinka la daaray aanka heley.
-
that's why I highlighted his name. Waa la feedhey maskiinka, laakiin I think he held his own (or else ). Taiwan iyo South Korea waaba ritual in la isku rifo baarlamaanka iyo xafiisyada dawlada.
-
^^ 32619 been been kuma aadan tagin walee.
-
The dictionary he has done will allow the transmission to children of this great legacy of their ancestors. "A child who does not speak his native language correctly will experience all the evil in the world to control those of others," observes Salah Hashi. Besides his work will be a "vital tool" in the basic education of the Somali language. Allah u naxariisto Salah. Reerkiisana, Allah samir iyo iiman ha ka siiyo.
-
In Somalia Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku feedhay yeedhmada wasiirka Maaliyadda Khamiis, 26 August, 2010 (HOL)- Labada Mudane oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku farosaaray shir ay ku lahaayeen xaruntooda Hargeysa. Labadan Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Diiriye ( Nacnac ) iyo Ibraahim Axmed Haybe, kana wada tirsan guddi-hoosaadka joogtada ah, waxay isku maandhaafeen arrimo la xidhiidha in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. “Arrintu waxay ka dhacday ina Xaashi (wasiirka Maaliyadda) – waxaanu isku maandhaafnay aynu u yeedhno iyo saddex todobaad buu meesha joogay, mushaharooyinkii waa kan bixinaya, dayn badan baa lagu leeyahay, wax aynu imika ugu yeedhnana ma haynee aynu dib u yara dhigano, dabadeedna markaas buu caytamay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiye kuxigeenka guddi-hoosaadkaas. “Guddi ahaan baanu shir lahayn, shirkana anigaa gudoominayay,” ayuu raaciyay. Waxa uu sheegay in Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe uu ku doodayay in loo yeedho wasiirka Maaliyadda Somaliland. “Waaba loo yeedhayaaye, hadalka iyo doodan aan muhiimka ahayn inaga daa baan ku idhi, dabadeedna intaas buu ka xaqaanay, ka dibna Feedh buu igu dhuftay , waxbana ima yeelin oo waa nala kala qabtay,” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. “Ismaandhaaf uun bay ahayd, had iyo jeerna Xildhibaanadu way isku qayliyaan, wax mushkilad ahina meesha ma taalo,” ayuu raaciyay. Mar la waydiiyay waxa ay ugu dambayn ku dhameeyeen arrinta u yeedhista wasiirka Maaliyadda ee gacan-ka-hadalka Xildhibaanadu ka dhashay, waxa uu sheegay inay wasiirka u yeedhi doonaan Salaasada dambe, si ay guddi ahaan wax uga waydiiyaan arrimaha Maaliyadda dalka. Labada Xildhibaan ee is farosaaray, waxay ka wada tirsan yihiin xubnaha golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxayna ka soo wada baxeen gobolka Hargeysa. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somalia. --------------------------- In the Czech Republic --------------------------- In Bolivia --------------------------- In Russia --------------------------- In Sri Lanka ---------------------------- In the Ukraine ---------------------------- In S Korea ---------------------------- In the U.S.A Alabama style ---------------------------- In Taiwan Waa qosol miiran kuwani. ----------------------------- In India means tuur wixii ku dhow lee, ama kursi ha ahaado ama microphone. ------------------------------ In Mexico ------------------------------ In Jordan ------------------------------ In Nigeria "You are corrupted, no you are" ------------------------------ In Canada Canadian politicians hate violence That is why I love Canada.
-
How to eat nutritious food and stay fit this Ramadan
Somalina replied to Chocolate and Honey's topic in General
C&H, I also think you should eat more dates and perhaps a banana at afur time for energy boost. Limit you coffee intake to one cup and drink more water. Add more protein to your diet, and don't skip on suxuur. I don't know if you are taking any vitamin supplements, but you should consider it. I hope that helps. Get better soon. -
The real Federation of Somali States, established by Puntland
Somalina replied to Land_Soldier's topic in Politics
So that is why I think its time to create the real Federalism in South-Somalia. And Puntland should be in the forefront, as it is the first state established in Somalia Really!! It is nice to dream of 1 qabiil solving Somalia's problems, innit? :rolleyes: -
Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Maka yaabtay, Nuunka. A separatist accusing another Soomaali being a traitor and anti-unity. Waa yaab. Adduunkii upside down iska ah. ^^ upside down, outside in, back to front, and bottom to top. Wax walba waad arkeysaa aduunkaan.
-
How to eat nutritious food and stay fit this Ramadan
Somalina replied to Chocolate and Honey's topic in General
^^ bal waxaad qori jirtey i tus, hadii kale kiyaakaraha naga daa. p.s. wixii aan fahmin waa lay fasiraa. It is nice having a turjubaan at my disposal 24/7. -
^^ I'm with MMA, you are right, reer Kanata waa beezaniyaal. I don't know about Tuujiye though, wuu na ceebeeyaa kaas. Ismalura, your status will change sooner (few hundred posts I think) than you think, so keep on participating walaal. Btw, are you from Beacon Hill? my old neighborhood, go Gators!
-
"I'm not being biased" Konfiiniyeeyntili'!!
-
How to eat nutritious food and stay fit this Ramadan
Somalina replied to Chocolate and Honey's topic in General
Showqi, unfortunately Baqti Lagde wiilkiisa muusan maqal political satire wax la dhaho weligiisa. Adiga horeyba waad fahamtey, marka Xamarawi legit aad tahay unlike isku sheegaas. p.s. you are welcome. -
How to eat nutritious food and stay fit this Ramadan
Somalina replied to Chocolate and Honey's topic in General
^^ Sheekada kore waxaa lagu qorey Janaale.com 4 sano ka hor, I stumbled upon it anigoo Cali Uraaye ka raadinaaya my bff oo ku magac dheer Google. Teeda kale, jacburis maan ku takhasusiyey? wah aan ku iri! Cidiyaheyga dhadheer, confusion iyo code writing lee laygu ogyahay.
-
Popular Contributors