Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. looooool@JB Aniga waxaa weli iga degi la' Xaaraan Daaq, sidee loo aaminey nin magacaas wata?. Magac xumaa, ma magacyadii ayaa dhamaadey belaayo na haysata!
  2. by Hibo Nuura "Ma miliclicdeen weli mana jiricooteen!" Si fiican weliba Hibo, bidix markaan eego weliba.
  3. Muqdisho (Shabelle– 27-09-2010)–: IDAACADDA SHABEELLE OO BAARITAAN DHEER KU SAMEYSAY KOOX ISKU DUUBAN OO DILALKA MUQDISHO MALEEGA, KUNA KALA SUGAN DALALKA MAREYKANKA, INGIRIISKA IYO SWEDEN... (FAALLO). Tan iyo markii ay ciidamadii cadowga ahaa ee Itoobiyaanka ka huleeleen geyiga Soomaaliya, waxaa soo if baxay kooxo Soomaaliyeed oo dibad joog ah oo shirqoolada dilalka ah u maleega waxgaradka Muqdisho, kuwaas oo markoodii hore qarsoonaa balse baaritaan dheer oo ay sameysay shabakadda warbaahinta Shabelle ay ku soo bandhigeyso kooxdaasi dilayaasha ah. Idaacadda Shabelle waxay ka mid tahay dhibanayaasha ay kooxahaasi sida cad u bartilmaameedsadeen una geysteen dhibaatooyin isugu jira dilal loo geystay masuuliyiintii idaacadda iyo weriyeyaasha, handadaad joogto ah, dacaayad iyo cagajugleyn, taas oo keentay inay shabelle u qalab qaadato sidii ay uga jibo keeni laheyd waxa ay yihiin kooxdan, si bulshada loogu soo bandhigo qatartooda. Haddaba idaacadda Shabelle waxay maanta bilaabeysaa inay dhegeystayaasheeda u soo gudbiso warbixino ku saabsan natiijooyinkii ka soo baxay baaritaankii ay muddo sanadka iyo bilooyin ah ku sameyneysay wax ay tahay kooxdan, sida ay u shaqeeyaan, waxa uu hadafkoodu ku qotomo iyo sababta ku kalifeysa inay ka shaqeeyaan beegsiga waxgaradka ka soo jeeda Muqdisho. Kooxdan maleegta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho iyo gobalo kale oo Soomaaliya ah waxaa u hormuud ah sedax nin oo isku heyb ah, isku jufo ah, kuna kala sugan sedaxda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska iyo Sweden. Baaritaankan oo shabelle ay soo waday muddo sanad iyo bar kudhow ayaa waxaa in la bilaabo sabab u ahaa kaddib markii kooxdani ay maleegeen shirqoolo ka dhan ah idaacadda Shabelle, kuwaas oo qaarkood keenay in la dilo saxafiyiin ka tirsanaa idaacadda iyo masuuliyiin, kuwaas oo dilal la qorsheeyey loogu geystay gudaha Muqdisho. Sedaxda nin ee hormuudka ah: 1. Nin lagu magacaabo Cabdiweli DALDOON oo isagu maamula Shabakadda lagu macagaabo SOMALIMEMO, kaas oo degan dalka Mareykanka, balse dhibaatada Muqdisho ka socota aad uga qeybqaata kaalin weyna ku leh tacadiyada dhacaya. Ninkani wuxuu ka soo jeedaa magaaladda Gaalkacyo dhanka Puntland, wuxuuna ahaa ninka maamula website-ka SOMALITALK, haatana wuxuu aad ugu mashqulsan yahay qorsheynta, buunbuuninta iyo fulinta dilalka lagu bartilmaameedsanayo inta yar ee ka hartay waxgaradka Muqdisho. Qofka ay kooxdan dilkiisa in la fuliyo doonayaan waxay ku soo qoraan website loo sameeyey in lagu fuliyo dhibaateynta ummadda, laguna fuliyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah dadka waxgaradka ah ee Muqdisho kaas oo cinwaankiisu yahay somalimemo. Ninkan Soomaalida reer Minasota waxay u yaqaanaan, Cabdiweli DANDOON, halka Gaalkacyo iyo hareereheedana looga yaqaano INA XAARAAN DAAQ, waana nin naceybka iyo qabyaaladda kaliya ka shaqeeya oo waqti badan geliya. Ninkanu ma ahan nin diinta wax ka yaqaana, balse wuxuu haatan sheegtaa inuu yahay macalin dugsi quraan, wuxuuna isagoo qamiis gashan isku soo bandhigaa website-yada uu isagu maamulo. 2. Ninka labaad waa nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif, Kani waa milkiilaha shabakadan dilalka qorsheysan lagu fuliyo ee SOMALIMEMO, wuxuuna degan yahay London, wuxuuna ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxayna qaraabo yihiin INA XAARAAN DAAQ. Cabdiwaaxid wuxuu ahaan jiray dhalintii ay barbaariyeen Al Itixaad, wuxuuna wax ku qori jiray shabakadii Alitixaadku lahaan jireen balse dhalinta beeleedka ay la wareegeen ee Somalitalk. wuxuu qormooyinkiisa intooda badan ku gaaleysiiyaa culimada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kismaayo. Haatan wuxuu ka mid yahay sedaxda nin ee ku masuulka ka ah shabakadan loo adeegsado shirqoolada ummadda iyo maleegida dilalka, wuxuuna bixiyaa qarashaadka ku baxa dadka dilalkooda la maleegay ee la fulinayo, isagoo dhaqaalahaasina ka soo aruuriya ummadda Soomaaliyeed ee reer London oo uu u sheego in aqoon loogu deeqayo. Culimada, odayaasha iyo aqoonyahanka dilkooda la sii qorsheynayo waxaa lagu soo qoraa shabakadda Somalimemo, si haddii ay ka fakadaan kooxdooda ay u dilaan kooxaha jihaad doonka ah, waxaana qofka la beegsanayo ay ku eedeeyaan inuu Bahuuko la shaqeeyo iyo inuu dowladda ka tirsan yahay, taas oo dhalin karta inay kooxaha dowladda ka soo horjeeda qofkaasi u dhibaateeyaan qoraalkaas shirqoolka ah ee laga soo dhigay website-ka Somalimemo dartiis. 3. Ninka seddaxaad waxaa lagu magacaabaa Suldaan Garyare, wuxuu degan yahay dalka Sweden, wuxuuna ka tirsanaan jiray isbaheysigii dib u xureynta garabkii Sheekh Xasan Daahir. Haatan waa wakiilka Xisbul Islaam ee Sweden, wuxuuna halkaas uga soo aruuriyaa lacago, balse qorshaha uu ugu jiro Xisbul Islaam waa inuu ku gaaro hadafka qalafsan ee ah beegsida waxgaradka. Suldaan Garyare, ma ahan nin Suldaan ah, waa nin magacaasi ula baxay naanees ahaan iyo inay bulshada u aragto nin wanaagsan maadaama magaca suldaan uu yahay magac ay bulshada xushmeyso. Waxaa lagu xasuustaa inuu yahay ninkii dadka reer Muqdisho ee barakacsan ku amray inaysan guryahooda dib ugu soo laaban karin kaddib markii axmaaradii guryahoodii ka saartay ay ka huleeshay Muqdisho xiligaasi oo dadkuna doonayeen inay geedaha ka soo hoos kacaan oo guryahooda ku soo laabtaan. Garyare, wuxuu ka mid yahay shabakad ahaan kuwa maleega shirqoolada lagu dilo dadka reer Muqdisho, wuxuuna u qaabilsan yahay dhanka ka talo bixinta qofka ay muhiimka tahay in la dilo ama la barakiciyo. Garyare kama tirsana maamulka SOMALIMEMO, balse wuxuu ka tirsan yahay sedaxda nin ee maleegaya shirqoolada, isla markaasna shabakadaas u adeegsada dacaayadda qofka uu dilkiisa u suuroobi waayo si ay ugu abuuraan cadow kale oo u dila, Wuxuu isagana ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay isku jufo yihiin labada nin ee kore, haddana inuu qaraabo la yahay umay xaqiiqsana Shabelle. Sedaxda nin waxay kor ka maamulaan koox dhalinyaro ah oo kala joogta Muqdisho, Puntland, iyo dalalka ay ku sugan yihiin, kuwaas oo ay u adeegsadaan inay u fuliyaan hawlahooda guracan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilalka qorsheysan iyo hawlo basaasnimo, taas oo daliilaheeda ay ku sugan yihiin shabakadaha ay maamulaan ee SOMALIMEMO. Bishii Maajo ee Sanadkii hore ayey aheyd markii Shabakada Somalimemo. la soo dhigay war lagu sheegay in idaacadda Shabelle ay iibsatay safaaradda Mareykanka, kaas oo ahaa war aan sal iyo raad toona laheyn balse ujeedo gaar ah laga lahaa, maalmo dabadood waxaa la dilay Weriye ka tirsan idaacadda shabelle Cabdirisaaq Warsame Maxamed Allaah ha u naxariistee. Bil kaddib ayaa shabakadan Somalimemo la soo dhigay qoraal kale oo ay cinwaan uga dhigeen ”Idaacadda Shabelle oo laga siideyn doono barnaamijyo ka dhan ah Mujaahidiinta Alshabaab iyo Xisbul Islaam” Taasina waxay keentay in barqo cad ay koox hubeysan suuqa Bakaaraha ku dhex toogtaan agaasimihii Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe Naxariistii Janno Allaah ha siiyee. Shirqooladii ay kooxdani u dhigayeen waxgaradka Muqdisho way sii socdeen, waxayna kordhiyeen dacaayado ujeedkoodu yahay dilalka lala maaganaa shaqaalaha shabelle, taas oo kentay inay shabelle u qalab qaadato soo helitaanka cidda ka masuulka ah maleegida dilalkan qorsheysan. Waxayna kooxdan olole weyn u gashay inay xaqiijiso dilka inta ugu waxgaradsan reer Muqdisho ee ay u arki karaan inay bulshada muhiim u yihiin. Qorshayaashaasi qaar way fuliyeen qaarna way ku guul dareysteen taas oo ay sabab u tahay iyadoo aysan tooda soo galin. Waxgaradka ay shirqoolada dilka ah u maleegeen ee inaan tooda soo galin darteed kaga fakaday waxaa ka mid ah Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo labaduba kaalin aan Soomaalidu ilaabi doonin ka soo qaatay la dagaalankii gumeystayaashii madoobaa ee itoobiya ee dalka Soomaaliya qabsaday, Waxayna labadan odey ahaayeen codka kaliya ee u hadla bulshada markii ay itoobiyaanku xasuuqayeen. Xilligii ay itoobiyaanku dalka heysteen Cabdiweli Xaaraan Daaq iyo Cabdiwaaxid Khaliif raalli ayey ka ahaayeen. Wuxuu Cabdi Waaxid isagoo Suud iyo Taay xiran isku soo sawiri jiray website-ka Somalitalk, halkaas oo uu ku qori jiray maqaalo taageero u ah Cabdulaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii ay xukuumadiisa taageerayeen Itoobiyaanka. Halka ina Xaaraan daaqna uu lahaa website-yo si xad ka bax ah u taageersanaa Cabdulaahi Yuusuf, kuwaas oo uu ka mid ahaa web lagu magacaabi jiray www.abaaqarow.com, wuxuuna halkaasi ku qori jiray qoraalo diin ka bax ah oo marka uu xusayo magaca Cabdulaahi Yuusuf uu raacin jiray ”RADIYALAAHU CANHU”, marka uu sheegayo magacyada Shabaab iyo Sheekh Xassan Daahirna wuxuu raacin jiray hadalo habaar iyo aflagaado ah. Ragani ku heshiiyey shirqoolidda Waxgaradka Muqdisho waxay borobagaankooda u adeegsadaan macaga jihaadiyiinta, iyagoo iska dhiga inay taageerayaal u yihiin, balse kama mid aha oo waa koox gooni ah oo hadaf gooni ah oo cuqdad beeleed ku saleysan aaminsan. Lama oga waxa ay ku saleysan tahay gocashadooda, balse waxay isasoo shaacbixiyeen markii uu xilka ka degay Cabdulaahi Yuusuf oo Shariifna kala wareegay, markaas oo ay ololahoodii website-kii abaaqarow ee ka dhanka aha muqaawamada u bedeleen Somalimemo oo isu muujinaya inuu la safan yahay Shabaab iyo Xisbul Islaam. Cabdiweli Xaaraan Daaq oo la weydiyey sababta uu Shabelle mar walba beenta uga sheego ayaa ku jawaabay, ”Shabelle waxaa iska leh rag ka soo jeeda beel aan necbahay, waxaan jeclaan lahaa in mar qura la wada dilo dhamaan shaqaalaha iyo maamulka idaacadda”. Hadalkan oo u muuqda mid naceyb weyni ka muuqdo ayuu Cabdiweli u sheegay saxafi ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee webkiisa wax ku qora, wuxuuna saxafigaasi sheegay inuu u maleyn jiray Ina Xaaraan Daaq nin wadaad ah, balse ay u cadaatay inuu qamiiska gashaday markii uu Cabdulaahi Yuusuf xilka ka tagay si uu taageerayaasha muqaawamada isugu ekeysiiyo gaar ahaanna ururka Alshabaab Almujaahidiin. Ugu dambeyntii inagoo intaasi ku soo koobeyna qeybtii hore ee araarta u aheyd warbixino taxane noqon doona ayaan dhegeystayaashada idaacadda iyo aqristayaasha shabakadeena u balan qaadeynaa inaan u soo bandhigi doonno natiijooyinkii ka soo baxay baaritaanadii ay Shabelle ku sameysay kooxdan, gaar ahaan qodobadan soo socda: 1. Dilalka qorsheysan ee ay sedaxdan nin gacanta ka geysteen ee ka dhacay Muqdisho. 2. Gacantii ay ku lahaayeen soo dirida caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha laga soo diro ee Muqdisho ka dagaalama ama isku qarxiya. 3. Dhaqaalaha ay ka aruuriyaan ummadda Soomaaliyeed ee qurbe joogta ah ee ay kaga qaadaan in jihaad lagu taageerayo balse loo adeegsado fulinta dilalka qorsheysan. 4. Arrimo sheegaya kulan dhex maray wiil ka mid ah wiilashii Soomaaliyeed ee inta Mareykanka ka soo tageen Soomaaliya isku qarxiyey iyo Cabdiweli Xaaraan Daaq (Daldoon), kulankaas oo ka dhacay maqaayad McDonald ah. 5. Wadaado reer Puntland ah oo uu ka mid yahay Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire oo u xiran shirqool basaasnimo ah oo uu maleegay Cabdiweli Xaaraan Daaq, kaddib markii wadaadka oo masjid ka qudbeynaya cod sir ah ay ka duubeen wiilal u shaqeeya Xaaraan Daaq, kaddibna soo dhigeen Shabakada, taas oo keentay in qadaadka ay xiraan ciidnka Puntland. 6. Iyo warbixino kale oo xasaasi ah. Dhamaan warbixinadan waxay noqonayaan kuwo todobaad walba mar soo baxa, waxayna dhegeystaaya iyo aqristayaasha Shabelle kaga bogan doonaan shirqoolada ay maleegaan kooxda damiirlaawayaasha ah, insha Allaah. Hadaba Waa kuwan hoos ku qoran Wararkii ugu danbeeyay ee sedaxdaani ay ku shirqoolayeen Shaqaalaha Shabelle iyagoo ku soo qoray Wabseedka Shirqoolka umada Soomaaliyeed ee Somalimemo. waxaana wararka ka muuqda Caadifada Qaabiil ee dadkaasi ku jirta.
  4. FYI: Alaabtaan hadhegeysan hadduu jecayl iyo jahwareer ku haayo. With lyrics Yaa salaam! fanaanad waa tanaa inta kale been. --------- Onkod by Abdi Tahliil (the best of the best). Alaabtaan gurigeena ayaa laga shidi jirey sidii in jinni la buurinaayo camal. lol....
  5. by Fuad Omar Heesa aan kor ka aqaano, heestaan ayaa ka mid ah...ya salaam. Ogoow naftaa kuu ooman adigee imisaa adoo kale arji ii la timidoo oofin maayo aan iri aawadaa u joojiyey ___________ Aqiyaar, heestaas waa culustahay yaaqee. Allah ha kuu fudodeeyo, waa dhibaateysantahayee.. and Awguuriyo bro... lol@Buuxo, I was wondering the same thing.
  6. by Sugaal Cabudulle Cumar Gabayga qoraalkiisa xageen ka raadiyaa?
  7. lol@KK, what is qowdhanoow? Congrats JB. Waxaad soo baratay na tus hadda kadib.
  8. Muqdisho: (Sh. M. Network) Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas ayaa Maanta Magaalada Muqdisho tababar aqoontooda kor loogu qaadayo ugu soo gaba gabeysay Kalkaaliyaal Caafimaad oo ka howlgala Isbitaalada Magalada Muqdisho. Tababarkaani oo soconayay ku dhawaad hal bil islamarkaana ay soo qaban qaabisay Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas oo ah hay’adiid ugu horeysay oo gurmadka deg deg ah u fidisa dhaawacyada dadka rayidka ah ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay gudaha Magaalada Muqdisho. Tababarka oo ay ka soo qeyb galeen kalkaaliyaal caafimaad oo ka kala socday Isbitaalada gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Madiina Banaadir iyo Dayniile ayaa waxaa uu ku sabsanaa sidii kalkaaliyaashaasi Caafimaad ay uga qeyb qaadan lahaayeen badbaadinta dadka ku soo dhaawacma Colaadaha ka jira Soomaaliya, iyadoo wax dhib ah aysan u geysan. Dr C/qaadir C/raxmaan Aadan oo ah madaxa hay’adda Aamin Voluntary oo markii uu soo gaba gaboobay tababarkaasi kadib la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay intababarka ay ku fahan siinayeen kalkaaliyaasha caafimaad ee ka soo qeyb galay qaabkii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka rayidka ee ku dhaawacma colaadaha jira iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen hay’adda uu madaxda ka yahay. Max’ed Sheekh Cali oo ka mid ahaa Kalkaaliyaashii Caafimaad ee ka socday Isbitaalka Madiina ee ka qeyb galay tababarkaasi oo Shabelle hadlay ayaa waxaa uu sheegay in tababarkaani ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay wax badan ka faa’iideen howlaha caafimaadka. Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas oo la aas aasay sanadkii 2009-ka ayaa tan iyo markii la aas aasay waxaa ay qaaday dhaawacyada dad rayid ah oo aad u farabadan kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho.
  9. Sunday, 26 September 2010 Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka BAnaadir ayaa faah faahin ka bixiyay maanta howlhaladii Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlgalo dhawaanahaan ciidamadda dowlada ay ka wadeen deegmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka gacan ay ku heyso dowladda KMG. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay intii howlgaladaas ay socdeen ay soo qabteen qalab isugu jira waxyaabo qarxa, iyo kuwa Maanka dooriya iyo waliba dad uu sheegay inay ku howlanaayeen inay falal amni dara ah ay ka geystaan degmooyinka dowladda ay ka taliso, wuxuuna tilmaamay in gacan ay ka geysteen ciidamadda nabad sugida soo qaqabashada waxyaabahaas qarxa iyo waliba dadkaasi uu sheegay inay ku howlanaayeen inay falal amni dari ka geystaan degmooyinka dowladda ay gacan ku heyso. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu kaloo uu tibaaxay in cadeyn ay ku hayaan dadkaasi isagoo tilmaamay in maamulka gobolka Baanadir ay ka go’antahay inay xaqiijiyaan amaanka degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda KMG kuwaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku soo bateen dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab islamarkaana qaraxyo ka geysan raba. Hadalkaan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mudooyinkii u danbeeyay howlgalo baaritaanaa ay ka sameynayeen ciidamadda dowladda degmooyinka ay gacanta ku heyso. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  10. Axad, September 26, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka guud ee Qarammada Midoobay, ayaa sheegay in Xarrakatul Shabaab ay khatar ku tahay dowladdiisa iyo dalalka kale ee gobolka. "Dowladda Soomaaliya, waxay dagaal kula jirtaa Al-shabaab oo xiriira la leh ururka Al-Qaacida, waxayna ka geysteen gudaha dalka Qaxyo badan, waxaana ka mid ahaa qaraxii ka dhacay Baladweyne, Hotel Shamow iyo Hotel Muna, kuwaasoo lagu dilay xidhibaano, wasiirro, arday, dhaqaatiir iyo waalidiin," ayuu Madaxweyne Shariif u sheegay madaxdii dhageysanaysay. Madaxweynaha oo ku khudbeynayay afka Carabiga, ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo dhibaato badan geystay, lagana soo abaabulay dalka dibaddiisa, isagoo sidoo kale sheegay in Xarrakatul Shabaab ay mas'uul ka ahayd qaraxyo ka dhacay magaalada Kampala oo lagu dilay 75-qof oo ciyaaro daawanayay. "Xarrakatul Shabaab, ma ahan urur doonaya in dalka uu dowlad ka dhiso, sidoo kale ma doonayo jirtaanka dowladda Soomaaliya, balse ujeedadoodu waa inay geeska Afrika ka aasaasaan saldhig ay dagaallada ka qaaddo Al-Qaacida," ayuu Sheekh Shariif yiri. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xarrakatul Shabaab iyo Al-Qaacida oo isku duuban ay doonayaan inay weerarro ku qaadaan naxdin leh ku qaadaan dalalka dariska ah, isla markaana ay badaha ku weeraraan maraakiibta, kaddibna ay calaamka u gudbaan. Madaxweynaha oo khudbaddiisu ay u badnayn dagaallada ay dowladdiisu kula jirto Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayaa labadan kooxood ku eedeeyay inay dhibaatooyin kala duwan u geystaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo isugu jira dil, qoor-goyn iyo falal kale oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo argagax leh. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay burcadbadeedda oo uu ku sheegay argagaxisada badda, isagoo sheegay in maraakiibta ay afduubaan ka helaan lacago badan, isagoo xusay inuu jiro xiriir dhaqaale iyo mid akhbaar uu u dhexeeya kooxaha dagaalka kula jira dowladdiisa iyo burcadbadeedda. "Arrinta afduubka maraakiibta haddii aan wax laga qaban, waxay si dhaqso leh isugu badali kartaa, in la qarxiyo maraakiibta lana dilo shaqaalaha la socda, halka haatan laga qaato madaxfurasho lacageed oo keliya," ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in afduubka maraakiibta uu si toos ah ugu xiran tahay dagaallada barriga ka jira, haddii aan si dhameystiran wax looga qabanna ay xaaladdu ku dhammaan doonto guuldarro. "Waxaan jeclahay, inaan dahaarka ka qaado arrin shacabka Soomaaliya khatar ku ah mustaqbalka dhow iyo midka fog, taasoo ah kalluumeysiga sharcidarrada ah ee ka jira baddaha Soomaaliya iyo sunta lagu daadiyo, taasoo raad xun ku leh qofka iyo deegaanka," ayuu yiri Shariif oo intaas ku daray in Soomaaliya lagu arkay cudurro aan horay uga jirin. Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay dowladda uu hoggaanka u hayo, isagoo sheegay in shirkaas uu ahaa mid guuleystay, laguna soo dhisay xukuumad ballaaran oo laga wada mid noqday, wuxuuna sheegay inay iska difaacday dowladda dagaallada kaga imaanaya kooxaha diiddan. Isagoo soo hadal-qaaday dhinac dib u heshiisiinta, ayuu sheegay inay heshiisyo hordhac ah la gaartay Ahlusunna Waljamaaca iyo Xisbul Islaam, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dowladda uu majaraha u hayo ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay dajisay qorsheyaal lagu xasilinayo dalka oo dhan, waana markii labaad oo Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka qaybgalayo shir-weynaha guud ee Qarammada Midoobay, isagoo khudbadihii uu ka jeediyay caalamka kaga codsatay in la taageero dowladdiisa awoodda yar. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Abdi Hajji Hussein - AHN News Correspondent Sunday, September 26, 2010 Mogadishu, Somalia (AHN) - Admiral Farah Ahmed, who commands the Somali government’s navy, said Sunday that Somali naval forces will start anti-piracy operations off the country's coast, the second longest in Africa, where pirates have increased their attacks to seize vessels in the Gulf of Aden and Indian Ocean shipping lanes. A lot of new Somali naval forces were trained and ready to begin operations to fight with Somali pirates,” Ahmed told a local radio station, adding that many coast guard crews would be trained. He said the navy will focus on defending resources of Somali coasts from illegal fishing vessels and on maintaining security. Warships from the United States, Britain, Japan, France and other countries have been patrolling waters off Somali in an anti-piracy task force, but have been unable to uproot the problem of piracy. Somali pirates continue to operate. The international community has been focused on training Somali ground forces--military and police--to defend the weak Western-backed government from the powerful Al Qaeda-linked group Al Shabaab. But Somalia’s naval forces are newly coalesced forces and it is unknown how they can prevent the surge of pirate attacks. The statement by the head of the Somali navy comes as world sailors called for global action against Somali pirates. Source: AHN
  12. Originally posted by Kool_Kat: Maxaa dhacay? Adoo Xaawa Taako ama Yaasiin Cismaan usocotid kabaha kiyuusaha malaguu luujiteen boosteejada buses-ka Shabeele agtiisa? I don't take it inaa tahay kuwa iskoolka dacas ku imaan jiray? Mise Shabeel o aa kuqososhay? looooooool...haa Naga daa yaaqoo! adiga & Tuujiye waxaad soo qortiin sidaan u aqrinaayey, waa halaabey!
  13. Aqiyaar, #2 si fiican ayaan u xusuustaa in detail weliba! jidadkas kale ma xasuusto! Hamburgerka no5 ku yaaley, iga daa yaaqoo. Aduun waakaas nooh! Wallee inaan kaa harin Xamareey! Daankiis ageen Aqiyaar, or should I say Tiijer! p.s. si fiican ayaan u xusuustaa jidkaas MMA, now that you've added the pic.
  14. Originally posted by Kool_Kat: Nina, ani iyo adi business idea-deena iyadooba bilaaban baaba ku kala kacnay, maxasuusatid miyaa? Midkalaa hadana? Muqdisho ama ku fiyaatee ama ku jimicso, adilee waaye...Ani mar mar boqolkoo dollar waan kugu soo tuuraa lee... Xamar hadaan Kabuuti ka adeeganeen, Aaran hambeergar ka cuneen, Gurguurte patio-giisa casho lafariisaneen, Hotel Taleex bashiinadiisa ku dabaalaneen, Boro back to school shopping kasuubineen, Yaawali iyo Kitoosh birthday party ii duubeen, Shabeelo kabo la'iigu luujiteeneen, Bakaaraha qudaar ka gadaneyn, Wardhiigley hilib ari kadoonaneen (just to name a few), Xamar meesheeda iyo meel dheer hajoogto...Barafkeyga iyo Canada aa igu ogtahay... looooooooooooooool Kursiga ka dhacay markaan maraayey Shabeelo. Classic KK.... 100 dollar yaa diidaayo, waaba mushaarkii shaqaalahee! War isoo tuur, intaasaaba investment eh!
  15. lol@tabalcaaro... Iskuus miiiii maay diyeer Koolo! say woot! Okiyaalaha aniga ayaa iska leh, maxaa yeeley I represent it to fullest! Hada ka dib konfiyuushin ayaa dhici doono. And to avoid the confusion, it is better if we vote now on who you should keep it forever!
  16. Macruufoow, daankiis! Sartaas, walaalahey iga waaweyn ayaa after school ingiriis lessons ka qaadan jirey. Yaa xasuusto, naasahablood bakery? rooti kulul, abaabah! (tuujiye influence). Mar dhow waa socdaa mugoo! Haddii aad iga war heli weysaan yacni Muqdishu ayaan ku fiyaateynooya, dead or alive! MMA, waa ku sheegey mar hore, macallin iska noqo (no err...never mind).
  17. Koolo cadeey, yaah? Dukaankaas, waa xasuustaa si fiican, weligey ma iloowaaye the kite laygaga soo gadey, weliba colourkeeda ayaa ii muuqdo. Naga daa niyadjab talks walaashiis. Dadkaas videoga ku jiro maba ka qasna, danahooda ayey iska wataan, weyba shidan tahay meesha. Aniga business opportunity ayaanba ka arkey meesha, ee lacag ma igu darsanee? Sxby, haddii Rwanda nabad ku soo noqotey, aniga rajo weyn ayaan ka qabaa Somalia ee bal diracyada qarashkooda naga ilaali mar danbe oo wax aruurso. Soomaliya Ha Noolaato!!
  18. Bless our mothers and sisters! Masha Allah and keep up the great work! Thank you Xudeedi for sharing!
  19. Muqdisho iyo maanta Hees macaan 'Waxaan rajeynayaa Soomaloow is raacdo Waxaan rajeynayaa riyaadeda rumoowdo Waxaan rajeynayaa nabad iyo raaxo' ____________ Xaafada aan ku dhashay aan ka arkey videoga but I could be wrong. Yaan weydiiyaa? oh I know! Aqiyaarow, shineemo ekwatoore ma ahoo biloowga videoga? Number Afar ma ahan ha i dhihin lee p.s. Adigaa mudan Nassir
  20. Originally posted by Xudeedi: President Sheikh Shariif Sheikh Ahmed will still be the KING. I like this new Policy. looooool
  21. Max’ed Macalin “ Waa uu fashilmay heshiiskii Shabaab iyo Xisbul Islaam” Nairobi: (Sh. M. Network) Xoghayaha arimaha dibada ee Ururka Xibul Islaam Sheekh Max’ed Macalin ayaa sheegay in uu fashil ku dhamaaday wareegii labaad ee wadahal ay ku midoobayeen Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam. Xili loo wada dhegtaagayay halka uu ku dambeeyay wadahadal ay ku midoobayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam kaasi oo garwadeen ay ka ahaayeen gudi loo xil saaray dhex dhexaadinta labada dhinac ayaa saraakiil ka kala socotay xisbul Islaam iyo Shabaab, ayaa xubno ka tirsan Xisbul Islaam waxaa ay sheegeen in uu bur buray oo uu fashilmay wadahadalkii u socday Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam. Sheekh Max’ed Macalin Cali oo ah xoghayaha arimaha dibada ee Ururka xisbul Islaam oo isagoo ku sugan dalka Kenya wareysi siiyay Wabseedka Al Jazeera ayaa waxaa uu shaaaca ka qaaday in uu fashilmay wareegii labaad ee wadahal ay ku midoobayeen Xisbul Islaam iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo koofurta Soomaaliya uga socday saraakiil ka tirsan Labada dhinac. Max’ed Macalin waxaa uu sheegay in fashilka kulanka uu yimid kadib markii Xisbul Islaam ay ka tanaasuleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in goobaha ay ku suganyihiin Xisbul Islaam ay ku wareejiyaan Al Shabaab iyo in hogaanka loo daayo Xarakada Al Shabaab hase ahaatee Al Shabaab ay u tanaasuli waayeen in la isugu yimaado magac dhex dhexaad ah oo ka madax banaan labada magac ee Shabaab iyo Xisbul Islaam kaasi oo ay diideen xubnihii Al Shabaab, saraakiisha Xisbul Islaamna ay dhibsadeen, sida uu u sheegay Wabseedka Al Jazeera Sheekh Max’ed Macalin Cali. Xoghayaha arimaha dibada ee Ururka Xisbul islaam waxaa uu sidoo kale Al Jazeera u sheegay in ay la xisaamtami doonaan golaha fulinta iyo Shuurada Xisbul Islaam oo uu sheegay in xubno ka tirsan labada gole ay xariir la leeyihiin dhinacyo kale oo ku lug leh siyaasada Soomaaliya kuwaasi oo uusan magacaabin, waxaana uu intaasi ku daray Max’ed Macalin in gacan bir ah ay ku qabanayaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka taliyaan, isagoo tilmaamay in Xisbul Islaam ay hayetsaan taageero ka badan kuwa shacabka ka heystaan Al Shabaab. Sheekh Mutaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hogaamiye ka tirsan Al Shabaab iyo Xasan Mahdi oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa horay is isku mid ah u beeniyay in uu fashilmay wadahal ka horeeyay kan hadda fashilmay hase ahaatee Hadalka Sheekh Max’ed Macalin oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbul Islaam ayaa cadeynaya qaabka ay wali isku mari la’yihiin Xisbul Islaam iyo Shabaab. Xisbul Islaam waxaa ay haatan ka taliyaan degmooyin iyo deegaano cayiman oo ka tirsan koofurta Soomaaliya halka Al shabaabna ay ka taliyaan inta badan koofurta iyo deegaano ka tirsan Bartamaha Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay ku kala fogyihiin siyaad ahaan iyo awood ahaan hadana waxaa la is weydiinayaa cida ay danta ugu jirto wadahadalada fashilmay ee ay ku midoobayeen AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.
  22. lol@Tuujiye....I represent my avatar camo kuusyaho!
  23. The Diaspora A group calling itself Somali-Intellectuals established a new e-group confined to the so-called Somali Intellectuals. They probably mean well but this is not the first effort. All previous efforts ended up in failure. A Somali Intellectual these days is an Oxymoron. Allow me to twist a poem by the famous Somali poet Cali Dhuux, “Aqoonyahan Dhugo, Dhankaagaa dalkaa looga soo dhacaye”. The fact remains that if there were Somali Intellectuals, we would not be in the mess we are in today. A University degree does not qualify one to become an Intellectual. I know that I am not. I know of illiterate Somalis who are more worthy of the title. I have a suggestion for these intellectuals. Form a permanent crisis group or think-thank that is qualified to diffuse potentially explosive situations in the country instead of relying on foreigners to resolve our problems. The group should have the capacity to travel to Somalia on short notice to pre-empt the kind of situations that can prolong the suffering of our people. Instead of fruitless debates on a Constitution that Togane labeled as any Oxymoron when he coined the phrase,” Klan and Constitution”, they need to muster the courage to travel to Somalia and challenge the leaders there with constructive ideas that can help us extricate ourselves from the influence of foreign meddlers. by Ali H. Abdulla Read the full article here