Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Suuqa Xoolaha oo laga xoreeyey Alqaeda. MashaAllah!
-
It's deep innit! BOB waa soo gelinaa Xamar Weyne IA.
-
looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
-
http://www.nogob.net/?p=10118 Big up to Fowziya and Anab. MashaAllah!
-
Wadankooda weeyaan, ogolaansho kaagama baahna.
-
Dadkan dantooda wey garteen, iney deriskooda wax laqeybsadaan ayaa danta ugu jirtaa. Maanta siyaasad baa lagu tartamaaya aduunka, kii caqli leh wuu ogyahay xalku meeshuu jiro, qaraabo badan ayaa halkaa ii degan, ayagoo colaad huriyana maan arag, horumar ayey ka hadlaan iyo sidii ay yga muuqan lahaayeen bulshada. Kheyr baan u rajeynaayaa Soomaalida K5.
-
XX, sida ethnic Landers ay aayahooda uga tashteen, sida reer Khatumo aayahooda ugu tashdeen, bey Soomaalida deegaanka Kilinka 5naadna aayahooda uga tashteen. Mid adiga kuu taala ma ahan, calan baad leedahay, wadan baad leedahay, horumar baa hadafkaadu yahay. Marka waxaad adiga isla jeceshahay la jecloow deriskaada. Xaq bey u leeyihiin iney hor mariyaan deegaanadooda, nabad kula noolaadaan deriskooda, mana ahan mid ay adiga ku weydiinayaan ama kaala tashanayaan. Dhallinyararda Kilinka 5naad guul baan idin rajeynaayaa IA.
-
QALLOOCEENA YAA DHALAY? by Dr. Ali Sheikh Ahmed, President of Mogadishu U. 1. Maxaa dhalay dhibaatadan 2. dhashu ay ku sugan tahay 3. dhaqan xumada qayb ka ah 4. Dhabarkooda jabisoo 5. Dib u dhigi korriinshaha 6. Dhammaan ubadka oo idil 7. Dhanwalbood ka eegtaba 8. Dhibaataa hortaalloo 9. Isxilqaanka dhaawacay? 10. Maxaa dhalay dhibaatadan 11. Dhalinteenna xooga leh 12. Dhib yaraan la jiifaan 13. OOY ka dhowri howlaha 14. Dadkaloo dhaqaaqoo 15. Xilka dhabarka saartoo 16. Dhididkood ay quutaan 17. Ka dhargaan waxay siin 18. Dhib la'aanna noolaan? 19. Maxaa dhalay dhibaatadan 20. Oday dhaqamadeennii 21. Nabadeena dhaqi jiray 22. Markii uu dhib wayn jiro 23. Ku dhaqaaqijiray howl 24. Dhanka fiican loo wado 25. Inay maanta dhiilliyo 26. Dhibta iyo xumaatada 27. Dhinaceeda doortaan 28. Dhaqankiina lumiyaan? 29. Maxaa dhalay Dhibaatadan 30. Oo dhaarta beenta ah 31. Dhib yaraanta loo mari 32. Haddaan madaxdu dhowrayn 33. Dhab ahaan u hayn karin 34. Balantay ku dhaartaan 35. Oon laga dhabaynayn 36. Waxay dhaartu mudantahay 37. Dhaqan dowlo laga fili 38. Dhulkuna uu ku nabad gali 39. Dadkuna ay dhibaatiyo 40. Dhalanteedka kaga bixi? 41. Maxaa dhalay dhibaatadan 42. Kuwii qalinka dhuuxee 43. Aqoon dhumuc leh yeeshee 44. Dhadhansaday waxbarashada 45. Dhibaatadu markay timid 46. Madax dhaba ma'ay noqon 47. Dhulka way ka dhoofeen 48. Dhankooday cidleeyeen 49. Dhaban kaag ayaa dhacay 50. Iyo waxaan la dowrayn? 51. Dhab ahaan u eegoo 52. Dhan walbaba ka fiirshoo 53. U dhaadhiciya hoosoo 54. Maskaxduna ha dhuuxdee 55. Jawaab dhaba ayaan sugi 56. Oon ka dhowri wadartiin 57. Dhibyaraan fudayd iyo 58. Dhayal yaysan nagu marin 59. Dhibtu waa mid guud oon 60. Nolasheena dhaawici 61. Ama keeni dhimashaba
-
I thought this thread was about the minister of defence visiting Baydhoba. Abwaan your thread got hijacked by a MOD. haha.
-
Xarunta Cusbitalka Al-Nuur ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa haatan si habsami leh uga socdda hawl Indhafiiqid iyo daaweyn iskugu jirta, taas oo ay si wada jir ah iskagakaashanayaan Cusbitalka al nuur ee muqdisho iyo Mu,asasadda Al basra International Fuondation oo laga leeyahay dalka sacudiga., waxaana sidoo kale gacan ka geysanaya hay,adda lagu magacaabo Noor Dubai Fuondation oo laga leeyahay dalka imaaraadka carabta. Hawlahaan iskugu jira indho fiiqidda iyo daaweynta ayaa waxaay soo bilabatay faberaayo 28-dii taas oo socon doonto muddo waxaa ilaa iyo hadda ku guuleysteen inay daaweyaan idhahana u fiiqaan Bukaano gaaraya in ka badan Boqol Ruux. Agaasimaha cusbitaalka al nuur ee magaladda muqdisho Dr C/Risaaq axmed dalmar iyo madaxa mu,asasadda Al basra foundation Dr Dr Jaabir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay inay hawshaan loogu talagalay in indhaha loogu fiiqo in ka badan 5000.Kun oo ruux, iyadoo haatan loogu talagalay in indhaha loogu fiiqo looguna daaweeyo Bukaana gaaraya 500 oo ruux oo 100 ka mid ah haatan lagu daaweeyay looguna fiiqay Masuuliyiintu waxaa kaloo ay sheegeen in dasdkaan loofuliyay hawlaha caafimaad ee qaba xanuuka indhaha laga soo uruuriyay Degmooyinka gobolka banaadir gaar ahaan xeriyaha ay ku jiraan barakacayaasha , kuwaasi oo aanan heli Karin adeeg nuucaan oo kale ah, waxayna sheegeen in qof kasta oo loo fiiqo indhaha ay ugu talagaleen in la siiyo 12 Kiilo oo timir ah taas oo wax weeyn ka qaadanysa caafimaadka indhaha. Dr C/Risaaq iyo Dr. Basra waxaa kaloo ay sheegeen inay hawlshaan sii wadi doonaan si bukaanadda Soomaliyeed ee qaba cuduradda indhaha ku dhaca ay wax weeyn ka qabanaayaan iyagoo xusay in ay hawshaani tahay mid samafal ah oo aanan wax qarash ah laga qaadeynin bukanadda maadaama Bulshadda Soomaliyeed ay soo martay dhibatooyin kala duwan oo raad weeyn ku yeeshay caafimaadka bulshadda soomaliyeed, waxayna mahad balaaran u jeediyeen intii gacanta ka geysatay fulinta hawshaasi.
-
AMISOM hands over two generators to Benadir Hospital in Mogadishu Mogadishu‐March 1st, 2012; The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has handed over two generators to Benadir Hospital. Presenting the generators, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Honorable Wafula Wamunyinyi said AMISOM is making good progress in the implementation of projects in support of the people of Somalia as outlined during its press briefing on February 17th, 2012. “The two generators are 110 KVA and 60 KVA respectively and have been purchased at a cost of 91,300 United States Dollars. The donation of these two generators is part of AMISOM’s Humanitarian Support to the people of Somalia and is a clear demonstration of our commitment to alleviating the suffering of Somali civilians.” Said Honorable Wamunyinyi. The donation of the two generators will help provide reliable electricity for water pump, x‐ray, laboratory and operating theatres as well as facilitating training of medical students and help in improving security due to the presence of functioning security lights. The Minister of Health of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia, H.E. AbdiAziz Sheikh applauded AMISOM for the donation of the two generators saying it will help in reducing some of the problems the hospital was facing regarding inadequate electricity supply. He said; “I’m happy to witness the handover of the generators to Benadir hospital as it demonstrates once again AMISOM’s strong commitment to improving the lives of the people of Somalia through the enhancement of capacity for medical institutions.” AMISOM’s Senior Humanitarian Affairs Officer, Mr. Abdul Diagabate said; “AMISOM hopes to contribute to efforts aimed at uplifting people’s living standards in achieving the millennium development goals.” Notes to editors Benadir Hospital is the main hospital serving the city of Mogadishu. The Hospital has a catchment of over three (3) million people. Most of these have no gainful employment. Benadir Hospital sees a very large number of patients because of high disease burden and large number of trauma cases due to the escalated conflicts. Benadir Hospital is a 600 bed hospital. About 150 are operated on every month, 200 admitted, over 280 laboratory tests and over 100 x‐rays are conducted everyday. These services were being supported by an old generator.
-
DUQA MUQDISHO Khamiis, Maarso 01, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in caasimadda Somalia ee Muqdisho ay ammaan ahaan aad uga wanaagsan tahay sidii ay ahaan jirtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Mudane Tarsan ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeys lagu magacaabo Think Africa, wuxuuna wareysigiisu u dhacay sidan: Maxay ahaayeen waxyaabihii aad xoogga saartay inaad wax ka qabato markii aad qabatay xafiiska laba sano ka hor? ayaa la weydiiyay wuxuuna ku jawaabay: "Waxyaabaha ugu waaweyn ee aan qabannay tan iyo markii aan xafiiska maamulka la wareegay waxaa ka mid ahaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaaska dhimse ee magaalada oo ku burburay dagaalladii socdeeye ee dalka ka dhacay. Innaga ayaa xil iska saarnay qabashada howsha, balse ma jirto dhaqaale nalagu siiyay. Ma ahan kuwaas oo keliya waxyaabaha ay u baahan tahay Muqdisho in wax laga qabto waxaana ka mid ah waxbarashada dadka, waana waxyaabo aad loogu wareerayo sidii looga fikiri lahaa wax ka qabashadooda." Su'aal kale oo ahayd: Weligaa ma damacday inaad ka tagto xilkaaga? ayuu kaga jawaabay: "Maya, Anigu waxaan u qabtay xilka sidii aan wax uga bedeli lahaa Muqdisho. Waxaan rumeysanahay inaan taas sameeyay, laakiin haddii aanan waxba bedeli karin, waxaan kusoo laabanayaa London." Waxaa kaloo la weydiiyay: Jagadaadu ma waxay la dhacaysaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xilligeedu ku eg-yahay bisha Ogoosto 2012? wuxuuna ku jawaabay: "Xilkeygu lama dhacayo dowladda KMG ah, laakiin marka lasoo doorto madaxweyne cusub wuxuu soo magacaabayaa guddoomiye cusub. Haddii lasoo dooranayo duq magaalo waxaan diyaar u ahay inaan u tartamo xilka duqa Muqdisho." Ma waxaad waddaa qorshe aad ku diyaarinayso doorasho? ayaa la weydiiyay wuxuu ku jawaabay: "Taasi waa riyadayda, balse waxay ku xiran tahay sida wax loo helo. Marka hore waxaan doonayaa inaan diyaariyo in degmooyinka lagu qabto doorashooyin. Markaas degmo walba ay ka yimaadaan wakiillo, kuwaasoo dooran doona guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada." Sidoo kale, waxaa la weydiiyay: Mala dhihi karaa Muqdisho waxay maanta la mid tahay sidii ay ahaan jirtay ka hor intii aadan xafiiska qaban? wuxuuna ku jawaabay: "Maya, way ka duwan tahay. Magaaladu waxay ahayd mid ay siyaasiyiintu hub ku haystaan laguna ilaaliyo hoteellada. Hadda magaaladu waa mid nadiif ah, inkastoo aanan haysan qalab nagu filan. Ammaanku waa mid aad u sarreeya. Suuqayadu waa kuwo furan dadku waxay gacansadaan illaa 11:00 habeennimo laga gaarayo. Waa mid isbedel uu ku dhacay, balse waxaa noo dhiman howlo badan." Muqdisho ma magaallo ammaan badan baa, waayo waxaa magaalada gacanta ka talisa DKMG ah ee Soomaaliya? ayaa la weydiiyay wuxuuna ku jawaabay: "Shaki kuma jiro magaaladu waa ammaan, waxaana ka talisa Dowladda oo dagaal kula jirta Al-shabaab. Si kastaba ha ahaateen ciidamada dowladdu waxay ka adkaadaan Al-shabaab. Haddana Al-shabaab lagama jecla magaalada. Si toos ah uma dagaalami karaan, way isqarinayaan, maxaa yeelay dadka ayaa nacay." Waxaa la weydiiyay su'aal ahayd: Ma waxaad leedahay hadda Muqdisho waxay ka amaan badan tahay sidii ay ahaan jirtay 20-sano ka hor? wuxuna ku jawaabay: "Magaaladu waa ka nabad wayna ka wanaagsan tahay sidii ay ahaan jirtay sannado ka hor. Markii hore booliisku waxay soo tabin jireen dagaallo lagu dhintay - laba qof ayaa dhintay kaddib rabshado socday hal saac oo keliya. Hadda sidaas way ka wanaagsan tahay, isbedelkana waxaa sheegaya goobjoogayaasha; waxaa ka jira Muqdisho hannaan sharciyeed, wax walba oo dhacana waa laga war-hayaa." Mudane Tarsan waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay ciidamada waddooyinka ee dib loosoo celiyay isagoo sheegay in dib loosoo celiyay sidoo kalena ay wadaan inay sharciga waddooyinku si caadi ah kusoo laabtaan dhawaan. Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay, Ma qorsheynaysaan inaad dib u dajin u sameysaan barakacayaasha? wuxuuna ku jawaabay: "Waxaan isku dayaynaa inaan la xiriirno hay'ado kala duwan si ay nooga caawiyaan dib u dajinta barakacayaasha. Waxaan doonaynaa inaan dib ugu celiyo deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen, balse xilligan la joogo ma hayno dhaqaale aan howshaas ku qabanno." Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiso wuxuu ka mid ahaa xubnihii DKMG ah ee ka qaybgalay shirkii London lagu qaabtay 23-kii bishii lasoo dhaafay kaasoo looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Warshad samaysa Albaabada iyo Dariishada Muraayadaha ah kuwaasi oo loo beecgeeyo gobolada dhexe oo dhan.
-
Popular Contributors