Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Waan ogahay iney weligood sidaa oran jireen. Laakiin what was the point of this press release?
  2. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Soo Dhoweeyey In La Xayiro Hawada iyo Badda Soomaaliya October 22, 2010 Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii xalay golaha amaanka Qaramada Midoobay ka yeesheen xaalada Soomaaliya kaga hadlay hindisaha ku saabsan in la xayiro hawada iyo Badda Soomaaliya,si looga hortago dagaalyahanada ajaaniibta ee ka imaanaya wadamada shisheeye. Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ay si buuxda u taageerayso in xayiradaas la dhaqan geliyo isla markaana la xoojiyo ciidamada caalamiga ah. Wuxuu sheegay in xaalada Soomaaliya xiligaan ka taagan ay aad u adag tahay sidaas darteedna loo baahan yahay in la qaado talaabooyin wax looga qabanaayo. Madaxa nabadgalyada iyo amaanka ururka Midowga Afrika Mr.Ramtane Lamamra ayaa shirka golaha amaanka ka sheegay in hadii aan la xayirin hawada Soomaaliya iyo Badda ay Soomaaliya qatar ku jirto. Horseed Media
  3. Shaleyna Madaxweyne Shiikh Shariif oo Mar Kale Codsi u Diray Xildhibaanada Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ka codsadey in ay dardargeliyaan kalsooni siinta iyo ansixinta Raysalwasaaraha dhawaan uu soo magacaabey Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). War murtiyeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay “Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ayuu 14kii bishaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed waxa uuna uga mahad celinayaa xildhibaanada iyo guud ahaan musharxiintii xilkaan danaynayey tanasulka iyo ballanqaadka ay ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub”. Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shaqooyin muhim ah ay xaniban yihiin, Raysalwasaaraha iyo golaha xukuumaddu waa hay’adda fulinta kuwaas oo looga fadhiyo in ay sugaan amniga, guddoomaan kaalmada bulshadu Soomaaliya ugu deeqdo, isla markaana ka shaqeeyaan adeegyada bulshada. Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in isagu gutay waajibkiisi dastuuriga ahaa, isla markaasna uu soo xulay raysalwasaare u qalma shaqada loo magacaabey, waxaana uu xusey in xildhibaanaddu sidoo kale ay gudan doonaan waajibkooda taariikhiga ah isla markaana ay kalsoonida siin doonaan Raysalwasaare Farmaajo, iyada oo xiligan caalamku u heelan yahay wax la qabashada Soomaaliya. Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa maalin ka hor (20.10.2010) la horgeeyey baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida, laakiin kulankii baarlamaanka ayaa ku dhamaadey natiijo la’aan, kadib markii la isku khilaafey qaabka loo siinaayo kalsoonida, Waxaaana xildhibaanada dhexdooda ku jira guux badan oo ku aadan Raysalwasaaraha. Horseed Media
  4. Muqdisho: (Sh. M. Network) Fadhigii Xildhibaanada Barlamanka ee lagu waday in maanta uu ka dhaco xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho xili mudanayaasha Barlamanka maanta laga dhowrayay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda kMG. Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xogheenada barlamanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in uu baaqday fadhigii maanta ay ku balansanaayeen xildhibaanada Barlamanka, isagoo u sababeeyay baaqashada fadhiga cilad xagga farsamada ah, waxaana uu tilmaamay in saacadaha soo aadan ay sheegi doonaan xiliga uu furmayo fadhiga Barlamaanka. “Shirkii Barlamanka ee maanta lo balsanaa waa uu baaqday, waxaana uu u baaqday farsamo awgeed, waqtiyada soo aadan ayaana sheegeynaa xiliga uu furmayo kulanka barlamanka” ayuu yiri Xildhibaan Buulle Arbacadii la soo dhaafay ayay aheeyd Markii kulanka Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Mudanayaasha Barlamanka ay ku kala dareereen markii ay isku fahmi waayeen qaabka codka loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya. Ma’ahan markii ugu horeysay oo uu baaqdo kulan xildhibaanada Barlamanka laga sugayay ansixin xukuumad, ama Ra’iisul wasaare, waxaana bilihii la soo dhaafay dib u dhacayay kulamadii mudanayaasha Barlamanka ay codka ugu qaadi lahaayeen Xukuumadii Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali sharma’arke taasi oo markii dambe meesha isaga baxday iyadoo aysan cod u qaadin mudanayaasha Barlamanka.
  5. Elephant? lol Che, noo fasir dee. Ilaahey ha caafiyo fanaankaas Aqiyaar.
  6. Somalina

    My Tribe

    ^^^Oo maxaad ku tiri sidaa? Haa, waa bambeelmo. Nimcada wadanka taala iyo dadka sidey u gaajoonaayaan maanta la isma barbar dhigi karo runtii. AK 47 baa loo dhiibey maanta. Warankooda ayaaba la qaatey.
  7. African-ka kirishtanka ah wey garaacaan their wives. Nin xayaawanka ku caqli ah ayaa islaantiisa gacanta u qaada oo ku xoog sheegta, nothing to do with religion at all.
  8. ^^^sheekadaas ha u bixin ee sheeg sawirka hoos yaa ku jira, Samatar waa obvious.
  9. Somalina

    My Tribe

    aamiin aan ka daba geeyo markaas kkkk.
  10. Somalina

    My Tribe

    Taleexi: fariintaas yaan gaarsiiyaa?
  11. Somalina

    My Tribe

    Originally posted by Showqi: Asxaabtaan ullaha waaweeyn wadato..... iyo kuwa ay ku duulaayaan :confused: Mise ciyaar hiddo iyo dhaqan (Like shirib) ayay ciyaarayaan :confused: Noo sharax dee Waa la hashey markii horeba. Istunka markaan weynaadey lee maqley. @Taleexi, waa soo raadinaa tel no.
  12. BOB, war kaas waa fuley, and I agree it is indeed all his fault. Sawiro Kismaayo ma haysaa oo aadan hore noo tusin? mise ciyaal waamada camera wax lagu sawiro weligood ma arkin xataa? Jimco wanaagsan!
  13. Ma kugu raaci karo hadalka raqiiska aad la soo shirt tagtey. Abwaan wuxuu soo qorey aqriso, laga yaabo inaad wax ka barato. Kacaan qaxooti kaama dhigin, jabhadaha lacagta loo uruuriyey ayaa kaa dhigey. Magacyadoodana waxay ka bilaabmaan S iyo U. Jizaariintii uun baa quuqleynaayaa meel walba. Waxaad ogaataa, weligeed waa la xusaaya kacaanka and there is nothing you can do about it. I'm out of this convo.
  14. Som@li, you should've used him as an example perhaps. Dharkooda haddaad rabta inaad wax ka sheegto, waxaa marka hore ka fikirtaa situation-ka ya ku jireen (gumeysi), tan labaadna iskoolka lebiskee lagu gashan jirey waagaas, then waad ogaaneysaa sababta ay sidaas u labisan yihiin (go' lama ogoleyn), wax ku cusub wadan la gumeysteyna ma aha.
  15. Somalina

    My Tribe

    @Showqi yaa istumaayo?
  16. From left to right: Aden Abdulle Osman (then president of the interim parliament), an Italian governor, Abdullahi Iise (then prime minister), Sheikh Ali Jimale Barale (minister for labour and social affairs), Muse Boqor (minister of interior), Haji Farah (minister of finance)
  17. Thursday, October 21, 2010 Addis Ababa, Ethiopia - A senior African Union (AU) official said Wednesday the involvement of the Interpol was required to help crack the international crime network aiding the piracy off the Somali coastline, which also involves a sophisticated money-laundering network. 'It is difficult to say there is state involvement' but the level of sophistication points to a well-funded operation. These are people who know what is going on and are well-equipped with the intelligence,' Sivuyile Bam, Head of the AU Peace Support Operation Division, told PANA. Efforts are underway to get states, mostly those believed to benefit from the illegal piracy operation, to own up and agree jointly to stop the money-laundering that is aiding the trade. 'Some countries are recipients. We are having discussions with the states that are alleged to house some of these financiers that they must distance themselves from the trade,' the official said. The international shipping network depends on a highly sophisticated international banking system, which partly deals with the insurance of the millions of tonnes of shipped highly valued goods, including crude oil shipm ents and military arms that pass through the Somali coastline along the Indian Ocean. There is suspicion that the international financiers aiding the piracy operations are based in the United States, Britain, India and South Africa. The AU believes the crime networks are running the highly sophisticated operation, with the help of international financial experts, who are helping to clean up the millions of ransoms paid to the pirates for the release of ships under their captivity. Bam said the attacks on huge ships, ranging from 80 metres to 100 metres, confirms that the piracy operation is beyond mere Somali fishermen using small boats. 'The pirates are given intelligence. There is a mother ship somewhere. It is not an operation of a rag-tag army. It is organised crime. 'It is not about traditional fishermen paddling wooden boats. The big ships cannot be climbed without the aid of certain equipment,' Bam said. Somali pirates are reportedly holding at least 26 foreign vessels and at least 474 seafarers. Bam said the huge ransom payments, amounting in some instances to US$12 million, are being laundered by people within the financial markets. He said Somalia was not receiving a penny of the huge ransom payments, noting that the level of investments in Somalia would have been increasing if the ransom money was trickling into Somalia. Source: Afrique
  18. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay taageeraan in Soomaaliya laga xayiro cirka iyo badda. Gudoomiyaha Midowga Afrika ee amaanka iyo nabadda Ramtane Lamamra, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in hadii Soomaaliya laga xayiro badda iyo cirka in laga hortagi karo hubka iyo dagaalyahaniinta soo galaya Soomaaliya. Wuxuu kaloo ku baaqay in Golaha uu ansixiyo labaatan kun oo askari iyo laba kun oo boliis oo Soomaaliya la geeyo. Gudoomiyaha Midowga Afrika wuxuu sheegay, Midowga Afrika in ay ka walaacsan yihiin amaandarida Soomaaliya inay ku faafto gobolka. Dalalka Britain iyo France waxay ka wal wal san yihiin in ay lacag ku bixiyaan ciidamo dheeraad ah oo aan ahayn ciidamo Qaramada Midoobay.