Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Niman dhaxaa wallee waa dhibaateysan yihiin! Waryaa hutu, maxaa haysaa oo aan fulaynimo aheen maalmahaan? one more question, adiga iyo isqorqor yaa raayey?
  2. . Kuwaan yay represent gareeyaan? labada Shariif ayagaa ka daran in my opinion. Maba ka qasna, kuwa ayaaba ciyaar ciyaar u maleeya buuqa oo qosqoslaayo.
  3. lol@weligaaba gacanta taag Xildhibaano beejiyay kulan ay doonayeen in maanta ku ansixinayeen R/wasaaraha. Muqdisho: (Sh. M. Network) Ilaa 245 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo shalay sheegay in maanta ay yeelanayaahn kulan ay ku ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa kulankooda dib u dhigay markii uu warqado u soo diray gudoonka Barlamanka. iyadoo maalintii shalay magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen xildhibaano kor u dhaafaya 240 xildhibaan islamarkaana ay kulan kooda ku sheegeen in maanta oo Talaado ah ay u fadhiisanayaan fadhiga baarlaankaa si ay u ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xildhibaano ka tirsan Barlamanka waxaa ay Shabelle u sheegeen in kulankaasi uu baaqday. Xildhibandaan ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedadoodu ay tahay ogolaanshaha ama ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo mgacaabay madaxweyne Sheekh Shariif Shekh Axmed islamaarkana ay ku ansixn doonaan qaab gacantaag ah. Xilidhibaan ismaacill Abuukar oo ka mid ah mudanaayasha baarlamaanka ee ka hadlay kulkii shalay ayaa waxaa uu sheegay in maanta ay ku balansanaayeen ansixinta Ra’iisul wasaaraha balse uu dib u dhacay kulankooda, iyadoo qaar ka kale oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka oo saakay ay la xariirtay Shabelle ay sheegeen in baaqashada kulankooda uu sabab u ahaa gudoomiyaha Barlamanka oo warqado soo gaarsiiyay xildhibaanadaasi. Baaqashada kulanka Maanta la filyaya in Xarunta golaha shacabka ay ku qaataan 245-ta xildhibaan ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii Maxkamada sare ee dowladda KMG Soomaaliya ay amar ku bixisay in cod gacan taag ah lagu ansixiyo Ra’iisul wasaaraha Cusub , xili gudoomiyaha Barlamanka uu xildhibaanada isugu yeeray in maalinta beri ah ay isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si ay u ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha. Gudoomiyaha Barlamanka ayaa Maalintii isniinta warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul wasaaraha xildhibaanada Barlamanku ay ku ansixin doonaan codka qarsoodig ah, waxaana arintaasi ka soo horjeestay qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamanka iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
  4. ^Mansa, haddii aadan falkaa ku dhaqmin oo aadan aaminsanayn, dee maxaad difaaceysaa markaa? Juxa and C&H waan ku raacsanahay fikradooda; labo qof oo waaweyn haddii aysan is fahmi karin irida wey u furantahay kii soconaayo, maxaa keeney in gacan la isku qaado? cadaw maa aduunka ka dhamaadey? Hala kale leersado, maxaa la isku rifayaa when there are plenty of fish in the sea. ------ Dumarka abuse-ka lagula dhaqmoow waxaan idin oran lahaa, 'biyo iyo bleach u kululeysta ee is difaaca' haddii aadan awoodin inaad irrida u dhaqaqdo. Take back your dignity n womanhood and defend your right to exist on this earth until your last breath.
  5. Originally posted by Abwaan: Toloow TV-yada ma u oggolaan doonaany inay goobjoog u ahaadaan, waxaan shaki ku jirin in kuraasta caagagga ah la isla dhici doono oo ay u debbaal-degi doonaan amase dhici doona qaybtii labaad ee rabshadii: Mbegathi iyo Maarso 18 2005 2005-kii ayaan soo xasuustey oo video-gan ayaanba soo wadey, laakiinse waa iga hor martey abti. Rabshadan dhici karta waxay uga duwanaan doonta tii hore, in la is rasaaseeyo, ama isqarxis ka dhaco gudaha ama dibada baarlamaanka.
  6. Somalina

    My Tribe

    Aad ayaad u mahadsan tahay intaad sharaxdey, inta kalena adeeradey geeljireyaasha ayaan telephon u diraayaa soon. Hadda, caano geel with baraf intee laga heli karaa. lol...soor ayuu ku fiican yahay caano geel. Horta geelka sidee loogu yeeraa? ma loo fooriyaa mise qalab kale ayaa la isticmaala? ----- lol@Che, waa ku fahmey, good looking out. Mansa Allah ha garab galo. lol
  7. Somalina

    My Tribe

    Ii jilce the following fadlan: Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhamma galxoorkooda Qodxihii dhallaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye…” Dhuuxaa karaaciinka iyo, dhirahaan qooshaayo ------ Qushkii dhallaanimo kugu galaa, kaaga soo dhiciye… ------ It sounds like an ad for t.v oo caano geel la buun buuninaayo. ------
  8. Somalina

    My Tribe

    ^^^Maya maya. Turuufada maa mid habeysan oo lagu kala baxo, lacagna meesha ma taal oo musuqmaasuq loo galo. CX waa peace loving community ee naga daa cayda. Mise dhibka dhan waxaa waaye inaad geeljirenimada ku raagtey?
  9. ^^^Nassir, kuwaan waa la ignore gareeyaa, aniga gadaal aan ka bartey xataa. Waa Cowke oo 3 iyo 4 shaati wata, in loo jawaabo xataa ma istaahilaan. Ha u bixin sheekoyinkooda waayo mar waxaad la murmaysaa a SLander, marna PLander, marna Soomali Galbeed, lol..una fiirso they're all pro kebab.
  10. Of course, qabqablayaasha no question. I don't see wax cod in la dhiibo loo qarinaayo all of sudden. Maxaase looga doodi waayey afterwards intuusan Saakiin gavel-kiisa durbadiiba la soo boodin? Xildhibaanada diidayo iney codkooda siiyana waa la yaqaanaa already, ma qarsoomi karaan waayo labo meel ayaa lagu kala shiraa oo si fiican la isaga war hayaa. Marka marmasiyadaan Sakiin waa wax aan maskaxda galeynin sidan u arko.
  11. Somalina

    My Tribe

    lol..wax 4.5 la dhaho ma naqaano mana aaminsanin, xaasidnimadaas maba naqaano. Waxaa lagu kala baxaa yaa turuufo badan oo firfircoon. Afkaada yoo ku ciilin nidaam ah ayaa degan oo demuqraadiyad ku habeysan tahay.
  12. Somalina

    My Tribe

    Originally posted by NASSIR: Nina, ciyaalka xaafada or Ice Cube's 'boys in the hood', any common features btw the two? Mida kale, sawiradaan Turkana miya mise Masai, the lost cousins of Amhara, Oromo or Tigrai I didn't know you were related to Amhara? I'm not related to Amhara c'mon now. Sawirada ugu horeeyana tribe-kaas you were very close, Masai ayay u dhowyihiin (related), oo waa Samburu tribe oo dega NFD. Ulajeedada dhan waxay ahayd dadka nabada haysta wejigooda ayey ka muuqataa oo wey ka duwan yihiin kuwaan haysan. Ma garan kartaa waxyaabaha aan ka baran karno sawiradaan? Ciyaalka Xaafadana waxay ilaaliyaan their turf just like Ice Cube's 'boys in the hood'. Waa intaas bas. Adiga ciyaalka xaafada oo SOL ma rabtaa inaad ka mid noqoto? Haddii aad ka mid noqoto, waxaad helaysaa 24/7 protection, qosolkana waxbaa lagaa siin marwalba. Ka soo fikir. lol
  13. Somalina

    My Tribe

    ^^^ciyaalka xaafada waa group ka wada tashta arrimaha gudaha. Degmooyinkeena dhan ayaan isu wada keeney oo hal maamul u sameyney. lol Che ayaan ka war sugaynaa. p.s. peace kii helaa barwaaqeysan
  14. MMA, haddii aad sidaas aaminsantahay why were you defending Sakiin on the other thread? Xildhibaanada is qarqarinaya ilaahey mey ka baqaan intey is qarqarinaayaan. Danta shacabka why aysan priority uga lahayn agtooda?
  15. Somalina

    My Tribe

    lol@Taleexi, ii jilci talada cadaaneysa marka hore. Tan kale is it true what Che is saying? nacash nacash(whatever that means) maa ila ciyaaroysaa? Che, talo keen dee, adigaa ciyaalka xaafada mas'uul ka ah intuu Tuujiye maqanyahay. Qarxis ayaaba sheekada uga baxdey, lol... Edit: Ilaa hadda qof ka hadlay sawiradaas waxay wada wadaagan oo ka muuqda idinkuma jiro. Waxa kuligood(with few exceptions of course) ka muuqda NABAD. lol@Aqiyaar iyo JB. Try again gents.
  16. Baydhabo: (Sh. M. Network) Ku dhawaad 5-ruux ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xaalado abaareed ay ugu geeriyoodeen deegaano ku yaala xadka kala qaybiya gobolada Bay iyo Sh/hoose ee koofurta Soomaaliya. Abaarahaani ka soo cusboonaaday deegaano hoosyimaada gobolada Sh/hoose iyo Bay ayaa saameyn ku yeesheen dadka iyo duuyada ku nool deegaanada Leego iyo Dudungaduud oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose halkaasi oo saacadihii lasoo dhaafay biyo la’aan darteed ugu geeriyoodeen 3- ruux halka tiro intaasi ka badan ay la ildaranyihiin. Qaar ka mid ah dadka ku nool degaanka Leego ayaa waxaa ay Shabelle u sheegeen inay xiligaan haystaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horayso biyo la’aan, waxaana uu tilmaamay in warihii ku yaalay deegaanadaasi ay gureen islamarkaana xoolaha aysan haysan meelo ay daqaaan. Laba todobaad ka hor ayay aheeyd markii cabasho ku aadan caawinta dad abaaro ay heystaan ay ka soo yeertay dadka ku dhaqan deegaanka Goobaale oo hoosyimaada degmada Wanwayn ee gobolka Sh/hoose, waxaana jirin Hay’ado samafal oo ka howlgalo goboladaasi maadaama ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka mumnuuceen goobaha ay ka tilayaan inay ka howlgalaan Hay’ado samfal. _______ AUN. Allahayow u gargaar ummadeena dhibaateysan.
  17. Madaxweyne shariif oo gudoonk Barlamanka ugu baaqay in uu ilaaliyo Axdiga DKMG Muqdisho: (Sh. M. Network) Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay gudoomiyha Barlamanka in uu ilaaliyo Axdiga dowladda KMG iyo waajibka XIldhibaanada Barlamanka. Aqriso Warsaxaafadeedka War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Soomaliya ayaa waxa uu ka hadlay xaaladdaha Adag ee dalka ka jira iyo arrimo sharci ah oo ku saabsan Ansixinta R/wasaaraha iyo caqabadaha hor taagan, Wuxuuna u qornaa Sidaan:- Sida ku cad Axdi Qarameedka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee Axdiga DFKMG ah). Baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha. Maadaama uu Baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo Madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada. Tan iyo markii la billaabay in Madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday raíisul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in Golaha Baarlamaanku is-hortaago raíisul wasaare Madaxweynuhu magacaabay. Qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka wuxuu dhigayaa: “Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo Golaha Baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto.” Sidaas darteed, shaqo billaabidda raíisul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta Baarlamaanka. 14-kii October ee sanadka 2010, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, wuxuuna 20-kii October horgeeyey Golaha Baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed. Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday in hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 142 xildhibaan ku codsanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan bareer ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 45 xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo raíisul wasaaraha. Axdiga DFKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo raíisul wasaare lasoo magacaabay. Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga.” Haddaba, maadaama aysan Axdi Qarameedka ku caddeyn hannaankii uu Golaha Baarlamaanku ugu codeyn lahaa raíisul wasaaraha, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: “ Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote).” Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka Baarlamaanka ee kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii. Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in Afhayeenka Baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, inuu soo saaray goáan uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo. Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona. Sidoo kale, waxa uu ka hor imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag). Waliba, qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, iyo goáankii uu qaatay Afhayeenka Baarlamaanka, waxay ka horímaanayaan qodobka 30-aad, faqraddiisa 6-aad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Axdi Qarameedka, Dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. Waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee Dastuurkii 1960-kii. Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad Xeer-Hoosaadka, Afhayeenku waa in uu hubiyaa in motion-ka la keenay uu Axdiga iyo Dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa in uu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn. Haddaba, goáankii Afhayeenka Baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay: a) Go’aanka Afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn Axdi Qarameedka. b) Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka horímaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo. c) Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan. d) Afhayeenku wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in raíisul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin. e) Wuxuu cabbiri waayey in uu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taas oo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed. Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qaranka ,gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla. Madaxtooyada Soomaaliya
  18. Motorcycles ayey isaga dhicinaayaan tangiyada. lol Wallee waa show loo dhigaayey dawlada iyo caalamka. I think they watch too many western movies, waxaan soo xasuustey Mad Max movie.
  19. It is an immensely beautiful place. I can already imagine a nice self sufficient log cabin nestled in a mountain valley. hmm...I better stop dreaming now.