Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. ^I don't like you so why would I bother inaan kula sheekeysto ama kula faro ciyaaro? Ha ila hadlin mardanbe haddii aad caqli odeyweyn aad leedahay. p.s. SHAQO YEELO and stay out of my way.
  2. Taleexi, haye ma bilowdey? mise hiilis leey kaa tahay? Waxuu soo qorey ma aadan aqrin miyaa mise okiyaalaha ayaa ka jabey?
  3. lol@Che Fiiri, taasi aan soo qorey ama aan hadda qorayo ma ahan a debate odeyahow. You are smart enough I gather to recognize the distinction between a debate and a statement nooh. Teeda kale, I never tried to chat with you adeer NEVER, adigu uun baa isku key dhadhajiyo oo isoo raadsado marwalba markaad u baahatid qof attention ku siiya. Waxaana kugu bishaareynaaya inaad hesho qof kula sheekeysta oo ku qosqosla matagaada oo desperationkaada ka bixiya. p.s. only the gentlemen ayaan la hadlaa....eh eh eh! A creepy old man ha la iska ilaaliyo.
  4. ^Ngonge, markaan adiga kula debate gareynaayo ma waalanahay horta. Xamarna madfac haddii ugu igu dhacay oo aan weli noolahay maanta, waa Alxamdulilaah oo waxyaabo aadan weligaa arag oo t.v ka daawan jirtey ayaan soo arkey and I call that life experience marka cay ma ahan taas. Waxaa ah wax lala yaabo odey gabdhaha oo dhali karo la tirsada oo u maleeyo inuu hadal fiican ku hadlaayo. Marka aniga iyo adiga kee baa u baahan iney establish gareeyaan a reputation of some sort? p.s. mooriiyaan kulahaa....lol...adiga magacyada aad leedahay ayaa ka daran taas ee get off your high horse odeyahow carabka ah. @Taleexi, lol..waad ka gardantahay walaasheen adeerow, ee weerarka culus iska ilaali.
  5. ^^^War odeygaan sexistiga ah fiiriya bal? I was describing a real dharbaaxo, mid kuwa adiga camal ay aad ugu baahan yihiin weliba.
  6. lol@Sayid, adiga kuma jirtid ee maxaad igu maagtey. Burcaawi anigaa indhaha dharbaaxo ugu furey mar hore, and he is grateful to this day.
  7. I think afhayeenkii hore ee Ciyaalka Xaafada ayaa ka bixiyey a detailed description of tuuladaas, ee bal aqriso wuxuu ka yiri anagoo rafaadsan oo xabad kasoo cararnay aan soo galnay kismaayo.... guri aan kusoo dagnay oo adeerkaa lahaa... Guriga iyo guryaha agagaarkiisa dhan waxaa ku dhex yaalaan labo wax haduu sar yahay xitaa..Labadaas maxaa waaye makasee? Barkad iyo Ceel! war hadii biyo cabtid rabtid xitaa barkada aa aadee sidii Lo' dii..barkada bax iska soo waraabi aa lagu dhahaa... dhar hadii rabtid in aa dhaqdid barkada aad aa lagu dhahaa..alaabta dhaqidooda sidoo kale...Biyo ceel maalintaan cabayna wiligee ma iloobaaye..calool xanuun iyo shubanka nugu dhacay! war amba shaliini wax waa noo tari waaye.... Tiikaloo iigu darneed waxee aheed kawaanka!...kawaan waxaan ogaa oo lug lo' suran tahay ama lug eri, laakiin madax deero iyo biciid oo geeso leh aa suran..hilib ugaar aa la cunaa bas! anaga ZULU maa nahay mise masaayadii gudgudeedneed! LOL
  8. ^^^Aniga waxba kuma dhahaayo hadda, maxaa yeeley KK ayaa hadashey (hoo bariiska style weliba) mar hore, welina ma haysid jawaab. Ciyaal waamo oo weligood magaalo arkin until Heathrow laga soo dejiyey maxaa laga sugaayey bal. Brainstorm your comebacks ee soo noqda markaad istiraahdaan wax la tuuri karo ayaad gacanta ku haysaan.
  9. Taleexi: haddii aad joogi wayso, waa lagu joojin ee maad joogsatid intey goori goor tahay. :mad: Dumarka halkan jooga dhan wey isku raacsan yihiin arrintan, and that is what matters, not waxay niman edeb daran dhahaan. Gabadha walaasheen haddii aadan sincere apology siinin waad arki doontaa meeshaad ku danbeyso.
  10. Kulan ay xildhibaannada baarlamaanku codka ugu qaadi lahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo baaqday Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Waxaa baaqday kulan ay maanta oo Arbaco ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu saxaafadda u sheegay xoghaye ka tirsan baarlamaanka. "Kulanka, wuxuu u baaqday sababo dhinaca farsamada ah, maalmaha soo socda ayuuna qabsoomi doonaa," ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xoghayeyaasha baaramaanka Soomaaliya, oo ka hadlayay sababta uu kulanku u baaqday. Weli, waxaa jira kala fikir duwanaasho ku saabsan qaabka codka loo qaadayo oo u dhexeya xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo koox walba ay la xiriirinayso fikirka ay qabto dastuurka dalka u dagsan. "Go'aanka Maxkamadda sare, ay ku gaartay in codka laga dhigo mid gacan-taag ah waa khaldan, waayo ma jiro qodob uu mugdi ku jiro, qodobka ah in qarsoodi laga dhigo codeynta waa mid ku cad xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo dhigaya in 13-mudane haddii ay codsadaan in codka laga dhigo qarsoodi ka aqbalayo," ayay yiraahdeen xildhibaanno la safan afhayeenka Baarlamaanmka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho. Inkastoo weli la dareemayo in lagu kala duwan yahay qaabka loo codeynayo, ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu baaqdo kulan loogu codeyn lahaa ra'iisul wasaare Farmaajo, inta lagu jiro todobaadkan, iyadoo maalintii Sabtida ahayd uu baaqday kulan lagu ballansanaa. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo kulan maalintii labaad shalay ku qaatay Madaxtooyada, ayaa la sheegay inay isku afgarteen in codka kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha laga dhigo mid gacan taag ku dhaca. Lama yaqaan, xilliga uu qabsoomayo kulanka baarlamaanka, waxaase warar hoose ay sheegayaan in loo baajiyay sidii la isku fahamsiin lahaa mudanayaasha kala aragti duwan oo koox walba ay ku adkeysanayso mooshinka ay wadato. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Drove that in Edmonton, and It aint different from driving a Yukon. What a waste I say. I like the for a reason.
  12. I can't wait for LG's response. Fire away girlfriend and waxba ha u reeban ragga ku daba socdo.
  13. Go Nassir! your community (Somali) appreciates you a lot.
  14. Sakiin waqtigiisa ayaa la gaarey maxaa yeeley GAME OVER ayey sheekadiisu mareysaa wuxuu is qariyaba. Maanta dad badan ayaa indhahooda ku arkey wuxuu yahay oo aan horey u arkin ama u aaminin hadaladii laga sheegey, dhuudhuumashoowgiisii wuu dhamaadey me thinks. Dude needs to resign ASAP, waa haddii uu rabo inoo Xamar iyo agagaarkeeda u joogo peacefully that is.
  15. Kulankii Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta mar kale baaqday. Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulankii barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ay ku balansanaayeen Mudanayaasha barlamanka inay ku yeeshaan Xarunta golaha shacabka islamarkaana lagu doonayay in codka kalsoonida lagu siiyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Soomaaaliya ayaa dib u dhacay. Iyadoo maanta oo Arbaca ah taariikhdana ay ku beegantahay 27/10/10 Xarunta gobolaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ku balansanaayeen Mudanayaasha baralamanka dowaldda KMG Soomaaliya oo lagu waday in lagu ansixiyo fadhigaas Ra’iisul Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) ayaa mar kale maanta dib u baaqday. Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah xog haynta barlamanka KMG Soomaaliya oo Idaacadda Shabelle wax ka waydiisay dib u dhaca ku yimid fadhigii baralamanka ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu u baaqday sababo uu ku sheegay dhinac farsamo, waxaana uu intaasi ku daray Xildhibaanku in aan la ogayn waqtiga dhabta ah uu qarsoomi doono kulankaasi. Lama oga sababata dhabta ah ee ka dambeysa baaqasha kulanka has ahaatee waa fadhigii 3-aad ee todobaadkan gudihiisa uu baaqdo kaasi oo lagu doonaya in lagu ansixisyo islamarkaana codka kalsoonida lagu siiyo Ra’iisul wasaare cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhawaan ayay aheeyd markii warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu shaaciyay in maanta oo Arbaca ah uu dhici doono fadhigii lagu ansixinlahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Max’ed C/laahi Max’ed, waxaana cadayn ilaa iyo hadda u jeedada gudoomiyaha barlamanka uu uga caga jiidayo ansixinta Ra’iisul wasaaraha, waxaana qilaaf arintaasi la xiriita uu wali ka dhextaaganyahay madaxda ugu sar sareeysa ee dowaldda KMG Soomaaliya iyo Mudanayaasha baralamanka. Allah ha u gargaaro shacabka dhibaateysan oo aan la danaynin dhibaatada haysata.
  16. lol@kuusey, I'm 5'8 Macallin Aqiyaar see camal. Ardeygana waa inuu macallinka ku daydaa nooh! Aqiyaar have you ever been to Studio 99 in dt Tdot? across the CTV building? hadda ma ogi iney weli jirto oo Soomali leeyihiin laakiin they used to have the best california wraps and tuna sandwiches. Lunch time, saf dheer ayaa jirey, and all the customers were non Somalis. A well run establishment ayuu ahaa.
  17. Elephanti weligey magashan. See camal yaaqo. Ciyaal dhar jaalo, they used to bully us I remember. Baad lee maalin walba, lunch box ayaa la iska furanaa adigoo soo jeedid, waxna ma dhihi kartid. Walaalaheyna galabley ayey ahaayeen so I had no protection. Anigoo gaajo i heysa ayaan guriga ku soo laaban jirey. Sannadkii ku xigey, walaalahey subaxley aye noqdeen and I started taking back what is mine. I miss Xamar so much. Ciil badanaa.
  18. Aniga Blue Ocean(I think in la dhaho) ayaan ka heley in London 4 sanno ka hor markaan tagey, the chef was kiyuut and professional. Who cares about cuntada horta, lol... I had a grilled salmon i think and it was yummy, but I was more impressed with the personal attention the chef blessed us with. MMA, I know and that was the main reason aan uga soo baxney durbadiiba. I think Soomali ayaa leh laakiin clientele-ka dhan waa Abyssinians. Even the manager Somali ma ahayn. Indhahooda xun xun ayey nagu soo fiiriyeen, anigana markaan wejigooda arkey ayaa febaro igu dhacay.
  19. Taarikh Nololeeddkii Halgame Allaha u naxariistee Xasan Cabdi Camalow (Xasan Giyaajo) Xaaji Xasan Cabdi Camalow “Giyaajo” wuxuu ku dhashay magaalada Bulo Burte 1929kii. Wxuu ku barbaray kuna soo koray magalada Muqdisho oo uu soo galay 1939kii xilligii Talyaaniga haystay dalka. Xaaji xasan wuxuu dugsiga hoose iyo kan dhexe wax ka bartay Scoula Indusdriale ee magalada xamar. Wuxuu shaqoyiin kale duwan ka qabtay isla Magalada Xamar. Wuxuu ku biiray ururkii SYL sannadkii 1943oo markaaas la aasay. Magaca Giyaajo wuxuu ugu baxday asaga oo wadi jiray gari barafka loogu qaado oo lagu geeyo guryaha iyo maqaayadaha Talyaaniga. Habeenkii wuxuu gariga shaqada ku qaadi jiray xubnaha ka tirsan SYL si ay shirarkooda qarsoodi uga qabsadaan bacdama aan habeenkii loo ogolaan jiriin inay dadku shiraan. Xaaji Xasan wuxuu ka mid ahaa halgamaaasha SYL, wuxuuna madax ka noqday ururka shaqalaha Somaaliya 1954tii oo shirar badan Oo ay madaxdii Africa isugu iman jirtay oo ka mid Ahaayeen Tom Mboya, Julius Nyere iyo Jomo Kenyatta. 1955 Xaaji Xasan waxaa loo diray dalka Talyaangi si loo baro maamulka uu ka mid ahaa Dadkii loo diraarinaayey inay Talyaaniga oo markaas dalka xuriyadda ka qaadanaayey. 1958 Xaaji Xasan waxaa laga magacaabay maareeyahii ugu horeyay ee Shirkadda Caymiska Somaaliya (CASS). 1961 wuxuu tababar maareeyanimada ku soo qaatay dalka Mareeykanka (Social Security Administration.), jagadaas Mareeyanimada wuxuu hayey ilaa iyo sannadkii 1963kii 1963 wuxuu aasaasay shirkadda AMPO Spa, agaasimana uu ahaa. Shirkaddaas oo wakiil ka ahayd shirkado badan oo dalka ka jiray sida Shirkadda Baabuurta ee FIAT. 1969 wuxuu tartan u galay xildhibaanadii la soo dooranayey, wuxuuna ku waayey 13 cod oo kaliyah. Xaaji Xasan wuxuu ka qayb galay dhamaan heeshiisyadii loo qabtay ummadda Soomaliyeed ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.. 2007 wuxuu ka noqday gudoomiyaha Jaaliyaha dibedda shirkii dib u heeshiintaSoomalida. Xaaji Xasan wuxuu mar waliba jeclaa in uu noloshiisa ku dhameysto dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada uu ku dhashay ee BuulBurte. Sannadkii 2009 ayaana ahayd markii ugu dambeysay ee uu soo booqdo dalka Soomaaliya. Allaha u naxariistee Xaaji Xasan wuxuu ifka kaga tagay 2 Xaas iyo 73 qof ah caruurta iyo waxay sii dhaleen AUN sannadkaan ayuu geeriyoodey, waxuuna ahaa a close family friend
  20. lol@Aaliyah....waa ogahay rabsho lee iga ahayd. MMA '96 ku dar 10 sanno, markaas ayaan ka hadlaayaa. Anagoo 10 iyo something ah ayaan galnay waana ka soo baxnay isla markii, hal qof oo Soomali ma joogin.
  21. Askari xataa ma loo daahaayo.
  22. free advertising aa ka wadaa meesha maa ii sheegtid. Do you have their menus, reviews? Btw, Nimco Ethiopian ayaa ka buuxey last time I went there. Wax Soomali maba ku arkin.