Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. MMA wuu is cadeeyey wallee. Sensitivity classes ayaa lagaa sugooyaa berri at 9AM, location-kana waa Yorkdale Mall, marka ha soo daahin, qaxwadaadana hore u soo qaado from Timmies. KK ayaa isha ka ridey.
  2. Somalina

    My Tribe

    Waa yaabka yaabkiis wallee.
  3. Somalina

    Aduunyo

    Aaliyah, qof ingiriiska degan yaa tabar u haayo saacadaan. Isha lee u roonyihiin ma ahanee wax faaiido kale malaha. lol@Sayid I already know him, so try again.
  4. Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa maanta xarigga ka jaray towar casri ah oo laga hago maraakiibta kaasoo laga hirgaliyay dekadda weyn ee Muqdisho. Madaxweyne Shariif ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay munaasabadaasi, sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in dekadda Muqdisho loo dhiso qalab casri ah oo maraakiibta u sahlaya iney si fudud ku aqoonsadaan dekadda Muqdisho. Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Sh. Aadan Max’ed Nuur Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in taawarkaan laga hago maraakiibta ay maalgalisay dowladda Japan, iyadoo ay hirgalisay hay’adda WFP. Sh. Aadan Madoobe, ayaa sheegay in qalabkaan casriga ah ee lagu xiray dekadda Muqdisho uu muhiimad gaar ah u leeyahay socodsiinta iyo horumarinta howlaha dekadda Muqdishu. Wakiilka WFP Somalia Stivano Proti, ayaa sheegay in WFP ay ku guuleysatay hirgalinta taawarkaan, wuxuuna sheegay in tani ay billow wanaagsan u tahay howlo badan oo ay WFP dooneyso in ay la qabato dowladda KMG ah. Muuqaalka Taawarka cusub ee laga hagayo maraakiibta ku soo xirata dekada Muqdisho.
  5. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta lagu dhaariyay Madaxtooyada iyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka hadlay dhaarinta (DAAWO SAWIRRADA) Isniin, 01 November, 2010 (HOL) – Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay la ansixiyay, waxaana xalfaddaas goobjoog ka ahaa madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka. “Waxaan ku dhaaranayaa, magaca Eebbe inaan u guto xilkeyga si daacad ah, oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto, dhowrana axdiga Qaranka iyo shuruucda kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Maxamed C/llaahi oo uu dhaariyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay goobta, ayaa sheegay inuu ku shaqeynayo sharciyada, isagoo ka dalbaday xildhibaannada iyo wasiirradii kulanka kasoo qaybgalay inay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka loo magacaabay, wuxuuna ka mahadceliyay codadkii lagu ansixiyay. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo isaguna ka hadlay xafladda, ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sida uu ka codsaday, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo shaqeeyo si dalka looga saari lahaa dhibaatada. Xildhibaan C/waaxid Cumar Cilmi (Goonjeex) oo ahaa sii-hayaha xilkii ra’iisul wasaaraha, oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo tafaasiil ka bixiyay aqoonta uu u leeyahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Madaxweyne Sheekh Shariif, oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in looga baahan yahay ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso dowlad tayo leh, taasoo dalka ka saarta dhibaatada uu ku jiro. “Shaki kuma jiro in dalka uu u baahan yahay isbadal, innagoo aan eedda saarayn mas’uuliyiintii hore waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto dalka,. Ra’iisul wasaaraha waa inuu la yimaado aqoon, hufnaan, karti, uuna soo magacaabo dad aqoon leh oo wax ka qaban kara dalka,” ayuu yiri Sheekh Shariif Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad aan la dayici karin, isagoo xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto, isagoo xildhibaananda ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub ayna codka kalsoonida ah siiyaan, iyagoo la xisaabtamaya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu madaxweyne Sheekh Shariif soo magacaabay bishii hore, ayay xildhibaannada baarlamaanku ku ansixiyeen codad gaaraya 297-mudane, iyadoo ay diideen 92-mudane, waxaana xukuumadda uu soo dhisayo la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  6. Xaflad Lagu Taageeraayo Raysalwasaare Farmaajo oo Ka Dhacdey Minnesota (Sawiro) November 1, 2010 Minnesota Xaflad si qurux badan loosoo agaasimey ayaa ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis Minnesota, xalay fiidkii habeenimo, ayna soo abaabuleed masuu’liyiin isku xilqaamtay. Ujeedada xafladan ayaa ahayd taageero, loo samaynayey reysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahi Maxamed. Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay kumanyaal Soomaaliya oo isugu jirey Culumaa’udiin, Hooyooyin, Aqoonyahano, Suxufiyiin, Arday, Musharaxiin siyaasiyiin ah, Abwaano, Fanaaniin, iyo Xildhibaano Soomaaliya. Waxaa lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay Magaalada Minneapolis and Dalka Maraykanka oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Minnesota ay ka soo qaybgaleen Xarunta Caanka ee Minneapolis Convention Center taas oo lagu taageeray R/wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed. Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan kumanaan dad aa u tiro badan oo ka kala yimi meelo kala duwan oo ka mid gobalka Minnesota sida St.Cloud, Rochester, Mankato iyo Magaalaha Mataanaha oo isagu jira Saraakiil sar sare oo ka tirsanan jirtay dawladdii hore, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, dhalinyaro, haween. Xafladan ayaa ahayd tii ugu horeysey ee lagu taageero Raysal Wasaaraha Mudane Maxamed ee laga sameeyo wadanka dibadiisa. Xafladan ayaa Soomaliya kaliya aysan ka qayb galain ee waxa kale oo ka soo qayb galay musharaxiin u dhalatay Minnesota oo Soomalida weydiisnayey in ay codkooda siiyaan una badnaa xisbiga Jamhuuriga . Musharax kastana waxa uu taageero siinayey mudane Maxamed. Musahraxiintan ayaa hadlaka ku furanayey taageero ay marka hore u dirayeen R/Wasaaraha cusub, iyagoo ugu hambalyeynayey magacaabida uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya iyo iyagoo ugu hambalyeynayey mudane Maxamed in uu yahay nin Maraykan ah.(Somali-American). Ugudanbeyntii ayaa xaflada lagu soo bandhigay gabayo cusub oo loo sameeyey reysal wasaaraha iyo afar heeso oo cusub oo sameeyey abwaanka dada yar mudane Maxamed Guun oo uu ugu talagalay reysalwasaaraha cusub. Sidoo kale waxa lagu soo bandhigay xaflada ducooyin loogu duceynayo reysal wasaaraha cusub. Dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa wajigooda waxa ka muuqday farxad iyo rajo dowladnimo. waxayna dadkii goobtaasi isugu yimid ay hoosta ka xariiqeen in ay ku faraxsanyihiin Jaaliyadda halkaasi ku dhaqan in uu dalka ka noqdo R/wasaare ruux ka tirsanaan jiray Jaaliyadooda waxayna soo dhaweeyeen magacaabistaas, iyagoo Xubnaha Baarlamanka Soomaaliyeed inay si niyad ula shaqeeyeen. Horseed Media ____________
  7. :eek: ________ Dowladda KMG iyo Xiriirka Dalalka Deriska "Dowladdu waxay danta ku kalifeysaa inay xiriir wanaagsan la sameysato dowladaha deriska" Prof. Cali Jimcaale Axmed. Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee shalay baarlamaanku ansixiyeen ayaa wareysi uu siiyay VOA-da waxa uu ku cel celiyay in waxa ugu horreeya ee uu ahmiyadda Siinayo ay tahay Nabadgelyada, arrintaasoo loo arko inay aad u adag tahay marka loo eego dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Haddaba maxaa looga baahan yahay dowladda cusub inay wakhtigan ku dhaqaaqdo. Waxaan su’aashaasi iyo su’aalo kaleba aan bandhigay Prof Cali Jimcaale Axmed oo maadada Isbarbardhigga Suugaanta ka dhiga Kuliyadda Queens College iyo The Gratuate Center ee Jaamacadda City University ee magaalada New York. Dhageyso
  8. @Zack-Exactly!...dadku waa siman yihiin logic isticmaala please yaa jamaaca when answering the above question.
  9. This one is funnier perhaps
  10. Somalina

    My Tribe

    ^Cawaale, dee wax ku soo dheji halkaan awoowgeyna faraha ka qaad. Creating an environment la isku imaanaayo oo laga hadlaayo arrimaha muhiinka ah ee na quseeya is waajib iyo nus. Soo sidaas ma aaminsanid?
  11. ^Maxaan kaa sameeyey oo aanan ahayn inaan ku soo dhaweeyo(I even invited you to an ice cream session)... you are a person who shows no gratitude whatsoever, I wonder what they call such a person? hmm!
  12. Somalina

    My Tribe

    Mideynta ummada Soomaaliyeed! why do you ask ayaa ka horeysa?
  13. Somalina

    My Tribe

    LoL@ Cawaale... Somalis are racist miyaad ka wadaa? halgankii equality-ga loo dagaalamaayey maxaa ku dhacay taloow?
  14. Awoowe, ciidamo cir miyaad haysataan? kuwii bada xaaladooda sidey tahay mar hore?
  15. Somalina

    My Tribe

    lol@Aaliyaah..how about this? foolxumo enough for you?
  16. Yur waryaa Hutu, Ciyaalka Xaafadana magacyadooda faraha ka qaad Kenyati yahow. Soo dhawoow Lady_Complex and don't listen to Haatu! welcome to this fine online community, hopefully you'll enjoy your stay.
  17. Farmaajo: Xukuumad Tayo leh Ayaan soo Dhisayaa Ra'iisul-wasaare Max'ed C/laahi Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyay VOA kaddib ansixintiisii ku sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh. Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay ra'iisul-wasaaraha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo. Ansixintaasi kaddib, ra'iisul-wasaare Farmaajo oo wareysi khaas ah siiyay VOA ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh oo ladagaallanta musuqmaasuqa kana shaqeysa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn in Soomaalidu ay ku ordaan jagooyin balse taa xooggeeda la saaro sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa. Farmaajo, wuxuu sheegay in khilaafkii ka dhashay hannaanka codbixintiisa ay ahayd mid ku saabsan hannaanka dimoqraadiyada, wuxuuna sheegay inuusan dhibaato u arkin, haatana ansixintiisa uu rajaynayo inay soo dhamaystiri doonto khilaafkaasi. Ra'iisul-wasaare Farmaajo, wuxuu sheegay inuu la hadli doono sidii is-afgard uu ula gaari lahaa xildhibaannada maanta diiday inay isaga ansixiyaan. Farmaajo, wuxuu sheegay inuu wadahadallo la gali doono kooxaha mucaaradka, balse wuxuu shuruud ku xiray inay rabshadaha joojiyaan dowladdana aqoonsadaan. Dhageyso
  18. ^^ Aqiyaar ma aqrisey qoraalka horta? JB ma rabin in halkan laga aqriyo the following: The leader of the group, (who I refuse to name: you never know who might be reading this small-time politics blog) answered a few questions for Political Promise about his protest. It was the Gabooye People of Somaliland who feel this torture and ethnic cleansing on a daily basis, funded by aid given to Somalia by the UK. What are you doing here? “It is a demonstration to raise awareness for the continual suffering of Somaliland, and the minority tribes in Somalia. There is continued rape, kidnap, murder and all sorts of torture. To be quite frank, this is getting out of hand. The last straw was two women who were kidnapped and raped by members of the Military. They have suffered serious injuries, and the government keeps on covering up this issue. The government is run by one family, if you are a Jew, if you are from a minority, they run you over. And this is what we are trying to highlight today. We are asking the British government to stand up and say, this is wrong. Parliament has a role in protecting the world’s citizens.” So this is the first time you have campaigned, have you had any success? “We have had a lot of success, the response has been good. A number of MPs came down and other representatives of Government. We have also handed in a thousand-page petition, trying to raise awareness and get these criminals brought to justice. This is a tribal issue, they do not allow inter-marriage, we are not allowed to eat with these people, completely isolated from society with no representation in government at all . Right now as I am talking to you, there have been three men who have been kidnapped, arrested by the police for speaking out.” Do you visit the country regularly? “The situation is so tense at the moment, that people like me trying to raise awareness of this issue would not be safe. No, and I wouldn’t plan on going.” What can the British government do? “The main donor of aid to the regime is the UK. Somalia are trying hard to become a developed country, a democracy, recognised internationally. Turkey, for example, have been trying to enter the EU for years, yet have not been able to because of human rights abuses of the past. If Somalia wants international recognition as an independent country, it should also treat it’s people with human rights. At present, the President’s uncle is the foreign officer, a cousin is the Security minister, an uncle who is deputy President and it’s a family that takes care of each other. So there is little chance to get any justice on our own in Somaliland.” Foreign aid is abetting the criminal activity in this country. Development is not achieved, only tyranny. These people need our support. Their website -www.gabooye.org has been removed , but the Gabooye Minority Organisation is strong and determined. Let’s hope our government can intervene. For a start, they can stop funding these criminals in the form of direct aid: which is spent on oppressing rather than developing the regional economy and alleviating poverty. Maryan Mursal ayaa xataa ku jirtey dadka demo sameynayey.