Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Great read.
-
Originally posted by Che -Guevara: quote:Originally posted by Xaji_Xunjuf: quote: Originally posted by RedSea: so u can't say 'widhwidh' but you're Abwaan. funnyyyy Koonfuriansku xarfaha qaar ma karran. wa wax naturkooda ku beeraan. Aduunyo Q@ldaan wiririf meeshaan qararac nalasoo fareestey. Widhidhif iyo qadhadhac weeye dee ee get it right the first time son.
-
^I bet you didn't know they were waving the blue and white when you posted that video...kkkk... dhiiqo....
-
^^Calanka Soomaliyeed la babinaayo ayaan ka heley.
-
OHIO: Xaflad loogu hambalyeeynayo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya HOL: Columbus, Ohio. Wednesday, November 03, 2010 Xaflad aad lo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo looguna hambalyeynayo Raiisul wasaaraha cusub Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” ayaa lagu qabtay magaaladda Columbus, ee ah caasimadda Gobolka Ohio. Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen jaaliyadaha Somaaliyeed ee ku nool Gobolka Ohio iyo goboladda la dariska ah sida Michigan, Indiana, Kentucky iyo waliba qaar kale oo ka yimid ilaa iyo New York State iyo Toronto Canada. Waxaa ka soo qeb galayaasha ka mid ahaa ugaasyadda, wabaradda, suldaamadda iyo garaadyadda ee isimadda jaaliyadda reer Columbus. Si kastaba, jawiga xafladda waxa uu ahaa mid ay ka soo qeyb galayaasha ka muuqatay qiirio wadaninimo, iyaga oo ku heesayay heeso wadaniya, ruxayana calanka buluuga ah ee Somaliya. Waxgaradkii goobta xafladda ka hadlay , waxa ay aad ugu dhiiri galiyeen Rasii’sul wasaaraha in uu la shaqeeyo, xildhibaanadda iyo maamulka dawladda ku meel gaarka ah, madaxweynaha iyo waliba in door fiican ka qaato isu soo dhaweynta iyo nabad galyadda shacaba ku dhiban Muqdisho. Waxa ay u rajeyeeyeen in uu noqdo raiisul wasaarihii dalka nabad u soo daadihiya, waxa kale ay shacabka reer Ohio ka codsaadeen in uu caalamku gacan ku siiyo rasiisul wasaaraha cusub Mohamed Abdullahi Farmajo dadaalka horumarinta dalkiisa. Xafladdan oo ay xiriiriye ka ahaayeen: Abukar Dahir Osman “Baale” iyo Ahmed Dahir Mohamed “Ahmed Gobal” Martidii Xafladda ka hadashay waxaa ka mid ahaa: 1- Mary Jo Kilroy ahna Xildhibanad ka tirsan Xisbiga Demoqoratiga ee Mareykanka. 2- Ugas Mohamed Ugas Hersi 3- Suldan Faqi Said Faqi 4- Nabadoon Abdullahi Fara Cadde 5- Ibrahim Dacar “Sheekeeye” 6- Abdullahi Salad 7- Amb. Abdikarin Ali Omar 8- Gen. Mohamed Ali Shire 9- Nur Ali Nur 10- Hashi Ali Mire 11- Dr. Ali Said Faqi 12- Enj. Hassan Abdullahi Mohamed 13- Marian Abdi Gedi 14- Amina Suleiman 15- Zahro Muse Cadde “Baraanburtooy” Hiiraan Online, Columbus OH
-
More calaacal from JB. Waxba cusub ma haysaa oo la calaanjin karo, waa maye. Old news meelna kuma gaareysid, and our policemen will still go for their training so go swallow that adeer. Crying and wailing for recognition brings the worst in certain folks.
-
Waxaan rajeynayaa in dadkii deganaa meeshaas ku soo noqdaan dhulkooda. IA.
-
November 2, 2010 Masuul ka tirsan Dawladda Yemen ayaa ka deyriyey in Yemen ay lamid noqon karto dalka Soomaaliya hadii ay kusii socoto waqtiga xaalada ay ku jirto. Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee dalka Yemen Jalaal Yacquub oo u waramaayay Telefishinka CNN xafiiska ay ku leedahay dalka Britain ayaa sheegay in hadii aan kor loo qaadin maalgashiga lagu sameeyo dalkaas Yemen ay la mid noqon karto Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Yemen ay tahay wadan awood leh oo Dawlad ka jirto balse hadii aan maalgashi badan lagu sameyn ay xaaladeeda isku bedeli karto Soomaaliya. Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Yemen aysan helin wax xuquuq ah waqtigaan kaas oo ah mid loogu talagalay in ay helaan. Hadalka Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa imaanaya xilli Dawladda Yemen ay heegan gelisay amniga dalkeeda waayadan,iyadoo diyaarado nooca xamuulka qaada oo ka yimid Yemen laga helay bambaanooyin. Kooxaha xagjirinta sida Al-qaacida ayaa sanadihi lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay gudaha dalkaas Yemen,waxaana ay dagaal ku qaadan goobaha Dawladda. Horseed Media
-
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed inay dagaallada ka qaybgalaan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ugu baaqday Haweenka Soomaaliyeed inay dagaallada ka qaybgalaan Talaado, 02 November, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa ugu baaqday haweenka Soomaaliyeed inay ka qaybgalaan dagaallada socda dalka, gaar ahaan kuwa ka socda magaalada Muqdisho. "Dalkaan, waxaa kusoo duulay, Mareykanka, Itoobiya, Uganda iyo Burundi, oo kula jira dagaal diinta Islaamka, sidaa daraadeed haweenka waa inay ka qaybgalaan dagaallada socda," ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakada. Hadalkan, ayuu ka jeediyay tababar loosoo xiray boqolaal haweenka ah oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, isagoo ku boorriyay in dagaalka socda aan koox keliya lagu dhaafin ee ay waajib tahay in shacabka oo dhan ay ka qaybgalaan. "Diinta Islaamku, waxay u baahan tahay in loo gargaaro, sidii horay u sameeyeen haweenkii muslimiinta, waxaana la idinka doonayaa inaad naf iyo maalba u hirtaan difaaca diinta. Haweeneydii aan awoodin inay dagaalanto ama ay maal bixiso, waa inay cunugeeda hubeysaa oo ay dagaalka u dirto," ayuu mar kale yiri Sheehk Cali. Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay in ciidammada AMISOM iyo dowladdu ay kaga sugan yihiin Muqdisho, KM-4 iyo Xamarweyne, ayna tahay inay mar qura dagaal ku qaadaan si halkaas looga saaro. "Ciidammada ka socda Burundi iyo Uganda waxaa soo dirsaday Mareykanka, iyadoo ay muuqato in Mareykanka uu ku jabay dunida, innagana waxaa waajib naga saaran yahay inaan AMISOM iska bixinno," ayuu yiri guddoomiyaha u hadlay Xarrakada. Hadalkan, ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Cali Maxamed xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay jiraan qaraxyo ay doonayso Xarrakatudu inay ka geysto Muqdisho, kuwaasoo idaacadda dowladda taageerta ay sheegtay inay fulinayaan haween. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Tuesday, November 02, 2010 By Jenny Cuffe But when we asked to meet someone who has gone or knows someone who has gone, we were met with blank faces. Then, in a draughty community hall in north London, we were introduced to a young woman - we will call her Amina - with a story to tell. Amina is Somali-born but international in her outlook. A student in London, she works part time in a fashionable clothes shop and likes to travel the world. She says her younger brother was much the same, a true Brit who liked his friends and football. But there is a lot about her brother that she does not know. Devastated Last year after graduating from university, the 21-year-old announced he was going to Egypt with his best friend to study religion. From there, he phoned home and sounded happy but after a few months, his tone changed. "It seemed someone was there with him and every time he tried to say something, they would cut the phone off," she said. Later, she learned he was in Somalia with al-Shabab, and six weeks ago, she spoke to him for the last time. He said "make sure mum's OK. I'll find a way to be back". A few days later, his friend rang with news that her brother had been killed by a missile. The family are devastated and full of questions to which there are no answers. How did he get the money to travel? Who recruited him? Why did he go? Amina believes that, as well as her brother and his friend, two other friends have gone to Somalia to fight with al-Shabab. British security services believe that scores of young Somalis have done the same. The head of MI5, Jonathan Evans, warned in September that it was only a matter of time before someone trained in insurgency returned to commit an act of terrorism in the UK. Underground support In Somalia, wherever the Islamist militia takes control, it imposes a brutal form of Sharia law. It has also shown its ability to act outside the country too, by carrying out suicide bombings in Kampala, Uganda. 74 football fans who had gathered to watch a screening of this summer's World Cup final were killed by two bomb attacks. On the streets of London, Birmingham and Sheffield, you will not hear Somalis talking openly about al-Shabab. Mohammed Abdullahi, director of the UK Somali Community Initiative, says it is only discussed in restaurants or private houses where people know others share their views and they change the subject when someone new walks in. As a consequence, it is hard to gauge the level of support. Propaganda If young people are being radicalised, it is likely to be happening via the internet and chat rooms. The organisation has a sophisticated propaganda machine, broadcasting images of the destruction in the Somali capital Mogadishu, and portraying its militia as a band of brothers fighting against a puppet government propped up by the West, and against African peacekeepers, described as "crusaders". In 2007 it broadcast the "martyrdom video" of a suicide bomber called Abdul Ayoub al Muhajir, a British Somali from Ealing in west London who killed himself and 20 Ethiopian soldiers. In it, he appeals to other British Muslims to migrate to Somalia and wage jihad against their enemies. Prof Neumann believes that, as long as al-Shabab is confident of success in Somalia, it may not feel motivated to carry out an attack in a Western country. However, he says the greatest threat comes from the independent operator who returns from Somalia and takes action. It is a fear echoed by Mohammed Abdullahi, who believes Somalis themselves will suffer most from an attack on British soil. "Our biggest fear is that they get trained and come back and do something here". Source: BBC
-
LOL@Yorkville... oo maxaa ku baray iskoolkaas?
-
Kool it sounds to me inaan your fav place soo hadal qaadey, ee see camal sxby... p.s. of course i'm familiar with that school
-
^horta ma isweydiisaa sababta ay Xamar dagaal ugu socdo marwalba? gobolada aad tiri waa nabadna yaa jooga? ciidan kale?meel teenage girls la iska tooganaaya bilaa sharci, lugaha iyo gacmaha caruurta laga jaraayo maxaa yaala? nabad? AS xoogada dhan waa Muqdishu, ilaa iyo hadana meysan gaarin objective-kii ay isku maaweeliyeen iney gaari karaan. Dagaaladii ilaa iyo hadda qolo meel ku gaartey ma jirto, marka haddii ay dad ka naxaayaan hala heshiiyaan dawlada intey goori goor tahay. ICU heshiis bey doorteen si ay dadkooda dhibka ugu joojiyaan, kuwanina iney sii qarxiyaan dadkooda ayey doorteen. AMISOM-na are not without faults adeer, laakiin waxaan ogahay iney bukaanka iyo maatada ku daaweyaan isbitaalkooda, deeqna siiyaan barakacayaasha, iyo isbitaalada Xamar.
-
^Waxa ah wax laga naxo awoowe, kuwa walaalahood u laynaya xaasidnimo, isku qarxinaya meel walba, dhacaya xoolihii dadka masaakiinta, caruurtii brainwash gareynaya, doonaya iminka iney dumarka ka qeyb qaataan dhiiga ay cabayaan, and wait for it-----kana amar qaadanaya a CIA operative. Now that is wax laga naxo.
-
Awoowe, anagina waxaa i dhibeysa Ethiopian ka xamaalanaaya dekeda Berbera oo xaaskiisa lacag u diraayo whilst Somaligii Berbera ama tuuloyinka u dhow degenaa uu shaqo la'aan yahay and doesn't know how to feed his family (a real story). Marka, you should worry about that first, intaad AMISOM ku mashquulsantahay. Askartan la traingareynayana aad ayey ugu baahan yihiin in la baro the proper way of doing things. Haddana AS kama tirsana mana u socdaan, marka kuwa xumaanta saadalinaaya ayaan ku iri "sakiin laqa Soomalidiidyaho". Warku waa intaas. @Liibaan...you are right... just look at JB puking on every thread about Mogadishu's development.
-
Dekeda Muqdishu wey duushey adeer, ee maxaa kaloo haysaa oon calaacal.com ahayn.
-
kkkk...look at the Somalidiid groupies. Sakiin laqa kuligiin after aad qarawga ka soo toostaan.
-
Unigga Waddaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell)
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Khuraafad ayaad isku aqrisaa, ee bal continue...lol@strong and meaningful message....kkkkk Recognition sooma socdo anytime soon....they should deal with that reality..... -
Unigga Waddaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell)
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
lol@wadiniyada.....what a joke. -
2010/11/01 | la daabacay Abdikafar Bar-Kulan Ku xigeenka ergeygya guddoomiyaha guddiga midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Nayroobi ay kaga hadleen qorshaha midowga Afrika uu wado ee ku saabsan tababarka la siinaayo ciidanka booliska ee dalka Soomaaliya. Wafula Wamunyinyi ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu ka mid yahay laamaha dowladda ee burburay kadib markii la riday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991, sidaa darteedna loo baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo ciidanka booliska Soomaaliyeed. Tababarka loo sameyn doono booliska ayaa waxaa uu ka dhici doono dalalka Jabuuti iyo Kiinya iyadoo dalka Jabuuti lagu tababari doono taliyayaasha iyo saraakiisha sar sare ee booliska halka xarunta tababarka ee Manyani oo ku taala dalka Kiinyana lagu tababari doono askarta booliska ee caadiga ah. Wamunyinyi ayaa sheegay in dhulka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ka qabsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ah loo baahan yahay inay ilaaliyaan wadooyinkana ay roondooyin ku sameeyaan ciidanka Booliska ka dib markii uu u soo dhamaado tababarka loo sameynayo. Dhanka kale taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM Benzu Hudson Siyanzanana ayaa sheegay in haatan xoogga booliska ee dalka Soomaaliya uu ka koobanyahay ilaa iyo ku dhawaad 7,000 oo askari kuwaas oo ka mid ah saraakiisha tababarka la siin doono si ay u noqdaan ciidamo ku shaqeeya xeerka askarta ee caalamiga ah. Saraakiishaas oo qeyb qeyb tababarka u qaadan doono ayaa haatan waxaa loo diyaarinhaya visooyinkoodi oo ay ku tagi lahaayeen wadamaad Kiinya iyo Jabuutui sida uu sheegay Benzu Siyanzanana oo ah taliyaha qeybta ciidanka booliska ee AMISOM. Dowladda KMG ah ayaa dooneysa in ciidamadeeda booliska ay gaarsiiso ilaa iyo 10,000 oo askri waxaana lagu wadaa in tiradaas ay goor dhaw ay gaaran si ay dowlada u hesho boolis suga amniga wadooyinka iyo deegaanada ay militariga ka qabsadeen kooxaha hubeysan ee mucaaradka.
-
Dhismaha Maxjarka dekadda Muqdisho oo meel wanaagsan mareysa Wednesday, 27 October 2010 09:51 Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in meel gebagebo ah uu marayo dhismaha Maxjar laga hirgelinayo deegaanka Jasiira ee Duleedka Muqdisho. Iimaan Maxamed Cali Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo saaka u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel gabagba ah uu marayo dhismaha Maxjar dhawaan laga hirgaliyay deegaanka jaziira ee duleedka magaalada Muqidsho si looga faa’idaysto xoolaha nool ee Soomaaliya laga dhoofiyo kadib markii ganacsato Soomaaliyeed ay ku fakareen in Maxjar xoolaha lagu xanaaneeyo laga hirgaliyo koofurta Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay gudoomiyuhu in waqti dhaw ay bulshada ka faa’idaysan doonto waxqabadka Maxjarka gaar ahaan xoolaha nool ee laga dhoofiyo Soomaaliya lana geeyo qaar ka mid ah wadamada Khaliijka. 24 kii julay ee sanadkan ayeey aheyd markii la dhagax dhigay dhismaha Maxjarka oo laga hirgelnayo deegaanka jaziira ee duuleedka Muqdisho waxana munaasbadii dhagax dhigga ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya. RM
-
November 2, 2010 Tan iyo markii la sameeyey dastuurkii muranka badan uu ka dhashey ee Puntland sanadkii 2001, waxaa ku xardhanaa in dastuurka afti loo qaadayo kadibna loo gudbaayo nidaamka xisbiyada badan si looga hayaamo nidaamka beelaha ku dhisan ee Baarlamaanka iyo goloyaasha deegaanka lagu soo xulo. Muddo 9 sano ah kadib waxaa weli la hadal hayaa in la fuliyo qodobadaas oo marba heer soo maray iyada oo ugu danbeyntii dastuurka Puntland laga dhigey mid leh qaababka dastuurada, isla markaana la dhihi karo waa ka heersareeyaa labadii qabyo qoraal ee ka horeeyey, hadaba waxaa la isweydiinayaa sida ay suurta gal ku noqon karto in la gaarey waqtigii ku habooneyd ee la hirgelin lahaa nidaamka xisbiyada badan. Sida muuqata Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Mudane Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa haysta fursado kaduwan kuwii ka horeeyey, waxaana kamid ah: Muddada maamulka oo ka badan kuwii hore, waxaana xiligi xukuumaddu ku eg yahay Janaayo 2014 Xukuumadda oo samaysey wasaarad gaar ah oo qaabilsan arimahan isla markaana ay hagayaan dad aqoon u leh Shacabka oo bislaadey isla markaana u hanqal taagaya in nidaam dawlad wanaag ah hirgalo Siyaasiyiinta damacu kaga jiro in ay hantaan hoggaanka Puntland oo ay adagtahay in laga gado in 66 xildhibaan soo doortaan hoggaankii dalka mar danbe, kuwaas oo dantooda waxkasta ka hormariya. Deriska Puntland (Somaliland) oo nidaamkan aad loogu amaaney, isla markaana beesha caalamku ku tartarsiiyeen Puntland in ay hirgeliso. Sidoo kale maamulka ayaa ku guuleystey in waxyaabihi hordhaca u ahaa nidaamka xisbiyada badan la sameeyo sida, astaanta iyo calanka Puntland, sidoo kale dastuurka ayaa la mariyey dib u eegid dhab ah kaas oo ay u kuurgaleen dad khibrad u leh, inkasta oo loo baahan yahay in la is waafajiyo dastuurka Puntland iyo kan Federaalka Soomaaliya. Maamulka Puntland ee xiligan ayaa sameeyey balanqaadyo iyo barnaamij uu ku soo jiidanaayo shacabka markii xafiiska loo dooranaayey, sidey doontaba ha noqotee maamulku uma imaan xafiiska in ay furaha wareejiyaan iyaga oo aan waxba qaban, waxaana taariikhdu sheegaysaa in maamulkasta uu balanqaadkiisi ku guuleysto ama qaybo ka mid ah fuliyo, maamuladii soo maray Puntland ayaa ahaa kuwo kala duwan isla markaana maamul walba uu meelo gaar ah ahmiyadda siin jirey. Maamulka hadda jira ayaa la dhihi karaa maamuladii hore meelo badan ayey uga wanaagsanayaayeen halka maamulkan qudhiisu uu meelo badan uga wanaagsan yahay kuwii ka horeeyey, waxyaabaha aadka loogu amaani karo ayaa waxaa kamid ah xiriirka arimaha dibadda, waxaana magaca Puntland la gaarsiiyey meelo aanu gaari jirin isla markaana laga aqoonsadey, sidoo kale xiriir wanaagsan oo iskaashi ah ayaa la dhihi karaa in maamulkan uu la samaystey dalalka deriska ah gaar ahaan Yemen oo ah dal waxbadan ay ka dhexeeyaan Soomaaliya gaar’ahaan Puntland iyo weliba dalalka Itoobiya iyo Jabuuti. Madaxweynaha oo ka faa’ideysanaaya xaaladda Soomaaliya ee Burcadbadeeda iyo Xagjirnimadu ku soo jeedisey indhaha caalamka ayaa xiriir wanaagsan la sameeyey dalka Maraykanka, kaas oo balan qaadey in uu siyaasadiisi Soomaaliya wax ka badalay isla markaana gacan qaban doono maamulada dhisan ee nabadda ah. Mustaqbalka Puntland Aayaha Puntland iyo in loo gogolxaaro siyaasad waarta isla markaana leh sal adag oo ay ku taagan tahay, waa mid dooneysa qorshe dhab ah oo cad isla markaana la siiyo waqti ku haboon, waxaana qofkasta uu maanta ka digayaa in siyaasadda Puntland ay noqoto mid ma dhalays ah isla markaana markasta ku soo noqota halkii ay orodka ka bilowdey. Dalka Soomaliya oo Puntland ay qayb ka tahay ayaa ah mid la jaahwareersan dagaallo aan dhamaad lahayn iyo barakac taas oo ay dheertahay, dawlad dhexe oo shaqeysa waxaa ugu danbeysey muddo 20 sano kahor ah, waxaana ay saameyn weyn ku yeeltay Puntland taas oo ahayd mid u dabranayd xaaladda cakiran ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya, waxaana maqnaanshaha dawlad dhexe oo Soomaaliya ka dhaxaysaa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinacyada horumarka Puntland, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha. Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland Waxaa maalintii Axadda ahayd ee ku beegneyd 31.10.2010 ka furmey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kalfadhigii 25aad ee Baarlamaanka Puntland, sida aan wararka ku heleyno ajandayaasha horyaala Baarlamaanka waxaa kmid ah ansixinta xeerka guddiga doorashada ee Puntland, taas oo ay xukuumaddu u soo gudbisey. Xeerka guddiga doorashada Puntland ayaa qeexaya dhabada iyo tusmada loo maraayo nidaamka xisbiyada badan, xeerkan ayaa qoraaya in guddiga doorashadu uu ka koobnaan doono qiyaastii 9 xubnood, in shaqada guddigga doorashada ee aan rasmia ahayn ay tahay: Afti u qaadida dastuurka Puntland si uu u noqdo dastuurka rasmiga ah ee Puntland Diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed iyada oo aan cadad iyo tiro lagu xireyn laakiin xisbiga laga doonaayo in uu buuxiyo shuuradaha sida in uu barnaamij siyaasadeed lee yahay, dastuur lee yahay isla markaana aanu u dhisneyn sida ciidamada ama beelaha oo kale. Qabashada doorashada goloyaasha deegaanka, waxaana xisbiyada rasmiga ah noqonaaya saddexda xisbi ee kuraasta ugu badan ka hela doorashada goloyaasha deegaanka. Kadib shaqada guddiga doorashada aan rasmiga ahayn halkaas ayey ku egtahay sida uu qoraayo xeerka loo gudbiyey baarlamaanka, waxaana la soo dhisi doonaa Guddiga Doorashada Puntland (Electoral Commission) kaas oo xisbiyadu ay ku yeelan doonaan xubno, isla markaana noqon doona guddi madaxbanaan. Arimaha kale ee xiisaha badan ee ku jira xeerka guddiga doorashada ee baarlamaanka loo gudbiyey ayaa waxaa kamid ah qaabka loo maraayo aftida dadweynaha, waxaana la sheegayaa in laba qaab midkood la maraayo: In la diiwaan geliyo dadka Puntland, kadibna ay noqoto Waxa loo yaqaan “One Man One Vote” hal qof hal cod, kadibna la gaarsiiyo sanaadiikhda codadka meelkasta oo Puntland ka tirsan, sidaasna dadka lagu weydiiyo in ay dasuurka ugu codeeyaan, sida uu qoraayo xeerku arintaani waxa ay u baahan tahay dhaqaale faro badan iyo aqoon in la isticmaalo, isla markaana nabadgelyadu ay tahay mid sugan, haddii ay suurtagal noqon weydo nidaamka diiwaangelinta iyo samaynta aqoonsiga waxaa furan in la maro nidaam kale kaas oo ah: In caasimadda Puntland la isugu keeno ururada Bulshada qaybhaeeda kala duwan, guurtida iyo culumaa’udiinka kadibna iyaga oo wakiil ka ah bulshada ay ansixiyaan dastuurka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta sheegay in baarlamaanku qaadan doono nidaamka gaaban ee fudud oo ah kan labaad iyada oo aan weli baarlamaanku ka hadlin isla markaana gelin wax dood ah. Dhanka kale waraysi uu hadda ka hor Horseed Media siiyey Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale ayaa shegay in qaabka aftida loo qaadayo go’aan ka gaarideeda ay iska leeyihiin Guddiga Doorasha ee aan rasmiga ahayn kuwaas oo la soo dhisi doono, waxaana muuqda aragti kala duwan iyo in uu jiro go’aan Shirguddoonka Baarlamaanku uu sii gaarey ka hor inta aan laga doodin qodobka. Waqti Aan Munaasib Ahayn 2013? Xukuumadda Puntland ayaa qabsatey in nidaamka xibsiyada badan la hirgeliyo sanadka 2013, sida uu sheegay Dr.Jimcaale, muddadaas waxaa ay noqoneysaa 4 sano kadib doorashadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo waqtigii uu hawsha u igmadey Dr.Jimcaale, waxaana waqtiga xukuumadda markaas ka harsan muddo sanad ah, hadaba sidee xeego lagu xagtaa ilkona ku nabad galaan? Qaabkee ayey suurta gal ku noqon kartaa in waqtiga xukuumadda iyo doorashooyinka goloyaasha deegaanka kuwa baarlamaanka iyo weliba tan Madaxtooyada la isu waafajin karaa? Xisbiyadu waqti intee le’eg ayey u baahan yihiin in ay ku samaystaan taageerayaal isla markaana ay isku baraan shacabka? Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Alif alif-waxmaale kaaga xumaada Albaqra kuma baratid, haddii xukuumaddu sida ay u gurguuranayso ay soo dul istaagto iyada oo aan hirgelin balanqaadkii iyo waxa shacabku maanta doonaayo, waxaa suurta gal ah in ay la timaado qorshe ah in muddada loo kordhiyo si doorashooyin loo qabto, taasna waa mid cawaaqib xumo kuleh Puntland, isla markaana soo marisey taariikh madow, waana mid shacabka Puntland ay dhaqan u leeyihiin in ay ka horymaadeen qorshayaasha caynkaas oo kale ah, waxaana aad loo wada xasuustaa in xukumaddi Cadde Muuse aysan saacad ku darsan, inkasta oo doorashadii ay qabteen ay ahayd mid lamid ah tii lagu doortey muddo 4 sano ah kahor, taas oo ah mid aan shacabka Puntland maanta ka gadmeyn kadib markii ay caddaatey in 66 nin ee la soo xuley aysan ka talin karin masiirka iyo aayaha Puntland, ayna waxkasta kala weyntahay fursadaha dhaqaale ee muddada doorashada soo mara iyaga oo aan u xeerin qofka kartididiisa iyo aqoontiisa, taasna maaha mid aan sharaftooda meel uga dhacaayo waa wax uu garan karo in ay dhab tahay qofkasta oo siyaasadda Puntland wax ka yaqaan. Nidaamka xisbiyada badan waxa uu u baahan yahay in lala qabsado isla markaana shacabku fahmaan oo bartaan ee maaha in saacadda u danbeysa la yiraahdo waa la furey ama lagu dhawaaqo iyadoo dadkuba aysan kala garanayn farqiga u dhexeeya Xisbi cod ku doonaaya in uu ku gaaro kursiga iyo nidaamka Beesha ama Qabiilka. Baarlamaanka Puntland oo caan ku ah in aanu samayn wax la xisaabtan ah isla markaana xiliga codeynta ama doorashadu jirto gacantoodu ay gaarto saqafka guriga ay ku jiraan, waxaa la gudboon in ay taariikhdooda wax ka baddalaan, isla markaana la yimaadaan xisaabtan dhab ah iyaga ayaa soo doortey Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, mana hayno mana jirto meel ay kula xisaabtameen taasna waxaa sabab u ah, nidaamka ay meesha ku fadhiyaan ee qabiilka ah. Kalfadhiga Baarlamaanku waa in ay ka soo baxdaa wax qancin kara shacabka Puntland,maaha in miisaaniyadda 2011 la siiyo waqtiga kalfadhiga baarlamaanka oo dhan si Puntland ay uga baxdo maamul xumada uu keenay nidaamka beelaha waa in ay xukuumadda u qabtaan waqti munaasab ah oo oo aan ahayn mid ku aadan waqtiga xukuumaddu dhacayso si shacabku u kala barto xisbiyada isla markaasna loo tartamo, haddii mudada Xisbiyada la furaayo ay ka danbeyso sanadka 2011, waa alifkii alif-waxmaale ku xumaadey, miraha ka dhashana Baarlamaanka ayaa iska leh. Ismail H.Said London UK editor@horseedmedia.net Horseed Media
-
^JB asagaa mirqaansanba oo u maleeyey wasiirada khatka lacagtiisa lagu leeyahay iney sawirka ku jiiran
-
Caabudwaaq oo taageertey Raisulwasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo _________ Wanaag ayaa ku dhamaatey khilaafkii baarlamaanka. Alxamdulilah.
-
Popular Contributors