Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Qeybtii Labaad Labada qof waxay ahayeen walaalo isla dhashay hadana kuma fikirin in ay tanoo kalo dhaceyso waayo tignoolojiyada caalamka wax walba waa soo dadajiyeen maxa yeelay aduunka oo dhan ayeey hal taako ka dhigeen Hadaba xaalka waxuu gaaray in mar uun lees arko wajiyadana lees tuso madaama muda inta hoose kaliya leeska arkaayey xaalka waxa uu gaaray is qurxin qof waliba in uu qarash ku soo bixiyo sidoow qofba qofka kale u soo jiidan lahaa taana waxaa la tagay goobaha Rago iyo haweenka lagu qurxiyo oo ku kala yaalo Uk iyo Darmark qof walib niyadaa u dhisneed oo waxuu islaa qofkaan muda xiriirka kaamirada idinka dhaxeysay sidoow wajigana noqon karaa ma xuubaa mise qurux. Labada qof ee Wiilka iyo Gabarta waxay ku heshiyeen hadii wajiyada leesaga qanco in leeysku yimaado oo lees guursado waasa calafee laba isla dhalatay ma is guursan karaa nasiib xuma ism ogo waxaase ka tan badiyey Jaceelka oo gaarsiiyey xataa in ay markii horoba ku fikiri wayeen inteena arinta fool xumada gaarin koow wajiga laga bilaabo masa dhicin waxaa howsha laga bilaabay jirarka meelaha ugu qalisan qofka rabina xaarantimeeyey in la fiirsado. Xaalka ma fiicno habeenkaasi waqtigana waa soo dhawaday waxaa la gaaray waqtigii la balan sanaa qof waliba waa is diyaariyey garoonaka kaamirada waana leeska hagaajieye kaamirooyinkii qof waliba kalar saaid ah buu ku daray si qurxdooda si wangsan ugu soo muujiso waxana qof waliba intayna Dalban qof tale ku tijaabisay qeybta MSN Tuulka si marka hore isku daawato iyada qur ah markay ogaato in ay sax tahayna oo quruxday dooneysayna ay aragtay dib ugu soo noqotay MSN. Qof waliba saacadii balantaa ku yeertay waxuuna soo galay MSNkii wiilka iyo gabartana labadooda waa isla dhasheen waxena kuwada koreen hal guri markoodii hore waqti 17 sanana waxay ku nolayeen Yurub waana laba qof ku fiican dhowrida waqtiga madaama intabadan Soomalida ku fiicneen dhowrida waqtiga. Gabartii iyo wiilka isla dhashay waxay fureen MSN waa leysa salaamay waxaa leys dhahay hi Macaane iyo hi Macaanta waxaa leysweydiiyey in diyaar lawada yahay in Kaamiarad la wada shido hal mar waxana gabarta iyadoo kaftameysa ku tiri yarka hadaba ha is qarin si aad aniga ii daawato waa ku aminaa toos u soo gal anigaba kaama dhumanaayey waa isku aadina taana dhuumashada waa mid lagu yaqaano Soomaalida. Waa la shiday kaamiradii waxay war wareegto waxaa iska hor yimid labadii waji oo is yaqaano oo walaala ahaa halkaa waxaa ku yeeray Muusugii naxtinta waxaa wiilkii yiri waa heblaayo walaashay Gabartiina waxay tiri waa hebel walaalkay halkaana waxaa dhacay fashil xoogan waxuuna wiilkii kuwaashay halkaan waxuuna erayadiisa ka mid ah ma walshay baan sidaa ku sameyey Yarkii waa washay waxuuna xaalkiisa gaaray in jidadka ka arooriyo warqadaha maskaxdiisana ugu danbeysay markoow arkay wajiga walaashiis ila iyo hadana wiilkii waa walan yahay waxaana loo qaaday Soomaaliya si loogu soo dabiibo quraan loogu soo saaro. The End.
-
Gabar iyo Wiil isla dhashay oo Facebook isku bartay oo markii danbe isla gaaray jaceel kii ugu cuslaa oo keenay jirarkooda meesha ugu qalisan is tusaan qisa dhab ah by Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Qeybtii koowaad Gabar iyo wiil Isla dhashay oo isku aabe iyo isku hooya ah ayaa muda xiir ku lahaa Feecbook iyagoona xataa isla gaaray Jaceel aan waligii la arag xaalka waxuu ku bilaawaday Wiilka iyo Gabarta Reerkooda waxay daganayeen Danmark waxayna markii hore ahayeen kuwa ku nool qoos hal guri ah nasiib danbe wiilka waa weynaaday waxuu u guuray dalka Ingariiska isagoona dadiisa aheyd 24 sano halka Gabartana aheyd 20 sano. Xaalka markuu halka maraayo ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa soo gaaray yarka eemeelada badan oo isku xiran oo hal mar loo soo diray waxuuna ka aruursaday inta Emeel ee Gabdha ahaa waxuuna markii danbe ku darsaday qeybta Feecbook Gabartii la dhalatay halkaan sabuurdoow dhoowr mar kula xariiftimay iskula kaftameen halkaan waxay ka abuureen in ay si hoose u xariiraan oo maaseejyo isku diraan . la soco sheekada wiilka iyo Gabarta waa isku aabe iyo Hooyo halkaa labadii isla dhashay oo mid waliba wato sawir sawir kiisa aheen sida lagu yaqaano inta badan Soomalida is ticmaasho Feecbook , Jaceelkii waxuu gaaray in MSN leeskula wareeg oo lagu Sheekeesto madaama xaalka uu gaaray nafta aday ku doortee cid kale xamili weyday. Wax badan baa lagu xariiray MSN jaceelka waa kobcay waxuuba gaaray Kabii kabii qof walibana waxuu qof ka kale u qaaday Jaceel xoogan xaalka halkaa markay mareyso ayaa si kaftan ah Wiilka u yiri abaayo amaad buurantahay oo wajiga lee ka quruxday markaa bay gabartii qoso shee oo tiri amaad adigaba Calool buur tahay oo sawir wajiga kaliya ii soo saratay labadaba waxay soo qoreen KkKkkkk kkkkkkk oo micnaheedu yahay qosol wax badan ayaa leesku diray fiyoore iyo jaceelka iyo macda MSN oo xataa mar mar qaar ka toosiso Ilmaha hurdaayo. Yarkii waxuu gabarta xod xoto waxuu ka codsaday in wajiga qarsato inta hoose tusto si jirkeed in uu yahay jir isneelo ah iyo in kale uu u arko Gabartii dhoowr habeen way ka diiday waxayna u muujisay in aysan awoodin madaama gabar tahay yarkii waxuu ku cel celiyey ima jeclid hadaa i jiceshahay wax walba waa ii sameen lahed gabartii markii danbe waa is giijisay waxay Tustay jirkeeda iyado wajiga qarsatay madaama qarxiska Soomaalida lagu yaqaano ee leeska duubayo ay ka cabsatay yarkiina si doo kale inta hoose buu tusay labada jirarkooda waa iska heleen xiligaana dhar ba augu jiray xaalka waa sii dur gay waxuuba jaceelku gaaray jir mac baa kugu yaalo abaayo macaan qaliyeey gabartiina tiraahdi wali maba arag wiil Soomaali ah oo jirkaan leh Xaalka ma fiicno habeen habeenada ka mid waxaa leesla gaaray in lees tuso meel walbo oo jirka ugu qalisan iyadoona dhar la wadan lees daawado meel walbana leeska fiiriyo marka laga reebo Wajigo oo qof waliba ka cabsanaayo in qof qof ta kale in ay ka duubto oo meelaha ku soo bandhigaan sida youtube. Wax badan markii sidaa lagu wada raxeysanaayey ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa lagu balamay madaama aan is tusnay jirkeena meelaha ugu qalisan aan istusno wajiyada waxaa la balamay habeen kale madaama qof walba xiligaa diyaarsaneen Qof waliba habeen kii balanta waxuu tagay meelaha leesku qur xiyo qof waliba waa isa soo giijiyey hadaba xaalka labadii isla dhashay halkoow ku danbeeye la soco qeybta labaad.
-
BOB;680345 wrote: Jaceylbaro...adiguna qashin raadiskaan kugu nacay...I thought inaad qof caadi ah ka hadleyso markaasaad lmid xaalkiisu bariga dhexe yahay na tusaysaa! Gabar hadeey ahaan leheed this topic wuxuu sii mari lahaa 100 pages oo qof walba wuu caayi lahaa gabartaas laakiin since uu 'wiil' yahay it's Ok...waxa dhibka aan uga bixi la'nahay waa double standardka...anigu weli waddankan kuma arag gabadh 'xun' ilaahayna ima tuso...maybe because meelaha la isugu tago ma wareego laakiin every single hour waxaan arkaa will Soomali ah oo noloshii ku uray oo xashiishada iyo qamrigaba wadada ku cabaya oo aan jirin ciduu ka xishoonayo laakiin waxaa lagu oranayaa waa wiil...dadkeenu waxaa ka maqan in xaqiiqda meesha taal ay tahay...ubad halaabay wiil iyo gabarba wuxuu doona ha ahaadee waa isku mid and most of all wiilka suuqa galaa waxaa hubaal ah inuu gabar suuqa soo galinayo...I've seen that thousands of times from East Africa to Southern Africa...wiilkii halaabaa gabdhuhuu haleyn. Peace, Love & Unity. Sax. Si fiican baad u fasirtey sida ay dadkeena u fikiraan. JB the dude can sing n dance, why does it matter who he likes to hold hands with on the street? asaga ayey u taalaa xisaabtaas.
-
General Duke;680568 wrote: Good news, imagine Mudug beating Banadir. what a story eh.. What was that song? hmm...never mind... Referee-ga qabiilkiisa hala soo ogaado (only haddii nagala raayo). GD I thought Hiiran was participating in the tournament?
-
This is for Xaaji Hanjab n co; daawada sawiradii aad dalbateen. You r welcome. Madaxweyne Shariif oo xarigga ka jaray Xarunta KMG ee CXDS, DAAWO SAWIRRADA Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa shalayxarigga ka jaray xarun ay si KMG ugu shaqeyn doono Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu qabtay xarunta Villa Baydhabo oo ah taliska cusub, waxaana halkaa Khudbad ka jeediyay Madaxweyne Shariif. Waxaa sidoo kale ka hadlay Hoggaanka Ciidanka XDS, ayadoo uu ka qeyb galay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Madax Kale. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa halkaas ku sameeyay Dhoolatus, waxaana xafladda ka heesayay Kooxda Horseed ee fanaaniinta Soomaaliyeed.
-
Dhanka kale, Madaxweyne Shariif oo la kulmay Saraakiisha CXDS December 14, 2010 Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh Axmed ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha Hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulamadaan oo ka dhacay xarunta ee Taliska Ciidanka XDS ayaa madaxweynaha lagu siiyay warbixin guud, waxaana sidoo kale looga hadlay howlaha horyaalla ciidamada ee la doonayo in wax laga qabto. Taliye ku xigeenka Ciidanka XDS General C/kariin Yuusuf “dhegobadan” ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu madaxweynuhu kula kulmay xafiis uu ku leeyahay xarunta Taliska ee Villa Beydhabo. Sidoo kale taliyaha Ciidamada Badda Generaal Faarax Qare iyo taliyaha ciidamada Cirka ayuu kulamo la yeeshay, taliyaha Guutada Hilaac ee ciidanka XDS Korneel Cageey oo hoggaamiya ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Dharkeynleey ayaa sidoo kale madaxwenaha la kulmay. Kulamada uu la yeeshay madaxweynuhu taliyayaasha oo aan loo ogolaan saxafadda ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo waajibaadkii shaqada oo lakala qaatay. Madaxweynaha ayaa shalay waxa uu xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed, wuxuuna halkaas salaan sharaf uga qaatay guutooyin ka tirsan Ciidanka qalabka sida, Waxaana halkaas warbixin ku siiyay madaxweynaha Abaanduulaha Ciidanka XDS iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada KMG ee Soomaliya. Waxaa jiray dadaalo ay wadaan Madaxeynaha iyo R/wasaaraha oo lagu xoojinaayo ciidamada si ay u guttaan waajibaadka ka saaaran difaaca Dalka, dadka iyo diintaba. waxaana sidoo kale jirta In xukuumadda Qorshaha Boqolka maallmood ay Kaalinta hore kaga jirto sidii loo sugi lahaa Amniga iyo nabadda Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaliya. RM
-
Wednesday, December 15, 2010 1000 Somali soldiers trained by the officers from the Uganda Peoples Defences Forces (UPDF) and senior military officers from 27 European Union countries are have been passed out today at Bihanga military training school in Western Uganda. The soldiers expected to provide the core of officers and men of a new Somali army are expected to provide the much needed boost to the fragile Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu. The TFG which is facing ever increasing attacks from a viscious Al-Shabaab attack is being kept in place by some 7500 African Union peacekeeping (Amisom) force. Uganda contributes about 5000 of the peacekeepers. Chief guest at the pass out was newly appointed Somali Deputy Prime Minister who also doubles as minister of Defence Abdul hakim Mohammed Faqi. He is accompanied by the Ambassador. Sayid Dalur, Amb Mul Katende, Gen Ahmed Mohammed Abdulahi and Gen. Mohammed Sheikh. Also present are Uganda’s Defence Minister Crispus Kiyonga, Land Forces Commander Gen Katumba Wamala, Army spokesperson Lt. Col Felix Kulayigye, Amb. Vincent De Visccher, head of the European Union in Uganda as well as top diplomats from a host of other European capitals. This is the first group of officers and foot soldiers to be passed out from Bihanga Training School. This facility was set up early this year to train TGF Officers and foot soldiers in a bid to boost the military capability of war tone Somalia which has been at war for the last 21 years. Source: Daily Monitor
-
December 16, 2010 Dalka Uganda waxaa maalinimadii shalay tababar loogu soo gaba gabeeyey cutubyo kamid ah Ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,waxaana Ciidamada tababarka loo soo xirey ay kor u dhaafayaan 900-askari. Munaasabada tababarka lagu soo gaba gabeynaayay ayaa ka dhacdey xerada Ciidamada oo lagu magacaabo Bihanga,waxaana kasoo qaybgalay madax kala duwan sida Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Gaashandhiga Uganda Dr.Crispus Kiyonga iyo Wakiilo kasocda Midowga Yurub iyo wadamo kale. Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay u mahadceliyey Dawladda Uganda iyo Midowga Yurub qaabka ay isaga kaashadeen tababarkaan isla markaana u heelan yihin xal u helista xaaladda Soomaaliya. Mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihin kuwa sii xoojin doona dagaalka ay Dawladda Federaalka kula jirto kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab. Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay saddex ilaa shan batalyoon oo Ciidamo dheeraad ah kuwaas oo lagu tababaro dalka dibadiisa. Wasiirka Gaashandhiga dalka Uganda Dr.Crispus Kiyonga oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday qaabka ay Dawladda Uganda ay kusoo celinayso nabadda Soomaaliya isagoo tusaale ahaan usoo qaatay sidii Uganda ay dalka Tanzania ka caawisay soo celinta nabadda xilligii uu dalkaas Madaxweyne ka ahaa Julius Nyerere. Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Uganda De Visscher ayaa sheegay in sanadka soo socda ay dalka Uganda ku tababari doonaan ugu yaraan 1,000-askari oo dheeraad ah. Ururka Midowga Yurub ayaa lacag gaaraysa 215-milyan oo Euro ah ku qarash gareeyey tababarka Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Xukuumada cusub ee Raysalwasaare Farmaajo ayaa sheegtay in dib u habayn ku sameyn doonto Ciidamada isla markaana wax ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka. Horseed Media
-
Who won between Banadir n Mudug?
-
Gheelle.T;680401 wrote: Trophy will remain in the Garowe! Nugal all the way..... You'll hijack it miyaa? lol Hiiraan AS baa isbaaro u dhigatey, masakiinta, I hope they go far! Showqi, Banadir is the team to beat nooh! hadal maa la wadaa.
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
General Duke;680416 wrote: Somali's have found their home today. Beloved Garowe, welcomes all. We Still Believe, We Still Believe We Still Believe Somalia’s Coming Home, Their Coming Home, their Coming Somalia’s Coming Home loool... -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
Faan badanaa! be humble aan ku iri reer bariyahow dhooraha ah! -
Showqi;680309 wrote: Banaadir ayaan anigu taagere u ahay. Go Banaadir Go........ Me 2, 3, n 4. Goooo Banadir! All day everyday dear!
-
T.I. ft. Chris Brown - Get Back Up
-
Diintii lagu dhuumanaayey aawey dee? Tuuganimadooda soo maanta banaanka ma taal. I have been saying it since day 1, AS waa tuugo. Aawey taagerayaashii tuugada? Abti Shaabaabey aawey, iyo Guavabaab? :D
-
I agree with you awoowe.
-
Calm down JB! Shabelle waa idaacada ugu caansan caalamka 2010, muxuu u tagi waayey? c'mon now!
-
Nairobi:( Sh. M. Network) Taliyihii hore ee Ciidamada nabad sugida Somaliland Xuseen kenyatta oo shaqada ka tagay todbaadyo ka hor ayaa ka hadlay sababaha keenay in uu shaqada isaga tago, waxaana Xafiiska Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Nairobi uu soo gaarsiiyay warqad qoraal ah oo uu uga hadlayo sababta uu xilka isaga tagay. Waxaa uu tilmaamay in dowladda Ethiopia ay gacan ku laheyd sababta ka dambeysay in uu xilka isaga tago markii ay raali ka noqon weysay sida uu sheegay ka mid ahaanshiyaha dowladda Madaxweyne Siilaanyo. Xuseen kenyatta ayaa sheegay in qoraal ay u soo gudbisay dowladda Ethiopia wasiirka cusub ee arimaha dibada Somaliland lagu sheegay in Ethiopia aysan raali ka aheeyn in safar ay ku tagaan dalkooda masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay isaga taasi oo uu tilmaamay in masuuliyadeeda uu leeyahay masuulka Ethiopia u qaabilsan Somaliland iyo wasiirkii hore ee Somaliland C/laahi Max’ed Ducaale oo haatan kusugan Addis Ababa. Waxaa uu sheegay taliyihii hore ee ciidamada nabad sugida Somaliland in labadaasi nin iyo Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Somaliland iyo Ethiopia ay masuul ka ahaayeen in uu isaga tago shaqada uu ku hayay Xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin oo uu ku tilmaamay mid musuq maasuq ku dhisneyd. Xuseen kenyatta ayaa sidoo kale warkiisa qoraalka ah ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, Wasiirka hore ee arimaha dibada Cabdullaahi Ducaalle, boqor buurmadoobe iyo masuul Ethiopia ee Somaliland in ay ku lug leeyihiin hub farabadan oo uu sheegay in laga soo dajiyay galbeedka Somaliland kuwaasi oo uu sheegay in loo sii gudbiyay Soomaaliya, Kenya iyo koofurta Suudaan. Max’ed Cabdi Mascuud Shabelle Nairobi – Kenya
-
Xaaji, Farmaajo waa nin dadaal badan oo doonaaya inuu wadankiisa wax ka bedelo. Nolol raaxa leh oo security leh ayuu ka soo dhaqaaqey for madfaca Xamar , atleast intaa u garta. Teeda kale, Ethiopia is our neighbour, and no matter how much aan u necbanahay waa in aan la macaamilnaa hab ah "keep your friends close and your enemies closer", waayo, dadkeenii ayaa ku nool dhulkaas oo ku dhibaateysan, marka waxba yaan Farmaajo la aflagaadeyn. He is by far the best hope for Somalia hands down. Laakiinse, as usual the haters gonna hate mar walba. Sakiin calaanjiya sida xanjada min fadlik. lol
-
Awoowe, your age is finally showing eh! kkkk... wiilkaaga spider aa laga dhigey adigana Borat! kkkk... I had to reset my password as well.
-
I like the new cool features. My avatar is bang on too! sweet. Long overdue indeed! great job!
-
Kampala:( Sh. M. Network) In ka badan 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo gaba gabeeyay dalka Uganda iyadoo munaasabadii tababarka loogu soo gaba gabeynayana ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda. Kadib xaflad balaaran oo maanta ka dhacday Garoonka Mandele Naitonal ee dalka Uganda ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xiray 60 sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo mudo labo bilood ah halkaasi tababar ku qaadanayay. Goobta ay ka dhaceysay munaasabada soo gaba gabeynta tababarka Saraakiishaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka sedaxaad ahna wasiirka arimaha gudaha, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, talisyada ciidamada Uganda iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda UNDP. Sarkaalka dhinaca tababarada u qaabilsan dowladda Uganda oo lagu magacaabo General Felix ayaa halkaasi ka sheegay in ciidamadaani mudo labo bilood ah tababar uu uga socday wadankaasi, isagoo tilmaamay in intii tababarkaasi ay wadeen halkaasi uu ku dhintay 19-kii October gaashaanle Max’ed Max’uud oo ka mid ahaa saraakiishii tababarka loo geeyay Uganda. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Uganda oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay tababarka maanta loo soo gaba gabeeyay saraakiishaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay inay sii wadi doonto dowladda Uganda tababarida ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. Ugu dambeyntii ayaa qaar ka mid ah saraakiisha tababarka loo soo gaba gabeeyay waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya tababarka ay soo dhameysteen.
-
Popular Contributors