Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Awoowe, waan ka helaa sidaad hadalka uga weecweecato, your ilma adeer waqtigiisa gabo gabo ayuu marooyaa n I hope inuu lacag meel dhigtey. The coming weeks ayaan arki doonaa haddii this fake merger uu wax taraayo. Inkastoo dadka rayidka ay marwalba ku lose gareyndoonan naftooda iyo maalkooda haddana waa lama huraan in Xamar iyo meel walba laga sifeeyo nabad diidka tuugada ah. Fariintaan soo socota waxaad u gudbisaa wiilkaada Saalax yare: Boqoliiba 55% Muqdisho waxay gacanta ugu jirtaa the TFG. Waxuu ku digriyaa 4KM maalin walba. Joornaalada Soomalia ka hadla aqriso ku dheh fadlan.
-
Xaaji Xunjuf;681398 wrote: looool@ your prediction Amiirku is madaxda ugu sareyo maha just a nobody iska war wareegeysa , Amiiirku nin is qariya maha studentskiisa sii fiican bay u yaqanin wuxu daganyahay magaalada marka. Qof walba ilahay ba og sidu u dhimanayo Caydiid na ilahay ha u naxariisto Where did you get your info that reer Marka know what he looks like? do you have proof of that? Fuad iyo Mansur are more poweful than Godane just so you know. Asaga foreigners ayuu wataa ayagana Soomali bey wataan (Somali wins in landslide marwalba, remember the Ethiopian occupation?). Marka it is in his best interest inuusan ka hor imaan objective-kooda ma garatey.
-
Marka in your own words, the cross dresserka wuxuu ka baqaayaa Mareykanka? whatever happened to the bravado iyo mujaahidnimada oo u jihaadayo? Mansur iyo Fuad ma cabsadaan and so is Osama, laakiin asaga muxuu isku qarqariyaa? Aniga qaarajintiisa ayaan ka war sugaayaa. Like Eideed ku dhacdey, mid yaro asaga ilaaliyo ayaa isku qarxin doono (my prediction). FYI: XI qeyb ka mid ah TFG ayey raaceen (the numbers may be small but nevertheless waa xisbigooda). Kuwa kalena wey la dagaalamooyaan. m*r*y**an ma yaqaanaan jihaad awoowe, lacag uun baa u muuqato iney boobaan.
-
Xaaji Xunjuf;681385 wrote: somalina that was yesterday news hada sookuwa midoobay shabaab iyo xisbal islaam Just reporting the news awoowe Hanjab. Indha Shareerka, cross dresserka ah ayaan attentionka ku aadinaaye. Fuad wuu ila arkey inuusan Godane ahayn mujaahid but nin jecel inuu dharka dumarka xirto oo aan karti lahayn. The psychopath fool can't even show his face, mardhowna waad arki doonta sida loo qaarajin doono. p.s. qeybta odeygii jiniyada qabey ayaa raacdey AS n not all XI magaceeda kuwa wata.
-
oba hiloowlow;681324 wrote: Mad mullah bilaash laguma bixin,, culimadda ahlu sunna waa culimadda dhabta ( ma aha kuwa Galgaduud waxaan ka hadlaayo)... The thread is about the 200 dhallinyaro la wacyi galinaayo n not grave dancing (he can't read sidaad aragto). Dhoorahaan Ethiopianka u shaqeeya warkiisa qiimo kama laha SOL. Shaqshaqdiisa hala tago Adis. Sii soco Zenawi ayaan ku iri!
-
Fu'aad Shongole: Axmed Godane ma ahan mujaahid ee waa nin indha shareer wato Midnimo December 19, 2010 Markacadeey Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeysa Al Shabaab si cad u weeraray hogaamiyaha Shabaabka Axmed Godane. Qudbad uu shalay ka jeediyey masaajid ku yaalo Suuqa Bakaaraha ayuu Ina Shongole si cad usoo saaray qilaafka ka dhaxeya isaga iyo Godane isaga oo ku sifeeyey qof is qariya oo la bista Shuko iyo Indhashareer. ”Axmed Godane inkasto oo aan walaalo nahay camalkana iskula jirno hadana waxaan la yaabanahay sababta uusan uga qeyb galin jihaadka ee uu isu qar qariyo, sidaasi ma ahan jihad ee waa in aan runta isu sheegnaa, aan ALLA ka baqno ee yaanan ka baqin gaalada” ayuu yiri Shongole. Sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku dhaw dhaw Al Shabaab, labadan nin ayaa baryahanba waxa u dhaxeeyey qilaaf marba marka kasii danbeyso sii xoogeysanayey kaasoo ugu danbeynti keenay in banaanka uu usoo baxo. Arrinta ugu weyn ee ay isku heystaan ayaa ah dagaalka ka dhaxeeyo Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hada u muuqdo mid kama danbeys ah oo lagu xidido siibayo Xisbul Islaam. Axmed Godane ayaa rabo in Xisbiga sidiisaba laga taqaluso ama uu Shabaab la midoobo, halka Ina Shongole uu doonayo in aanan wax dagaal ah lala galin isaga oo u arko in dagaal lala gala Xisbul Islaam ay tahay mid lagu naar tagaayo sida ay aaminsanyihiin Shabaabka qaarkiis. Horaantii sanadkaan Fu'aad Shongole waxa ay kulan fool ka fool ah wada qaateen hogaamiyaha Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys, kulankaasi waxa Xasan Daahir uu ku calaacalay Fu'aad Shongole isaga oo weysdiistay in Shabaab ay ka hor leexdaan ururkiisa. Fu'aad Shongole iyo Abu Mansuur oo ah laba nin oo saameyn xoogan ku leh Al Shabaab ayaa waxa ay saaxibo dhaw la yihiin Xasan Daahir Aweys. Hada arrinta qilaaf weey soo dhaaftay waxaana xaalku uu u muuqdaa in fikirka Godane ee ah in Xisbiga la laayo uu soo kor maray sababtoo ah Xisbul Islaam a waxa ay isku soo hareen Afgooy, Lafoole iyo Ceelasha oo ah meel koobaan. Todobaadki hore labada dhinac waxay ku dagaalameen degmada Buur-Hakaba, waxaa dagaal soo noqnoqday kadib laga xoog roonaaday Xisbiga oo isaga soo baxay halkaasi. Saakayna waxa ay u muuqataa in labada dhinac Shabaabka iyo Xisbiga ay ku dagaalami doonaan gudaha Suuqa Bakaaraha kadib marki laga dareemay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo labada dhinac ay ka sameynayaan suuqa. Waxaa iyana dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer iyo deegaanka Tareedishe oo labada dhinac ay kala heystaan.
-
-
Maalinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay. December 20, 2010 Muqdisho:( Sh. M. Network) Munaasabad loogu dabaaldagayo 67 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho iyadoo halkaasina uu hadalo ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya. Munaasabdaani oo lagu maamuusayay sanad guuradii 67 aad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas aasay sanadii 1943-dii ayaa maanta waxaa ay ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn waxaa halkaasi gaada ka cayaar kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska dowladda KMG Soomaaliya, waxaana munaasabada ka soo qeyb galay masuuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu ugu horeeya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Amxed. Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cali Max’ed Xasan Looyaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka taariiqeeyay waxqabadkii ciidamada booliska ee sanadkaan isagoo sheegay in ciidanka booliska wax badan ay u qabsoomeen shaqo badana ay u dhimantahay. Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna halkaasi qudbad dheer oo meelo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa ugu horeyn waxaa uu ciidanka booliska ugu hambaliyeeyay sanad guuradii 67 aad ee ka soo wareegatay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo arimaha ciidanka ka sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dhamaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay hormar gaareen sanadkaan, hase ahaatee loo baahanyahay in hormarkaasi la muujiyo oo awooda la gaarsiiyo gobolada dalka. Munaasabadii maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin farabadan waxaana ka mid ahaa Wasiirka difaaca Xukuumada KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdi Shakuur Sheekh Xasan Faarax, Taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Yuusuf Cusmaan Dhuumaal, xildhibaano iyo madax kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo dhamaantoodba ciidanka dowladda u rajeeyay in ay sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaran guul ayna wax ka qabtaan xaalada cakiran ee uu marayo dalka Soomaaliya.
-
Raa’isal Wasaare Farmaajo “Dayuuradaha iyo Maraakiibta inaga maqan waanu soo ceshaneynaa” December 19, 2010 Raa’isal Wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hantida ka maqan qaranka Soomaaliyeed ay kusoo celin doonaan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan. Raa’isal Wasaare Farmaajo ayaa tibaaxay in xukuumadda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii ay gacanteeda dib ugu soo ceshan laheyd hantida ka maqan Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dowladaha gacanta ku haaya hantida maguuraanka ah ay xaqa u leedahay dowladda Soomaaliya in’ay soo ceshan doonaan, isla-markaana ay ka hawl-gellin doonaan gudaha dalka Soomaaliya. Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in’ay dib u soo celin doonaan hanti kasta oo ka maqan qaranka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in ummada Soomaaliyeed ay u baahan tahay hantideeda oo ay gacmaha ku hayaan qaar ka tirsan dowladaha caalamka. Dhanka kale hadalkaan kasoo yeeray Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa si kal iyo laab leh u soo dhaweeyay qaar ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in Farmaajo uu qabanaayo hawlo qarameed, isla-markaana waxay sheegeen in’ay si-weyn ugu faraxsan yihiin. Si kastaba ha-ahaatee dowladaha Jabuuti, Yaman, Uganda iyo Talyaaniga ayaa waxaa lagu tuhmaayaa in’ay gacanta ku hayaan inta badan hantida maguuraanka ah ee qaranka Soomaaliyeed. Filsan C/Raxmaan Hawl-wadaag, Muqdisho Xidigta114@hotmail.com Dhacdo.com
-
Wasiirka Qosheynta Soomaaliya oo sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Puntland iyo DKMG ah Isniin, 20 December, 2010 (HOL) − Raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulamo uu Garowe kula qaatay madax ka tirsan Puntland. "Waxaan la kulmay madaxwayne Faroole oo aan ka wada hadalnay arimo ku saabsan xiriirka labada dhinac " ayuu yiri C/wali Maxamed Cali oo u waramay warbaahinta Bosaaso. Raysal-wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo amniga dalka oo ay iska kaashanayaan Puntland iyo DKMG ah,waxaana uu xusay in xriirkooda uu yahay mid aad u wanaagsan. Mar wax laga waydiiyay in uu jiro khilaaf dhinaca dastuurka ah oo labada dhinac u dhaxeeya ayuu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal lahayn,isla markaana kulankii ay Jabuuti kuwada qaateen madaxwayne Faroole iyo raysu-lwasaare Farmaajo lagu gaaray heshiis iskaashi. "Ma jiro hadal aan ka sheegi karo khilaaf noo dhaxeeyay inaga iyo Puntland ,balse waxaan ogahay in uu jiro iskaashi na dhexmari doona" ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo ku sugan Garowe. Dhinaca kale C/wali Maxamed Cali ayaa soo dhaweeyay koobka gobollada ee ka furmay Puntland,isagoo dhowr ciyaar Garowe uga qayb galay,waxaana uu xusay in arimahan oo kale ay horseedi karaan nabad ka dhalata guud ahaan dalka Soomaaliya. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya
-
NASSIR;681321 wrote: An inspiring mother! Thanks Nina 4 the valuable coverage of Dr. Hawo's triumphs and struggles and her blessed 2 daughters. Every Somali woman who is capable of emulating or exceeding the charitable services of Dr. Hawo must do so, I urge. Somali women build and sustain our society. Bless them. Thank you kindly Nassir! I appreciate that. Except for the title, the article is great in highlighting Dr. Xawa's tireless hardwork, commitment and dedication to Somali cause. Ganuunac badan doesn't help folks, keep your eyes on the prize; Dr Xawa.
-
Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac Isniin, 20 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan afar qof oo shacab ayaa ku dhintay madaafiic maanta lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 10-qof oo kale, oo iyaguna ahaa rayid ay madaafiicdu kula dhacady maqaayad ku taalla afaafka Madaxtooyada. "JUg madaafiic lagu weeraray madaxtooyada ayaan maqalnay, markaan dibada u so baxnayna madaafiic soo gudubtay ayaa ku dhacay maqaayad ku taala afaafka hore ee madaxtooyada, waxaan arkay maydadka afar qof iyo dhaawaca 10-qof oo kale, dhamaan waxay ahaayeen shacab," ayuu HOL u sheegay mid ka mid dadkii halkaas ku sugnaa. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Cariig, ayaa ku eedeeyay madaafiicdaas xoogagga kasoo horjeeda dowladda, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiic ku dhacday gudaha Madaxtooyada. Dhaawacyadii ka dhashay duqeyntan, ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, iyadoo la sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo culus, ayna ku jiraan haween iyo caruur goobta ay madaafiicdu ku dhacday ku sugnaa. Ma ahan, markii ugu horreysay oo duqeymo khasaare geystay lagu weeraro xarunta madaxtoooyada Soomaaliya, waxaana duqeyntan mid ka horreeyay lagu dilay askar ka tirsan ciidammada AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda, halka kuwo kalena lagu dhaawacay. Xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, ayaa ku sugan goobo aad ugu dhow madaxtooyada, iyagoo halkaas soo tuura madaafiic iyo rasaas khasaare geysta. Iyadoo dowladda Soomaaliyana ay maamusho qaybo yar oo ka tirsan caasimadda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com
-
Xukumadda oo sheegtay in ay bilowday qorshaha 100 maalin. Muqdisho Sh. M. Network) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in uu u bilowday qorshihii ahaa cirib tirka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee boqolka Maalin. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumadda KMG ay bilaawday qorshihii ay balanqaaday oo ahaa in boqol maalin gudahooda ay wax badan kaga qabanayso amniga magaalada Muqdisho. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in boqolkaasi maalin kadib ay dib usoo laaban doonaan dadkii ka barakacay dagaalada ka socda degmooyinka gobolka Banaadir ee gaaray duleedyada magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya. Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda ay mar waliba ka go’antahay in ay shacabka Soomaaliyeed ka difaacdo cadow uu sheegay in ay ka yimaadeen dalka dibadiisa islamarkaana ku sugana gudaha dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin kala duwan dad rayidka ah sida uu hadalka u dhigay. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax waxaa uu dhinaca kale soo hadalqaaday beelihii dhawaan ku dagaalamay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in meel fiican ay marayso waan waantii ay ka dhex wadeen beelahaasi islamarkaana ay isku afgarteen qodobo dhowr ah oo ku xirnaa hishiiskaasi. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubno wafdi ahaa oo ay dowladda u dirtay si ay u kala dhex dhexaadiyaan Maleeshiyaad ku dagaalamayay gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
-
By Nick Lees, Edmonton Journal Samira, an immigrant from Somalia, attended a mentorship meeting at Norquest College one Monday and revealed she hadn't eaten since Friday. "What was more astonishing," says Wendy Kinsella, who is stepping down as the chair of the college's board of governors, "is that she wasn't expecting any money until the following Friday and really thought she could make it without food until then." The volunteers at the meeting took a quick collection. But to get the woman to take the money, they had to tell her it came from a college program. In future, it will. Karen Faulkner, NorQuest foundation executive-director, hit on the idea of launching an emergency fund that would involve 1,000 women donating $1,000 each. The fund is called One Thousand Women: A Million Possibilities. The idea is to raise $1 million in three years to create an endowment that will help in emergencies. "Most of our 10,000 full-and part-time students are totally dedicated to getting on in life and come to school no matter what," says Kinsella, the fund's chairwoman. "While the fund helps both male and female students, the majority -- some 71 per cent -- are female. Our students represent 125 countries and 60 per cent were born outside Canada. Another 21 per cent are of Aboriginal ancestry." Quitting not best option Many have dependents and sometimes, in a dental or medical emergency, are not covered through their current funding source. "Others at times are desperately in need of groceries because of unforeseen hardships," says Kinsella. "Some walk miles to attend classes and might need help to get a bus pass when the weather is particularly nasty." Says Faulkner: "Faced with unexpected expenses can throw students off course and sometimes force them to abandon school to manage the situation." Help from all walks of life The fund was launched in April and to date more than $240,000 has been raised. Lots of women have stepped forward to work on the advisory committee, including college president Jodi Abbott, Jan Folk, Barbara Poole, Arti Koshal, Salma Lakhani, Sheila Weatherill and Judy Cosco. Artist Irene Klaar has donated an iconic image for the campaign. Isabel Bernete of enPrivado shoes and Marianne Brown, of The Butler Did It, have thrown very successful fundraisers. "More than 110 donors from all walks of life have so far contributed," says Kinsella. "The campaign really speaks to Edmonton's kind of philanthropy. And we of course don't mind men and companies donating. Some have already helped generously." A donor wall will be unveiled at the completion of the initiative in 2013. Chartered her own course Seven-year-old Meaghan Modin's departure reminded me to give all those around me an extra big hug during the festive season. Meaghan was diagnosed with neuroblastoma in 2005 and has earned her butterfly wings to become an angel with her grandma and grandpa in time for Christmas. The youngster was hospitalized in August and did not leave the Stollery Children's Hospital again. She was not feeling well in September when the playroom in the oncology unit was named for me, thanks to the efforts of my cycling friends. But Meaghan was always a fighter with an amazing spirit and told her mum she wanted to be part of the Nick's Place celebration. "She had an awe-inspiring will to live," says Val Figliuzzi, the Kids with Cancer Society's executive director. "Whenever we thought she was at the end of her journey, she seemed to bounce back." Says Meaghan's mum Sheryl: "She helped a lot of people along the way, giving others encouragement by being herself. The most important thing was that she had cancer, but the cancer did not have her." My friend Othelia Jenkins, who rode in our Le Tour of Hope fundraiser in June with a photo of Meaghan, befriended her at the playroom naming ceremony and went on to visit her regularly. "She was a sweet, sensitive girl and had a magical way of drawing people in and stealing their hearts," said Jenkins. Resolve to cycle in June Plans for this year's ride, a 1,000-plus kilometre pedal back from Penticton, B.C., are well advanced and some 30 cyclists have already committed. We have decided to cap our group seeking to raise $250,000 at 40 riders. It's "first come" for the remaining spots on our eight-day ride, June 18-26. If you are planning on getting fit for any reason in the New Year and would like to support the Kids with Cancer Society's 38 programs, please consider riding with us. "Five years ago, we had no bereavement program in place to help families such as Meaghan's," says Figliuzzi. "Thanks to Le Tour of Hope, we have now. Sadly, about 30 per cent of the children cyclists have ridden for are no longer with us." Source: Edmonton Journal
-
Xildhibaan Janaqow oo hadalkii ugu horreeyay ka jeediyay siminnaarka, ayaa ka hadlay sida ay diinta Islaamku u aragto colaadda iyo nabadda, isagoo sheegay in Islaamku yahay diin ku dhisan nabad iyo ammaan. "Islaamka waa nabad, sidaad la socotaan Alle wuu karaameeyay bani'aadamka, sidaas darteed shan waxyaabood ayaa lagam maarmaan u ah xuquuda bani'aadamka , diinta ayaana lagu qeexay intii aan la qorin xeerarka Geneva,"ayuu yiri xildhibaanka. Sheekh C/raxmaan Janaqow, oo khudbadiisu u badnayd ka hadalka diinta Islamka, ayuu sheegay in qofka xaq u leeyahay inuu noolaado, inaan lagu xadgubi karin, isla markaana aan lagu dili karin si gardarro ah. "Qofka xaq ayuu u leeyahay inuu noolaado, in lagu xadgubo diinta ma qabto iyo in gardarro lagu dilo, sharaftiisa, diinta iyo xoolihiisa lagu banneysto," ayuu mar kale yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow. Mar uu ka hadlay xilligan lagu jiro dalka, ayaa sheegay in dadku ka baqayaan in la qarxiyo ama la dilo marka ay magaalada u baxaan, cabsidaasoo uu uu sheegay inay sabab u noqotay in waxyaabihii aasaasiga ahaa ay dadku waayaan, gaar ahaan inay si xorriyad ku jirto u cibaadeystaan. Sheekh Janaqow, wuxuu tibaaxay in diinta Islaamka si qaldan loo fasiro, isla markaana ay jiraan dad fikrado qaldan diintana ka bixinaya, isagoo xusay in dhallinyarada ay u nugul yihiin, marin-habaabinta. "Dhibka hadda dalkeenna ka jira waa dhalinyarada, maxaa yeelay waxa haysta waa aqoon la'aan sababtay in dabka lagu shido, waxaa lagu hoggaamiyaa inay isqarxiyaan, ma jiro mas’uul isku diyaarinaya inuu isqarxiyo, sababta waxa weeye in dhallinyaradu ay yihiin udub dhexaadka dhibka ka jira Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqoow oo intaa ku daray in loo baahan yahay in dhallinyarada ay wax bartaan. Sheekh Janaqoow oo ka hadlay isqarxinta ayaa yiri: "Qofka is-qarxiya naftiisa ayuu dilay, waana mid uu ku waayayo wixii uu rajeynayay berry, qofka lagu tilmaami karo wanaagga waa qofkii dhinta isagoo difaacaya naftiisa, ehelkiisa iyo sharaftiisa." Sidoo kale, Sheekh Muuse Cagaweyne oo isna dar-daaran iyo talo u jeediyay dhallinyarada, ayaa sheegay in colaadda ka taagan Soomaaliya ay tahay mid fidno, loona baahan yahay inay dhallinyaradu ka feejignaato in loo adeegsado. Ugu dambeyn, siminaarka oo uu soo xiray ku-simaha guddoomiyaha golaha Culumaa'uddiinka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow oo u mahadceliyay hay'adda CCD dadaalka ay bulshada isugu keenays, isagoo xusay in dhallinyarada ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu baabi'inayo colaadda. Siminaarkan, oo ahaa qaybtii labaad ee hay'adda wada-hadalka bulshada Muqdisho ugu qabato Culumaa'uddiinka Ahlusunna, ayaa waxaa uu qayb ka yahay siminaaro dhowr ah oo ay isugu keentay qaybaha bulshada si ay uga hadlaan xaaladda dalka ka jirta. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Waan kuu soo gudbin doonaa wixii faahfaahin dheerad ah oo la xiriira su'aashada awoowe Hanjab, ee stay tuned.
-
Khilaafkii Shabab oo sii kordhay 18 Dec 18, 2010 - 6:40:58 AM Waxaa sare u kacay, khilaaf u dhexeeya saraakiisha Al-shabaab, iyadoo Sh. Fu'ad Max'ed Qalaf [shangole], uu maanta eedeyn u jeediyay hogaamiyaha kooxdan Axmed Cabdi Godane, kadib markii uu ka hadlay masjid ku yaala Suuqa Bakaaraha. Sh. Shangole oo ah, saraakiisha ugu awooda badan Al-shabaab, uguna xagjirsan ayaa sheegay in mas'uulka ugu sareeya kooxda uu ka tirsan yahay aysan isku hadaf ka ahayn dagaalada ay ka wadaan gudaha Somalia. "Hogaamiye, waxaa midka dadka la hadla, wax walba oo wanaagsan u horseeda dadka, balse in cid walba lala dagaalamo xal kuma jiro" ayuu yiri Sh. Shangole, oo intaas ku daray in Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sh. Mukhataar C/raxmaan Abu-Zubeyr uu yahay nin ujeedooyin kale leh. Khilaafkan cusub, ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalkii dhawaan ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qabsadeen degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, oo ay horay uga talin jireen maleeshiyada Xisbul Islam ee uu hogaaminayo Sh. Xasan Daahir Aweys. "Dagaalkii ka dhacay Buurhakaba, ma ahayn Jihaad, waana wax lala yaabo in lagu tilmaamo Jihaad, waayo waa xaaraan in qof Muslim ah uu dilo qof kale oo Muslim ah, isla markaana uu ku faano" ayuu si caro leh u yiri Sh. Fu'ad Shangole oo ay dhageysanayeen boqolaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab iyo dadweyne kale. Masaajidka uu hadalkan ka jeediyay Sh. Fu'ad Shangole, ayaa ku yaala qaybta ay ku xoogan yihiin Al-shabaab ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Dawada, waxaana hadalka sarkaalkan uu ka yaabiyay boqolaal taageerayaasha kooxdan ka tirsan. Ururka Al-shabaab oo ah awooda weyn ee dagaalka kula jirta DF, ayaa waxaa u dhexeeya kala qaybsanaan qayb ka mid ah ay dibada u soo baxday, inkastoo aanay weli dhicin gacan ka hadal dhexmaray dhinacyada fikirka isku diidan. Hogaamiyaha labaad ee Al-shabaab Sh. Mukhtaar Robow Cali [Abu-Mansor] iyo Sh. Fu'ad Shangole, ayaa la sheegay inay isku fikir yihiin, iyadoo saraakiisha kale ay ku fikir yihiin Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha ugu sareeya kooxdan. GAROWE ONLINE
-
Somali doctor exemplifies Islam's progressive side Published: Sunday, December 19, 2010, 8:48 AM By NICHOLAS D. KRISTOF What's the ugliest side of Islam? Maybe it's the Somali Muslim militias that engage in atrocities like the execution of a 13-year-old girl named Aisha Ibrahim. Three men raped Aisha, and when she reported the crime she was charged with illicit sex, half-buried in the ground before a crowd of 1,000 and then stoned to death. That's the extremist side of Islam that drives Islamophobia in the United States, including congressional hearings on American Muslims that House Republicans are planning for next year. But there's another side of Islam as well, represented by an extraordinary Somali Muslim woman named Dr. Hawa Abdi, who has confronted the armed militias. Amazingly, she forced them to back down -- and even submit a written apology. Glamour magazine, which named Hawa a "woman of the year," got it exactly right when it called her "equal parts Mother Teresa and Rambo." Hawa, a 63-year-old ob-gyn who earned a law degree on the side, is visiting the United States to raise money for her health work back home. A member of Somalia's elite, she founded a one-room clinic in 1983, but then the Somalian government collapsed, famine struck, and aid groups fled. So today Hawa is running a 400-bed hospital. Over the years, the hospital became the core of something even grander. Thousands and thousands of people displaced by civil war came to shelter on Hawa's 1,300 acres of farmland around the hospital. Today her home and hospital have been overtaken by a vast camp that she says numbers about 90,000 displaced people. Hawa supplies these 90,000 people with drinking water and struggles to find ways to feed them. She worries that handouts breed dependency (and in any case, United Nations agencies can't safely reach her now to distribute food), so she is training formerly nomadic herding families to farm and even to fish in the sea. She's also pushing education. An American freelance journalist, Eliza Griswold, visited Hawa's encampment in 2007 and 2008 and was stunned that an unarmed woman had managed to create a secure, functioning oasis surrounded by a chaotic land of hunger and warlords. Griswold helped Hawa start a school for 850 children, mostly girls. It's only a tiny fraction of the children in the camp, but it's a start. (Griswold also wrote movingly about Hawa in her book "The Tenth Parallel: Dispatches from the Fault Line Between Christianity and Islam.") In addition, Hawa runs literacy and health classes for women, as well as programs to discourage female genital mutilation. And she operates a tiny jail -- for men who beat their wives. "We are trying an experiment," she told me. "We women in Somalia are trying to be leaders in our community." So Hawa had her hands full already -- and then in May a hard-line militia, Hizb al-Islam, or Party of Islam, decided that a woman shouldn't run anything substantial. The militia ordered her to hand over operations, and she refused -- and pointedly added: "I may be a woman, but I'm a doctor. What have you done for society?" The Party of Islam then attacked with 750 soldiers and seized the hospital. The world's Somalis reacted with outrage, and the militia backed down and ordered Hawa to run the hospital, but under its direction. She refused. For a week there were daily negotiations, but Hawa refused to budge. She demanded that the militia not only withdraw entirely but also submit a written apology. "I was begging her, 'Just give in,'" recalled Deqo Mohamed, her daughter, a doctor in Atlanta who spoke regularly to her mother by telephone. "She was saying, 'No! I will die with dignity.'" It didn't come to that. The Party of Islam tired of being denounced by Somalis at home and around the world, so it slinked off and handed over an apology -- but also left behind a wrecked hospital. The operating theater still isn't functional, and that's why Hawa is here, appealing for money (especially from ethnic Somalis). She has worked out an arrangement with Vital Voices, a group that helps to empower female leaders, to channel tax-deductible contributions to her hospital. What a woman! And what a Muslim! It's because of people like her that sweeping denunciations of Islam, or the "Muslim hearings" planned in Congress, rile me -- and seem profoundly misguided. The greatest religious battles are often not between faiths, but within faiths. The widest gulfs are often not those that divide one religion from the next, but those between extremists and progressives within a single faith. And in this religious season, there's something that we can all learn from the courage, compassion and tolerance of Dr. Hawa Abdi. © 2010, New York Times News Service
-
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Saraakiil la socota oo maanta booqday Naafada Isbitaalka Martiini Axmed, 19 December, 2010 (HOL) – Xubno uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo xubno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta booqasho ku tagay isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan ciidanka naafada xoogga dalka. Booqashadan, ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka: Wasiir u dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, taliyaha ciidammada milateriga Soomaaliya Gen. Axmed Geeddi Jimcaale iyo taliyah ciidammada badda Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare). “Maanta, waxaa farxad weyn inoo ah inuu nasoo booqdo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Annaga waxaan ku naafownay difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, illaa hadda difaacii ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri afhayeen ciidanka naafadda Cabdi Mahad Cali. Afhayeenku, wuxuu sheegay in tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhex ee Soomaaliya ay isbitaalka daganaayeen, ayna dhibaatooyin kala duwan la kulmeen, isagoo sheegay in dowladda cusub ay ka codsanayaan inay gacan siiyo. “Halkaan, waxaa nooga dhigay askar badan oo naafo ahayd, waa nalagu duqeeyay, dhibaatooyin kalena waa naloogu geystay, balse kama aanan tegin Isbitaalka, waayo waanu ogeyn inuu yahay hanta Qaranku leeyahay, oo badbaadin u baahan,” ayuu yiri Cabdi Mahad. Taliyaha ciidammada Milateriga Gen. Geeddi, oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaad tihiin ciidammo u naafoobay difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, maantana waan idin kaga mahadcleinayaa, waxaana idiin ballanqaadaynaa in dib u eegis lagu sameyn doono xaaladiinna.” Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Fiqi, oo ugu dambeyn ciidammada la hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto xaalkiinna ayna gacan idin siinayso, isagoo sheegay inaan meesha laga saarin dowladda lafteedu ay dhaqaale yari haysato, ayna tahay mid doonaysa inay isbadal ka sameyso dalka. “Farxad weyn ayay ii tahay inaan fursad u helo maanta inaan halkan idinku soo booqdo, waayo waxaa tihiin dadkii u soo halgamay calanka iyo badbaadinta dalka iyo dadka, waxaadna mudan tihiin inaan idin kaga mahadceliyo, waxaana ballanqaadayaa in dib u eegis lagu sameyn doono xaaladihiina kala duwan,” ayuu yiri Fiqi. Isbitaalka Martiini, oo ahaa isbitaal la dhisay xilliyadii gumeysiga, ayaa waxaa ka muuqday burbur xooggan, waxaana qayb ka mid ah sannadkan dayactirtay xukuumaddii hore ee iscasishay, wuxuuna weli hoy u yahay ciidammadii naafada xoogga dalka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Another classic from Abti ma quuste Culusoow. by Mohamud M Uluso Friday, December 17, 2010 The inevitable outcome of the contradictory and illusory actions of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG), of the armed Islamists, of the clan-based Regional Entities, of the neighboring and occupying countries of Somalia, of the International Community (IC), and of the “Transnational Somali Diaspora” is the quick death of gravely ill Somalia. TFG is part of the death scheme that is glossed over and it is impossible to make it functioning as a government working for the common interest of the Somali people. The responsibility to prevent such imminent mournful outcome falls on the shoulders of those who believe and want to be recognized as “Somali Citizens” and are able to focus on the “real bigger picture”, which is the fate of the “Republic of Somalia.” It is up to the “Somali Citizens” to device the relationship and social harmony that would guarantee their long term stability, security, unity and prosperity after years of civil war and foreign interventions. There must be common understanding of what Somali Citizenship entails vs. clan, religious or group affiliations. Some Somalis have chosen to be separate and indifferent. Others have failed to see the destructive and dead end path they have chosen to travel on. Others have decided to pursue their personal interests through deceptive and unpatriotic ways. The rest are overwhelmed by the struggle for survival. As a result, the country is up for grab. The anti Somali political platform of armed extremist Islamists has generated accusations, suspicion, detentions, and of all sorts of abuses against all Somalis inside and outside of Somalia. The day the majority of Somalis wherever and whatever passport they hold will be forced to curtail or totally abandon the freedom of movement, the liberty to engage in legitimate economic and political activities could be upon them despite the hope that justice and open-mindedness will ultimately prevail. The harsh treatment of Islamists against Somalis has intensified and justified the allegiance to and dependence on foreign forces. The Transnational Somali Diaspora is confused about the difference between the Somali interests, culture, the nature of the Somali problem, the provisions of the Transitional Federal Charter and the foreign culture, priorities, and laws. Currently, the political system of Somalia is set, controlled and legitimized by the IC. Therefore, the Transnational Somali Diaspora became receiver of the Somali political power through foreign controlled system based on corruption, misinformation and threats. The European Union threatened Members of Parliament with suspension of salary payments if they do not immediately approve the new Cabinet. A quick recap of some of the events in the past months is good illustrative of the TFG’s uselessness. A Nominal Government like TFG without real political base and power will not serve any purpose. First, former TFG Minister of Defense, Prof Mohamed A. Gandhi and the Kenya Government developed and implemented a plan to train more than 2,000 men forces in Kenya in order to attack Jubba Regions of Somalia and create a Regional State. This plan, not approved by the TFG, was halted in its track by Ethiopia. Second, former Prime Minister (PM) Omar Abdirashid A. Sharmarke vacated (resigned) Office after he received as reported 1.5 million dollars. It is not clear who really wanted the PM’s removal and for what reason(s). It doesn’t seem that lack of performance was a real reason for his removal since President Sheikh Sharif Sh Ahmed and Speaker Sharif Sheikh Hassan exercised 75 % of TFG power. Third, after weeks of consultations with foreign leaders, President Sharif has appointed a new Prime Minister Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Formajo’ whose name surfaced few days before his appointment. There are different stories behind his surprise selection. One of the stories suggests that he has been proposed by a foreign private security firm. Another story emphasizes his connection with President Sharif’s Chief of Staff, Abdulkareem Jama whose mysterious power, religious group affiliation, groupthink (clannish) management and unprincipled views with regard to Djibouti process left many scratching their heads. Abdulkareem is seen as the manager of TFG. His appointment as Minister of Posts, Telecommunications and Information has raised many red flags. The Speaker of Parliament shook down the new PM and his new Cabinet. Representatives of the IC led by the Special Representative of the United Nations Secretary General (SRSG) travelled to Mogadishu to pressure TFG leadership to stop their unacceptable behavior. All times the IC delegations met with TFG leadership at the Airport instead of Villa Somalia despite the presence of AMISOM forces. That special self care reveals the misery and danger in Mogadishu and the low deference accorded to TFG leaders. With laughable explanation, the Speaker reversed his position after undisclosed concessions. While he knew all along that a minimum of 72 MPs never joined the Parliament in the first place and another 135 MPs were absent for long time, he repeatedly argued that the Cabinet needed 276 yes votes for approval out of 343 MPs. This shows his dereliction of responsibility and leadership deficiency. The fact the new Cabinet is part and under the oversight of such hypocritical leadership, it must be insane to expect a meaningful change from it. Fourth, Ethiopia’s recent commentaries about TFG convey the impression that it is not enthusiastic about the re-packaged TFG. Consequently, it has deputized President Farole to attack the TFG. Further, to raise the profile of Alhu Sunna Wal Jama (ASWJ) over TFG, it will train 1,000 ASWJ forces. It has also called an extraordinary summit of IGAD Heads of State and Government, which demanded the UN Security Council the approval and immediate implementation of naval blockade, a no fly zone over Somalia and the deployment of an additional 12,000 AMISOM forces. This will allow Ethiopia to permanently be involved in the internal affairs of Somalia. Fifth, contrary to the CNN headline that says “Somalia receives first Head of State visit in nearly 20 years,” President Yoweri K. Museveni visited Uganda troops in Mogadishu. In reality he summoned TFG leadership in a bunker in the AMISOM Headquarter and gave them a pep talk because President Museveni controls Mogadishu. Sixth, a security company called Saracen International trains and equips 1,200 men with weapons, 120 pickup trucks, 4 armored trucks and 6 small aircrafts in Puntland. So far more than 10 million dollars were paid by unidentified Muslim Country. Saracen International which is owned by brother of President Museveni will also train TFG Presidential Guard. President Sharif and his Chief of Staff Abdulkareem Jama, President Farole and his son, all are counterparts to Saracen Officials who are the owner and his surrogates- Mr. Pierre Prosper, former US Ambassador at Large for war crimes, Mr. Michael Shanklin former CIA deputy station in Somalia and Mr. Bill Pelser, former member of South African Special Forces. The term Saracen has Islamic connotation. Seventh, the US Administration announced a new policy strategy called a “Dual Track Approach” towards Somalia. The basic tenet of this strategy is that the US Administration will deal with all entities, agents and actors of Somalia like TFG, Regional Entities and clans who are willing to confront extremism, terrorism and piracy. This approach has dramatically down-graded TFG. The Special Envoy of European Commission to Somalia has declared that such policy was for long time the cornerstone of European strategy. Similarly Ethiopia welcomed the strategy as vindication for its strategy towards Somalia. The most probable interpretation of the US Administration strategy is license for warlordism, factionalism, and polarization, which would facilitate permanent foreign intervention or occupation in Somalia in the foreseeable future. Eight, the constitutional draft is going with full speed. President Sharif, despite his previous objection to the Constitutional draft process, has nominated individuals whom the UNDP should consult with about the completion of the constitution. The IC wants a new Constitution and invented governance Model without known Somali Stakeholders. The process falls outside the control and authority of TFG and contradicts US-EU Approach. As TFG is a totaled institution and the conferences outside Somalia have become insignificants, an alternative which is reflective of the present reality, is necessary. A proposal sort of the “a framework for a Transitional Government in Somalia,” drafted by President Ahmed M. Silanyo in March 1991, could be the first step. Mr. Mohamud M Uluso E-mail: mohamuduluso@gmail.com
-
Xiisad u dhaxeysa maleeshiyaadak Shabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa ka taagan qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Waxay ka dambesay kaddib markii Maleeshiyada Shabaab ay shalay Suuqa dhexdiisa ku toogteen Horjooge horay uga tirsanaa Maleeshiyaadkii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe oo aanan hadda shaqo u heyn kooxdaasi, isla markaana ay dadka u diideen in meydkiisa laga qaado suuqa Barkaaraha muddo. Maleeshiyaad ka tirsan Xisbiga ayaa si khasab ah saacado kaddib u qaatay meydka Ninkaasi la dilay, waxayna arrintu dhalisay xiisad ballaran oo saameysay inta badan suuqa bakaaraha. Warar aan saakay ka helnay Bakaraha ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan laba kooxood ay is hor fadhiyaan lana filan karo dagaal dhex mara. Dhinaca kale Maleeshiyaadka Shabaab ayaa laba nin oo ka afduubtay suuqa Magaalada Ksimaayo ee jubada Hoose. Labadan nin oo midkood uu ka shaqeynayay farmashiye ku yaalla magaallada midka kalena uu isaga marti u ahaa ayaan la ogeyn halka ay Shabaabku geeyeen iyo sababta ay u kaxeysteen. Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaasi qofood meydkiisa laga helay Meel u dhow dekadda magaallada hase yeeshee arrintaasi aan la xaqiijin. Source: Camalow
-
December 19, 2010 Bandhigaani ay qabatay hay’ada DIAKONIA oo lagu soo bandhigayeey Arday baratay xirfado kala duwan iyo wax soo saarkooda ayaa ka dhacdey Hotel Karaama ee magaalada Bosaaso. Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland,xubno ka socday hay’adaha ka hawlgala degaanada Puntland,Ganacsato,bulshada qaybaheeda kala duwan. Xirririyaha mashruuca Axmed Kayse oo ugu horayn ka hadlay goobta ayaa sharaxay xirfadaha ay barteen ardayda iyo waxyaabaha ay u fa’ideyeen intii uu soconaayey mashruucan oo bilawday sanadkii 2008-dii ayna soo gaba gabeyeen biishaan ee sanadka 2010-ka.waxaana uu xusay in intii ay wadeen hawshaan ay waxbareen 1,806-qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho ku kala sugan degaanada Puntland. Ka aqriso the rest of the qoraalka at http://horseedmedia.net/2010/12/19/hayada-diakonia-oo-soo-bandhigtay-mashruuc-ay-ku-tabbabartay-inka-badan-1000qof-sawiro/ Horseed Media
-
Wasiirka arimaha Gudaha oo xilkii kala wareegay C/qaadir Cali Cumar December 19, 2010 Muqdisho:( Sh. M. Network) Wasiirka Cusub ee Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta la wareegay xilka kala wareegay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo aha Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ah Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabada xilka uu kala wareegayay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa waxaa uu sheegay inloo baahanyahay in wasaarada cusub ay la timaado isbadal dhinac amaanka ah si looga baxo marxalada uu ku jiro wadanka Soomaaliya. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin cadaalad, waxuuna si cadaaladaasi loo helo uu sheegay in loobaahanyahay in lagu soo celiyo wadanka amnigii iyo kala dambeyntii ka jirtay. Sidoo kale wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha waxaa uu sheegay in wasaaradiisa ay laf dhabar u tahay shacabka islamarkaana uu saaranyahay culeys farabadan, waxuuna si taasi looga gudbo uu tilmamay in loo baahanyahay wadashaqeyn dhex marta shacabka iyo wasaarada. Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii hore ee arimaha gudaha oo gaba gabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha ay ku soo shaqeeyeen daruufo iyo waqti adag islamarkaana ay u dhabar adeegeen mudada ay hayeen shaqada wasaaradda, isagoo balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan wasiirka cusub ee wasaarada arimaha gudaha Xukuumada KMG Soomaaliya.
-
Dowladda oo Muqdisho ku soo bandhigtay dhalinyaro Shabaab ah. Axad, 19 December Muqdisho (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay in ka badan 5 dagaalyahan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab kuwaasi oo si iskood ah isku soo dhiibay. Saraakiil ka tirsan Ciidamada nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya ayaa galabta xarunta Ciidanka nabad sugida ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ilaa 6 dagaalyahan oo ay ku sheegeen inay ka tirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo si iskood ah isugu soo dhiibay dowladda KMG Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhalinyarada la sheegay inay ka soo goosteen Xarakada Al Shabaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay iyagu go’aansadeen ku biiritaanka dowladda KMG kadib markii sida ay sheegeen ay caqabado kala kulmeen Xarakada AL Shabaab oo ay horay ugu tirsanaayeen. Saraakiil ka tirsan Ciidamada nabad sugida dowladda KMG oo iyana halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in dagaalyahanadaani ay kusii biireen dowladda kagaadaal markii sida ay tilmaameen saraakiisha ay baqdin ka muujiyeen weerarada boqolka maalin ah ee dowladda KMG ay ku wajaheyso Al Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay ciidamada kale ee Xarakada AL Shabaab in iyana ay ku soo biiraan dowladda KMG Soomaaliya si ay uga bad baadaan weerarada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahayaan dagaalyahanada ka soo horjeeda dowladda KMG,
-
Popular Contributors