Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
December 27, 2010 Mudane Cali Larijaani ayaa hadalkaan yiri xilli u kulan la qaadanaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan oo booqasho ku jooga dalkaas. Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Iraan ayaa sheegay in dhibaatada dheer ee ka jirta Soomaaliya ay ka dambeyso fara gelinta ay ku hayeen Shisheeyaha iyo falalka argagixiisada. ”…Argagixiisnimada iyo fara gelinta Shisheeye waa dhibaatada ka taagan Soomaaliya…”,ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Iraan ay qayb weyn ka qaadanayso xalinta dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka taagan Soomaaliya,waxaana uu ku eedeyey wadamada ugu awooda badan dunida in aysan wadamada Islaamka u ogolayn in ay si madaxbanaan ku noolaadan. ”…Wadamada awooda badan ma rabaan wadamada Islaamka in ay ku noolaadan si madax banaan,sidaas darteed waxaa ay isku dayaan in ay sameyaan qalalaasooyin la xirrirta dhanka Siyaasada,dhaqaalaha iyo amniga oo ka dhan ah…”,ayuu sheegay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan ayaa tilmaamay sababta uu u yimid dalkaas ay tahay sidii xal loo heli karo mushkilada Soomaalida. Safarka Shariif Xassan oo qaadan doonta dhowr maalmood ayaa lagu wadaa inuu la kulmo masuuliyinta ugu sareysa Iraan oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmadinejad. Horseed Media
-
Dood- Aqoonyahanada Soomaliyeed oo ku shirey Djibouti
Somalina replied to Somalina's topic in News - Wararka
Faaqidaadda: Midowga Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam Toddobaadkii hore ururka Xisbul-Islaam ayaa sheegay inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab. Xisbul-Islaam waxay sheegeen in hoggaanka Xisbul-Islaam oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aways ay isku raaceen inay qaataan oo ay ku biiraan magaca Al-Shabaab maadaama ay wadaagaan fikir iyo mabda' isku mid ah. Haddaba midowggaasi maxaa keenay, muxuuse dhalin karaa, su'aallahaasi iyo kuwo kale ayaa waxaan ku faaqideynaa barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadka. Barnaamijkan waxaa arrimahaasi ka dooddaya Xasan Xundubey Jimcaale oo ah aqoonhayan degan London, Bashiir Salaad Dhoolayare, Wakiilka Xisbul-Islaam ee Yurub iyo C/qaadir Xaaji Max'uud Dhaqane oo shahaadada Master-ka ka diyaariyanaya Jaamacadda Nairobi si dhowna ula socda arrimaha Somalia. Dhegeyso http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-Midowga-Al-shabaab-iyo-Xisbul-Islaam-112454249.html -
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhaliilay beesha caalamka habka ay ula dhaqmaan Soomaaliya. Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis ay dowladda KMG ah la gashay shirkad ajnabi ah, heshiiskii xukuumaddiisu ay magaalada Gaalkacayo kula saxiixatay Puntland, caqabadihii dhanka amniga ee ka horyimid dowladda KMG ah xilligii uu ra’iisal wasaaraha ahaa, sababihii keenay iscasilaaddiisa, iyo arrimo kale oo badan. Mr. Sharmaarke oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayuu ugu baaqay beesha caalamka inay taageero siiyaan xukuumadda hadda jirta si loo qabto ayuu yiri hawlo badan ka hor intuusan dhammaanin wakhtiga KMG ah ee dowladda oo ku eg bisha August ee sanadka soo socda. http://www.voanews.com/somali/news/Sharmaarke-oo-VOA-da-Siiyay-Wareysi-Dhinacyo-Badan-Ka-Hadlaya-112490869.html
-
"somewhere in Texas there's a village missing an idiyoooooot"
-
Daud Hassan was a British citizen of Somali origin and he could have stayed in peaceful Britain, after retirement, for the rest of his life. But he wanted to contribute positively to the education of Somalia’s young generation who has not seen peace, security and a functioning national government for almost the past two decades. And although some of his closest friends, like Prof. Said S. Samatar of Rutgers University, USA, had advised him – or rather pleaded with him – not to go to lawless Somalia, Daud turned down their pleas and established a good modern school for the Somali youth in the above-mentioned city. How courageous he was! But ultimately he paid the highest price – his life – for fulfilling his ambition/conviction. My condolences are to his family and friends, particularly his wife, Margaret Ali. May Daud’s soul rest in eternal peace. Dr. Mahamud M. Yahya (July 18 , 2008). Wyre and the rest of the naysayers, haddaad taqaanaan Somali "heroes", ku soo dhejiye halkaan. Haddii kale calaacalka naga yareeya fadlan. Thank you. Somali iney ganuunacaan uun bey la soo shirtagaan, you can't be happy for each other haye! waaba danbi haddaad qof aqoonsato oo aad ku tiraahdo "great job" "thank you for your tireless effort and hardwork"...please wax iskula hara (Wyre). Dr. Xawo shaqadeeda waa show miyaa hadda oo ay ku raadineyso recognition? do you even read waxaad soo qortey, maxaase ugu soo qori weydey halkan haddaad qof wadankiisa wax u qabtey taqaano? Pah-leeeeeeese! Polanyi, you can stuff your Aweys comments where the sun don't shine. Gracias. Don't bother replying.
-
Fiqikhayre;682589 wrote: The youngsters and young sportsmen from Bakool are very happy with the tournament, organisation and Puntland. Maashaallaah. Fiqi, great job on the updates. Don't forget to give credit to SFF as well. Puntland shaqo fiican ayey qabatey no doubt.
-
Wariyaha sanadka Ayaanle Hussein Abdi oo dil ka bad baaday. Wariye Ayaanle Hussein Abdi ayaa habeenimadii Jimcaha rag hubeysan ay weerar kuqaadeen xili uu kabaxayay gurigiisa oo kuyaala xaafada East light ee Magaalada Nairobi. Sadex nin oo Kenyan ah oo laba kamid ah ay hubeysanyihiin ayaa rasaas kufuray Ayaanle xili uu kusocday halka uu gaariga shaqada uqaado utaagna oo wax kayar labaatan Mitir ujiray irida guriga.Waxaana uu Ayaanle mar kaliya ka warhelay rasaas lagu furay iyo rag isku duubay oo ugu dhaqaaqay baarasho, waxaana ay jeebkiisa kala baxeen dhamaan decomentigii uu dalka kujoogay iyo waraaqihii Shaqada. Wariye Nimco Xasan oo goob joog ahayd isla markaana arkeysay marka ay ragu weerarayeen Ayaanle ayaa sheegtay sida marki ay ragu baarteen kadibna aan bilownay in aan ku qeylino inaga oo aanan wali gaariga ka dagin ayaan arkayay nin dhowr jeer toorey ku garaacay Ayaanle oo markaasi isgiijinayay iskuna dayay inuu kabaxsado waxaana mid kamid ah Tooreyda ay kaga dhacday Gacanta bidix inta udhaxeysa garabka iyo xusulka. Mar kaliya ayay ragii bilaabeen inay cararaan waxaana Ayaanle isaga oo gacanta halki dhiigu kabaxayay cadaadinaya uu soo fuulay gaarigii waxaana aan toos u aadnay Isbitaalka Agakhan ee Magaalada Nairobi iyaga bilaabay inay dhiiga ka joojiyaan isla markaana ay daweeyaan.Wariye Amin Caamir oo ay aad isugu dhowyihiin Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa shabakada Wariyaha usheegay in Ayaanle uu wanaagsan lagana saaray Cisbitaalkii oo hada uu la joogo qoyskiisa. Amin ayaa sheegay in raga weerayay aanan wali lagaraneynin waxa ay ahaayeen waxaana markii hore ay ku fureen rasaas ilaahay ayaana ka badbaadiyay waxaana gacanta ka gaaray dhaawac kadib mindi ay ku dhifteen isaga oo ka ilaashanayay in Caloosha ama feeraha ay kala helaan.Amiin ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo mudo sanad ah oo uu Ayaanle joogo Nairobi uu ka badbaado isku day burcad dooneysay inay dhacaan ama ay dilaan. Mana ogi buu yiri Amin sababta ka dambeysa iyo qolada ay yihiin burcadan inkasta oo Nairobi ay tahay meel aanan amaankeedu wanaagsaneyn.
-
DOWLADA KMG AH AYAA DABAGAL KU SAMEEYSAY HISHIISKA SARACEN INTERNATIONAL WAR SAXAAFADEEDNA KA SOO SAARTAY. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay mowqifka xukuumadda ee ku aaddan heshiiskii ay la gashay shirkadda Saracen International. Warkan oo kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay inuu iftiimin u baahan yahay, xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo shirkad Saracen International, iyo weliba howlaha ay shirkaddaas ka qabanayso dalka. Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan: Waxaa jiray jawaabo laga bixiyay su’aalaha saxafiyiinta, wareysiyo iyo qoraallo arrintan ku saabsan oo lagu saleeyay macluumaad aan dhammeystirneyn ama aan sugneyn xilligaas. Haddaba, maanta waxaan rajeyneynaa inaan arrinta kala caddeyno, oo aan idinka iyo caalamkaba idinla wadaagno macluumaad sax ah oo sugan, kaddib markii aan dib u eegnay documentiyo badan oo arrintan la xiriira, isla markaana la hadalnay dhinacyada ay khuseyso. 1. Kulammadii uu yeeshay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maalmihii Talaadada 21 December 2010 iyo Khamiista 23 December 2010, waxa uu uga dooday arrinta ku saabsan heshiiska ay wada galeen dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia iyo shirkadda Sacacen International. 2. Heshiiska TFG iyo Saracen International dhexmaray waa mid ka horreeyay xukuumadda hadda jirta, sidaas darteed waxa doodad Golaha Wasiiradu ku aadanayd dib u eegidda iyo turxaan bixinta heshiika si loo hubiyo in uu yahay mid u adeegayaan danta Shacabka Soomaaliyeed. 3. Heshiiska waxaa dhinaca dowladda KMG ah u saxiixay wasiirka maaliyadda oo sidoo kale ahaa isla Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii hore. 4. Heshiiska aan la galnay Saracen International kuma xusna wax howlo ah oo laga qabanayo dowlad goboleedka Puntland. 5. Baaritaan dheer ka dib waxaan xaqiijineynaa in dowladda Federaalka KMG ah aysan haba yaraatee gelin heshiis wax yeelleynaya qaraarrada Golaha Ammaanka QM. 6. Haddaan nahay TFG waxaa xil naga saaran yahay sugidda ammaanka shacabkeenna, waxaanna u baahannahay gacansiinta Beesha Caalamka si aan ugu guuleysanno ujeeddooyinka aan higsaneyno. 7. Howlaha shirkaddani fulineyso waxaa maalgalinaya dowlado muslim ah oo aan Soomaaliya ka lahayn dano gaar ah, aan ka ahayn in ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka soo daashaday labaatankii sano ee tagtay.
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Somalina replied to MoonLight1's topic in Politics
lol...haddaad tiri wax walba waan la ogolahay, maxaad ugu diidey dad gabyo iney ka soo jeedi karaan Jowhar? Ku adkeyso hadalkaad tiri, ama sidii gudoomiyaha gobolka bari qiro qaladkaaga...lol -
Axad, 26, Dec, 2010 (HOL)-Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa maanta sheegay in uu raali galin ka bixinayo hadal dhawaantan uu warbaahinta siiyay ,kaasi oo ahaa in qaraxyada Bosaaso ka dhaca ay ka danbeeyaan dad ka soo jeeda beelaha D&G. Hadalkan raali galinta ah ayuu ka sheegay gudoomiyaha shir maanta ka dhacay guriga gobolka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beellaha D&G ee ku ganacsada magaalada Bosaaso "Waxaan beelaha walaalaheen ah ka raali galinayaa hadalkaasi meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba,anigoon ula jeedin wax isir saar ah ayuu iga dhacay"ayuu yiri gudoomiyaha oo maanta warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha ayaa xusay in warkii uu warbaahinta ka sii daayay uu ahaa mid si khaldan ku soo gaaray ,isla markaana waxaa odayaasha dhaqanka beelaha D&G ee Bosaaso uu ka codsaday in maamulkooda ay amniga kala shaqeeyaan. Afhayeenka labada beelood ayaa sheegay in gudoomiyaha ay ka gudoomieen raaligalinta uu bixiyay ,waxaana ay xuseen in maamulka ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo la xiriira amniga iyo kor u qaadista bilicda degmada. "Anigoo ku hadlaya magaca beelaha D&G ee gobolka Bari, waxaan gudoomiyaha ka ogolaanay raaligalinta qiimaha badan ee arintaa uu ka bixiyay" ayuu yiri afhayeenka oo shirka ka hadlay. Dhawaan ayey ahayd markii gudoomiyaha gobolka Bari uu sheegay in rag Boliska Bosaaso ay toogteen oo labo ahaa ay ka soo jeedaan beelaha D&G,waxaana maanta meesha ka baxay khilaafkii labada dhinac dhex yaalay Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya
-
Power strugle between Somaliland Puntland within Alshabaab.
Somalina replied to MoonLight1's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;683107 wrote: anigu abshir bacadle waxan ku oga nin reer mudug ah war naga da jawhar dad gabya ma joogaan eeh lol Awoowe Jowhar waxba uma ogolid miyaa? looooool Mudug kulahaa! wallee qowdhan wareerey waala haaya forumkan. -
LOL...the admin is exaggerating a little bit as usual.
-
Great Somalis ayaan ka hadleynaa not great muslims. Waxa u dadkiisa u qabtey ayaan ka hadleynaa here. Inta kale waa asaga iyo ilaahiisa. Dualeh Nur, director of the Somali Business Association in Birmingham, said Ali was a good man dedicated to helping Somalis, both in Birmingham and in Somalia. "He was very, very active in the local community. He used to act as an interpreter and as an advocate for Somalians trying to claim asylum, and with housing and health problems," he said. Tony Howell, the council's strategic director for children, young people and families, said: "I was extremely sorry to hear of the sad loss of Daud, who was a most valued and respected educational psychologist in Birmingham from 1988 to 2004, and my sincerest condolences go to his family."
-
Because he was a convert. RIP. http://www.guardian.co.uk/world/2008/apr/15/somalia.islam
-
:D @Zack... HiCEP is a UK based charity which operates a library and school for children from the Hiran region of Southern Somalia. It was founded in 1998 by Daud Hassan Ali along with friends and family as the Beled-Weyne Library project. Daud devoted his life to education and bringing it to his home town. His lifelong dream was to open a school there which he achieved in 2005. On 14 April 2008 the school was attacked and Daud was killed alongside his fellow teachers Rehana, Andrew and Gilford. We, his friends and family are dedicated to continuing the project with the help of HiCEP supporters who all contribute their time, money and effort to keep the project going. Here is a film of Daud talking about his life, the library and the school. It was made for the memorial service held for the teachers on 7 June 2008. http://hicep.org.uk/
-
Shiribka maanta Xassan daahir Xassan cabdulle xirsi (Turki)
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in General
Noo fasir Oba! -
Congrats to Banadir and Nugaal. Hiiran and Mudug played well against tough opponents. GD both of your teams lost, mine are still in (Banadir and Shabellada Dhexe). Sucks to be you right now. lool...can't help it, open goal!
-
Popular Contributors