Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa uga digay maamulka Puntland ee hadda inuu muddo ku darsado, wuxuuna sheegay inay khalkhal horseedi doonto. Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole inuu si sharci darro ah hal sano ku kordhistay muddada maamulkiisa. Jeneraal Cabdullaahi Siciid Samatar, wasiirkii hore ee Amniga ee Puntland ayaa wareysi uu siiyay VOA-da u sheegay in fadhi qarsoodi ah oo uu yeeshay golaha wakiillada Puntland bishii December ay wakhtiga ku kordhisteen iyaga madaxweynaha hal sano oo dheeraad ah. Jeneraalka ayaa sheegay inaan la oggolaan doonin in madaxweyne Faroole uu muddo kororsi ku dhaqaaqo, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto khal khal iyo isku dhac. Xiriir ay VOA-du la sameysay xubno ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan eedeeynta loo soo jeediyay. Sanadkii 2001-dii Puntland waxaa ka dhacay dagaal dhex maray beelaha uu ka wada dhaxeeyo maamulka, ka dib markii Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ay xubnaha golaha wakiiladu ay si iyagoo kala qeybsan ay muddada u kordhiyeen.
-
Riwaayad cusub- Weji buug wehel kuuma noqdo
-
Africa goormey musuqmaasuq ka gudbeysaa...? Bal fiiri wadankaan soo socda: Angola is one of the fastest growing economy in the world. The country is the sixth richest country of Africa having 93,100 dollars GDP compared on purchasing power parity. The GDP per capita of Angola is 69.708 billion dollars. Anti-corruption watchdog Transparency international rated Angola one of the 10 most corrupt countries in the world. Oil production from Angola now is china’s biggest supplier of oil.
-
vs Wey soo bixi doontaa kii saxiixey iyo kii kaleba...
-
Shirkii Golaha Xukuumadda Federaalka [faahfaahin+ sawiro] January 3, 2011 Afhayeenka xafiiska xukuumadda Federaalka Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa saxaafadda uga waramay shir ay isugu yimaaadeen golaha wasiiraddu, Warka afhayeenka ayaa u dhignaa sidan Isniin, 03.01.2011——-Shir golaha Wasiirada xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay isugu yimaadeen kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga dooday dhowr qodob oo uu ugu horeeyo in howlaha muhiimka ah ee xukuumada lagu soo koobo 5 qodob oo kala ah. 1. Inay ammaanka wax ka qabato 2. Inay fuliso dowlad wanaag 3. Inay hirgeliso Dastuurka 4. Inay dib u heshiisiinta dardargeliso 5. In wax laga qabto Arrimaha gargaarka Bani’aadamimada Dood dheer kadib golaha wasiiradu waxay isku raaceen in xooga la saaro dhiirigelinta qodobadaasi. Golaha wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen qodob ku saabsan la dagalanka musuqmaasuqa iyo cirib tirka sidaasi darteed, guluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi heer qaran oo ka howlgala la dagaalanka musuq maasuqa. Qodobka saddexaad ayaa looga dooday sameynta xeer hoosaad u gaar ah golaha Wasiirada kana kooban 11 qodob oo ay ka mid ahaayeen xushmeynta iyo illaalinta Dastuurka Federaalka KMG ah oo ay balan qaadeen goluhu inay si daacadnimo ah u fulinayaan, soo celinta kalsoonida shacabka, hagaajinta dowlad wanaaga, illaalinta maslaxada guud ee Diinta, Dalka iyo dadka iyagoo ogolaaday inay ku dhaqmayaan dhamaan qodobadaasi xeerka u ah golaha Wasiirada. Wuxuu kaloo goluhu isku raacay in dabogal lagu sameeyo dhamaan hay’addaha dowladda heshiisyadii ay horay u galeen, ayna u soo gudbiyaan muddo 3 cisho gudaheed ah heshiisyada xafiiska Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali. Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed wuxuu dhegeystay dacwad uu xeer ilaaliyaha Qaranku ku soo oogay Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux kaasoo codsanaya in xasaanadda laga qaado kadib markii uu si sharci ah ku galay dekeda Muqdisho, dood dheer kadib golaha waxay isku raaceen in guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyo arrintaasi. Ugu dambeyntii golaha Wasiiradu waxay dhegeysteen warbixino ay u soo jeediyeen Wasiiro ka soo laabtay safaro dibadda. Xafiiska Afhayeenka Xukuumada Cabdi Xaaji Gobdon E-mail: media@opm.gov.so
-
Xildhibaano qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira dalka Somaliya. Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Abaaraha ka taagan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in la gar gaaro dadka ay saameeyeen Abaarahaasi. Kadib marii Abaar dadka iyo duunyada saamaysay ay ku dhifatay gobolada ka mid ah Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta kasoo baxaysa xubnaha dowladda KMG iyo dhinacyada kasoo horjeeda. Qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa walaac ka muujiyay Abaarta ka taagan gobolo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo Hay’adaha Samafalka iyo dadka uu Alla wax siiyay ugu baaqay in dadka ay Abaartu saamay gurmed deg deg ah ay lagaaraan. Xildhibaan Cali Aadan Cabdulle oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG ayaa sheegay in Abaarta meelaha ugu badan ee ka jirto ay tahay gobolo ka mid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo ku baaqay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed gacan ay ka gaystaan sidii loo gar gaari lahaa dadka walaalahooda ah oo Abaartu ay ku dhifatay. Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-Buur) oo isna ka mid ah Xubnaha barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay fasaxaan Hay’adaha gar gaarka si loogu gurmado dadka ay Abaaruhu saameeyeen. Madaxweynaahda dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ku baaqay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka in sida ugu dhaqsiyada badan ay u gar garaan dadka Abaartu ay ku dhifatay. Sidoo kale Hogaamiyaha Al Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Subayr oo isna la hadlay Warbaahinta kadib markii uu soo saaray cod maqal ah ayaa waxaa uu ku baaqay in la gar gaaro dadku ay Abaartu saamaysay, hase’ahaatee waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta iyo walaaca ay muujinaaan dadka Danyarta ah ee qaarkood ugu geeriyoonay Abaarha dartood, kuwaaasi oo xiligaan u baahan kaliya in loo gurmado.
-
Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee kusugan isgoyska ugu dhaq dhaqaaqa badan Magaalada Muqdisho ee Ex Contarool Afgooye ayaa maanta haweenak isticmala wadadaasi ka mamnuucay qaadashada indhashareerka. Taliyaha Amniga ciidamada Ex Contarool afgooye ee dowladda KMG Soomaliya Axmed C/laahi (Axmed Yare) oo la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in shalay galinkii dambe ay kulan wada qaateen saraakiisha ciidamada ka howlgala Ex Contarol iyo nawaaxigeeda isagoo sheegay in kulankaasi looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa dhinaca amaanka. Axmed C/laahi ayaa intaasi waxaa uu raaciyay in kulankooda kadib ay soo saareen awaamiir dhowr ah oo ku aadan dadka iyo gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Contarol Afgooye isagoo xusay in maanta ay bilaabeen baaritaanada gaadiidka xamuulka ah ee ka baxa Muqdisho iyo kuwa soo gala kuwaasi oo uu sheegay in aysan horay u baari jirin. Sidoo kale taliyaha ciidamada Ex Contarol ayaa tilmaamay in haweenka xirta indhashareerka ee isticmaala wadadaasi aysan ogolaan doonin iyagoo xiran indhashareer ay maraan wadadaasi kadib markii ay soo bateen sida uu sheegay rag farabadan oo ka tirsan Al Shabaab oo soo xirta dharka haweenka iyo indhashareerka kadibna isticamaala wadadaasi sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha Amniga ciidamada Ex Contarool Afgooye ee dowladda KMG Soomaaliya Axmed C/laahi (Axmed Yare) ayaa ku qanciyay haweenka Soomaaliyeed ee xirta indhashareerka in ay sabraan inta ay ka xaqiijinayaan ciidamada dowladda amaanka iyo kala dambeynta. Daqiiqado kadib markii amaradaani ay ka soo baxeen ciidamada dowladda KMG fariisinka ku leh isgoyska Ex Contarol Afgooye ayaa maanta halkaasi waxaa lagu arkayay ciidamo farabadan oo baaritaano ku sameynaya dadka iyo gaadiidka Isticmaala wadadaasi.
-
:D:D Diblomaaaasi fiican aas tahay JB.
-
Qof Gaajo ugu dhintay Hargeysa iyo dad kale oo u jiifa cuduro ka dhashay nafaqo-darro (SAWIRRO) sniin, 03 January, 2011:(HOL)- Hal qof ayaa magaalada Hargeysa ugu geeriyooday Macaluul (gaajo) iyo Nafaqo-darro ba'an oo haleeshay, halka Lix ruux oo kalena Cusbitaalka u yaallaan xanuunno ka dhashay darxumo iyo gaajo la soo deristay qaar ka mid ah dadka dalka gudihiisa ku darayaysan oo ku dhaqan agagaarka Xaafadaha Calaamadaha iyo Daammuarka ee koonfurta magaalada Hargeysa. Suleekha Mustafe oo da’duudu ahayd 14 jir ayaa Gaajo ugu dhimatay Xaafadda Calaamadaha ee Caasimadda Hargeysa, halka qoyska ay ka tirsanayd oo ka koobnaa 10 ruux lix ka mid ahi ay Cusbitaalka Manhal u yaallaan xaalad xanuun oo ay gaajadu ku reebtay. Sidaa waxa xaqiijisay Marwo Saynab Xaaji Maxamed oo ah Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Gaashaan oo u dhadhaqaaqa ama ka shaqeeya arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadaha, oo iyadu ka mid ahayd dadkii u gurmaday qoyska dhibaatada Gaajadu la soo deristay. “Waxaan aad ugu mahad-celinayaa hawl-wadeennada dadweynaha Xaafadda iyo Maamulka Cusbitaalka Manhal oo gar-gaar deg-deg ah u sameeyey qoyska dhibaatadu la soo deristay oo ay ka soo qaadeen Buul bannaanka aan waxba dhaamin oo ay ku hoos bakhtiyayeen oo degganaayeen, isla markaana hawlgal caafimaad oo deg-deg ah u sameeyey lix qof oo ka mid ah Qoyskaas oo ka koobnaa 10 qof.” Sidaa ayey tidhi Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Xaaji Maxamed. Waxaanay Guddoomiye Saynab oo hadalkeeda sii wataa intaa ku dartay oo ay tidhi; “Qoyskaa waxa ka baxday Gabadh yar oo 14 jir ah oo magaceeda la odhan jiray Suleekha Cabdi, waxa si degdega loo badbaadiyey oo hadda Cusbitaalka Manhal lagu dawaynayaa oo lix ruux oo laba ka mid ahi yihiin Hooyada iyo Aabbaha qosyka iyo afar carruur ah. Saddex ka mid ah carruurta waxa isla markii la ogaaday gargaar u sameeyey dadweynaha Xaafadda oo imaka gacanta ku haya, isla markaana xaaladdoodu fiican tahay oo ka sahlanaa sida qoyska intiisa kale ay ka dhigtay Nafaqa-darro ka dhalatay Macaluusha iyo Qabawga jira oo ay Buur u saarnaayeen, hoyna kaga jirin.” Guddoomiye Saynab, waxay sheegtay in Agaasimaha Cusbitaalka Manhal Dr. Shiine iyo Dhakhaatiirta la hawlgalaa si weyn ugu dedaaleen dawaynta dadkaas, isla markaana ay sheegeen in dhibaatada qoyskani u daateen tahay saamayn ay ku yeesheen Gaajo iyo qabawga dhaxanta oo isu raacay, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin inay caafimaadaan. “Hooyada qoyska oo la yidhaahdo Rooda Cumar oo iyadu u muuqata inay ladnaatay markii la daweeyey ka dib, ayaa afar carruur ah oo ay dhashay iyo Aabbohood oo la yidhaahdo Mustafe ku haysa Cusbitaalka Manhal.” Ayey tidhi Saynab Xaaji Maxamed. Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab X. Maxamed, waxay ugu baaqday Hay’adaha Samafalka, dadweynaha Hargeysa iyo Dawladda Somaliland inay si degdega ugu gurmadaan qoyskaas iyo qoysas badan oo isugu jira kuwo Xoolo-dhaqato ahaa oo ay ka madheen oo sannadihii ugu dambeeyey magaalada ku soo qaxay iyo dad ka soo barakacay dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dhaqaale-darro haystaan sida ay Saynab sheegtay. Waxaanay Saynab oo arrintaa ka hadlaysaa tidho; “Waxaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa Samafalka, dawladda Somaliland iyo dadweynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku dhaqan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan qoyskan qaarkood gaajada u dhinteen, qaarna u sakaraadayaan ee ay Dhakhtarka u yaallaan. Dadka dhibaataysani qoyskan oo kaliya kuma koobna ee boqollaan qoys oo qaarkood abaartu xoolohoodii ka dhammaysay oo magaalada ku soo qaxay iyo kuwo ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya ayaa dhibaato tan la mid ah qaba, kuwaasoo haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban maalmaha soo socda aynu maqli doonno iyaga oo la leeyahay Gaajo iyo Dhaxan ayey u dhinteen. Sidaa awgeed, waxaan mar kale ku baaqayaa in dadkaas waa la innagu eegayaaye si deg-dega loogu gurmado, gargaar deg-deg ahna loo sameeyo intaanay gaajo u wada bakhtiyin.”. Si kastaba ha ahaatee, Macaluusha ayaa waxa ka dhasha nafaqa-dorro ban oo qofku gaadho heer aanu iska difaaci karin ama u adkaysan karin Gaajada, Qabawga, Kulaylka iyo waxyaabo badan oo la mid ah. Iyada oo Caasimadda Hargeysa ay ku nool yihiin dad badan oo ay ku xeeran yihiin xaaladaha is-barkan ee Macaluusha, Nafaqa-darrada, Hoy la’aanta, biyo la’aanta iyo kuwo la mid ah oo ay geyisiisay darxumada dhaqaale-darro ee ay la deriska yihiin. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
-
@Ismalura.. yaa na tusa bal...lol --------
-
-
Daawo Filim xayeysiis ah oo ay iska leedahay Shirkadda Saracen International
-
Zahra Bani throws Javelin for Italy.
-
Yasin Muse, plays for Qatar.
-
LOL! gabadhii guur rabto familkeeda hala hadasho dee! gabdhaha waa iney ogaadaan in uu nin buuxo aduunka. Waa maxay heesahaan? Taleexi yaad u hadloysaa adigu horta?
-
LOL War kuwaan 10ka shaati soo xirtey ayaa weerarka soo qaadey. Dumar tuugtamaayo weli wey ii dhiman yihiin. We all know kii baahan oo darbiyada taataagan, ee naga yareeya faatadhugtiina. Dumaroow, call the cops when you see mid polygamy ku dhex dabaalanaayo, make it your biz! lol
-
Jacaylbaro;684747 wrote: Waxaan maqlay in Shariifka looga helay nigis uu si gaar ah u soo codsaday ......... xaaji-xunjuf baa u geynaya tomorrow ,,, Waa ka helaa marka qowdhanska isku hiil hiiliyaan ceeb daradeed. Nice to see JB oo Xaji Hanjab garab siinaayaa. Splendid! ---------- Muqdisho:- magaalada Muqdisho oo saaka ku waabariisatay jawi deganaan ah. Januar 2, 2011 Muqdisho (Allpuntland)-Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku wabariisatay jawi deganaan ah ka dib dagaalo culus oo todobaadyadii la soo dhaafay hareeryey magaalada muqdisho kuwaasi oo sameeyn culus ku reebay magaalada. Inkastoo xiliyada habeenkii magaalada Muqdisho dagaalka looga bartay islamarkaana madaafiic dhinacyada iska soo horjeeda ay isku adeegsan jireen ayaa waxa xalay la dhihi kara habar ugu yaraatee dhawaqa xabad rasaas ah lagama maqal aagaga dagaalka Muqdisho. Jawiga deganaanta ah ee xalay ka jiray magaalada Muqdisho ayaa dadka waxa ay u arkaan xasilooni weyn marka loo eego dagaaladii mudooyinkii ugu dambeeyey gil gilay magaalada Muqdisho. Xaalada degaanta ah ee ka jirtay xalay magaalada Muqdisho ayaa wali jiitameeysa ilaa saaka mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlayo aagaga dagaalka magaalada Muqdisho.
-
QM oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso Abaaraha Somaliya Nairobi: (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay qaadayso talaabooyin deg deg ah oo ay ugu gar gaareyso dadka Soomaalida ah ee saameeyay Abaaraha bahsan ee ka jira Koofurta iyo Bartamaha dalka. Hey’adda cunada aduunka Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarinayso talaabooyin gar gaar deg deg ah oo ay u fidinayso inta u dhaxeysa boqol iyo lixdan kun ilaa hal milyan oo qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo si xun ay u saamaayeen Abaaraha baahsan ee ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka colaaduhu ay la dageen ee Soomaaliya. WFP ayaa tilmaamtay inay u baahantahay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 17-Milyuun iyo 7-boqol oo kun doolar, si ay u dar dar galiso howlaha gar gaarka ee loo fidinayo dadka Abaaruhu ugu geeriyoonaya qeybo ka mid ah Koofuta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku duba ridka howlaha bini’aadanimada ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay bilaabeen in ay ka cararaan deegaanadooda sababo la xiriira Abaarta xoogan ee ku dhifatay halka ay ku nool yihiin. Xafiiska ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Somaliland iyo Puntland ay iyana ka mid yihiin goobaha ay saameeyeen Abaaraha, isagoo intaasi sii raaciyay in gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee iminka ay dhibaatadu abaaraha ku haystaan Soomaalida. Mudooyinkii dambe ayaa dadka ku dhaqan gobolada Dalka Soomaaliya waxaa ay ka cabanayeen dhibaatooyin adag oo la xiriira Abaaraha, iyadoo dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed ay tilmaameen in loo baahanyahay in loo gurmado dadka ay Abaaruhu ku dhifteen. Hase ahaatee su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay in hadii Hay’adaha Samafalka ay diyaar u noqdaan, caabinta dadka iyagu la darisay Abaaraha iyo cudurada kala duwan sida ay wax u gaarsiinlahaayeen, maadaaama hore Al Shabaab ay u mamnuuceen in Hay’adaha gar gaarka ay ka howlgalaan goobaha ay ka taliyaan, iyagoo ku eedeeyay Hay’adahaasi in ay xiriir la leeyihiin Kaniisada Caalamka.
-
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaan garoonka Muqdisho looga dhoofi karin baasaboorkii hore ee Soomaaliya Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Dowladda Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inaan looga dhoofi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho baasaboorkii hore ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in lagu dhoofi karo oo keliya baasaboorka cusub ee E-Passaport. "Waxaan keennay Muqdisho, makiinadihii sameynayay baasboorka, ugu badnaanna qofka wuxuu ku helayaa marka uu dalbado baasaboor cusub saddex maalmood, marka ma jirto sabab loogu dhoofo baasaboorkii hore ee Soomaaliya," ayuu yiri taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlya saxaafadda Muqdisho. Gen. Gaafow, wuxuu sheegay in sababta makiinadaha sameeya baasaboorka loo keenay Muqdisho ay tahay, in shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku helaan baasaboor ay ku dhoofi karaan. "Ma jiro, qof aan ka aqbali doonno inuu baasaboorkii hore kaga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waa in la ogaado in la joojiyay, qofkii dhoof rabana uu dalbado baasaboorka cusub," ayuu yiri taliyaha oo sheegay in Soomaalida dibadaha dalka ku nool ay u fududeeyeen helintaanka baasaboorka cusub ee Soomaaliga. Baasaboorka ay sheegtay DKMG ah in lagu dhoofayo ayaan laga ogoleyn maamulka Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya inteeda kale ka go'day, iyadoo boqolaal qof ay bil walba isaga dhoofaan Muqdisho iyo Somaliland, waxaana maamulkaas uu sheegay inay xiri doonaan qofkii baasaboorka cusub kusoo gala deegaannadooda. Waa markii ugu horreysay, oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in baasaboorkii hore ee Soomaaliga aan looga dhifi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah midka keliya ay gacanta kaga hayso garoommada Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Ciyaarytoyda Xulka gobolka Banaadir oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho Ciyaartoydii Gobolka Banaadir ee ku soo guuleystay koobka 18aad ee Gobollada ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garowe ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho. Wafdi ay qeyb ka yihiin Ciyaartoyda gobolka banaadir oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo masuuliyiin ka tirsan Xirirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga iyo xubno ka socda maamulka gbolka Banaadir. Ciyaartoyda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Hotelka Naasahablood II, ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas hadalo ka jeediyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale. Wasiirka Dhallinyarada ayaa sheegay in tartanka furtaankiisii uu tagay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Xidig gabagabadiina uu wakil u ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Tarsan, wuxuuna sheegay in xiriirka kubadda cagta, Ciyaartoyda gobolka iyo maamulkaba ay wasaaraddu u qaban doono xaflad gaar ah. Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa u mahad celiyay Maamulka Puntland iyo shacabka re Garowe, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Faroole uu sanadka dambena marti qaaday koobka hase yeeshee uu ku dadaali doono isagoo kaashanaya shacabka in ammaanka magaalada la hagaajiyo sanadka dambena Muqdisho lagu qabto kulanka tartanka ciyaaraha gobollada dalka. Dadaal dheer ayuu sheegay Guddoomiyuhu in uu u gali doono sidii loo soo celin calaa Astaamihii magaalada Muqdisho ay caanka ku ahayd iyo kaalintii ay uga jirtay dalka, wuxuuna tilmaamay in ammaan darrida ka jirta ay sabab u noqotay in xuquuqdeedii ay qaataan magaalooyin kale oo nabdoon. Ciyaartoyda gobolka Banaadir ayaa wejigooda ka muuqanaayay farxad badan iyadoo ay wateen koobka ay kusoo guuleysteen,waxaana galbiyey masuuliyinta ku sugeysay garoonka. RM
-
Dowladda oo sheegtay inay hormarineyso Afka Soomaaliga. Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaaradda Waxbarashadaha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku dadaali doonto sidii loo dayactiri lahaa goobaha waxbarashada ee kuyaala Magaalada Muqdisho iyo hormarinta Luuqada afka Soomaaliga. Wasiirka wasaarada Waxbarashadaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya C/nuur Sheekh Max’ed ayaa sheegay in Wasaaradiisa muhiimada ay saari doonto sidii ay u hormari laheyd luuqada Soomaaliyeed iyo Manhajkii Soomaaliya. Waxaa uu sheegay Wasiirka Waxbarashada in ay dayactiri doonaan iskuulaadka bur bursan ee kuyaala dalka islamarkaana ay kusoo celin doonaan adeegyadii waxbarasho ee ay qaban jireen, isagoo tilmaamay in iskuulaadkaasi ay hoostagi doonaan wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda KMG Soomaaliya. C/nuur Sheekh Max’ed waxaa uu balan qaaday in xukuumadda Farmaajo ay xooga saari doonto sidii ay u hormari laheyd tacliinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay la kaashaanayaan arinkaasi daladaha kala duwan ee ka jira dalka sida uu yiri. Hadalkaani ayaa waxaa uu jeediyay Wasiirka wasaarada Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda KMG Soomaaliya C/nuur Sheekh Max’ed xili uu la wareegayay xilka wasaarada Waxbarashada kadib munaasabad ka dhacday hargaha iyo saamaha iyadoo xilka wasaarada waxbarashada uu wareejiyay Wasiirka Hore ee waxbarashada C/nuur Macalin Max’uud. Wasiirka Maanta Wasiirka Xilka Wasaarada Waxbarashada oo halkaasi hadlay ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadlida marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaarada Waxbarashadaha iyo wax u qabsoomay inta uu xilkaasi hayay.
-
You dont have to be afraid of women, they don't bite.
-
Adiga riyada iska jooji. Isxaana isku fal fadlan... Baadiye ma joogno, kii polygamy galana federal gov ha loo sheego. Very simple really! Dumarkana waxay doonaan ayey sameynaayaan 2011 ayaan maroynaa, reality-ga la deal garey, haka ordin hana deny gareyn. Magacuu wado iyo wuxuu ku daldalmaayo la isma barbar dhigi karo. Cajiib.
-
Dedaal badan kadib ayaa lagu guuleystey in ciidamadii gadoodsanaa laga kaxeeyo wadada Maka al-mukaramah oo ah waddo muhimad weyn u leh Dawladda federaalka ayna isticmaalaan madaxda dawladdu. dad dagaal ku jirey 20 sanno people like awoowe Hanjab ma fahmi karaan. Waa la dadaaley, waana la dhameeyey sheekada. Awoowe iiga waran the looted equipment and uniforms. Size-kaada ma ka dhex heshey uniforms-ka? loooool
-
Popular Contributors