Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Territorial Triumph and Geopolitical Pitfalls in South Sudan While the international community, which author and noted Africa scholar Mahmood Mamdani's describes as a euphemism for the post-Cold War Western powers, [2] may be ready to accept a redrawing of the map and cleave Africa's largest country, for the radicals America and some of it's allies are fighting in Central Asia and the Arab world, the creation of a new Western sanctioned nation-state in a religiously and politically contested area at the edge of the Arab-Muslim world as proof that the jihadis are indeed engaged in a long term religious battle with an international system bent on stemming the spread of Islam, the one true monotheism. Almost as if playing into a scripted jihadi propaganda narrative, Senator Kerry spoke at a cathedral in Juba, South Sudan's de facto and future captial telling the audience: "...as a Catholic and person of faith, and person in public life, I can't help but feel the relevance of what brings us here to this place of worship and what brings us to the challenge of building a nation." For the peoples of South Sudan who have suffered so much since the end of the Anglo-Egyptian administration in 1956 and the decades of on-again, off-again civil war and proxy war in the Sahel and Equatoria, this week will mark the beginning of a new era that will likely stumble through a high degree of uncertainty. Sudan's current borders are not a purely a legacy of European colonialism as perceived in many other parts of the Sahara and Sahel super regions of Africa. Many of Sudan's modern borders were in fact created during the Ottoman era in a period known as the Turkiyya by Turkish-Egyptian colonizers and were later inherited by European administrators. The future of the disputed Abyei region straddling a soon to be formally demarcated North-South border, the nomadism of the Messiriya Arabs in that area who may see their identity in the context of a united Sudan, and the current South-North flow of oil deemed an essential cornerstone of this new state-building experiment, remain as huge question marks even after the week long voting process this week has ended. If South Sudan becomes an internationally-recognized state, will this agitate other long-standing African (and potentially Asian and Eurasian) post-colonial territorial disputes? Will this lead the Paris-based leadership of the "Republic of Cabinda" who seek to create an independent state in the Angolan exclave of Cabinda (once known as the Portuguese Congo) wedged in between Congo-Brazzaville and Congo-Kinshasa? Or what of the Cassamance rebellion in southern Senegal or the Ogeden rebellion in eastern Ethiopia? Read the rest at http://www.huffingtonpost.com/derek-flood/territorial-triumph-and-g_b_807716.html
  2. Human Rights Activists Caution Against US Incentives for Sudan Human rights activists are cautioning against U.S. promises to drop Sudan from a list of sponsors of state terrorism. They say such promises could undermine long term security in the region. As the referendum for south Sudan's secession moves ahead, human rights activists are closely watching how the United States is dealing with the Sudanese government in Khartoum. If a vote for separation in the south wins, as is widely expected, the agreed upon timetable would have south Sudan become a new country in July. U.S. officials are now reiterating pledges they could remove Sudan from its list of states that sponsor terrorism as early as July as well. But David Abramowitz from the U.S.-based group Humanity United says the U.S. Congress will also play in role in determining such a change. "Obviously there will be issues there and people will be looking at that. There is a congressional role there, consultation at a minimum, that will be happening," he said. Before such a move, Sam Bell, with the U.S.-based Genocide Intervention Network, says U.S. officials would also do well to look into whether Sudan's government is currently backing the Uganda-based roving militia Lord's Resistance Army (L.R.A), which is currently proscribed by the United States as a terrorist organization.Their leader Joseph Kony is wanted on an International Criminal Court arrest warrant issued in 2005 for crimes against humanity and war crimes. "One thing that we have urged the administration to look at is the connection between Khartoum and the LRA which is reported, elements of which are reported to be in south Darfur and are reported to have reached out to Khartoum in the past months and weeksm," he said. The LRA started in opposition to Uganda's government in the late 1980s, but in recent years has wrecked havoc in several east African countries, burning and looting villages, raping villagers and abducting children. There are concerns the group is now operating in Sudan's western region of Darfur where a war between rebels and Sudanese security forces persists. Abramowitz from the group Humanity United says that since there has been no progress to end the violence in Darfur, U.S. economic sanctions should remain. "If things go well on the referendum, state sponsor of terrorism list is definitely on the table come July but other areas such as the lifting of sanctions and debt relief, etcetera are not until Darfur is resolved," he said. Other unresolved issues related to the north-south agreement to end two decades of civil war also remain, such as the oil-rich border region of Abyei which was also supposed to hold a referendum on its future this week. There has been violence in Abyei in recent days in which dozens of people have been killed. Human rights activists warn the clashes could be a prelude to a new north - south war.
  3. Cowke dadka la daldalmaaya ayaa ka daran... JB, waxaad jeceshahay inaad maqasho ayuu kuugu heesay alleylehe..
  4. Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo billaabay inay Xoolo u qaybiyaan dadka ku nool gobolka Shabeellada dhexe Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Guddiga Zakawaadka ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa bilaabay shalay oo Isniin ahayd qaybinta xoolo nool oo Zako ahaan ay u soo ururiyeen gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo loo qaybiyay qoysas dhibaateysan oo ku nool degmada Warsheekh. "Waxaan, maanta si ramsi ah u billlownay qaybinta xoolo Zako ahaan aan horay ugu soo ururinnay, waxaana u qaybinnay 106-qoys, iyadoo qoys walba uu helay shan neef oo xoolo ah," ayuu yiri Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxmaed oo ah madaxa guddiga Zakawaadka Xarrakatul Shabaab iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha. Sheekh Aala-Maxamed, wuxuu sheegay in xoolaha ay u qaybiyeen qoysaska ku nool degmada Warsheekh, ay gaarayeen 530-neef oo isugu jiray Geel, Lo' iyo Ari. Kuwaaoo ay horay uga soo ururiyeen xoolaleyda ku nool gobollada ay maamulaan. Maanta oo Talaado ah, ayuu Sheekhu sheegay inay sidoo kale xoolo nool u qaybin doonaan dadka ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, isagoo sheegay inay horay u diiwaan-geliyeen dadka ay Zakooyinka u qaybinayaan. "Degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada dhexe, ayuu sheegay inay ka diiwaangeliyeen 100-qoys oo ay doonayaan inay siiyaan xoolo nool, sidoo kale degmooyinka Balcad iyo Aadan-Yabaal, waxaa diiwaangelinay min 80-qoys oo aan xoolo siinayno, degmooyinka kalena sidaas oo kale ayaan u diiwaangelinay," ayuu yiri Sheekh Aala-Maxamed. Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa noqonaya gobolkii ugu horreeyay oo Xarrakatul Shabaab ay sannadkan ka bilaabaan Zako qaybinta, iyadoo mas'uuliyiintu ay xuseen in dhammaan gobollada ay ka taliyaan ay ka qaybin doonaan Zakada. Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa ka ururiya ganacsatada ku nool gobollada ay ka taliyaan xoolo iyo lacag Zako ah , kuwaasoo ay siiyaan dadka dhibaateysan ee ku nool gobolladaas, waxaana tallaabadan ay qayb ka noqonaysaa mid dadka loogu gargaarayo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya oo dalbaday in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho. "Dadka ku nool Soomaaliya, dhibaato badan ayaa ku dhacday, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada koonfureed ee ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, waayo waxay u diideen in hay'adaha gargaarku deeqo gaarsiiyaan gobolladaas," ayuu yiri Tarzan. Guddoomiyaha gobolka, wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata inay gargaaraan dadka dhibaateysan, gaar ahaan kuwa ay abaaruhu ku dhufteen. "Magaalada Muqdisho, waxay ku socotaa jidkii Baydhabo xilligii 1992-kii, taasoo ahayd magaaladii geerida, waxaan ugu baaqaynaa caalamka inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho," ayuu Tarzan yiri. Duqa magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dadku ay kasoo qaxyaan goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, sida Ceelasha biyaha, ayna soo galayaan magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegay inay sii kordhisay xaaladda dadka ku dhibaateysan gobolka Banaadir. Hadalka, guddoomyaha iyo duqa gobolka Banaadir ee DKMG ah, ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan qaylo-dhaanno gargaar loogu dalbayo, dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen abaaraha ku dhuftay gobollada Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com
  6. Hormuud oo Maanta Kaalmooyin gaarsiiyay dad barakacayaal ah. Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqa ku aadan abaaraha iyadoona shirkadu maanta deeqo kala duwan ay gaarsiisay qoysas ku dhibaateysan gudaha Magaalada Muqdisho. Afhayeenka gudiga Abaaraha ee Shirkadda Isgaarsinta Hormuud Muuse Axmed Nuur oo u waramayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay kaalmooyin ay maanta bilowday Shirkadda Hormuud oo ay kaga jawaabeyso baaqa ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaxay iyo kuwa abaaruhu ay saameeyeen. Waxaa uu sheegay Afhayeenku in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ugu talagashay 7-kun oo qoys oo ku dhibateysan gobolka Banaadir in ay Shirkadu kaalmooyin gaarsiiso, isagoo tibaaxay in maanta ay kalmooyin gaarsiiyeen 7 boqol oo qoys oo kusugnaa degmada Kaaraan ee waqooyiga Magaalada Muqdisho. Qoys kasta oo maanta helay deeqa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa la siiyay 25 kiilo oo bariis ah gasac Saliid ah iyo sedax boqol oo Shilin Soomaali ah, waxaana sidoo kale dadka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalada Martiini loo qeybiyay lacago Cadaan ah. Afhayeenka gudiga Abaaraha ee Shirkadda Hormuud waxaa kale oo intaasi uu ku daray in gobolada kale ee Soomaaliya ay ka duwanyihiin qaabka Magaalada Muqdisho kaalmooyinka ay uga qeybinayaan. “Goboladu waa ay ka duwanyihiin gobolada waxaa u badan haraad, marka waxaan biyo dhaamin ka sameyney qaarna hadda la qorsheynayaa degmooyinka Ceel-waaq, Baardheer. Diinsoor, Dhoobley, Bu’aale, Buurhakaba, Xudur, Jowhar, Buulaburde, Baladweyne, Masagawaa, Cadale iyo Saakow waxaana ku dadaaleynaa sidii aan u gaarsiin laheyn dadka ooman biyo ay cabaan” ayuu yiri Muuse Axmed Nuur Waxaa uu ugu dambeyn sheegay Afhayeenka gudiga abaaraha ee Shirkadda Hormuud in hadii ay ku arkaan degmooyinkaasi dad u baahan kaalmooyin kale oo dhinaca cuntada ah ay siin doonaan, waxaana shirkadaha kale ee ka jira dalka uu ugu baaqay in ay kaalmo gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen. Howshaani ay bilowday Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Magaalada Muqdisho ka soconeysa mudo todobaad ah, waxaana Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay noqonay shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqa ku aadan in la caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.
  7. Qodax Qorax;686717 wrote: Why dont you ask former PM Geedi for some caawimo, he is 50 years old and has 50 miljoen dollars. Or ask Abdiqasim Salat what he has done with the 300 miljoen dollar Carab support, or ask all the other tuugs from Muqdishu who have been robbing the money which was meant to rebuiold the nation. You do the asking, I will wait for the answers. FYI: Tuug wuu buxaa meelwalba, or should I say "muggers"...
  8. Dowlada oo maalintii 2-aad soo bandhigtay Maleeshiyaad isu soo dhiibay Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigtay Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isa soo dhiibay. Dhalinyaradan isu soo dhiibtay gacanta dowladda KMG Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo lix ruux islamarkaana ay maanta soo bandhigtay ha’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa ah kuwa haatan ku faraxsan sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka go’antahay la shaqeynta ciidamad Qaranka Soomaaliyeed. Afhayeenka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka korneel Ibraahim Cumar Aadan oo goobta lagu soo badhigay 6-daasi dhalinyarada ah ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay dhalinyaradasi uga soo tageen kooxihii ay markii hore ka tirsanaayeen, iyo sida ugu suurta gashay in ay dowlada isu soo dhiibaan. Korneel Abuukar Cumar Aadan waxa uu xusay in dhalinyaradaani ay ka soo carareen dhibaatada lagu hayey iyo tan shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, isagoo intaa ku daray in ay u sameeyeen Saldhig lagu xareeyo dhalinyarada ka soo tagaya Maleeshiyaadka Shabaab. Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradasi isu soo dhiibtay gacanta dowladda Soomaaliya oo halkasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiritaanka dowladda, ayna ka go’atahay sidii dhalinyarada kale ee ay maleeshiyaadkasi qalden ay ugu soo biirin lahaayeen dhinaca dowladda. Waxa kaloo dhalinyaradaan ay tilmaameen in waxyaabaha ku kalifay in ay ka soo tagaan kooxdaasi ay ugu wacantahay kadib markii ay u dulqaadan waayeen dhibaatada joogtada ah ee ay kooxdasi ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Mahad Max’ed C/llahi oo ahaa horjoogihii dhalinyaradaasi watay iyo Caadil Max’ed Sabdow oo isna ka mid ah dhalinyarada saakay isa soo dhiibtay ayaa waxa ay sheegeen in ajaanib u dhashay wadamada Kenya iyo Pakistan ay tababaro kala duwan siiyaan dhalinyarada ay Maleeshiyaadka Al-shabaab qaldayaan ayna doonayaan in ay ku sii huriyaan dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay kooxdasi ka waddo Soomaaliya. Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli hay’adda Nabad Sugida Qaranka ay maalinkii shalay soo bandhigeen 7- dhalinyaro ah oo kooxdaasi kasoo tagay waxaana isa soo taraya maalinba maalinta ka dambeysa dhalinyarada iskood isu soo dhiibaya gacanta dowladda kadib markii ay arkeen dhibaatada ay kooxdasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
  9. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay Muqdisho Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka, oo ay uga qaybgalaan shir Qarammada Midoobay ay uga hadlayso Soomaaliya. "Safarkeygu, waa mid ku wajahan dalka Mareykanka, gaar ahaan New York, waxaan uga qaybgeli doonaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dib u dheshiisiinta iyo ammaanka dalka," ayuu yiri Farmaajo. Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkan oo furmi doona 14-ka bishan uu socon doono laba maalmood, uuna rajeynayo inuu ku dhammaado si guul ah, isagoo xusay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay tahay mid haysata kalsoonida caalamka. "Shirkan, wuxuu kaga badalan yahay shirarkii hore, caalamku wuxuu ku qanacsan yahay sida ay ku shaqeynayso xukuumadda cusub, waayo waxay ku guuleysatay inay baabi'iso musuq-maasuqa iyo inay bixiso mushaaraadka ciidammada," ayuu yiri Farmaajo. Wafdiga ra'iisul wasaaraha, waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay xubno ay ka mid yihiin; wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac. Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sidoo kale sheegay in shirka uu ka qaybgalayo looga hadli doono kordhinta ciidammada AMISOM oo dowladda ka difaaca weerarrada kaga yimaada kooxaha hubeysan, iyo howlgalkooda Soomaaliya. Safarkan, ayaa noqonaya kii labaad oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, tan iyo markii xilkan loo magacaabay, isagoo safarradii hore ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo dariska la ah Soomaaliya. Dhanka kale, waxaa isla maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, iyagoo kusii jeeda dalka Norway oo ay uga qaybgalayaan shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo. Wafdiga Oomaar, ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
  10. Xaflad lagu soo dhowaynayay ciyaartoyda gobalka Banaadir oo maanta lagu qabtay Muqdisho (Sawiro) Muqdisho (RBC Radio) Xarunta maamulka gobalka Banaadir ayaa waxaa ka dhacay xaflad balaaran oo lagu soo dhowaynayay xulka gobalka Banaadir ee ku soo guuleestay ciyaaraha gobalada Soomaaliya. Xafladaan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir oo uu ugu horeeyay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha maamulka gobalka. Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kale oo ka tirsan Sportiga Soomaaliya marti sharaf kale iyo ciyaartoyda Xulka gobalka Banaadir ee ku soo guuleestay Ciyaaraha gobalada. Maxamuud AXmed Nuur Tarsan gudoomiayaha maamulka gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah u soo dhowaynayaan ciyaartoyda xulka gobalka Banaadir ee ku soo guuleestay ciyaaraha gobalada Soomaaliya. Ciyaartoyda Xulka gobalka Banaadir ayaa ayagu waxa ay horay wacdaro kaga soo dhigeen magaalada Garowe tartankii lagu qabtay ee ciyaaraha gobalada Soomaaliya. Dhamaanba dadka ka soo qaybgalay xafladaan ayaa waxa ay si aad ah u soo dhoweeyeen guusha ay gaareen ciyaartoyda gobalka Banaadir.
  11. Maamulka Degmada Boondheere oo Sheegay In ay Dileen ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha degmasda Boondheere ee gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka warbixiyay iska hor imaad xalay ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Gudoomayaha degmada Boondheere ayaa waxa uu sheegay in xarakada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degmada Boondheere ee gobalka Banaadir. Waxa uu sidoo kale uu sheegay in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay ka hortageen ciidamada xarakada Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday degmadaasi. C/laahi Xersi Wardheere Istakiin ayaa waxa uu hooska ka xariiqay in ay dileen ilaa iyo labo Askari oo ka tirsan ciidamada xarakada Al-Shabaab. Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili xalay iska hor imaad uu ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda Muqdisho. Deegaanada kuyaala waqooyiga ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaalo xoogan oo dhexmara ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab. Dhageyso http://www.raxanreeb.com/?p=78144
  12. Shaqaalihii Shabelle oo ka shalaayay Shahaadadii la Gudoonsiiyay. RBC Radio) Aduunyadu waa sheeko iyo shaahid waxeynu maanta marag ama marqaati kawada nahay musiibada ku dul habsatay horyaalkii idaacadaha muqdisho ee shalay oo maanta hoos ugu martay hay,adihii warbaahinta ee somaliya. Idaacadda shabelle oo dhawaan la gudoonsiiyay shahaado sharaf ayaa hadda mudan in laga sheekeeyo shalaayga ay qabaan shaqaalaheeda. Anigoo og aqristow in wax badan aad kala socotid marxaladihii ay soo martay idaacadani iyo takri falka tirada badan ee uu sameeyay milkiile C/maalig ayaan hadana rabaa in aan wax yar ka sheego anigoo ku wajahan muheemada qormadeydan. Shabelle ayaa waxaa la aas aasay sanadka markuu ahaa 2002-dii xiligaas oo laga taagay anteenadeeda magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose inkastoo wax yar ka dib xarunteedii ugu weyneyd laga furay magaalada muqdisho. Idaacadani oo ay xiligaasi ka shaqo bilaabeen wariyayaal aan ku tilmaami karo in ay ahaayeen qabiiriin ayaa waqti kooban ku kasbatay dhageysta yaal badan iyadoona xiligii Ethiopi ay dalka soo gashay dhibaataduna badatay weyday inta badan shaqaalihii wanaagsanaa. Xiligaasi ayaa waxaa bilowday in shabelle ay dib usocoto inkastoo dad badani ay aamin sanaayeen in dadaalkeeda ay sii laba jibaartay. Waxa ay idaacadani si weyn u laba kacleysay markii ay si toos ah u mucaaraday dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne C/laahi Yuusuf xiligaasi oo dadka ku dhaqan koofurta somaliya intooda badani mucaarad sanaayeen sababo la xariira ciidamada Ethiopia oo ay dowladdu wadatay dadkuna ay necbaayeen. Shabelle oo xiligaasi si dhab ah u bilowday taageeridda dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya somaliya ayaa xiligii ay dhacday dowladaasi hadana bilowday in ay taageerto dowladii sheikh shariif iyada oo si cad uga hor timid xoogagii muqaawamada oo ay garab taagneed. Shabelle waxa ay sadax kac leysay markii ay habeen madow ka guurtay suuqa bakaaraha oo ay ku taalay una guurtay Airporka muqdisho meel ku dhow waxaana bilowday xiligaasi in si cad ay u aflagaadeyso dhinac walba oo kamid ah dhinacyada siyaasada somaliya. Arintaasi ma mahdin shaqaalaha shabelle oo isugu jiray kuwo ku shaqeeya lacag yar iyo kuwo aan wax qaadan oo balan qaad been ah loo sameeyay. Waxey weysay shabelle xiligii ay bakaaraha kasoo qaxday shaqaale muhiim u ahaa idaacadda iyo barnaamijyadii ay tabinjirtay qaar kood taas oo dhabar jab lixaad leh ku noqotay. Waxa xiligaasi uu go’aan saday agaasimihii idaacadaasi Abwaan Guure in aan la celin cid walba oo shaqo kasoo doonata raadiyaha taas oo kaliftay in caruur badan oo hami saxaafadeed uu ku jiray aqoon badanna aan la heyn ay yimaadaan xarunta kana shaqa bilaabaan iyaga oo aan wax dhaqaale ah qaadaneyn. Abwaan Guure dadaal ayuu sameeyay xiligaas asigoo ay ka taagneed bal wax uun halaga maqlo idaacada intii ay dami laheyd. Shahaado sharaf u muuqatay mid lagu sii luminayo ayaa la gudoonsiiyay shabelle inkastoo ay ka shalaayeen shaqaalaheeda oo aan shilin laga siin maadaama ay arintaasi keentay in milkiilaha idaacadda uu mansab siyaasadeed ku raadsado lacagahaasi oo lagu daray aflagaadada idaacadda ka socota. Laakiin Xaajadu waxa ay dhabaqantay ama qasantay markii uu Abwaan Guure soo celiyay labo wariye oo idaacadda ka tagay markii ay bakaaraha kasoo guurtay kuwaas oo kala ahaa Maxamed Tima Cadde iyo Yuusuf Keynaan.. Abwaan Guure oo ahaa agaasime ceynaanka loo hayo ayaa shaqadiisii ku waayay go’aan kaasi waxaana sidoo kale la ceyriyay wariyayaashaasi labada ah iyagoo lagu eedeynayo in xarakada mujaahidiinta al-shabaab ay ka tirsan yihiin. Waxyar kadib muqdisho waxaa gaaray milkiilihii shabelle C/maalig Yuusuf Maxamuud oo mansab siyaasadeed doonaya kaas oo bilaabay in shaqaalaha uu ku amro si toos ah in loo aflagaadeeyo masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee somaliya si loo aqoonsado asiga siyaasadana loogu soo biiriyo . Shaqaalihii dulmanaa ee dhaqaale la’aanta ugu shaqeynayay shabelle kana go’doomay inta badan magaalada muqdisho cabsi iyo ciil dartii ayuu bilaabay hadana in uu qaarna ceyriyo kuwana ku daneysto. Luul Xuseen Cilmi oo kamid aheyd wariyayaasha ugu fir fircoon idaacadda ayuu ceyriyay Cabdi Maalig dhinaca kalena Muxudiin Xusni oo asna ugu roonaa shaqaalaha wararka qaabilsana waa kasoo cararay idaacadda iyo magaaladii ay ku taalayba kadib markii uu qaadan waayay sida uu sheegay in qasab uu ku aflagaadeeyo madax dowladda ka tirsan xasan kuuriya oo farsamo yaqaanadii idaacadda ka mid ah iyo kuwo kale oo badanna waxa ay go’aan sadeen in ay gurigooda iska joogaan. Shaqaalaha hadda ka howl gala idaacadda ayaa ku jooga goobtaasi huri weyto maadaama aysan suura gal aheyn in ay magaalada kusii noolaadaan hadii ay idaacadda ka tagaan cabsida aflagaadadii shabelle ay ka baahiyeen awgeed waxaana qaar kamid ah shaqaalahaasi oo aan la hadlay ay ii sheegeen in ay ku haminayaan in mar uun idaacadda ay soo faaruqaan. Horaa loo yiri shalaay ma horeeyee wuu danbeeyaa waxa ay mareysaa shaqsi walba oo shabelle jooga in uu ku shalaayo hadii aan ogaan lahaa shalay sheekadan in ay jiri doonto shabelle kama shaqeeyeen. Shaqaale tiro yar oo ay ugu madax buuran yihiin Maxamad Bashiir iyo Cabdi Cuud oo uu dhawaan qaatay C/maalig ayaa hadda ka howl gala idaacadda oo kusii caraabeysa wadadii bur burkeeda. W/Q Abdikamil Yusuf Mohamud Nairobi kenya Tell:- +254701499235 E-mail:- kalgacal2000@hotmail.com kaamilsom@gmail.com kaamilsom@yahoo.com
  13. Somalina

    My Tribe

    lol... About the whereabouts of the father, waad ogtahay jawaabta ama waad guess-gareyn kartaa...
  14. Somalina

    My Tribe

    Caalamo su'aalka maxuu yahay? mida kale caruurteeda inaad dhali karto oo ay qaan gaarin ayaa laga yaabaa ee ogow bal.. Yaa u maqan?
  15. Hurdada ayey ka kacayaan tartiib. Weligoodba dawlad yeysan galin, haka baxaan qashinka ay ka amar qaataan uun. Mustaqbalqooda yeysan u dhuminin nin dhuumanaya oo wasslad isku daldalaya while wearing silk gorgoro and cabaya.
  16. Somalia arrests 10 Indian sailors in Mogadishu Somali police say they have arrested 10 Indian sailors in the Somali capital of Mogadishu. Police spokesman Abdullahi Hassan Barise says they are under investigation and the police will release a statement shortly. Businessman Bashir Hassan says the men were arrested because Somali businessmen had chartered their vessel, the Muskan, to carry charcoal from the ports of Barawe and Kismayo. Both ports are controlled by Islamist insurgents trying to overthrow the weak UN-backed government. Hassan says the 10 were handcuffed today and taken to Mogadishu's central prison. Last year the government banned the export of charcoal. Burning trees to make charcoal is one of the few ways to make money in arid, poverty-stricken Somalia.
  17. Al Shabaab militants continue to defect to Somali government Shortly after the Somali premier was designated in November, he called on all Al Shabaab fighters to stop fighting and join the Somali government. Since then, militant fighters have started to defect. Less than two months after the country's prime minister called for militants to defect, Al Shabaab fighters are continuing to respond. The transitional federal government of Somalia on Monday displayed seven fighters who said they hated working for the extremist group. Officials from the Somali department of home security invited a group of journalists to a police center in Mogadishu to interview some of the Al Shabaab defectors. Yusuf Mohammed Hassan, who said he led young Al Shabaab fighters, told reporters the group had escaped from Mogadishu battle fronts, particularly the Bondhere district front where fighting between the militant group and Somali forces has been ongoing for about a year. Hassan said they are ready to work with the Somali government, adding they defected in response to the premier’s call. “Mohammed Ali. known as Al Ansari, who last month defected from the group, called us by telephone and urged us to defect from Al Shabaab. promising we shall be safe. Then, six young fighters and I agreed to escape from war zones,” Hassan said with a smile. “Al Shabaab doesn’t act in accordance with Islamic religion. They behead and set fire to the people who made no mistake. One day, I had seen with my own eyes, some Al Shabaab fighters cutting off the tongue of a Somali young man brutally,” he recounted. The Somali government is ready to welcome anyone who wants peace, a Somali police officer said during the event. Shortly after the Somali premier was designated in November, he called on all Al Shabaab fighters to stop fighting and join the Somali government. Since then, militant fighters have started to defect. Al Shabaab has yet to comment on the defectors' claims. Last month, six fighters defected from the radical terrorist group.
  18. Dowladda Federaalka oo Soo Bandhigtay Rag Kasoo Goostay Al-Shabaab Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay dhalinyaro ay sheegtay in ay kasoo goosteen kooxda Al-Shabaab ee kasoo horjeeda. Saraakiisha Ciidamada nabadsugida ayaa magaalada Muqdisho Saxaafada ugu soo bandhigay ilaa 7-qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kuwaas oo iskusoo dhiibay Dowladda. Dhalinyarada soo goosatay oo qaarkood ay gashanaayeen dareeska Ciidamada ayaa Weriyaasha u sheegay in ay iyagu go’aansadeen in ay iskusoo dhiibaan Dowladda,iyagoo sheegay in ay ka dagaalami jireen degmada Boondheere oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyada Shabaab iyo Ciidamada Dawladda. Ragaan iskusoo dhiibay Dawladda Federaalka ee ka tirsanaan jirey kooxda Al-Shabaab ayaa ahayn kuwii u horeeyey oo kasoo goostay kooxda Shabaab. Horseed Media
  19. Xukuumadda KGM ee Soomaaliya oo sheegtay inay bishan bixinayso Mushaarka ciidammada dowladda Isniin, 10 Janaayo, 2011 (HOL) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta sheegay in xukuumadda Soomaaliya, ay bixinayso Bishan Jannaayo, mushaarka ciidammada dowaldda, taasoo ka dhigaysa bishii labaad oo ciidammada mushaarkooda lasiinayo. Xukuumadda Soomaaliya, ayaa todobaad ka hor mushaaraad u qaybisay ciidanka dowladda, taasoo la sheegay inay ahayd mushaarka bishii Decmber ee sannadkii hore. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan baarlamaanku uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2011. Wasiirka gaashaandhigga, mudane Xaaji Fiqi, ayaa yiri: "Xukuumaddu waxay daryeeli doontaa ciidamada qalabka sida, si ay dib ugu soo celinayaa ammaankii dalka." Sidoo kale, wasiirku wuxuu ciidammada ku boorriyay inay kordhiyaan dadaalkooda, kaasoo uu ku sheegay inay dalka uga difaacayaan cadow uu sheegay inuu dalka dibadiisa ka yimid, balse uusan si toos ah carrabka ugu dhufan. Wasiirku, wuxuu ugu mahadceliyay ciidamada howl-karnimada iyo naf-hurista ay sameeyeen, isagoo ku dhiirrigeliyay inay horseed ka noqdaan geeddi-socodka nabadda iyo ammaanka dib loogu soo celinayo dalka. "Xukuumaddu, waxay mudnaan siin doontaa bixinta mushaarka ciidanka waqtigii loogu talo-galay, iyo wax-ka-qabashada baahida saadka, caafimaadka iyo adeegyada kale," ayuu mar kale yiri wasiirku. Mr. Fiqi, wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Madaxeynaha, oo ah taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, wuxuu waqti badan ku bixiyay siduu wax uga qaban lahaa baahida ciidamada qalabka sida. ra'iisul wasaaraha iyo golaha wasiiraduna, waxay ka wada-hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka dalka iyo daryeelka ciidanka." Dhawaan ayay ahayd, markii saldhigga bartamaha Muqdisho, lagu soo bandhigay askar ka tirsan ciidammada Booliiska oo la sheegay inay dhac geysanayeen dadka rayidka ah, waxaana Cali Gaab oo ka tirsan saraakiisha Booliiska uu sheegay inay maxkamad horgeyn doonaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  20. Somalina

    My Tribe

    Hooyo (mom) And, if I was a painter tonight Hooyo I would paint my love for you In great details And draw your immense compassion And love for humanity If I was a musician tonight I would compose the most beautiful tune To resemble your melodies voice If I was the wind I would wrap you in my arms And forever and a day be with you If I was a bird tonight Hooyo, I would fly across oceans to just get a glimpse of your beautiful face Halima Ali Ahmed Copyright © 2010
  21. Somalina

    My Tribe

    Saliid macsaro, brown sokor iyo koob shaah oo rinji ah isku wada dhex falaaq and baam! there you have it, quraac ala Somali style! hoo canjeerada iga dheh! kkkk
  22. Somalina

    My Tribe

    Road : Gedo to Baardheere