Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Soomaaliya Dhiman Meyso!! Hadii aad fiiriso sida ay abaaruhu ugu dhufteen dalka gees ilaa gees. Hadii aad fiiriso Colaadaha iyo Dagaalada aan dhammaadka lahayn. Hadii aad fiiriso sida ay u adag tahay in Al-shabab laga adkaado ama ay iyagu ku adkaadaan dagaalada socda. Hadii aad fiiriso karti yarida iyo hufnaan la,aanta Maamulada jira. Hadii aad fiiriso sida ajnabigu faraha wasaqaysan ugula jiraan arimaha Soomaaliya. Intaas iyo inkale oo kasii mugdi badan hadii aad kafekerto, waxaad is leedahay iska illow Somaaliya iyo Soomaalinnimo, waxaad gaareysaa inaad qaamuuskaaga ka saarto erayada “ Ummad, Dal,Qaran,Xaq,Xoriyad, iyo jiritaan”. Laakiin qoraagii caanka ahaa ee Masaarida “ Mustafa Amiin” [ waa ninkii sameeyay wargeyska caanka ah ee Akhbaar Al-yoom], ayaa laga bartay oraah uu cuksado ama ku tiirsan karo qof ama ummad kasta oo waayuhu la ciireen, wuxuu yiri” Habeenka saacadaha ugu gudcur badan waa marka Ileyska waaberigu uu soo dhowyahay”. Waa oraah run ah oo rajo gelinaysa qof ama ummad kasta oo marxalad adag kujirta, waa oraah falsafadeed oo aan si qeexan kuugu tilmaameyn halka uu yaallo furaha xalka mushkilada,laakiin diidan in uu damo ilayska rajada. Haa dalkii waa burburay, dadkii qax, dhimasho iyo dhaawac ayay u bateen, mudaaduna waa in ka badan Labaatan sano.Tolow waa maxaay Ilayska haray ee weli rajo laga qabi karo?. Rajo ayaa ku geleysa kolkaad daawato sawirada farshaxanka ah ee fanaanka Amiin Caamir sida uu sanooyin badan Burushkiisa uu ula hor taagan yahay qof ama koox kasta oo diidan in Somalidu nasato oo qarankoodii kabkabato. Rajo ayaa kugeleysa Markaad daawato, ama dhageysato Suugaanta iyo Muusigga “Jooqle, Axmed naaji, Saado Cali, Maryan Mursal, iyo Wiilasha iyo gabdhaha kale oo hesaha damqashada leh ugu maansoonaya dalka, calanka iyo khasaaraha na gaaray. Rajo ayaa ku gelaysa markaad maqasho sida uu usii kordhayo dareenka Soomaalinimo iyo waddan jacaylka ay qabaan “Somali diaspora”. Rajo aya aku gelaysa markaad aragto sida Al-shabab ay hubka uga dhigayaan ********tii ugu dhibka badnayd koofurta Soomaaliya. Rajo ayaa ku geleysa kolkii aad ufiirsato Sida mudane Farmaajo iyo wiilasha iyo gabdhaha la shaqaynaya ay uga go,antahay inay isbedel sameeyaan oo ay dowladnimada fidiyaan. Mugdi kasta oo jira, si kasta oo ay xaaladdu u murugsantahay soomaalidu weli way dhaq dhaqaaqayaan. Soomaaliya Dhiman Mayso!!. W/Q: Yusuf Aybakar Shadoor
-
Waxaad haysataan dira by Qaylodhaan (Jooqle)
-
Somaliland sentences German to four years for porn
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
:D -
Well said.
-
Maamulka G/Banaadir oo nalal ku xiraya wadooyinka Muqdisho
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Nice. Keep up the great work yaa maamul al-banaadiri. -
Nothing new, already posted it on the TFG thread.
-
Somaliland, Travelling Beyond the International Map
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Marka hore, I'm a member of this forum just like you. Opinionkeyga waan ka dhibanaayaa Sheik Sharif anytime I choose. Number 2, maxaad u soo copy gareyn weydey the Ethiopian part? aniga miyaa mise Dhagaxbuur ayaa laga heesaayaa? You are not fooling anyone yaa JB. You were ashamed to see the dude was in Ethiopia. You got caught and now waa ooyneysaa... Have a great weekend. I'm bouncing... -
Somaliland, Travelling Beyond the International Map
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jacaylbaro;687574 wrote: I said u troll not write dee ........... wax fahan Adiga waxaad fahantaa marka ugu horeysa waxyaabaha la isbarbar dhigi karo. Markaas aan ka hadalno trolling iyo baryo aqoonsi. Aight! Maybe the dude should've chose a different title...lets face it, the dude is in ETHIOPIA, and you purposely left that part of the info out when you posted the article. YOU GOT CAUGHT. Shame on you.... p.s. Xunjuf ayaad igu qaldeysaa malaha...adiga iyo isaga uunbaa faana oo baryootama halkani ee... -
Somaliland, Travelling Beyond the International Map
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
lol... Aniga ma baryootamo, international community uma qoro cantarabarash. Waxaan ku soo dhejiyo halkan qofkale ayaa soo qorey already. Wax aad is barbar dhigi karto ma yaalaan halkan yaa JB, ee naga yareey heesaha cusbada laheen. p.s. I dont have 30K of troll cantarabarash about aqoonsi...get your story together fadlan.. -
Somaliland, Travelling Beyond the International Map
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
lol...You comparing me to this dude? markaad i aragtid anigoo baryootamaayo oo HOL ku post gareynaaya faan maalayacni qoraal ah oo cantarabarash ka buuxo sidaa igula tali. Ethiopian resident oo nacnacleynaayo ha noo buunbuunin hadalkiisa. Muu tago meeshuu faaninaayo, maxaa Zenawi agfadhiisiyey...?lol p.s. aniga waanba joogaa meeshii layga rabey.... location : Mogadishu, Somalia -
Revolution in Tunisia. Which Arab country will be next? Egypt?
Somalina replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Marka waxaad leedahay in a nutshell, Ethiopianka waa Carab? sax ? -
Revolution in Tunisia. Which Arab country will be next? Egypt?
Somalina replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Kamaavi;687533 wrote: Ethiopia is next, ... Ethiopia carab maxaa ka galay?? Since when ay tigrey ay noqdeen arab? Wixii la rabo ayaa noola aqrinaayaa... -
RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “80% dadka Muqdisho waxay ku nool yihiin degmooyinka ay dowladda gacanta ku heyso, dhawaanna waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin isbedel muuqda keeni doona” Jimco, January 14, 2011(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York oo uu ku sugnaa ayaa wuxuu sheegay in dowladdiisa ay wax weyn ka qaban doonto xaaladda Dalka, gaar ahaan Ammaanka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay dowladdiisa dooneyso in ay ciribtirto Al-Shabaab oo sida uu yiri xiriir la leh argagixiso dibadda ah. Wuxuu codsi xooggan u jeejiyay caalamka oo uu ka codsaday in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dad gaaraya 2.5 Milyan oo ku macluulsan gudaha Soomaaliya. Kaddib wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa oo ka kooban 18 Wasiir oo aqoon iyo tayo leh ay ka shaqeyneyso dib u heshiisiinta, ayna ku shaqeyneyso maamul-wanaag. Wuxuu intaas ku daray in Xukuumaddiisa ay dooneyso ina y dalka ka xoreyso xoogagga ka soo horjeeda oo taageerada caalamka la’aanteed aysan wax weyn ka qaban Karin. Wuxuu ka hadlay heshiis ay Xukuumaddii hore la gashay shirkad Saracen International oo ammaanka qaabilsan, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas dhawaan caddeyn doonaan, wuxuuna ku gaabsaday in uu xafiiska joogo ilaa hadda 50 maalmood. Waxaa la weydiiyay sida ay ugu sahlanaaneyso ina y la dagaallamaan Xoogagga ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay dib u qaabeeyeen, isla markaana mushaarooyin siiyeen muddo sanado ah, niyaddoodana ay hadda wanaagsan tahay, diyaarna ay u yihiin ay wajahaan sida uu u yiri cadawgooda. “80% dadka Muqdisho waxay ku nool yihiin degmooyinka ay dowladda gacanta ku heyso, dhawaanna waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin isbedel muuqda keeni doona oo dhinaca ammaanka ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed oo tilmaamayay inta ay Xukuumaddiisa ka xukunto Magaalada Muqdisho. Abaaraha Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay in ay dhibaato xooggan oo abaareed ka jirto Soomaaliya, wuxuuna codsi u jeediyay caalamka oo uu ka dalbaday in uu gargaar deg deg ah la soo gaaro dadka abaaraha la dhibaateysan. “Ilaa iyo hadda waxaa na soo gaaray hal Markab oo uu noogu deeqay dalka UAE oo aan uga mahadcelineyno kaalmadaas, waxaana caalamka ka rajeyneynaa in ay gargaar midkaas la mid ah na soo gaarsiiyaan”ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed. Waxaa wax laga weydiiyay dhalinyaro Al-Shabaab ka soo goosatay oo dowladda isu soo dhiibay iyo sida ay arrintaas ku suurtagashay, wuxuuna yiri “Arrimahaas waa qeyb ka mid ah howsha aan ku jirno, kaliya ma ahan in dagaal wax lagu wado, waxaan raadineynaa maslaxad iyo sidii soomaaliya aan nabad ugu soo dabaali lahayn, taasi waxay noo soo suurtagelisay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan ka soo goostaan, dhawaanna waxaan rajeyneynaa in ay Dhalinyaro kale ka soo goostaan waayo Al-Shabaab waa Argagixiso oo dhalinyarada xoog ku qafaasha, annagana waxaan dhahnay waxaan idin siineynaa waxbarasho ee ka soo taga, taasina wey dhacday”. Waxaa la weydiiyay labo su’aalood oo muhiim ahaa kuwaasi oo kala ahaa cidda UN-ka u joogta Soomaaliya maadaama ay jireen saraakiil Soomaaliyeed oo isku qabsaday metelaadda Soomaaliya ee UN-ka iyo su’aasha kale oo ahayd in waqtiga dowladdan uu ku egyahay August 11 2011, sidaas darteed waxa ay sameynayaan, labadaas su’aalood wuxuu kaga jawaabay Ra’iisal Wasaaraha. “UN-ka waxaa noo jooga Danjire , maantana halkan ayuu ila joogay, arrintaas oo mid khaas ah, waxaan u xalin doonnaa si khaas ah. Arrinta ku saabsan waqtiga dowladda ee sii dhamaanaya, waxaan ka fekereynaa wixii aan yeeli lahayn August 11 2011 kaddib, bilaha soo socda ayaan ogaan doonnaa, isla markaana caddeyn doonnaa dariiqyada noo furan ”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed. Su’aasha ugu dambeysa ee la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ahayd in markii xilka loo magacaabay uu sheegay in 100-ka maalmood ee ugu soo horreeya ay wax badan qaban doonaan, in uu weli rajadaas qabo iyo in uu rajadaas dhigay, Alle rajada nagama qaado, waxa lagu nool yahay waa rajo, boqolkii maalmood maanta waxaa laga joogaa 49, waxyaabo badan waan qabannay, waxyaabo bandanna waa noo harsan yihiin, waxyaabaha aan qabannay waxaa ka mid ah in aan dadka Soomaaliyeed u sheegnay in ay dowladdan dowladdoodii tahay oo aan isku xirnay dadka dibadda jooga iyo kuwa gudaha jooga, waxaan qabannay in aan Ciidankeeda mushaar siinnay muddo dheer kaddib,haddana ay diyaar u yihiin in ay cadawgooda wajahaan, waxaan dib u heshiisiin dhex dhignay beelo walaalo ah oo ku dagaallamay gobollada dhexe, kuwaasi oo wada hadal kaddib heshiis gaaray. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com
-
Somaliland, Travelling Beyond the International Map
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
The author is a Somaliland volunteer and activist based in Addis Ababa, Ethiopia. Wadankiisa maxuu u joogi waayey, hadalkiisa xooga dhadhan iyo miisaan ayuu lahaan lahaa... it is like adigoo raba inaad qof ka gadid baabuur aadan weligaa wadin. Naga daay hee ...lol -
Xukuumadda oo rajo ka muujisay dhaqan galka heshiisyo lala galay Turkiga Friday 14, 2011 Xukuumadda KMG ah ee Soomaliya ayaa rajo wanaag ka muujisay in ay si dhaqso ah u dhaqan galaan heshiisyo dhinaca ciidamada ah oo ay dowlada Soomaliya la gashay wadanka Turkiga kuwaasi oo dhawaan la horgeyn doono baarlamanka Soomaliya. Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskan oo looga faa’iideysan doono dib u dhiska ciidanka Qalabka sida ee dalka ay ka soo gabagabowday dhinaca Turkiga haddana loo baahan yahay in Soomaalidu ay maraan waddadii lagu dhaqan geli lahaa. Baarlamaanka Turkiga ayuu sheegay in uu ansixiyay Heshiiskaan dhex maray xukuumadaha Ankara iyo Muqdisho, halka Baarlamaanka Soomaaliya loo geyn doono dhawaan si ay u ansixiyaan. R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in qorshaha xukuumaddan ay ugu horreyso wax ka qabashada Ammaanka dalka, sidaa darteedna loo baahan yahay in ciidamada la habeeyo, xoojiyo isla markaana aqoontooda kor loo qaado, taas oo uu sheegay in ay meel wanaagsan mareyso. Golaha wasiirada ayaa shalay fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay heshiiskaan ay Dowladda Turkigu la gashay Soomaaliya, ayadoo dhawaan la hor geyn doono mudanayaasha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan. RM
-
Dowladda oo dagaalka Afka kaga Guuleysatay Mucaaradka
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
loooool@ Ayub Xaaji Xunjuf;687463 wrote: deee wa run TFG waxay ku hadasha dhowr af, afka ugandeska afka burundi afka somaliga , afka carabiga oo sh dalxiis ku hadlo Afka ingriiska oo farmaajo u ku hadlo. American accent. , Maxamamd abdilahi omaar oo afka ingriisiga lahjada Boqorada ku hadla., Alshabaab na waxay ku hadlaan Pashtun farsi iyo Somali . marka dhanka afka la kala awood badan. lol@lahjada boqorada.... Goormaa saan isku dhaameysaa oo faanka aan dhadhanka lahayn naga yareyneysaa? I thought inaad dadka faana necbanayd? adiga isma eegen markaad saas oranaysey malaha...lol Maxamamd abdilahi omaar waa muwaadiin Somaliyeed oo ka amar qaata Farmajo iyo Sharif...digest that xoogaa...lol 40 Shababis ayaa ka soo cararay Godane oo bootadaa ka cabsadey...more booto ayaa soo socota, keep watching waxay dhigto... -
Prime minister Farmaajo meets US diplomats in Newyork PICS
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Farmaajo ayaa u sheegay madaxda ka tirsan Qaramada Midoobay in ciidamo farabadan oo militari ah loo tababaro dowladda lol@Zack... -
Somalia's Government Plans Regulations, Taxes for Mobile-Phone Operators Bloomberg By Sarah McGregor Friday, January 14, 2011 Somalia will start governing its untaxed and unregulated telecommunications industry to boost growth and investment, said Information, Posts and Telecommunications Minister Abdulkareem Jama. The government has drafted rules for managing mobile-phone frequencies, phone numbers and interconnection agreements, a system in which telecommunications operators carry cross-network traffic, Jama told reporters today in Nairobi, the capital of neighboring Kenya. Somalia’s Finance Ministry is finalizing the details of a tax to be introduced to the industry, he said. Both proposals must be scrutinized by lawmakers before going into force, Jama said, without providing a timeline. “It will be something that will not discourage investment,” he said. “We don’t intend to over-regulate or over-tax.” Somalia’s Western-backed government has been battling insurgents, including the al-Shabaab militia that has pledged loyalty to al-Qaeda, since 2007. Most of southern and central Somalia has been seized by the insurgents, while the government, led by President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, controls only parts of Mogadishu. The country hasn’t had a functioning central administration since the ouster of former dictator Mohamed Siad Barre in 1991. Small-scale mobile-phone operators set-up businesses in the country and began to flourish amid the chaos, said Jama. The Horn of Africa nation currently has 11 licensed telecommunications companies. ‘Cheap Rates’ “Rates are cheap and service is available everywhere,” he said. “This is a success story. The intention of the government is to encourage this investment and do everything possible to allow this to grow faster.” The government plans to connect Somalia to an underground fiber-optic cable that links east and southern Africa known as Eassy, enabling domestic operators to switch from slow and unreliable satellite connections, Jama said. There are no official statistics on the amount of revenue the telecommunications business generates or the number of mobile-phone users in Somalia on account of the disorganization of the industry at present, said Jama. To contact the reporter on this story: Sarah McGregor in Nairobi at smcgregor5@bloomberg.net. To contact the editor responsible for this story: Paul Richardson at pmrichardson@bloomberg.net.
-
Waxaan u daayey fasiraada ereyadaas aqoonyahanada luqada ku dheereeya. Xigmada sheekadan sida aan u fahmey, waxay ka hadleysaa sida Soomalida ay ula dhaqmaan beesha la hayb sooco, waa dhaqan ilaa iyo maanta aan ku dhaqano. Runtiina haddii la weydiiyo kuwa ka faana beeshaas sababta ay ugu faanaan ama u haybad soocan, ma kuu sheegi karaan waayo waalidkooda ayey ka dhaxleen fikirkaas. Jaahilnimo awgeed ayaa sababtey in bini'aadamka la ka sooco ama la yiraahdo "ma guursanayno kuwaas". Waxaana ka sii daran nin saa u qurux badan oo lagu nacaayo beeshu ka soo jeedo intii la fiirin lahaa dabeecadiisa iyo sida uu dadka ula dhaqmo. Xukun lagu fududaadey iga dheh. Marka aqoonto waa lama huraan. Sidaas ayaan u fasirtey... Waad ku mahadsantahay threadkan qiimaha leh.
-
Gaari Gacan Are Being Updated With Motorized Scooters In Galkayo
Somalina replied to Abdirazak_PTL's topic in Politics
Nice! how much is 1 motorized scooter? -
Dumaroow iska qosla … Ragoow ila ooya !!!kkkk Waxaa bari jirtay naaga garoob ah oo iska dhaqan , waxayna lahayd xoolo badan ariba ha u badnaadee …….. waxay naagtaasi noloshaasi ku noolaataba waxaa ogooday oo ka war helay xaaladda ay ku nooshahay nin aanan hanti lahayn ……. wuxuuna aad u damcay naagtaan iyo xoolahaan markaas ayuu ku fikiray in uu xoolahaas caanohooda iska cabo hilibkoodana iska cuno , laakiin naagtu way xoolo jecleyd ……… ninkaasi wuxuu u yimid naagtii oo shukaansi ku bilaabay…… shukaansi dheer oo dhex maray ninkii iyo naagtii ayeey ku heshiiyeen ineeeey is aroosaan laakiin waxay isku xireen shuruudo. Ninka oo aad damacweeyn oo dhinac xoolaha ah uu ku jiro ayaa yiri anigu waxaan leeyahay hal ceeb ee ha ii qaban :……… “waxaan qabaa ismood dhaaf oo waxbaa niyadeeyda ku soo dhacaya isla markiina waxaan ku kacayaa fulintooda “. Naagttii ayaa iyana tiri” taasi dhib malaha ee anigana mararka qaarkood waa laleelmoodaa ee adna taas ogoow” . Sidii ayeey ku heshiiyeen wayna isguursadeen ….. markii ayaamo la isqabay oo ninkii uu oodkacii lasiin jiray iyo waxyaabihii kaleba ay dhamaadeen ayuu wuxuu ku fikiray inuu qorshihiisii uu bilaabo oo maalin waliba uu neef qasho ama uu sameeyo sababtii lagu qali laha , wuxuuna ogaaday in naagataan ay aad u xoolo jeceshahay oo aysan u baxaynin codsiyadiisa markaas ayuu inta booday ridii ay ugu jeclayd ariga bireeys ugu dhaqaaqay ……. markaas ayaa waxaa soo booday naagtii garoobta ahayd oo aan dhag laqabto lahayn ……. markaas ayeey tiri” war maxaa rida u gawracday ….” Markaasuu ku jawaabay soo taan horay kuugu sheegey inaan qabo ismood dhaaf , markaas ayeey ku tiri waa runtaa ee orod iska nasoo anna waxaan soo karinayaa hilibkeeda(rida ). Marka uu falkaas uu ku dhaqaaqayey waxay ahayd galab casir ah …. kadibna wuu baxayoo wuxuu aaday aqalka ardaagiisa wuuna isduuduubay (is hurdeeysiiyey ) si hadhowti loogu kiciye markuu bislaado hilibku. Naagtii hilibkii markeey bisleeysay ayeey kasoo buuxisay baaf kadibna ula soo dhaqaajisay dhinaca ninkii . Ninkii isaga ahaa oo go ku duuduuban ayaa halmar wuxuu ka war helay balaayo karkareeysa oo dusha looga shubay …. intuu cirkaas u booday ayuu ku yiri “naa maxaa nuugu daadisay fuudka iyoh hilibka karkaraaya” markaaseey ku tiri soo taan kuu sheey*** inaan laleelmo qabo !!! ………………. markasuu isagoo habaartamaya meesha ka cararay http://adensom.wordpress.com/2007/06/20/dumaroow-iska-qosla-ragoow-ila-ooya-kkkk/ Isticmaalka ereyga "naag" mas'uul kama ahi, mana jecli, laakiin sheekada ayaa iga qosolsiisey...
-
“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii dhegta saartay. “Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu ku yiri qofkii taleefanka soo diray. “Haa, waa Idman ee adiga kee ahayd,” bay ugu jawaabtey. Wuxuu ula muuqdey qof aysan is aqoon ama qof is qarinaya oo codka bedeshey. Codka ay maqashay iska daa kii gacaliyaheed Shirwac ee xitaa ma ahayn qof kaloo ay codkiisa garanaysey. Malaha waa kuwii shukaansi-doonka ahaa oo is qarin jirey ama waa kuwii intey marqaanka iga dhex arkaan taleefannada igu soo waali jirey bay hoosta iska tiri. “Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman tahay?” intuu qofkii kusoo celiyey buu u raaciyey “I’m…Aniga magacayga waxaa la i dhahaa…sorry yaah for my broken Somali…yaah…Andrew Warsame…Waxaan kaasoo wacayaa Mareykanka. Waxaan ahay Shirwac saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma taqaantaa? farriin degdeg ah ayaan kaaga hayaa…Please are you sure you are Idman?” “Haa…Abboowe…Waa Idman…Shirwac is my love…Waa gacaliyahayga…,” bay mar kale ugu celisey iyadoo la yaabban farriintaasi waxa ay noqon doonto, waxaase u caddaatay in farriinta soo socota ay ka timid Shirwac. Tolow Shirwac mar kale ayaa la xiray oo sidaas buu ku baaqday miyuu soo wadaa, mise Shirwac ballantii wuu kaaga baxay ee gabaryahay tasho buu ku dhihi doonaa, bay hoosta iska tiri. Haddii wiilka la xiray waaba wax la garan karo, balse haddii uu ballantii iiga baxay muxuu la baqayaa, muuse isagu afkiisa iga dhaho, bay iskula doodday. “Sister…I am so sorry, Shirwac could not make it…I mean…Shirwac ma u noqon suurtagal inuu soo dhoofo…” buu ninkii yiri. “Oo Mareykankaba kama soo dhoofin miyaa?” bay ninkii ka horgeysey isagoo aan hadalkiiba dhammayn. “Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka mid ahaa saaxiibadii garoonka diyaaradaha u sagootiyey…Nasiibdarro, shil baabuur ayaa dhacay…Ani iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa nasoo gaarey, isagana dhaawac culus ayaa madaxa ka gaarey” buu ku yiri isagoo hadalka shigshigaya. “Dhaawac aa…Shil baabuur aa…,” intey tiri bay iyadoo ooyeysa u raacisay “Hadda, sidee buu yahay? Ma la hadli karaa? Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Fadlan waan ku baryayaa ee aan hal mar codkiisa maqlo.” “Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo aan kuu sheego. Waa ballan aan isaga kasoo qaaday. Wuxuu iga codsaday inaan kuu sheego ‘inuu ku jecel yahay, weligiisna ku jeclaan doono’. Erayadii ugu dambeeyey ee uu ku dhawaaqo waxay ahaayeen ‘Idman, I love you…Waan ku jeclahay’,” intuu ninkii intaas ku yiri buu haddana u raaciyey “Abbaayo, ma kula hadalsiin karo. Ani xitaa lama hadli karo, sababtoo ah…” “Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Hal mar aan codkiisa maqlo” bay mar kale ninkii hadalka kaga dhexgashay iyadoo ooyeysa oo aad mooddo in aysan dhegaheeduba maqlayn warka uu ninku u sheegayey. “Abbaayo. I am so sorry. Waan ka xumay, ma kula hadalsiin karo. Allaha u naxariisto. Saacad kahor buu geeriyooday…” buu si murugo leh ugu yiri. Idman markey dhegaheedu ku dheceen eraygii ahaa ‘Wuu geeriyooday’ bay af labadii dhawaaqday. Intey taleefankii iska tuurtay bay dhulka isku dhufatay. Intey maryaha tuurtay bay billowday in ay timaha iska rifto. Hooyadeed iyo walaalaheed ayaa durba qolkeedii kusoo orday. ‘Alla hoogey oo ba’ayeey’ waxaan ahayn ayaa afkeeda laga waayey. Waxay la collowday noloshii adduunka. Waxay niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Waxaa ka dhumay hankii iyo qabkii gabarnimo ee ay gabdhaha kale kaga soocnayd. Hooyadeed iyo walaalaheed markey ku noogeen celcelinteeda bay taleefan u direen saaxiibteed Hodon. Deriskii xaafadda oo dhan ayaa baroorteeda ku soo baxay, daaraddii guriga bay durba soo buuxiyeen iyagoo la yaaban belaayada kusoo boodday Idman oo ay ku yiqiineen degganaan iyo dhib yaraan. Malaha Jin baa asiibay, bay qaarkood hoosta ka lahaayeen, halka qaar kalena ay la ahayd in laga raacay oo ay isha geliyeen nimanka tirada badan ee had iyo goor ku gaafwareegi jirey. Wax yar kaddib Hodon oo uu la socdo walaalkeed oo takhtar ah ayaa gurigii soo galay. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay oo maryaheedii ku celisay bay sariirteedii ku seexisay. Dabadeed, takhtarkii ayaa ku muday cirbad hurdo degdeg ah u keeneysa. Hodon intey saaxiibteed dhinac seexatay bay weydiisey sida ay wax u dheceen, kaddibna waxay warkii si tartiib ah ugu gudbisey hooyadeed. Markey xaaladdu degtey bay deriskii xaafaddu guryahoodii isaga laabteen iyagoo weli yaabban. Xaaladda cusub ee kusoo korortay Idman waxaa la socdey Hodon iyo hooyadeed oo keliya, waxayna labadooduba ku heshiiyeen in aysan cid kale u sheegin. Qaybtii 6aad Muddo laba bilood ah bay ku jirtey xaalad u dhaxaysa nolol iyo dhimasho. Caafimaadkeedii ayaa xumaaday. Waxaa la huwiyey bustaha dhaxanta laga galo. Aabaheed iyo walaasheed oo Dubai iyo Nayroobi kala joogey xitaa waa loo yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga noqdaan. Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed ayaa daqiiqad kasta dultaagnaa. Maalin kasta waxaa la geynayey takhtar cusub oo daawooyin hor leh usoo qorayey. Nasiibdarro, dawooyinkii sida cuntada loogu dirqinayey waxba kama aysan beddelin xaaladdeeda caafimaad. Waxay ka go’day cuntadii. Muuqaalkeedii quruxda badnaa wuxuu u ekaaday sidii geed dherey oo ay caleemuhu ka daateen. Midabkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u ekaatay sidii qof uu xagaagii Boosaaso dillooday, wax uga miciinana weydey. Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey wuxuu haatan ka shakinayaa in ay iyadii tahay iyo in kale. Waxay ka samirtay noloshii, waxayna niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Daqiiqad kasta waxaa hor imaanayey gacaliyaheed Shirwac oo ku leh ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’. Inkastoo sawirradiisii iyo dhambaalladii ay is dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon ka jeexjeexeen, misana waxaa keydka xusuus-dhawrka maskaxdeeda ku duubnaa eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku keydsanaa sawirradiisii, iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen. Isagoo qoslaya oo ku leh ‘Idman, waan ku jeclahay’ ayuu mar kasta horteeda kasoo muuqanayey. Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba waxay Idman ku tijaabiyeen waddo kasta oo ay ku samirsiin karayeen. Kor iyo hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay xusuusiyeen in nolosha adduunyadu tahay mid kooban, qof kastana uu dhimanayo. Waxay uga sheekeeyeen sheekooyin la mid ah tan iyada ku dhacday. Waxay kula taliyeen in ay iska illowdo wixii dhacay, nolol cusubna billowdo. Nasiibdarro, wax guul ah kama aysan gaarin. Idman weli sideedii bay u tahay maqane-jooge, weli sideedii bay iskula hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu ugu dhadhami la’dahay, weli sideedii bay hadalka uga maagan tahay, weli sideedii bay sariirta ugu urursan tahay. Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda, wuxuuse ahaa mid ka xanuun badan cudurrada muuqda. Waxay ka jirranayd niyadda. Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay, firirkeedii ayaa ku faafayey xubnaha jirkeeda iyagoo sii dhex marayey halbowleyaasha iyo xididdada yar yar ee dhiigga qaada. Nabar aan dawoobeyn ayaa wadnaha kaga yiil. Dhaawac aan la dhayi karin ayaa gaarey. Waxaa dhumay hankii iyo qabkeedii qofnimo. Waxay aamintay in daaqadihii mustaqbalkeedu ay soo xirmeen. Waxay rumaysatay in ay nasiibdaran tahay. Waxay iska dhaadhicisay in aysan weligeed heli doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof Shirwac booskiisii u buuxin kara. Waxay isku qancisay in fursad kale aysan u harin. Waxay is-moodsiisey in aysan mar kale wax jeclaan karin. Hooyadeed iyo saaxiibteed Hodon, markey talo iyo waano kala quusteen Idman, waxay is-tuseen bal in ay dhinaca diinta markan xal ka raadiyaan. Waxay u tageen mid ka mid ah culimada ugu caansan Gaalkacyo, waxayna si faahfaahsan ugaga warrameen saldhigga cudurka Idman asiibay iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay. Dabadeed, wuxuu wadaadkii u sheegay inuu Qur’aan ku aqrin doono islamarkaana uu u jeedin doono waanooyin kala duwan isagoo isticmaalaya Qur’aanka. Muddo laba toddobaad ah ayaa Idman Qur’aan lagu aqrinayey. Waxaa intaas u dheeraa, waanooyin diini ah oo Qur’aanka barbar socdey, kuwaasoo mararka qaarkood Idman kaga ilmaysiinayey. Ugu dambeyn, Idman waxaa ku beermay baqdin iyo cabsi Eebbe, waxayna go’aansatay intey samir Eebbe kaashato in ay is illowsiiso dhibkii ku dhacay. Muddo gaaban kaddib, Idman waxay billowday nolosheedii caadiga ahayd. Inkastoo xusuusteeda aysan marna ka saari karin Shirwac, misana mar kastoo ay soo xusuusataba waxay hoosta ka aqrisan jirtey aayado qur’aan ah oo uu wadaadkii xafidsiiyey. Muuqaalkeedu si tartiib tartiib ah buu usoo laabanayey. Farxaddeedii dhuntay bay baadigoob u gashay. Waxay billowday in ay magaalada u baxdo oo ay asaxaabteedii soo booqato. Si kastabase arrintu ha ahaatee, Idman waxaa gaarey jug weyn. Waxaa ku dhacay dhaawac aan bogsooneyn. Waxaa wadnaha kaga yiil nabar aan marna dawoobeyn. Dhammaad Cabdulqaadir Maxamed Wacays: Waa qoraa/suxufi madax bannaan. Wuxuu horay u qoray buugaag sheekooyin ah, iyo maqaallo kala duwan. Wuxuu xubin ka yahay naadiga SOMALI PEN ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL. WQ: Cabdulqaadir M. Wacays Email: cmwacays@yahoo.com -------------- This is by far the best Somali story I've read in awhile. Sad ending iga dheh...
-
Qaybtii 5aad Idman intey goor hore toostay bay is-diyaarin iyo is-qurxin iskula dhaqaaqday. Waa maalintii uu gacaliyaheed Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii ay xiran lahayd ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu dambeyntiise intey mid uun isaga nasiibsatay bay daaradda guriga usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroornimo. Islamarkiiba, waxaa albaabka kasoo gashay saaxiibteed Hodon oo ay xilligaas ballansanaayeen. Ugu horreyn, waxay taleefan u direen xafiiska Daalo-airline ee Gaalkacyo si ay u hubiyaan waqtiga ay diyaaraddu imanayso, waxaana loo sheegay in 12:00 duhurnimo ay soo cagadhigan doonto garoonka Gaalkacyo. Dabadeed, intey dibedda usoo baxeen bay raaceen taksi ay Hodon horay usoo kireysey oo guriga hortiisa ku sugayey. Idman iyo Hodon inteysan ku leexan waddada tagta garoonka diyaaradaha, waxay sii mareen hoteel Maanyafuulka oo ay qol ugasii qabteen Shirwac. Hoteello fara badan oo ka tayo fiican hoteelkaas ayaa magaalada ku yiil. Weliba ayaamahaas hoteello qurux badan oo casri ah ayaa magaalada si xad-dhaaf ah ugu soo kordhayey. Idman inkastoo ay niyadda ka jecleyd in ay gacaliyaheed dejiso mid ka mid ah hoteelladaas casriga ah, misana waxay dhinacna u dhaafi kari weydey taladii hooyadeed Nuuro oo aaminsanayd in xulashada hoteelka uu qofku degayo ay ku xiran tahay haybtiisa qabiil ama tan qofka uu martida u yahay, iyadoo taasna sabab uga dhigaysa in xeer-hoosaadka magaalada ee aan la shaacin uu dhigayey in reer kasta ay iyagu mas’uul ka yihiin ammaankooda iyo kan martidoodaba. Sidaas darteed, reerkii aan hoteel ku lahayn magaalada waxay ka dhignaayeen reer hoogay oo ba’ay. Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah ayuu u jirey bartamaha magaalada. Waxay mareen waddada tooska ah ee tagta garoonka. Markey dhaafeen qabuuraha Cirjiife bay kusoo bexeen niman hubeysan oo taagtaagan meel aan sidaas uga sii fogeyn. Intey qoryihii ay wateen kusoo fiiqeen bay ku amreen in ay istaagaan. Darawalkii taksiga intuu baabuurkii joojiyey buu nimankii gacanta u haadiyey. Markey hubsadeen qofka uu yahay bay ugu baaqeen dhoollacaddeyn u dhiganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo dhaaf’. Darawalkii intuu baabuurkiisii mootaystay buu socodkiisii sii watay. Wax yar kaddib bay yimaadeen garoonkii diyaaradaha. Waxaa fadhiyey seddex diyaaradood oo kuwa Qaadka keena ah. Waxaa kaloo fadhidey diyaarad kale oo shixnad hilib Ari ah u qaadeysey magaalada Dubai. Dad fara badan ayaa garoonka dhex hoganayey. Garoonku ma lahayn meel loogu talagalay in ay sii fariistaan rakaabka diyaaradaha raacayey, kuwa kasoo degayey, iyo asaxaabtoodaba. Fallaaraha cadceedda ayaa sidii roobkii ugu soo da’ayey. Geedaha hoostooda ayaa naf la bidayey. Idman iyo Hodon markey cabbaar meelaha marmareen intey daaleen bay geed weyn hoostiisa iska fariisteen. Daqiiqado yar ayaaba ka harsanaa waqtigii ay iman lahayd diyaaraddii siddey gacaliyaheed. Wax yar markey fadhiyeenba waxay maqleen guux diyaaradeed. Dadweynihii goobta joogey ee iyaguna diyaaraddaas sugayey ayaa durba billaabay in ay u dareeraan goobtii ay diyaaraddu ku soo degi lahayn. Idman farxad iyo naxdin wada socda ayaa mar qura wada saaqay xubnaha jirkeeda. Jirkaa dubaaxiyey, markaasaa xaadduna istaagtey. Farxad darteed ilmo ayaa indhaheeda kasoo daadatay. Diyaaraddii intey laba jeer garoonka ku dul wareegtey bay si tartiib ah u soo cagadhigatay. Dadkiiyoo dhan waxay is hordhoobeen diyaaradda albaabkeeda. Idman iyo Hodon waxay ka mid ahaayeen dadkaas albaabka hor dhooban. Wax yar kaddib ayaa albaabkii la furay. Rakaabkii ayaa billaabay in ay diyaaradda mid mid uga soo degtaan. Waxaa billaabatay soo dhoweyn, isku soo boodid, iyo is-dhunkasho. Idman iyadoo sugi kari la’ goorta uu Shirwac dibedda usoo bixi doono bay albaabka diyaaradda heegan ku ahayd. Intii aysan rakaabku billaabin in ay dibedda usoo baxaan, waxaa iyada u qorsheysnayd in ay si caadi ah Shirwac u gacanqaaddo, dhunkashadeedana gadaal u dhigato. Hase yeeshee, markey aragtay dadkiiyoo laabta intey isku wada qaadeen is wada dhunkanaya bay iyaduna go’aansatay in ay sidaas oo kale yeesho. Idman iyo hodon iyagoo weli hoos taagan albaabkii diyaaradda ayaa waxaa soo baxay duuliyihii iyo ku-xigeenkiisii, waxayna xireen albaabkii diyaaradda. Naxdin tii ugu weyneyd ayaa Idman isugu timid. Iyadoo dhan baa gariirtey. Intey cagaha ku taagnaan kari weydey bay saaxiibteed Hodon cuskatay. Waxaa ku dhashay shaki ballaaran. Daqiiqado kahor, indhaheedii farxadda la ilmaynayey ayaa markanna billaabay in ay naxdin la ooyaan. Intey is-hayn kari weydey bay iyadoo aan is ogeyn duuliyihii weydiisey inuu rakaabku intaas ku egyahay iyo in kale, wuxuuna u sheegay in uu rakaabku intaas ku egyahay. Waxay misana weydiisey in uu diyaaradda la socdey qof magaciisu yahay ‘Shirwac’ oo kasoo raacay magaalada Dubai. Duuliyihii intuu isha mariyey warqado uu gacanta ku hayey buu u sheegay in qof magacaas leh uusan diyaaraddaba soo raacin. Idman dhulka iyo cirkaa la wareegay, iyadoo aan kala ogeyn meel ay joogto intey saaxiibteed cuskatay bay dhulka fariisatay. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay bay u dhaqaaqeen xaggaa iyo goobtii uu taksigu ku sugayey. Dabadeedna, iyagoo luudaya oo cagaha jiidaya bay taksigii galeen. Talaa ku ciirtay. Meel ay xaajada u dhaqaajiyaan bay kala garan waayeen. Idman iyo Hodon iyagoo cagajiid ah oo niyadjabsan bay garoonkii kasoo dhaqaaqeen. Intii ay dhexda kusoo jireen hal mar xitaa islama aysan hadlin. Waxaa dhuntay farxaddii ay saakayto kusoo bexeen. Cabbaar kaddib bay yimaadeen gurigii Idman. Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay bay tagsigii ka dejisey sidii qof xanuunsan oo isbitaal laga keenay. Mar uun yaa qolkaygii i geeya bay Idman ka joogtey. Iyadoo dharkeedii qabta bay sariirteedii isku tuurtay. Hooyadeed oo daaradda fadhidey ayaa qolkii kasoo daba gashay kaddib markey dareentay in xaaladda gabdhuhu aysan caadi ahayn. Balse Hodon ayaa si tartiib ah ugu sheegtay in wax dhib ah uusan jirin oo aan ka ahayn in ay Shirwac soo waayeen oo loo sheegay in uusan diyaaraddaba la socon. Saaxiibtey waa ay yara niyad xumaatay, bay intaas u raacisay. “Idman, abbaayo, is deji, wax weyn ha u qaadan, qofku waa bani’aadam, wax kastaa ku dhici kara, isagana xaggiisa wax kastaa ka iman kara…Dad iyo duurba wax aadan ka filanayn baa kaaga soo baxa…Wixii soo kordha taleefanka ayaan ku wada xiriiri doonna…” bay Hodon saaxiibteed ku tiri iyadoo albaabka kasii baxaysa. Idman markey saaxiibteed ka tagtay waxaa kusii kordhay welwelka iyo walbahaarkii ay kasoo qaadday garoonka diyaaradaha. Dareen hor leh oo baqdin badan ayaa ku dhashay. Erayadii ugu dambeeyey ee Hodon ee ahaa ‘Dad iyo duurba wax aadan ka filanayn ayaa kaagasoo baxa’ ayaa uurkutaallo cusub ku beeray. Waxay ku noqdeen sidii dhimbil dab ah oo gacanta loo geliyey. ‘Ma hubtaa in uu ku jecel yahay…Waxaan ka baqayaa inuu meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo oo hadhowna aan weyno meel aan u raadinno…Naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho’ erayadaas iyo kuwo kaloo u dhigma oo ay horay ugu yiraahdeen saaxiibteed iyo hooyadeed ayaa xusuusteeda dib ugu soo maaxday. Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu soo sheegi waayey? Xitaa haddii uu ballantii ka baxay muxuu iiga qariyey?. Abbaayo raalli ahaw oo keliya ayaa igu filnaan lahayd inkastoo dhaawaca i gaari lahaa aanan marna ka bogsoodeen, malaha waa uu i sirayey ee jacaylku dhab kama ahayn, bay iskula hadashay. Tolow taleefan ma u dirtaa, bay niyadda iska tiri, haddana waxay isku canaanatay in aysan guuxeeda ka dheereyn oo illaa iyo caawa ay bal isaga ka war sugto. Fiicnaan lahaydaa in aadamigu ay is-uurdaalacan karaan, ma qof baa qof kale siri lahaa oo been ku maaweelin lahaa, bay nafteeda ku samirsiisay. Wadnahoo la kala waaxo, wixii ku jirana la wadaago, Alla wanaagsanaan lahaydaa… Iyadoo weli nafteeda la doodeysa bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Wuxuu ahaa taleefan dibadeed. Intey sariirtii ka boodday bay u orodday daaradda guriga oo uu taleefanku yiil. Cont'd
-
Qaybtii 4aad Taleefanka gurigiisu waa uu iska dhacayaa sidii tiiyoo cidla’ looga guurey. Dhambaalladii tirada badnaa ee ay u dirtay wax jawaab ah kama hayso. Maxaa wiilkii qabsaday, ma ku nacay, ma la isku kiin diray, ballantii miyuu kaaga baxay, ma nool yahay, ma dhintay, ma xanuunsaday, mise si kalaa wax u jiraan bay iskula hadashay. Idman seddexdii maalmood ee ugu dambeysey wax war ah kama aysan helin gacaliyaheed Shirwac. Waxay xitaa ka weydey khadkii MSN-ka ee Internetka iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee ay is dhaafsan jireen, taleefanna warkiisba daa. Sida ay ku ballameen, laba cisho ayaa ka harsanayd maalintii uu iman lahaa magaalada Gaalkacyo. Waqtigu waa is gurayaa. Sida uu u sheegay jadwalkiisu wuxuu ahaa in uu berrito kasoo dhoofo dalka Mareykanka, maalinta xigtana uu kasoo dego garoonka diyaaradaha Gaalkacyo isagoo soo maraya magaalada Dubai. Idman waxay la noqotay sidii tiiyoo uu cirku kusoo dumay, dhulkuna la go’ay. Meel ay joogto bay kala garan weydey, ma dhulkii baa, ma cirkii baa, mise waa meel dhexe. Jiif iyo joogba waa diiddey. Doqoneey dabkaa ba’, waaya’aragnimo la’aaneey ba’, hadduu i bari lahaa mid ka mid ah saaxiibadiis, haddii aan maanta garanayo qof aan xaaladdiisa ka waraysto, sow arrintaydu dhinac uma dhacdeen? Sow walaacaygu meel ma yeesheen? Sow farxad ama naxdin mid uun wehel uma ahaadeen, doqoneey dabkaa ba’, bay Idman isku canaanatay iyadoo ay taladu ku ciirsan tahay. Markey cabbaar joogtaba intey barkinta hoosteeda kala soo baxdo sawirradii Shirwac bay ku dhaygagtaa sidii tiiyoo aysan horay u arkin. Marmarka qaarkoodna, dhambaalladii ugu dambeeyey ee baafinta ahaa ee ay u dirtay bay dib u aqrineysey iyadoo niyadda iska leh ‘Armaad u qortay hadallo qaldan oo ka careysiiyey’. Ugu dambeyn, intey dhambaalkii ugu dambeeyey ee ay u dirtay lasoo baxday bay aqris ku billowday. Gacaliye, Gacaliye, ku aaway? Intee kugu xisaabiyaa? Ma i nacday? Mise waad ii xanaaqsan tahay? Waan yaabbanahay!! Gacaliye, warkaaga waan waayey. Ma caafimaad qabtaa? Ma nooshahay?. Fadlan waan ku baryayaa ee aan war kaa helo. Gacaliye, aad ayaan u welwelsanahay. Fadlannnnnnnnnnnnn…Gacaliye, aan war kaa helo… Anigu weli sidii ayaan kuu jeclahay…Jacayl aan salguureyn adduun iyo aakhiraba…Xusuustaydu waa adiga…Rajadaydu waa adiga…Weligeey kuma halmaami doono…waqti kasta iyo goob kasta… Gacaladaa Idman Gaalkacyo. Markey dhammaysay aqrinta dhambaalkaas, islamarkaana ku qanacday qaabkii ay u qortay, intey sariirta cabbaar kolba dhinac isugu rogrogtey bay misana is-tustay in ay ka wardoonto golihii internetka bal inuu Shirwac wax uun jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay nafteeda ku dhiirrigelisey in aysan marna calaamadaha quusta isu sawirin tan iyo inta ay kasoo taabanayso xeerada salkeeda. Intey labisatey bay albaabka guriga ka baxday. Cabbaar markey socotey bay lugaha qaadi kari weydey. Waxay dareentay tabardarro iyo madax wareer. Intey gawsaha qaniintey, labada lugoodna dhulka ku adkaysatay bay si tartiib ah u luudday. Markey gaartey golihii internetka intey kursi bannaanaa cabbaar ku nasatay bay dul fariisatey mid ka mid ah kombuyuutarradii golaha yiil. Ugu horreyn, waxay gashay khadkii MSN-ka ee Internetka. Nasiibdarro, Shirwac kuma uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay sanduuqeedii dhambaallada. Waxay indhaheedu qabteen dhambaal cusub oo isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii bay rumaysan kari weydey. Ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mise iyadaa is moodsiisey. Illeyn farxadi waa naxdin. Waxaa dhambaalka soo diray gacaliyeed Shirwac. Waa dhambaal ku taariikhaysan in isla galabta lasoo diray. Intey dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay bay aqris ku boobtay iyadoo aad mooddo in jannadii loogu bishaareeyey. Wax kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo jawaabay waa Ilaah mahaddiis,” bay niyaddeedii kacsanayd ku qaboojisey. Gacaliso, Salaan dabadeed, waan caafimaad qabaa. Waan ka xumahay in aad igu jahawareertay. Waan dareemi karaa welwelka iyo walaaca ay kugu beertay war la’aantaydu. Galabta ayaan helay dhammaan dhambaalladii aad ii soo dirtay. Gacaliso, seddexdii cisho ee aan kala war la’ayn waxaan ku xirnaa saldhigga booliiska ee magaaladan aan degganahay. Habeenkii isugu keen dambeysey ayaa askar booliis ahi gurigayga iga kaxaysteen. Waxay igu qaldeen nin dambiile ah oo ay ku raadjoogeen. Hase yeeshee, baaritaan dheer kaddib, waxaa u caddaatay in aanan ahayn ninka ay doonayeen. Gacaliso, muddadii aan xirnaa, xitaa waxaa la ii diiday in aan taleefan dirsado. Gacaliso, waan ka xumahay dhibaatadii ku gaartey maalmihii aan xirnaa. Waan hubaa in aad dareemi karto in aniguba dhibaato taas la mid ah aan la ildarnaa. Gacaliso, waxaan ku tasbiixsadaa magacaaga shanta xaraf ka kooban…Waxaad tahay iftiinkii naftayda…Aayihii noloshayda…Ilbiriqsi kasta waxaa i hor imaanaya muqaalkaaga…Codkaagu waa sahayda safarka dheer ee aan ugu jiro hanashadaada…Sideen kuu halmaamaa!!! Gacaliso, waxaad tahay hoggaankii noloshayda…Farxaddii naftayda…Waxaan kuu hayaa jacayl aan dhammaanayn…Mid aan gaagaxayn…Mid ila noolaan doona inta aan dunida joogo…Mid ila geli doona iilka…Gacaliso sideen kuu halmaamaa!!! Gacaliso, caawa xilligeennii ayaan kula soo hadli doonaa, waxaanse kuugu sii bishaareynayaa in berrito aan kasoo dhoofi doono Mareykanka, Dubai ayaan habeennimadii seexan doonaa, maalinta xigtana waan kula joogaa. Gacaliyahaa Shirwac Minneapolis, USA Tiro ka toban jeer bay Idman dhambaalkii aqrisay. Illeyn farxadi waa naxdin. Intey compuyuutarkii iska xirtay bay gurigoodii abbaartay. Markan socodku dhib kuma hayo. Tallaabadii ay la kufaa-kacaysey haatan waxay isu beddeshey rucle-orod. Lugihii ay qaadi kari la’ayd haatan iyagaaba tallaabada hoosta ka boobaya. Sidii baabuur xakamaha goostay bay is-qaban kari weydey. Markey gashay albaabkii gurigooda iyadoo aan meel kale ku leexan intey taleefanka ku boodday bay wacday saaxiibteed Hodon. Warkii farxadda lahaa ee kusoo kordhay bay duuduub ugu dhiibtey. Wixii caawa soo kordhana waaba loo wada joogaa, bay intaas ugu dartay. Waa innoo berrito iyo is-arag xiiso leh baa lagu ballamay. Markey taleefanka dhigtay intey cashaysay bay qolkeedii gashay. Waxay ahayd goor fiid ah. walaalaheed qolka fadhiga bay filim ku daawanayeen. Caawa waa habeenkii ugu dambeeyey oo iyada iyo Shirwac ay wada hadlaan. Waxaa xigi doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri dambe ku kulmi doonaan garoonka diyaarada Gaalkacyo. Qiyaastii laba ama seddex maalmood kaddibna, waxay marwo u noqon doontaa Gacaliyeed Shirwac. Ilaahow, riyadaas ii rumee, intey niyadda iska tiri bay sariirta kortay. Sawirradii Shirwac intey barkinta hoosteeda kala soo baxday bay daawasho kula dhaqaaqday… Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bedweynta fekerka iyo isla-hadalka, marmarna ku hafanaysa mawjadaheeda waaweyn ee ka kooban farxadda iyo naxdinta, bay maqashay dhawaaqa taleefanka. Intey sariirtii si halhaleel ah uga soo boodday bay daaraddii guriga usoo baxday. Waxay eegtay saacaddeedii, mise waaba saqdii dhexe. Waxay ku boodday taleefankii. “Hallow…xabiibi…iska warran? Sidee tahay?.”“Nabad…Qalbi…I am fine…I really missed you so much…Caafimaadka ka warran?.” “Adiga uun baa iga maqan.” “Anigu berri dambe waan kula joogaa haddii Alle idmo,” intuu yiri isagoo qoslaya qosol farxadeed buu yiri “Ma heshay dhambaalkaygii?” “Haa…xabiibi…Isla galabta ayaan helay…Waan ka xumahay xarigga laguu geystay.” “Micno malaha…xabiibi,” intuu yiri buu inteysan hadlin u daba dhigay “Xabiibi, waan ka xumay, kulama sii hadli karo, laba saac kaddib waxaan aadayaa garoonka diyaaradaha. Haddii ay suurtagal ii noqoto waxaan kaasoo wici doonaa garoonka diyaaradaha Dubai, otherwise waa innoo berri dambe duhurradii iyo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo…” “Haye, habiibi…Eebbe haku nabad keeno…Nabadeey…I love you.”“I love you too…bye.” Cont'd
-
Popular Contributors