Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Hormuud oo deeq siisay Barakacayaasha Dharkeenlay iyo Wadajir. Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa Maanta Maalintii labaad oo is xigta waxaa ay deeqo gaarsiiyeen qoysas barakacayaal ah oo ku dhibaateysan degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir ee gobolka Banaadir. Deeqadaani ayay shirkadda Hormuud u qeybisay qoysas abaari darted uga soo cararay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo maciin biday inay deegaansadaan xeryo barakacayaal ah oo kuyaala degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir ee gobolka Banaadir. Deeqa ayaa waxaa ay isugu jirtay Bariis Saliid iyo Lacag shilin Soomaali ah oo ay ugu talagalay Hormuud inay goosaar ka dhigtaan dadka deeqda la siiyay, waxaana qoyskiiba ay qaadanayeen 25 Kg oo bariis ah, Gasac Saliid ah iyo sedax Boqol oo Shlin Soomaali ah Deeqda ayaa waxaa ka faa’iideystay maanta kun qoys oo u badan xoolo dhaqato xoolahoodii ay ku le’deen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyo kuwa kale oo barakacayaal ah oo ka cararay degmooyinka kale ee dagaaladu ay ka socdaan ee Magaalada Muqdisho. Xerooyinka Barakacayaasha ah ee Hormuud ay deeqdaasi gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah Kaamam Barakacayaal ah oo kuyaala Airaporka, Jasiira, Ceel-hur, Siliga Maraykanka, Kaxda, Ex Contarol Afgooye iyo meelo kale, waxaana deeqdaasi laga bixinayay labo goobood oo ku kala yaala degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir. Haweenay da’ ah oo ka mid aheeyd Qoysaskii ka faa’iideystay deeqa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Shabelle u sheegtay iyadoo faraxsan in ay heshay sedaxle Saliid ah, 25 Kiilo oo bariis ah iyo sedax boqo oo Shilin Soomaaliya, waxaana ay u mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom Ugu dameyntii Max’ed Ibraahim Axmed oo ka mid ah dadka barakacayasha ah ee nasiibka u yeeshay deeqda shirkadda Hormuud ayaa isna ugu baaqay shirkadaha kale iyo hay’adaha samafalka in ay ku deysadaan shirkadda Hormuud islamarkaana ay gargaaraan dadka shacabka ah ee dhibaateysan
-
Hay’adda EDCO oo ka dayrisay xaaladda dadkii kasoo baxay tuulooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) – Hay’adda EDCO, oo ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Muqdisho, ayaa ka dayrisay xaaladda barakacayaal abaaraha awgood uga soo cararay tuulooyin ka tirsan degmooyinka Buula-burde, Jalalaqsi iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Dalka Soomaaliya, waxaa ka howlgala hay’ado fara badan oo maxli ah, kuwaasoo ka howlgala goobaha ay ku sugan yihiin barakacyaasha iyo dadka ay abaaruhu waxyeellada u geysteen. Waxaana ka mid ah hay’adahaas EDCO , oo loosoo gaabiyo (Education developments for children organization), iyadoo mas’uuliyiintooda ay howlo kormeer ah ku tageen qaar ka mid xerooyinka Muqdisho ku yaalla ee ay ku nool yihiin daadka soo barakacay. Mas’uuliyiintan, ayaa howshoodu ahayd inay soo ogaadaan xaaladda dadka soo barakacay ee xerooyinka magaalada Muqdisho. Iyagoo halkaa kusoo arkay dad fara badan oo noloshoodu liidato, isla markaana aan haysan hoy, raashin iyo daryeel caafimaad. Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa intii ay ku gudo-jireen kormeerkooda, waxay sheegeen inay sii kordhayso tirada dadka soo gaaraya xerooyinka dadka soo barakacay ay ka dagayaan Muqdisho, kaddib markii degaannaadii ay ku noolaayeen ay ka dilaacday abaar aad u daran, oo ay ku waayeen xoolihii ay haysteen, waxaana dadkaas ay kasoo barakaceen tuulooyin ay ka mid yihiin: Caymooy, Jiiqleey,Sanki, Caddeey, Jameeco, Aqabooy iyo Kelli-gubadle oo ka tirsan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Waxaa degmooyinka ay dadkan kasoo barakaceen ka mid ah: degmada Jalalaqsi, gaar ahaan tuulooyinka: Fiidow, Buulo-wabar iyo Jameeco, iyadoo sidoo kale ay uu deegaannada dadkan ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin: Buur-weyn, Qabaar-yoole, Jameecada, Garas-weyne, Bil-cilleey, Siibaay iyo Jimbiley, iyadoo dadkan ay haatan ku nool yihiin xerooyin ku yaala deegaannada loo barakacay ee Ceelasha-biyaha iyo xerooyin ku yaal magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiint hay’adda EDCO, waxay sheegeen in caruurta ku jirta xeryaha dadkan soo baracakay ay aad u liidataan, ayna maalin kasta u dhimanayaan nafaqo-darro iyo shuban . Waxayna dadkan ka codsanayaan hay’adaha samofalka inay lasoo gaaraan gargaar deg-deg ah, maadaama ay xaaladoodu aad u liidato, sidoo kalena hay’addu waxay ka codsadeen maamullada dalka ka jira inay hay’adaha samofalka u fududeeyaan gargaarka maadaama dalka ay soo food saartay xaalad abaareed oo aad u daran, iyagoo sheegay in abaarta dalka ka jirta ay ka duwan tahay middii dhacday sannadkii 1992-kii, taasoo dad in ka badan 500,000-qof dishay. Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay abaaro sababay inay xoolaha hintaan, sidoo kalena dadku ay waayeen wax ay cunaan, taasoo keentay in dadka intooda badan ay gaajo awgeed uga soo cararaan deegaannadooda, si ay u helaan si u helaan raashin ay nafta ku ceshadaan, maadaama deegaannadooda ay ku dhufteen baaro baabi’iyay xoolahoodii, iyadoo abaarahan loo aaneynayo roobabkii xilliga dayrta oo baaqday iyo beerihii sannadkan oo aan si wanaagsan u bixin, waxayna abaartu si guud u saameysay Soomaaliya oo dhan. Hay’adda EDCO, waa hay’ad samofal oo ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna horey howlo samofal uga higelisay degaannadaas ay dadkan kasoo barakaceen, iyagoo gaarsiiyay macaawinooyin kala duwan oo ay ugu talogaleen inay dadka ku nool ay ku taakuleyso, waxaana ujeeddooyinka loo aasaasay ka mid ah, inay gacan siiso dadka ku dhibaateysan , iyagoo hay’adaha caalamka u diray baaqay ay uga dalbanayaan inay caawimo lasoo gaaraan barakacayaasha uga cararaya gobolladoodii abaaraha awgood. Wixii faahfaahin ah, kala xiriir EDCO, cinwaannadeeda kala ah: E-maillo: edco142@hotmail.com, edco40@yahoo.com, Teleefoonno: 00252615508656 iyo 00252615590288 ama ACC 3910. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
The Zack;688586 wrote: Isn't Beledweyne controlled by Shabaab? Somebody tell this brother to watch out! Business is business. AS is AS. Kala saar sheekada, ee wax ku soo dheji halkan aight!.
-
No such thing as 2KM. No qabiil maamule ALLOWED! Only the recognized presidents can sit there! (nice chairs, don't you think?) :D:D
-
Xaaji Xunjuf;688695 wrote: Somalina wa runta Mr cheese intu meesha joogay wuu duulayey mar jabuuti mar adis ababa mar Newyork. marka wa runta aad bu u duul duulayaa. . laakin la yaabi maayo Madaxweyne sh dalxiis bu ka bartay waxaas lol Awoow imika ma waxad leedahay Mr cheese Amiirka isaga ku dhiiri galiyey inu shacabka raashin u qeybiyo YES, money is pouring in to Somalia like never before. Thanks to Dalxiisin! Mr Cross dresser's DAYS are over thanks to Mr FARMAAJO. The people have spoken awoowe. They aint scared NO MORE. Thanks to Mr FARMAAJO. The diaspora are coming back thanks to Mr FARMAAJO. AS wey u dhamaatey. Cunta ha qaybiyan, ama hay'adaha ha fasaxaan, cid ka dhageysanaysa ayaa iska yar. Argagixiso have no place in our beloved country.
-
Mr Farmaajo wuu duuley awoowe. Just look at what he did to AS within the short period oo xafiiska joogo. He made them question themselves. Dadkii ay u diideen cuntada ayey bilaabeen iney wax siiyaan. Shacabkii ayaa ka soo horjeestey oo maalin walba banaanbaxaya. Ciidankoodii ayaa isu soo dhiibaayaa dawlada. Awoowe Farmaajo is the man to bring peace in Somalia. Ama jecloow ama nac adigey kuu taalaa. Meeshii aan dooneyney ayuu na gaarsiin doonaa InshaAllah. Farmaajo is the man of the YEAR. Somalia HA NOOLAATO! cadawgeeda gudahana HA JABAAN! JAB WEYN weliba aysan ka soo noqon karin.
-
Xaaji Xunjuf;688682 wrote: ^^ Somalina awoow kuwi ka horeyey ba wa odhan jireeen halkay ku danbeyeen:D xilkooda waxay ku dhamaystaan iyago cidla wareegeya 20 sanno ka dib, and still NO AQOONSI. Qabiil dawlad ma noqdo, meelna uma socotiin. SOMALIA WAA HAL. :D:D Unionists 1- 0 qabiil maamul (That's what's up awoowe!)...lol...ama jecloow ama necbanoow! NO Aqoonsi for YOU!
-
Dibad bax looga soo horjeedo Shabaab oo Muqdisho ka dhacay
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Bannaanbax looga soo horjeedo dagaallada u dhexeeya dowladda iyo Xarrakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacay Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) – Bannaanbax looga soo horjeedo dagaallada u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen dalladda bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo ay ka hadleen mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa daladda. “Mudaaharaadkan, waa mid ay shacabku ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan xalaadda dalka ka taagan, waxaana dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan ka dalbaynaa in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho, si dadku u helaan nabad, waxaana dhinacyada dagaalladu u dhexeeyaan ugu baaqaynaa inay wadahadal isugu yimaadaan,” ayuu yiri guddoomiyaah dallada bulshada rayidka ee gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax. Dibad-baxayaasha oo u badnaa haween iyo caruur, ayaa waxay socod kusoo mareen degmada Xamar-weyne, iyagoo ugu dambeyn ku ururay taallada dal-jirka dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo ay kula hadleen mas’uuliyiinta soo qaban-qaabiyay mudahaaraadka. “Ma doonayno dagaal, waxaan doonaynaa nabad iyo nolo,” ayaa ku qornaa boorar ay dadkan wateen, waxaana mas’uuliyiintii ka socday gobolka Banaadir ee ka hadlay dibadbaxa ay eedeyn u jeediyeen Xarrakatul Shabaab, iyagoo ugu baaqay inay joojiyaan dagaallada kana qaybqaataan soo-celinta nabadda iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha daladda bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir, ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah inay xaqiijiso ammaanka degmooyinka ay gacanta ku hayso, sidoo kalena ay la furto wadahadallo kooxaha kasoo horjeeda si nabad loogu dhameeyo colaadda ka socota gobolka. Xarrakatul Shabaab, oo gacanta ku haysa inta badan Muqdisho, ayaa horay u sheegtay inaysan wax wadahadal ah la furayn dowladda Soomaaliya, waxaana afhayeenka Xarrakada Sheekh Cali Dheere uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Muqdisho inay isku diyaarinayaan sidii ay dowladda iyo AMISOM uga saari lahaayeen goobaha ay kaga sugan yihiin Muqdisho. Dowladda Somalia, ayaa dhankeeda caalamka ka codsatay inay gacan lagu siiyo dagaallada ay doonayso inay la gasho Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, si ay uga saarto magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -
Zack waxuu yiri beesha caalamka waxay nagu dhahaan marwalba"Somalia waa hal, mana ogolaaneyno iney kala go'do." No, SL aint going nowhere, "qabiil walba dawlad ma noqon karo". http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/01/110117_raiisulwasaare.shtml
-
Raiisul Wasaaraha oo ka hadlay go'aankii Puntland http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/01/110117_raiisulwasaare.shtml
-
Shir lagu dhaliilayo dowladda Soomaaliya oo Boosaaso ka dhacay iyo Faroole oo Jabuuti u dhoofay Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) –Maamulka gobolka Bari ayaa taageeray maanta go,aankii ka soo baxay golaha wasiirada dowlada ee la xiriiray inuu dhamaaday xiriirkii u dhaxeeyay Puntland iyo DKMG ah ee Soomaaliya. Shirkan oo ka dhacay guriga gobolka ayaa looga soo horjeestay waraysi uu BBC-da siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,kaasi oo ahaa in DKMG ah ee Soomaliya ay haysato taageerada shacabka Puntland. "Puntland marna ma khilaafsana madaxdeeda ,sidaa darteed waxaanu leenahay hadalka ra’iisul wasaaraha raali galin haka bixiyo" ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo kulanka ka hadlay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Puntland ay kaalin muuqata waligeed ku lahayd midaynta umadda Soomaaliyeed,waxaana uu intaa ku daray in maamulka uu yahay mid loo asaasay in nabad lagu gaaro oo kaliya si loo heshiiyo. "Cuqaasha gobolka Bari waxey ka midaysanyihiin taageerada ay u hayaan madaxda Puntland ,waxaana aan aad uga xunahay in dowladii umadda ay noqoto mid lagu lagu ilhaaneeyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya "ayuu yiri gudoomiyanaha nabadoonada gobolka C/risaaq Xarago oo goobta kahadlay. Shirkan ayaa taageero loogu muujiyay beesha caalamka iyo cid kasta oo doonaysa nabadda Soomaaliya ,waxaana madaxda DKMG ah ee Soomaaliya lagu amray in ay raali galin ka bixiyaan waxyaabihii dhacay. Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti isaga iyo xubno la socday si ay uga qayb galaan shirar muhiim ah oo ka dhacaya dalkaasi Jabuuti. Warar soo baxaya ayaa sheegay in madaxwaynaha Puntland uu dalka Jabuuti kula kulmi doono madax ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo khilaafaadyada hoose ee labada dhinac u dhaxeeya. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaaso,Soomaaliya
-
Xaji, c'mon know, Farole wuu ishortaagaa Sharif every chance he gets. Khilaafkii Sharif v Sharmarke, waad ogtahay waxuu yiri. Marka haddii ay PL supportgareyneysey dawlada, madaxweynihii dawlada soo maha iney supportgareyso also? Cadawga (AS) waa in la tusaa a united front, not in la isximiyaa. Sharif waxuu yirina ma ogin, waan iska camiraneynaa ma ogiyee. Waan arkeynaa meeshey ku danbeyso heestaan. inshaAllah.
-
Mobile transfers save money and lives in Somalia By Sahra Abdi NAIROBI | Wed Mar 3, 2010 8:56am EST (Reuters) - About a year ago, Muqtar Ali's brother was shot dead by gunmen in the busy Bakara market of Somalia's capital Mogadishu, and his $200 in cash was stolen. Hormuud Telecom, the biggest network in Somalia with more than a million subscribers, says it designed the software for its SAAD money transfer service, but was helped by Safaricom workshops and consultants. The new service is expected to cut security risks posed by carrying huge wads of the Somali currency around various open markets in the battle-scarred south and central regions of the country. Once clients have registered for the service, they can deposit cash with the mobile phone company and credits are loaded onto their phone. They can then send to other people signed up for the service at the press of a button. "I was very sad when I heard my worst news, that of the death of my brother. He was transferring some cash to my shop when the robbers shot him," Ali said. "I believe the life of my brother would have been saved if this service existed then." LIFELINE Despite 19 years of anarchy in the Horn of Africa nation, some businesses have thrived and the country's mobile phone firms provide a crucial, cheap lifeline for Somalis to stay in touch during the frequent bouts of heavy fighting. Money transfer firms are another backbone of the economy as remittances from the large Somali diaspora, estimated at around $1 billion a year, keep many Somali families alive. "This is the lifeline of the whole economy ... and they are the future banks of Somalia," Central Bank Governor Bashir Issa Ali told Reuters. Ali said the introduction of Hormuud's mobile money transfer services alongside the remittance companies would only improve cash distribution throughout the country, where 1.5 million people rely on food aid to survive. "Somalia has been saved by the money transfer companies and the telephone companies," he said. "This is a great thing for the payments system." Hormuud's money transfer system works with U.S. dollars, rather than the Somali shilling, and users can transfer up to $3,000 a day throughout southern and central Somalia. Businesses prefer transactions based on the dollar and other regional currencies such as the Kenyan shilling, UAE dirham and the Saudi riyal, to avoid the problems associated with an extremely weak Somali shilling. "They can send and receive cash through this system locally," Hormuud's spokesman Abdirashid Ali Aynaanshe told Reuters by phone from Mogadishu. "The system is safe, and the probability this cash can be in danger is less than carrying cash or checks in the pockets or bags while traveling in the country," he said. Halima Mohamed, based in the southern port of Kismayu which is held by al Qaeda-linked rebels, says she now uses her phone as a bank account and sends money to business associates as far as Baidoa in central Somalia. "Nowadays, I am able to send up to $3,000 from my phone to people in other regions without the person next to me knowing," the store owner said. "It is good for our safety since we live in very violent times and can lose all our money to militias." (Additional reporting by Abdiaziz Hassan and David Clarke in Nairobi; Editing by Giles Elgood)
-
Xaaji Xunjuf;688557 wrote: Seriously though Somalina the pirates were the best allies the TFG had politically and on the ground when we exclude buhuku and his boy's, the pirates were willing to work with the TFG now they feel cheated and mr cheese is feeling the heat. Xaji, labo qof madaxweyne ma noqon karaan hal mar, ma garatey. Hadduu Farole dhibaato ka sheeganayo Sharif, ha codsado a mediator si ay u wada shaqeyaan laakiin odeygan Farole wuu calaacal badan yahay, that is what he does best. Shirkii Turkey uu ka qayb galey ayaa been u sheegay. Sharif ayuu doonaayaa inuu bareejeeyo, meeshan kubad maala dheelaayaa? Teeda kale, PL ma ciidan bey ku darsatey dawlada Soomaliyeed? AS mey la dagaalamooyaan saacadaan? how are they working with the TFG? Dawlad baan nahay ayey ku celceliyaan maalin walba, wallee cirka roob ku ogyihiin. Yaa u sheega "la idinma aqoonsanaayee, meel fadhiista"? oh wait, I know who can tell them, SL.
-
Thanks for the advice, will do InshaAllah. p.s. will wait for more info before commenting.
-
His name is Mr Farmaajo. If PL goes, Galmudug should come as well, ku sii dar all the other hebeloow lands... I don't think you understand what is going on awoowe. Stick to "South Sudan waa la aqoonsadayee, unukana hana la aqoonsado" heeso.
-
Awoowe you need our permission slip to secede from the union. Keep on dreaming though, you aint going nowhere! You should've changed your name to HargeysaLand instead of DHUL SOOMALIYEED. Dhulka anagaa leh, or UNUKAA LEH! lol... What was that song by Shimaali? it went something like "CIIL BADANAA...blah blah...CIIL BADANAA" ...
-
New York: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay go’aankii Puntland ee ahaa inay jartay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda KMG isagoo arinkaasi ku tilmaamay fursad la siinayo Al Shabaab. Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo wareysi siinayay Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay golaha Wasiirada ee Puntland oo ahaa inay ka laabteen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda KMG, waxaana uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in arintaasi ay tahay nasiib daro, balse shacabka Puntland aysan la qabin go’aankaasi masuuliyiinta Maamulkaasi. Waxaa uu ku tilmaamay go’aankaasi in uu yahay mid Puntland ay fursad ku siineyso Hogaamiyaasha Al Shabaab iyo Dagaalyahano Shisheeye oo uu sheegay inay ku soo duuleen shacabka iyo wadanka Soomaaliya kuwaasi oo uu xusay inay qabsashada dhamaan dalka Soomaaliya. Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Puntland u diray fariin ah in hadii Al Shabaab ay la wareegaan guud ahaan koofurta dalka Soomaaliya ay isku diyaar gareeyaan maadaama ay fursad u haleyaan markaasi in ay weerar ku qaadaan maamulada Puntland iyo Somaliland. Waxaa uu xusay R/wasaaruhu in haatan ay wadahadal kula jiraan masuuliyiin ka tirsan Puntland islamarkaana marka uu dib dalka ugu soo laabto uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole si uu ugala hadlo go’aankaani cusub. R/waasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa u mahad celiyay shacabka Puntland oo uu sheegay in ay ka shaqeeyeen amnigooda mudadii dalka Soomaaliya uu ku jiray bur burka, waxaana uu xusay in waxyaabaha ay kala soo hadlayaan golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ka mid tahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ceelasha biyaha ee Magalooyinka Boosaaso, Hargeysa iyo Magaalooyin kale. Ugu dambeyntii ayaa Farmaajo waxaa uu ugu baaqay madaxda Maamulka Puntland in wixii ay tabanayaan si hoose ay ugu soo wargaliyaan masuuliyiinta dowladda balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in ay ka ceytamaan sida uu sheegay Idaaacdaha kuyaala wadanka Soomaaliya taasi oo uu masuuliyad daro ku tilmaamay.
-
Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo kulan la yeeshay dhiggiisa Magaalada Oslo Fabian Stang Talaado, 18 Janaayo, 2011 (HOL) – Duqa magaalada Oslo Fabian Stang ayaa kusoo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, magaalada Oslo ee dalka Norway. Kulanka labadan mas’uul, ayaa ka dhacay xarunta lagu bixiyo biladda nabadda (Nobel Prize), ahna xafiiska duqa magaaladda Oslo Mr. Fabian Stange, iyagoo kaga hadlay kulankooda xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway. Kulankan, ayaa daba-socday shir labo maalmood ka socday magaalada Oslo, kaasoo ay ka qayb galeen wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Max'ed Cabdulaahi Omaar, wasiiru-dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Sahra Maxamed Cali Samatar iyo safiirka Soomaalia u fadhiya Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya u jooga dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Shirkan, soo ay soo qaban-qaabiyeen urur ay ku midoobeen afar urur oo ka kala dhisan Norway, Sweden, Finland iyo Denmark, iyadoo sanadkan 2011, marti loo ahaa ururka G10 ee ka dhisan Norway. Duqa magaaladda Muqdisho Tarsan iyo dhigiisa Fabian, ayaa ka-wada-hadley arrimo ay ka mid yihiin: hormarinta biyaha, nadaafadda magaaladda Muqdisho, xarumaha dab-damiska iyo tabaar lasiiyo dadka howlahan ka shaqeeya, waxaana Fabian uu balan qaaday inay ka caawin doonaan waxyaabaha ay aqoonta u leeyihiin xaga la talinta iyo farsamadda. Ugu dambeyntii, Tarzan ayaa wareeg kusoo maray xarunta Nobel Prize (biladda nabadda) lagu bixiyo, isagoo halkaa warbixin ku siiyey warbaahinta kuna sheegay inuu bilowday wada-shaqeyn cusub oo dhexmarta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Oslo. Nuxur Documentary Team nuxur1@gmail.com Oslo, Norway
-
Kuwaan bartey from my neighbour, maahmaah iyo saying isugu jiraan: - Canjeero seey u kala koreyso lee loo cunaa - Luuq luuq maroow laasim laamiga aas imaanaa. - La seexdo sariirta, la tago aa ka horeyso - Koombo hadii kor loo tuuro, keligeed lee soo noqoto (what goes up must come down) - Meel lagu qadeeyey qashin malaga waayo
-
Xildhibaano ka tirsan barlamanka oo cambaareeyay go’aankii Puntland Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya kana soo jeeda Maamul goboleedka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii shalay golaha wasiirada Maamul Puntland ay ku sheegeen inay ku jareen xiriirka kala dhaxeeyay dowladda KMG Soomaailya. Kadib markii shalay Maamulka goboleedka Puntland ay si cad shaaca ugu qaadeen in ay gud ahaamba xiriirkii u jareen wada shaqayntii kala dhaxeysay dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa arintaasi wax laga xumaado ku tilmaamay Mudanyaal ka tirsan barlamanka KMG gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Maamulka Puntland. Xildhibaan C/laahi Macalin Cali (Kismaayo) oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG ee kasoo jeeda Maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay hareero taagnaayeen Mudanayaal kale oo ka mid ah barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay arintaasi gaashaanka u daruuraan. Shalay ayay aheeyd markii wasiirka qorshaynta ee Maamul goboleedka Puntland Dr. Daa’uud Cumar uu shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland guud ahaanba ay kalaabteen waada shaqayntii kala dhaxaysay dowladda Federaalka KMG Soomaaliya, isagoo beesha Caalamka ugu baaqay inaysan aqoonsan dowladda KMG.
-
Journalist held captive starts foundation for Somali women CTV Ottawa Sunday, January 16, 2011 Amanda Lindhout, the Canadian freelance journalist who was kidnapped and held for over a year in Somalia, brought her extraordinary story to Carleton University Saturday. "My hope is that my story reminds you of the great strength and endurance of the human spirit which resides in all of us," Lindhout said to a crowd of students. "Pain is pain and we're all better served by finding a way to let it go and to heal that and forgive." Lindhout was kidnapped while working as a freelance journalist in Somalia on Aug. 23, 2008. What was supposed to be a one-week trip to the volatile nation turned into a 15-month ordeal of torture and isolation. Instead of focusing on the abuse she endured while she was held hostage, Lindhout says she feels compassion for Somalia, and even her captors. Since returning home, she started the Global Enrichment Foundation which provides scholarships for Somali women. Less than one in 400 women in that country currently have the chance to pursue higher education. In it's first year, the foundation provided university funding for 11 women. "We've opened a door for them so their dreams can happen," Lindhout said. "It's so inspiring when I hear from them how well they are doing, how excited they are and how proud their family is." Lindhout said she hopes to provide enough funding to educate 100 Somali women over the next four years. Source: CTV Ottawa
-
Suxufiyad horay loogu afduubay Soomaaliya oo billowday howl ay ku caawiso haweenka Soomaaliyeed Axad, 16 Janaayo, 2011 (HOL) – Suxufiyadda Amanda Lindhout, oo u dhalatay dalka Kanada afduub ahaanna loogu haystay Soomaaliya muddo sannad ka badan, ayaa Sabtidii billowday howl samofal ah oo ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed, iyadoo billowday in sheekooyin ku saabsan afduubkeeda ay ka jeediso jaamacadda Carleton ee dalka Kanada. “Rajadaydu, waa inaan ka gudbo xanuunka ay idinku reebtay sheekadayda, waana mid ka dhalatay dareenka nagu wadajira,” ayay tiri Lindhout iyadoo la hadlaysay ardayda jaamacadda Carleton, waxayna intaas raacisay: “Xanuun waa xanuun, innaga oo dhanna waxaa noo wanaagsan inaan helo jid nagu haga inaan wax cafinno.” Lindhout, ayaa la afduubay iyadoo u joogtay Soomaaliya, inay filimo kasoo qaaddo dadka ku dhibaateysn duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho 23-kii Ogoosto 2008. Waxaana afduub ahaa loo haystay 15-bilood, iyadoo sheegtay markii la daayay in loo geysan jiray jirdil aad u daran. Suxufiyadan oo lala afduubay filim qaade u dhashay dalka Australia, ayaa sheegtay inaysan iloobayn Soomaaliya, inkastoo afduub loogu haystay sannad iyo bar ku dhawaad, loona geystay dhibaatooyinka badan, waxayna xustay in afduubayaashii haystay ay iyagana u garaabayso. Tan iyo markii Lindhout, ay dib ugu laabatay dalkeeda, waxay bilowday inay ururinta dhaqaale ay ku maalgelinayso waxbarashada 400 haween Soomaaliyeed ah oo jooga Soomaaliya, kuwaasoo ay u suurogeli waday inay waxbartaan ama ay dhameystirtaan waxbarashadooda. Mashruuceeda, ayay ugu talogalay inay sannadka hore waxbarasho jaamacadeed uga bixiso 11 haween Soomaaliyeed ah. “Waxaan u furaynaa haweenka albaab, si riyooyinkooda ay u suurogasho,” ayay tiri Lindhout, oo intaas daba-dhigtay: “Waxaa arrintan igu dhaqaajiyay, marka aan maqlo howlaha ay qabtaan iyo sida ay qoysaskooda u saacidaan.” Lindhout, ayaa sheegtay inay rajeynayso inay dhaqaale ku filan waxbarashada 100 haween ah ay hesho afarta sano ee soo socda. Waxayna xustay in howsha ay ku caawinayso haweenka Soomaaliyeed aysan weligeed ka fariisanayn. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Popular Contributors