Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Thanx Q. --------- Somali Football League kicked off in Mogadishu by Farah M. Ali (Blue) Hiiraan Online Friday, January 21, 2011 Somali Football League kicked off.Somali Football League 2010-2011 kicked off today as tens of thousands filled University Stadium in Mogadishu for the first time in four years, despite the conflict that is still forcing people to flee their homes in and around the capital. 30 minutes of the opening ceremony was followed by the first game of the league between Banaadir Telecom and Heegan FC which ended 1-0. Heean went on to win the game by one goal to nil. Jabril Hassa put one in the 88th minute – when the game was on the verge of heading to a goalless draw and sent his team to lead the League. “The chance came and I took it, I am happy about the goal and I want to score more a great goals" said Hassan how is also Somali U 20 forward. The league holders Banaadir Telecom were today clearly the more aggressive and dangerous side, but they failed to get shot on goal. The defensive strategy worked for Heegan and kep clean sheet. Post match inteview Heegan manager Abdi Kus hails hialed his sides performance “It's always important to win the first match of the League, my boys made some mistakes first half of the game and responded much better in the second half” he stated “My players are young. this gives them energy and motivation” Ali Buu, Banaadir coach said that he is disappointed with the result. “Of course I am disappointed, and the players are as well. We had a lot of the ball but didn’t make a lot of it and Heegan defended with heart. “We looked vulnerable defensively” “Heegan were better side today , and i have to congratulate, because they really did well and won the game” he said. On Monday the giants of Elman FC and Savana FC will face each other, while SITT Dallo will take on Horseed FC on Tuesday. The Somali Football League is just eight teams and was first created and played in 1951. Farah M. Ali (Farah Blue) Somalia+East and Central Africa Football Writer. Email: fblue@hiiraan.com
  2. Shirkadda Hormuud Laanta Qoryooley oo biyo dhaamin sameysay Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud laanteeda degmada Qoryoolay ee gobolka Sh/hoose ayaa howlahaani biyo dhaaminta ah waxaa ay 5-tii bishaan ka bilowday deegaanada Mudulaaleey, Buur-god, Yaaq-mataan, Deg-ari iyo Farsooley kuwaasi oo dhamaantood hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose. Tabarucaadaani Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud laanteeda Qoryeelay ay u sameysay dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay qoysaska ka faa’iideystay biyo dhaamintaasi. Ilaa 3-kun iyo 3-boqol oo qoys ayaa ka faa’iideystay biyo dhaaminta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom laanteeda Qoryooley, waxaana masuuliyiinta Laantaasi ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha ay ku caawinayaan qoysaska ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka hira dalka Soomaaliya ee kusugan Tuulooyinka hootaga degmadaasi. Xaaji Xasan Goobe oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Qoryoolay oo Shabelle la hadlay ayaa soo dhaweeyay biyo dhaamintaani isagoo si weyn ugu mahad celiyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud, isagoo ugu baaqay in ay sii wadaan howlaha ay dadka ku caawinayaan. Laamaha kala duwan ee Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa maalmihii la soo dhaafay gobolada dalka Soomaaliya waxaa ay ka wadeen howlo taakuleyn ah oo ay gargaar ugu fidinayaan dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo arintaasina ay soo dhaweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.
  3. Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Talyaaniga Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mohamed C/llaahi Mohamed (Farmaajo) , ayaa xalay kulan kula yeeshay Roma dhiggiisa dalkaas Silvia Berlusconi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Palazzo Chigi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waa dalkii ugu horreeyey Yurub uu booqasho uu ku tago, tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaarenimo. Ra’iisul wasaaraha Maxamed Farmaajo, ayaa warbixin kooban ka siiyay Berlusconi xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, horumarka ay xukuumadda cusub ku tallaabsatay iyo sida loogu baahanyahay in caalamku ay kala shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo arrimo fara badan oo ay ka mid tahay sidii muddada u hartay dowladda KMG ay u dhameystiri lahayd dhammaan howlaha horyaalla. Silvio Berlusconi, ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna ballanqaad buuxda siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo uu yiri aniga ayaa si shaqsi ah arrimaha Soomaaliya ugu soo jeesanaya, isla markaana uu sheegay inay kordhinayaan dhammaan taageeradooda dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Mudane Berlusconi, waxuu sheegay inay wax ka qabanayaan dhanka gargaarka bani’aadanimo iyo horumarinta dalka, sida mashaariic cusub iwm. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Taliyaaniga waxuu sheegay inuu hadda wixii ka danbeeya xiriirka labada dal iyo sidii ay Talyaaniga gacan weyn u siin lahaayeen dowladda Soomaaliya ayna ka wada-shaqeyn doonaan. Sidoo kale, arrimaha labada ra’iisul wasaare ay kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo-soo-celin lahaa xiriirkii qotada dheeraa ee taariikhiga ah. Arrimaha kale ee laga wada hadlayna waxaa ka mid ahaa amniga, argagaxisada caalamiga ah iyo arrimaha burcad-badeedka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Galmudug oo u gurmatay dad ay abaaro saameeyeen Maamulka Galmudug ayaa gurmad raashin qeybin iyo biyo dhaamin ah u sameeyay dad ay abaaro saameeyeen oo ku nool deegaannada miyiga ee ku xeeran gobolka Mudug. Guddiga gurmadka abaaraha ee maamulka Galmudug oo isugu jira wasiirro, culimaa’uddiin, ganacsato, haween iyo waxgarad ayaa markii ugu horeysay kaalmo gaarsiiyay dadka ay dhibaateeyeen abaaraha. Guddigani oo uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa dhaqaale ka soo ururiyay jaaliyadda dibadda iyo ganacsatada deegaankaasi, si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay haleeleen abaaraha iyo biyo la’aantu. Abaaraha ka jira inta badan gobollada Soomaaliya ayaa maraya meeshii ugu xumeyd, waxaana abaarahaasi u geeriyooday dad badan, oo isugu jira haween, carruur iyo waayeel, iyadoo ay ugu daran tahay deegaannada miyiga oo ay dadku ka dhinteen xoolihii ay dhaqanayeen.
  5. Haweenka Soomaaliyeed oo soo jeediyay hub-ka-dhigis iyo wadahadal Golaha nabadeynta haweenka Soomaaliyeed ayaa kulan ay ku qaateen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay dhinacyada siyaasadda u soo jeediyeen inay khilaafkooda ku dhammeeyaan wadahadal, isla markaana dhallinyarada lagu sameeyo hub-ka-dhigis. Kulankan oo haweenku ay ku soo dhaweynayeen gabdho Soomaaliyeed oo dibadda ku noolaa, kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa waxay tilmaameen in ay lagama maarman tahay dib-u-heshiisiin si loo soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya. Haweenka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xun yihiin khilaafka cusub ee soo kala dhex galay maamul goboleedka Puntland iyo Dowlada FKMG ee Soomaaliya. Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen wasaaradda haweenka, xildhibaanno iyo ururrada haweenka ayaa dadkii ka hadlay ka mid ahayd xildhibaan Xaawo Qayaad, oo sheegay midnimada iyo wadajirku inay yihiin xalka keliya ee qarannimo lagu gaari karo, iyadoo halkaasi ka soo jeedisay tix suugaan ah oo ay kula dardaarantay haweenka Soomaaliyeed.
  6. Sarkaal ka tirsan booliska ayaa ku eedeeyay Boqor Raabi inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka Somaliland. Khamiis, 20 Janaayo 2011 Bileyska Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay xireen mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Somaliland, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaaddo u geystay maamulka isla markaana ku baaqay shir ay isugu yimaadaan oday dhaqameedyada Somaliland. Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi waxaa cambaareyn u jeediyay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur Madow) oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka ee Somaliland. Wuxuu sheegay in xarigaasi uu yahay mid ku qalafsan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo xorriyadda hadalka iyo sharafta oday dhaqameedka. BBC
  7. Gudiga Taakuleynta Abaaraha (GTA) ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, loona aas-aasay u gar-gaarka dadka abaaruhu ku dhifteen kuna tabaaleysan gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa ay baaq taageero gacan siin dhaqaale ah u dirayaan qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida dacaladeeda. Maalin walba waxaa gaajo iyo haraad ugu dhinta gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfutreed ee Soomaaliya caruur, waayeel iyo xoolo kuwaasoo ay abaaro ba`an ku dhifteen islamarkaana aan haysan wax gar-gaar ah, xoogaagii mucaawinana laga joojiyay. Hadaba Gudiga Taakuleynta Abaaraha (GTA) oo gacan aan buurneyn ka helo hey`ado maxali oo gudaha dalka ah ayaaneyn ku fileyn dhaqaalaha yar ee gacantooda soo gala, waxayna baaq u dirayaan dhamaan qurba-joogta in ay soo gar-gaaraan walaalohood gacanta loo fidinayo ee musiibada abaareed dul degtay. KU *** GAR-GAAR KAAGA ACCOUNT NUMBER: 05216028513 Kala xiriir Gudiga Taakuleynta Agoonta cinwaankan hoose: gudigataakuleynta@hotmail.com Wa bilaahi Towfiiq
  8. Jazakallah Khair yaa Hormuud CEO.
  9. Kooxda Kubadda Koleyga Dekedaha oo soo gaartay Final-ka Koobka Koobabka Jen. Daa’uud Arbaco, January 19, 2011(HOL): Koobka koobabka ee Jen. Daa`uud oo galay ugu danbeeyay waxaana ciyaar Semi-Final ah oo aad u xiiso badan isaga horyimid kooxaha Dekedaha iyo Plasma University. 61-49 waxay guusha ku raacday kooxda Dekedaha oo sidaas Final kula istaagtay Heegan. Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay labadan kooxood ku soo bandhigeen xirfad leh firfircooni iyo ciyaar wanaag iyadoo qeybihii ugu horeeyay labadan kooxood ay muuqatay in marba koox ay hogaanka dhibcaha la wareegayso, Laakiin jawiga ciyaarta waxay isbedeshay markii tababaraha kooxda Dekedda uu garoonka soo geliyay xiddigihii uu ku dhaartay ee Mandela iyo Siid Cali Kukaay oo la soo baxay dardar aad u xoogan oo ay shabaqa kooxda Plasma ku asqeysiiyeen dhibco badan. Kooxda Plasma oo isku dayo badan samaysay ayaan u suragelin iyadoo fursadahii ay heli lahaayeen intooda badan ku lumiyay Reboundka oo ay la dhaafi waayeen kubaddaha ay helaan. Si kastaba ciyaartan oo si qurux ay uga haleen intii daawatay ayaa waxay ku soo idlaatay 61-49 oo ay guuhsha kula hoyatay Dekedda oo ciyaarta kama danbaysta ay isku dhici doonaan kooxda sida weyn ay u xafiiltamaan ee Heegan, 21/1/2011 oo ku beegan maalinta Jimcaha ayaana loo balansan yahay kulankan xiisaha badan. Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxda GOS iyo XSKK, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Guddoomiye ku xigeenka Xasan Axmed Cabdi [Xasan {Elman}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Abanuur Abati Abanuur oo xubin ka ah guddiga fulinta XSKK, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Cabdoow, Agaasimaha waaxda Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maye [Walker], Guddimiyaha Olambikada Gobolka Banaadir Md. C/xakiim Axmed Cali, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, Guddoomiyaha XSKL Prof. Maxamed Cali Caloow, Guddoomiye ku xigeenka XSKL Maxamed Abuukar Xiiray [Libery], Xoghayaha guud XSKL Cawil Nuur Magan iyo taageerayaasha Kubadda Koleyga. Isboorti.com Managing Editor Said Ibrahim Hussein (BUUNA) buuna@isboorti.com
  10. Khamiis, 20 Janaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, ayaa safiir cusub u magacowday dalka Suudaan, kaasoo Axaddii toddobaadkan xaflad ka dhacday madaxtooyada dalka Suudaan ugu gudbiyay warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-bashiir. Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Suudaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Al-bashiir uu ka aqbalay aqoonsigiisa danjirenimo, ayna kasoo qaybgaleen xafladda looga guddoomay aqoonsigiisa danjirenimo madax ka tisran dalkaas. “Madaxweynaha dalka Suudaan, wuu iga guddoomay warqadaha safiirnimo, wuxuuna iga wareystay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadamnimada,” ayuu yiri safiirka cusub. Danjiraha, ayaa sheegay in safaaraddu ay ka shaqeyn doono sidii ay uga war-hayn lahayd xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta dalka Suudaan iyo Soomaalida kale ee dalkaas daggan, isagoo sheegay inay ka caawin doonaan dhinaca safarrada. Xukuumadda Soomaaliya, ayaa horraantii bishan u magacowday danjiraheeda cusub ee dalka Jabuuti, C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), kaasoo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, iyagoo safiirka cusub ee Suudaan uu noqonayo kii labaad ee loo magacaabo dal Afrikaan ah. Dowladda Soomaaliya, oo xilligeedu uu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, ayaa wadda qorshayaal ay ku xoojinayso xiriirkeeda siyaasadeed ee dalalka caalamka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan magacaabista safiirro cusub, iyo booqashooyin dibadeed. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Farmaajo oo la Kulmay Berlusconi Ra'iisul-wasaaraha Somalia, Max'ed C/aahi Farmaajo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Ra'iisul-wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi. Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA kulankaasi kaddib, ayuu ku sheegay inuu kulankaasi Berlusconi uga warbixiyay xaaladda Somalia ay ku sugan tahay, gaar ahaan waxqabadka xukuumaddiisa cusub iyo waxay damacsan tahay inay qabato. Farmaajo, wuxuu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen wax-kaqabashada mushkillada Somalia. Ra'iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay in Berlusconi uu ka aqbalay sidii Talyaanigu uu wax uga qaban lahaa door fiicana uga ciyaari lahaa xal u helida Somalia. Wareysiga VOA la yeelatay R/wasaare Farmaajo dhagayso.
  12. Biyo dhaamis laga billaabay deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen ee ka tirsan gobolka Hiiraan Khamiis, 20, Januray, 2011 (HOL) Marka aad u sii fiirsato gar gaarka ay u baahan yihiin dad abaarhu saameeyeen waxaa ugu horeeya biyaha, kadib markii dadka reer miiga ay ka marteen dhimaan baraagihii ay biyaha ku keydsan jireen, biliyadii, iyo waliba dhulkii biyo qabatinka ahaa xiliyada roob-ka. Hadaba iyada oo taa laga duulayo ayaa ilaa 30 tuulo oo ka mid ah deegaannada ay sida weyn abaartu ugu dhuftay ayaa waxaa biyo dhaamin ka bilaabay qeyb mid ah Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Ingariiska, kuwaasoo dhamaatood loo kala dirray booyado biyaha ka qaadaya hadba ceel ugu dhaw oo ay is leeyihiin biyo waad ka heli kartaa, waxaa ay booyadahaasi biyaha ku shubayaan baraagaha maran ee markii horeba reer miigu biyaha ku keysan jiray. HOL oo booqatay qeybo ka mid ah deegaannada biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa u muuqda sawir aad u naxdin badan oo muuqaal guud ka bixinaya haraadka darran ee saameynta ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool miiga fog, waxaana ay in dhahaagu qabanaayaan xoolo isugu jira Geel, Lo aan tiro badneyn, iyo waliba Ari taagan hareeraha baraagaha biyaha lagu shubayo, waxaadna arkeysaa in ka badan 30 neef oo wada cabaya wax ka yar ilaa 20 liitar oo biyo ah, halka ay jiraan kuwo aan nasiib u leh in ay kuba soo garaan biyaha kuwaaso lagu qiyaasi karo in ka badan 90%,, waana qeyb ka mid ah muuqaalka biyo la'aanta ka jirta deegaanada goballka. Tuulooyinka ay booqatay HOL iyaga oo biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah, Galxamur, Cali-cageyn, Raqso, Teedaan, In-baal, Jiijo, Suubo, Habeeno, Dib-ugal, Qarfo, Moolacad, Geedsamo, Qandho, Mureyste Juujuule, iyo tuulooyin kale oo intaa ka badan oo laga wado biyo dhaaminta, waxaana howsha loo soo wakiishay qeyb ka mid culima'udiinka iyo waxgaradka ku nool deegaannada abaartu ka jirto. Inkastoo ay jiraan dadaalo ay wadaan Jaaliyaddaha dibada iyo muumulka intaba ayaa haddana muuqata in haddii uu Ilaah ramadiisa ku shubin deegaannada ay abaartu ka jirto xaaladu ka sii darri doonto maalmaha iyo bilaha ina soo aadan. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
  13. Hiiraan State “Cunto qalalan hawada hey’adaha ha ugu soo daadiyeen dadka” Jimco, January 21, 2011 (HOL): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka Caalamiga ah inay u gargaaraan dadka ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna Tuulooyinka iyo degmooyinka gobolada Hiiraan , kuwaasoo hadda iskugu soo uruuray hareeraha webiga Shabeelle oo dhexmara Magaalooyinka Baladweyne,Jalalaqsi ,Buuloburde iyo Tuulooyinka ku xeeran. War saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hiiraan State ayaa loogu baaqay hey’adaha samafalka inay u dhaqaaqaan badbaadinta dadka Hiiraan ku nool oo u dhimanaya gaajo iyo harraad , taasoo uu ku sheegay inay tahay masiibo bani’aadanimo oo loo baahan yahay in loo howlgalo sidii loo samata-bixin lahaa dadka iyo duunyada . Madaxweynaha ayaa ku amray Wasiirrada dowlad goboleedka Hiiraan State ee dibadda ku maqan inay ka dhaadhiciyaan adduun-weynaha in shacabka Hiiraan uu ku sugan yahay xaalad khatar ah oo geeri qarka u saaran , isagoo ka codsaday hey’adaha gargaarka inay hawada dadkaas uga soo daadiyaan cunto qalalan (cunto haddii ay qabsadaan ay karsan karaan) ,iyadoo la adeegsanayo diyaarado. Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in tallaabada cunta qalalan hawada looga soo daadinayo dadka ay tahay tallaabada kaliya ee suurtagal-ka ah ee lagu badbaadin karo dadka dhibaateysan , maadaama kooxda Alshabaab ay iska hortaageen waddooyinka inay ka soo gudbaan gawaari kolonyo ah oo loo qorsheeyay inay biyo la gaaraan dadka ku ooman deegaanada kala duwan ee gobolada Hiiraan ee kala ah Dhagaxjibis, Deebley iyo Koonfurta Hiiraan. Tallaabadan ayey soo dhoweeyeen dadka ku nool gobollada Hiiraan uu ka kooban yahay , kuwaasoo u dhibtoon biyo iyo cunno , waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay xaalado geeri ah oo abaartu sababtay laga soo sheegayay Tuulooyinka ku dhow Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Sacdiya Muuse “ Magool” sacdiyo161@hotmail.com Muqdisho-Soomaaliya
  14. The App Store is about to hit 10 billion dowloads.
  15. Xaaji Xunjuf;689007 wrote: oba oo waayo Dawladi ingriiska markay tiiro koob sameyso 1955 Somaliland 65% of Sl waxay ka so jeedaan Mujaheeedinti SNM , tiro koob kaasi na waxay ahayd 1955 ka waran maantana aboowe 20 ki sannadood eeh ugu danbeyey waanu dhalanayney uun 3% dadki wa kordhay caafimad dalka iyo dadku markay nabad ku jiraan ugu yaraan 70% wa ku dhownahay , waxad inta ku darta qawmiyada labaad eeh Somaliland ku dhaqan dhanka galbeedka ama gobolada awdal iyo selel. oo iyaguna ila majority of them waxay o codeynayan Gooni isugaata. sabab mansab dawladnimo iy magac iyo mamuusl sl bay ka heleen. Marka oba idinkana dan ba idinku jirta Gooni isutaaga Somaliland wa inad tageertid sabab dalkina nabad bu noqonaya wabiyadi kheyraadki khudaarti oo dhan wanu idinkaga tagnay idinka ka ceeshaya if i was anigu waan tageeri laha. lmao... you are a class act awoowe! aniga waan ku taageeri ogoow, kheyraad si aan ugu faa'iideysto. lol Waxa keliya aan ka rabaa waa inaad Indha shareerka aanad taagerin mardanbe, addresskiisana soo gudbisaa....lol
  16. Somalia can no longer afford a conference for “Mr. President” pageant, for every Dick and Harry to flex and prance for the title. Enough of that! Let Sheikh Sharif and his Somali-American technocrats continue for another 2 years in a permanent government, with no transitional label that is, to successfully execute the war against the radicals!
  17. Jacaylbaro;688967 wrote: Here goes their brief shir: Sharif: Haye waraa Far: Waad ii diiday shirkaa sow maaha ? Shar: Orod iska soco do%qonyow Far: Adigaa doqona dhaandhaan waaxid Int. Community: Clap clap clap .... (of course they don't speak Somali)
  18. Northeastern Kenya is one of the five points of the Somali star on the national flag; an area sometimes referred to as Kenyan Somaliland. DAVID L SMITH: BOOK SAFARI Thursday, January 20, 2011 Britain, at the time it was shedding its African colonies, organised a referendum in which Somalis in the region voted overwhelmingly in favour of joining the new Republic of Somalia rather than becoming part of an independent Kenya. An uneasy relationship between Somalis and Kenyans begins more or less at this point. Most of my travels in the past year have been for work in Somalia and I have hunted down and devoured as many books about the country as possible. But my Book Safari starts at the centre of Kenyan Somalia -- Nairobi’s Eastleigh district, also known as Little Mogadishu. I have to come clean and confess that the primary reason for my frequent trips to Nairobi’s Eastleigh in 2010 was to eat camel meat samoosas and drink Somali tea at a favourite café. But also to hunt for books, a search that lasted an entire year. Usually in the company of a Somali journalist friend, I walked up and down every street in Eastleigh, looking for the printed word. Hopes were high at first and I was sure we would come across at least something by Nuruddin Farah, Somalia’s best known author. If there’s a big five for a Somali book safari then without a doubt Farah is one of them. Weeks turned into months of fruitless searching -- but I don’t give up easily and I knocked on all doors. At the end of a year’s search we did manage to come up with the most important and influential text in Somalia -- the Qur’an -- but novels of any sort were not to be found, not by Farah, not by anyone. Book safari trips to the real Moga-dishu and other parts of Somalia yielded the same disappointing results. This is rather sad. Somalis have an oral culture. They count among themselves thousands of poets and they are extremely active on the internet. Somali information pages are posted from just about wherever the diaspora is present and numerous radio stations serve as their post office and community billboard. Perhaps therein lies the crux of the matter, at least when it comes to Farah: Somalis always communicate in Somali, but he writes in English. Fortunately, only a stone’s throw from Eastleigh is probably the best selection of books on Somalia in Africa, including most of what Farah has written. Tucked into a corner of the third level of Nairobi’s Ya Ya Centre is the Bookstop. It is truly one of the great bookshops of the world. If at all possible, go there. I’ve picked up a lot of books at Bookstop in the past year, including a book I had hoped to find in Little Mogadishu, Maps by Farah. Book Safari is much more about the search for books rather than the book themselves There is insufficient space within this column to do justice to a book as deep and important as Maps. What I can say is that this book helps to clarify one of the most confusing and misunderstood tragedies on the African continent: the tragedy with which the people of Somalia have been living for decades. Maps looks at one chapter in Somalia’s difficult recent history. Askar is a young boy from the O*****, an area referred to by Somalis as Western Somaliland but recognised by the rest of the world as part of Ethiopia. O***** is also one of the five points of the Somali star (the three others are what was British Somaliland, now Somaliland, Italian Somalia, now Somalia and French Djibouti, now Djibouti). His childhood coincided with a war in the 1970s during which Somalia tried unsuccessfully to win control of the O***** from Ethiopia. Among other things, Askar follows the many battles on the maps his uncle has given him. The greatest accomplishment of Maps lies in its illustration of what it means to be Somali. Farah argues that the ethnic homogeneity of Somalia sets it apart from other countries such as Kenya, Ethiopia and South Africa, where nationality and ethnicity are not one and the same. Book Safari doesn’t recommend travelling to Somalia to look for original reading material but does recommend anything (and there’s a lot of it) by Farah. The author lives in Cape Town, where he has probably shed a few tears not just for his own country but also for those of his countrymen who have fallen victim to xenophobic violence in South Africa. I tend to doubt such attacks would be committed if the perpetrators had read one of his books. Just a thought. Maps retails for about R123 in South Africa and can be found at the usual shopping mall or online spots. ---------- David L Smith is a director of Okapi Consulting, which set up Radio Bar-Kulan, a peacekeeping radio network for Somalia. In his spare time he hunts for local authors wherever he travels.
  19. Jacaylbaro;688961 wrote: and who are u this time hadana ??? loooooooool... SLander. Shaley uun-buu break ka qaadanaayey dee..
  20. Sharif is back in Xamar. Shirkooda wuu gaabnaa wallee. Yaa shir jaraa'id dhiibaayo berri talow?
  21. Shir Amaanka Somalia looga hadlay oo ku soo dhamaaday Djibouti Shirkan oo ay dowladda KMG ah uga qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sh Xasan Faarax, R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Iskaashiga Caalamka Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Cadaaladda Abyan, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Booliiska iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ayaa ahaa mid xasaasi ah oo si weyn loogu gorfeeyay arrimaha amaanka Soomaaliya. Waxaa dhanka Ururada Caalamiga ah iyana ka soo qeyb galay Ururka Midowga Afrika (AU),Safiirro ka socda dalalka deeqaha bixiya,AMISOM, Masuuliyiinta IGAD, EASF iyo Kooxda caalamiga ee qeybta amaanka, iyadoo abaabulka shirkani ay ka dambeysay Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa xafiiskeeda Soomaaliya. Shirkan oo ahaa kii 7-aad Arrimaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soo qaban qaabiso waxaa bayaan laga soo saaray lagu sheegay in Soomaaliya lagu taageerayo fududeynta Wakaaladaha Arrimaha bin’aadanimada iyo dhameystirka Arrimaha amaanka shirkii Djibouti ee ay ku ballameen TFG-da iyo Bulshada Caalamka. Shan qodob ayaa ahaa kuwa ugu muhiimsan ee la sheegay in laga taageerayo Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin Horumarinta Ciidanka Booliska, kuwa Milatariga,Ciidanka Badda,Ciidanka Cirka iyo qorshayaasha amaanka dowaladda Soomaaliya oo tababarro dhameystiran laga siin doono. Waxa uu shirkan yimid kadib markii R/wasaaraha dowladda KMG ah Maxamed Farmaajo uu ka dalbaday Qaramada Midoobay in loo qabto shir arrimaha amaanka dalkiisa looga hadlayo, kaas oo la qaban doono bishiiba mar. Warbaahinta Xogsheeg / Djibouti Miiska Warqabadka E. xogsheeg@hotmail.com / xogsheeg@gmail.com
  22. Dooli minas qooqo, mukulaal aa loo wacdaa!
  23. Been hadii sheegeysid, been dacas qabto lee sheeg.
  24. First he says Somaliland iyo Soomaaliya Mucaawino isugu jirtaa ma jirto Then he adds Imaka mettalan haddaan ka soo qaado Ingiriiska oo kale, caawimooyinkii ay siin jirtay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya boqolkiiba afartan ka mid ah waxa gaar loogu gooyaa Somaliland Huwa majnuun wala eeh!