Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Safaaradda Soomaalida ee Turkiga oo xabsiyada ka sii deysay Soomaali. Safaaradda Soomaliyeed ee dalka Turikaga ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii deysay dad Soomaaliyeed halka boqolaal kale ay caddeysay in aysan ahayn Soomaali. Kormeer ay saraakiil ka tirsan Safaaraddu ay ku sameeyeen xabsi ku yaalla gobolka Edirne oo dhaca xuduudda Turkiga iyo Gireegga oo ay ku xirnaayeen 5 gabdhood oo Soomaali ah iyo ajaanib kale oo sheegatay in ay yihiin Soomaali, waxayna safaaraddu caddeysay in aysan dadkaasi ahayn Soomaali. War ka soo baxay safaaradda oo la soo gaarsiyay radio Muqdisho ayaa lagu sheegay in mihaajiriinta ka timaada qaaradda Afrika ay marka yimaadaan Turkiga ay sheegtaan Soomaali, taas oo dhalisay in xabsiyada dalkaasi lagu sheego in ay ku jiraan Soomaali badan, ayadoo warka lagu ballan qaaday in ay u taagnaan doonto caddeynta arrintaasi. Sanadkii tagay ee 2010 waxaa la diiwaan geliyay in 2600 oo Soomaali ah ay xabsiyada dalkaasi galeen ayagoo sharci darro dalka ku soo galay, taas oo lagu daray dad Afrikaan ah oo sheegtay in ay Soomaali yihiin. “waxa ay safaaraddu tusaale u soo qaadatey 115 qofood oo markaa xabsiga Soomaali ahaan ugu jirey balse ay Soomaali ka noqdeen 5 qofood oo weliba qabdho ah, booliisku arrinkaa waa ay u garaabeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Safaaradda Soomaalida ee dalka Turkiga. Sidoo kale masuuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalka Turkga ayaa booqday xabsi la sheegay in ay ku xirnaayeen boqolaal dad Soomaaliyeed oo ku yaalla magaalada Istanbuul, waxaana halkaa loogu tegay 7 qofood oo Soomaali ah iyo Afrikaan kale oo magaca Soomaaliyeed sheeganayay. Safaaradda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ay ku baadi goobeyso dadka Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi, ayadoo dowladda ka kaashan doonta sidii loo sii deyn lahaa.
-
Nolosha Soomaalida Dalka Liibiya Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Soomaalidu ay si xor ah hadda ugu nooshahay dalkaasi, dowladduna ay tixgeliso. Soomaalida ku dhaqan dalka Liibiya ayaa lagu soo warramayaa inuu hoos u dhacay cadaadiskii dhanka sharciga ee uga iman jiray ciidamada ammaanka ee dalkaasi. Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Ambassador Cabdulqaadir Maxamed Wacays oo magaalada Tripoli ugu warramay wariyaha VOA-da ee Yurub Cabdisalaam Ibraahim Hareri mar uu socdaal ku gaaray dalkaasi ayuu kaga warramay in xaaladda Soomaalida ay wax weyn iska bedeshay tan iyo markii isaga loo magacaabay xilka safiirnimo. Safiirka ayaa sheegay in ay dowladda Liibiya kala xiriireen sidii looga sii dayn lahaa boqolaal Soomaali ah oo ku xir xirneyd xabsiyada dalkaasi, wuxuuna sheegay in aanu wakhtigan jirin qof Soomaali ah oo u xiran arrimaha la xiriira sharciyada socdaalka. Dalka Liibiya waxaa ku nool Soomaali gaareysa 1,500 oo u badan dhalinyaro kuwaasoo noloshooda ka soo saarta gudaha dalkaasi. Dhageyso
-
Revolution in Tunisia. Which Arab country will be next? Egypt?
Somalina replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Anti and Pro-Government Protests in Yemen Hundreds of protesters in Yemen have called for an end to the decades-old rule of President Ali Abdullah Saleh. Students and other protesters gathered inside of Sana'a University Saturday where they chanted anti-government slogans. The demonstrators were apparently inspired by the recent wave of protests in Tunisia that led to this month's ouster of President Zine El Abidine Ben Ali earlier this month. The French News Agency (AFP) says some Yemeni students carried a banner that read “learn from the Jasmine Revolution,” a reference to the Tunisian uprising. The news agency says other demonstrators rallied in support of the president, Saturday. -
Revolution in Tunisia. Which Arab country will be next? Egypt?
Somalina replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Saudi Arabia Man Dies After Setting Himself on Fire Saudi Arabian officials say a man who doused himself with gasoline and set himself on fire this week has died from his injuries. The incident could be the first case of self-immolation in the kingdom since a similar incident in Tunisia sparked an anti-government uprising. Government officials said Saturday the unidentified man was in his 60s and lived in the southwestern town of Samta, near the border with Yemen. News reports say he died Friday in a hospital. A string of self immolations have been reported in countries including Egypt, Algeria and Morocco since an unemployed university graduate in Tunisia set himself on fire in December. The Tunisia incident triggered widespread protests over unemployment, high food prices and government policies and eventually led to the ouster of Tunisia's president. There have been other recent protests in the region, in countries including Yemen, Jordan and Algeria. -
Wasaaradda haweenka oo la kulantay Haweenka gobolka Banaadir. Wasaaradda haweenka iyo daryeelka qoska ayaa maanta la kulantay haween ka kala socda 16ka degmo ee gobolka Banaadir kuwaas oo ay wasaaraddu kala hadashay arrimo ku saabsan Hormarinta Haweenka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo Daryeelka Qoyska Marwo Faadumo Xasan Cali ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula yeelatay haweenka gobolka Banaadir kaas oo looga wada hadlay sidii Haweenka gobolka looga dhigi lahaa kuwo ku xiran wasaaradda, ayadoo qorshuhu yahay in la isku xiro haweenka Soomaaliyeed iyo wasaaradda si loo hormariyo xaaladaha ay ku nool yihiin hawenka Soomaaliyeed. Marwo Faadumo Casan Cali oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in shirkaan looga hadlay sidii Haweenku ay isaga kaashan lahaayeen hormarinta noloshooda iyo waliba wax ka qabashada xaaladda waddanka ka jirta, ayadoo laga dooday dhinacyada caafimaadka hooyada, abaaraha ka taagan waddanka iyo waliba Ammaan darrada jirta. Haweenkii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dalka iyo in ay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo dib u heshiisiinta. Qaar ka mid ah haweenkaasi ayaa Buraanbur ka jeediyay kulanka, ayagoo soo dhaweeyay dadaallada ay wasaaradda haweenku waddo ee la isugu keenayo laguna muujinayo kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dalka. Wasaaradda haweenka iyo daryelka Qoyska ayaa kulamo noocaan oo kale ah u qabatay Ururrada haweenka ee ka jira gobolka Banaadir iyo guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Haweenka iyo carruurta, waxaana kulamada noocaan ah looga hadlaa arrimo ku saabsan wacyi gelinta Qoyska iyo waliba Hormarinta Hooyada iyo dhallaanka. CABDIQADAR CATOOSH RM
-
Hargeysa wixii xun ba waa reer Koonfur miyaa? and yes, judge, lawyer iyo jury ayaan u ahay reer Koonfur. Waxaad sheegeysidna waxba kama jiraan, ee ha nabsan dad aadan waxba ku ogeyn. Take responsiblity ha noo soo indhacadeyn halkaan bilaa evidence.
-
”DFKMG ahi ma isticmaali karto Garoomadeena,waanuna ka mamnuucnay” Garoowe: (Allpuntland)-Iyadoo dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay dhawaan si rasmi ah xiriirkii ugu jartay dawlada Kumeel gaarka ah ayaa ay dawlada Puntland ee Soomaaliya soo saartay awaamir ka dhan ah dawlada Kumeel gaarka ah kuwaas oo ay dawlada Puntland kusii adkaynayso go’aankii ay dhawaan qaadatay oo ahaa kii ugu cuslaa ee ay ka qaadato wadashaqeynta ay la leedahay dawlada kumeel gaarka ah. Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha,Dawladaha hoose & Hor’umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo maanta warbaahinta kula hadlay caasimada Puntland ayaa sheegay in xukuumadiisu ay soo saartay go’aamo horleh oo ay ka qaadatay Dawlada Kumeel gaarka ah kuwaas oo ay kamidtahay inaysan imaan Karin deegaanada Puntland dhamaan saraakiisha kaladuwan ee ka tirsan Dawlada Kumeel gaarka ah. “Waxaanu soo saarnay Awaamir ku saabsan go’aankii aanu dhawaan qaadanay,xubnaha DFKMG ahi ma isticmaali karaan garoomadeena mana ay imaan karaan deegaanada Puntland,amarkaas dhamaan madaxda garoomada,degmooyinka & Gobolada dalka waanu ogaysiinay amarkaan”Ayuu yiri Wasiir xigeenka arimaha gudaha ee dawlada Puntland waxaase uusan wasiirku soo hadal qaadin in ay si caadi ah saraakiisha dawladu ku imaan karaan deegaanada Puntland. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Keen magacyada reer Koonfureed ee caruurta xada haddii kale "aana idhi" la tag xafiiska Mr Waraabe.
-
Somali drought worsening, driving herders with livestock into capital, UN says 21 January 2011 The drought is worsening in many parts of strife-torn Somalia, with herders reported to be moving into Mogadishu, the capital, with their livestock for the first time ever due to lack of pasture and water, the United Nations reported today. In the south-western Gedo region, where the situation is reportedly critical, water, food and medical aid are said to be the priority needs for the drought-affected population, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said. The Horn of Africa nation, which has not had a functioning central government since 1991 and has been torn apart by decades of conflict and factional strife, is already facing a dire humanitarian crisis in which 3.2 million people, more than 40 per cent of the population, is in need of aid. According to field and media reports, many people are arriving on the outskirts of Mogadishu every day, mainly from Middle and Lower Shabelle regions. The exact number of those displaced by the drought is not yet available but recent UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) reports put the number at 12,000 at least. Some families have started selling their assets to get money for transport to refugee camps in neighbouring Kenya and Ethiopia. An inter-agency assessment is to be conducted in the southwest part of Mogadishu to assess humanitarian needs, including the number of people affected and priority areas of response. In response to the increased needs for both the host community and people displaced by drought as well as continued conflicts in the central regions, the UN World Food Programme (WFP) has scaled up its aid, adding 105,400 additional displaced and nearly 20,000 new beneficiaries from host communities for the January food distribution. WFP is currently targeting some 2.5 million people for food aid across Somalia, although 625,000 of those are in areas where operations are currently suspended due to pressure from Al-Shabaab Islamist militants in the south. In 2009, WFP reached 3.3 million people in Somalia with food supplies. Source: UN News Centre
-
Yaa kuu sheegey warkaas? What evidence do you have to support your claim? Tiina ka soo baxa, and stop stealing children.
-
Sawirka Hana Axmed Cali Oo 12 Jir Ah Oo Dirqi Kaga Badbaaday Afduub Iyo Tirada Caruurta Guryahooda Ka Luma Ama La Xado Oo Kur Kacay
-
Maalin Kasta Waxa Magaalada Hargeysa Ku Luma Saddex Ilaa Afar Caruur Ah Oo Laga Baafiyo Idaacada Radio/Hargeysa Oo Codkeedu Aanu Dhaafin Caasimada Hargeysa, January 21, 2011 (Haatuf) - Hana Axmed Cali oo 12 jir ayaa dirqi kaga badbaaday Gabadh Afduub la damacsanayd inay ku kaxaysato abaaro 11:00 Duhurnimo ee maalintii doraad, iyadoo gabadha yare e 12-ka ahi ay xiligaasi ku socotay Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo gabadh u edo ahi ku jirto. Gabadha Afduubka la damacsanayd Hana Axmed Cali ayay ciidamada Amaanku gacanta ku qabteen, taas oo ilaa hadda ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa, taas oo baadhitaan ay ku wadaan ciidamada Bileysku. Hana oo Aabaheed iyo Xubno qoyskoodu wehelinayeen ayaa Haatuf u sheegay in gabadhaa yari dirqi kaga badbaaday Gabadh Afduub la maaganayd inay ku fuliso inanta yar oo xiligaa wadada Wakaalada Biyaha hor marta socotay. “Waxaan wakhtigaa socday waddada laamiga dhinaceeda wakaalada biyaha hor marta, ka dib gabadh aanan garanayn baa ii yeedhay waxay igu tidhi kaalay ii kaalay, wayna isoo daba gashay, waxaan ku socday dhakhtarka oo eddo ku jirto oo aan soo eegayey, iyada oo wali I daba socota aniguna aan ka baxsanayo ayaan nin iga horeeyay ku dhawaaday, waxaan arkay wali inay I daba socoto, isgoyska markaanu isla gaadhnay ayay Taraafigii qabteen, Saldhiga ayayna geeyeen dabadeed waa la xidhay aniguna Bas ayaan ka soo raacay Suuqii oo aan gurigayagii imid”. Sidaa waxa tidhi Hana Axmed Cali oo ah 12jir, taas oo ka badbaaday Afduub la sheegay inay kula kacday gabadh ilaa hadda ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa kuna socdo baadhitaan. “Gabadhaasi (ta wax Afduubaysay) oo la eryanayo oo dadka ka cararaysa ayaanu qabanay iyo inanta yar, kadibna amaankeeda ayaanu Saldhiga dhexe isku dhaafinay oo aanu u gudbinay” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ciidanka nabadgalyada waddooyinka oo xilligaasi ka hawlgalayey isgoyska Cusbitaalka. Sidoo kale mar aanu booqanay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayuu noo xaqiijiyey mid ka mid ah Askarta Saldhigu in gabadhaasi isku dayday inay Afduubto gabadh yar ay xidhan tahay “Way xidhan tahay gabadhaasi ilaa hada saldhigan dhexe ayay ku xidhan tahay, waana la baadhayaa”. DhinacaTirada Caruurta Somaliland ee Lunta ayaa maalin walba sii kordhaysa, kuwaas oo ka luma guryahooda, isla markaana qaar badan oo ka mid ah caruurtaasi loo galo baadigoob lagu raadinayo isla markaana lagu baafiyo Idaacada kaliya ee Somaliland leedahay ee (Radio Hargeysa). Caruurta Guryahooda ka luma ayaa inta badan lagu qiyaasaa in maalin kasta ay lumaan tiro ku dhow Saddex ilaa Afar caruur ah, iyadoo mararka qaarna ay guryahooda ka soo lumaan ilaa saddex walaalo ah oo wada socda, kuwaas oo si wada jir ah loo baafiyo. Sida uu Haatuf u xaqiijiyey Wariye ka tirsan Warfaafinta Xukuumadda. Deegaanada ka baxsan caasimada ee aanay gaadhin Idaacada Radio Hargeysa ayaa lagu baafiyaa Caruurta guryahooda ka luma gaadiid ay soo kiraysaan Waalidiintu, isla markaana ay ku xidhan yihiin codbaahiyeyaal, kuwaas oo ku soo wareega gudaha iyo daafaha Magaalooyinka ay caruurtaasi ku lumaan. Somaliland waxa ku nool caruur baylahsan oo hooyooyinkii dhalay ay Subaxnimada Hore u jarmaadaan goobaha shaqada si ay quutal daruuri ugu soo helaan caruurtooda, balse ay ku soo noqdaan guryahooda iyagoo qaar ka mid ah caruurtii ay maqan yihiin, isla markaana ay baadi goob degdeg ah u galaan sidi ay u heli lahaayeen. Caruurta ugu badan ee ka luma guryahooda ayaa la sheegay inay da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 8 jir. Si kastaba ha ahaatee Somaliland ka ma jiraan xafiisyo diiwaangeliya tirade caruurta lunta, isla markaana ka taaageera Waalidiinta ay caruurtoodu ka maqan yihiin sidii ay ula baadi goobi lahaayeen helitaanka Caruurta Maqan oo Waalidiintii dhalayna ku abuurta walaac iyo walbahaar aanay hurdo ladin caruurta ka maqan darteed.
-
Xisbiga UCID oo Canbaareeyay Cabudhinta ay Xukuumadda ku Hayso xoriyatal qawlka iyo saxaafadda xorta ah Hargaysa(Waaheen)-Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku dhisanyahay distoor siinaya xuquuqda muwaadin kasta una ogolaanaya in uu fikirkiisa cabiro, isla markaasna xaq u siinaya in uu muujiyo dareenkiisa, af iyo ficil salmiyaba. Haddaba intii ay xukuumaddan cusubi qabatay hogaanka dalka oo ka soo jeeda xisbi aad u difaaci jiray xoriyatal qawlka iyo saxaafadda xorta ah, dhaliila-hoodana mar mar lagu tilmaami jiray qaranka dumis, iyagoo u jeeda in ay ku xumeeyaan xukuumaddii markaa jirtay. Haddaba markaad eegtid yeedhmadii ay dhawaan looga yeedhay sheekh Aadan Siiro CID-da kadib markii uu masaajid ka jeediyay aragtidiisa ku aadan Dawladda. Markaynu aragnay shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda ee ka cabanayeey imtixaankii laga qaaday ee cabashadooda ku muujiyay mudaaharaad salmiya ee xabsiga lagu guray. Markaad aragtid 4-tii jaraa’id ee madaxa banaanaa ee dacwadu ku socoto, markaad aragtid Horn Cable TV oo loo hanjabay markii uu soo bandhigay macaluusha iyo saxariirka ka taagan xaafadaha Hargeisa qaarkood, waxaa isna sidoo kale loo hanjabay Universal TV oo sadexdda Gobol ee bari ka soo duu bay abaaraha iyo baahida ka taagan. Ugu dambayn markaad aragtid xadhigan-(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) oo xukuumadu ku eedaysay inuu Madaxweynaha Af –lagaadeeyay iyadoon u marin sifihii sharciga ahaa isla markaasna hore u laashay xukunkii deg-deg ahaa. Hadaba waxaa is waydiin leh goorta dhaliilihii iyo taladii xukuumadda loo jeedinayeey isku bedashay dambi, marka arrimahaas oo dhan isku soo gayso xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu u arkaa in ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay u lahayn adkaysi iyo dulqaad dhaliilaha loo soo jeediyo taasina waxay u eegtahay hab dhaqankii kali taliska. Xisbi ahaan (UCID) aad ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga -(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) iyo habka ay ku dhaqmayso xukuumaddu marka la eego xoriyatal qawlka. Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay -(Boqor Raabi Yusuf C/laahi) xoriyadiisii si degdeg ah oo bilaa shuruud ah ugu soo celiso. Alla Mahad Leh Afhayeenka Xisbiga UCID Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) Yasmin Raygal Secretary of UCID Party Cell Phone 00252-2-4427304 Office Phone 00252-2-528866 Hargeisa- Somaliland
-
Somaliland president receives delegation from the United arab emirates
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jacaylbaro;689349 wrote: Saracen ?? -
Sabti, 22 January 2011 (HOL)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun isugu jira Xadhig iyo ganaax ku ridday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa, kaas oo dacwaddiisu in muddo ah ka socotay Hargeysa. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay maanta saddex sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan lix Milyan oo Somaliland Shiling ah ($900) ku xukuntay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa. Dacwadda tifaftiraha oo dhawaanahanba ka socotay maxkamadda gobolka, ayaa Garsooraha qaadayay dacwaddan Cali Suudi Diiriye uu sheegay in ay soo eedeeyeen Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Roobleh Furre iyo Maareeyaha Wakaaladda Korontada ee Hargeysa, kuwaas oo soo oogay dacwad la xidhiidha warar been-abuur ah oo ay sheegeen in uu Wargeysku ka qoray, taas oo ay sheegeen in ay ku caddaatay. Inkasta oo eedaysanaha iyo Qareenka u doodayay aanay wali ka hadal arrintan, isla markaana ay dacwaddu socotay isaga oo Suxufigu dibedda jooga oo aan la xidhin, haddana isla markii go’aanka Maxkamaddu dhacay, ayaa eedaysanaha loo taxaabay Xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo uu hadda ku xidhan yahay. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddadii ay xilka haysay oo lix bilood ah waxay dacwado ku soo oogtay shan Wargeys oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa, oo uu ka mid yahay Wargeyskan Tifaftirahooda la xukumay ee Waaheen, kuwaas oo ay qaarkod kula kacday falal xorriyad-qawlka ka dhan ah. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
-
Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolka Shabeellada hoose oo soo gabgabeysay qaybinta Zakada Xoolaha nool (SAWIRRO) Sabti, 22 Janaayo, 2011 (HOL) – Wilaayada islaamiga ah ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa si rasmi ah u soo gabgabeysay qaybintii Zakada xoolaha nool oo toddobaadkii lasoo dhaafay laga bilaabay degmooyinka gobolkaas uu ka kooban yahay, halkaasoo lagu qabiyay kumannaan xoolo ah. Xoolaha, uu maamulku qaybiyay oo isugu jiray Lo’ iyo Ari, ayaa waxaa Zako ahaan looga soo qaaday xoolo-dhaqatada ku nool wilaayada islaamiga ah ee Shabeellada hoose, waxaana howshaan u xil-saarnaa xafiis loogu magac daray (Maktabka diiwaanka Zakada ee wilaayada Shabeellada hoose). Xoolahan ayaa waaxa loo qaybiyay dad masaakiin ah, wuxuuna qof walba oo ka mid ah uu helay shan neef oo ari ah ama laba neef oo Lo’ ah, halka degmooyinka qaar oo ay masaakiintu aad u badnaayeen, xoolaha laga soo uruuriyayna ay yaraayeen lana siinayay qofkiiba saddex neef oo ari ah ama hal neef oo lo’ ah. Guud ahaan, dadkii masaakiinta ah ee Zakada loo qaybiyay ayaa si weyn ugu farxay xoolaha ay heleen, iyagoo u mahadceliyay Allaah (SW), kaddibna dadkii soo dhiibay Zakada iyo kuwii soo gaarsiiyay. Sannadkan, ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay wilaayada islaamiga ah Shabeellada hoose sidaan oo kale u qaybinayso Zakada xoolaha nool, taasoo laga qaadayo dadka ay ku waajibtay lana siinayo dadka ay u waajibtay, arintaasoo isbadal wanaagsan iyo isku dheeli-tirnaansho dhanka nolosha ah ka dhalisay wilaayada Shabeellada hoose. Ka aqriso qoraalka oo dhan halkan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -------- HiiranOnline shaqo fiican ayey ka haysaa covering abaaraha wadanka ka jira iyo nolosha dadka sida ay tahay. Great job!
-
Xaaji Xunjuf;689368 wrote: ismahan i think oba means reer hebbel takoor , puntland dee reer kaliya iska leh hadanad rerka ka tirsaneyn ur out Awoowe, shacabka Waqooyi Bari isku mid ma wada ahan, hana ka dhigin iney kuligood isku fikir yihiin when it comes to reer Koonfur. Meel walba dad xun iyo dad fiican wey joogaan.
-
Tifow- Furayaashii safaaradda iyo kii guriga safiirkaba gacanteena ayey soo galeen Bonn, Germany (Calanka.com) - 22-Janaayo-2011 Xaflad aad u sareysa ayaa lagu qabtay safaaradda ay Soomaaliya ku lahayd dalka Jarmalka, magaalada Bonn, taas oo berigii hore lagu shaqeyn jiray intii aan caasimada laga wareejinin magaalada Bonn oo aan loo guurin caasimada dalka Jarmalka ee Berlin halkaas oo ay hada safaaraddu ku shaqeyso. Xafladaasi oo ka dhacday wejiga hore ee Safaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u fara badan kuwaas oo kala daggan magaalooyinka Köln, Bonn iyo Troisdorf. Goobta xafladda ayaa lagu xardhay qalabka hidaha iyo dhaqanka soomaalida iyo 2 calan oo kala ah kan soomaaliya iyo midka jarmalka. Ugu horeyn waxaa halkaasi aayado Qur`aan ah ka akhriyay macalin Xuseen Islaw Indhooy iyadoona intaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamuud Maxamed Tifow. Wuxuu ugu horeyn safiirku si wada jira u salaamay dadkii halkaa isugu yimid, wuxuuna uga mahadnaqay sida ay waqtigooda qaaliga ah ugu soo hureen in ay ka soo qeyb-galaan Xafaladaan. Intaa ka dib waxa uu safiirku halkaa ku soo bandhigay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Jarmalka, kaas oo lagu sheegayo in furayaashii safaaradda iyo gurigii safiirkaba laga bilaabo maanta lagu soo celiyay gacanta safiirka, waxayna Maxkamadu amar buuxa ku bixisay in aan cid gaara laga iibin karin hanti umadda Soomaaliyeed ka wada dhexeyso. Danjire Tifow isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri Intii aan aniga la ii soo magacaabin ayeey 2 nin oo ka tirsanaa safaarada waxa ay si hoose oo qarsoodi ah uga iibiyeen nin Jarmal ah, aslkiisa horena ka soo jeedo Dalka Giriiga, kaasi oo ay labadaasi nin ka qaateen lacag hor-maris ah oo gaareysay 147000€", wuxuuna intaa raaciyay in nasiib wanaag markii la soo magacaabay uu arintaasi ka daba tagay. Safiirka ayaa sheegay in uu arrintani ku dacweeyay Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka iyo Maxmadaba isagoona ugu dambeyn ku guuleystay. "Maantana sida aad hortiina ku arkeysaan furayaashii Safaarada iyo kii Gurigaba gacteena ayeey ku soo noqdeen", ayuu yiri safriika oo intaa ku daray in ay tahay maalin faraxad leh maadaama ay xaflada joogto Ruqiyo Cali Xoosh oo ahayd gabar Dipolomaasiyad ah oo wax badan ka soo shaqeysay Safaaradda. Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa qeybta ugu weyn lahaa Cabdulaahi Yalaxow oo ah Oday Soomaaliyeed oo deggan magaalada Bonn tan iyo 1974, isagoona u kaashaday arrintan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Bonn. Cabdirashiid Shaam Bonn, Germany shaamabdi977@hotmail.com
-
Jeneraal Cabdi Qaybdiid oo sheegay in abaaruhu gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado Sabti, 22 Janaayo, 2011 (HOL) – Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale oo horay u soo noqday wasiirka macdanta iyo biyaha Soomaaliya, ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado. "Abaarta xilligan ka jirta Soomaaliya, waa mid gaarsiisan in gargaarka lagu daadiyo diyaarado," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybdiid oo hay'adaha gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha gurmad ula gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen. Jen. Qaybdiid, oo ka mid ah guddi loo saaray inay qiimeyn ku sameeyaan abaaraha ka jira deegaannada baratmaha Soomaaliya ku yaalla ayaa sheegay in abaaruhu ay yihiin kuwo daran, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku harsan goobaha ay abaaruhu sida ba'an ugu dhufteen ee ku yaalla bartamaha Soomaaliya. "Beesha caalamku, waa inay xil weyn iska saarto sidii ay u garaari lahaayeen dadka weli ku sugan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen iyo kuwii ka barakacay intaba. Haddii muddo todobaad ah aan gargaar lagu gaarsiin dadkaas waxay khatar ugu jiraan geeri," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybidiid. Sidoo kale, jen. Cabdi Qaybdiid, wuxuu sheegay inuusan garanyn cidda la siinayo gargaarkii la keeno toddobaadkaas kaddib, isagoo sheegay in abaaraha taagan ay u muuqdaan kuwii ugu darnaa ee ka dhaca Soomaaliya muddo laabatan sano ka badan. "Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo dowladda KMG ah, waxaa iyagana kula talinayaan inay gargaar la gaaraan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaasoo u baahan kaalmo deg-deg ah," ayuu yiri jen. Qaybdiid. Abaaraha ka taagan Soomaaliya, ayaa aad looga dayrinayaan, iyadoo lagu barbar dhigay abaartii ka dhacday gobollada dalka Soomaaliya sannadkii 1992-kii, taasoo dishay in ka badan 5,000-qof oo intooda badan ku noolaa koonfurta Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Somalia / Italy's new peacemaking efforts By: Italy - Ministry of Foreign Affairs Friday, January 21, 2011 ROME, Italy - The meeting's main objectives are to underscore the importance of Italy's commitment to fostering a resolution to the crisis in Somalia, examine the prospects of the Federal Transitional Institutions, and to stress the need for the Mogadishu government's concrete commitment to re-establishing peace in the country. Minister Frattini, who considers the Somalia dossier one of Italy's top foreign policy priorities, will also be present at Berlusconi's encounter with Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo”. The meeting, convened on the request of Somalia, is taking place seven months prior to the end of the Mogadishu Federal Institutions' transition period. Premier “Farmajo” has set up a more manageable government than those of the past (17 ministers), and will probably ask Italy and the international community for support in involving the most cooperative part of the Somali Diaspora in bringing peace back to the country. Italy, as the ministry's Director General for the Countries of Sub-Saharan Africa, Rosa Anna Coniglio, explained, “will have to evaluate” relations with Somalia, and the Somali premier must “clarify what his plans are” for the final seven months of his mandate, which should close the transitional phase and lead to stable institutions and a legitimate government, as envisaged in the 2008 Djibouti Accord. The present Somali government will have to complete “concrete steps” in the implementation of what are known as the “transitional tasks”, i.e. a national reconciliation strategy, development of governance capacity and re-instatement of essential services for the people. And Italy “will do everything necessary to help, with the understanding, however, that “ownership of the process must be Somalia's”. The Somali premier's mission to Rome follows one to New York, where he held meetings behind closed doors with the Security Council, and is Mohamed Abdullahi Mohamed's first visit to Italy since taking up his post, confirming that Italy is considered a key partner in the Horn of Africa and an indispensible interlocutor in the process of stimulating and steering the international community's support for Somalia's stablisation. Italy plays an advocacy role within the EU framework on behalf of the organisation's greater role in this process. Minister Frattini has involved the EU in a profound reflection on Somalia and sent papers to its Special Representative for Foreign Policy Catherine Ashton containing concrete proposals that have been examined in the External Affairs Council. On the financial front, €27 million euro has been earmarked for two years, to be divided among: the Italia-Africa peace facility (a fund managed through the African Union and that presents Italy with projects to fund); support for AMISOM (the AU's military mission in Somalia); support for Somali governance (ministries of foreign affairs, interior, communications, and Radio Magadishu); the Italian Cooperation's water, healthcare, education and anti-drought programmes. On the theme of piracy, it is Italy's belief that, in addition to the forces at sea (currently engaged in two naval missions in the Horn of Africa, for the NATO and the UN), it is necessary to develop the coastal regions that pirates are sailing from. Italy has also proposed the establishment of a special ad hoc tribunal for pirates, as well as for the terrorists that control half of Somalia. Source: Italy - Ministry of Foreign Affairs
-
Jacaylbaro;689235 wrote: Somaliland waaba lagu xidhay ,, Laakiin Somalia waa lagu dili lahaaba There is a big difference between Freedom of speech and Freedom to live ,,, hehehe Xildhibaanada TFG qaarkood, odeyaasha, iyo aqoonyahanada wey aflagaadeeyaan maamulka sare ee dawlada haddana xabsi looma taxaabo. Marka get your facts straight walaal. Xoriyada dadka ha ka qaadina. Maalina calanka baluuga u diida iney shacabka kor u taagaan, maalina boqorada xabsi geeya for voicing their opinion. You have no leg to stand on. Marka, soo daaya odeyga, cidina muu dilinee. Kuwii Ruushkaba waad sii dayseenee...lol
-
JB, kan qoraalkaa qorey xagee ayuu joogaa? Ethiopia again? mise Hargeysa? ii sheeg, aniga ayaa kuu sheegaayo meeshuu ka soo jeedo markaas.
-
Naxar Nugaaleed;689264 wrote: LOL@ Qodax, kolay waan daama Somalina, lol :D:D Somali sida loo qoro soo baro marka hore, markaas aniga ila tartan. Daama = WRONG Dhaamaa= RIGHT Kolay= WRONG Koleey=Right Aqriska luqada hooyo badso. Aniga waan duulayee...Qodax la tartan....lol ------- Getting back to the topic: Lammo iyaaka dhexdooda nacbudu waaye