Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
School aad, dhameey, aroos. Waakaa waakaa!
-
"I know what you did last summer"...lol...
-
Marka waxaa loo xukumayaa sidii ninkii Jarmalka miyaa (minus 1 yr)? Wax walba sharci ayaa loo maraa, this is ridiculous.
-
Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan SSJW Oo Ku Tilmaamay Xadhiga Suxufiga Xuuto Talaabo Hor Leh Oo Diktaytaranimo Ku Dhisan Hargeysa, January 23, 2011 (Haatuf) - Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee SSJW, waxa uu si kulul u cambaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee Maxkamada gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) shalay oo bishu ahayd 22 January, xukunkaas oo ah saddex sanno oo xadhig ah iyo lix Milyan oo Shillinka S/land (6,000,000). Xukunkaasi oo markii uu dhacay ay islamarkiiba ciidamada amaanku si degdeg ah katiinad maxkamada gudaheeda loogu jabiyey Tifaftiraha Waaheen, talaabadaas oo ah mid kasoo hor jeeda Xeerka Saxaafada ee labada gole Baarlamaanku ansixyeen 2004-tii, islamarkaana dhaqan-galka ah oo dhigaya, oo xaaraantimaynaya, in xadhig lagula kaco suxufiyiinta haddii dacwad ka dhan ah saxaafada cidi ku soo oogto loo maro dariiqa Madaniga gaar ahaan qodobka 10-aad ee Xeerka Saxaafada, ayaa isagu si cad u cadaynaya in dacwadaha ka dhanka ah Saxaafada aan loo marin ciqaab iyo xadhig, balse loo maro habka Madaniga. Qodobka 32aad ee distoorka qaranka Somaliland ayaa isaguna damaanad qaaday madaxbanaanida Saxaafada xorta ah, islamarkaana cadeeyay in waxkasta oo lagu cabudhinayo Saxaafada ay reeban yihiin, islamarkaana xoriyatal qawlka u damaanad qaaday. Hadaba ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa uu cambaaraynayaa talaabo kasta oo lagu cabudhinayo madaxbanaanida Saxaafada xorta ah iyo talaabo kasta oo baalmarsan Xeerka Saxaafada iyo shuruucda dalka u taala, islamarkaana waxaanu cambaarayn xoog leh u jeedinaynaa sifaha sharci darada ah ee loo maray xukunka ay Maxkamada gobolku ku riday Tifaftiraha wargeyska Waaheen, waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland inay si dhakhso ah xoriyadiisa ugu soo celiso suxufigaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), islamarkaana ay ixtiraamto Xeerka Saxaafada iyo xoriyatal qawlka. Waxa kale oo ururka SSJW uu cadaynayaa, inuu si weyn uga soo hor jeedo talaabo kasta iyo olole lagu cabudhinayo madaxbanaanida Saxaafada xorta ah iyo xadhig sharci daro ah oo lagula kaco suxufiyiinta ka hawl gala Saxaafada Madaxabanaan ee dalka iyo dariiqa kasta oo lagu dibindaabyaynayo Xeerka Saxaafada ee dhaqan galka ah. Ururka SSJW waxa uu saxaafada Somaliland ee dalka ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya waajibaadka xil-gudasho ee mihnada Saxaafada iyo waxkasta oo aan waafaqsanayn Xeerka Saxaafada iyo distoorka qaranka. Ka aqriso qoraalka oo dhan Halkan
-
LMAO@LG's take on Siilanyo's admin... bang on! Finally, our brother J-Baro's b-day has arrived early...500 words and counting, what a surprise?... never in the history of SOL have I witnessed j-baro writing more than 10 words, this is a first for me and I must take a moment to digest this shock... 500 words, quite impressive for you j-baro...but I cant help wonder what triggered this sudden "original" piece? Indeed, we are witnessing history in the making. Waala heshay wallee! xataa big grin kuma darin his 500 words...lol...meel baa laga taabtey odeyga! lol
-
Addressed to UN's Political Office for Somalia UNPOS
Somalina replied to Fiqikhayre's topic in Politics
How authentic is this piece of garbage of a letter to Mahiga? A SOLer inuu qorey ayey u badantahay, but iska wata calaacalkiina, let us know markii la idin soo jawaabo. ------- Muqdisho(Allpuntland)-Xildhibaanada Baarlmaanka KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda maamulka Puntland ayaa cambaareeyey hadalkii shalay ka soo yeeray Golaha Wasiirada Dowladda Goboleedka Puntland ee ahaa in Deeganada Puntland uusan imaan karin shaqsi ka tirsan Dowladda KMG Soomaliya. Xildhibaan kismaayo oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Degaanada Puntland islamarkaana saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan Muqdisho ay ku qateen Xildhibaanada ka soo jeeda Degaanada Puntland ay ku cambaareeyn go'aankii Golaha Wasiirada Puntland. "Haddii aanu nahay beel iyo haddii aanu Puntland ka soo jeednaba waan cambaareeyneeynaa Go'aanka Golaha Wasiirada Puntland waxa uuna meel mudug ah ku sii wadaa Puntland" ayuu yiri Xildhibaan Kismaayo oo Baarlmaanka Dowladda Soomaaliya ka mid ah. Hadalkaan ayaa ka dambeeyey ka dib marklii shalay Golaha Wasiirada Dowladda Goboleedka Puntland ay shaaciyeen in deeganada Puntland laga mamnuucay in ay yimaadaan shaqsiyaadka ka tirsan Dowlada. Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho. -
indeed! JB, how many threads do you need for this useless news? didn't you already post this? Waa rafaadsan tahay walee...and still NO AQOONSI for you!...lmao
-
Kan yaroo Kebabiga supportgareyo haddana Vybz Kartel daawada ayaa ka sii daran! lol
-
Addressed to UN's Political Office for Somalia UNPOS
Somalina replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Gacanta kale muu qabto intuu fiirsanaayo... Calaacal badanaa odeyga! -
Scores arrested in Mogadishu crackdowns The security forces of Somali transitional federal government have apprehended nearly 50 people after conducting the largest crackdown in parts of the Somali capital Mogadishu since November last, witnesses said on Sunday. Security forces of the Somali Transitional Federal Government (TFG) apprehended approximately 50 people after conducting the largest crackdown since November in parts of the Somali capital Mogadishu. Search and raid operations came in response to overnight grenade attacks on several Somalia’s security positions in a TFG run district of Wabari in southern Mogadishu. A witness, who spoke on condition of anonymity for security reasons, told All Headline News that after wrapping up raids about 11:00 am local time that more policemen, accompanied by military vehicles, have flooded several neighborhoods of Mogadishu’s Wabari area. He stated that they were searching almost every house in the district and have taken a number of young Mogadishu people, mostly young men, into custody in connection with insurgent activities. All business, commerce and vehicle traffic were put on hold during the search operations, according local residents. On Saturday night, gunmen attacked several police stations in Mogadishu, it is still unknown if there were police casualties. All Headline News made contact with Somali government police officers concerning the issue but all have declined comment at this time. In November, the transitional federal government of Somalia arrested more than 75 people linked to the Al Shabaab militant group following days of rampant violence and insurgency in parts of government-controlled areas of Mogadishu.
-
Aqoonsigii ayaad ilowdey inaad faahfaahiso, ee waa ku sidee, ma ogtahayse inuu isjiidjiidku ka mid yahay aqoonsi raadiska iyo dhul balaariska aad ka wadaan Sool iyo Sanaag?. Let me repeat it for ya one more time " NO AQOONSI for you". Waxaan idin odhan lahaa, "Faroole la xidhiidha", waxuu doonayaa inuu Somali Republic idinla dhistee...:D:D Wallee inagaa wax aragney. p.s. Godane is from SL... ha iloowin weligaaaaaaaaaaaaaaa!!
-
Addressed to UN's Political Office for Somalia UNPOS
Somalina replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Haha.... @ Puntland and Somaliland are stable and peaceful regions that if they decide to come together can make up the new Somali Republic which is democratic and federal in its description. However what can a bunch of semi-illiterates and political minors without any support base do is the question? Sharif Ahmed is the man who brought Al-Shabab to the forefront of Somalia's political landscape as head of the ICU. Caqlixumo.com... I wonder who is laughing louder? Mahiga or Sharif or Siilaanyo? -
Jacaylbaro;689473 wrote: 20 Sano ma badna ,,,, tell me what has been happening in Somalia during those 20yrs bal ...... NO AQOONSI, abaar, pirates, argagaxiso, iyo is jiid jiid.
-
Hargaysa(Waaheen) Mudaharaad ay soo abaabuleen qaar ka mid ah naafadii ku waxyeeloobay dagaaladii SNM iyo agoomihii ay ka dhinteen ayaa maanta mudaharaad ka sameeyay magaalada Hargaysa, muadaharaadkaasi oo ay doonayeen inay la hortagaan xarunta Madaxtooyada si ay cabashadoodu u gaadho Madaxweynaha Somaliland. “waxanu nahay mujaahidiintii dalkan iyo dadkan u soo dagaalamay maanaan helin wixii aanu xaqa u lahayn ilaa hada dawladu waxay naga reebtay korodhsiimada loo sameeyay shaqaalaha kale oo mushaharka aanu qaadanaa waa labadii boqol iyo kontankii hore u qornaa” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ahaa dadkii mudahaarka samaynayay oo la hadlayay war baahinta. Mudaharaadkan ay maanta samaynayeen Naafadan iyo dumarkii ay ka dhinteen ayay ku sheegay mudaharaadkooda in ay u samaynayaan iyada oo mushaharooyinka loo kordhiyay Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada laakiin iyaga laga reebay mushaharooyinkaasi la kordhiyay,waxaana ay sheegeen in ay hore cabashadooda ugu gudbiyeen taliska Guud ee ciidanka Qaranka oo ay ka tirsan yihiin mushaharkoodana ay ka qaataan. Naafadan mudahaarka sameeyay ayaa ku doodayay in yihiin mujaahidiintii dalkan u soo halgamayisla markaana aanay xukuumada cusub ee Madaxwayne Axmed siilaanyo ka filaynin arinta noocan oo kale ah, mid ka mid ahaa dadkii mudaharaadkan soo abaabulay ayaa sidan u sheegay saxaafada “waxa ay xukumada ku dhiiratay oo ay samayso wax ka xishootay dawladii hore ee Daahir Rayaale”. waxaana ay sheegeen naafadan mudaharaadka sameeyay in laga takooray shaqaalaha dawlada intiisa kale,iyaga oo ugu baaqay goleyaasha qaranka,madaxwaynaha Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba in wax laga qabto cabashadooda. Ciidamada booliska oo uu horkacayay Taliyaha ciidanka Booliska Gen.cilmi Rooble furre ayaa ka hortegay dadkan Naafada ah ee mudaharaadka samaynayay oo kula hadlay meel u dhaw biriijka labaad ee Hargaysa oo ahayd halka ay ciidamada boolisku ku hor istaageen ayaa ka dhegaystay dakan mudaharaadayay waxa ay ka cabanayaan,ka dibna waxaa uu taliyuhu u sheegay Naafadan mudaharaadka samaynayay in loo sheegay war qaldan isla markaana aanay wax cadayn ah u haynin in laga reebay liiska shaqaalaha mushaharka loo kordhiyay,isaga oo taliyuhu u sheegay Naafadan mudaharaadayay in ay wax hubsadaan kuna xisaabtamaan waxa ay arkaan. Waxaana uu Taliyuhu u sheegay mudaharaadeyaasha in uu cabashadooda gaadhsiin doono madaxwaynaha Somaliland,isaga oo ka dalbaday naafadan mudaharaadka sameeyay in ay u soo qoraan waraaq ay ku saxeexan yihiin magacyada afar qof oo ka mid ah Naafada si uu madaxwaynaha,iyaga oo mudaharaadeyaashu markii uu taliyaha ciidanka Boolisku la hadlay joojiyay mudaharaadkii halkiina ku kala dareeray. C/raxman Osman C/laahi(Isbatore) Waaheen Media Group Hargeysa, Somaliland
-
Good, weligood yaan la siin lacag. They are useless. ---------- Xukuumada Malta oo ka qaybqaadanaysa tababarrada la siinayo ciidammada dowladda KMG Soomaaliya Axad, 23 Janaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda Malta, ayaa shaacisay inay ka mid noqonayso dalalka tababarka siinaya ciidammada dowladd KMG ah, iyadoo saddex sarkaal oo ciidammadeeda ay tageen dalka Uganda, si ay tababar siinta ciidammada DKMG ah uga qaybqaataan. Warbixin, arrintaan ku saabsan oo shalay uu daabacay wargeyska Times of Malta ee kasoo baxa jasiiradda Malta, ayaa lagu sheegay in saraakiishan ay ku biirayaan howsha Midowga Yurub ee lagu tababarayo ciidamada dowladda Soomaaliya. "Tababarkan, waa markii labaad oo Malta ay ka qaybqaadanayso, tababarkii waxaa bishii April ee sannadkii hore lagu tababaray 200-askari oo Soomaali ah," ayaa lagu yiri warbixinta uu wargeysku daabacay. Saraakiishan Malta ka socda, waa tababarayaal ay isku koox noqonayaan saraakiil ka socda dalka Irland, waxayna tababarro siin doonaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ee lagu tababarayo dalka Uganda. Qorshaha, lagu tababarayo ciidammada dowladda Soomaaliya, ayaa ah qaraar ay Qarammada Midoobay kaga codsatay Midowga Yurub, inay ku tababaraan ciidanka Soomaalia, kaasoo tirsigiisu yahay 1872, lana soo saaray sannadkii 2009. Ciidammada la tababarayo, ayaa la sheegay in laga doonayo inay soo celiyaan ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya, kaddib qalalaase muddo 20-sano ka badan ka taagnaa dalka Soomaaliya. Malta, ayaa sheegtay inay horay uga qaybqaadatay howlo uu Midowga Yurub ka fuliyay deegaanka Gori ee dalka Joorjiya, halkaasoo ay sheegeen inay u direen 250-tababarayaal ah, xiligii uu dalkaas ka goosatay Koonfurta Ossetia, saraakiishaasoo bixiyay tababarro isugu jira kuwo ciidan, sida warbixinnada loo ururiyo iyo sida loo sugo ammaanka. Sidoo kale, Malta waxay sheegtay inay tan iyo bishii November ee sannadkii 2008, ay qayb ka ahayd howgalka la dagaalanka burcadbadeedda ee Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Atlanta. Iyadoo sannadkii hore 2009, ku dartay 12-nin oo ka mid ah ciidammada badda dalkeeda markab laga leeyahay dalka Holland oo qayb ka ah howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Robab ka da'ay qeybo ka mid ah Gobollada Hiiraan, Shabellaha dhexe iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya Axad, 23, January, 2011 (HOL) Wararka laga hellayo degmada Jalalaqsi iyo degaannka Moqokori ee goballka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay halkaa ka da'een roobab siweyn loogu farxan kuwaasoo ku dhawaad hal saac ku dul hoorayay qeybo ka mid ah dhulka abaartu saameysay ee ka tirsan gobolka. Dadka xoola dhaqatada u badan iyo guud ahaa reer Miiga ayaa siweyn ugu farxay roobab-ka ka da'ay qeybo ka mid ah goballka, waxaana sidoo kale jira deegaanno kale oo uusan roob-ku ka da'in laakiin ay dul hoganeysay daruur Madow oo xanbaarsan saan-saan roobaad. Sidoo kale degmada Aadan Yaabaal oo ka tirsan goballka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha roob-ku ka da'ay walow uusan aheyn roob dhulka Biyo dhigay oo dhibicdiisu weyneyd. Goballka Galgaduud ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha saacadihii aynu soo dhaafnay sanka lala raacayay uduga dabeysha roob-ka, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah deegaannada goballka ay ka da'een roobab bilow ah dadkuna siweyn u soo dhaweeyay. Maalmihii ugu danbeeyay qeybo badan oo ka mid ah goballada dalka Soomaaliya waxaa ka jiray abaar saameyn muuqata ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana xusid mudan in biyuhu yihiin baahida ugu darran ee la soo daristay dadka iyo duunyada, iyada oo ay hubaal tahay haddii ay roobab-ku sidan ku sii socdaan in ay meesha ka saari doonaan baahidii loo qabay biyaha. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Baledweyn, Soomaaliya
-
Xukuumadda oo ka hadashay qorshaheeda ciidamada hubka wata Ku simaha R/wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhigga ee xukuumada KMG soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo shalay la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddu aysan ogolaan doonin in ciidamado ka tirsan Dowladda ay si qorshe la’aan ah u maraan waddooyinka magaalada. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in xukuumadda ay tallaabo ka qaadi doonto maleeshiyaad uu sheegay in qaab beeleed oo kale ay u shaqeeyaan, kuwaas oo loo qorsheeyay in in lagu biiriyo ciidanka XDS ee xareysan. Mudane C/xakiin ayaa sheegay in Dowladdu ay xareyneyso dhamaan ciidamada, bannaanadana aan lagu arki doonin ciidamo, isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay in askartu ay ku jiraan xeryahooda haddii aysan wadin howl gal. Ciidamada ayuu sheegay in loo sameynayo wacyi gelin ku saabsan in ay joojiyaan Qaadka oo waqtigooda iyo noloshoodaba Qatar ku ah, isagoo tilmaamay in Qaadku uu cuuryaamiyay shaqadii laga rabay ciidamada. Xukuumadda ayuu sheegay in ay waddo qorshe ku aaddan Qaadka oo dhibaato ku haya dhammaan umadda Soomaaliyeed.
-
:D Waakaa waakaa dee. ---------- Buubaa hadalkiisa maadan maqal horta? http://www.somalidiasporanews.com/Wareysiyo/Bubaa2.mp3
-
Ah! toughen up yaa jamaaca. Carab kii u taga ha bixiyo wixii laga rabo. Canada will not apologize to a khamiis wearing Arab. Nice one Mr. Harper!
-
Wax "wala" la yiraahdo ma jiraan awoowe. "Waa la" xirey, or should I say waa la maxbuusey? lol... Anyways, Free the King...
-
Suuqcentre Group
-
Where are the Shababis? maxaa haysaan oon boota iyo xasuuq ahayn? Kooxda Kubadda Koleyga Heegan oo ku guuleysatay Koobka Jen. Daa`uud Sabti, January 22, 2011(HOL): Koobka koobabka ee Jen. Daa`uud ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo ciyaartii kama danbaysta ay isugu yimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekedda, 61-52 waxa ay guusha ku raacday kooxda Heegan. Ugu waxaa ciyaartoyda labada kooxood la hadlay Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] wuxuu kula dardaarmay inay muujiyaan ciyaar wanaag iyo asluub, wuxuuna labada kooxood ku booriyay in ay taageerayaasha kubadda koleyga u soo bandhigaan ciyaar aad u xiiso gelisa. Intaasi ka dib waxaa bilaabatay ciyaar aad u kulul isla markaasna ku dheehan xamaasad, iyadoo labadan kooxood ay yahiin kuwo si weyn u xafiiltama, qeybihii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ay u muuqatay inay kubadda qeybsanayaan oo marba koox ayaa dhibcaha la wareegaysay, qeybihii danbe gaar ahaan shantii ugu danbeysay waxaa xaaladdu noqotay in kooxda Dekedda ay iska qasaariyeen tuurasho badan oo ay isku dayeen, halka kooxda Heegan ay ka faa`ideysteen tuurashada xorta ah fursadihii ay u heleen. iyadoo labada kooxood ciyaaryahanada ugu muhiimsan laga saaray garoonka ka dib markii ay qaladaad “Fouls” badan ay galeen. Si kastaba, ciyaarta oo ay ka soo qeybgaleen taageero aad u baaxad weyn ayaa sababtay in qaar badan oo taageerayaal ah inay u suragelin daawashada ciyaarta, ka dib markii uu garoonka ka buuxsamay.Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay lagu kala baxay 61-52 oo ay koobkan ku difaacatay kooxda Heegan. Ciyaartan waxaa garsoora Mustaf Maxamed, Abuukar Muudeey iyo Zakariye Macalin, Score Borad Yuusuf Cabdi, Saacadda Maxamed Xasan Fiidoow. Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka soo xaadiray madaxda GOS iyo XSKK, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish], Guddoomiye ku xigeenka Xasan Axmed Cabdi [Xasan {Elman}, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Abanuur Abati Abanuur oo xubin ka ah guddiga fulinta XSKK, Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab Cashiir Cabdi Nuur, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee GOS Maxamed Cabdoow, Guddimiyaha Olambikada Gobolka Banaadir Md. C/xakiim Axmed Cali, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow, Guddoomiye ku xigeenka XSKL Maxamed Abuukar Xiiray [Libery], Xoghayaha guud XSKL Cawil Nuur Magan, Guddoomiyaha Naadiga Dekedda Eng. Cabdi Jiinoow Calasoow iyo taageerayaasha Kubadda Koleyga. The Champs! Isboorti.com Managing Editor Said Ibrahim Hussein (BUUNA) buuna@isboorti.com
-
Popular Contributors