Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
it is called Mogadishu, Mogadisho or Muqdishu. Thank you.
-
Haweenka Soomaaliyeed oo kulan ay kaga hadlayeen gargaarka abaaraha ku yeeshay Muqdisho Talaado, 25 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka haweenka ganacsatada Soomaaliyeed iyo haweenka bulshada rayidka ah, ayaa kulan ay kaga hadleen sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen, ayaa shalay ku yeesha Muqdisho. "Kulankeennu, wuxuu ahaa mid aan uga hadalnay sidii lagu gargaari lahaa dadka ay ku dhufteen abaaraha, kuwaasoo xoolihii ay ka baaba'een iyagana qarka u saaran inay dhintaan," ayay tiri guddoomiyaha ururka haweenka ganacsatada ah ee Soomaaliyeed Caasho Shaacuur Ugaas oo saxaafadda uga warbixisay kulankooda. Haweenkii kulanka yeeshay, ayaa waxay isku raaceen in haweenka Soomaaliyeed ay ururiyaan lacago lagu kaalmeeyo dadka ku xoolo beelay abaaraha, kuwaasoo qaarkood ka barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen, kaddib markii ay ka baqeen in abaartu ay iyaga disho. "Dhammaan haweenka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa inay dhaqaale iska ururiyaan, si loogu gargaaro dadka ay abaaruhu xoolo tireen, kuwaasoo qaarkood aan helin waxay cunaan iyo waxay cabaan muddo toddobaad ku dhow," ayay tiri Caasho Shaacuur. Sidoo kale, Caasho Shaacuur waxay sheegtay in sababta ay kulanka u qabteen ay tahay kaddib markii ay arkeen dad badan oo ay abaaruhu waxyeello u geysteen, kuwaasoo kusoo barakacay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir. Abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, ayaa sababay in dadka ay ka dhamaadaan xoolihii ay dhaqanayeen, sidoo kalena ay beerihii xumaadaan, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskii ay abaaruhu cayrteeyeen lagu gargaaray deegaannadooda oo aysan weli ka tagin. Haweenka kulanka yeeshay, ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab inay dagaallada joojiyaan, una ogolaadaan hay'adaha gargaarka in dadka abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen la gargaaro. "Waxaan, ka codsanaynaa dhinacyada ku dagaalamaya inay joojiyaan xabbada, si dadka abaaruhu ku habsadeen loo gaarsiiyo gargaarkii loo helo, lana furo dhammaan jidadka ku xirnay dagaallada," ayay tiri Caasho Shaacuur. Kulanka haweenka ay ku yeesheen Muqdisho, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay kaga haldeen sidii lagu kaalmeyn lahaa dadka kasoo barakacay iyo kuwa weli ku harsan deegaannadii ay abaaruhu ku dhufteen. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Nin weyn oo waashe webigaas ku dhacaa.
-
Ah Sharif Hotel! Idi Amin was also once the King of Scotland...
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
Welcome back Duke. Abdullahi Amxaar ka waran? That reminds me, what did Melez say about your calaacal? one more question, did anyone else pick up the phone yet (i.e. Mahiga, Carson, Obama etc)? lol... The more the TFG and the international community ignores you the more calaacal coming out from your camp....sad no! Drink ginger ale to settle that upset stomach of yours, me say! -
Ay Caramba!
-
Translation required I guess: Zack just asked your age.... p.s. soo dhaweey inanka, xaasidnimada iska daa (translation: welcome the guy, stop being mean)...lol...
-
Welcome to SomaliaOnline! Good luck! Ta-ta...
-
Garoonkaan 2KM ma gaaraa horta? Kooxda Elman 1-0 uga adkaatay Savana FC Isniin, Monday, January 24, 2011 (HOL) - Kooxda adag ee Elman FC ayaa galabta 1-0 uga taqalustay dhiggeeda Savana, kaddib markii ay labada kooxood iskaga horyimaadeen ciyaartiii ugu horeysay ee horyaalka K/cagta Soomaaliya ee ka garoonka Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho. Goolka qura ee guusha waxaa kooxda Elman u dhaliyay laacibkeeda Qaasim Siidoow Xasan (Baaruud), isagoo laad aad u xoog badnaa dhaafsiyay goolhayaha kooxda Savana, kaddibna shabaqa dhex dhigay kubada cajiib aheyd. Qeybtii hore ciyaarta waxa lagu kala nastay 0-0, iyadoo goolkaas Elman uu dhashay daqiiqadii 62-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta. Guushan Elman waxay farxad weyn u tahay tababaraha cusub ee kooxda Elman Yuusuf Ali (Yu Ali), maadaama kulankan uu ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee isagoo macallin u ah kooxda Elman uu guuleysto. “Waan ku faraxsanahay guusha aan ka gaarnay ciyaartii galabta ee Savana, runtiina billow wanaagsan ayay aniga iyo ciyaartooydaba u tahay” ayuu yiri laacibkii hore ee khadka dhexe ee kooxda Elaman Yu Ali oo isla markaana ah tababare ku xigeen xulka qaranka K/cagta SOomaaliyeed ee The Ocean Starts. Tababaraha kooxda laga badiyay ee Savana Maxamed Jaylaani Ajeeloow ayaa markii ciyaartu dhammatay wuxuu ciyaartooydiisa kula hadlay qolka labiska ee garoonka Jaamacadda, wuxuuna yiri “Ha wal-walinina, waxaan guulo xoog lah gaari doonaa ciyaaha soo socda, waana ku dagaallami karnaa kulmada kale, guulo wax ku ool ah ayaan gaari karnaa haddii niyad wanaageena aan adkeysano, horyaalkuna waa biloow” Iyadoo kumanaan taageerayaal ah ay galab kasta u soo daawasha tagaan garoonka ciyaaruhu ka socdaan ayaa berri waxaa ciyaar adag dhex mari doontaa kooxaha SITT Daallo iyo Kooxda Horseeed FC, waxaana ciyaartaas billaaban doontaa 3:30 galabnimo. Farah Blue fblue@hiiraan.com
-
-
Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 24-Janaayo-2011 Ciidamada dowladda oo maanta baaritaan ka sameeyay ex-control Afgooye Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo tiro badan ayaa maanta soo buux dhaafiyay Ex-control Afgooye, halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano ay ku adkeynayeen amniga. Gaadiidka kala duwan iyo dadka lugeeya ee istocmaala nawaaxiga Ex-control Afgooye ayaa lagu sameeyay baaritaanada. Taliyaha ciidamada maanta sameeyay baaritaanadan Axmed Cabdullaahi oo saxaafadda kula hadlay Ex-control Afgooye ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka goobaha ay gacanta ku hayso dowladda ee Muqdisho. Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah tan iyo inta laga xaqiijinayo amniga. Dhowr jeer oo hore ayaa Ex-control waxaa ay ciidamada dowladdu ku qabteen hub lagu siday gaadiid kuwaasoo loo gudbiyay dhanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda. Si kastaba amniga degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ayaa mudooyinkan dambe noqday mid la isku haleyn karo, iyadoona uu wax weyn ka badalay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya ciidamada kala duwan ee dowladda. Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli sidoo kale baaritaano ay ka sameeyeen ciidamada dowladda degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir sida degmada Waaberi.
-
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Africa ayaa deeq waxbarasho ka helay hey`adda gar-gaarka qaxootiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SORAA. Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay hey`addu ay diiwaan gelisay in ka badan 450 arday oo imtixaanaad kale duwan u fariistay, iyadoo imtixaankan uu yahay mid lagu ogaanayo heerka aqoonta ardayda dooneyso inay wax bartaan si loo qiimeeyo heerka waxbarashada ee ardayga. **** Osmaan Rooble oo ah madaxa hey`adda Somali Refugee Aid Agency ayaa sheegay in ardayda marka hore laga dhisi doono luuqadaha aas-aasiga u ah aqoonta sida English-ka, taasoo uu ku tilmaamay isfahanka qowmiyadaha ku nool dalka Koonfur Africa. Wuxuu intaasi ku daray ***** Osman in hey`addu ka shaqeyn doonto guud ahaan qaaradda Africa, iyadoo la dagaalami doonto kuwa ku xad-gudba xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed ee nabad gelya doonka u raadsada wadamada bariga Africa iyo weliba Koonfur Africa. madax hey`adda gar-gaarka qaxootiga Soomaaliyeed ee SORAA ayaa xusay in ay xarumo ka furan doonaan wadamada Zimbabwe iyo Mozambique oo ay ku dhibaateysan yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo barakacay dalka Soomaaliya. Hey`adda ayaa sheegtay inay wax badan ka qaban doonto arrimaha hormaka bulshada Soomaaliyeed, iyagoo tilmaamay inay bari doonaan todoba mowduuc oo kala ah:- 1. Abuurista goobo waxbarasho oo ay ka qayb gali karaan dhaman bulshada somaliyeed. 2. Shaqo u aburista qaybaha kala duwan ee bulshada qasataan dhalinyarada. 3. La talinta shaqsiyadka dhibataysan, iyo difaciidda xaquuqda dadka somaliyeed meel waliba oo ay joogaan. 4. Cirib-tirka cudurada dilagaa ah iyo la dagalanka jahliga. 5. Wacyigalinta bulshada iyo sara u qaadidda sum-cadda dadka somaliyeed meel waliba ay joogaan. 6. Dib u dejinta qoysaska ku cusub wadamda Afrika iyo shaqo u aburista qoysaska cusub. Hey`addan Somali Refugee Aid Agency ee deeqdaasi wax barasho u fidisay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur africa ayaa noqaneysa tii ugu horeysay ee deeq waxbarasho u fidiso Soomaalida ku nool wadanka Koonfur Africa. Cabdirizaaq Mursal Faarax crmursal1@gmail.com Cape Town, South Africa.
-
mashruuca taburacaadka abaaraha gabdhaha ssc ee birmingham oo dadka danyarta ee reer Buuhodle biyo ugu deeqay Mashruuca taburacaadka abaaraha gabdhaha ssc ee birmingham ayaa waxaa uu deeq lacageed soogaarsiiyay dadka reer buuhoodle ee abaaruhu haystaan haysana waxay biyo ku soo iibsadaan xilayadan oo kale maadaama ay biyahaasi laga raadiyo meelo magaalada ka baxsan, hada deeqdaa ayaa waxaa loogu soo iibiyay biyo haasoo dhamaanba looqaybiyay xaafada magaalada buuhoodle waxaana barnaamijkaasi fuliyay web .boocame.com xafiiskiisa buuhoodle, iyadoo aad laysagu taxaluujiyay dhamaanba dadkaasi danyartaa sidii ay uwada gaarilahaayeen biyahaasi waxaa sidoo kale mahad balaadhan soo jeediyay dhamaanba dadkii biyahaasi ay gaaren una mahad celiyay gabdhahaas birmingham, sikataba ha.aatee waxaa aad looga dareemayaa dhamaanba magaalada buuhoodle xaalada biyo la.aaned iyo sara ukaca balaadhan ee biyaha ku yimi.
-
-
Roobab yar oo ka da’ay degmada Jilib Waxaa jira rajo soo muuqanaysa in ay roobab lagu nafiso ka curtaan gobalada Soomaaliya, iyadoo hada ay jiraan abaar daran oo saameyn baahsan tahay. Sida ay ku warameen dadka ku dhaqan degmada Jilib ee gobalka Jubbada Hoose, waxaa degmadaas iyo nawaaxigeed ka da’ay roobab yar. Dadka waxaa aad ugu farxeen roobabkan oo ahaa waxyar oo kooban oo aan ku filneen inay dabolan baahida jirta. Waxaa xilligan ka jira degmada Jilib iyo meelo kale oo badan oo ka mid ah gobalada dalka abaaro daran, waxaana si weyn looga sugayaa deegaanadaas inay roobab ka da’aan. Waxaa dadku aad Alle uga baryayaan roobab si looga baxo abaaraha daran ee ku dhuftay gobalada badanood ee dalka, iyadoo xilligan ay tahay waqti aad loogu baahi qabo roobab inay ka da’aan meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
-
Dulmi ma duugmaa, manii la dabolana waa soo daahiraa!
-
Shacabka oo lulaya calanka Soomaaliya iyo weliba sawirka Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Abdullaah Farmaajo ayaa waxaa ay markii danbe isugu tageen, Barxad weyn oo ku taala Darwish School halkaasoo shacabka ay kula hadleen Cuqaasha ugu waa weyn gobolka cayn sida Cheaf Caaqil C/Laahi Yuusuf koore, Caaqil Sanweyne, Caaqiil Carrab Xasan Fadal iyo kuwo kaloo badan. Shacabka wey hadleen awoowe. Soomaliya Ha Noolato! p.s. Mudane Sharif should visit Buuhoodle ASAP. (I know the TFG reads SOL)...
-
UN calls on world to step up support for Somalia Monday, January 24, 2011 NAIROBI-- The UN on Monday called on the international community to step up its support to Somalia as the war-torn nation approaches the anniversary of two decades without a functioning national government amid struggles to consolidate peace, stability and progress for it's people. UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Mark Bowden said despite decades of conflict, many of Somalia's development indicators have improved since 1991 as the UN and local partners have increased support for the provision of essential social services to vulnerable communities. "Somalia is one of the world's most intractable crises. For twenty years conflict over power, resources and land has destroyed lives, created hundreds of thousands of orphans and devastated communities," Bowden said. Large swathes of Somalia remain in the grip of conflict resulting in a dire humanitarian situation for over two million people. Last month the UN warned that a predicated drought is likely to push many more people into crisis. "Progress is possible even in these difficult circumstances. Across the country, increasing numbers of children are enrolling in schools, health clinics are opening, and the economy led by the agricultural, banking and telecom sectors is growing rapidly." UN supported immunization campaigns have kept Somalia polio- free since 2007 and the incidence of Malaria has been reduced by 57 percent between 2005 and 2009. In the last three years the UN with local partners has also scaled-up nutrition services by over 300 percent for the treatment of acute malnutrition among the most affected infants. "While indicators of Somali welfare remain low, they have shown a marked improvement since 1991 despite continuing conflict. Life expectancy has grown, access to health facilities has almost doubled, infant mortality has dropped and extreme poverty has plummeted," Bowden said. He said despite significant signs of progress much more needs to be done as the Somali people need UN support more than ever. "The international community must step up its support to the people of Somalia if we are to protect the gains we have made and prevent many more people from slipping into crisis and Somalia from becoming one of the world's few chronic catastrophes," he said. This week the United Nations will also launch a five year development plan for Somalia called "the United Nations Assistance Strategy for Somalia (UNSAS)." The UNSAS will set out the humanitarian, recovery and development objectives of the UN in Somalia for the next five years. The UNSAS aims to increase availability of essential social services, provide livelihood opportunities and build Government institutions that are able to provide security and justice for all Somali people. "As we reflect on the tragic consequences of two decades of conflict, let us reaffirm our commitment to building a lasting peace which matches the resilience of millions of Somali people who continue to work towards a better future." Source: Xinhua
-
waxaanse leeyahay baligubadle iyo burco ma waxay noqdeen meel habeenkii la miro dadka masaakiinta ah na lagu hagardaameeyo oo diyaarado reer galbeed loo adegsado habeenkii dawladu iyadaa nabadgalyada ilaalinaysa haday wax jiraan oo ay ogtahay iyadoon diyaarado isticmaalin gacan bira haku qabato oo iyadu ha xaliso ha joojiso waxan habeenkii guuraynayaa oo loo adeegsanaayo dad laga yaabo in aanay aragba diyaarado noocan ah oo saska qaba diyaaradoba waxaan ognahay dalka bakistaan ayaan lagu layaa habeen walba diyado noocan ah oo la yidhaa waa laga shakiyey inagu ma nihin dadkaas oo kale waana la garanayaa meesha waxkusoo kordhaan waxanan filayaa in ay ku filan yihiin ciidamada somaliland ee aan loo baahnayn ciidan shisheeye oo aan ognahay dhibatada ay leeyihiin mana taalo u jeedo looo adeegsada ciidamo kale http://www.magaalo.net/print.php?type=N&item_id=579
-
Nimaan Talin Jirin hadduu taliyo Nimaan Tagi Jirin Baa Taga! Maamulka Soomaaliyeed ee Puntlaand wuxuu soo maray marxalado badan oo kala duwan. Kuwaas oo kharaar iyo macaanba lahaa. Hogaanka maamulka ee xilligaan oo dhawr jeer dawga seegay, ayaa la mooddaa in uusan weli dhinaca siyaasadda qaangaar ka noqon, kolba docna isaga anbada. [2011-01-22 21:54:08] Inkasta oo ay badan tahay inta jeer ee uu hoggaanka Punland, dhinac khaldan ula ambadaay talada maamulkaas Soomaaliyeed ayaa haddana waxaa jira kuwo halis ah oo wax weyn u dhintay magaca guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna aad u wiiqay sumacaddii Puntland iyo kalsoonidii ay Soomaalida kale u haysay maamulka iyo shacabka Puntland-ba. Tii ugu darnayd ayaa waxay ahayd markii uu hogaanka Puntland uu go'aamiyey isla markaasna uu fuliyay in deegaannada Puntland laga tarxiilo dhammaan maatadii Soomaaliyeed ee gobolada kale ee dalka, gaar ahaan Koofurta ka soo Barakacay. Taas oo ah arrin aan horay uga dhicin geyiga Soomaaliyeed abid. Taariikhda Soomaaliyana ku ah bar madoow oo ku taal, kuna ooli doonta. Arrintaas murugada leh ilaa hadda maamulka Puntland wax raali galin ah kama bixin, umana muuqato in xilligaan maamulka Puntland laga helayo siyaasiyiin garan kara cawaaqibxumada arrintaasi ay leedahay, kuna dhiiran kara in raali galin laga bixiyo. Waxaa kale oo xusid mudan in xilligii uu maamulka Puntland sidaas u anbaday uu DKMG ee Soomaaliya Raysulwasaare ka ahaa Mudana Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo u baahnaa taageerada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna tan shacabka iyo maamulka Puntland oo uu Raysulwasaaruhu ka soo jeeday. Maamulka Puntland oo ay bilowgiisii ku midoobeen qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa hadda waxaa kalsoonidii kala laabtay kala bar goboladii iyo shacabkii maamulkaas dhidibada u taagay. Ayadoo qaarkoodna uu ku biiray maamulka Somaliland, qaarna uu dagaal hubaysan kala hor yimid halka qaar kalena uu afkii juuqda gabay. Taas oo haddii aan si deg deg ah wax looga qaban sabab u noqon karta in maamulka Puntland uu sidaas ku ahaado. Taasna weli hogaanka Puntland ma uusan garan, in loo sheegana iskala weyn!!! Dhaqanka noocaas ah ayaa waxaa lagu yaqaan dadka aan waayo aragnimada u lahayn sida wax loo hogaamiyo, dadkana la isugu wado. Waana sida ay xusayso maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa: "Nimaan Talin Jirin hadduu taliyo, Nimaan Tegi Jirin Baa Taga!". Arrimaha kale oo cadaynaya in hogaanka xilligaan ee Puntland uusan siyaasadda weli qaangaar ku noqon ayaa waxaa ka mid ah in marna ay leeyihiin waxaan hoos tagnaa, kana tirsannahay DKMG ah ee Soomaaliya, ayna ku doodayaan in ay goobjoog ka noqdaan shir kasta oo caalami ah oo ay DKMG ahi ka qaybgalayso. Maamulka Puntland ayaa sidoo kale mar walba gala heshiisyo aysan ahayn in maamul goboleed uu galo, taas oo hogaanka maamulku uu ku doodayo in aysan cidna kala tashanayn wixii ayaga khuseeya ama danahooda ah. Haddaba haddii maamulku uu heshiis la galayo marba ciddii uu doono, isla markaasna aysan wax tixgalin ah siinayn DKMG ah oo ay sheeganayaan inay hoostagaan, maamulka Puntland iyo DKMG ah midkee baa ka baxay wixii heshiis ama xeer ahaa ee labada dhinac u dhexeeyay? Maamulka Puntland wuxuu u baahan yahay siyaasiyiin leh aragti fog oo ka madaxbannaan caadifad qabiil, bartoodyaqaanna aan ahayn, ummadda Soomaaliyeedna wax kula qaybsada iimaansami, tixgalin iyo waddaniyad dhab ah. Inkasta oo ay jiraan wax badan oo aan jeclaa in aan ka iraahdo hab-dhaqanka maamulka Puntland, bal hadana maanta aan ku soo afmeero meerisyo ka mid ah gabaygii Eerigoo ee gabyaagii Axmed-Dirir. Amarkii ilaahiyo wakhtigu waa wax kaa adage Nin anbaday halkuu aaday waa ula ekoonayde Anigoo arkaayaan waddada Eerigoo xulaye. Allwariye Online Media: Wax is weydiini ma xumee, wax is weydaarsi baa daran!!!
-
Ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn oo ku tilmaamay xarigga Tifaftiraha Waaheen mid laga xumaado Isniin, 24 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, xukunkii xariga ahaa ee maxkamadda Hargeysa ay ku ridday tifaftiraha wargeyska Waaheen ee ka soo baxa magaalada Hargeysa. Maxkamadda Hargeysa, ayaa ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 900-dollar Sabtidii todobaadkan, tifaftiraha wargeyska madaxbannaan ee Waaheen, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qoraallo been abuur ah ka sameeyay taliyaha ciidanka booliiska iyo maareeyaha wakaaladda korortada Hageysa. Warsaxaafadeedka kasoo baxay RSF, ayaa lagu yiri: "Ururka suxufiyiinta aan xadka lahayn ee RSF, wuxuu aad uga xummaaday xariga saddexda sanno ah iyo ganaaxa lacageed ee maxkamadda Hargeysa, ay ku ridday tifaftiraha Wargeyska Waaheen, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay meel ka dhac ka dhan ah masuuliyiinta dawladda." Garsooraha maxkamadda Hargeysa, Cali Suudi Diiriye, wuxuu sheegay in Jaamac lagu helay qoraal meel ka dhac ama sharaf dil ku ah taliyaha booliiska Somaliland iyo maareeyaha wakaaladda koronta Hargeysa, kaddib markii uu wargeysku qoray inay mas'uuliyiintaas dhaqaale lunsadeen. "Xukunkan, wuxuu wataa ciqaabta adag," ayay lagu yiri warka kasoo baxay RSF, iyagoo intaas ku daray: "Waxay ahayd inay maxkamaddu marka hore hubiso inay jirto cid meel lagaga dhacay, haddiiba ay jirto, balse taasi bedelkeeda waxa la iska soo saaray xukun, xariguna waa mid ka baxsan meel ka dhaca, waxaana ugu baaqaynaa maxkamadda inay go'aanka ka laabato." Tifaftiraha wargeyska Waaheen, ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Gargeysa, iyadoo garyaqaankiisu uu dalbaday rafcaan, si dacwaddiisa dib loogu cusboonaysiiyo, iyadoo xarigan ay ka xumaadeen dhammaan suxufiyiinta Somaliland. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
" frameborder="0" allowfullscreen> Well done indeed!
-
First and foremost, I owe a great debt of gratitude to all the young people and their parents who willingly shared the most intimate details of their lives with me for the benefit of this research. They did this, in part, because they believed (as I do) that their story was an important one to tell. My ability to sustain my attention to this project over the years was, in fact, due in large part to their faith in my promise to tell their story. With the completion of my research (and hopefully the publication of my thesis in a book form soon), I hope I have kept my promise to them. My own interest in the experience of refugees from Somalia in the UK stems from very personal issues. I am a refugee from Somalia myself, and brought up my own children in this country. The topic for this research, therefore, meshes intimately with my deepest professional, personal and social commitments. It is this story that largely determines the theoretical and philosophical approach I adopt in this study. Read it here http://www.hiiraan.com/op2/2011/jan/a_new_research_on_somali_young_people_in_the_uk.aspx