Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
LOL...
-
money;153538 wrote: I want my Somalia back! I hear you.
-
Xaaji Xunjuf;690505 wrote: Awoowo Somalina maxa aqoonsiga iyo Amiirka isku xiidhay , anigu hada ma tageersani alshabaab laakin siday wax u jiraan uun baan sheegey in amirku ku talo jiro inu xilka ka qaado fuaad shangoole wa intaas uun awoow:D You clap for Indhashareer, You are definitely an AS supporter. Aqoonsi iyo AS way isla socdaan intaad adiga ku soo socoto SOL.
-
lol@Bilan... waxay ku dayanayaan AS. Ayagaa kawaanada jecel iney dhisaan...lol Ku dayo AS, ku dayo indeed!
-
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo ka hadashay rasaas ay ciidammada AMISOM ku fureen dad shacab ah Arbaco, 26 Janaayo, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun tahay falkii uu ciidammada AMISOM, ku dhaawaceen shalay afar qof oo shacab ah, kaddib markii ay rasaas kula fureen meel ku dhow saldhiga ay ka daggan yihiin Muqdisho oo uu shil ka dhacay. "Marna u dulqaadan-meyno, waxyeelada shacabkeena Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Halkan waxaa u joognaa waa ilaalintooda," ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi. Wasiirka Gaashaandhiggaa, wuxuu sidoo kale sheegay in ku-xigeenka taliyaha ciidanka AMISOM Gen. Cyprien, uu raalli-galin buuxda ka bixiyay dhacdadii, isla markaana uu caddeeyay in la xiray askarigii falkaas geystay iyo taliyahiisiib, ayna socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo wixii kallifay falkaas. Dowladda Soomaaliya, oo ka talisa qaybo yar oo ka tirsan Muqdisho, ayaa sheegtay inaysan u duqaadanayn in shacabka rayidka ah lagu laayo waddooyinka degmooyinka ay ka taliso. Ciidammada AMISOM, oo dowladda ka difaaca weerarrada kaga imaada dhinacyada kasoo horjeeda, ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay jawaab tan oo kale ah ka bixiyaan fal ay ciidammada AMISOM ku dileen dad shacab ah. Sannadkii lasoo dhaafay, ayay ciidammada AMSIOM rasaas ay fureen ku dileen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo aysan dowladda KMG ah ka hadlin falkaas, waxaase raalligelin ka bixiyay taliyaha guud ee AMISOM. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
It is great to be in the same site with you too Kulmiye!
-
Ahmed Gurey AUN.
-
Thank you BOB! ---------- A friend mentioned this program to me the other day! ------- Wednesday, January 26, 2011 St. Paul, Minn. — The BBC's program "Africa, Have Your Say" broadcasts live from the UBS Forum as part of a worldwide call-in based in St. Paul and London. The program will hear from young Somalis in St. Paul and London who've never known peace in their homeland. They'll discuss perceptions of their homeland, the prospects for the future of Somalia and the prospects for their future in the Diaspora. MPR's Tom Crann will host the St. Paul portion of the broadcast and moderate the local discussion. MPR's Bob Collins will live-blog the event on News Cut. The Call-in number is 011 44 20 7836 1836. Guests Mukhtar Osman: An engineer with MNDOT. Hoodo Hassan: A student studying psychology and English literature at the University of Minnesota. Zuhur Ahmed: A pre-med student at Concordia University. She also hosts the radio program Somali Community Link on KFAI. Ruqia Mohamed: A student at the University of Minnesota majoring in political science and global studies. Source: MRP news
-
General Duke;690382 wrote: There you again, going deaf at the mere mention of reer Mudu...lol Somali soo baro horta. Markaas ka hadal Somalia iyo afaaraheeda. Go eat McDees and supersize your fries, it is dinner time! Have a good night walaal!
-
Galka'yo — Mohammed Ahmed Alin, the president of Galmudug state, a self designated administration in southern town of Galka'yo, the regional capital of Mudug, on Saturday repeated warning people in central regions of Somalia against cutting plants and trees. The call of Galmudug state towards stopping decimating plants comes as the people in the region have been complaining about relentless deforestation steps that were going in many parts of the region. Ali, the leader of Galmudug vowed that will take a strict step against anyone is seen of committing deforestations warning against exporting charcoal cargoes in the those areas. He called all residents in those areas in Mudug region tp stand to defend their terrorist from people he indicated want to make desert in those places. The call of Galmudug state comes as many regions in southern and central Somali hade been struck by severe droughts. On the other hand, the president said that his administration is working to assure the security of Galka'yo town saying that there are more security forces deployed in the villages of southern Galga'yo.
-
Maxaad Somali ka taqaan. Adigoo Soomali aan ahay dhahaysidba kuma arag, xataa luqadii waad ka faaneysaa inaad ku hadasho. Calanka baluuga adigoo lulaya kumaan arag. Maxaa kale aad haysaa oo aan reer Mudug hadal ahayn? huh? what was that? what! Soomali sida loo noqdo soo baro, ku noqo baadiyihii aad ka timid, dhaqan celis ayaad u baahantahay si fiican. Geel raac iyo lo' etc. Cariish dhis. Get your hands dirty, waxaa ka batay too much cocoabutter iyo coolaid. lol...
-
lol...clap hadaad aragto development meel ay ka socoto aan ku idhi reer Mudug yaho! Far waaweyn in wax laguugu qoro lee miyaa kaaley? Reer miyi oo haddana reer Mudug ah xaa laga sugaayey awalba? loool
-
General Duke;690370 wrote: ^^^What reer are you then, so I can clap for them next time I hear of them? I welcome this development and may they prosper my beloved uncles.. I'm in the area dee! lol...to the left, to the right, gadaal iyo horeyba...meel walba Soomali ku nooshahay, waa reerkeyga. U sacbi walaalahaa meelba ay joogaan. p.s. I'm your habaryar remember! Cadalle iyo Jowhar coming soon...get ready to clap...lol
-
Wasaaradda Horumarinta Reer Miyga Galmudug Oo Horumarin Kawada Miyiga Galmudug Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyga ee Galmudug Maxamad Cali Nuur ayaa tan iyo markii uu yimid Galkacyo waxa uu waday kormeero iyo qiimeeynta xaalada dadka reer miyiga ah iyo deegaanda ay kunoolyihiin waxaana wafdiga uu horkacayey Wasiirka ay tageen Magaalooyinka Hobyo,Wisil,Gawaan,Ceeldibir iyo deegaanokale. Wasiirka ayaa qiimeyn kadib waxa uu kudhaqaaqay taaba galinta mashaariic horumarineed kuwaasi oo loogu talagalauy in ay ka faaídeystaan dadka reermiyiga ah isla markaana deegaanadu ay unoqdaan kuwa waxtar uleh Maxamed Cali Nuur Wasiirka Horumarinta Reermiyaga Ee Galmudug ayaa socdaal dheer kadib waxa ay Dagmada Wisil Ee Gobalka Hobyo ka hirgaliyeen Isbitaal weyn oo loogu talagalay in looga faa’ideeyo dadka Dagmada iyo kuwa ka agdhaw waxaana hirgalinta Isbitaalkaasi wasaaradda ka kaabay Hay’ado dhowr ah. Maxadm Cali Nuur Wasiirka Horumarinta Reermiyaga Ee Galmudug ayaa markale dib ugu laabtay Gobalka Hobyo waxaana socdaalka Wasiirka markaan ku wehliya Saraakiil ka socota Hay’adaha Qaramada midoobay uqaabilsan dhinaca mashaariicda ee UNDP waxaana qorshaha wasiirka lagu sheegay in ay tahay sidii Isbitaalo,Iskoolaad,iyo mashaariic wax ku ool ah ay uga fulin laayeen Deegaanda Miyigi ahee Gobalada Mudug,Hobyo,Galbarwaaqo iyo Gobalka Kulmiye. asiirka ayaa intii uu kusugnaa Magaalooyinka aan soo sheegnay waxa uu kulamo la qaatay madaxda Degmooyinka iyo Goblada uu tagay waxaana inta badan looga hadlayey kulamadaasi sidii bulshada reer galmudug loo dhaxalsiin lahaa Horumar lataabankaro. waa markii ugu horeysay ee Wasaaradda Horumarinta Reermiyaga Galmudug ladhiso tan iyo mudada 5sano ah ee uu maamulku jirsaday hadana waxa ay umuuqtaa in ay Wasaaraddu ku howlantahay waxyaabihii loo idmaday hasa yeeshee wasaaradda wax qabadkeedii ayaa kusoo aaday xilli ay abaar aad udag kajirto deegaanada miyiga ah taasi oo umuuqata in ay kasii dareyso Waa Hadii aan lahelin Madharka Alle. GALKACYO:-{Hobyonet.com}
-
Adiga reerka uunbaad u sacbisaa miyaa kaaley? War u sacbi Soomalida walaalahaa oo dhan reer Mudug yaho. Horumarinta reer miyiga seminarkiisa inaan kuu dirno waaye soon. Anywho, development and education will lead to peace, they go hand in hand.
-
Muqdishu can withstand anything and everything that is thrown at it: be it AS n Xisbul hebel RPGs,machine guns and their terrorist hand made grenades; American, Xabashi and their stooges with their air strikes and artillery fire; AMISOM madfac and finally soccer and basketball balls. It is truly the best city in the Horn of Africa and still the most beautiful city in Somalia bar none! All day everyday! ----------------------- HORYAALKA 36AAD EE SOMALIA: Kooxda SITT Dallo oo ku tumatay Horseed FC Talaado, January 25, 2011(HOL): Kooxda K/cagta ee SITT Dallo ayaa galbta ku tumatay kooxda Horseed, waxana ciyaartii labada kooxood ku dheeleen garoonka University ee magaaladda Muqdisho 4-0 guushu ku raacday SITT oo ku ciyaarta magaca diyaaradda Dallo Airlines. Qeybii hore ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0-0, hase ahaate markii la iskugu soo laabtay qeyabtii labaad ayaa difaaca kooxda Dallo Maxamed Xasan Cali wuxuu gool madax ah u saxiisay kooxdiisa daqiiqadii 48-aad, waxaana gool labaad 11 daqiiqo kaddib raaciya laacibkood Daahir Amiin. Weeraryahanka kooxda Dallo Maxamed Cabdi Nuur oo ka faa’iideysanaya isku dhexyaaca iyo kalsoonidarad difaaca Horseed ayaa 7-daqiiqo gudahood wuxuu ka dhalaliyay laba gool oo cajiib ahaa, waxaana ciyaartas guud ahaan 90-kii daqiiqo ku soo idlaatay 4-0. Maadaama kooxda Horseed ay ku ciyaarto magaca ciimada xooga dalka, waxaa garoonka niyad uga baxay guddoomiyaha kooxda, ahna taliyaha ciidamada qalabka sida General C.kariim Yusuf Dhaga-badan, oo u soo daawasha tagay ciyaarta. Tababaraha kooxda Horseed Cumar Maxamuud ayaa laga dareemayay inuu aad uga xumaa guuldaradda iyo bur-burkii kooxdiisa ku habsatay. Dhiggiisa kooxda Dallo Maxamed Cali ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay guusha uu ka gaaray ciyaartii ugu horeysay ee horyaalka, wuxuuna sheegay inay ciyaar wanaagii galabta ay soo bandhigeen uu noqdon doono mid aan hoos u dhicin. Horyaalka 36-aad oo Jimcihii soo billowday ayaa berri la nasan doonaa, iyadoo maalinta khamiista ah kooxda ku ciyaarta magaca dakadaha dalka ee Dakadaha FC ay ciyaar kulul la yeelan doonto kooxda Supper Shell, waxaana ciyaartaas soo gali doontaa 3:30 galabnimo. Faarax Blue fblue@hiiraan.com
-
Maamul-Goboleedka Gal-Mudug oo bilaabay Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Talaado, January 25, 2011(HOL): Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta ka dhacday xaflad lagu maamuusayay dhismayaasha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxaana ka soo qaybgalay munaasabaddaasi mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin, madaxweyna kuxigeenka Cabdisamad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xubno ka tirsan labada Gole Ee xukuumada iyo baarlamaanka, Ururada haweenka, ardayda dugsiyada H/dhexe iyo sare, Xubno ka Socda jaaliyadaha dibada ee Galmudug iyo marti sharaf kale oo faro badan. Qurba-joogta waqooyiga Ameerika oo ku dhiirigeliyay guddomiyaha baarlamanka Galmudug in uu horseed u noqdo fulinta dhisidda xarumahaasi, ayaa ugu horrayntii halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in qarashka dhismayaashaasi ku baxaayo ay bixinayaan jaaliyadaha Galmudug ee debadda ku nool. Wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in ay qeeb muuqato ka qaataan qeebaha kala duwan ee bulshada deegaanka, sida Ganacsatada, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, wuxuuna ugu horrayntt ammaan balaaran u soo jeediyay bulshada reer Galmudug sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Maamulkooda. Wuxuuna Gen Cabdi Qaybdiid xusay in ay sidoo kale haboon tahay in waddooyinka la hagaajiyo si xaafadaha Magaalada Gaalkacyo bilicda iyo quruxdooda loo muujiyo. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Goor dhaw la soo afjari doono dhismaha xarumaha hadda la dhagax dhigay, iyo kuwo kale oo ku xigi doona sida kuwo uu yeelan doono taliska booliska Galmudugna. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi qudbad kooban ka jeediayay Madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin oo xusay in dhagaxdhigga dhismaha xarunta madaxtooyada iyo baarlamaanka Galmudug ka kooban tahay illaa labo dabaq oo ah dhismayaal aad u ballaaran. Wuxuuna dhagaxdhigay halka laga dhisayo xarunta cusub ee madaxtooyada iyo baarlamaanka. Dhismayaasha waxay ka koobnaan doonaan laba dabaq oo leh jardiimo waa weyn iyadoona uu dhismaha baarlamaanka uu ka kooban yahay hal dabaq oo shub ah, lehna hoolal waaweyn oo lagu shiri karo. Mohamed Ali Aden maden87@gmail.com
-
is it a bird? is it a plane? nah, is a khamiis wearing Arab robbing Somalis.
-
IRIN: Free Education “Too expensive” For Somaliland.
Somalina replied to Siciid1986's topic in Politics
Jacaylbaro;690333 wrote: ma adaaba wax kele u baahan markaa ,,, inta lacagta loo qaataaba waa intaase ,, I guess I will do the cooking. Not only that but i guess I'll have to do with feynuus, iyo biyaha barkada. There should be enough for a driver/security guard oo i waardiyeeya 24/7 markaas nooh... Anyways, I hope it works out. Waa sheeko fiican in waxbarashada caruurta la hormariyo.