Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Somaliland: Abduction of children on the rise by Mohamed Ibrahim Haji Abdi Saturday, January 29, 2011 Residents of Hargeisa city are distressing about the increase of child abduction in the city and why the local government has not spoken about the issue. It was last week when hadhwanagnews and Geeska Afrika a local newspaper reporter that that an eleven years old by the name of Fuad Abdi Mohamed was kidnapped by four men that consisted of three Caucasian men and one Somaliland driver as he was walking. According to Fuad and his mother Asha Hariir Jama around 2pm in the afternoon a neighbors’ child who was with Fuad came running to the family’s home to inform them that their son was taken in a red Toyota 4 by 4 model Surf by four men whom three of them were foreigners and one local driver. Mrs. Asha Jama soon after notified the local police about her child’s abduction and shortly a citywide search began. After few hours later Fuad appeared walking at the family’s home where he enlighten family and friends his ordeal, “in the afternoon my friend and I were walking next Star hotel when a Toyota 4 runner stopped next to us, the driver and three men told us that they would give us a ride to the airport and so we should get in the car with them, I went with them but my friend ran home”. After Fuad got in the vehicle he was taken to a big house on the outskirt of Hargeisa next to the airport where the men put him in a room and then placed him on a bed. Fuad told his mother and the two newspaper outlets reporters, after the men put him on the bed they placed a cold pack next to his kidney and after few minutes they told him that he is not well and that he should take few cookies that will cure him and he ought to head home. Before they let him out of the residence he was warned that they placed a memory chip in him that tells them where he lives. If he told anyone about what took place that they will come and find him. This is not the first incident of such that has taken place in Hargeisa in recent months and it emerges that no one is willing to speak about it in public. It was only a few weeks ago when the German national Gunter Bischoss was convicted of degenerate behavior and shooting immoral movies in Hargeisa. The incident of Gunter Bischoss was a shocked to the entire country and our people began to ask one another how could this happen in Somaliland. Let me be frank, this occurred because our people have not been exposed to outsiders and the few that they come across are either NGO workers or fake businessman whom they see them as savior. It is our custom to be benevolence and hospitable to a foreigner which is a good thing to be proud of however in today’s society we have to be apprehensive to those that we let them into the country. Those of us who live in the Diaspora see in the news of child traffickers and predators that go to third world countries pretending to be saviors but in return are corrupting and abusing the locals. These foreigners that we welcome them in our country with open arms are not all innocent or good people. Do not get me wrong there are good foreigners in Somaliland helping our people but at the same time our people should be vigilant. Now that the world is aware of Somaliland’s democracy and safe heaven there will be more foreigners coming into the country. Some of these folks might be child predators, child traffickers or human organ traffickers therefore our NGOs and Diaspora must protect our people by educating them. Our government should make mandatory that all foreigners coming into the country must provide a criminal background check and anyone who is verified to have a criminal background have to be consider criminal inadmissible into Somaliland. God Bless Somaliland ------------ Mohamed Ibrahim Haji Abdi is the founder of SomalilandPress and a consultant with Thomson Reuters.
-
Stay in the sports section yaa Oz.
-
Juxa;691420 wrote: Somalina abaay nimcadaan intee waaye! Don't listen to BOB. Waa Xamar, intee kale... Dayniile to be specific. Libaax started a thread about it long ago. A fellow Torontonian owns it.
-
AYOUB;691421 wrote: ^ Nice. ManshaAllah. I've got rough idea of what's going on in Xamar. I just didn't think you'd venture outside the Villa. PS There's nothing wrong with baby sitting IMO. I do it sometimes, then again, I'm not as educated as my Somalina. lol@sarcasm... I'm not Sheik Sharif, I can actually go to Jowhar.
-
AYOUB;691410 wrote: Stab in the dark? The "Aweys" one? lol...Sakin one was better guess. Anywho I aint nobody's babysitter. My mother didn't put me through school so I can become a babysitter. Are you saying that there are no bling bling building in Mogadishu? Xamar iska dhaafee, Ceelasha Biyaha ayaa mini NYC u ekaan rabto... bling bling enough?
-
AYOUB;691407 wrote: ^ Were you baby sitting for Mrs Sh. Sharif while they were abroad ? LOOL.... which one? Sharif was not dalxiisin then.
-
LOL... Dee buildinkii aan joogey last month ayaan aad uga heley, dhalo dhalo iyo waxed white floors ayaa ii muuqdey...so yeah I saw things...
-
Somaliland to Register Refugees From Somalia in Sool
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
awoowe you are funny. -
I see that the "Operation rescue JB" has started.
-
Somaliland to Register Refugees From Somalia in Sool
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Kornaylka;691274 wrote: Horta walal marka hore ha i canaanan, illeen imaad dhaline. Thanks. Teeda kale, waxaan hubaa haddii aan the Somali region of Ethiopia wax kaa waydiiyo inaad dhihi doontid: Waa dhul Somaaliyeed. Waa inaan soo ceshanaa. Dadku waa inay xabashida iska xoreeyaan. Anagaa iska leh, iyo qaar kaloo badan, lol. Ethiopiaba sow calankoodu UN HQka kama taagna maxaad ku diidi inay Ethiopian yihiin dadkaasi oo adigu haddaad meeshaa u qaxdid qaxooti lagu xisaabinayo ? Ta sadexaad, miyaadan ogeyn in S/land inkastoo aan la'aqoonsaneyn ay ka hor marsantahay jabuuti iyo kenyaba, marka ay noqoto xaga sharci ku dhaqanka, oo dadku tirsanyahay si marka ay doorasho timaado wixii rer S/land ah keliyi u codeeyaan ? Hadda tusaale ahaan, illaa 500,000, Oo reer koonfureed ah baa S/land ku sugan. Marka ay timaado xilligii referendum ku dhici lahaa, haddii aan dadkan la register gareyn sow iyaguba intay codkooda dhiibtaan unification uma codeynayaan, illen isku si baanu u egnahay by thena af qaldaankii way barteen oo dadka lagama sooci karee ? Kadibna sow ictiraafkayaga qiilqiil gelinmaayaan ? Bal intaad babis soo qaadatid, oo weliba koob isbaramuuto ah oo barafna ka buuxo isi soo ag dhigtid, adigoon sonkortu kugu kicin su'aalahaa sida heerka sare ah aan u soo farsameeyey iga jawaab. Mahadsanid. Haddii ay dadku isku eg yihiin oo aan lakala sooci karin, dee maxaad rabtaa inaan kuu sheego? Teeda kale, Ethiopia meeqa ethnic groups ayaa degan? isku diin miyaan nahay? isku dhaqan miyaan nahay? isku luuqad miyaan nahay? Ethiopia dhul bay naga haystaan, taasna wax fasiraad u baahan ma ahan, waana la dagaalamoynaa (ONLF ayaa u taagan hawshaas). Anigu jawaabteyda kuma qanceysid, maxaa yeeley wax cusub kuma sheegayo oo aan laga sheegin halkaan (SOL) thousand times. Gebogebo: Sool Soomaliga jooga waa Soomali, refugee-na kuma noqon karo dhulkiisa. Refugee micnaheeda waad taqaan, IDP-na micnaheeda waad taqaan. Somaliga Adis joogana waa refugee, mana isbarbardhigi kartaan SL iyo Ethiopia. Referendum-na ma dhacaayo ayadoona Koonfurta ogolaanin, ama is tirakooba ama madaxa label isaga dhejiya si aad u ogaataan kii idinku abtirsada. Maxaa kale? p.s. Iga raali ahow hadaad moodey inaan ku canaantay. Isbarmuutana waa cabay hadda... -
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo biyo dhaamin kawadda ku yaalla degmada hareeraha degmada Guriceel Sabti, 29 Janaayo, 2011 (HOL) – Iyadoo deyrtii dhaweyd aysan ka di'in guud ahaan gobolada Soomaaliya, ayaa wuxuu gobolka Galguduud ka mid yahay gobollada ugu daran ee ay abaarta taagani ku dhuftay, waxaana hadda ka bilowday bishii ugu horreyay jilaal kuleyl badan. Xoolo badan, ayaa meelaha oomanaha bilaabay inay u dhintaan haraad iyo baad la'aan, waxaana shirkadda isgaasiinta Hormuud, laanteeda degmada Guriceel ay billowday inay deeq biyo dhaamis ah gaarsiiso dhul ballaaran oo oomane ah, kuna yaalla hareeraha degmadaas. Booyado, ayaa biyaha lagu gaarsiinaya deegaannada fog-fog ee oomanaha ah, waxaana shirkadda Hormuud, ay biyo ku shubtay baraago ku yaala dhulalka oomanaha ah ee dhaca tuulooyinka hoos-yimaada degmada Guri-ceel Dadka reer miyiga ah, ayay shirkadda hormuud bilowday inay xoolahoodii iyo iyaga waraabiso, waxaana ka mid ah tuulooyinka biyaha la gaarsiiyay: Haraale, Xodale iyo aagga dhagax-yaalle. Sidoo kala si la mid ah waxay shirkadu biyo-dhaamis u sameysay dadka reer guuraaga ah ee ku nool tuulooyinka: *****-suge iyo Cal Xasan. Sidoo kale, tuulooyinka haraadku ka jiray ee shirkadda Hormuud ay biyaha gaarsiisay waxaaa ka mid ah: Maroodle, Diiriye Xasan iyo Bacaha, waxaana daka ku nool deegaannadaas ay si aad ah u soo dhaweeyeen dadkii biyahaas la gaarsiiyay, waxayna sheegeen in jiilaalku uu yahay mid lagu jiro xiliyadii ugu horreeyay, iyagoo codsaday in biyo dhaamista la kordhiyo. Waxaa kaloo, shirkadda Hormuud ay biyo dhaamis u sameysay dadka ku nool tuulooyinka: Wala-moogo, Daba-yoodley, Baagga iyo dhul aad u ballaaran oo ay ka jirtay biyo la’aan, kuwaasoo ku dhow degmada Guriceel. Mas'uuliyiinta shirkadda Hormud, oo saxaafadda uga warbixiyay biyo dhaamiska y sameeyeen, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inta xilliga jiilaalka lagu jiro, iyagoo xusay in tallaabadan ay biyaha ku dhaaminayaan ay ka mid tahay tallaabooyin ay shirkaddu ku go'aansatay inay ku kaalmeyso dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen. Dadkii biyo dhaamiska loo sameeyay, ayaa waxay kaga mahadceliyeen shirkadda Hormuud taageerada ay fidisay, ayna biyaha soo gaarsiisay xilli ay u baahnaayeen. Iyagoo shirkadda ku tilmaamay mid ka damqanaysa shacabkeeda mar kasta oo dhibaato lasoo gudboonaata. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Ururka SOHPA oo biyo dhaamin u sameysay qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan degmada Xarardheere Sabti, 29 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka wadaniga ah ee SOHPA (Somali humanitarian and peace advocacy association), ayaa biyo dhaamin u sameysay qoysas ku nool tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ka mid ah deegaannada ay ku dhufteen abaaraha ka taagan Soomaaliya. "Waxaan, biyo dhaamin ka sameynay deegaannada Daba-galo, Macallin Xuseen, Warshubo, Dey iyo kuwo kale, waxaana ka faa'iideystay 750-qoys oo halkaas ku nool, kuwaasoo ahaa xoolo dhaqato iyo beeraley," ayuu yiri agaasimaha SOHPA Axmed Maxamed Xuseen oo HOL uga warramay biyo dhaaminta ay sameeyeen. Agaasimuhu, wuxuu sheegay in 20-booyadood ay biyo ku gaarsiiyeen deegaannada ka tirsan degmada Xarardheere, isagoo xusay in howshan ay gacan ka siisay hay'ad lagu magacaabo AMA oo caalami ah. "Dhaqaalaha, aan biyo-dhaamintan ku sameynay oo ahaa 6,000-dollar, waxaana qaar ka mid ah iska ururiyay xubnaha SOHPA, inta kalena waxaa bixiyay ganacsato Soomaaliyeed," ayuu mar kale yiri Axmed. Qoysaska, ka faa'iideytay biyo dhaamintan qaarkood oo iyaguna saxaafadda la hadlay, ayaa u mahadceliyay ururka SOPHA, iyagoo sheegay in biyaha lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi weyn u qabeen. Sidoo kale, deegaannada ay biyo dhaaminta ka sameysay ururka SOHPA, ayaa waxaa ka socday gargaar ay raashin ku qaybinaysay hay'adda ICRC, iyadoo shirkadda Hormuud ay dhankeeda kawadday biyo dhaaminta. Agaasimaha SOHPA, ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan howsha ay biyo dhaaminta ugu sameeyeen dadka ku nool tuulooyinka ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayna biyo dhaaminta gaarsiin doonaan deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan. Guud ahaan, dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannada ka fog magaalooyinka, iyadoo dadka badan oo barakacayaal ay maalin walba gaarayaan magaalooyinka, kaddib markii ay xoolahoodii iyo beerahoodii ay abaarta taagani la tagtay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
desperate.com... :D -
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Aragtida Aqoonyahanka: Dhawaaqa la xidhiidha goonni-isu-taagga Somaliland ee ka soo yeedhay Agaasimahan ka tirsan Guddida la-dagaallanka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa HOL ay wax ka waydiisay dhinacyada kala duwan ee Bulshada. “Meeshii shirar lagu qabanayo iyo halkii lagu shirayaba maaha in la cabsado oo la baqdo, waa in la bandhigo xaqiiqda Somaliland ka jirta. Waa in aan sas laga qaadin Soomaaliya iyo Soomaaliba,” sidaa waxa yidhi Prof. Cabdixakiim Yuusuf Kheyre oo ka mid ah Aqoonyahanka wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Shirweyne loo qabto dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo ka dhaca Somaliland, laguna dhiso Dawlad ay Somaliland wada-hadal yeeshaan oo cago adag ku taagan ay ka dhawdahay in aqoonsi la waydiisto Dawlad lagu soo dhigay dalka dibeddiisa. “Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een. Dawlad ay Somaliland Shir u qabatay oo lagu dhisay, ayaynu ka heli karnaa aqoonsi. Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano. Dawlad Caalam soo dhisay ma heli karo, mid ay iyadu samaysay, oo aynu taageerno.” Ayuu hadalkiisa ku yidhi Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre. -
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
"Annagu" = my clan.... next item of discussion please. p.s. Aqoonyahankiina dhageysta si fiican, asagaa wax idin bartee. -
:D ------- HORYAALKA SOOMAALIYA: Kooxaha Savana iyo Banadir Telecom o0 isla dhaafi waayay Jimco, January 28, 2011(HOL): Kooxaha Savana FC iyo Banadir Telecom ayaa galabta bar-bar dhac 0-0 ku kala baxay ciyaartii ay iska horyimaadeed garoonka Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho ee ka tirsaneyd horyaalka 36-aad ee wadanka Soomaaliya. Kooxda Savana ayaa guud ahaan ciyaarta maamulaneysay, iyadoo dhowr jeer sigtay shabaqa kooxda Banadir Telecom, maadaama ay weerar cir iyo dhul ah ku soo qaadeen difaaca kooxda Telecom, hase ahaatee difaacyada Banadir waxay muuiyeen dadaal xoog leh oo ay iskag cabiyeen handadaadii wiilasha Savana. Ciyaaryahanka kooxda Banadir Telecom C/llaahi C/raxmaan Jaamac ayaa ciyaarta laga saaray (roose la siiyay) daqiiqadii 89-aad, kaddi markii uu ku kacay fal ka baxsan anshaxa ciyaarta. Kooxd Banadir Telecom ee difaacaneysa horyaalka loo tartamayo ayaa laga daremayay hoos u dhac xoog leh, iyadoo tababaraha kooxdaas Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) uu berri ciyaartooydiisa la qaadan doono kulan ay ku baarayan waxyaabaha sababay hoos dhaca xoog leh ee kooxda la soo dersay. Dhinaca kale xiriirka K/cagta ee Somali Football Federation (SFF) ayaa berri go’aankii ugu dambeeyay ka qaadanaya kooxda Dekedaha, kaddib markii ay diiday inay ka soo qeyb gasho horyaalka socda, iyadoo aan garoonka soo xaadirin ciyaartii ay shalay la yeelan laheyd kooxda Supper Shell. Guddoomiyaha kooxda Dekada Cabdi Jiinoow Cadoow ayaa hore u aflagaadeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, midka qaaradda Africa ee CAF iyo kan adduunka ee FIFA, isagoo ku eedeeyay inay ku qaldan yihiin aqoonsiga guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaliya Saciid Maxamuud Nuur (Mukambe) oo uu ku yahay mucaarad xoog leh. Waxaa dhici karta in go’aanka xiriirka K/cagta ee berri la sugayo inuu noqdo in guud ahaan kooxda Dekadaha laga tir-tiro liiska kooxaha xiriirka u diiwangashan ee 25 kooxood. Faarax Blue fblue@hiiraan.com http://www.hiiraan.com/news/2011/Jan/wararka_maanta28-12358.htm
-
Not this time. Scissorman will be no more, you just watch. He def has overstayed his welcome.
-
lol... I think it is goodbye Mr. Scissorman, not hello President Butterknife!
-
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ah! *(pressing repeat button)* Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een. Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano. Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre. -
Deeq lacageed oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaskii ku xoolo beelay abaarta ka jirta gobolka Hiiraan Jimco, 28, January, 2011 (HOL) Maalmihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan waxaa ay ka cabanayeen Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan goballka gaar ahaan dhulka miiga fog ah oo ay ku nool yihiin dadka xoola dhaqatada ah. Sidaa daraadeed waxaa deeq lacageed oo dhan ilaa $ 2032 doolar oo ay soo direen Gabdha Jaaliyada Demarka ee ka soo jeeda goballka Hiiraan la gaarsiiyay qoysas ku xoolo beelay Abaarta ka jirta goballka. Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokori ayaa ka mid deegaannada inta badan deeqdu ay gaartay, waxaana xusid mudan in dhamaan qoysaska lacagta helay oo ahaayeen kuwo baad iyo biyo la'aan uga soo barakacay Tuulooyinkii ay markii hore ku noolaayeen iyaga oo soo maciin biday Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokor oo ay dul saar ku yihiin qoysas iyguba la daalaa dhacaya xaaladaha noleed ee ka jira goballka. Sidoo kale waxaa deeqadan qeyb ka mid ah la gaarsiiyay dad xoolo dhaqato ahaa ku nool Tuulooyin hoostaga degmada Buula-burte, iyada oo guud ahaan dadka deeqda la gaarsiiyayna ay dhamaayeen ku dhawaad 100 qoys oo dhamaatood ahaan dadkii saameyntu ay ku reebtay abaarta ka jirta goballka. Qoysaska helay deeqda laceeg ayaa uga mahad celiyay Gabdhaha Jaaliyada Denmarka kaalmada ay soo gaarsiiyeen, iyaga oo ka codsaday in sii wadaan kaalmada ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan goballka. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyn, Soomaaliya
-
Jimco, 28 January 2011 (HOL)- Wiil dhalinyaro ah ayaa geeriyooday, mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac kaddib markii ay Miino ku qaraxday goob ay ku ciyaarayeen Dhalinyaro tiro badan. Dhalinyaradan oo Kubbadda Cagta ku ciyaarayay Garoon ku yaala Xaafadda Sheedaha ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa, ayay ku qaraxday Miino, waxaana halkaa ku naf-baxay Allaha u naxariistee Marxuum Mubaarik Mawliid Ismaaciil oo da’diisu ahayd 16 jir, halka uu dhawaac culusi ka soo gaadhay Farxaan Ibraahim Maxamed oo 18 jira ah. Wararka la xidhiidha arrintan ayaa sheegay in Miinada uu Xashiish dhexdiisa dhigay Nin ay dhalinyaradu sheegeen in ay arkayeen marka uu dhigayay, taas oo keentay in ay isku dayeen in ay soo eegaan, isla markaana mid ka mid ahi soo qaaday. Hase ahaatee, iyaga oo aan si wacan u aqoonsan in ay Miino tahay uu mid ka mid ahi garaacay, taas oo keentay inay Qaraxdo. Wiilka ku dhaawacmay qaraxa oo lagu macaabo Farxaan Ibraahim Maxamed ayaa lagu dawaynayaa mid ka mida cisbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay ee Magaalada Hargeysa. Inkasta oo ay Somaliland ka hawl-galaan Hay’ado sheega inay ka shaqeeyaan ururinta waxyaabaha qarxa, haddana maaha markii u horraysay ee Miino ku qaraxdo dadweynaha ku dhaqan Somaliland. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
-
Somalia Official Urges Somaliland to Help Stabilization of South
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Sidee Somaliland looga arkay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaano ay wada-hadal la gasho Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Jimco, 28 January 2011 (HOL)- Afkaaro kala geddisan ayaa ka soo yeeray Xisbiyada, Xukuumadda iyo Aqoonyahanka kala duwan ee Somaliland tan iyo intii uu Masuul ka tirsan Xukuumadda Axmed-Siilaanyo uu sheegay in aqoonsi ay hesho Somaliland uu ku xidhan yahay Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. Saamaynta kala duwan ee dhawaaqa ka soo yeedhay masuulka ka tirsan Xukuumaddu ku yeeshay dadweynaha ku dhaqan Somaliland iyo Siyaasiyiinta, ayay siyaabo kala duwan u arkeen dhinacyada kala duwan ee Bulshada Somaliland. Dhawaaqii Masuulka: Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif) oo ah Agaasimaha Maamulka yio Lacagta ee Komishanka la-dagaallanka HIV/AIDS, isla markaana ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka ee KULMIYE, ayaa toddobaadkan sheegay war nuxurkiisu ahaa in aqoonsi ay Somaliland hesho ay ku xidhan tahay Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. Aragtida Mucaaradka: Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa qoraal uu ku saxeexnaa Afhayeenka Xisbigaas Xasan Xuseen Codyare, waxa lagu dedafeeyay dhawaaqa ka soo yeedhay Mr. Xinnif. Qoraalkaas oo dheeraa ayaa nuxurkiisu ahaa dhaleecayn ay u jeediyeen masuulkaas iyo hadalka ka soo yeedhay. “Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay,” ayaa lagu yidhi Qoraalkaas, waxaanay ku tilmaameen dhawaaqaas mid ay soo maleegeen dad ay sheegeen inay Somaliland ka horjeedaa, isla markaana loo adeegsanayo dad u dhashay Somaliland. “Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar-jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday” ayaa lagu yidhi. Aragtida Aqoonyahanka: Dhawaaqa la xidhiidha goonni-isu-taagga Somaliland ee ka soo yeedhay Agaasimahan ka tirsan Guddida la-dagaallanka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa HOL ay wax ka waydiisay dhinacyada kala duwan ee Bulshada. “Meeshii shirar lagu qabanayo iyo halkii lagu shirayaba maaha in la cabsado oo la baqdo, waa in la bandhigo xaqiiqda Somaliland ka jirta. Waa in aan sas laga qaadin Soomaaliya iyo Soomaaliba,” sidaa waxa yidhi Prof. Cabdixakiim Yuusuf Kheyre oo ka mid ah Aqoonyahanka wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Somaliland. Waxaanu ku baaqay in Shirweyne loo qabto dib-u-heshiisiinta Soomaalida oo ka dhaca Somaliland, laguna dhiso Dawlad ay Somaliland wada-hadal yeeshaan oo cago adag ku taagan ay ka dhawdahay in aqoonsi la waydiisto Dawlad lagu soo dhigay dalka dibeddiisa. “Afrika laba dal ayaa ku guulaystay inay gooni isku taagaan, waa Ereteriya iyo Sudan, labadaba waxa raalli ka ahaa dawladaha ay ka go’een. Dawlad ay Somaliland Shir u qabatay oo lagu dhisay, ayaynu ka heli karnaa aqoonsi. Markaynu dhisno Soomaaliya, ayaynu wax heli karnaa, yaynaan ka baqin inaynu hadal la yeelano. Dawlad Caalam soo dhisay ma heli karo, mid ay iyadu samaysay, oo aynu taageerno.” Ayuu hadalkiisa ku yidhi Cabdikaxiim Yuusuf Kheyre. Gebogebo: Inkasta oo aanu la xidhiidhnay La-taliyaha arrimaha Ictiraaf –raadinta uu dhawaan u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, horena u ahaa Murashaxii Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan iyo sidoo kale Wasiirrada ay arrintani khusayso ee Xukuumadda Somaliland, haddana noomay suurtogelin in aanu helno. Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland