Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. sniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Urur Gobolkeedka IGAD, ayaa go'aano ay kasoo saareen shir ay xalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiy, waxay ku xuseen in marka uu dhammaado xilliga dowladda Soomaaliya oo dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2001, muddada loo kordhiyo baarlamaanka Soomaaliya, arrimaha kalena loo daayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo shirka ka qaybgalay ayaa halkaas ka jeediyay hadal ku aadan xaaladda Soomaaliya, isagoo codsaday in gacan laga siiyo dowladda uu hoggaamiyo sidii ay u hanan lahayd ammaanka dalka. Shirka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: madaxweynayaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Kenya Mwai Kibaki, madaxweyne ku xigeenka Uganda Gilbert Bukenya, xoghayaha guud ee IGAD Maxbuur Macallin, ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Jerry Rawlings iyo u qaybsanaha Midowga Afrika ee dib u heshiisiinta iyo nabadda Soomaaliya Kipruto Arap Kirwa. Urur goboleedka IGAD, wuxuu ku boorriyay xukuumadda Soomaaliya inay xoogga saarto sidii ay u meel-marin lahayd howsha hortaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin qorista iyo dhaqangelinta dastuurka, fidinta awoodda dowladda iyo qodobbo kale. Sidoo kale, hoggaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ayaa laga codsaday inay dib boorka uga jafaan heshiiskii ay bishii Maarso ee sannadkii hore ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Goluhu, wuxuu kaloo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wanaajiso xiriirka kala dhexeeya maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland, si aanay deegaannadaas nabadda ah ugu fidin xooggaga hubeysan ee ka dagaalamaya qaybaha kale ee Soomaaliya. Sidoo kale, urur goboleedka IGAD wuxuu caalamka ka codsaday in kordhiyo tirada ciidammada AMISOM, sidoo kalena xayiraad la saaro garoommada iyo dekedaha ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda keliya ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya. Baaqa IGAD, ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in dhaqaale iyo qalab ciidan lagu taageero ciidammada dowlada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, si ay ugu suurogasho inay sugaan ammaanka Muqdisho, ayna ilaaliyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirka, go'aammadan laga soo saaray ayaa socday muddo 10-saacadood ka badan, iyadoo xubnaha kasoo qaybgalay ay isku afgaran waayeen qodobbadii ay uga hadlayeen shirka, kuwaasoo ku saabsanaa dowladda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaysan jirin cid ku geeriyootay ,isla markaana ku dhaawacantay,waxaana lala eegtay gaariga ku simaha xeer-ilaaliyaha gobolka Bari Dhame Bashiir Ismaaciil Axmed oo loo yaqaan Hoobaleey. Waxaa la sheegay in qaraxan uu ahaa nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay agagaarka Xalwo Kismaayo oo ku taala bartamaha magaalada Bosaaso. "Sida aan warbixinta ku hayno ma jirto cid ku geeriyootay qaraxan waan uu bad-baaday masuulka lala beegsaday "ayuu yiri taliyaha saldhiga bartamaha Bashiir Cabaase oo HOL u waramay. Gaariga ayaa khasaaraha ugu badan ee qaraxu uu gaaray ,waxaana la sheegay in xiligaas ay wada socdeen taliayaha qaybta baarista danbiyada gobolka Bari Siciid Sheekh Maxamuud iyo ku simaha xeer-ilaaliyaha. Qaar ka mid ah ciidamada amniga ee degmada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ,iyaga oo rasaas ku kala cayriyay tiro dad ah oo kusoo xoomay goobta uu qaraxani ka dhacay. "Baaritaan lagu daba joogo dadkii arintan dhigay ayaa soconaya, marka waa in laga qayb qaataa amniga gobolka "ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha saldhiga bartamaha. Ugu danbayntii, magaalada Bosaaso ayaa labadii bilood ee ugu danbeeyay aaney ka dhicin wax qarax ah ,waana qaraxii ugu horeeyay oo masuul dowlada ka tirsan lala beegsado tan iyo bilowga sanadkan cusub. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Somaaliya
  3. Xisbi loogu magacdaray Dimuqraadiyada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo Muqdisho looga dhawaaqay sniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Xisbi cusub oo lagu magacaabo, Barnaamijka Dimuqraadiyadda iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa (Somali Anti-corruption and Democracy Initiative), ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in qorshe howleedkiisu uu yahay mid looga hortagayo musuqmaasuqa ka taagan Soomaaliya. Xisbigan, ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, xildhibaan Farxaan Cali Maxamuud, isagoo sheegay in muddo lix bilood gudadhood ah uu kusoo dhisi doono xubnaha xisbigan, sidoo kalena uu kusoo diyaarin doono xeerarka shaqo ee barnaamijkan. "Waxaan la dagaalamaynaa, musuqmaasuqa ka taagan Soomaaliya. Runtiina waxaa markhaati u ah musuqmaasuqa dalka ka jira, in Soomaaliya ay sannad walba kaalinta koowaad ka gasho dalalka uu musuqmaasuqu hareeyay," ayuu yiri mudane Faraxaan. Mudanuhu, wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeadoodu aysan ahayn mid ay dano gaar ah ka leeyihiin, balse ay ugu talogaleen inay si sharci ah wax u saxaan, iyagoo kaashanaya cid walba oo kasoo horjeeda musuqmaasuqa iyo wax isdaba-marinta. "Dhibaatada dalkeenna ka jirta, ma ahan mid eersanaysa madfaca dhacaya, balse madfaca waxaa sababay musuqmaasuqa, waayo cid walba oo mas'uul noqota sidii ay doonto ayay awoodda dalka ugu takri fashaa, waana taas midda dhalisay dhibka maanta taagan," ayuu yiri xildhibaan Farxaan. Sidoo kale xildhibaanku, wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya, si loo saxo khaladaadka jira, isagoo xusay inay la shaqeyn doonaan dhammaan hay'adaha kala duwan ee dowladda, sida baarlamaanka, kuwa sharciga. "Barnaamijkaan, waa mid aan uga hortagayno musuqmaasuqa. Waxaan ku talo-jirnaa inaan sameyno qorshe howleed shan sano illaa toban sano ah oo wax looga qabanayo musuqmaasuqa Soomaaliya ka jira," ayuu mudane Farxaan ka sheegay hadal uu ka jeediyay furintaankii xisbigan cusub. Xaflada furitaanka, waxaa kasoo qaybgalay xildhibaano ay ka mid ahaayeen Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo horay u soo noqday wasiirka difaaca Soomaaliya, Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Cabdi xaashi C/llaahi iyo xubno kale oo isugu jiray, bulshada rayidka, fanaaniin, aqoonyahanno iyo marti-sharaf lagu casuumay xafladda. Wasiirkii hore ee warfaafinta DKMG ah, wuxuu sheegay inay u kaashan doonaan la dagaalanka musuqmaasuqa bulshada rayidka ah, isagoo xusay in habka ay raaci doonaan uu yahay mid sharciyeed, balse aysan jiri doonin inay meel cidlo ah qof ka eedeeyaan. "Sababta, aan xisbigan ugu dhawaaqnay waa inaan u dagaalano in dalka uu ka baxo musuqmaasuqa, sidoo kalena uu qof walba oo Soomaali ah uu helo xuquuqdiisa guud iyo middiisa gaarka ah," ayuu yiri xildhibaan Farxaan. Gabagabadii khudbaddiisa, oo ahayd tii ugu dheereyd ee laga jeediyo xafladii lagu furay xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay, ayuu ku sheegay inay xoogga saari doonaan in madaxda dalka loogula xisaatami lahaa howlahooda, si kutakri-fal awoodeed iyo mid dhaqaale ay meesha uga baxdo. Beesha Calaamka, shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha wuxuu ka codsaday inay ka geystan gancan sidii uu barnaamijkan ku guuleysan lahaa, isagoo sheegay in hadafka ugu dambeeya ee ay higsanayaan uu yahay in dalka lagu hago dimuqraadiyad iyo cadaalad. Xildhibaannadii kulanka, kasoo qaybgalay oo iyaguna hadallo ka jeediyay xaflada ayaa waxay soo dhaweeyeen xisbiga, iyagoo sheegay inay ku garab-taagan yihiin xildhibaan Farxaan, iyagoo ka codsaday xildhibaanka, inuu qorshaha ku darsado, sidii uu uga hadli lahaa musuqmaasuqa caalamku ku hayo dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Ra'iisul wasaare Farmaajo oo aqbalay guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo dhawaan la magacaabay Isniin, 31 Janaayo, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta aqbalay guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo uu dhawaan soo magacowday wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka. Guddigan, oo ka kooban 20-xubnood, ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay mudane Ibraahim Xabeeb Nuur, waxaana xubnaha ugu cad-cad ka mid ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Soomaaliya. "Guddiga gurmadka abaaraha, waxaan ugu talogalnay inay soo ururiyaan xogta ku saabsan dhibaatooyinka ay abaaruhu geysteen iyo inay dhaqaale lagu taageero uga raadiyaan caalamka," ayuu ka yiri wasiirka arrimaha gudaha C/shakuur Xasan Faarax xafladdii guddigan lagu ogolaaday. Wasiirku, wuxuu sheegay in guddigan, looga baahan yahay inay qiimeyn kusoo sameeyaan waxyeellada ay abaaruhu geysteen, ayna markaas kaddib qorshey u sameeyaan sidii ay ay gargaarka u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaguna ka hadlay xaflada, ayaa sheegay inuu guddigan aqbalay, wuxuuna hay'adda WFP, u jeediyay eedeyn ah inay ka gaabisay inay dadka abaaruhu sameeeyeen ay gargaar siiso. "Dalka dhibaatooyin badan ayaa ka jira, waxaana la qisaayasaa in 2.5-milyan oo qof ay khatar ugu jiraan inay xoolahooda iyo naftooda ku waayaan abaarta taagan, horay ayaana caalamka qaylo dhaan u gaarsiinnay," ayuu yiri Ra'iisul wasaare Farmaajo. Wuxuu, sidoo kale sheegay in hay'adda WFP, aysan sidii laga rabay gargaar u gaarsiin dadka ku dhibaateysan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, balse ay hadda u dirayaan farriin, taasoo ah inay sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ku gaarsiiso dadka dhibaateysan. "Waxay ahayd, inay mar hore keenaan gargaar, waayo waxaan aragnaa calaamado muujinaya in abaartu ay aad u nugleysay dadka ku nool gobollada Soomaaliya oo dhan," ayuu yiri Farmaajo. Mudane Ibaahim Xabeen Nuur, ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo 48-saac gudahood ah, ay kusoo gudbin doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  5. Khasaare ka dhashay Dagaal dhexmaray Somaliland iyo SCC Isniin, 31 January 2011 (HOL)- Sagaal qof ayaa dhintay, toddoba kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, kaddib markii uu dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo SCC. Dagaalkan oo ka dhacay agagaarka deegaanka Kalsaale ee bariga Burco, ayaa ka bilowday deegaano ku dhaw deegaanka Kalshaale oo ay hore ugu dagaallameen laba Beelood oo walaalo ah oo halkaa wada degaa. Walow dhinac ka mid ah labada dhinac uu dhinaca kale ku eedeeyay masuuliyadda dagaalka, haddana ma jiraan warar si madax bannaan u xaqiijinaya xaqiiqada dagaalkan. “Ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Kal-shaale iyo Maygaagle ayaa laba kor joogto oo ka kala tirsan labada beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle oo is -rasaaseeyay kala dhex galay, kadibna ciidanka qaranka ayaa ciidamadii beesha Buuhodle ee fadhiyay Hagoogane weerar ku soo qaaday, dhimasho badana u geystay, ilaa hadda intaanu ognahayna waxa dhinacan ka dhintay todoba qof afar qof oo dhaawac ahna magaalada (Buuhoodle) ayaa la keenay,”sidaa waxa Wargeyska Haatuf Khadka telefoonka ugu sheegay afhayeenka SSC Cabdirisaaq X Bakayle. Dhinaca kale, mar aanu isku daynay inaanu xog ka helno dhinaca Xukuumadda Somaliland, noomay suurtogelin in aanu helno masuuliyiinta ay khusayso. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
  6. "Paper" ha ahaato ama yeysan ahaan, paper ma haysataan idinka? waa maya soo ma ahan. lol...oohinta soo paper la'aanta ma keenin? Dhibaato wadan aan soo marin wuu yaryahay, just look at Angola, Rwanda, and Liberia awoowe! marka, I'm hopeful intey nafta igu jirto. The blue and white will never disappear. Waan gaareynaa meeshaan rabno, waana ka baxeynaa situation-ka aan ku jirno InshaAllah. Soomaliya Ha Noolaato!
  7. Tababar lagu xoojinayay doorka haweenka ee nabadda iyo dib u heshiisiinta oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Axad, 30 Janaayo, 2011 (HOL) – Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Saxafi maanta lagu qabtay tababar ku saabsan doorka ay haweenku ka qaadan karan nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaana ka qeyb-galay ururrada haweenka Soomaaliyeed, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo marti sharaf kale. Siminaarkan, oo ay kasoo qayb-galeen 130 haween ah, oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa ugu horreyntii furay guddoomiyaha hay'addda UYS Ciise Xasan Diinax, oo sheegay in siminaarkan uu yahay qaybta labaad ee loo qabto haweenka, kaasoo kor loogu qaadayo doorka ay haweenku ka qaadan karaan nabadda iyo dib u heshiisiinta. Mr. Ciise, wuxuu ka codsaday ka qaybgalayaashii inay muddo hal daqiiqo ah xusaan haweenkii ku geeriyooday dhibaatooyinkii dalka ka dhacay labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo qaarkood dhintay iyagoo ku jiray howlo dalka lagu horumarinayo. Sidoo kale, Diinax wuxuu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in loo guntado sidii dadkaasi loogu gurman lahaa, isagoo xusuusiyay in haweenku door muuqda kasoo qaataan xoreyntii dalka oo ay dahabkoodii iibiyeen, haatanna la joogo xilligii ay ka qaybqaadan lahaayeen sidii loo samata bixin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira. Xubnihii, halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Raxma Daahir Maxamed oo u mahadcelisay hay'adda UYS ee soo qabanqaabisay siminaarka haweenka ka kala yimid qaybaha bulshada, waxayna ku boorisay haweenkii tababarka ka qaybqaatay inay u sii gudbiyaan bulshada ay ka yimaadeen waxyaabihii ay kororsadaan. Sidoo kale, waxaa hadashay xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise, xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad, Luul Warsame, Xaawo-kiin Cali Maxamed, Cafoon Wehliye Siyaad, Faadumo Axmed Geeddi, kuwaasoo dhammaantood sheegay in haweenku ay yihiin kuwa maanta samata-bixin kara shacabka dhibaateysan. Waxay sidoo kale, sheegeen in haweenku ay yihiin kuwa ka hortegi kara dhibaatooyinka dalka ka dhacaya iyo caruurta dagaallada loo adeegsanayo, waxaana haweenkii tababarka ka qaybgalay loogu baaqay inay sanduuq dhaqaale ururin ah furan, si dhaqaalaha kusoo dhaca loogu gargaaro dadka ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  8. Don't you want the "International community" to recognize you? Bottom line awoowe...No Aqoonsi for you and calaacal is not going to turn you into Dinkas...lol...
  9. Peddling “Cynicism” will Never Help Somalia! Clearly, the performance of the Transitional Federal Government (TFG) of Technocrats has disappointed those who had hope for a fundamental change and held dear the revival of the “Somali Republic” on a sustainable foundation. The TFG of Technocrats has created more problems and distresses rather than confidence, accountability and hopeful future. I ask: what technocrats in the world, even with “super natural” capabilities, could institute in 2 months fundamental changes and revive a country with 20 years of the worst anarchy? The new technocrat-led TFG couldn’t be any more different than its predecessors. For example, in 2 months of its existence, this new TFG has paid its soldiers each month. To me, that is a big achievement! Another example is the difference between the numbers of ministerial posts. The TFG before the current technocrat-led had 39 posts, where as this one has reduced posts to 18. Isn’t that a change for the better? Tangible confidence-building takes time, especially under the disastrous circumstance Somali has been for 2 decades. The 2 good examples above are themselves in part-laying of the foundation for confidence-building. Then, Mr. Uluso goes on lecturing about what is expected of “technocrats” in world conventional wisdom. He writes: Conventional wisdom tells us that Technocrats possess not only the knowledge and skills needed to understand the principles, interests and norms controlling the international relations and politics, but also have the capacity to critically evaluate domestic problems, perceptions and realities, which took root in Somalia in the past half century of abuse of state power, civil war, foreign intervention and religious conflict. After taking stock of the past record of failures and unfulfilled dreams, they were expected to formulate a different vision, strategies and tactics. Ah, yes! Let me agree with Mr. Uluso with all his points above, but there is nothing there which states or suggests technocrats should possess and waive a “magic wand” over festered 20 years of national mayhem and make it disappear in 2 months! There is nowhere in his article where he mentions the magnitude of the problem these technocrats face. No sympathy at all for these young and educated Somalis, who left families and good careers behind in the U.S. and elsewhere and risked everything for serving country and people. Amazing! Mr. Uluso is right about the importance of a sound “vision” for any Somali administration to have to reverse the bleak situation. His conclusion of no vision with the technocrats in Mogadishu, however, is not supported by facts on the ground. For instance, it must take a sound vision and its implementation to make the new government not easily prone to corruption, which plagued the old TFG. Again, it is by vision that the president and prime minister and his cabinet are all on the same page. That is why I challenge Mr. Uluso to show any report which alleges any corruption, the usual with past TFG top leaders, of the new government! Moreover, show us any hint, Mr. Uluso, of a report about infighting between the executive branches of the President Sheikh Sharif and the Prime minster Farmajo and his cabinet. There are none, whatsoever. On the contrary, they seem to be working like hand and glove! Once more, it takes vision to professionalize the army by meeting the soldiers’ needs first. If the primary task of the new government is to restore security by dealing the armed opposition, then this infant new government (only 2 months old) has done some concrete headways in that regard. Just few months before last Ramadan, Al-Shabaab forces were threatening to takeover Villa Somalia. There were panic-stricken urgent calls from TFG officials for neighboring countries to intervene. Al-Shabaab is no longer few doorsteps from the Presidential Palace, as Mr. Uluso so erroneously states in his article. Their so boastfully advertised Ramadan offensive ended up in total failure by the hands of TFG soldiers (unpaid then) backed by AMISOM troops. Another one of Mr. Uluso’s difficulties is his mixing technocrat-led TFG and TFG Parliament, which is not led by technocrats. Sharif Sakin, as far as I know, has never been a technocrat academically or by real life experience. He never claimed to be one. Nor anyone called him the T–word. The man was a “truck-driver,” who never finished high school! Why blame the technocrats for Sakin and the parliament he runs (both existed pre-technocrats). Also, Sharif Sakin putting roadblocks on Farmajo’s and cabinet nominations, which did not succeed, was not the fault of technocrats. In fact, such actions by the “Sakin,” of resisting prime minister and cabinet nominations, was a proof of the change which technocrats represented—of which Sharif Sakin, with his old corrupt ways of doing business, would not readily approve. After all, Sharif Sakin had his own candidate for prime minister in mind. When he did not get his way or torpedo the new prime minster, he tried to kick dust with cabinet nominations! This is old news, anyway. Uluso further writes: TFG is not a legal political entity at local and international level. It’s roadblock to constructive dialogue among Somalis. The Western Media asserts daily that Somalia has no functioning government since 1991. Yet, it is one of the forces that contribute to the misery and depredation of the Somali people. On the political legality, locally or internationally, of the TFG, I can only state facts. One, the TFG is the only recognized Somali government by international law. That is why the world deals with the TFG. Organizations like the African Union (AU) would not have sent troops to an illegal entity. TFG may not be an effective political entity (at least not yet), which is different from legal, but it is legal alright! Two, as for the TFG not being a legal political entity locally (meaning inside Somalia), that is ridiculous to even mention, for obvious reasons. Finally, Mr. Uluso reveals his true color as a typical fadhi ku dirrir (fighter-in-sitting ). He concludes: Legitimate Somali leaders should assume the responsibility to debate on the future of Somalia. Internal dialogue is key to a change of fortune in Somalia. A compact among Somalis combined with compact between Somalis and the IC is the way forward. The debate over TFG and Draft Constitution is distraction from the real problems of Somalia. Well, I say to my brother Mr. Uluso this: brother, if you have any Cojones, like the technocrats, go to Mogadishu and face the Music. What Somalia needs is not an endless debate, as you are calling for. It desperately needs action. It needs people like you to risk everything and stand before the problem, live! If you are not willing to go to Mogadishu and stare, eyeball to eyeball, the difficulties, then the least you should do is not trade in the stock market of unjustifiable, counterproductive cynicism! That will never help Somalia an iota! Abdul-Aziz Mohammed Somam23@wowway.com
  10. Pirate- la-dirir kaan ilaa hadda waxay ka qabtaan xeebaheena lama oga, they are the real pirates. Maxay ilaaliyaan? maalin walba kuwo malnutrition haayo ayaa markab iska furta. Yaa noo maqan?
  11. LOL... macalin dugsi maba la oga power-ka uu leeyahay.
  12. Do you agree with him? btw, macalin dugsi madexweyne ayey noqon karaan, ma ogi hadduu warkaas ku soo gaarey or not. lol
  13. He is the best indeed! don't forget that Tarzan visited Garowe and Galkacyo. p.s. maanta "ololaha hebelow landerska halaga jijibiyo" miyaa? lol...
  14. The Zack;691572 wrote: LOOOL Somalina. So you and I both disagree with this thread's title of Garowe mayor being the best mayor in Somalia, huh? lol...yes of course. Tarzan just opened a kawaan (fish), c'mon now....
  15. lol...nah! Tarzan is a great Governor and a Mayor. He is so great he's got two titles.
  16. No Aqoonsi for you. Read my signature carefully awoowe. lol
  17. Che -Guevara;691497 wrote: ^Sharif has three wives not four as reported by Somalina. I think you are confusing me with Dayniile. Ha i nabsanin.