Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Mas'uul sheegay in qaar ka mid ah askartii ka dambeeyay dhacdadii dadka lagu dilay ee Isbitaal Banaadir la xiray Khamiis, 03 Feberaayo, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka DKMG ah, G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ka hadlay dhacadii ay dadka badan ku dhinteen ee Isniintii todobaadkan ka dhacday illinka hore ee isbitaal Banaadir, ayaa sheegay in la qabtay qaar ka mid ah askartii ku lugta lahaa, lana horkeeni doono sharciga. "Cid walba oo lug ku yeelata dhacadaaas, waxaa sharciga ayaa lala tiigsan doonaa, iyadoo aan loo eegayn darajada ay leedahay iyo xilka ay dowladda ka hayso," ayuu yiri G/dhexe Xasan Muun-gaab. Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada, wuxuu sheegay in askarta lasoo xiray lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen ciidammada nabadsugidda DKMG ah iyo kuwa booliiska, ayna weli socdaan baaritaanno ku aaddan sidii lagu soo qaban lahaa inta harsan. "Askartii fallkaas ka dambeysay qaarkood waxay ku jiraan xabsiga dhexe, dhawaan ayaana maxkamad la horkeeni doono, waxaana lagu fulin doonaan wixii uu sharcigu ku xukumo," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidammada. "Sharci ayaan ku shaqeynaa, waana dhammaatay xilligii qofka awoodda leh ama darajo ahaan sarreya laga leexan jiray, midka jilicsanna sharciga lala tiigsan jiray, cid walba oo dhacdadan lug ku yeelata waa la maxkamadeyn doonaa, si isku mid ah ayaana loola dhaqmi doonaa," ayuu yiri G/dhexe Muun-gaab. Guddoomiyuhu, wuxuu dowladda ka codsaday inay u saarto baaritaanka arrintan guddi ka badan kuwa hadda loo saaray, si dhacdadan loogu sameeyo baaris culus, loona ogaado halka rasmi ahaan laga soo abaabulay. Hadalka mas'uulkan, ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu guddi wasiiro ah u saaray baarista falkan oo ay ku dhinteen 17-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 50-qof. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka oo Ka Dooday Arimo Kala Duwan Waxaa maanta shir isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyadoo looga dooday shirka qodobo badan. Ugu horeyntii golaha Wasiiradu waxay ka doodeen Qormo ay soo gudbiyeen guddi heer wasiiro ah oo horay loogu xil saaray kuna saabsan Hab-raaca marxaladda kala guurka ah iyo qorshe howleedka dowladda iyo sida ugu haboon ee goleyaasha Dastuuriga ah ee qaranka uga gudbi karaan marxaladda dhamaadka waqtiga dowladda Federaalka KMG ah ee ku eg bisha Augost 2011 dood dheer kadib, goluhu wuxuu isku raacay in dib loogu soo celiyo muddo yar gudaheed. Golaha Wasiirada waxaa kale oo ay maanta ka doodeen dib u habeynta Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradadaha, waxaana la soo hor dhigay 4 musharax oo u tartamayay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, dood dheer kadib waxay isku raaceen in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda loo magacaabo Drs. Marwo Amina Sheekh Cismaan oo aheyd Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda laga soo bilaabo 2006 illaa xilligan, bare macalin-na ka ah Kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho. Golaha Wasiirada waxay ka hadleen shilkii ka dhacday isgoyska Baanadir arrintaas oo dood kadib loo xil saaray Guddi heer Wasiiro ah oo qaban qaabiya sidii dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ee aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin loogu qaadi lahaa dalka Jabuuti si loogu soo daweeyo, iyadoo sidoo kalena ay dowladdu taakuleyn doonto dadka dhaawacyada fudud qaba kuwo dhintayna waxay u direen tacsi iyagoo sheegay in fiiro gaar ah loo yeelan doono. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo golihiisa Wasiirada ayaa mahadnaq ballaaran u jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Dowladdiisa iyo shacbiga aan walaalaha nahay ee Reer Jabuuti oo mar waliba walaalahooda Jahmuuriyadda Soomaaliya la garab taagan hiil iyo hooba aan kala go’a laheyn. Afhayeenka Xukuumada Mudane Cabdi Xaaji Gobdon
  3. Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Cambaareyey Dagaalkii Kalshaale Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Sool iyo Ceyn ayaa si aad ah u canbaareeyay dagaalkii dhowaan deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dad degaanka. Cabdi Maxamed Cali oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ee kasoo jeeda deegaanada Sool,Sanaag iyo Ceyn oo u waramayay Horseed Media ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi inay Somaliland ku doonayso inay isaga horkeento beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaanka Kalshaale oo uu sheegay inay yihiin dad walaalo ah oo wax walba ay ka dhaxayso. ”…Inta Calanka buluuga ah ee Soomaaliya ay saaranyihiin way ka xunyihiin maleeshiyada kooxda goosashada ama burburinta qaranka Soomaaliya,waxayna gaysteen xasuuq si ay isaga horkeenaan beelaha walaalaha ah ee wada dega Buuhoodle iyo Burco…”,ayuu yiri Xildhibaanka. Arintaan ayuu ku tilmaamay Xildhibaanka inay salka ku hayso kadib markii ay shacabka degaanka Buuhoodle ay diideen inay ka go’aan Soomaaliya isagoona si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inuu uu barakicinayo dadka dega gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn ayna dadka deegaanadaasi ay si nabad ah ay ugu dhexnoolaadaan. Waxaana Xildhibaanka sidoo kale uu sheegay in dhibaatooyinka soo noqnoqday ee u dhaxeeya beelaha dega magaalooyinka Burco iyo Buuhoodle in loo baahanyahay inay qaab wadahadal ay ku dhameeyaan. Dhowaan ayay ahayd markii degaanka Kalshaale ay Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland soo weerareen,iyadoo weerarkaas uu ka dhashey khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Horseed Media
  4. Waxaaba ka daran 100ka (approx) hadda isa soo xaadirisey. Where were they before? yaab. Awoowe, 7million xaggeed ka keentey?
  5. Children at Work Child labor practices in Africa by Anne Kielland and Maurizia Tovo ---- African Soccerscapes How a continent changed the World's game by the great Peter Alegi
  6. Xildhibaannada Soomaaliya oo ansixiyay in muddo saddex sano ah lagu kordhiyo jirtaanka baarlamaanka Khamiis, 03 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in muddada jirtaanka baarlamaanka lagu kordhiyo saddex sano, kaddib markii ay kulan ku yeesheen xaruntooda Muqdisho. Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay 435-xildhibaan, iyadoo intiisa badan looga dooday kordhinta muddada uu shaqeynayo baarlamaanka, marka uu xilliga xukuumaddu dhammaado bisha Ogoosto ee sannadkan. "Waxaan ku talinaynaa, in muddada baarlamaanka lagu daro saddex sano oo ka billaabaynaysa 22, Ogoosto 2011, kuna eg 22, Ogoosto 2014. Muddadaas inta lagu jirana uu baarlamaanku ka shaqeeyo sidii lagu soo dooran lahaa guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo madaxweynaha," ayuu yiri Maxamed Nuur Sheego, oo ku hadlayay afka xubnihii qabay in xilliga baarlamaanka la kordhiyo. Sidoo kale, intii uu kulanku socday ayaa waxaa laga aqriyay mooshin la sheegay inay soo diyaariyeen 429-mudane, kaasoo lagu codsaday in isbadal lagu sameeyo qodobka 32-aad ee xeerka baarlamaanka oo dhigaya in baarlamaanka uu shaqeeyo toddoba sano, lagu soo koobo saddex sano. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, ayaa cod geliyay in baarlamaanka jiraankiisa lagu kordhiyo saddex sano iyo in kale, waxaana muddo kordhinta sadexda sano ogolaatay 421-xildhibaan. "Kulanka waxaa soo xaadiray 435-mudane, waxaana ansixiyay in saddex sano lagu kordhiyo xilliga baarlamaanka 421-xildhibaan, 11-mudane waa diideen, waxaana ka aamusay saddex mudane," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka. Shariif Xasan, ayaa intii uusan kulanka soo xirin wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay kulammada kasoo qaybgaleen, isagoo xusay in xilidhibaankii aan kulammada kasoo qaybgelin muddo laba bilood ah, xilka laga qaadayo, cid kale oo loo magacaabayana aysan jiri doonin. Xilli kordhinta baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan IGAD iyo ururka Midowga Afrika ay isku raaceen in xilliga baarlamaanka la kordhiyo, halka arrimaha xukumadda loo daayo shacabka Soomaaliyeed. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  7. Hay’adda samafalke ee Kafaalo Waxaa guud ahaan Soomaaliya soo foodsaray abaar baaxad wayn oo daran. Abaartaan oo saamaysay dadka iyo xoolahaba. Abaarahaan ayaa dhashay kaddib markii la waayay roobkii da’i jiray xiliga Deyrta. Dadka u dhuun duleela cilmiga abaaraha iyo waaxo kamida Qaramada Midoobay waxay saadaalinayaan in abaaruhu saamayn ku yeelan karaan ilaa 2.4 malyan oo qof. Qaar kamida warbaahinta aduunka waxay soo gudbiyeen dad badan inay usoo qaxeen magaalooyinka waa wayn iyo in xoolo badana la’deen. Haddaba Hay’adda samafalke ee Kafaalo waxay khayrfalayaasha Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in ay u istaagtay waxkaqabadka baahidaas oo ugu yaraan 300 ilaa 600 qoys aan kala gaarno biyo dhaamis iyo raashinka qaybihiisa muhiimka. Sidaa awgeed waxaan ku boorinaynaa khayrfalayaasha Soomaliyeed in ay walaalohooda dhibaataysan caawiyaan, waana tii xaddiska Nebigu (scw) ahaa : ”Qofkii ka fayda qof kale oo Muslmn ah dhib ka mid ah dhibaayooyinka aduunka, Alle ayaa ka faydaya mushkilad ka mid ah mushkilaadka Qiyaamaha” . Sidee uga qayb qaadan kartaa? Waxaa lagu taageeri karaa qoyska ka kooban lix ruux fuusto biyo ah, 25kg bur, 25kg bariisa, 2.5 timir ah, 3.5 saliid ah iyo 2.5kg caano coast ah, waxayna isku noqon kartaa 700 kr ama $100 ama waxaad awoodo ayaad bixin kartaa. Kontooyinka Kafaalo: Norway- Postbanken: 0539 4647804 Sweden- Swedbank: 8327-9,904 132 956-7 Denmark- Danske Bank: 1551- 3719190960 Tlf: 004721646815 ama 004721646816 Tlf: 0046(0)850383272 - Sweden Tlf: 004546990984 -Denmark Tel: 0044(0)2080991471 - UK
  8. Wednesday, February 02, 2011 NAIROBI, Feb. 2 (Xinhua) -- Prolonged conflict and instability have largely impacted on the mental and psychological well-being of the Somali people, the UN health agency said on Wednesday. According to the World Health Organization (WHO), one in three Somalis has been affected by some kind of mental illness, a prevalence which is higher than in other low-income and war-torn countries. To have a better understanding of the mental health services within the country, WHO in Somalia produced a mental health situation analysis. The document groups all crucial information on mental health in Somalia and is the result of a participatory process, which has engaged stakeholders through desk review work, group discussions, data collection, and consultative meetings both done in Somalia and at Nairobi level. "Taking care of mental health patients shows the communities that mental illnesses can be treated effectively, without stigmatizing the patients," said Dr Marthe Everard, WHO Representative for Somalia. "Mental health is still seen as an isolated sector but should be integrated into primary health care. Interventions are not too difficult or costly, but the area is rather lacking resources and infrastructure." Many Somali's have experienced beating, torture, rape or have been injured for life. Others witnessed horrific violence against family or friends. Many Somalis with mental illness are socially isolated and vulnerable. The pain of this isolation is felt intensely because Somali culture is traditionally communal and family oriented. "After two decades of conflict and fighting, this mental health situation analysis comes at the right time," said Mark Bowden, UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia. "The human rights of the persons with mental disorders and of their families cannot be neglected. We need to empower them to change the stigmatized image of mental illness, which is contaminated with images of violence, sin and laziness." The Somali health authorities are committed to the cause. Source: Xinhua
  9. Xaji hoos hoos ayuu noo jecelyahay, "la'aanteen waa abaar" ayuu ku digriyaa marwalba. lol@guulwade...awoowe waa self made "mujaahid" see camal. Aniga I like awoowe, waa shactaroole weyn.
  10. I just hit my 3000th post (hence waan duuley). I want to thank Siilanyo, Xaji, and finally the best for last, you, yes you JB! Thank you SomaliLand!
  11. Awoowe wuxuu yiri I will wave the blue and white (except for May 18) from now on. You are Somali by nationality dee markaa (lets ignore your birth certificate for now, specifically the part that says Ethiopia).
  12. Reer Koonfureed and Koonfurians, SOL ayaan ka bartey among other words. Waan duuley wallee!
  13. All day everyday! party over here, party over there, party everywhere! Viva SSC!
  14. Have you seen Aaliyyah? she might be on there... He is president? hogaamiye=president? just wondering...
  15. The Zack;692454 wrote: Somalina, marka danbe waxaa soo socota Somaliland inspired the US to go to the moon LOL. lol@Zack... I'm still laughing. It just keeps getting funnier by the day.
  16. The Channel Island of Sark has been recognised for the quality of its night sky by the International Dark-sky Association (IDA), who have designated it the world’s first dark sky island, the latest in a select group of dark sky places around the world. Sark has no public street lighting, there are no paved roads and cars, so it does not suffer from the effects of light pollution in the same way as towns and cities do. This means that the night sky is very dark, with the Milky Way stretching from horizon to horizon, meteors streaking overhead, and countless stars on display. The announcement was hailed as a great success by astronomers. Prof Roger Davies, president of the Royal Astronomical Society, said: “This is a great achievement for Sark. People around the world are become increasingly fascinated by astronomy as we discover more about our universe, and the creation of the world’s first dark sky island in the British Isles can only help to increase that appetite. I hope this leads to many more people experiencing the wonders of a truly dark sky”. The award follows a long process of community consultation, which included the assessment of the sky darkness and an audit of all the external lights on Sark. A comprehensive lighting management plan was created by Jim Patterson of the Institute of Lighting Engineers, and many local residents and businesses have altered their lighting to make them more dark sky friendly, ensuring that as little light as possible spills upwards where it can drown out starlight. The government of Sark, the Chief Pleas, were supportive from the start. Conseilleur Paul Williams, chair of the Agriculture Committee, which oversees environmental matters, said: “Sark becoming the world’s first dark sky island is a tremendous feather in our environmental cap, which can only enhance our appeal. Sark is a wonderful island and this recognition will bring our uniqueness and beauty to a wider audience.” This designation means that Sark joins the select group of international sites chosen for their dark skies, including Galloway Forest Dark Sky Park, which became Europe’s first International Dark Sky Park in November 2009. Steve Owens, the dark sky development officer who led Sark’s application to the IDA, recognises the benefits that this might have for the community on Sark: “This is an ideal opportunity to bring stargazers to the island throughout the year, and I think that Sark is about to see a boom in astro-tourism, especially in the winter months. We’ve seen a surge of public interest in astronomy in recent years, with the International Year of Astronomy in 2009 and more recently with the success of BBC Stargazing Live, and it’s great that places like Sark and Galloway Forest Dark Sky Park are allowing people from towns and cities to come and experience a dark sky”. Sark follows in the footsteps of Galloway Forest Dark Sky Park which, when designated in November 2009 became the first of its kind in the UK. Other places in the UK look to follow Sark in their dark sky preservation efforts, Several other UK parks are following suit, including Exmoor National Park, Loch Lomond and the Trossachs National Park, and the Peak District National Park.
  17. wyre;692159 wrote: Kabo noocan baan ka xidhaa aniga:D Coffee shop-yada KSA laga sheekeeyo maa la martaa? haddii ay saas tahay is ilaali baan ku iri. Dumarka xataa laba nooc bas ayey haayaan, why? dumarka kabo ma xirtaan miyaa? xabashidaan suuqa ayaan ka saareynaa mardhow, i sug wax yar!
  18. My fav group. Jooqle jooqle! AUN intii dhimatey.