Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Adiga yaa wax ku weydiinaayo horta aa ka horeyso. Coffee shopkaan ogaa ayaad ka qaraabataa adigoo kabahii aan arkey wata. ------ Human Rights Watch Sees Saudi Arabia Suppressing Rights of Millions RUSSELS, Jan 24, 2011 (AFP) -- Saudi Arabia suppresses or fails to protect the rights of millions of women, foreign workers and Shiites, and reforms have so far been largely symbolic, Human Rights Watch (HRW) said on Monday (24 January). “Authorities continue to systematically suppress or fail to protect the rights of nine million Saudi women and girls, eight million foreign workers, and some two million Shiite citizens,” HRW said in its annual report for 2010. And “each year, thousands of people receive unfair trials or are subject to arbitrary detention,” said the report released in Brussels. It listed individual curbs on freedoms affecting residents, particularly on women, whose ability to work, marry, study or travel lies in the hands of male guardians. The group criticised the kingdom`s failure to fulfill a 2009 pledge to the UN Human Rights Council to end the male guardianship system, saying human rights remained poor in Saudi Arabia. “Reforms to date have involved largely symbolic steps to improve the visibility of women and marginally expand freedom of expression,” the New York-based group said. It cited one case of a court refusing to remove as guardian the father of a medical doctor in her 40s after her father refused to let her marry and had confiscated her income. The doctor now lives in a women`s shelter. Another woman, Sawsan Salim, was sentenced to 300 lashes and 18 months prison for appearing in court without a male guardian, it added. “The government has not yet set a minimum legal age for marriage, but in June issued new marriage contracts noting the bride`s age,” the report said, adding that one newspaper reported a divorced father marrying off his daughter, 12, for 80,000 riyals (21,300 dollars) because his ex-wife had gained custody. “Asian embassies report thousands of complaints each year from domestic workers forced to work 15-20 hours a day, seven days a week, and denied their salaries,” the report said. “Domestic workers frequently endure forced confinement, food deprivation and severe psychological, physical, and sexual abuse,” HRW said, adding that 8.3 million migrant workers legally live in Saudi Arabia. Shiites in the kingdom are also a target of discrimination, it said. “Official discrimination against Shiites encompasses religious practices, education, and the justice system. Government officials exclude Shiites from certain public jobs and policy questions and publicly disparage their faith.”
-
Serenity makes a great point. That $600 dirac can feed 6 families ($100 per family of 6) for a whole month. Viva AA!
-
SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ra’iisul wasaare Farmaajo oo ku baaqay joojinta dagaalka Kalshaale Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soconaya deegaanka Kalshaale WARSAXAAFADEED Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dagaalada ay dhiiga badani ku daadateen ee ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay degaanka lagu magacaabo Kalshaale kuwaasoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barokac. Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku dagaalamaya degaankaasi Kalshaale inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka aan macnaha ku fadhiyin isla markaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku xalistaan khilaafaadkooda, sida looga bartay. Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaa loogu baaqayaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada. “Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so -
SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Dibadbax looga soo horjeedo dagaalka Kalshaale oo ka dhacay..... Caabudwaaq: (Sh. M. Network) Banaanbax looga soo horjeeday dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanka Kalshaale ee degmada Buuhoodle ayaa maanta boqolaal qof waxaa ay ka dhigeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Banaanbaxaani oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka ku nool degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa looga soo horjeeday dagaalada Kalshaale, waxaana lagu dalbanayay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalkaasi islamarkaana loo turo shacabka lagu dul dagaalamayo. Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo markii uu soo gaba gaboobay banaanbaxaasi la hadlay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay doonayaan in si walaaltinimo ah loo joojiyo dagaalada ka socda Kalshaale, iyagoo si gooni ah ugu maaqay Madaxweyne Siilaanyo in uu ka joojiyo ciidamada uu ku sii hurinayo dagaalada halkaasi ka socda. Haweenkaani ayaa ka dalbaday haweenka kale ee ku nool deegaanada Puntland iyo Somaliland in ay sameeyaan banaanbaxyo la mid ah midka ay maanta ka dhigeen degmada Caabudwaaq ee ay ku diidanyihiin dagaalka ka socda Kalshaale si ay uga qeyb qaataan daminta xiisadaha ka taagan deegaankaasi. Banaanbaxa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gobolada dalka Soomaaliya oo lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday Kalshaale. -
AYOUB;693669 wrote: Oki let's compromise Somalina and say; Somaliland inspires Abkhazia too. Lets shake on it (don't worry about the AS rule, I'm in dawlada side lol).
-
He only said that cuz Georgia got there first (contacted Somalia) lol... I hope you can see clearly now that the rain is gone.
-
Xildhibaan Shariif Maxamed "Kama daaleyno inaan gacan siino Ardayda waxbaraneysa" Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku aaday Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Shariif Qullateen oo kuyaala Degmada Shangaani. Iskuulkani uu maanta Booqday Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Oday dhaqameedyo iyo sidoo kale Maamulka DKMG ah ee Degmada Shangaani oo katirsan Gobolka Banaadir. Soo dhaweynta ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Shangaani Ibraahim Maxamed Mukhtaar (Babaay) isaga oo sheegay in xildhibaan Shariif Maxamed sayidii ay si aad ah ugu mahadcelinayaan isla markaasina ay ku amaanayaan kaalinta wanaagsan ee uu kaga jiro bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay hawlaha samafal ee mar waliba uu u qabto Shacabkiisa. Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta Xildhibaan Caamir Axmed Maxamed (Shakeeti) oo sheegay in ay Xildhibaankooda ahna walaalkooda si diiran u soo dhaweynayaan kuna amaanayaan kaalinta lama ilaabaanka ah ee uu ka qaato mar waliba taakuleynta dadka dhibaateysan iyo u gargaarida dhibaneyaasha. Waxa uu ku amaanay kaalinta uu ka geystay socoshada hawlaha Iskuulka Shariif Qullateen ee Degmada Shangaani iyo dhiiragelinta Mar waliba uu u sameeyo Ardayda wax ka barata Iskuulka. Waxa uu dhaliilay Xildhibaan Caamir Hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo kuwa Gudaha dalka ka shaqeeya intaba isaga oo xusay in dhowr jeer hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u geeyeen waraaqo codsiyo badan ah si iskuulka socoshadiisa gacan looga geysto laakiin aysan hal mar xittaa u soo jawaabin. Xildhibaan Caamir sidoo kale waxa uu ku dhaliilay Hey'adaha Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay in iskuulka intii la furay xittaa marna aysan kormeer ku imaanin in ay taakuleeyaan iskaba daayee isaga oo arrintaasina ku tilmaamay wax aad looga xumaado. Iskuulka maalgelintiisa iyo socodsiinta hawlihiisa ayuu sheegay in ay gacan weyn ka geystaan Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid iyo sidoo kale Jaaliyadaha Banaadiriga ee dibadaha kudhaqan maadaama hey'adihii wabarashada ee ay isku haleynayeen ay wax ka waayeen maadaama iskuulka uu yahay waxbarashadiisa mid lacag la'aan ah. Intaasi kadib waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo sheegay in iskuulka Kormeerka uu kuyimid aysan u aheyn markii ugu horeysay isla markaasina si aad ah uu ugu mahadcelinayo Maamulka Degmada Shangaani iyo Guud ahaan Mas'uuliyiinta suuragelisay in iskuulka uu sii shaqeeyo. Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid waxa uu tibaaxay in marnaba uusan ka daali doonin dhiiragelinta dhinaca waxbarashada wixii awoodiisa ahna uusan la hari doonin oo uu horey u sii wadi doono maadaama ardaydu ay yihiin mustaqbalka Dalka Soomaaliya. Xildhibaan Shariif sidoo kale waxa uu sheegay in xilligani oo wadanka uu kujiro xaalad aad u dhib badan gaar ahaan da'yarta Soomaaliyeed ay heysato Dhibaatooyin aad u xoogan ladoonayo in si aad ah loogu dadaalo sidii ay wax u baran lahaayeen maadaama maskaxdooda ay weli fresh tahay maadaama dalka uu kajiro da'yar fara badan oo maskaxda laga badalayo. Ugu dambeyntii waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Iskuulka Shariif Qullateen ee Degmada Shangaani, wuxuuna halkaasi hadiyado kala duwan uu ku guddoonsiiyay ardayda Iskuulka iyo sidoo kale macallimiinta taasi oo ay maamulka Iskuulka iyo macallimiintooda oo ay u dheertahay ardayda ay si aad ah ugu farxeen. Gabagabadii waxaa hadlay Maamulaha Iskuulka Mudane Cusmaan oo ammaan ballaaran u soo jeediyay Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid kuna amaanay kaalinta muuqata ee uu uga jiro Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka taakuleynta Bulshada Soomaaliyeed. Kormeerka inta uu ku guda jiray Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid ayaa waxaa ku wehliyay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Obo, Duqa Culumada Beesha Aala-faqiih Maxamed Bin Cali (Uunsane), Guddoomiyaaha Degmada shangaani Mudane Babaay iyo Mas'uuliyin kale. Booqashada uu maanta Xildhibaan Shariif ku aaday Iskuulkani kuyaalla Degmada Shangaani ayaa qeyb ka ah hawlo indho indheyn oo arrimaha Samafalka ku aadan oo Xildhibaankani uu kawado maalmahani magaalada Muqdisho.
-
In other words, "Somalia inspires Georgia".
-
SSC Rebels Attack Somaliland Military Base at Kalshaale
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Maamulada Puntland iyo Somaliland oo isku khilaafsan dagaallada Kalshaale iyo labada dhinac oo is eedeeyay Talaado, 8, Feberaayo, 2011 (HOL)-Wasiirka kalluumaysiga Puntland Inj. Maxamed Saalax Aadan oo maanta la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale, isaga oo ku sugan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. "Khasaaraha ka dhashay dagaalka waxa uu ahaa mid badan ,balse waxaa jira dad la dawaynayo oo ciidamada Somaliland ay xasuuqeen "ayuu yiri wasiirka oo dhinacyo badan ka hadlay. Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay difaacayso gobolkeeda hadii aysan Somaliland fara galinta ka dayn ,isagoo oo wax laga xumaado ku tilmaamay odayaal uu sheegay in deegaanada dagaalladu ay ka dhaceen lagu laayay. "Waxaa muqadas ah in Puntland ay difaacdo dhulkeeda ,balse kuuma sheegi karo in aan dagaal galayno "ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Saalax Aadan. Wasiirka ayaa sheegay in booqashada ay ku yimaadeen Buuhoodle ay tahay mid ay ku qiimnaynaan khasaaraha ka dhashay dagaalladii Kalshaale iyo abaaraha si biyo dhaamin loo sameeyo. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta isna la hadlay BBC-da ayaa ugu baaqay Puntland in ay fara galinta ka joojiso dagaallada ka soconaya Kalshaale. "Puntland hadii aysan faragalinta joojin uma dulqaadan doono oo waan iska dhicin doonaa "ayuu yiri wasiirka oo ay ka muuqatay caro aad u daran oo la xiriirta dagaallada halkaasi ka dhacay. Ugu danbayntii maaamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iminka qarka u saaran in ay ku dagaalamaan halkaasi,waxaana isa soo taraya cabsida dagaallo mar kale ka qarxa goobihii shalay lagu dagaallamay. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya -
Somalia Prime Minister’s speech - the University of Rome 3 20.Jan.2011 'Governance and Development of Institutional Capacity-Building in Somalia' Introduction. It is a privilege to address you all at this esteemed faculty. Thank you Professor Annarita Puglielli, I am honoured to be invited as a guest speaker by this prestigious University. I am pleased that your University is conducting studies on Somali Language and cultural projects. I hope to see qualified support for your endeavour by Italian general public and by the Italian Government. The relationship between Somalia and Italy is long and fascinating. But we are all of a new gener-ation and perhaps our tendency is to look back at those colonial days with a mixture of anxiety and fondness. Somalis are proud of their connection with Italy and whilst it is the unavoidable truth that our country has descended to ruin, and that much of the Italian legacy has been destroyed, from these ruins, with your help once again, we can rise and re-form a strong and forward thinking nation. We could spend the whole of this time today looking back through history trying to determine the causes of our problems, but the truth is that the solutions lie in the here and now. We are now almost exactly 20 years since the overthrow of Said Barre, and the perceived starting point for our current troubles. In that time Somalia has been wracked by anarchy and chaos. Almost every Somali has been hurt, physically or emotionally. There is no one who has not been affected. Our people are exhausted and desperate. Poverty, fighting and chaos are exhausting. Our people are surviving on wits and raw courage. Mogadishu is not a pretty sight, but I can say to you that there is a glimmer of hope. For out of those ruins emerge stories of heroism and people simply determined not to be defeated . I see a city trying to burst into life and it is that which inspires me to help.
-
Febraayo 7, 2011 Magaalada Bristol ee dalka UK ayaa noqotay magaaladii ugu horre-ysay ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed u qabta xaflad ay ku dhiirigelinayaan, isla markaana ay dhaqaale ugu ururinayaan. Habeenkii hore oo aheyd habeen ay bilow u aheyd in shacabku garab istaago ciidamada xooga dalka ayaa waxaa soo buux dhaafiyey halkii ay kadhaceysay xaflada ee shacab soomaaliyeed iyadoo ay sidoo kale fadhiyeen masuuliyiin katirsan DKM ee Soomaaliya iyad-oo uu kusoo dhaweyey furitaankii barnaamijka Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida ku dhaqan Bristol Mudane Cabdi Macow. Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo ah Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ayaa goobjoog ahaa. Intaa kadib waxaa isna lagu soo dhaweeyey Afayeenka Ahlu Sunna waljamaaca´Mudane Maxamed Abuukar Xuseen oo looyaqaan Awliyo Dadweyne isagoo ugu horeynba sheegay in caawa dad bad-an ay isweydiinayaan in masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Culumaaudiinka Ahlusunna ay barnaamij mida kwada qeyb qaadanayaan isagoo shegay in Ciidamada Xooga dalka yihiin mid aan qofna u adeegin dalka waardiyihiisana ah wuxuuna soo qaatay dalalka Masar iyo Tunisa oo uu shegay in Ciidamadooda Milataroga ay bad baadiyeen halka buu sheegay in Ciidamadii Xooga Dalka ee dalkeenu lahaa ay kala direen kuwa uu sheegay in maalin lala xisaamtami doono. Awliyo ayaa kadib halkaa katiriyey Sugaan aad loola qiirooday kuwaa oo sara ukicisay dareenkii shacabkii madasha fadhiyey suugaantaa oo midi dhaanta aheyd kuna saab saneyd ciidanka xooga dalka oo uu afayeenku u alifay halka mida kale ay ku beegneyd alshabaab oo harsi iyo hoyaad udiidan umada soomaaliyeed isagoo amaan iyo bogaadin usoo jeediyey gudaga soo abaabulay ee jaaliyada soomalida Bristol oo uu ku tilmaamay in ay daah fureen kudayasho wanaagsan. Barnaamijka lagu tageerayo Ciidamada xooga Dalka ayaa waxaa qadka taleefanka soogalay Abaan duulaha Ciidamada Xooga Dalka oo isago aad ugu qiirooday Fikirkan isagoo sheegay in intii abaa-bushay ay lamid yihiin Sadax iyo tobankii leegada wuxuuna usheegay Dhaga badan in caawa uu ugu bishaareynayo Reer Bristol in Ciidan Xoogan ay dhisan yihiin dhawana indhahooda ay wax ku arkidoonaan iyadoo Sacab uu is qabsaday guud ahaan madasha barnaamijka Tageerada uu kas-ocday wuxuuna sheegay Abaanduuluhu in Ciidamada qalabka sida aysan cidna rabin in uu dhismo wuxuuna sheegay intan dhisan Ciidamada Xooga Dalka uu yahay qofka u istaagay Madaxweyne DKMG Shiiq Shariif. Kasoo qeybgalayasha oo iyagu shucuur wadaniyadeed ay kamuuqatay ayaa udhag raaricinayey qudbooyinka masuuliyiinka kala duwan iyadoo markaa kadib lagu soo dhaweeyey lataliyaha Raiisulwasaraha xaga warfaainta iyo isgaarsiinta Mudane Injineer Yariisow oo isagu sacab lagu soo dhaweeyey isagoo halkaa kajeediyey qudbad uu kaga hadlaayey sida ay ugu dhabar adeegeyso DKMG in ay xaaladan adag dalka kasaarto, wuxuu kaloo sheegay in uu isagu yahay reer ingiriiska talaabadana ay farxad u tahay in ay ay bilaabaan isagoo sheegay in uu xalay uu soo gaaray dalkan isla markiibana lagu wargaliyey barnaamijkan kadibna usoo socdaalay in uu kaqeybgalo,Injireen Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sidoo kale sheegay hadii ay yihiin DKMG in waxna ay ka guul gaareen waxna ay udhiman yihiin dowladana tahay mid in ay miradhaliso uheelan. Injireen Yariisow oo dhowr jago wasiir oo kala duwan kasoo qabtay Xukuumadii Cumar Cabdi ras´-hiid ayaa hadalka kusoo dhaweeyey Raiisul wasaare Maxamed Farmaajo oo isagu qadka taleefanka ku jiray kasoo mar qura ay is badashay shucuurta kasooqeybgalayasha oo aan fileyn in munaasa-badan tabarucaadka Ciidamada Xooga Dalka uu qadka talefanka kagasoo qeybgalo Raiisulwasare farmaajo waxaana lagu soo dhaweeyey sacab iyo mashxarad isagoo ku bilaabay mahad naq uu umahadcelinaayo shacabka dhageysanaya wuxuuna raiisulwasaare ku tilmaamay kuwa soo abaa-bulay howshan kuwa ay tariiqda xusi doonto isagoo ku dheraaday in wadaniyadii laheli karo soom-aalidana ay tahay dad fir fircoon waxkastana kagaara halka ugu danbeysay hadey ahaan laheyd ayuu yiri ganacsi aqoon xitaa qabiilka ayu yiri sidaa la`ajligeed wadaniyada hadii lagu duwo ayuu yiri waxey kagaarayaan halka ugu danbeysay. Raiisulwasaare Farmaajo ayaa sheegay in dalkeenu leeyahay qeyraad kala duwan loona baahan yahay in qofwalbaa uguntado sidii xaaladan adag looga saarilahaa loogana baahan yahay ayuu yiri in la`isku duubmo sidii aan dhibkan uga bixi laheyn wuxuuna sheegay in wagii hore ciidamada kii dhaawacma ama dhinta beshiisa ay duugan jirtay ama daaweyn jirtay lakiin maanta migudbay ayuu yiri waxaana meel saarnay intaas in aan qabano isagoo sheegay in ay ku howlan yihiin in ay must-aqbalka soo celiyaan xarumihii agoonta iyo meelihii waxbarashada, waxana hadalka raiisulwasar-aha laga dareemayey in uu aad ugu qiirooday sida wadaniyada leh ee shacabka soomaliyeed ay isugu yimaadeen una tabarucayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadan tabarucaadka ciidamada xooga dalka ayaa waxaa kahadlay dadyow kala duwan kuwaas oo ay ku jireen saraakiil ciidamada xooga dalka katirsanaan jiray sida Kornel Maxamed Adan oo hadala qiira badan kajediyey,waxaa xaflada kaga muuqanayey caruur sidata caagag ay ku uru-urinayaan tabarucaadka Ciidamada Xooga Dalka waxaana ay talaabadan noqoneysaa mid albaabka ufureysa in gud ahaan soomalida qurbaha joogta ay ku daydaan soomalida ku dhaqan Bristol oo iyagu isku xilqaamay in ay lacag u uruuriyaan Ciidamada Xooga dalka oo ubaahan shacabka soom-aaliyeed si ay uhantaan Ciideena cadowgu bahala galeenka kadhigtay. Xafiiska Muqdisho ee cisaleey.com iyo wararkii ugu danbeeyay
-
Xukuumada Siilaanyo oo u diiday in la soo booqdo Boqor Raabi oo xidhan xukun la’aan maalintii 18aad Written by Qaran news Feb 07, 2011 at 05:44 PM Hargeysa (Qaran news)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo kamid ah Madaxdhaqameedka Magaca ku leh Somaliland kana soo jeeda gobolka Hargeysa ayaa maalintii 18aad ku xidhan xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeyn. Boqor Raabi oo Maalintii Khamiistii ee 20-kii bishii aynu soo dhaafnay Ciidamadda boolisku u taxaabeen xabsiga isagoo ku sugan gurigiisa ayaan ilaa hadda wax Maxkamad ah la horgeyn isla markaana laga mamnuucay in Caa’iladiisa iyo dadka kaleba ku booqdaan Xabsiga. Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) oo warbaahinta la hadlay wax yar kadib markii xabsiga loo taxaabay Boqor Raabi ayaa xadhigiisa u nisbeeyay warar saxaafada lagu baahiyay oo uu sheegay in Boqorku wax kaga sheegay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu wax ugu dhimay Maamuuska (Immunity) uu Qaranku huwiyay, hase yeeshee war intaas ka faahfaahsan oo kusaabsan xadhiga Boqor Raabi Xukuumada kama soo bixin. Dhinaca kale Xadhiga Boqorka ayaa isla maalmahaasba sababay Mudaharaad ay shacabka Koonfurta Hargeysa ee uu boqorku ka soo jeedo kaga gadoodeen xadhiga bilaa sababta ah ee lagula kacayo Madax dhaqameedka, sidoo kale ilo wareedyo ku dhawdhaw xukuumadda ayaa Shabakadda Togaherer.com u sheegau in Aqoon yahanka iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha Boqorku ka soo jeedo ay waanwaan la gaeeny Madaxtooyadda iyada oo shir albaabadu u xidhan yihiin oo la yeesheen Madaxweynaha kaga dalbaday in si dhakhso ah Kiiska loo haysto Boqor Raabi loo hor keeno Maxkamad ama Xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee ilahaasi ma sheegin go’aanka Madaxweynuhu qaatay. “Odayaashu maanta (Sabtidii ayay Madaxweynaha u tagayeen” Sida waxa yidhi Wiil uu dhalay Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo togaherer uga xogwarramay Halka ay marayso waanwaanta Xukuumadda iyo Ergada Boqorku, waxaanu intaa ku daray in aanay ilaa hadda aanay u muuqan wax go’aan ah oo Madaxweynuhu ka qaatay Kiiska Aabihii balse uu ballanqaaday in uu ka hawl galayo. Khaalid Boqor Raabi waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay Xaalada uu ku sugan yahay aabihii iyo Xayiraada lagu soo rogay inJeelka lagu booqdo “ Lama Ogola in loo galoba, jeelkan lama galo ayay yidhaahdeen , marka loo gaynayo cuntada iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay askarta ayaa kaa qabanaysa oo u gaynaysa ee adigu ma geli karaysid.” Ayuu yidhi Khaalid, waxaanu intaa ku daray “awal hore Sabtida iyo khamiista ayaa la ogolaa in la booqdo maxaabiista laakiin hadda waxay yidhaahdeen waa la joojiyay oo looma tegi karo”. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka hadlay Xadhiga Xukuumaddu kula kacday Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, iyo qaabka loola dhaqmayo Dadka ka soo horjeeda siyaasadda xukuumadda oo u muuqda mid sharciga ka baxsan. Wasiir Gaboose waxa uu si indho isku qabad leh uga jawaabay Su’aal laga weydiiyay xadhiga boqor Raabi kaasi oo uu ku marmarsooday in arrintaasi u taallo Hay’addaha Garsoorka oo aanu faro gelin Karin. Wasiirka oo lagu marti qaaday barnaamij Su’aalo lagu waydiiyo masuuliyiinta oo ka baxa Idaacada Codka Maraykanka waxa kale oo uu ka hadlay xaaladaha amaanka dalka iyo dadkii laga soo qabqabtay Burco ee lala xidhiidhinayey Argagixisada. Su’aal kale oo la weydiiyay Wasiirka oo u dhignayd, waxa ray’igiisa lagu xidhay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo Wasiirka Arrmaha Gudaha Dr. Gaboose ka jawaabayay, waxa uu yidhi “Sharcigayagu ma kala laha Boqor iyo Miskiin, Laan-dheere iyo Laan-gaab inaanu Xoriyaadka asaasiga ah u ilaalino Muwaadinka qasabay nagu tahay, isagana waajibaa lagu leeyahay, dalkani hay’addo Garsoor iyo sharcibuu leeyahay, anagu maamul ahaan Garsoorka ma faro galin karno” Sidoo kale Weriye C/shakuur X. Maxamuud Muuse (Heersare) oo kamid ah Suxufiyiinta da’da yar oo Wasiirka weydiiyay sababta xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ay xadhiga iyo cabudhinta ugu abaal gudayso Suxufiyiinta, kuna xukumayso Xeerka ciqaabta guud waxa Dr. Gaboose yidhi “Dimuquraadiyadu jirimayso haddii la waayo Saxaafad xor ah, waxa naga go’an in Saxaafadu noqoto xor, laakiin Suxufigu kama baxsanaa Muwaadiniinta kale ee dunuubta gala, hadduu sharafta iyo karaamada qof kale wax yeelo, muwaadiniinta Xeerarka lagu qaado ayaa lagu qaadayaa, haddaanu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu Saxaafada u haynaa inaanu abaal, Sharaf iyo Cisi aan la ilaabi Karin u hayno Suxufiyiinta, waayo wakhtigii ay adkayd ee Kulmiye tartamayay ee dalkani tirsanayay din u dhaca, Askarigii safka koowaad ku jiray halkuu qoriga ka ridayay, isaguna qalinka ka ridayay Suxufigayaga ayuu ahaa”. Xigasho: Togaherer
-
Soomaliland oo ku hafatay siyaasadii arimaha dibada Written by Jawhar Qalinle Feb 07, 2011 at 06:09 PM Qarannews.com Aan dib idiinku celiyo warbixintii inoo socotay yaanan sidii gaaraa-bildhaanka marba meel ka iftiimine. Wasiirka oo sidaan soo sheegnay aanay shirkan wadamada afrika cidi kusoo marti qaadin oo isagu iskii isku geeyeey adis aba, wuxu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda aduunka ee shirka ka soo qayb gashay nasiib-darro wuu ku guuldaraystay inuu la kulmo hal madaxwayne oo shirkaas ka soo qaybgalay, xataa wuxuu ku guuldaraystay inuu la kulmo madaxwaynihii hore ee soomaliland oo isaga si gaar ah shirka loogu soo marti qaaday , tiraba 4 jeer in kabadan ayaa wasiirka laga celiyay huteelka loo yaqaan Sharatoon ee u daganaa madaxwayne Rayaale, kaas oo ay daganayaayeen dhamaan wufuuda shirka kasoo qaybgashay iyo kuwa sida gaarka ah loogu marti qaadayba . :D
-
Xildhibaan Cawad Axmed Casharo “Ninka ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka waa nin aan dooneyn in Soomaaliya ay dowlad noqoto” Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaylo dhaantii dhawaan ka soo yeertay Beesha Caalamka ee ay ku diidanaayeen kordhisashadii muda saddexda sano ah ee Golaha Baarlamaanka kordhistay, waxa uuna sheegay in Baarlamaanku uu astaan u yahay Dowladnimada Soomaaliya isla markaana qofka ka horimaanaya go’aankaasina uu yahay qof aan dooneyn in Soomaaliya Dowlad noqoto. Cawad Axmed Cashara oo ka hadlayey dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu yiri “Wadamada Deriska nala ah waxaa ka buuxa jeelashooda dad soomaali ah, fiiriya dadka maalin walba ku dhimanaya badaha, saxaraha, jeelasha, iyo kuwa barakacayaasha ah ee qaxootiga ku ah wadamada deriska ah, dhibaatadaas waxaa abuuray beesha caalamka oo aan dooneyn in Soomaaliya ka baxdo dhibaatada”. Xildhibaan Cashara ayaa hadalkaas sii raaciyey “xiligii Caydiid waxaa la go’aansaday in Caydiid laga dhigo hubka balse Mareykanka ayaa diiday, qabqablayaashii dagaalka iyana in hubka laga dhigo waxaa diiday Mareykanka, marka Mareykanku ma rabo in Soomaaliya marnaba ay degto”, waxa uu intaa ku sii daray “Beesha Caalamka iyada ayaa soo jeedisay in Baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550, waxaana u sheegnay in Soomaaliya qaadi Karin 550 Xildhibaan balse sanka ayay naga geliyeen waxayna ujeedadoodu ahayd in Soomaaliya qas ku jirto”. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa markii uu ka hadlayey dhibaatada ay beesha caalamka u gaysatay Soomaaliya waxa indhihiisa ka soo daadatay ilmo, isagoo sheegay in beesha caalamka ballan qaadeen in ay bixinayaan mushaaraadka ciidamada, isagoo sheegay in mudo sanad ah Ciidamada Soomaaliya aysan helin mushaarkooda, sidoo kale waxa uu sheegay in Hay’adda WFP ay keentay cunto dhacday oo uu sheegay in lagu baabi’iyo ummadda Soomaaliya. “Anagu waxaan xoriyad qaadanay 1960-kii ee ma ahan in wax walba naloo yeeriyo, Talyaaniga maanta qaylinaya ee dhaha Baarlamaanka xili dheeraad ah kuma darsan kara waxa uu ahaa kii badaha Soomaaliya suntan ku shubay, isagoo ka faa’iideysanaya dowlad la’aanta Soomaaliya, maanta oo ay Soomaaliya dowlad heshayna waxa uu doonayaa in uu lugta ku dhifto dowladnimada yar ee hadda jirta”. Xildhibaanku waxa uu tusaale u soo qaaday wadanka Kenya oo markii ay qalalaasuhu ka dhaceen ay u soo gurmadeen Mareykanka iyo Yurub iyagoo fulinaya danaha gaarka ah ee ku leeyihiin dalka Kenya, marka waxaan u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed in ay dantooda gartaan una kacaan sida ay maanta qaar ka mid ah wadamada Carabta u kaceen”. Cawad Axmed Cashara mar uu ka hadlayey arrimaha Puntland waxa uu sheegay in Puntland ay weligeed ahayd mid u taagneyd midnimadda Ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxay ka tabanayaan Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka qancin doona Baarlamaanka Soomaaliya ee waa inay u kacaan sidii Soomaaliya ay dhibaatada uga bixi lahayd. Ugu dambeyn Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay midka qura ee ka haray astaankii Qaranka Soomaaliyeed waxa uuna yiri “cidna ka yeeli mayno in Baarlamaanka la kala diro, waayo waxaa laga soo maray dhisitaankiisii dhibaato badan , marka waxaan leeyahay kuwa cabaadayow candhuuftiina dib u liqa”, sidaas oo kale waxaa isna hadlay xildhibaan Suleymaan Maxamed Cali oo isna ku mawqif ahaa Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa waxa uu caddeeyey isla markaana afka ku dhiftay in beesha caalamka aysan dooneyn in Soomaaliya ay dhibaatada ka baxdo isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka tashadaan danahooda. Dhawr beri k ahor ayey ahayd markii IGAD sheegtay in loo baahan yahay in waqtiga loogu daro baarlamaanka DFKMG, waxaa xigey in durbadiiba ay xildhibaanadu waqtiga ku darsadeen 3 sano, waxaa arrintaas dambe kordhisa degdegga ah ka hor yimid beesha caalamka oo ay ka mid tahay Qarammada Midoobey. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
-
Waraysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG… dhageyso Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdishakuur Sh. Xasan oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo aan kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti 22/01/2011, oo socdaal ku yimid dalkaasi, waxa u qabsoomey wasaaradiisa intii uu xilka hayey, waxa ay kaga duwan yahay wasiiraddii hore, hadalada ka soo yeerey maamul goboleedka Putland.
-
Meles Eyes Regional Ports amidst Decentralised Projection of National Economy Prime Minister Meles addresses the MPs at the Parliamentary session held Thursday, February 03, 2011. To his right sit Tewodros Adhanom, minister of Health, and Azeb Mesfin, first lady and MP. Monday, February 07, 2011 Ethiopia will need more regional ports than exclusively depending on the Port of Doraleh because the national economy will not only grow but become decentralised over the coming years, Prime Minister Meles Zenawi told MPs last week. Addressing MPs during his rather irregular question time, Meles said he saw the size of the national economy growing to a staggering number of one trillion Birr over the next five years, 60pc of which is projected to be covered with the national budget. His statement on the morning of Thursday, February 3, 2011, was a reaffirmation of his administration’s determination to continue with fiscal and monetary expansionary policies under the GTP. It is also an indication of a significant growth in exports and imports through the corridor of Ethio-Djibouti, which is currently handling over five million tonnes of inbound and outbound cargoes from Ethiopia. “The Port in Djibouti will not be sufficient for the economic growth in Ethiopia,” Meles told Parliament, in response to a question from Ashebir W. Giorgis (MD), a lone, independent MP, on the prospect of Ethiopia’s use of the Port of Assab. Ethiopia stopped using the port, the nearest one to Ethiopia, when war broke out with Eritrea, in 1998. Assab has remained idle since then, for Eritrea largely uses the Port of Massawa. The regime of President Issayas Afeworki in Eritrea has an “agenda to create havoc in the region,” Meles said, making it unlikely for Ethiopia to turn to Assab for as long as the government in Asmara remains in power. “There are other ports in Kenya and Somalia,” Meles said. “This is truer when the growth trajectory is decentralised from Addis Abeba.” Meles sees regional ports in Berbera, and possibly Zeila, in Somaliland as well as Mombassa in Kenya to serve the southern and eastern parts of the country. He unveiled to Parliament his administration’s plan to start the building of a railway line to a new port under construction in northern Kenya with Chinese financing. There is also a new plan by the Djiboutian government to build a port in Tadjourah, northern Djibouti, the successful completion of which Meles’s administration is keen to see. “Ethiopia is cooperating with Djibouti on the new port of Tadjourah,” Meles told Parliament. “We are working on a railway line to this port.” The Gulf of Tadjourah has historically been a significant outlet to the central part of Ethiopia, entirely handling the trade of Shewa and Aussa, according to historian Richard Pankhurst. Emperor Menelik had used this outlet to import arms and merchandise from his base in Ankober, located 450km (aerial distance) from Tadjourah. Meles believes the use of regional ports is not only justified by Ethiopia’s need to have more outlets to the sea, but also the risk of growing alone in a region of underdevelopment. “We cannot introduce growth all by ourselves in the absence of growth in the region,” he told MPs, of whom 98pc are from his ruling EPRDF. Of the 20 questions forwarded to him in his address of close to two hours, 14 were directed from EPRDFites and most were about inflation as well as the recent measures his administration took in capping prices on consumer goods. EPRDF MPs, such as Genet Abate, Fentaye Wendim, and Atsede Kebede, were all concerned about the viability of the price cap. “Inflation is largely due to shortages of supply,” said Girma Seifu (MP-Forum), the only opposition voice in Parliament. “What is the government doing to address this shortage?” The income of citizens has been depleted due to the devaluation of the Birr against a basket of major currencies, and there are severe constraints on the supply side, issues the administration has failed to address, Girma told the Amharic weekly, Negad Ras, last week. Meles would agree, but partly. Greed among businesses to amass “unjustified profit margins” and structural deficiencies in the competitive nature of the economy had a part in exacerbating inflation, according to Meles. His administration will keep taking measures to control inflation and the increasing cost of living, he said. Though the price cap has come under fierce criticism from businesses and macroeconomic experts, as Ethiopia follows a liberal economic policy, Meles argued the move was taken to strengthen the liberal but regulated market. “There are those who are called market fundamentalists who are always against the involvement of the state in the market,” said Meles in response to Girma’s question about whether Ethiopia’s economic policy regime was still within the bounds of “free market.” “Yet, there is a time when they will do anything necessary, using both their teeth and nails, when their economies are on the verge of collapse. The question should not be whether or not the state intervenes, but to what a degree.” Meles justified the recent intervention in the market as a task that had begun last year, following the legislation of bills on trade registration and consumer protection. “We did not start it this year,” Meles told MPs. “Neither did we start enforcing it for the salary increment. However, we have started enforcing it earlier because of the salary increment. What we are doing is regulating the market before it becomes worse.” Macroeconomic analysts are surprised by his remarks that his administration’s expansionary fiscal and monetary policies have “zero effect” on inflation. “We were able to control inflation,” Meles said. Yet, the month-to-month moving average of the consumer price index (CPI) for December 2010 registered over 14pc, showing that the administration is still not out of the woods. Yet, the Prime Minister takes pride in keeping the budget deficit below the three per cent recommended for the Eurozone economy, despite an increase of 7.5 billion Br to the 77.2 billion Br federal budget Parliament ratified in 2010. Meles pledges to maintain a federal budget deficit of 1.5pc. Macroeconomic pundits are sceptical for the budget deficit calculated without foreign loans and grants is way above the three per cent Meles often quotes. The budget deficit, excluding 15.4 billion Br in grants and loans, is 6.5pc, as revealed in the letter of intent and memorandum of understanding (MoU) that was given to the IMF, in October 2010. It had been signed by Teklewold Atnafu, governor of the National Bank of Ethiopia (NBE), and Sufian Ahmed, minister of Finance and Economic Development (MoFED). Source: Addis Fortune
-
Go for it Mr Ajakis!
-
Reer Xamar waa loo baahanyahay si saa'id ah! welcome to the family of SOL!
-
AUN miskiimiinta! BOB, which uncle I've many? the one in Maputo? or the one formerly known as Sheik Dalxiis? ------- Kenya asked to help smash cartels trafficking Somalis into country Monday, February 07, 2011 In Summary Culprits pocket huge sums of money from the desperate Somalis who are promised jobs and better life in South Africa and US, says ambassador of war-torn country Somalia is seeking Kenya’s assistance to smash cartels that traffic hundreds of desperate Somalis into the country. The cartels, according to Somali ambassador Mohamed Ali Nur, take advantage of the insecurity in the war-torn country to smuggle Somalis into Kenya at hefty fees. Those behind the illegal activity, he said, make huge amounts of money from the Somalis fleeing war after they are promised jobs and a better life in South Africa and the United States. Mr Nur said the culprits also rape the women they attempt to bring into Kenya, adding that so far there were four victims in Nairobi. Investigating cases The embassy is investigating several cases where women were raped and their property stolen, he added. “We have several cases where men, women and children were abandoned in the middle of nowhere,” he said in an interview with the Nation on Monday. “That is why the transitional Somali government is seeking assistance from Kenya so that the people behind this scam can be brought to book.” Last year alone, close to 2,000 Somalis were arrested in several parts of Coast Province, mainly Msambweni, while being ferried by private motorists along Lunga Lunga Road. The bulk of the victims were young Somalis who confirmed to security agencies that they were on their way to South Africa, from where they would move to European countries in search of jobs. The ambassador hinted that he would seek audience with the police to raise the concern of President Sheikh Ahmed’s Transitional Federal Government on the matter. “I am looking forward to getting an appointment with senior police officials in Coast Province to also hear their side of story,” he said. He appealed to the Kenyan Government to release 63 suspected illegal immigrants being held at the Central Police Station in Mombasa, saying the majority were aged 12 and 15. The children and adults, he said, should be taken to refugee camps in Kenya since deporting them would cause a lot of misery as peace was still elusive. Taken to refugee camps “We appeal to the Kenyan Government to release the children who are being held at a Mombasa police station so that they can be taken to refugee camps,” he said. He, however, called on Somalis who intend to travel to Kenya to ensure they had legal documents to avert arrest. Source: Daily Nation
-
Drought alert 2011: unimaginable hunger stalks the Somali's yet again...
Somalina replied to General Duke's topic in General
OIC for urgent help for Somalis affected by famine Monday, February 07, 2011 JEDDAH: The Organisation of Islamic Conference (OIC) has appealed to the OIC member states, international humanitarian organisations and charities to extend a helping hand to the people of Somalia who have been experiencing the worst drought for the past many years. The OIC feared that two million people were affected by the drought and many millions were exposed to the risk of starvation and thirst. It also noted that there was an increase in the number of people displaced by the difficult circumstances and events experienced by Somalia, as well as higher food prices, increase in number of malnourished children, spread of diseases and scarcity of health services. In this context, the OIC declared that it had prepared an urgent humanitarian programme for Somalis costing $2.78 million. About 700,000 people will benefit from the programme while a medical programme will also be directed for the benefit of 0.1 million people. At least 0.8 million people will benefit from potable water distribution programme and livestock care. The OIC urged donors and humanitarian organisations to provide rapid assistance and support for the success of the programmes. Source: Daily Times -
Whateva JB and JB said. :D:D Waa ka soo horjeedaa go'aanka xil kororsiga laakiinse jawaabta xildhibaada kasoo jeeda PL for Farole's admin ayaan ka helay. ------------- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Puntland aysan ka hadli karin go’aannada xukuumadda KMG ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Puntland aysan ka hadli karin go’aannada xukuumadda KMG ah Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland oo ka jawaabayay hadalkii maamulka Puntland uu ku cambaareeyay go’aankii baarlamaanka uu ku kororsaday xilligiisa shaqo, ayaa sheegay in Puntland aysan awood u lahayn inay ka hadasho arrimaha dowladda Soomaaliya. “Cambaareynta Puntland ee ku saabsanayd kororsiga baarlamaanka waa mid laga xumaado, xaqna uma lahan inay ka hadasho arrimaha dowladda Soomaaliya, maadaama ay horay u sheegtay inay kalsoonidii kala laabtayay,” ayuu yiri xildhibaan C/fitaax Rashiid oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland. Mudane Rashiid wuxuu sheegay inxildhibaannada baarlamaanku ay xaq u leeyihiin inay kororsadaan xilligooda shaqo, ciddii ka hadashana ay u arkayaan inay tahay cid aan doonayn madaxbannaanida iyo sharafta dalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiintooda. Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya oo aan weli ku dhawaaqin inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa maalin ka hor waxay soo saartay qoraal ay ku cambaareynayso muddada saddexda sano ah ee xildhibaannada baarlamaanku ay u codeeyeen inay ku darsadeen waqtigooda shaqo. “Waxaan uga baahannahay Puntland inay caddeysto mowqifkeeda, yeelatana meel loo raaco, taasoo ku aaddan inay weli ka mid tahay dowladda Soomaaliya iyo inay ka baxday,” ayuu yiri xildhibaan Rashiid, isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya aysan wadahadallo la furayn Puntland inta ay mowqifkeeda ka caddeynayso. Hadalka mudanahan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore ay xildhibaannada baarlamaanku saddex sano ku darsadeen xilliga ay shaqeynayaan, taasoo caalamka intiisa badan uu diidmo ka keenay, balse ay xildhibaannadu ku adkeysanayaan in arrintaas ay tahay mid sharciga waafaqsan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya ------- Abwaan kuwa denygareynaayo iney xukuumad jirto waa cadawga Soomaliya safka ugu horeeya ku jira (PL, AS iyo the likes of odey Culusow) marka kuwa supportgareynaayo maxaad jawaab uga raadineysaa. An AS supporter ayaa ka hadlaaya qaranimo iyo rights of others. What a joke!
-
Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaantay dagaallada ka dhacaya Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn. Isniin, February 07, 2011(HOL): Warsaxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Xafiiska warfaafinta ee Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay dagaallo ka bilowday deegaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn. Warsaxaafadeedkan ayay Xukuumadda ku sheegtay in uusan dagaalkaas wax macno ah lahayn, isla markaana ay ku boorrineyso dhinacyada uu u dhaxeeyo in ay joojiyaan, ayna ka wada xaajoodaan sidii caadadu ahayd waxyaabaha dhaliyay dagaalkan ka dhex bilowday. “Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaan ku boorineynaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya. “Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu lagu gunaanaday warsaxaafadeedkan. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so