Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. koley maanta xaalku waa cad yahay. Mr Waraabe ayaa si fiican u faahfaahiyey.
  2. Arbaco, 09 Feberaayo, 2011 (HOL) – Kooxo dablay hubaysan ah ayaa maanta bartamaha Bosaaso ku toogtay gudoomiyahii degmada Gal-Gala Cali Maxamed Gurxan meel ku dhow Hotel Nakhiil,isaga oo aysan cidna wehlin. "Dilka dadkii fuliyay waxa ay ahaayeen dablay hubaysan markii dilka uu dhacayna waxa ay ku dhax carareen xaafada ay falka ka gaysteen "ayuu yiri Maxamed oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu dilka ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa soo gaaray goobta ,waxaana ay halkaa ka samayeen howlgalo la sheegay in ay dhowr qof ku kaxaysteen,kuwaasi oo lala xiriirinayo arintii meesha ka dhacday. Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka masuulka lagu dhex toogtay Bosaaso,isagoo sheegay inay socdaan baaritaano lagu daba joogo dilkaasi. Marxuumka la dilay ayaa maydkiisa loo soo qaaday cisbitalka Bosaaso ,waxaana ilaa iyo hada aan la ogayn cida sida rasmiga ah uga danbaysa falka lagu toogtay gudoomiyahaasi. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta cisbitalka ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka xabadaha looga dhuftay meelo halis ah ,taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo. Amniga magaalada Bosaaso ayaa ahaa maalmihii ugu danbaysay mid soo xumaanayay ,waxaana dilkii kan ka horeeyay loo gaystay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaan jiray ciidamadii Gal-Gala ka soo dagaallamay ee puntland ka soo horjeeday. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya ---------- AUN.
  3. lol...Taleexi... I'm sure his campaign manager reads SOL (No, it is not me). I believe the prof is on his way to Africa. Abwaan, haddii billion dollar waa lagu siinaa ley dhaho xataa uma socdo. Ajakis ama Warfaa waaye sheekada hadda. lol
  4. wyre;693817 wrote: Nina halkeed Iga aragtay waa cajiibe:D (aniga cid isbaaro iima dhigan, JB'na ima bully-gareynin looooooooool, xamar caddey xeebteedaan u xiisay:D) ... "soo dhawoow" miyaa kugu adkaatey inaad ku tiraahdo walaasheen MG (Xamar baby)?
  5. Abwaan;693811 wrote: lol@abti don't be suprised haddii dad Warfaa dhaliilsan la helana. Nobody is saying halla maxkamadeeyo...lol...Wixii dhacayna waa dheceen laakiinse dadkii hore Soomaali u soo maray oo khaladaadkii dhacay wax ka geystey si toos ah....MAYA ayaa ka habboon. Warfaa wiilkiisa ama gabadhiisa car keen anigaa taageeraayee...lol Cause wax aan ku ogahay ma jirto. Horta wasiirkee ayuu ahaay? yacni wasaaradee ayaa loo magacaabey, imisa ayuu hayey jagadaas? Ajakisna waad ku qosleysey, marka adiga maku dooranaa ileen wax ku qanciya in la helaayo uma maleynaayo...lol p.s. qof aan wax laga sheegeynin inuu jiro karo uma maleynaayo. We are Somalis after all!
  6. Wyre, si fiican ayaa laguu soo dhaweeyey markaad cusbeeyd. Wixii adiga laguugu yiri (JB script) ayaad maanta ku dhahaysaa MG, ee maxaa kaa qaldan bro? waxaad isoo xasuusisey cunugii la bully-gareyn jirey oo bully-ga noqdey (sheekada ma xasuusto hadda...lol)... Adigoo reer Xamar isbaaro u dhiganaayo aan ku arko mardanbe...
  7. Abti, aqoon shakhsiyan ma aqaano. Siyaad iyo dhinaceedana waa aqaan dad yaqaan oo la soo shaqeeyey. Wax denbi ah oo lagu ogyahayna ma jirto. Cali Mahdi oo minister u ahaana ma ahan wax qof loogu waco dhiigyacab. Gadaal maa fiirsanaa mise horteena? when will we ever move on? Run ahaantii waxaan qabaa Qof Soomali yaqaano inuu Soomali dhaqi karo. Ileen dadka loo talinaayo waa dad odey beeleed dhageysta, marka odeygaas, odey kale uunba la hadli kara oo gogol la fadhiisan kara... lol... Threadkan dhan waxuu ahaa indha fur koley. Qofkaad isleedihiin waxbuu sameyn karaa keenaa, lets brainstorm. Warfaa inuu madexweyne noqonaayo ayaa isoo gaartey, been iyo runba. Reactionka ayaan ka helay laakiinse.
  8. Jacaylbaro;693804 wrote: Maxaad isu tihiin warfaa ?? Somali ayaan isku nahay. ------ http://www.warfaforpresident.com/index.php?option=com_content&view=article&id=78&catid=1&Itemid=93
  9. lol... dee mid keena, ama idinka isa soo sharaxa. Hadal lee ma haynaa... I agree with Zack. Qof dhalinyar maba xamili karo/karto jaqjaqda badan iyo feerka dhinac walba uga imaanaayo. Qof dabaceeda Somalida yaqaan uunbaa Somali dhaqi kara... ileen 80%geeljire pop ayaa meel u fadhiyee. Sheekada Soomaliya taal siiba Koonfurta, qabyaalad wey dhaaftey. p.s. Abti waxba kuma haysid Warfaa, marka waa laga fiican yahay inaad dhiigyacab aad ku tilmaamtaa.
  10. Abwaan;693780 wrote: Somalina. I think you missed in your brief bio that he was a minister in Ali Mahdi's Maanafeesto government...lol lol...Zack wanted a quick overview...
  11. ... Somalida marwalba "maya, dooni meyno" ayaa ka soo horeysa...take walaalkeen Zack as exhibit A. Marka waa tough crowd dee. Waxuusan ogeyn in the Prof loo wacdey inuu isa soo sharaxo and not the other way around. He is a man of science, hees hees ma yaqaan, lacag iyo jago-na baahi uma qabo.
  12. Dagaal faaiido malaha, dhimasho iyo qaxootinimo lee laga helaa. Dhulka dadka leh haloo daayo, xoog cidina wax loogama qaadaayo. AUN intii dhimatey.
  13. The Zack;693764 wrote: Thank you Ukhtii.. He doesn't seem to have what it takes to get the country out of the chaos in. No experience in leadership what so ever. Thanks but not thanks yaa Prof. Warfaa. You sound like Sheik Sharif...lol... How do you define leadership? the man oversaw a 3 billion dollar annual project, over 30 years he's been a professor teaching and molding young minds. Sat down with Kofi Anan himself. More importantly, his campaign message is doable. I should get paid for buun buunis as i'm becoming quite good at it these days...lol jk... those darn marketing classes are finally starting to pay off.
  14. Former Sharif advisor (he resigned after our Sheik wouldn't listen to him). Warfa was a professor at the Somali National University, where he taught biology and agriculture. He also regularly conducted research with colleagues in Somalia, where he jointly discovered several endemic species, notably in the northeastern Bari region. With the outbreak of the civil war in 1991 and the closure of the university, Ahmed became an important peacemaker, working as a translator for the United Nations and setting up councils for the reconciliation process in Addis Ababa, Ethiopia. His efforts brought him into conflict with several local militia leaders, and was thereafter a marked man. In 1994, he narrowly escaped an assassination attempt when his car was sprayed with bullets at a checkpoint in Mogadishu. Warfa subsequently left Somalia for Nairobi, Kenya, from where he then emigrated to the United States and joined the Salt Lake Community College as a professor. He continues to attend conferences on herbology as a keynote speaker or contributor. Warfa is also actively involved in the affairs of Somalia and the Somali diaspora, whether as a reconciliator working for the UN and the Somali President or as an activist raising funds for projects such as Hiiraan University. p.s. I don't know him personally, however I attended an event where he gave a speech and I was impressed. Ever since then, I wondered why we don't have leaders like him to guide us...
  15. Didn't IGAD call for an extension of parliament’s term? misleading title innit? where was Mahiga then? or the US and EU reps? aha! Was the term extension illegal? too many question...so little time perhaps. p.s. lol@France has close ties with Somalia... Kinda like "Yesterday we were born Spanish, in the evening we were French, at night we were Ethiopians (African slaves), today they say we are English, I don't know what will become of me"
  16. “Dawladda TFG waxay xor u tahay siyaasadeeda in ay maamusho” Waraysi Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo aan waraysi kula yeelanay magaalada Jabuuti oo booqasho ku yimid ayaa sheegay in “Dawladda TFG ay tahay dawlad xor u ah in ay ayaaheeda maamusho oo ka taliso aayaheeda, shacabkeedana maamusho oo xor u ah in ay siyaasadeeda maamusho”. Wasiirku waxa uu waraysiga kaga hadlay in dhibaatooyinka Soomaaliya soo gaaray ay qayb weyn ka ahayd burburkii ay ku dhacay ciidamadii dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dadaaleyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka, isla markaasna la siiyo mushaharka, lana daryeelo askarta ay soo gaaraan dhaawaca iyo bukaankooda iyo in kuwa dhinta reerohooda la daryeelo oo mushaharkii sidoodii loo siiyo. Waxana uu muujiyey in maamuladii hore aysan muhiimad weyn siin ciidamada, isagoo sheegay in ay arrinta dib u dhiska ciidanku ay u baahan tahay waqti oo ay hadda dhigayaan aasaaskii. Markii aan weydiinay in dhibaato weyni ka jirto xagga badda Soomaaliya, Cabdixakiim Fiqi waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamadii badda, isagoo muujiyey in ay wadahadal u socdaan dalal arrintaas ka caawinaya. Caqabada hortaagan arrimaha badda Soomaaliya in wax laga qabto waxa ka mid ah in aysan jirin imkaaniyaad ku filan iyo nabad gelyada dalka oo aan sugnayn, ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga DFKMG. Wasiirku waxa uu qiray in dhibaatada Soomaaliya ay qayb ka tahay faragelinta kaga imanasa shisheeyaha ama bannaanka. Waxa kale oo uu ka hadlay kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda xukuumadda DFKMG oo uu ku tilmaamay in ay u adeegaan kooxo shisheeye oo doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig (base). Dhageyso
  17. Gooni isu taagii ma Feysal Cali Waraabe ayuunbaa u taagan:D Ottawa Feb 08-11-(somalidiasporanews.com)- Shirka Soomaalida loogu qabanayo London ee uu wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar goaansaday in uu ka qeyb galo kiyoon ogolaansho shacab iyo mid Qarameedba aan heysan ayaa ku soo beegmaya xili dawladihii ay ku keliyeysteen reer koonfurku fashil kuwada danbeeyeen,beesha caalamkuna ay markii ugu danbeysay isku deyeyso bal in hogaanka Soomaaliya lagu laaluusho reer Somaliland. Wasiir Dr Cabdilaahi ayaa saxaafada ka sheegay in shirku yahay mid beesha caalamku wada tashi uga yeelaneyso xaalada siyaasadeed ee muragsan ee Soomaaliya. Shirka oo lagu casumay dawlada shariif Somaliland iyo Puntland isla markaana ay beesha caalamku isku dhegeysan doonto soo jeedimaha sadexdan dhan ayaa waxa uu keeni karaa in Somaliland si toos ah ugu milanto siyaasadaha aan jiheysneyn ee Soomaaliya,ama kala shaki colaad ku danbeeya oo Somaliland soo wejaha. Goleyaasha dhawaan xilka isu kordhiyay ee Somaliland ayaa waxa soo baxaya sababta xukuumada Axmed Siilaanyo aamuska ugu soo dhaweysay goaankooda,taa waxa daliil u ah sida Md Saleebaan Gaal maanta afka u qabtay xildhibaanada doonayay in madaxweynaha ay weydiiyaan waxa uu kala socdo ka qeybgalka wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland shirka Soomaaliya ee London lagu qabanayo. Colaada SSC ee ku soo beegantay shirkan ayaa qudheeda shakigeeda leh,ma marin habaabinbaa,waatan nala soogal meel waliba ka yeedhay xili Soomaaliya madal lagu kulansiinayo Somaliland. Ma ciil baad qabi leheyd hadii Somaliland iyo Soomaaliya loo wadahadlayo,sawtan laba Koonfura iyo inaga naloo gar naqayo. Guddomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Inj Faysal Cali Xuseen ayaa ilaa iminka ah siyaasiga keliya ee hadlay khatarta ka dhalan karta ka qeybgalka iyo natiijada ka soo bixi karta shirka London. Madaxweyne Axmed Siilaanyo sideebuu ugu aaminay aqoonyahankan siyaasada dhawaanta ku soo biiray in uu ku socodka barto qadiyad ummad dhami u codeysay oo 20 sanadood ka mira dhalinteeda ay maanta ugu dhawdahay. Taa jawaabteeda waxa aad kala soo bixi kartaa sida beesha caalamku gacanta weyn uga geysatay isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay iyo sida fudud ee loo dhisay xukuumad ay qarqiyeen ashqaas mabaadiidooda Somaliweyn laga wada dheregsan yahay. Xagee ku danbeeyay heshiiskii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya,bal eeg sida dalalkii ka soo horjeeday gooni isu taaga u dhex mushaaxayaan siyaasada dalka,sida keligood taliyeyaasha loo taageerayo. Waan hubaa wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland in uu yahay nin karti leh,taase micneheedu ma aha in uu muujiyo iscajebinta intaa le`eg ee uu khatarta aan la qiyaasi karin ka dhalan karto. Waxa hubaal ah in goaan walba oo ummadi wadajir u qaadato in qiimeyn lagu sameeyo marka mudo ka soo wareegto,waajibkuse waa in ummada dib loogu soo celiyaa taladaa oo ay mar kale ka goaamisaa. Mise kol hore ayaa goaankan la gaadhay,ileyn waatanoo qolyihii daafaha la tuuraye ma SNM ahaan ayaa loo gorgortan tegey doorkan.Cajiib. Alla maxaa haldoor in intan ka yar lagu deyriyay”ragbaa isku toogtay tabtaad iyeeshee”. Isku soo xooriyoo akhriste bal fikir ka dhiibo qormada dusha ku xardhan iyo sida loo wejihi karo dib u eegista qadiyada gooni isu taaga Somalialnd
  18. Thank you BOB. ---------- Ururka BENALPA oo adeeg caafimaad u fidiyay xoolo-dhaqato u soo barakacay Muqdsiho Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) ayaa soo gabagabeeyay howlgal baaritaan, daaweyn iyo dawo qaybin isugu jirtay oo ay u sameeyeen xoolaha u soo barakacay magaalada Muqdisho ee ka yimid gobolada dalka ee abaaruhu ku dhufteen kaasoo billowday bishii Janaayo 2011. Kooxaha dhaqaatiirta xoolaha ee BENALPA ayaa adeeg caafimaad u fidiyay xoolo gaaraya 1,220-neef oo isugu jira lo', ari, geel iyo dameero la ildarnaa cudurro kala duwan oo isugu jira; gosha, caalka, candhada, gooryaanka iyo cudurro kale. Howlgalka caafimaad wuxuu ka dambeeyay sahan uu sameeyay ururka BENALPA oo ka dhacay gobollada Banaadir iyo labada shabeelle, kaasoo loogu kuur-galayay xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay dadka iyo xoolaha. Sahankaaso o lagu soo ogaaday xaaladda dhabta ah ee xoolaha abaareysani ku sugan yihiin. Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) Drs. Nurta Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii howlgalka caafimaad oo lagu soo gunaanaday degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka sheegtay inuu ururkooda u fidiyay adeeg caafimaad xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah xoolihii ay nolol ahaan ku tiirsanaayeen ka dhammaadeen, intii yarayd ee u hartayna ay isugu darsameen baad la’aan iyo cudduro. Waxay intaas ku dartay inaysan jirin hay’ad ka kaalmeysay arrintan balse ay ku tabaruceen ururkooda BENALPA oo dhexdooda iska soo ururiyay lacago ay kusoo iibiyeen daawooyinka xoolaha, sidoo kalena ay dhaqaatiirta ururka fuliyeen daraasadda iyo daweynta xoolaha. Drs. Nurta waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka, wasaaradda xannaanada xoolaha iyo Soomaalida TFG-da iyo Soomaalida dibadda ku nool inay taageero u fidiyaan dadka soo barakacay ee iyaga iyo xoolahoodu ay abaartu saameysay. Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Xoolaha Banaadir Drs. Nurta waxay sidoo kale sheegtay inay tahay arrin cusub oo weli aan dhicin barakac ay magaalada Muqdisho u soo barakacaan xoolo, halkii ay dadka u soo barakici jireen magaalada, xoolaha abaarsaday ayay sheegtay inay ugu daran tahay lo’ada oo aad ugu nugul abaarta. "Dadka aan halkan ku aragnay iyo xoolahooda waa dad aad u liita oo dhinac waliba u baahan in laga taageero, waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax qaban karta inay dadkan dhibaateysan taageero u fidiso," ayay cod dheer ku tiri Drs. Nurta Sheekh oo ka dayrisay xaaladda dadka abaartu saameysay oo ay sheegtay iyaga iyo inta xoolahooda ka hartay baabi’i doonaan haddaan deg-deg wax looga qaban. Allena raxmadiisa ugu deeqin ummadda abaarsatay. BENALPA waa urur ay leeyihiin xirfadleyda dhaqaatiirta Xoolaha ee Banaadir oo la aasaasay sannadkii 2002-dii; waxayna xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho wuxuuna u taagan yahay horumarinta wax soosaarka iyo caafimaadka xoolaha Soomaalida. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  19. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Gal-mudug (SAWIRRO) Talaado, February 08, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday maamulka Galmudug, kaasoo uu horkacayay madaxweynaha maamulkaas Maxamed Axmed Caalim. Xubnaha ka socday Gal-mudug ayaa kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana gabo gabadii kulankooda saxaafadda la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Gal-mudug, iyagoo sheegay in kulankoodan ay uga wada hadleen arrimo la xiriira abaaraha ka jira gobollada dhexe iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug State. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo kulankaas kaddb saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo madaxweynaha Gal-mudug iyo wefdigiisa, isagoo xusay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay abaaraha baaxadda leh ee dalka ka jira, gaar ahaana gobollada dhexe isagoo xusay in deeq ay ka heleen dowladda Imaaraadka Carabta inay qeybtooda gaarsiin doonaan shacabka Gobollada dhexe. “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Caalim iyo maamulkiisa shaqada ay ka qabteen howlaha dib-u-heshiisiinta, sidaad la socotaan wefdi ayaan u dirnay Gobolada dhexe markii ay dagaalladu ka dhaceen, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dhiiggii daadanayay” ayuu yiri R/wasaaraha oo xusay in dagaallada kale ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka ay ku dedaalayaan sidii loo joojin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii hadalkiisa u duceeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoo Alle uga baryay inuu ka dul qaado abaarta iyo harraadka saameynta adag ku yeeshay. Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim oo isna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu xaqiijinayo inay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin isagoo tilmaamay in sababaha ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen Dowladda Federaalka oo uu sheegay inay hoos yimaadaan. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday Madaxweyne Caalin in gobollada dhexe ay ka jiraan abaaro xooggan oo dad iyo duunyaba baabi’isay, ayna ka rajeynayaan dowladda Federaalku inay wixii karaankeeda ah si deg deg ah ula gaari doonto “Ummaddu meel aad u xun ayay maraysaa, xoolihiina waa baaba’een, dadkuna wey ku soo xigaan” ayuu yiri Mr. Caalim oo xusay in halkii booyad ee biyo ah ay mareyso inta u dhaxeysa $300 illaa $400. Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya media@opm.gov.so
  20. lol@XX... Marba meel u bood. Maanta shir dib u heshiisiin soo kama soo qayb gelina waxaad is waawaashaanba. Ceeb badanidiinaa, ma xishooneysaa xataa. Why couldn't stick to your guns as you have before? Oh! I forgot, your master has ordered you to show up. Or maybe "you have finally seen the light"...either way, waa la idin soo dhaweynaayaa... welcome I say. :D Waa supportgareynaayaa dawlada maxaa yeeley dawlad waa la bedili karaa marwalba. Maantana aduunka dawlad saafi ah kama jirto oo perfect ah. I'm not going to clap for a terrorist org or 1 maamul qaabil oo rabo inuu dawlad noqdo marnaba. p.s. xildhibaanadiina dhoofintaanka inuu ka batey ayaa isoo gaartey. Ku dayo Sheik Dalxiis ku dayo ahaa...
  21. Somaliland Iyo Aqoonsi Dowladnimo Maxaa Kala haysta !!!!! Mudo Hada Laga Joogo 20 sano ayaa waxaa Shir lagu qabtay magaalada Boorame waxaa ka soo baxay Shirka 18kii Maajo 1991 Inay Ku dhawaaqaan Jabhadii SNM gooni isu taag iyo Inay ka go’een Soomaaliya lana baxeen Somaliland . Jabhadan SNM ee dhashay Somaliland markii ay soo galeen Dalka ka dib markay mudo dibad wareeg ahaayeen maankooda waxaa ku jiray guulweyn ayaad gaadheen maadaama aad soo gasheen Burco ,berbera, iyo Hargeysa, iyaga aragtidoodu waxay ahayd Mid ku kooban dhowr Maagaalo oo beel kaliyi degto , laakiin waxaanay xisaabta ku darsan dagaalkii ay soo galeen magaca ay Isticmaalayeen Oo ahaa Somali National Movement Oo macnaheedu ahaa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed. Jabhadan ayaa Ku dhawaaqday Gooni Isu taag laakiin waxaa la yaab leh xuduudaha ay Jabhadaasi sheegatay ayaa ah kuwii Gumaystuhu hore U xardhay oo Beesha Gooni isu taaga Ku dhawaaqaysaa ay faladh ka tahay dhulkaa , Waa tan keentay in la weydiiyo horboodayaasha maamulkaa in dhulkii Soomaliland La oran jiray iyo dadkiisii ay Doonayaan Gooni goosadka taasina ay ku noqotay waji gabax iyo af kala qaadi waa tan ilaa maantana sababtay inay isku qanciyaan Aqoonsigu waa soo socdaa iyo Doorashada danbuu soo dagi iyo Sheekooyin mala awaal ah oo caruurta lagu seexiyo . Laga soo Bilaabo Wakhtii Waxay Hor boodayasha maamulkaasi u guclaynayeen sidii aduunka ay aqoonsi uga heli lahaayeen taas oo markii danbe noqotay laab lakac iyo Hal bacaaad lagu lisay . Su’aalaha dad badani isweydiinayaan ayaa ah maxaa soomaaliland aduunku u aqoonsan la’yahay ? Dad badan ayaa aaminsan iyo sababtaasi ay tahay Horjoogayaasha Maamulkaa oo aan u Bislayn Siyaasada aduunka Qaar kale ayaa arinkaa muucaradaya oo ku tilmaamaya sababta in dadka dega dhulka loo yaqaan somaliland aanay doonayn inay soomaali ka go’aan laakiin dadka doonayaa ay yihiin qoys kaliya oo Tirsanaya dhibaatooyin aan ka duwanayn Kuwa soomaalida oo dhan ku saameeyey. Dadka siyaasada odosa aya Siyaabo kala duwan u tilmaamaya sababta dhabta ah ee reerkan Loo aqoonsan la’yahay waxayna ku sheegeen inaanay buuxin Shuruudaha aduunku isku raacay in wadan wadan kale uga go’o kuwaas oo ay ugu horayso Waxaa kala go’ayaa inaanay isku diin ahay , isku dhaqan ahayn , isku midab ahayn , kuwa go’ayaa inay yihiin kuwa la laayey ama la yaso . Hadaba Hadii Siyaasiyiinta soomaliland ay Rabaan inay ka run sheegaan Gooni Goosadka Waa inay la Xaajoodaan Dowlada taagta daran ee maanta Aduunku Aqoonsan yahay oo iyada Aqoonsi ka raadiyaan iyagoo heshiis qoraala la saxeexanayan Dowlada kuna Cadaynaya Inay yihiin dad la yaso Oo midab takoor lagu hayo kana ah somaliya minority intaas marka ay sameeyaan waa in Loo ogolaadaa afti laga qaado dhulka Loo laqaan soomaaliland Ee la kooban Gobolada Awdal,Waqooyi Galbeed, Togdheer,Sool . Sanaag , Hadanaa waxaad Moodaa inaan wali Gooni goosad Muuqan maxaa yeelay reerkii u ololaynayey waxay degaan laba ka mida gobolada aan soo sheegay waana arin kale oo Caqabad ku ah helitaan Aqoonsi. Laakiin waxaa Iyana Is weyn Mudan Hadii Xaqiiqdu sitaa yahay maxaa Reer Ka mida Soomaliya ugu ololaynayaan Inay Dowlad kale yagleelaan oo Soomaliya ka go’aan waxaan wali la garanayn sababta dhabta ah ee arinkaaa beel kaliyi ugu ololaynayso. Mohmeddeq@hotmail.com
  22. @the number of times the FM says "SL waa dal"... ----------- Britain: Shir ku saabsan Dhibaatada Somalia Dawladda Britain ayaa marti galinaysa shirwayne caalami ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka muddada dheer ka taagnaa dalka Somalia. Waxaa shirkan ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Midawga Africa, waddamada Somalia deriska la ah, iyo kuwo kale oo reer galbeed ah. Waxaa kale oo shirkaasi ka qayb galaya wufuud ka kala socota DFKGM ee Somalia, Somaliland, iyo Puntland. Wariye Abdisalam Hereri oo VOA-da k tirsan ayaa waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Mohamed Abdillaahi Cumar waxana uu ugu horayntii waydiiyay ujeedada guud ee shirka. Dhageyso
  23. Saudi Women `Launch Facebook Campaign` To Participate in Municipal Elections Veiled Saudi women talk on their BlackBerry phones at a shopping mall in Riyadh August 5, 2010. A group of women has launched a Facebook campaign to encourage the authorities to give them increased opportunities to participate in the Municipal Councils. The campaigners want to raise awareness to see more women involved in the councils. The campaign -- titled Baladi (or My Country) -- builds on the directives of Custodian of the Two Holy Mosques King Abdullah who has called on the authorities to support women in all sectors. Enam Al-Asfoor, a PR officer for the campaign, said women have the same rights as men and that more participation in elections would create better political awareness, which generates a feeling of responsibility and brings people closer to the decision-making process. She also said that women participating in elections would do much to challenge the negative stereotypes regarding Saudi women. The campaign`s profile on Facebook, which was launched on Jan. 16, said Al-Asfoor, has so far attracted 1,525 members from across the Kingdom. A number of programs have already been organized in various parts of the Kingdom to educate and raise awareness among women about elections and the role of the Municipal Councils. “Building awareness and educating women is a gain even if we are not permitted to participate,” said Al-Asfoor. Meanwhile, Zuhair Al-Harthy, a member of the Shoura Council, presented a recommendation to the council requesting that women be permitted to participate in the Municipal Council elections, at least through voting as a first step. “I see no reason in preventing women from voting. The constitution does not differentiate between men and women in their rights and duties. The Ministry of Municipality`s report will be presented to the Shoura Council in the coming few weeks. Therefore, I have prepared recommendations to coincide with the report and be discussed in the council,” said Al-Harthy, adding that he is optimistic that it will be welcomed and approved. He added that women have the capabilities and skills to take part in Municipal Councils. “I am optimistic that the Shoura Council will vote in favor of allowing women to vote in the elections,” said Al-Harthy, adding that women have the right to be part of the decision-making process as equal citizens. Last October, Minister of Municipality Affairs Prince Mansour bin Miteb said in an interview that he has no reservations in allowing women to participate in the coming Municipal Council elections in 2011.