Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Ma dano ayaa is-diiddan mise dadkaa is-diiddan? Isniin, 14 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dadka deegaanka qura wadaaga waxaa mararka qaar ka dhex-dhasha khilaafaad ka dhasha sad-bursi iyo wax isu quurid la’aan ku salaysan dan ama siyaasad, marka waxay isweydiintu tahay ma dano bay dadku isku diidan yihiin, mise dadkii baaba is neceb oo aan is rabin. Soomaalida oo badankeed ahayd reer guuraa waxaa dhibaato ay ku qabteen daaqsinka iyo biyaha, sidaas darteed ayaa marka baadka iyo biyuhu ku yaraadaan waxaa dhici jiray khilaafyo iyo iska horimaadyo, qabiil walibana wuxuu ku dadaali jiray inuu helo dhul ballaaran oo xoolihiisu u daaqsin tagaan, taas ayaana la oran karaa wax isu quurid la’aanta ama daneysi gaar ah. Sida runta ah dadku isma necba laakiin waxay isku diidan yihiin dan, waayo qof waliba ama qabiil weliba waxa dantiisu tahay kaliya ayuun buu doonayaa inay u fulaan ama uu fushado. Marka laga hadlo siyaasadda is-diiddan ee Soomaliya ayaa waxaa la oran karaa waxay ku salaysan tahay dan shaqsi ama kooxo gaar ah, waayo siyaasiyiinta Soomaalida ee is-diidan waxay isku diidan yihiin xukun oo qof waliba uu si shaqsi ah isagu iskula doonayo ama kooxda uu taageersan yahay la doonayo taasoo ah dan gaar ah iyadoo meesha ay ka baxday dantii guud ee dalka iyo dadka. 'Cadkanow ku cunay ama ku ciidee' waa halheys inta badan siyaasiyiinta Soomaalida laga hayo mana ku xisaabtamaan in kursigu yahay mid qura qof kaliyana uu madaxweyne ka noqonayo. Qabyaaladda ayaa qayb ka ah waxyaabaha keena wax isu quurid la’aanta iyo in qabiil weliba dantiisa mooyee uusan ka shaqeyn danta qabiilka kale ee la jaarka ah ama dantu kawada dhexeyso. Qabayaaladdu waxay qofka bartaa inuu qabiilkiisa oo qura wax la doono, isla markaasna kuwa kale uu wax u quuri waayo, qof waliba wuxuu isla rabaa in qof qabiilkiisa ah uu noqdo kan taliya ee aanu noqon kan loo taliyo. Danaysiga shaqsiga iyo tan qabiilka ayaa la oran karaa waa arrinta ugu weyn ee Soomaalida ka hor-taagan inay gaarto ama hesho Qarannimo, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa madaxweyne kasta oo la doorto qolada koowaad ee taageerta waa qabiilkiisa, halka kuwa kalena ay wax uun ka sheegayaan amaba ay diidayaan 'cadkaanow ku cunay ama ku ciidee' ayayna siyaasiyiinta Soomalidu halqabsi ka dhigteen. Danaysiga gaarka ah iyo in adiga kaligaa aad wax isla rabto waa astaanta lagu yaqaano Soomaalida arrintaasoo ah arrin aan fiicnayn, waayo ma dhacayso in qof kale oo aan adiga ahayn ama qabiilkaaga ahayn aad wax u ogalaato. Waxaa dhacda in qof ama koox qabiil gaar ah ay dad kale ama qof kale oo aan ku qabiil ahayn ula macaamilaan ama ula dhaqmaan si ka baxsan bini’adannimada, iyadoo la is qaraabaysanayo ama la is qabiilaysanayo, taasoo ah dulmi ku yimid danaysi gaar ah, iyadoo qofka ama kooxdaa lagu riixayo koox gaar ah oo uu ka tirsan yahay ama qabiil gaar ah oo uu yahay taasoo qofku ku waayayo xaqiisa qabiilkiisa awgii. Hadaba dadku isma diidana ee dano ayaa is diidan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Waxaa maanta magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn lagahirgaliyay xafiiska ururka dhalinyarada ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaano SUDO. ururkaas oo aan horey wax xaruna uga lahayn magaaladani buuhoodle ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12/2/2011 ka furtay xafiiiskiisii ugu horeyey. http://www.boocame.com/?p=10399
  3. Brussels - No sex for Belgium's politicians until they finally form a government: that is just the most striking of the solutions being proposed to end the country's nearly nine-month long political stalemate. Belgium held parliamentary elections on June 13, after the former government collapsed in a power struggle between parties of the Dutch-speaking majority and French-speaking minority. But the poll only accentuated the divide, and after seven attempts to hammer out a coalition government, Belgium appears as far away from a deal as ever - much to the frustration of its people. Step in Senator Marleen Temmerman, a gynaecologist whose name has suddenly become one of the top hits on Belgian websites after she suggested that women impose a sex strike until the row is ended. 'If we (women) all agree on sexual abstinence, I'm convinced that we could get the negotiations to move faster. We already know what men think of this,' she told radio station RTL. Temmerman wrote in her column in the Dutch-language daily De Standaard that she had been inspired by a Kenyan women's movement which, in 2009, called for a sex strike to end the country's political impasse. 'One practical advantage: you don't have to come to Brussels to go on sex strike ... Whether you are a free-thinker, Catholic, Muslim or stalagmite, don't have any more sex until the new government stands on the steps of the palace,' she wrote in a tongue-in-cheek column. The proposal itself was avowedly humorous - Greek comic playwright Aristophanes used the same idea in his comedy Lysistrata some 2,000 years ago - but it has found resonance in a nation in which 35,000 people recently marched through Brussels to demand a government. Already, one local star, actor Benoit Poelvoorde, has urged Belgian men not to shave until the deadlock is ended. Another set of activists has set up a satirical website - lerecorddumonde.be (the world record) - counting down the seconds until the Belgian crisis officially overtakes Iraq's 289-day interregnum to become the longest in recent world history. 'Three regions, three languages, loads of jerk politicians, (French) fries, beers, 10 million sheep and already owner of the European record. Very high potential. WE CAN,' the site proclaims. However, the most creative solution might yet be found in political circles themselves, after King Albert II on February 2 nominated a sixth man - acting finance minister Didier Reynders - to try and hammer out a deal between the coalition parties. Newspapers on Thursday reported that Reynders was planning to talk with two separate sets of parties about forming a government: one coalition to deal with economic issues, and the other with the power struggle between the communities. The finance chief is expected to report to the king on February 16. Only then will it become clear which - if any - of the proposals to break the deadlock has borne fruit.
  4. Donna Shaw, 17, from Alvaston, was diagnosed with Ewing's Sarcoma in February 2010. Despite surgery and chemotherapy, she has been told nothing more can be done. Describing her as an "inspiration" to everyone around her, Donna's mother, Nikki Parker, said her daughter was planning every detail. Ms Parker said: "She has chosen everything, her songs, she has got a video of her she wants playing at the funeral, and the colours of the flowers." The 45-year-old, who has given up her restaurant job to be Donna's carer, added: "It's actually made it easier... I know that seems silly, but because she is being as strong as she is, it does help. Continue reading the main story “ Start Quote When I go to sleep I'm quite scared, I'm not scared of dying, I'm scared to leave my family” Donna Shaw "These are a 17-year-old's dying wishes and this is what will happen when the time comes." She said the teenager underwent surgery to remove 80% of the main tumour in her shoulder, then underwent chemotherapy, but in January doctors said the chemo was not working, and the cancer had spread. "She had a cry, and swore and shouted and then came to terms with it," her mother said. The family do not know how long Donna has left to live but there are plans for her to see Westlife in concert in March and skaters Torvill and Dean in April if she is well enough. She said planning her funeral keeps her strong but added: "When I go to sleep I'm quite scared, I'm not scared of dying, I'm scared to leave my family. "Its hard not knowing when but I'm a fighter, I have a niece due in April so I'm still going to be here then."
  5. Sabti, 12 Feberaayo 2011 (HOL) – Askari ka tirsan dowlada hoose ayaa maanta rasaas ooda kaga qaaday arday ku sugnayd mid ka mid ah iskuulada ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaa la sheegay in sedex arday ay ku dhaawacmeen rasaasta uu furay askarigaasi,waxaana dhaawacooda loola cararay cisbitalka wayn ee magaalada si xaaladooda caafimaad loo dabiibo. "Sedex arday ayaa nala soo gaarsiiyay,kuwaasi oo ay dhaqaatiirtu xaaladooda caafimaad la tacaalayaan "ayuu yiri agaasimaha cisbitalka Gaalkacyo oo la hadlay idaacadaha. Rasaasta uu furay askariga ayaa la sheegay in ay timid ka dib markii ardaydu ay kuu buuqeen askariga,xilli uu halkaasi uu muran ku dhexmaray askariga iyo haweeney goobta ku ganacsanaysay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in askarigii falkaasi gaystay gacanta lagu dhigay ,isla markaana lagu xiray xabsiga Gaalkacyo si su,aalo looga waydiiyo sababta uu ardayda ku dhaawacay. "Askariga falka gaystay ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay, lamana garanayo waxa ku kalifay in rasaasta uu furo"ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Gaalkacyo. Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay booqdeen dhaawacyada ardayda dhibka la gaarsiiyay ,mana jirto cid maamulka ka tirsan oo ka hadashay arinta dhacday. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya
  6. lol@first Somali techno. You are so wrong! but then again you r in KSA.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Naafada Ciidanka Xoogga Dalka soo xusuusiyay Saxiixii ay Mushaarka ku qaadan jireen Axad, February 13, 2011(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Xarunta Naafada Ciidankii xoogga Dalka Soomaailyeed ee Isbitaal Martiini taasoo mushaar lagu siinayay Ciidankaasi Naafada ah. Sidoo kale, munaasabadan waxaa joogay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Fiqi oo intaas ku daray in xukuumaddu aaney marna ilaawi doonin ciidankii difaaca Qaranka Soomaaliyeed xubnohooda ku waayay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Naafada ayaa sheegay inuu ugu horreyntii u mahadcelinayo golihiisa Wasiirada oo uu sheegay in dhamaantood ay la qabaan fikradda ah in ahmiyadda koowaad la siiyo dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo daryeelkooda. “Muhiimada koowaad waxa weeye inaan ugu horreyn taakuleyno ciidankii ku naafoobay dagaaladii 77 taasoo jawaab u ah marka aan idin taakuleyno kuwa haatan habeen iyo maalin furimaha dagaalka ku jira ee caddowga ka horjeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada xoogu ay mudan yihiin xusuus gaar ah. “Waxaan ballanqaadnay dowladdan cusub iyo madaxweynaha dalka inaan muhiimad gaar ah siinno ciidamada, sababtoo ah iyagaa ammaanka soo celin kara, Amnigii marka la helana Qarannimadii ayaa soo noqoneysa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xusay in dhibaatadu ay ka taagneyd in xukuumadihii wadanka soo maray ay xaqiri jireen mudnaanta ciidanka Qaranka. “Dhibaatadu waxay ka taagneyd in la xaqiro ama aan la tixgelin ciidanka sidoo kalena aan la tixgelin lana daryeelin ciidankii u naafoobay dalkooda, adinka oo aan la idin tixgelinna wax hagaagi kara ma jiraan, maxaa yeelay ciidanka hadda jooga idinkaa tusaale u ah” ayuu mar kale yiri Mr. Farmaajo. Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu u sheegay Naafada Ciidanka xoogga dalka in galabta hortiisa lagu siin doono mushaarkii ugu horreeyay ee xukuumaddiisu siiso Naafada Xoogga, isagoo yiri “Insha allahu waxaan rajeynayaa in aysan noqon bishii ugu dambeysay oo aad mushaarkan qaadataan, waxaana rajeynayaa in bil kasta aad qaadataan” ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo noqday Ra'iisal Wasaarihii ugu horreeyay oo Xarunta ay Muqdisho ku degan yihiin ku booqda Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanka mushaarka loo bilaabay maanta ayay tiradoodu dhammeyd 97 ruux oo hadda ka nool Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badani ay ku socdeen Kursiga lugaha leh ee ay dadka naafada ah ay isticmaalaan, halka kuwa kalena ay biro ku boodayeen, waxaana jiray 250 kale oo ka tirsan Naafada oo degan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in tallaabada xigtana ay mushaar siin doontaan ciidanka ku dhaawacmay ama ku naafoobay dagaallada haatan ay dowladdu Federaalku kula jirto kooxaha Nabad iyo dowlad-diidka ah. Garaad Salaad Xirsi media@opm.gov.so
  8. AFDB approves grant of $ 1.2 million to reduce poverty in Djibouti Saturday, February 12, 2011 The group of African Development Bank (ADB) recently approved of an additional grant of $ 1.2 million for Djibouti through the concessional window of the African Development Fund (ADF), for the financing Program to reduce urban poverty (PREPUD). This additional grant provides additional funding to three project components namely capacity building, access to socio-economic base PREPUD and monitoring and evaluation. These activities will be implemented within three years. The PREPUD aims to reduce disparities between regions and Djibouti city through improved access to basic infrastructure, responding to negative effects on quality of life of people affected by recent financial and food crises and droughts repetitive in the country. It also aims to promote and strengthen the socio-economic development in the 5 towns of the regions of Djibouti. Besides the government of Djibouti, the project is funded by four donors who include ADB, the French Development Agency, the Islamic Development Bank and World Bank. Source: Microfinance Focus
  9. Siminaar ku saabsan sidii loogu midoobi lahaa badbaadinta dalka iyo dadka oo maanta Muqdisho lagu qabtay Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Siminaar ay goobjoog ka ahaayeen 150 oday-dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana siminaarkaas oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD kasoo qayb-galay odayaal-dhaqameed, waxgaradka, nabaddoonno, culumaa'udiinka iyo odayaasha dhaqanka beelaha ******. Guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha ****** Maxamed Xasan Xaad oo furitaankii siminaarka khudbad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in siminaarrada noocaan oo kale ah ay muhiim u yihiin odayaasha beelaha ****** si ay isugu weydaarsadaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada gaarka u noqotay degaannada beelaha ******, wuxuuna u mahad-celiyay hay'adda CCD. "Beelaha ****** waxay leeyihiin dhul baaxad leh oo caasimaddii dalka ay ka mid tahay, mar haddii deegaankaas leeyihiin waxaa daba-taalla inaan loo deynayn," ayuu yiri Xaad oo sheegay in siminnaarkan oo kale aan horay logou qaban waxgaradka beelaha ******, isagoo intaas ku daray in dadka dhibaatada kawada dalka ay ku cibro-qaataan wixii ka dhacay dalalka Carabta. Siminaarka xubnihii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha ****** Jimcaale Maxamuud Nuur (Jeebweyne), afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye Cali, guddoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), wakiilka imaamka ****** Islow Maxamed Yuusuf, wakiilka ugaaska ****** Shariif Xuseen Jilicow iyo waxgarad kale. Afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in dad aan ****** ahayd ay dhibaato kawadaan degaannada beelaha ******, isagoo sheegay in taas ay ku dhacday midnimo la'aanta beelaha ****** iyo tafaraaruq ku dhex jira, hase yeeshee waxa uu sheegay in ****** markaan u soo jeestay sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada dulsaaran. Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka gobolka Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax oo khudbad ka jeediyay siminaarka ayaa sheegay inuu isagu soo jeedinayo in beelaha ****** ay sameystaan maamul goboleedyo si ay uga baxaan dhibaatada taalla dhulkooda, wuxuuna sheegay in deegaannada ****** dadkii daganaa ay isaga barakaceen, waxaana xubnihii hadlay ka codsaday hay'adda CCD inay garab ku siiso sidii ay ugu guuleysan lahaayeen himiladooda. Mas'uuliyiintii ka hadlay siminaarka waxaa kaloo ka mid ahaa Aadan Garaase, Islow Maxamed Yuusuf, Shariif Xuseen Jilacow, Imaam C/llaahi Khaliif Rooble iyo xubno kale, kuwaasoo sheegay in haddii ****** midoobo uu xalka Soomaaliya si dhaqso ah ku imaanayo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  10. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada iyo Lacagta DKMG ah oo Martiqaad u sameeyay Ciyaartoydii Qaranka Sabti, 12 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo lacagta DKMG ah Mukhtaar Sheekh Shuute Sheekh Shariif ayaa maanta martiqaad u sameeyay Ciyaartoydii hore ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo wasiir ku xigeenku uu horay uga mid ahaa. Kulankan oo wasiirku uu ku sheegay inuu yahay mid ay dib isugu xusuusanayaan ciyaartoydii hore ee Qaranka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya e Muqdisho. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda arrimaha bulshada shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga C/nuur Macallin Maxamuud, wasiir ku xigeenkiisa C/rashiid Maxamuud Xirsi, agaasimaha guudee wasaaraddan Aweys Sheekh Xadaad, ku xigeenka agaasimaha guud ahna agaasimaha wasaaradda maaliyadda iyo lacagta C/llaahi Yuusuf Maxamed iyo Guddoomiyaha GOS ee Gobolka Banaadir. Ciyaartoyda wasiir ku xigeenku uu casuumay ayaa waxay kala ahaayeen: Xasan Maxamed Nuur (Xasan Raas), Naadigii Minishiibiyo Maxamed Muuse Samatar, Naadigii Jeenyo - LLPP Aweys Weyne, Naadigii Badda Ismaaciil Malaaq Abuukar, Naadigii Batroolka Cumar Gedo, Naadigii Horseed Maaxi Bilaal Maye, Naadigii Jeenyo - LLPP C/asiis Siidow Maxamed (Kuluu), Naadigii Gadiidka Daa'uud Diiriye Fiidse (Macalin), Naadigii Gadiidka Maxamed Sheekh Axmed, Naadigii Madbacada Axmedey Hilowle Maxamuud, Naadigii Jeenyo - LLPP Mulki Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP Malyuun Nuur Muudey, Naadigii Jeenyo - LLPP Dhool Maxamed Cabdi, Naadigii Somali-fruit Biibto Axmed Jimcaale, Naadigii Badda Faadumo Aweys Maxamed, Naadigii Jeenyo - LLPP Jaamac Mayow Jaamac, Naadigii Batroolka Cabdalla Cumar Ceelle (Quuq), Naadigii Batroolka Geediyo Cali Abshir, Naadiyadii Warshadaha iyo Horseed Hodan Maxamed Xaaji, Naadigii Horseed Faadumo Cali C/raxmaan, Naadigii Heegan Daahir Axmed Cali (Macalin), Naadigii Heegan Sayid Cabdi Xaaji, Naadigii Badda C/qaadir Axmed Xuseen (KooKow), Naadigii Jeenyo - LLPP Macallin C/risaaq Nuur, Naadigii Somali-ta Abuukar Maxamed C/raxmaan (Macalin), Naadigii Somali-ta C/raxmaan Xuseen Bulac, Naadigii Madbacadda Nuur Cabdi Xaaji, Naadigii Horseed Dhanka kale, kulankan ayaa noqday mid ciyaartoyda hore ee Qaranka, waxay ku sheegeen inay xaaladooda nololeed aad u adag tahay, iyadoo soo jeediyay inay u baahan yihiin waxqabad muuqda. "Waxaa jira qaar ka mid ah ciyaartoydii Qaranka Soomaaliya oo gaajo u dhintay, intii uu dalka hagaasanaana ahaa geesiyaal Soomaaliya u soo hoyay guulo fara badan, laguna tilmaami jiray libaaxyadii Afrika, marka waxaan dowladeenna ka codsanaynaa wax qaban muuqdo," ayuu yiri Axmadey Hilowle oo ka mid ahaa ciyaartoydii Qaranka oo kulanka ka hadlay. Wasiir ku xigeenka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ugu deeqayo xafiis u shaqeynaya ciyaartoydii hore ee cuslaatay ee Qaranka Soomaaliya, iyadoo ay ciyaartoydu magacowdeen guddiga xafiiskaas ka shaqeyn lahaa, kuwaasoo kala ah: 1. Cabdulle Cumar - Guddoomiye 2. Maxamed Muuse Samatar - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad 3. Dhool Maxamed Cabdi - Guddoomiye ku-xigeen labaad 4. Jaamac Mayow Jaamac, mas'uulka maaliyadda 5. Axmadey Hilowle - Xoghayaha guud ee guddiga Ugu dambeyn, ciyaartoyda ayaa sheegay haddii ay wax-qabad helaan inay ka go'an tahay inay tababarro siiyaan ciyaartoyda da'yar ee Soomaaliyeed, ayna kasoo saari doonaan ciyaartoy dalka guulo u soo hoya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Maxaa la dholacadeyneysaa saacadan? Kuwii coffee shopka shiishada la fadhiyey with their cadaan khamiisyo goormey banaanbaxaayaan? boqortooyadaas oo kala jabta oo dhulka jiidameysa waan jeclaan lahaa one of these days...casiir cabayaasha tihiin maxaan dhahaa.
  12. With Education, Somali Youth Can Turn Somalia Around. Yasin Ali Saturday, February 12, 2011 In 1992, I was born not knowing anything about Somalia. I grew up as a Somali citizen and throughout my nineteen years of life, I have not seen or enjoyed a peaceful Somalia. I have lived all throughout my life, waiting with hope, that one day I will see my homeland united and peaceful. Year after year, my dreams of seeing a peaceful Somalia are diminished. Peace deals after peace deal, the hope of seeing Somalia becoming a country where its citizens will have the basic necessities of life are taken away from me. Prime Minister after Prime Minister, the same routine and the same clan-based government always repeats itself in different forms. Now I am tired of waiting. I am tired of hearing former warlords calling themselves Ministers and Members of the Parliament. I am tired of hearing incompetent and uneducated clan-based politicians controlling the fate of the Somali people. I am tired of seeing former warlords and politicians killing innocent Somalis to further their agenda. I am tired of hearing how my beloved religion is used to murder innocent girls and women. I am tired of people who will do anything and everything to gain power, even when that means murdering innocent people and taking away their fundamental right of life and liberty. Some of you, and I know some Somalis will definitely ask, how can an eighteen year old who does not know anything about Somalia comment on Somalia’s politics? Well, I have some news for you. I maybe eighteen years old, I maybe a citizen of another country, but the love that I have for my people and my homeland surpass age, experience or anything related to that. This mentality of age being the factor in the Somali culture is something we need to leave behind. Do not get me wrong, I love and respect my elders, but they need to step down and let the upcoming generation take over. It is time for the new generation to bring new ideas on how to rebuild our country. It is time to allow the young generation to bring new perspectives on how to resolve conflicts in peaceful ways. And most importantly, it is time for educated and competent individuals to lead Somali ministries and government. To all Somali youths who live in the diaspora, it is time for you guys to work towards achieving peace in your homeland. It is time for you to build a grass root movement to challenge and take over Somali politics. This dream would never come true by joining the ranks of Al-Shabab. It would never come true by being involved with gang activities and doing drugs on the street corners. It would never come true if you drop out of school and take a minimum paying job, and certainly it would never come true if you do poorly in school. The only way we can bring peace to Somalia is getting education and competing with our fellow peers to attend the highest ranked institution one could enter. If the young men who left North America and Europe to join the ranks of Al-Shabab used the enthusiasm and the courage they had to tackle their education, today we could have a future lawyer, a doctor and maybe an educated politician who could have contributed positively to the situation in Somalia. We are the future of our country, we are the generation that could bring peace in Somalia but we are also the “lost” Somali generation as our elders always refer to us. Somali youths are murdered every day, not in Somalia, but in North America and in Europe. They associate themselves with gangs, do drugs, traffic innocent Somali girls to prostitution and shed their own brothers’ blood in the name of gang loyalty. Let’s be honest, our elders have a point when they call us the “lost” generation. Our parents did all they could to bring us to these different countries we live in, not for their own sake but for us to have a better future and access the numerous opportunities available in these countries that took us in and protected us from the murderous, power hungry politician of ours. We have a responsibility to pay them back. We have a responsibility to our parents, our families and all of those who did everything they could to see that we are having a chance to succeed in this world. We need to pay them back by educating ourselves and taking advantage of the opportunities available to us. We need to pay them by becoming peace loving individuals, good citizens of the world and finally, we need to pay them back by helping those who were not fortunate enough to achieve or access these opportunities. I am not preaching to you nor am I writing to you as a snobby, rich kid who is protected from the reality. I am your typical Somali immigrant kid. I also get it; going to college is hard and tiring when you have bills to pay and nobody to support you. Believe me, there are days when I wake up and I just want to quit. There are days when the best effort I put in a class is not enough and I get a D on a test. There are times I have to work on an evolution theory paper all night and all I want is to go to bed. I mean, I don’t believe in it, why should I bother writing about it? Well, there is something that keeps me writing, there is something that stops me from quitting and there is something that keeps me working harder to achieve a better grade in the next test. That is success, I haven’t seen it yet but I smell it. Success does not come easily to everybody, but dreaming and hoping to succeed is something we can all do. Let’s dream about it because this is our time. This is the time for the Somali youth generation to step up, educate themselves and work towards achieving a peaceful and united Somalia. Let’s get to work, let’s hit the books and let’s use the knowledge we learn to bring peace to our homeland and help the humanity in general. Yasin Ali aliym0@wfu.edu Yasin Ali is a student at Wake Forest University majoring in Political Science.
  13. Madaxweynaha Jabuuti oo markii ugu horreysay ka hadlay xilli kororsigii baarlamaanka Soomaaliya Axad, 13 Feberaayo, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay xilli kororsiga ay sameeyeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, ayna ula muuqato in lagu deg-degay, isagoo caalamka ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan madaxbannaanida Soomaaliya. "Annagu (Jabuuti) waxaan la mid nahay kuwa oranaya waa lagu deg-degay in saddex sano ay ku darsadaan xubnaha baarlamaanka xilligoodii shaqo," ayuu yiri Geelle, isagoo sheegay in qaraarka baarlamaanka aanay jirin meel ay xildhibaannadu uga laaban karaan go'aankooda, in la eedeeyo mooyee. Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in aragtidooda ay xildhibaannadu ka baqeen in haddii uu dhammaado xilliga dowladda ee Jabuuti lagu gaaray ay lumi doonto DKMG ah, isagoo sheegay in aragtidan haddii dhinac laga eego ay garowshiyo leedahay. "Haddii doorasho la sameyn lahaa lama joogo xilligeedii, waayo fowdo ayaa dalka oo dhan ka jirta, runtiina haddii ay kala daadato dowladda KMG ah waxaan u aragnaa inay wax walba lumi karaan, haddaan IGAD nahayna waxaan go'aaminnay in loo daayo baarlamaanka Soomaaliya sidii xilliga loo kordhin lahaa," ayuu yiri Geelle. Madaxweynaha Jabuuti ayaa hadalladan ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da laanta af-Soomaaliga, isagoo beesha calaamka ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan madaxbannaanida Soomaaliya, taasna ay caddeynayso canaanayaan ay u jeedinayaan xildhibaannada baarlamaanka. "Waxaana oran lahaa waa lagu wada jiraa badda oo meel looga baxo ma lahan ee si kale wax loo maareeyo," ayuu yiri Geelle, oo sheegay in isaga iyo xubno kale oo ka tirsan IGAD ay qabaan inaan faragelin lagu sameyn madaxbannaanida Soomaaliya. Xildhibaannada baalamaanka Soomaaliya ayaa laba todobaad ka hor waxay saddex sano ku kororsadeen xiligoodii shaqo, taasoo beesha calaamku ay aad uga qaylo-dhaamiyeen, kuna tilmaameen go'aan dhinac keliya ah. Dhanka kale, Geelle ayaa ka hadlay doorashada madaxnimo ee Jabuuti ka dhacaysa bisha April ee sannadkan, taasoo loogu tartamayo xilliga madaxweynenimo ee dalkaas, isagoo sheegay in doorashadaas ay qabsoomayso wuxuuna xusay inay jiraan xisbiyo diiday inay ka qaybgalaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. Waxyaabaha dhaliya khilaafaadka Qabiilka Axad, 13 Feberaayo, 2011 (HOL) – Khilaafaadyada beelaha Soomaalida ka dhex-dhasha intooda badan waxay ku dhashaan siyaabo kala duwan, qaar waxay ka dhashaan dhul la isku qabsaday sida dhul daaqsimeed, dhul degaan ah iyo dhul beereed, kuwaasoo murankoodu mararka qaar uu sababo dagaal khasaare badan dhaliya. Sidoo kale, beelaha Soomaalida qaarkood ayaa awood is-bida iyagoo is-tusa inay ka xoog badan yihiin beel kale oo daris wadaag la ah ama la dagaan ah, taasoo keentay in khilaafaad beelahaas ka dhex-dhasha oo dagaal lagu hoobta uu ka dhasho. Geel kala-dhicista ayaa iyana qayb ka ah khilaafadyada beelaha Soomaalida ka dhex dhasha, waayo geelu wuxuu ka mid yahay hantida ugu qaalisan ee ay Soomaalidu haystaan, qaar badan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed geelu wuxuu u yahay waxa ugu weyn ee noloshoodu ku tiirsan tahay kuna faanaan, taasoo jirta ayay haddana imaanaysaa in geel la kala dhaco, kaddibna khilaafka ka dhasha ayaa wuxuu gaaraa heerkii ugu sareeyay madaama geela Soomaalida aan laga xigsan karin. Kala guursiga ayaa mararka qaar beelaha qaarkood ka dhex-dhaliya khilaafaad iyadoo beeluhu isku yasaan dhinaca guursiga ee ku salaysan qabiilka, ayna qaarkood diidaan guursiga beelaha kale, waayo qabiil waliba wuxuu rabi jiray inuu gabdhaha quruxda badan iyagu guursadaan ee ma doonaan in gabadhooda qurxoon nin qabiil kale ah guursado ama uu boobo, haddii ay taasi dhacdana dagaal ayaa beelahaasi ka dhex-abuurmi jiray. Iyadoo gabdho kala boobista ay isku sameeyaan beelaha qaarkood ayaa waxay tani qayb ka tahay khilaafaadka beelaha ka dhex-dhasha, inta badan dagaallada ka dhasha dumarka oo la kala boobana aanay si sahal ah ku qaboobi jirin. Odayaasha qabaa’illada ayaa iyagu qaybta ugu firfircoon ka qaadan jiray hurinta dagaallada iyo sii-wadistiisa iyagoo dhaqaalo ku bixinaya ama dhalinyarada beeshooda ku guubaabinaya iyagoo u tusaya in qabiil hebel haddii uu ka adkaado ay ceeb weyn u soo hoyanayso beeshooda. Haddab, sida la-wada ogsoon yahay is-qabqabsiga ka dhasha dhul beereedyada, xuduudaha daaqsinka, kala dhicista geela, kala boobista gabdhaha, is-yasidda, iska guursiga iyo dilalka aanooyinka qabiil ku salaysan ayaa dhammaantood la oran karaa waxay qayb ka yihiin khilaafaadyada ragaadiyay qabaa’illada Soomaalida, waxaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii arrimahaas looga siraad kori lahaa. Khilaafadyadaas qaabka ugu sahlan ee lagu xalin karo waa ku dhaqanka shareecada Islaamka, maadaama ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ay yihiin dad muslim ah, Ilaahayna uu u soo dejiyay dastuurka Qur’aanka Kariimka si ay isugu maamulaan uguna dhaqmaan, iyadoo weliba Soomaaliya ay isku dhaqan, isku diin, isku midab iyo isku af tahay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  15. RedSea;694699 wrote: That is a solution, you dimwit. In order to forge long lasting solution you have to be impartial and considerate of all parties whether you agree with them or not. Mr Waraabe learn how to read first! I was responding to Taleexi's question on what GD as a president would do. Thank you. Markuu AS iyo SNM maqlo ayuu soo ordaa...tartiibso bal adigoo wax hubsanaayo yaa ku dhaho... Xaji, TFG aka united qabiils of Somalia...all day everyday! GD for president! lol
  16. US has spoken! more like their billion dollars have spoken!
  17. lol@Faroole. I was gonna put him on the list. Dang! Hadduu mid baxo midkale ayaa iman. Wax is bedelaayo ayaa iska yar. Arab will always be Arab.
  18. This picture of a man carrying a shark through the streets of Mogadishu, Somalia, won 1st Prize Singles Daily Life in the 54th annual World Press Photo Contest Photo: REUTERS Friday, February 11, 2011 Omar Feisal, from Reuters took the arresting picture which topped the Daily Life Single category. The trophies are among photojournalism's most coveted prizes. Whooper Swans at dawn scooped second prize in the Nature Stories for Stefano Unterthiner from National Geographic who took the picture in Hokkaido Japan. Female wrestlers from Bolivia fighting for charity won second prize in the Arts and Entertainment Stories category for Daniele Tamagni from AP. A picture taken mid-flight of Tom Daly, the teenage British diver, during a competition in Singapore saw Adam Pretty win first prize in the Sport Stories section. A picture from Milan Fashion Week by Davide Monteleone won second prize in the Arts and Entertainment Single group. Source: The Telegraph
  19. Inuu Farmaajo la shaqeeyo, PL ay soo noqoto, SSC in la taakuleeyo. SNMna, AS, Raaskamboni clique iyo Faroole-na la jebiyo!
  20. AYOUB;694566 wrote: Duke for President. I concur.