Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Jacaylbaro;698626 wrote: Faroole with Nur Cade ,,, If you want to smile more halkan eeg
-
Great news Zack! err ehm! I meant bad news Zack! @ Jacpher
-
My bad walaal JB iyo awoowe ayaan u jawaabaayey. Topic-ga soo socda ayaan ka hadli doonaa that German porn director. I'm out.
-
Finland Shirweyne sanadeedkii Eurosom 2011 oo Helsink lagu qabtay Isniin, February 28, 2011(HOL): Shirweynihii sanadlaha ahaa ee urur-waynaha Eurosom-ES ayaa ka dhacay 25kii iyo 26kii bishan Febraayo, 2011 caasimada dalka Finland ee Helsink. Shirwaynahan oo ay martigeliyeen ururka KANAVA ee xubinta ka ah ES ayaa waxaa looga dooday qodobo dhowr ah oo la xiriira guud ahaan howlaha EuroSom iyo gaar ahaan kuwo la xiriira qabashada tartamada ES ee xagaaga, 2011. Qaybta 1aad ee shirwaynahan oo dhacay fiidnimadii 25kii bishan oo Jimce ahayd ayaa lagu bilaabay ku furitaan aayado qur’aan, soo dhowayn, warbixino, kalmada furitaanka guddoomiyaha ES, ansixinta ajendaha iyo hadalo kale oo ay soo jeediyeen odayaal isboorti iyo marti sharaf. Guddoomiye Max’ed Diini ayaa si rasmi ah u furay shirwaynaha isagoo uga mahadceliyay ururka Kanava soo dhowaynta qiimaha badan iyo qabanqaabada ay ugu jiraan martigelinta ciyaaraha ES 2011. Maalinimadii Sabtida ee 26ka Febraayo, 2011 ayaa la isugu soo noqday fadhiga shirkan waxaana lagaga hadlay dhammaan qodobadii ajendaha shirwaynaha. Waxaa la dhagaystay warbixinadii maamulka ES oo ay ka mid ahayd xisaab xirkii sanad Maxamud Sujaac ayaa waxaa uu ka warbixiyey ururka guud ahaan,dhinaca maaliyadeedka 2010/2011 ayaa xoghayaha lacagta soo jeediyey halka farsamadana Muridi Zein soo bandhigey sharciyadda cusub,kaidbna waxaa halkaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo talooyin. Waxaa dhanka kale iyana soo jeediyay warbixin la xiriirta waxyaabihii uga hirgalay u diyaargarowka qabashada tartamada ciyaaraha xagaaga iyo qorshe howleedkooda iyo wixii soo jeedin ah,waxaana halkaas kasoo jeediyey Gudoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha ES 2011 mudane Abdulqadir Hadafow. qodobada kale ee xiisaha lahaa waxaa ka mid ahaa dood cilmiyeed ‘workshops’ laga yeeshay qaabka loo horumarin karo barnaamijyada ES iyo wixii caqabado ku noqon kara iyo weliba sida looga gudbi karo,dood cilmiyeedkan ayaa waxaa loo kala qaybiyey labo qayb waxaa hogaaminayey Siciid Jamac,qaybta kalana Abdiaziz Godah. Waxaa dhanka kale la dhagaystay codsiyo ka mid noqosho urur waynaha EuroSom oo ay soo gudbiyeen ururo dhowr ah, iyadoo halkaa lagu waydiiyay su’aalo badan oo la xiriiray dalabkooda. Dood dheer iyo wada tashi ka dib waxaa la isku raacay in loo ogolaado kasoo qaybgelida tartanka ES ee xagaaga, 2011 ururada amaba kooxaha kala ah Muqdisho FC oo ka dhisan koonfur galbeed London iyo labo kooxood oo ka socday dalkaa Norway, waxaana liiska xubin sugida ku jira ururada Vantaa ee Finland iyo Leicester United-UK. Guddoomiyaha EuroSom Mudane Max’ed Diini ayaa sida caadada ahaydba halkaa ku guddoonsiiyay 3 abaalmarinood oo qayb ka ah Abaalmarinta Guddoomiyaha ES ee sanadlaha ahayd ururka KANAVA iyadoo lagu maamuusay sidii ay uga soo dhalaaleen martigelinta tartamadii ES 2010, Abaalmarintan ayaa waxaa loogu magacdaray Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed Macalin Bashiir Abdi Daahir oo hadda Masar kusugan,abaal marintan ayaa waxaa u qaaday Caamir. Guddoomiye xigeenka Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa isagana waxaa sidaas oo kale lagudoonsiiyey abaal marin lagu abaal mariyey qaybtii weynayd ee uu ka qaatay Tartankii ciyaaraha Gobaladda ee Puntuland laguqabtay,Abaal marintan ayaa waxaa Gudoomiye kuxigeenka u qaadey Abdiaziz Godah oo ah xubinGudigga Fulinta ee GOS isla mar ahaantaana waxaa Gudoonsiiyey Cumar Dhagaweyne oo ahaanjirey xoghayihii hore xiriirka ciyaaraha fudud,Cumar ayaa waxaa uu yiri waan ku faraxsanahay in aan abaal marintan bixiyo,sababtoo ah waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ciyaarihii gobaldda dib loosoo nooleeyo muddo 20 sanadood ka dib. Waxaa sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta la gudoonsiiyey abaalmarin lagu dhiirigelinayay kaalintii libaaxa ahayd oo ay muddo 20 sano ka badan dib ugu soo celiyeen tartankii ciyaaraha gobolada ee ka dhacay caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe, waxaana halkaa sidoo kale looga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo dadwaynaha reer Punland u dhabar adayga arrintan, abaal marintan ayaa waxaa bixyey Abaliisha oo ka mid ahaa laacibiintii wadankeena isla markaana waxaa kagudoomay Gasoore caalmai ah Al-Haji Muridi Zein. Ka dib ayaa Abaliisha isaga oo magaca kooxihii heerka koowaad ee Soomaaliya uu usoo jeediyey amaan urur weynaha EuroSom,qaas ahaan Ururka Kanava sida wanaagsan oo ay noosoo dhaweeyeen isla marahaantaana waxaa uu aad ugu farxay sida wanaagsan oo ay guud ahaan ururkan uu u shaqeeyo una dhiirigelinayo bahda isboortiga kuwooda yar yar iyo kuwa waaweynba. Ugu danbayn waxaa kulanka lagu soo gabagabeeyay qorituurkii isku aadka kooxaha, talo soo jeedin, dardaaran iyo duco. C/Casiis Goodax Barre agodah@hotmail.com Helsink, Finland
-
Maamul Goboleedka Puntland oo howlgallo lagu sugayo ammaanka ka billaabay waqooyiga degmada Gaalkacyo Isniin, Feberaayo 28, 2011 (HOL) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka billlaabay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug howlgallo lagu sugayo ammaanka, iyagoo ciidamada Puntland ay saakay weerar ku qaadeen xero dayax oo lagu iibiyo qamriga kuna taalla waqooyiga Gaalkacyo. Ciidamada Puntland ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo isku-dayay inay difaacaan goobta lagu iibiyo qamriga laguna farsameeyo, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah, iyadoo ciidamada Puntland ay u suurogashay inay la wareegaan goobta. Madaxa howlgalka G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Muuse Xasaasi) oo saxaafadda la hadlay howlgalkooda kaddib ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid billow u noqonaya howlgallo lagu sugayo ammaanka waqooyiga Gaalkacyo. "Howlgalkan oo ay ka qaybqaateen ciidamada daraawiishta, booliiska iyo kuwa dowlada hoose ee Gaalkacyo, waxay dagaal adag kula galeen koox hubeysan oo isku dayay inay mukhaadaraadka difaacaan wayna ka adkaadeen, waxaana ka xunahay inay dad rayid ah ku dhaawacmaan," ayuu yiri G/sare Muuse Xasaasi. Sarkaalkan wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay aad u taxadareen si ay khasaaraha dadka rayidka ah u yareeyaan, isagoo xusay inay ciidammo gaarka ah u dhaceen xero dayax ayna gacanta ku dhigeen dhamaan kooxihii dagaalka la galay. G/sare Muuse Xasaasi ayaa uga digay shacabka inay digtoonaadaan inta uu socdo howlgalka, iyadoo ciidamadii saakay galay xero dayax ay burburiyeen goobihii lagu iibin jiray qamriga, waxaana intii uu howlgalku socday xirmay wadooyinka soo gala goobtaas iyo kuwa ku dhow. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya -------- Good job.
-
Sharif Vs Sharif: To extend or not to extend, that is the question?
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
-
Haa waa runtaa he was the porno film director. My bad! Haddii uu cafiska badnaa maalmahan maxaa loo cafin waayey dumarkii lala xukumey the German porno king? Mandhera koley lama hilmaami doono because of that old German ------------...yeah you guessed it, porn director. Aaheey! lol
-
Expats Return To Somalia In Hopes Of Aiding Change Part 1 of 4 series Monday, February 28, 2011 Somalia has not had an effective central government in two decades of civil war. A new Cabinet took office in November in the capital, Mogadishu, and it's loaded with Somali-Americans. Some have given up quiet lives in the U.S. suburbs to try to turn around one of the world's most dangerous countries. Abdulkareem Jama is the Somali transitional federal government minister of information, posts and telecommunications. He used to work in IT management for Congressional Quarterly Press. Jama grew up in Mogadishu before the war, when it was a beautiful seaside city. Like many Somalis, he left, eventually settling in Northern Virginia. One day, Somali President Sheik Sharif Sheik Ahmed asked him to join Somalia's transitional government. "I told my wife and she thought I was nuts," Jama says. But they talked it over and decided he should return and try to make a difference. Jama is one of eight Somali-Americans in the Cabinet of 19. Their task is overwhelming. Foreign Policy magazine puts Somalia at the top of its list of failed states. Transparency International calls it the most corrupt. Jama says the new government is trying to change that. Ships arrive each day at the port of Mogadishu carrying cars, televisions and emergency food. But the port had never collected more than $900,000 a month in taxes because of graft. Jama says the government reshuffled the port administration and — voila — monthly revenue jumped to $ 2.5 million — a record. But changing habits in Somalia is hard. Read the rest at NPR
-
Qabiilka aad ka sheekeynaysid lama ogola walaal ee ogow. ------
-
lol... JB la hadal dadkaan... Maxuu la cabaadaayaa? haddaan been soo qorey i sax dee intaad calaacalka naga yareyso. Ma German-ka porn star-ka Mandhera lagu haayey ayaad inkireysaa? it will not go away that easily walaal...iska adkeyso aight!
-
Zack... kii la xukumaba waa la sii daayaa...what is the point maxmada ay sharafta isaga qaadeyso marwalba... I wont be suprised haddii 1 episode of Jersey Shore lagu duubo Hargeysa, the crew and cast 4 sanno ayaa lagu xukumaa waana la sii daynaa, baam. Wixii porn producers ah ayaa meel u furantey koley... soo dhawaada ahaa talaabadaan. Shiidh fooqal shiidh!
-
MMA, that was for Polanyi. Maadeey wuu cararey already. Ka fiiriya inuu inta ku jiro. Been badanaa sheydaankaan...acudu billahi mina sheydaani rajiim. Muu ku qudbeeyo Xamar hadduu wax isku haayo. Eey weji xun.
-
Waa laga hadley this video already.
-
Qaramada Midoobay oo $5-milyan ugu deeqday Barakacayaasha iyo dadka ay saameyeen Abaaraha Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqday dadka barakacayaasha iyo kuwa ay saameyeen abaaraha ee ku sugan degaanada Puntland lacag gaaraysa $5-milyan doolarka maraykanka si wax looga qabto xaaladaha ay ku suganyihin. Xirriryaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo soo gaarey shalay magaalada Bosaaso ayaa ku dhawaaqay in lacagtaas loogu talagalay dadka soo barakacay ee kunool Puntland iyo kuwa kale ee ay abaaruhu saameyeen. Wuxuu sheegay in lacagtaas ay ugu talagaleen in wax looga qabto xaaladdaha ay ku suganyihin dadkaas,isagoo yiri in Bosaaso ay martigelisay barakacayaal badan. Mark Bowden ayaa shalay galab booqasho ku maray xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Bosaaso,waxaana lagu wadaa maanta inuu booqasho ku tego degmooyinka Waaciye iyo Qardho ee gobolka Karkaar.
-
Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in xildhibaan kasta laga jaro boqol doolar oo wax looga qabanayo dhibaatada heysata dadka abaaruhu ay saameeyeen Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya xarunta golaha Shacabka islamarkaana uu shir gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Barlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa looga dooday ajandayaal u badan abaaraha iyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynt ku yeesheen. Waxaa ajandaha horkeenay Barlamanka gudiga gargaarka bini’aadanimada iyo daryeelka naafada ee Barlamanka Soomaaliya, iyadoo ajandahaasina maanta xildhibaanada Barlamanka ay intooda badan isku raaceen in dadka rayid ah ee abaaruhu saameynta ku yeesheen si deg deg ah wax loogu qabto, waxaana markii dambe xildhibaanada Barlamanku ay isku raaceen in mushaaraadkooda laga jaro boqol doolar si wax loogu qabto dadka dhibaateysan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamanka Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay kadib cod gacan taag ah oo xildhibaanada Barlamanka ku ansixiyaan ajandahaasi in qodobkaasi uu yahay mid ansax ah. Waxaa sidoo kale kulankaasi intii uu socday qudbad ka jeediyay gudoomiyaha gudiga gargaarka bini’aadanimada ee Barlamanka Ibraahim Xabeeb Nuur kaasi oo sheegay in ay jiraan waxqabad la’aan dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in 5 qof ay baahi darteed ugu geeriyootay xalay Siligii Ameerikaanka, isagoo intaasi raaciyay in uusan wadi karin howlaha gudiga uuna ugu baaqay gudoonka Barlamanka in cid kale loo dhiibo howshaani. Kulanka maanta xildhibaanadu ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho aya waxaa soo xaadiray xildhibaano gaarayay 285 xildhibaan, waxaana kulanka uu ku soo idlaaday si nabdoon.
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;698476 wrote: Ani a cup of French Vanilla or Icecap from Tim Hortons per day igu filan. Wax kale kaama rabi. Marka baraf kuugu dhamaado meesha rabtaa yaah? Awalba B. C. baraf badan ma lahayn, I guess. BC baraf badan ayaa ka da'ay this winter. End of September ayaa winter noo bilaabmey. How long aa joogee? shaqo maa u joogtaa mise maqaayad aa furatey? or shisha joint? Kuwa AS supportgareeya askarta maa ugu wacdid? kuligood xabsi in la dhigo ayaa fiican eeyaha.
-
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samatar oo deeq lacageed gaarsiisay Bukaannada ku jira isbitaalka Madiina Axad, February 27, 2011(HOL): Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho, waxaana Wasiirka ku wehelinayay qeybinta lacagtan Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Mudane Dr. Maxamuud Sheekh Xasan (Akhi), Xiiriyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo urur goboleedka IGAD Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) iyo weliba qaar ka mid ah gabdhaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Lacagtan oo ay tiradeedu dhameyd 30 Milyan oo Shillinka Soomaaliga ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay ku dhowaad 200 oo Bukaan oo ku jira Isbitaalka Madiino waxaana mid mid loogu gacangelinayay iyaga oo jiifa sariirahooda. Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahro M. C. Samatar ayaa u sheegtay weriyeyaasha inay booqasho gabaan ugu yimaadeen Bukaanada ku jira Isbitaalka iyaga oo ka wakiil ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ula qeybsadaan dareenkooda isla markaana ay soo gaarsiiyeen lacag “Xukuumadeenu aad ayay uga xuntahay dhibaatooyinka maalin kasta soo gaaraya shacabkeena, waxaana idiin cadeyneynaa in dowladdu ay dalka ka saari doonto kooxaha nabadiidka ah oo dhibaatada ku haya shacabka” ayay tiri Sahro oo intaasi ku dartay inay Alle uga baryayaan in inta dhimatay u naxariisto kuwa dhaawaca ahna Caafimaad deg deg ah siiyo. Guddoonsiinta deeqdan ayaa waxay ku soo beegantay xilli dhaawacyo tiro badan la dhigay todobaadkii ugu dambeeyey Isbitaalka Madiino maadaama ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya wadano dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah. Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister media@opm.gov.so Mobile: +252-615536608 Mogadishu, Somalia
-
lol@MMA... meeqa qaadanee adi? lol... thanx bro. InshaAllah mother's day ka hor.
-
lol... Mandhera is a memorable place uun baan idhi awoowe. The German porno film maker ayaa lagu haayey dee. Ma been baa taas?
-
Shaki iguma jirin in this porno dude la sii daaynaayo. The so called maxkamad is a joke. Judge Judy's court is more reliable.
-
Jacaylbaro;698409 wrote: Good ................ Mandheera Will be written in the history of Somaliland. I remember the first group of Police & Military in 1994 ,,, The porno director was held there until he fell ill and you had to release him... what a memorable place nooh!
-
Hope University (HU) is a national non-for-profit cost recovering Higher Education Establishment. Hope University also known as HU or Hope University operating in Somaliland/Somalia was founded in 2008 by Prof. Najib Sheikh Abdulkarim with support and encouragement of Somali intellectuals inside and outside the country to provide affordable higher learning opportunities in the fields of health, technology, and management sciences. ======= From the article incase you can't read. Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ah arday ka tirsan kuwa mastarka ka dhigta Jaamacadda Hope xarunteeda Muqdisho
-
Guddoomiyaha Jaamacadda Hope ee Hargeysa oo booqasho gaaban ku tegay Muqdisho Axad, Feberaayo 27, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa ahna wakiilka jaamacadda Kampala ee Somaliland, Prof. Najiib Sheekh C/kariin ayaa booqasho gaaban ku tagay Muqdihso Sabtidii shalay 26,02,2011. Prof. Najiib ayaa booqday xarunta horumarinta haweenka SOCWE, wuxuuna halkaas kula kulmay qaar ka tirsan ardayda waxbarashada aqoon-darsadka sare ee master-ka kawada koofurta Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid dhiir-gelin u ahaa ardayda joogta Muqdisho ee ku jiwa howsha waxbarasho ee heerka sare ah, halkaas waxaa hadalo tusaale iyo dhiiri-gelin leh u jeediyay ardayda prof. Najiib Sheekh C/kariim isagoo tilmaamay faaiidada guud ee ay leeyihiin waxbarashada aqoon-darsadka ah iyo takhasusaadka laga heli karo jaamacadda Hope ee uu guddoomiyaha ka yahay iyo tan Kampala ee uu wakiilka u yahay. Prof. Najiib wuxuu sharax kooban ka bixiyay jaamacadda iyo baahidda waxbarasho sare ee ay dalka ka daboshay guud ahaan iyo Somaliland si gaar ah oo ay xarunta dhexe ka furan tahay. "Jaamacadda Hope waxay bixisaa waxbarashada caafimaadka guud "public health", xirfada sheybaarka "lab-technician" oo isugu jirta heer jaamacadeed (bachelor degree iyo post-graduate) iyo takhasusaadka ay iska kaashadeen," ayuu yiri Prof. Najiib. Guddoomiyaha jaamacadda Hope wuxuu xusay in takhasusyada laga diyaarinayo shahaadaha master-ka ay kala yihiin: international relations & development studies oo leh koorsooyin kala duwan, dooran kartana takhasuska aad doonto, taasoo ay raacayaan communication, research methodology iyo hadba koorsada aad qaadanayso. Ugu dambeyn Maxamuud Maxamed Ibraahim oo ah arday ka tirsan kuwa mestarka ka dhigta Jaamacadda Hope xarunteeda Muqdisho ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii ardada Soomaaliyeed uga faa'iideysan lahaayeen fursadan takhasus sare ee fadhigooda loogu keenay, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay helitaanka waxbarasho sare oo aqoondarsi ah, isagoo ku taliyay in lasoo dhameystiro qalabka ay ardaydu wax ku bartaan. Wixii faahfaahin ahna fadlan ka booqo web page-ka jaamacadda oo ah: www.hope-university.org Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Masiibada Guryaha New-Hargeysa Waa Shirqool Ka dhan ah Umaddii Ka Codaysay Md.Silaanyo By Askar Tayadda Hogaamiyaasha iyo toosn aanta xukuumad la doortay waxay soo ifbaxdaa guda-galka masuuliyadaha Qaran ee loo igmaday iyo siday ula dhaqanto Shacab-weynaha mid u codeeyey iyo mid ka codeeyey labadaba. Waxaan taa uga socdaa talaabooyinka horta leh ee Xukuumada Siilaanyo ka dhex bilawday Shacbi-weynihii Somaliland oo markii horeba la ildarnaa Sixir barar daran, lana hagraday in wax laga qabto , arintan oo aan gadaal ka iftiimin doono waxay i xasuusisay wakhti aan Salaan ugu tagey Madaxweyne Silaanyo Doorashadii Madaxtooyada ee u dambaysay ka hor, waxaa wakhtigaa gacan yare u ahaa Musharax Siilaanyo oo loo sii mari jirey marka lala kulmayo Axmed Xashi Cabdi oo hadda ah Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland, oo markaa ka yimid Wadanka Ingiriiska oo uu Tobaneeyo Sanno deganaa, Goobtu waa Guriga Mudane Siilaanyo hooyga u ahaan jirey , wakhtigaas waxa uu Madaxweyne Silaanyo ku sugnaa gurigiisa gaar ahaan Barandaha oo ahayd goobta uu ku qaabili jirey dadka soo booqda waa marka guriga uu joogo e, markaan gaadhay gootaa, waxaanu kulanay Mudane Axmed Xashi oo igu wargaliyey in aan sugo Shan daqiiqo inta ay kasoo baxayaan laba qof oo la joogay Silaanyo, markii ay kasoo bexeen labadii qof ayuu Axmed Xashi iigu yimid halkii aan fadhiyey oo aan ka durugsanayn Barandaha uu Mr Siilaanyo ku sugnaa , Axmed Xaashi aqoon hore iskumaanu lahayn oo waxa uu ahaa nin qurbaha mudo ku maqnaa oo mudo aan ka badnay laba bilood dalka joogay, walaw anigu aan aqaanay mudadii uu xildhibaanka ahaa, intaa kadib, waxa uu iweydiiyey laba Su'aalood , ta hore waxay ahayd Ma Reer Hargeysa ayaad tahay? Haa ayaan ugu jawaabay, Su'aasha labaad waxay ahayd iyana; Ma Reer Hebel ayaad tahay? Isaga oo magacaabay Beel kamid ah beelaha Hargeisa dega, gaar ahaan galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa. Waxaan ugu jawaabay Haa, intaa kadib, gacanta ayuu i qabtay illaa goobtii uu ku sugnaa Madaxweyne Silaanyo. Waxa layaab igu noqday runtii su;aalahaa uu iweydiiyey Axmed Xashi, waxaan isweydiiyey miyaanu Xisbiga Kulmiye ahayn Xisbi Qaran oo balaadhan oo beelaha Somaliland oo dhan u siman? Miyaan dimoqoradiyad la qaadan oo aan laga gudbin cunsuriyadnimo iyo wixii lamid ah? tolow beelaha la iska ilaalinayaa ee la takoorayaa waa kuwee? Haddii aan usoo noqdo fariintaydan oo aan dhacdadaas ku xasuustay falalkan horta leh ee hadda ka aloosan Xaafada New Hargeisa ee ku kooban ee shacabkii markoodii horeba la ildarnaa Sixir- bararka laga gubay Guryihii ay hadhsanayeen ee ay ku daranyeysnaayeen hoostooda, waxaa xaqiiqa in hadda bilaabmay shirqoolo ka dhan ah shacabkii ka codeeyey Xisbiga Kulmiye ee horena la isaga ilaalinaayey, waxaana inoo iftiiminaya inuu falalkan dhacayaa uu yahay mid Xakuumadu cid gaara ugu tala gashay oo ay iyadu gacanteeda ku maleegayso oo ay ka dambayso cida falkan hogaaminaysa; todoba casho oo arintan gubistu socotay oo ay Xukuumadu Afka iyo Adin kaba ka xidhatay , waxaa inaas usii dheeraa dheel-dheelkii uu Wasiirka Arimaha Guduhu kula kacay shacabka New Hargeysa, ayna ku soo ambabartay mudaharaadadii ka dhacay xaafadaa masiibada la gayeysiiyey, kuma koobna oo kaliya ficiladan aragaxa lihi xaafada New Hargeisa oo kali ah balse waa mid qorshaysan oo ay ku xigaan Shacabka dega ; Koonfurta Bari ee Hargeisa, Cadaadlay, Berbera, Boorama, Oodweyne, Galbeedka Burco iyo meelo kale oo astaysan. Waxaan kusoo gunaanadayaa , arintan naxdinta lihi waa mid keeni karta burbur hor leh oo dalka ku yimaad oo aan la mahadin , shacabka waxaa looga baahan yahay inay arintan dareen u yeeshaan. Wabillahi Tawfiq Cabdirasaaq Sh Cali Askar Hargeisa, Somaliland ixsaan2002@hotmail.com