Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka ay Soomaaliya leedahay Axad, March 20, 2011(HOL): Barnaamij loogu magac daray “Umatic week”oo micnihiisuna yahay iney ku soo bandhigaan ardeyda hidaha iyo dhaqan ay leeyihiin dowlad waliba oo islaam ah ayaa waxaa lagu qabtey jaamacada islaamka ee ku taala caasimadda kuala lumpur ee dalka malaysia. Barnaamijkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatey 38 dowladood oo ay ku jirto soomaaliya , waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen dowlad waliba hidaha iyo dhaqankooda sida cunada, cayaarta iyo qaabka ay u dhisteen guryahooda, dadweyne aad u fara badan ayaa goobta uu barnaamijka ka dhacaayey u soo daawasho tagay ayadoo ay ka mid ahaayeen kor meerayaal ka soo socdey jaamacado ku yaala dalka mareykanka ahna macalimin wax ka dhigta jaamacadaha ku yaala wadanka mareykanka , safiiro fadhigoodu yahay wadankan malaysia waxaa kaloo ku wehliyey hormuumka jaamacada islaamka ee malaysia. Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhisteen goobtaasi AQAL HOORI aad u qurux badan kaasoo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii goobtaasi yimid sidoo kale waxey halkaasi ku soo bandhigeen cunada ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin soomaaliya sida oodkaca canjeelada iwm, waxaana ka marneyn dhaantada oo ay u ciyaarayeen dhalinyaro si aad ah iskula bartey cayaarta dhaantada kuwaasoo waxa ka barta jaamacadaha ku yaala dalkaan malaysia, waxey kaloo soomaaliya soo bandhigeen alaabta hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihin, sawiro muujinaya aqoonyahano caan ka ah dalka soomaaliya si ay u baraan ajaanibta kale oo aan aqoon u laheyn dadka iyo dalka soomaaliyeed. Gudiga ardeyda soomaaliyeed ee malaysia oo uu hor kacaayey gudoomiyaha ardeyda Mudane C/salaam Maxamuud ayaa isku howley sidii ay u gaarsiin lahaayeen barashada hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay ajaaniibta wax ka barata jaamacada islaamka ayadoo guud ahaan jaamacadana ay dhigtaan ajaaniib fara badan oo ay kala imaadeen 105 dowladood tirada ardeydana tahay 48 kun. Jaamacda islaamka ayaa tirada ugu badan ardeyda soomaaliyeed dhigata ayadoo lagu qiyaasey 220 ardey halka guud ahaan tirada ardeyda wax ka barata dalka malayshiya ay gaareyso 3000. Ugu danbeyntii barnaamijkaasi oo socday todobo maalmood ayaa xiritaankiisa waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyey dhamaan dowlidhii ka qeyb qaatay ayadoo ujeedada ka danbeysa barnaamijkaasi sanadlaha ahna tahay sidii ay isku baran lahaayeen ardeyda waxa ka barata jaamacada islaamka watana hidaha dhaqanka kala duwan ay liihiin dal waliba. Said Omar Baaffo saciid@hotmail.co.uk Kuala lumpur-Malaysia
  2. The Zack;703639 wrote: ^It depends on the circumstances. I was just pointing out that 14's and 15's are not necessarily "Ciyaal". Hadduu wiilku ku qaangaadho 13 waa nin thus he can fight. Su'aasha jawaabteeda "haa iyo maya" ayey lagaa rabey not it depends on the circumstances. Haddaadan your 14 yr old u direynin dagaal maxaad ula rabtaa wiil kale oo 14 yrs old jira oo aanad dhalin inuu dagaal galo? Kaagana school ayaad la rabtaa kan aanad dhalina inuu dagaal galo ayaa kula saxsan miyaa? Caqliga aad sheegeyso aawey? what logic are you using inboow? wuu qaangaarey kulahaa, c'mon now. Wax aanad adiga isla jeclayn hala jeclaanin qofkale. This psychopath Aweys, caruurtiisa aawey iyo kuwa gabdhiisa dhaleen oo uu awoowe u yahay? maxuu ugu diri waayey the front lines-ka? naga daaya qashinkaan maalacyacniga ah fadlan.
  3. Hargeysa(Qaran news)-Waxa xalay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa la keenay dad dhaawac ka soo gaadhay iska hor imaad shalay ku dhexmaray laba beelood oo wada dega Deegaanka Dhabolaq ee Galbeedka Hargeysa oo isku laayay Biyaha laga cabo Ceelashaasi oo gaabaabsi noqday. Sida ay wararku sheegayaan tuulada Dhabolaq oo ay ku yaalaan Ceelal biyaha laga cabo ayaa waxa soo food saaray culays dhinaca dadka ah oo biyo raadis ah kaasoo keenay inay dadka deegaankaasi isku maandhaafaan qaabka ay Biyahaasi u cabi lahaayeen. Sidoo kale waxa Culays kale sii saaray Booyado Biyo dhaan u yimi Dooxaasi si ay biyaha u gaadhsiiyaan dad farabadan oo ku haraadan deegaanada Oogada ee dhinaca xuduuda kuwaasoo bixinaya Lacag ka badan intii hore loogu dhaamin jiray, taasoo qayb ka ah ismaandhaafka dadka Deegaanka dhex maray. Dad gaadhaya ilaa laba iyo toban qof oo labada beelood ka tirsan ayaa dhaawacoodii la keenay Cisbitaalka Hargeysa kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaadheen Budad iyo dhagaxaan ay isla dhaceen labada dhinac. Saraakiisha Booliiska ayaa u gurmaday labadaas Beelood ee gacan ka hadalku ku dhexmaray Deegaanka uu ku yaalo Dooxa Dhabolaq, waxaana la sheegay in xaaladu degan tahay isla markaana ay Ciidamada Booliisku wali gacanta ku hayaan xaalada Waaheen
  4. The rebels waving the French flag! will they live to regret it? we will find out soon enough. IA
  5. Vans- He is a Chemical Engineer.
  6. Innocent civilians eh! they are armed to the teeth, did you forget to mention that yaa Layzie?
  7. haha... I just remembered a Dave Chappelle skit. Thank you for the laugh.
  8. Odeydhoorre1000 channel Wannabee ciyaalka xaafada.
  9. He got mad skills. MashaAllah.
  10. Is Zubeyra against writing love letters to Zenawi? how about the Ethiopians in Berbera? Sheik Sharif with his bulletproof gear visits his troops almost every week. Where is Zubeyra? eh! yeah, I thought so. Ragnimo waa loo dhashaa, our Sheik tuute inoo soo xirto ayuu frontlineska imaadaa, whilst Zubeyra ay isku qarineyso niqaab cabsi awgeed. Yaa la aaminaa? nin is qarinaayo ama nin banaanka soo taagan, baankoorna sita?
  11. Start a thread about him then. I don't know If you can read but this thread is titled Warlord Siilanyo commits genocide in Somalia's SSC districts. AO- I didn't name any nomads brother.
  12. Title-ka aan ka helay. Yaa laga gadooyaa buraanburkaan is the question. This pr campaign waxey fashilantey markii Imaamka la soo hadal qaadey.
  13. He is not sending troops as he himself confirmed it just the other day. Concentrate on Warlord Siilanyo. You are desperately failing to change the topic of discussion awoowe.
  14. General Duke;703448 wrote: You have Denmark, Canada, France & UK all Christain countries wanting to save the lives of those precious Libyans. Wonderful stuff. The lives of the Bahraini's and Those in Yemen, Somalia and other parts of that world is not so valuable.
  15. Yemen maxaa loogu duuli waayey? soo dadkeedii protestgareynaayey lama xasuuqin? the western powers caqligooda waxay rabaan iney burburiyaan awooda milateriga Libiya, oilkana iney faraha ku dhigaan, qaxootiga ay sameyndoonaane lacag ku qaataan. Another Iraq ayaa soo socota, waxba yaan lagu marmarsiyoonin Gaddafi.
  16. Berbera maxaa Ethiopianka shaqada ka qaatey Soomalida uga qeylin weyse awoowe? you are full of contradictions.
  17. Abu Mansur, not Ahmed Godane aka Zubeyra. Mansur waaye ninka banaanka is keena oo aan is qarinin while Zubeyra ay niqaabkeeda diamond studs ku toleyso. Btw this thread is about Warlord Siilaanyo. Lol@Jacpher.... Soomaliya ma rabno ayey la soo shirtagaan actionkoodase waa sheeko kale, they can't stay away from SomaliaOnline, Hiiran Online, Horseed Media, Shabelle Media, Allpuntland.
  18. Bahuku wuu jooga, Sharifna tuute ayuu meel walba ku xirana. Laakiin Zubeyra raganimo malaha ay banaanka is keento. Cijihaha iney ka jabaan ayey ka welweshaa malaha.
  19. oba hiloowlow;703161 wrote: lool maadey, duqoowdada waa random cid ay matalaan ma jirto lol almiino dadka oo la yaqaan ee miisanka culus leh maxaa uu afduuban weeyseen wax ay ahaan laheed dukaanka markaad ka soo gadatid no name brand cola waa ogaaneysaa durbadiiba iney the real coca cola u dhadhameynin.