Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Ok. Markaad diyaar tahay nala soo socodsii, dhag dhag waaye markaas.
  2. lol... it is the Toshiba monitor. Su'aal muhiim ah ayaa keentey, MMA kaaga jawaabaayo. p.s. Aaliyyah, haddaad shaqo rabtid soo dhowoow.
  3. Kool_Kat;703970 wrote: LMAO @Somalina's posts throughout this thread!!! Caadi iska dhig....................... lol@caadi iska dhig...maxaa saaxiibey? see camal? warka isii! Aaliyyah, hal qaado lee ku jirto saxankaas soorta lagu raray. MMA haddii soo joog laga waayo Ruby camal ayuu u ekaan. lol
  4. lol...MMA saxankaas soorta keligaa maa cunay? 3 qof ayaa loogu tala galey ka waran, good thing inaad socsocotid markey qoraxda dhacdo . Where is the salad btw? basal leen u jeedaa? Aaliyyah, library waqti uma haayo haye, gabdhihii niqaabka watey ayaa qaatir ka taagan. lol
  5. Wasn't he (Awliyo) arrested in Galgaduud last week? GD, you are an old geezer if you were hanging out with Awliyo in London.
  6. You have a point, my bad. Everytime I need a laugh I watch that video (particularly, the "ladies, I'm available" part)...lol
  7. lol@kan beerta isku sawirey, aabahiis maa u gadey beerta?
  8. AUN intii ay qarxiyeen ama gacantooda ku dhimatey.
  9. Awoowe reminds me of that presidential candidate you said you saw live last week, remember! the one with the all white ensemble.
  10. General Duke;703836 wrote: Casharadii laga bartay gobollada kale ayaa sahlay in golaha deegaanka ee Badhan ay 9 xubnood oo gabdho ahi ka mid noqdaan - Marwo Fatima J. Jibriil ... Good news.
  11. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xakumo kala duwan ku riday ilaa iyo 5-askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaasi oo lagu soo eedeyey in ay geysteen falal ka baxsan sharuucda ciidanka qalabka sida oo ay ka mid ahayd dhac iyo boob ay u geysteen dad ku nool degmooyinka Waaberi iyo X/jab jab, waxaana maxkamadda horteeda laga caddeeyey in ay 5-taasi ay askari ay isku dheceen ciidamo madani ah oo ka howlgala labadasi degmo. Dood dheer ka dib Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in markii Maxkamaduu ay eegtay eedeymaha uu soo gudbiyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabkasida ee ku xusneyd qodobada 103, 104 iyo 186-aad ee xeerka ciqaabta ciidamada, islamarkaana ay maxkamadu eegtay in ay si amar la’aan ah shaqadooda uga tageen, ayna caddaatay in ay falal ka baxsan ciidamadu gacanta kula jireen ay ku caddahay in ay geysteen dambiyo. G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa xusay in dable C/qaadir Max’ed Cismaan lagu xakumay 5-sanno oo xarig ciidan ah lagana rabo in uu dib u soo celiyo qorigii uu ka lunsaday dowladda, waxaaan uu intaa ku daray in eedeysanayaasha kala ah, Anwar Max’ed Jaamac, dable Xasan Max’ed Nuur dable C/laahi Cismaan Aadan, dable Cali Max’ed Axmed lagu xakumay min labo sanno oo xarig ah. Sidoo kale waxaa isla goobta xakunkaasi ka dhacaysa ka hadlay abaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal C/kariin Yuusuf Aadan dhago badan ayaa sheegay in talaabadasi ay tahay mid muujineysa in dadka aan si gar darro ah loo dili Karin, islamarkaana aan loo boobi karin hantida shacabka meel kasta oo ay joogaan.
  12. IA. Awoowe and Zubeyra are cousins miyaad leedahay?
  13. lol.. Markuu 12 jirey ayuu asagoo jabhad ah xeebta Zaylac ka soo degtey malaha. Weli madaxiisa guux ayaa ka yeeraayaa. Teenagers-ka Ohio yuusan ka ag dhowaan koley. (lol jk).
  14. Che -Guevara;703751 wrote: ^So you support AS recruiting 14yr olds? Che it seems Zack iyo Dahir Aweys waa isku fikrad xagga caruurta "mujaahidiinta". @Zack, 14year old dagaal uma diri lahayn, nin rag ah oo wiilkiisa yar diraayo intuu asaga is diri lahaana nin uma aqaan (adiga kaama hadlooyi). Waad ogeyd su'aasha lagu weydiiyey, waad is yeel yeeleysaa, laakiinse maantoo dhan war wareegsi kuma jiri karno. Jawaabna waa lagaa heley.
  15. The Zack;703736 wrote: Showqi what you said makes sense. Somalina, what you said doesn't make whole a lot of sense, I do believe that you misunderstood what I posted. We were discussing the term caruuur here. 14 and 15 are not caruuur in both somali and Islamic terms. Midda kale not all questions have closed answers. I didn't misunderstand anything. Waa adiga qofka ka leexleexdey su'aasha lagu weydiiyey. Meeshaasna ayaan ka hadlaayey. It seems you want to have your cake and eat it too. Bal aan mar labaad kuugu soo celiyo su'aasha lagu weydiiyey? wiilkaaga 14 jirka ah ma gelin lahayd dagaalka Somaliya ka socda maanta? Haa ama maya uun uga jawaab, waxba ha leexleexanin. Aight.
  16. Maxaa tirinoysaa? 3 countries or how many McDees you ate the past hour?
  17. Gafuurka dheh! garuufka kulahaa... @Poster, come back again with a different question ya hear!.
  18. Super Market-kii ugu weynaa ee Soomaali leedahay oo laga furay Den-Haag. Soomaalida ku nool dalka Nederland ayaa sanadihii u danbeeyay horumar dhinaca ganacsiga ku dhaqaaqday, taasoo ka dhiganta in dadka Soomaaliyeed ay u soo jeesteen sidii ay ugu mid noqon lahaayeen jaaliyadaha kale ee ku nool dalkani ee ganacsi xoogan ku leh. Shantii sano ee u danbeeyay waxaa soo kordhayay xarumaha ganacsi ee Soomaalida ka furaneyso magaalooyinka waaweyn, iyadoo Sabtidii (19-03-2011) Super Market weyn oo laga helayo alaabaha kala duwan ee Soomaalida isticmaasho laga furay magaalada Den Haag ee dalka Holland. Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayay Super Market lagu magacaabo Salaama kana dhacday magaalada Den Haag ayaa waxaa lagu casuumay Soomaalida degan magaaladaasi iyo magaalooyinka kale ee u dhow, waxayna dadkii ka soo qeyb galay ay soo dhoweeyeen furitaanka Super Marketka Salaama oo ay tilmaameen in uu noqon doono mid *****la baahida dadka Soomaaliyeed ee ku nool Den Haag iyo magaalooyinka kale. Maamulaha Salaama Super Market C/qaadir Macallin Cali ayaa sheegay in ujeedada furitaanka xaruntan ganacsi aysan aheyn kaliya in laga faa’iido, ee loo furay in Soomaalida baahidooda in lagu *****lo, wuxuuna intaa raaciyay in Salaama Super Market ay hoostagto shirkadda Salaama holding oo howlo ganacsi badan ku howlan, wuxuu sidoo kale uu sheegay in howlo kale ay baaxad leh Soomaalidana u baahan tahay in ay soo kordhin doonaan. C/qani Macallin oo isna ka tirsan maamulka Salaama ayaa balan qaaday in ay *****li doonaan baahida dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Nederland, “Waxaan diyaar u nahay inaan *****lno baahida dadka Soomaaliyeed, hadey ahaan laheyd adeeg walbo oo nolosha u baahan tahay” ayuu yiri C/qani macallin. Dukaankan ku yaal magaalada Den Haag ayaa noqonayo Super Marketkii ugu weynaa ee Soomaali ay leedahay oo ku yaal magaaladaasi, waxaana horay magaaladaasi ugu furnaa labo dukaan kale oo Soomaali ay leedahay, waxaa kaloo jiro dukaaman kale oo Soomaalida ay ku leedahay magaalooyinka kale ee dalka Holland. Cali Muxiyaddiin Cali Muxiyaddiin@hotmail.com
  19. Shir looga hadlayay horumarinta Soomaalida ku dhaqan Dalka Holland oo lagu qabtay Magaalada Den Haag Khamiis, March 17, 2011(HOL): Shir aqoon isweydaarsi ah oo hal maalin socday ayaa ka dhacay magaalada Den Haag ee dalka Netherlands, kaasoo looga hadlay marxaladaha ay ku sugan yihiin Soomaalida degan dalka Netherlands. Shirkan oo ahaa mid lahaa ahmiyad gaara, uuna soo qaban qaabiyey ururka Dalmar Foundation oo ka dhisan dalkan Netherlands, kana shaqeeya qaaradda Europe iyo dhulka ay Soomalidu dagan tahay een Horn of Africa. waxaa ka soo qeyb galay Professors jamaacadeed, hay’ado badan oo Dutch ah iyo dad madax ah oo ka socda dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee Netherlands. Waxaa sidoo kale shirkaasi ka soo qeyb galay madaxda ururada matala jaaliyadaha Soomaalida oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dadwayne Soomaliyeed. Shirka waxaa furay Asad Mohamed, oo ka tirsan madaxda ururka Dalmar Foundation. Asad wuxuu ka hadlay ujeedada shirkan loo agaasimay, oo ahayd in si cilmeeysan looga doodo sidii dadka Soomaliyeed ee dagan dalka Netherlands ay wax uga qabsan lahaayeen, ayna u noqon lahaayeen kuwa ugu hormarsan dadka ajaanibta ah ee dagan dalka Nehterlands. Kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay cilmi baaris muddo la waday oo xog badan xambaarsan oo ay wada sameeyeen jaamacada Nijmegen iyo Dalmar Foundation, waxaana kala shaqeeyey afar urur oo kale oo ka dhisan gobolada dalka sida, SOMVAO Amsterdam, Asia Rotterdam, SSGE Eindhoven, taasoo lagu ogaaday heerka waxbarshada iyo is-dhexgalka bulshada ee Soomaalidii dalkan soo gashay shantii sano ee ugu dambeysay. Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday shirka dhibaatada Qaadka uu ku hayo mujtamaca Soomaalida ee dalkan iyo sida ugu habboon ee dadka Soomaalida ah ee u badan dhalinyarada ay isaga dhaafi karaan cunistiiisa. Cilmi baaristan oo lagu qoray buug, ayaa waxaa lagu sheegay tirada Somalida cusub ee Nederlands soo gashay intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009 oo lagu sheegay in ka badan 13,000 oo Somali ah, kuwaasoo heerkooda waxbarashada iyo noloshooda la qabsiga dhaqanka Dutch-ka iyo isdhexgalkooda bushada ay tahay mid si weyn uga hooseysa jaaliyadaha kale ee ku nool dalkan. Sabaha keenayna ay ka mid tahay dalka Soomaaliya oo burbursan muddadii 20-sano ahayd ee u danbeeysay. Waxaa xusid mudan in sidoo kale shirkaasi lagu soo bandhigay horumarka ay sameeyeen Somali faro-ku-tiris ah oo meel fiican ka gaaray nolosha wax qabsiga ee dalkan, waxaana ka mida Cumar Munye oo ah wiil da’ yar oo Soomaaliyeed oo naqshadeeya boorsooyinka (top designer). Cumar ayaa dhalinyarada Soomaalida ku baraarujiyey in ay dalkan Netherlands ay horumar ka gaari karaan haddii ay dadaalaan, sida asaguba sameeyey. Asad Maxamed oo ka mida madaxda ururka Dalmar Foundation ayaa u sheegay Radio Damar in shirkan ujeeadada laga lahaa ay tahay sidii Soomaalida cusub looga dhigi lahaa kuwo ka gudba dhibaatooyinkii horey ugu dhacay Soomaalidii ka horeysay, ayna sare u qaadaan heerkooda waxbarshada iyo fahamka dhaqanka iyo sharciyada dalka Nederlands. Waxa uu cadeeyey in loo baahan yahay in Soomaalida ay wax ka qabsadaan Netherlands oo ay wax la qaybsadaan jaaliyadaha kale ee ku nool dalkan. Radio Dalmar oo ka howlgala dalka Holland ayaa mikrafoonka la dhex qaaday qaar mida madaxda ururrada matala jaaliyadaha Somalida Nederlands sida Cali Waare iyo Muse Xersi oo labaduba ka tirsan ururka SOMVAO iyo sidoo kale Ruqiyo Caddow oo ah gudoomiyaha ururka AASIYA, waxayna dhamaantood sheegeen in shirkii shalay ka dhacay Den Haag uu ahaa mid si wanaagsan u qabsoomay, ayna muuqato in masuuliyiinta ururada Soomaalida iyo dowladaba ay diyaar u yihiin in wax laga qabto dhibaatada haysata Soomaalida dalkan soo gashay shantii sano ee ugu dambeysay, sida in wax laga qabto dib u dhaca ay ka sameeyeen dhinaca waxbarashada. Waa shirkii ugu ballaarnaa ee noociisa ah oo Netherlands lagu qabto sanadihii u danbeeyey, kaasoo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan. Mohamed Abdi Farah Dalmar Media/Hiiraan Online