Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Intaad calaacalka iyo emotional outbursts iska dayso, aan ka hadalno Xaji Xanjo waxuu soo dhejiyey. Dadka gaajeysan ee Togdheer ku dhimanaaya waa maxay sababta deeq loola ordi waayey marka kuwa Zenawi hoos jooga lacag loo tuuraayo?
  2. You don't really know anything about me koow. Secondly, you can pull out your sleeping card if you wish, you can't stop me from commenting from any thread I please. Thirdly, just who do you think you are to tell me what I can or can't do? caqligaa isticmaal you sound like a broken record. lol@JB... warka i sii hee... soo daa yaaqee...it should be interesting.
  3. Saalax;707404 wrote: Somalina. Worry about the daily 90 people that die in Mogadishu of Amisom shelling. If your sincere and concerned with the deaths & suffering of Somali people. Why shouldn't I comment on this thread? Maxaa idin keena TFG, PL and GalMudug threads? you can't be serious now. hehe.... p.s. I do what I can for my people xaji Xunjuf wiilkiisa or should say secretary.
  4. Focus on this thread inanka magacyada badan leh aka Siciid aka Abokor, wax cusub ma sheegoysid, I've dedicated a whole thread about abaarta Somaliya ka jirta.
  5. Wiil Cusub;707398 wrote: Good job Somalina waxaan ku nidhi Ka naxooow ..... War ka nax this poor old lady oo gaajooneysa in Togdheer first and foremost intaadan igu soo calaacalin aniga.
  6. What about donating money to the ones dying of hunger in Togdheer? --------------- Talaado, 29 March, 2011 (HOL)- Abaaraha ka jira Gobolka Togdheer ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xogaysanayaa iyadoo ay dhamaan abaaraha ka jiraan guud ahaan gobalada Somaliland oo dhan. Abaartani baahsan ayaa iyadu dhamaanba saamayn xoogan ku yeelatay bulsho weynta ku dhaqan miyiga iyo magaaladaba . Dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyaha gobalka togdheer yasiin muxumed cabdi ka hadlay dhibaatada abaarta ee ka jirta gobalkani togdheer ayaa Xaqiiqijiyay in inta lahubo 4qof ay Ugu Dhinteen gaajo iyo haraad Deegaamada Abaartu ka jirto ee Woqooyiga Gobolka Togdheer. Dadka dhintay ayaa kal ah laba haweena iyo laba nin ah kuwaasi oo ku geeriyooday Deegaamada Carma iyo Madaxyalay oo ku yaala inta u dhexeeya Gobolda Togdheer iyo Saaxil oo ah dhul buuralay ah. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi oo arintani abaarta ka jirta degaamada gobalka togdheer maalintii shalay ahayd mar uu deeq raashin ah oo hayada Bisha cas ee imaaradku soo gaadhsiisay Maamulka Gobolka Togdheer ku wareejinayay Gudoomiyayaasha 10 Degmo oo ka mid ah Gobolka togdheer ayaa sheegay inay haatan marayso abaarta ka jirta Gobolka Togdheer meeshii ugu xumayd taasi oo hadii aan la kaalmayn dadka ku dhaqan Deegamada Abaaraysan ay soo waajihidoonto xaalada baniaadanimo oo aad u xumi ama u darani Gudoomiyuhu waxa uu ka codsaday Xukuumada Somaliland,Ganacsatada iyo hayadaha Caalamiga ahba inay kaalmo la soo gaadhaan dadka ku abaaraysan Gobolka Togdheer. Tan iyo waqtigii ay bilaabantay abaarta xun ee ka jirta Gobolka Togdheer iyo gobolada kale Somalilandba aya waxaa isasoo tarayay baaqyada iyo qayladhaana ku wajahan dhulka ay ka jiraan abaaraha xunxuni. Magaalada Burco ee Maagaalo madaxda Gobolka Togdheer ayaa si weyn looga dareemaya abaarta jirta iyadoo si-xad-dhaaf ah ay booyadaha biyo dhaamiska wadaa uga dhexshaqaynayaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer. Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online shakiira03@hotmail.com Burco, Somaliland
  7. Boqolaal Kun oo Dolar oo Billicda Madaxtooyada Lagu Bixiyey, Iyadoo Wax Meyd Lagu Maydho laga Waayey Qaybka Dalka ka mid ah Hargeysa(Qaran news)-Iyadoo ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo faro baas ku ahay boqolaal qoys oo Xoolo dhaqato ah kuna nool deegaanada Miyiyada Somaliland, ayaa ilaa iyo hadda waxa weli ka sii socda Madaxtooyada Somaliland olole la xidhiidha qurxinta iyo tayayta bilicda xarunta Madaxrtooyada Somaliland, taasoo sida la sheegay uu baxayo dhaqaale aad u tiro badan oo gaadhaya Boqolaal kun oo dolarka Maryakanka ah. Haddaba inkastoo ay tahay talaabo wanaagsan qurxinta bilicda Xarunta Madaxtooyaddu iyo meelaha kale ee halbawalaha ah ee indhuhu ku dhacayaan marka ay dalka yimaadaan wufuudda iyo dadka kale ee ajnabiga ah, haddana waxa haboon in hogaanka dalku uu maskaxda ku hayo marka uu arimahan oo kale samaynayo xaalada dhaqaale ee dalka iyo duruufaha nololeed ee Bulshadiisu wakhtigaa ku sugan tahay. Sidaa darteed-na marka uu qiimayntaa sameeyo ka dib ku dhaqaaqo hadba talaabada haboon in wakhtigaa la qaado, haseyeeshee marka sida maanta jirta oo kale uu dalku ku jiro duruufo nololeed oo qalafsan, kuwaasoo hadda gaadhay heerkii ugu xumaa ee abid dalka soo wajaha, ayaa marka la barbar dhigo hawlaha bilicda Madaxtooyada kor loogu qaadayo, waxa dad badan oo bulshada ka mid ahi talaabdaa u fasilan karaan mid ka markhaati kacaysa heerka uu gaadh siisan yahay lexejeclada hogaanka dalku ka qabo bulshadiisa abaartu indhaha ka riday. Sidaas aawadeed waxa la gudboon in Madaxwenuhu qaado talaabo uu arintaa ku joojinayo si uu bulshadiisa u tuso inuu u damqanayo, isla markaana Boqolaalka Kun ee Doolar ee ku baxaya bilicda Guriga uu dagan uu biyo dhaamis ugu badalo bulshadiisa, maadaama hadda sida wararku sheegayaan ay deegaano dalka ka mid ah ka dhacday in mayd la’aaso iyadoon la maydhin biyo la’aan darteed. Si kastaba ha ahaatee haddii Madaxweynuhu taladaa qaato oo waxna ka badalo sida hadda wax u socdaan ay arintaasi tahay go’aan wanaagsan oo ku haboon in Madaxweynaha lagu hanbalyeeyo, balse haddii xaalku sida uu hadda yahay sii ahaado, waxa dhici karta in sidii ka dhacaday Tunis oo kale ee marka aynu noloshu cidhiidhi gasho dadku waayaan waxay cabaan dhururi biyo ah oo ay dhuunta mariyaan. Yool
  8. Heavyweights have just entered the room. Indhashareer kala orod ayaa dhici doona.
  9. Soomaaliyeey toosoo Toosoo isku tiirsada oo Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee Somalida intaa uun baa ka maqan maanta. Great thread Ismahaan. Thank you.
  10. Faahfaahin ku saabsan taliyeyaasha la magacaabay War-saxaafadeed shirka golaha Wasiirada Muqdisho, March, 29.03.2011 Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) shirkaasi waxaa loo qeybiyay Ajanede ku saabsanaa magacaabida taliyeyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuxigeenka taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay in magacaabida taliyeyaashan ay muhiimad weyn u leedahay fulinta howlaha amniga qaranka sidaasi daraadeed wuxuu ka codsaday wasiirka gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi inuu golaha u soo jeediyo hindisihiisa ku saabsan magacaabida taliyaha xoogga dalka. Wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlayay taliyaha cusub ee xoogga dalka wuxuu sheegay inuu u soo jeedinayo golaha in G/le sare Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in G/le sare C/qaadir Sh. Diini uu yahay sarkaal waaya aragnimo dheer u leh maamulka xoogga dalka wuxuuna soo qaaday wasiirku isagoo ka hadlayay taariikh nololeedkiisa inuu noqday taliye kuxigeenkii xoogga dalka mudadii u dhaxeysay 1987-1989, sidoo kale wuxuu soo noqday taliye ka ahaa dugsigii tababarka ciidanka ee Bali-doogle 1982-1985, 1979-1980, wuxuu noqday taliyaha Booliska/ Millateriga (Police force), haatana wuxuu ahaa La-taliyaha arrimaha ammaanka ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, iyo caalamka. Heerkiisa waxbarashada. 1989-1990 Us army Carlisle, PA U.S.A. 1986-1987 Us army Command and General Staff College, PA, U.S.A 1986 Us army John F. Kennedy Special Warfare Center and School, Fort Bragg, NC U.S 1972-1974 Military Academy, Odessa, Ukraine Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. English 3. Arabic 4. Russian Warbixinta Wasiirka gaashaandhiga uu ku tilmaamay waaya-aragnimada shaqo iyo heerkiisa waxbarashada ee taliyaha cusub kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado magacaabida taliyaha xoogga si loo ansixiyo. Dhamaan Golaha wasiirada waxay isku raaceen in G/le sare C/qaadir Sheekh Cali Diini uu noqdo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kolkaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu golaha u soo jeediyay in Booliska Soomaaliyeed loo magacaabo taliye cusub iyo kuxigeenkiisa wuxuuna ka codsaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax inuu golaha u faah faahiyo hindisihiisa ku aadan taliyaha cusub waaya-ragnimadiisa shaqo iyo heerkiisa waxbarashadada Wasiirku wuxuu golaha u sheegay in G/le sare Dr. Shariif Sheekhunaa Maye uu soo jeedinayo inuu noqdo taliyaha Booliska Soomaaliyeed kuxigeenkiisana uu noqdo G/le sare C/xakiin Daahir Saciid Xaashi. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka hadlayay G/le sare Dr. Shariif wuxuu sheegay inuu yahay jaamici dhanka sharciga, waxna ku bartay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed. Heerkiisa waxbarashada. 1970 ayuu ku biiray tababar dembi barista una tegay dalka Talyaaniga (Aplicazione die Carabinieri) 1985-1987 Studied af Financial Law in Rome (Italy) at Scuola Applicazione dei Scuola Superiore della Polizia Tributaria (Ciidanka illaalinta canshuuraha) 1980 waxaa loo magacaabay kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadii Badbaadada Qaranka 1981-1983 wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamada badbaadada Qaranka ee gobolada Galbeed ee Soomaaliyeed 2001- wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii dowladdii TNG Carte Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. Italian 3. Swedish 4. Swahili 5. English Warbixinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku aadaneyn waaya-aragnimada iyo heerka waxbarasho ee taliyaha Booliska Soomaaliyeed Dr. Shariif Sheekhuna iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Daahir Saciid kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado taliyaha Booliska iyo kuxigeenkiisa. Dhamaan golaha Wasiiradu waxay isku raaceen magacaabida taliyaha Booliska ee cusub Mudane Dr. Shariif Sheekhuna Maye iyo kuxigeenkiisa mudane C/xakiin Daahir Saciid (Saacid). Xafiiska afhayeenka Xukuumada Mudane Cabdi Xaaji Gobdon media@opm.gov.so
  11. It wasn't my intention walaal. Now I know who inspired you to start this thread, lucky man you are. Congrats again.
  12. Arbaco, March 30, 2011(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyay Talliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Talliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Dr. Shariif Sheekhuna Maye. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa munaasabaddan waxaa ku weheliyey Raisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisul Wasaare ku- xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Jen. Axmed Geeddi Jimcaale (Cirfiid) ahna Talliyihii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey Taliyayaasha cusub, una sheegey in dalka uu marxalad adag ku sugan yahay, loona baahanyahay in laga saaro marxaladan.Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay waxa ugu muhiimsan waqtigan Dalka Soomaaliya ay tahay xoojinta ciidamada Qalabka sida iyo horumarinta nabadgelyada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxayna taliyayaasha maanta la dhaariyay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo uu buuxinaya xilalkii banaanaa ee Taliyayaasha Amniga Dowladda Soomaaliya. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha mabdalla@presidency.gov.so Muqdisho, Soomaaliya
  13. Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Wakiilka xoghayaha guud UN-ka ee arrimaha Soomaaliya dajire Augustine Mahiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho booqday iyagoo kulan looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo shir ka dhacaya Nairobi la yeeshay madaxda dalka ugu sarreysa. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayuu Mahiga wuxuu si gaar ah ula kulmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo sidoo kalena ay is arkeen afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shir jaraa’id oo ay si wadarji u qabteen darjie Mahiga iyo mudane Faraamjo ayay kaga hadleen wixii kasoo baxay kulankooda, waxaana Mahiga uu sheegay in socdaalkiisa uu ahaa mid warqado casuumaad ah uu kusoo gaarsiinayay madaxda Soomaaliya si ay uga qaybgalaan shir ka dhacday Nairobi oo la isugu keenayo maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda. “Waxaa wanaagsan in la fahmo inaan doonayno in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah, waayo ummadda Soomaaliyeed waxay kusoo jirtay KMG ah muddo toddoba sano ah wax badan ayaana kaga lumay danna uguma jirto,” ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlay shirka jaraa’id. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay inay kasoo horjeedaan in dalka uu ku dhaco fiqaad dowladeed ayna xukuumadu doonayso inay qabato muddada ay shaqeynayso howlo lagu sugayo ammaanka, in dowlad wanaaggii lasoo celiyo, in dastuurka la dhameystiro, in ciidamada la habeeyo iyo in dib loo dhiso magaalada. Dajire Mahiga, ayaa isaguna sheegay in sababta uu Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu warqado casuumaad ah u keeno madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, taasoo ku saabsan ajandaha shirka bishan soo socota dhammaadkeeda ka dhacaya dalka Kenya. Ergayga ayaa sheegay in shirku uusan ahayn mid la mid ah shirkii dib u heshiisiinta ee Nairboi, shirkii Jabuuti ama mid looga gaarayo go’aan aayaha dalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wadatashi, isagoo intaas ku daray in shirkan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay beesha calaamku u taageeri lahayd, dowladda KMG ah iyo baarlamaankuna ay howlahooda u sii wadan lahaayeen inta uu ka dhammaanayo xilliga KMG. Danjire Augustine Mahiga iyo wafdigii la socday ayaa ka dhoofay Muqdisho, iyagoo ku laabtay dalka Kenya oo ay markii hore ka yimaadeen, waxaana shirka ka dhacaya Nairobi horay loo sheegay inay kasoo qaygeli doonaan Puntland, Somaliland, Galmudug, Ahlusunna iyo DKMG ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. Naxar Nugaaleed;707327 wrote: some of us really need to rethink this my faction is always right mentality. and if their was division duke, i see we will never agree on this, my thinking is the reasonable think to do would be not to interfere rather then doing just that while claiming division is the cause of the problem. This situation is not helpful to anyone, the people of these regions are a brotherly people that will always have ties regardless of how these regions are reconfigured but it is isn't helpful to fall for the cheap attempts of manipulations by the likes of farole. Somalina, i thought u were a konfurian, shabaab iyo isqarxis noga sheeke waxa kalena iska daaf... Why do you comment on TFG and Muqdisho threads? you need to think first before you start asking ignorant questions like that. Why can't I not participate on this thread? Aren't I a Somali national? Use your most important asset, your brain, me say.
  15. Wasaarada gaadiidka oo amaro dhul dhigtay Gaadiidleyda Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada Gaadiidka Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay soo saartay go’aano dhowr ah oo ku wajahan gaadiidleyda ka shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho iyo xeebaha gobolka Banaadir. Go’aamadaani maanta ka soo baxay wasaarada gaadiidka badda, dekadaha, cirka iyo dhulka ee xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay si toos ah ugu socotaa milkiilayaasha iska leh gaadiidka iyo doomaha ka xamaasha biyaha Soomaaliya, waxaana ay maanat wasaaradu ay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha soo socota ee April in ay isasoo diiwaan galiyaan miliilayaasha iska leh gaadiidka iyo doomaha si ay u qaataan taargooyin ay ugu talagaleen in lagu dhajiyay doomaha iyo gaadiidka kale ee badda. Sidoo kale Wasaarada Gaadiidka xukuumada KMG ayaa waxa ay sheegtay in laga doonayo darwalada kaxeeya gaadiidka iyo doomaha in ay isasoo diiwaan galiyaan si ay u qaataan buuga wadista gaadiidka ee looyaqaan (Laysinka) sida uu maanta saxaafada u xaqiijiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada gaadiidka Max’ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur. Dhagaxtuur ayaa waxaa uu tilmaamay in is diiwaan galintu ay ku egtahay 12-ka bisha April ee soo socota, wixii xiligaasi ka dambeeyana waxa uu xusay in loo qaadan doono cid ku xadgudubtay sharciga ayna waajib noqoneyso in laga qaado talaabo adag oo waafaqsan sharciga. Inkastoo wasaarada gaadiidka xukuumada KMG Soomaaliya ay soo saartay awaamiir ku socota milkiilayaasha gaadiidka iyo Doomaha ayaan si dhab ah loo ogeyn sida ay ku dhaqan gali karto awaamiirtaani xili qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay gacanta ugu jirto xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
  16. GD, congrats to you and abaayadeen. Gabar iyo caano, wiil iyo farmaajo.
  17. Xaaji Xunjuf;707317 wrote: What if Amiir godane just builds his own Villa Somalia some where in daynile or Merca i mean Villa Somalia is not Villa Somalia any more awoow it's now Villa Amisom. I will rather have Villa AMISOM than Villa Indhashareer. Alshabaab can no longer hold press conferences in Dayniile let alone build a Villa. About Godane, he has to show his face first to the public before he can build any Villa on Somali soil.
  18. Liqaye;707165 wrote: "Transition the south to alshabaab hands (Mogadishu included)" Or did you mean transition the south FROM alshabaab hands? Only in a dream will Alshabaab control Mogadishu. Hizbullah or Benghazi rebels it don't matter fact is, terrorist AS will never see the inside of Villa Somalia. Now that we got that reality out of the way, carry on folks.
  19. Can someone translate the following? Showqi adiga soo dhejisey, fadlan get to work. Baxsanay habeennada indha baal ma saarinoo, Duni baadi weeyoo bilisina illowshaha, Wa u beer nugayloo ba'a iyo baraaraha, Baraarahay xuseeyaan anse baal ka marayoo, Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo, Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo, Dakhalkii bacramay baan baayeey ku selelaa, Bisin alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo, Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii, Baaqaan hayeeey iri sow Cali-badmaaxoo, Birrigii imuu gayn baari iima qabanoo, Berrigii imuu gayn naftaan qaaddir bixinayn, Ogow wey badbaaddaa Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo, Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo, Bahaluhu ka buuxaan way bila dayahoo Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa, Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh, Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay, Waa baab jacayloo Billaawihii afaystoo, Bedenkayga degayoo igu beeray boholyow, Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah Ama ii bushaara ah oo ii baraara ah, Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo, Badmaax-aan hantaayoo berri aannu kulanoo, Beryasamo ku waarraa!!.