Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
The Zack;707851 wrote: Dadka qaar provided constructive canaan others are just plain haters. I see some who applaud for Puntland, Galmudug, even xiiman and xaax who are against our newly born beautiful AZANIA? Shaqo yeesha yaa dhaho kuwaas. As far as the name, Ilaahow maa loo baxsho Car-taabo-land, it aint your freaking business, dadkii lahaa baa ula baxay. lol@dadkii lahaa... aint that something eh! I bet Sharif Sakiin, Hiirale and the other rightful owners of those regions would beg to differ.
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
lol... -
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
Saalax;707840 wrote: ^^^ I didn't know you was a supporter of Refuuge Abdulahi yusuf's (Supporters). The same man who invited thousands of ethiopians to Mogadishu. Aaabahaa Xaji Xanjo waves his red cimaamad for Zubeyra and he is one of my fav nomads here on SOL. Waa dimuqraadiyad dee, qof walba ha supportgareeyo cid Alle ciduu doono. -
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
General Duke;707828 wrote: ^^^lol@ Salah and XX, you know there was an article about Siilanyo not long ago in a South African News Paper, are we to divulge that here. It depicted him as a wretched soul.. Egaal wrote a love letter to Rabin of Israel. Edna Adan told the world that the Somalilanders and her clan were the lost Orphans of the Queen of England. And Faisal Warrebe stated that to him and his people, a child born in Addis was closer to one born in Mogadishu. No wonder you take pride in what you say, mentioning the names of Amxar & Tigray officers with affection. That is harsh yaa Dukey. -
Dood cilmiyeed looga hadlayay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hakinta colaadaha oo lagu qabtay Nairobi Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dood cilmiyeed cinwaankiisu ahaa ay doorka waalidiinta Soomaaliyeed ka qaadan karaan hakinta colaadaha ka taagan Soomaaliya iyo wacyigelinta ka qaybqaata dagaallada ayaa lagu qabtay Hotel Maredian magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kneya. Iyadoo dooddan ay la qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, hooyooyin, madax ka socotay ururrada bulshada rayidka, dhallinyaro kor u dhaafaysay 160-dhalinyaro ah. Doodda ayaa waxay ahayd mid xiiso badan waxaa la isku dhaafsaday afkaaro wax ku ool ah oo dhammaan ahaa xalka loo heli karo in waalidiinta ay ka hortagaan isticmaalka qaldan ee ubadkooda iyo talooyin muhiim ahaa. Prof. Maxamed Cumar Dalxa guddoomiye ku xigeenki hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn dooda uga qaybgalay ayaa sheegay in waalidiinta iyo caruurtooda ay is-waayeen sannadihii ugu dambeeyay waxaana taas uu tusaale ugu soo qaatay in ubadka loo adeegsaday in dagaallada socda loo adeegsado. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in waqtiga hadda lagu jiro uu yahay midkii ugu adkaa ee ay soo mareen dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo si aan habboonayn loogu adeegsado dagaallada, isagoo kula dardaarmay waaliddiinta inay xoojiyaan iska warqabka iyaga iyo ubadkooda si ay carruurtooda uga badbaadiyaan in la isticmaalo. ildhibaan Xasan Xaaji oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in carruurta oo laga marin habaabiyay goobaha waxbarashada iyadoo dhinacyada iskaga soo horjeeda dalka ay u adeegsadaan dagaallada, iyadoo xildhibaanku ku taliyay in xooga la saaro sidii manaahijta dalka loo kontarooli lahaa kuwii horena tifaftir badan loogu sameyn lahaa. Marwo Dhoofo Khaliif Siyaad oo ah hooyo Soomaaliyeed oo abwaanad ah ayaa iyaduna xustay in waalidiinta ay arkeen culeys ka weyn maadaama caruurtooda ay noqdeen kuwo aan waxba ka maqlayn,iyadoo kula talisay hay’adda SYAO inaysan ka daalin kaalinteeda ah inay isku keento qaybaha bulshada si ay uga doodaan dhibaatada taagan xilligaas. In ka badan 31-dhallinyaro ah oo kulanka ka qaybgalay isla markaana fikirradooda ka jeediyay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin kuwo loo adeegsado dagaallada, waxaana baaq wadajir ah ay u jeediyeen dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee dagaallada ka qaybgalaya. Ugu dambeyn, guddoomiyaha SYAO Max’ed Ibraahim Cali (Cajiib) oo soo xiray doodad ayaa u mahadceliyay xildhibaannadii kasoo qaybgalay doodda, madaxdii ururada bulshada rayidka iyo dhammaan dhallinyaradii waqtigooda soo huray isagoo mahadnaqa kaddib ballanqaadyo ay ka mid ahaayeen in hay’adda SYAO ay bilaha soo socda ay qaban doonto ciyaaro kuwaasoo loogu magacdari doono (Habeenkii dhaqanka Soomaaaliya) si dhallinyarada loo baro dhaqankii hore ee ku dhisnaa nabadda. Hay’adda SYAO oo shaqeynaysa muddo laba sano ah iyadoo kulammo kala duwan duwan u qabatay kulammo ay fikiradahooda ku wadaagayaan, waxaana xubno ka ah 500 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah , waxayna dhallinyarada ku boorriyeen inay ka mid noqdaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska Waxaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Moxamed Farmaajo xafiiskiisa ku soo booqday Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh. Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska kaalmadooda joogtada ah gaar ahaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxuu uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska sida ay arrimaha Somalia ugu soo jeesteen oo ay markhaati ka tahay in shirkii 10-ka March ka dhacay golaha Ammaanka ee UN-ka in dowladda Ingiriiska ay u soo dirtay shirkaas Wasiirkooda Arrimaha Afrika. Ergeyga Dowladda Ingiriiska ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah uuna sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu markii ugu horreysay ay tahay oo uu ku soo booqdo xafiiskiisa ee magaalada Muqdisho. Ergeyga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha socdaal uu ku soo maray Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dowladda Ingiriiska inay ku dadaalaan sidii Dowladda Somalia looga saacidi lahaa arrimo badan si loo soo celiyo amniga iyo dowlad wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin kooban ka siiyey Ergeyga dadaalada socda iyo go’aankii 27-kii March ay golaha wasiiradu ku gaareen in doorashooyinka madaxda qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah si aan hakad u gelin horumarka la taaban karo ee dhanka amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Ergeyga Ingiriiska waxey isla garteen in loo baahanyahay in caalamka iyo Dowladda Somalia ay sii wadaan wadahadalkooda iyo la tashiyadooda ku wajahan sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah. Waxey kaloo isla garteen in loo baahanyahay sidii gar-gaar bani’aadanimo loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
Warlord Tuur should know nooh. -
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
14 out of 20? hadal maa yaalo hee, waa dimuqraadiyad mashruuceysan dee. -
General Duke;707731 wrote: 20% of all the posts in this Somalia [TFG] thread came from secessionists. It’s remarkable uncanny because the secessionist held areas and population are roughly 20% of Somalia. I disagree with that 20% you've quoted and say it is roughly 45% (posts not area).
-
Wasiiradeena ayaa ka aqoon, caqli iyo cilmi badan odeygan Mahiga. Adigana hee inaad dugsi sare ka baxdey xataa u maleynmaayo, marka ma ogi haddii aad la tartami karto our PM.
-
Awoowe, once again waxaa cadaatey inaadan waxba ogeyn siyaasada Koonfurta. Adiga iyo Mahiga Iska nasta xoogaa.
-
Liqaye;707684 wrote: Is that so Somalina, wayaahay go tell that to reer waamo :cool: They are just giggling because of Gaandhi, wax kale meesha kuma haayaan ee ha iska Dhaanteeyaan maalmahan, it will wear out soon marka runta la arko.
-
From wikipedia Azania is the name that has been applied to various parts of sub-Saharan Africa. In Roman times—and perhaps earlier—the name referred to a portion of the Southeast African coast south of the Horn of Africa,[1] extending south perhaps as far as modern Tanzania. In the late 20th century, the term was used in place of " South Africa " by some opponents of the white-minority rule of that country.
-
Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada Oo Sheegay Inaysan Ka Qeybgelayn Shirka Kenya. Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi. Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba. Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda. Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir. Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608, +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia
-
Bannaanbax lagu taageerayo nabadda oo Muqdisho ka dhacay Bannaan baxaani lagu taageerayey nabbadda iyo guulaha isdabjooga ah ee ay soo hooyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho iyo boqollaal dad weyne ah oo dareenkooda ku muujinayey sida ay u taageersanyihin ciidamada Qalabka sida. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha degmada dharkeynley Macalin Cabdule Cali Hilowle oo faah faahin ka bixiyey u jeedada isu soo baxooda ee ku aadan taageero- siinta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan difaacidda dalka, islamarkaana ay kala qayb qaataan howlgalada ay ku difaacayan dalka. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa maagalada muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo isna bannaan baxaasi u mahad celiyay daweynaha degmada dharkeynleey iyo sida ay ula garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba. “Waxaad u soo bannaan baxdeen in aad garab istaagtaan ciidamada qalabka sida si aad u miijisaan taageeradiina, waxaana rajeynayaa in muddo gaaban ay gacanta dowladda soo geli doonto degmooyinka kale ee ay haddu ku suganyihiin Khawaarijta Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka. Gaba gabadii dibad baxaasi lagu taageerayey ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Axmad Cali Yaqle oo halkaasi hadal gaaban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan taageerada ay lagarab taaganyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dadweynihii ka qayb qaadanayey bannaan baxaasi ayaa waxa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guddoonsiiyeen neef geel ah oo ay ku sheegeen in loogu talagalay in ay maanta ku qadeeyaan.
-
Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno uu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Khamiis, 31 March, 2011(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed ayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay. Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u akhriyay liiska oo u qornaa sidan: Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare. Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so
-
Xildhibaanno kasoo horjeestay shirka ay Qaramada Midoobay qabanqaabinayso ee lagu qabanayo dalka Kenya Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Mudayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay shir ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay oo lagu wado inuu ka dhaco Nairobi ayna ka qaybgalaan dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira, iyagoo xildhiabannada ka codsaday inay shir deg-deg ah ka yeeshaan shirkan. “Madaxda dalka waxaan ugu baaqaynaa inaysan ka qaybgelin shirkaas, haddii ay ka qayb-galaanna waxay khiyaaneen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen. Mudane Casharo, wuxuu sheegay in iyagu ay u taagan yihiin wax ka qabashada arrimaha dalka Soomaaliya, ayna Qarammada Midoobay ugu baaqayaa inay ka dayso faragelinta ay ku hayso, isagoo xusay in shirkan uu u muuqdo mid lagu xaqirayo Soomaalida oo lagu tilmaamayo dad aan tashan karin isna maamuli karin. Xildhibaan Muuse Cali Cumar oo isaguna ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in xildhibaannadu ay kulan deg-deg ah ka yeeshaan shirkan, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid kasoo horjeeda jirtaanka iyo qarannimada dalka Soomaaliya. “Waxaan rabaa in shacabka Soomaaliyeed uu baraarugo oo ay isweydiiyaan maxaa jira, Mahiga wuxuu Soomaaliya ka dhigtay mashruuc uu lacag ku helo, waxaana shirkaas u aragnaa mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya,” ayuu xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ka sheegay shirka jaraa’id. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mudanayaal ay ka mid yihiin: Bishaaro Cadi Garabey iyo Garweyne Kuulow Aweys, iyadoo xubnahan ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka ay uga digeen inuu shirkaas ka qaybgalo uuna ka ogolaaday, sidoo kalena madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay uga digayaan in shirkaas ay ka qaybgalaan. “Soomaaliya waa loo tashaday lamana ogolaha inay wax qabsato, dowladdii Soomaaliya qabiil ayaa lagu burburiyay, maantana jilib-jilib ayaa la doonayaa in lagu qaybiyo, arrintaasna waxay caddeynaysaa inaan la doonayn Soomaaliya oo dowlad ah, balse la doonayo in laga dhigo meelo yaryar iyo beelo-beelo lagu adeegto,” ayuu Xildhibaan Cabdi Xaashi hadalkiisa ku daray. Hadalka xildhiabannadan ayaa imaanaya iyadoo shalay uu soo gaaray Muqdisho wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya danjire Augustine Mahiga, kaasoo warqado casuumaad ah oo looga qaybgalayo shirka Nairobi u keenay madaxda DKMG ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Don't mind awoowe, he is still in shock by this positive move by the TFG.
-
Xukuumadda Federaalka oo Qaadacdey Shirka Nairobi Shir Ay isugu yimaadeen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta looga doodey waxa laga yeelayo shirka beesha caalamku dooneyso in lagu qabto magaalada Nairobi kaas oo looga arinsanaayo qorshaha xaaladda kalaguurka ah marka la gaaro bisha August oo ay ku egtahay jiritaankii sharciga ahaa ee DFKG. Golaha xukuumadda ayaa isku raacey in aan shirkaas aan laga qaybgelin maadaama uu caqabad ku yahay horumarka laga gaarey arrimaha amaanka, sida warka loo dhigey. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale baaq u direy Dr.Mahiga iyo Beesha caalamka, waxaana ay u sheegeen in jaangoynta siyaasadeed ay iska leedahay Xukuumadda Fedraalku sidaas darteedna lagu ixtiraamo. Maalintii shalay waxaa tegay magaalada Muqdishi Dr.Augustine P. Mahiga ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya uga wakiilka ah, waxaana uu halkaas gaarsiiyey casumaad ku aadan shirka Nairobi isaga oo kulamo la qaatey Madaxweynaha, Afhayeenka baarlasmaanka iyo Raysalwasaare Farmaajo: Warsaxaafadeedkii ka soo abxay golaha Wasiirada hoos ka akhri: Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada Muqdisho, March, 31.2011——— Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi. Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba. Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda. Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir. Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so
-
Jowhar.com Bye bye Mahiga.
-
Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka la isugu keenayo maamul goboleedyada dalka ka jira ee lagu wado inuu bisha soo socota dhamaadkeeda lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna shirkaas ku tilmaameen mid caqabad ku ah howlaha dowladda. Wasiirka Warfaafinta, Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, C/kariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray shir ay maanta yeesheen golaha wasiirada DKMG ah, isagoo sheegay in golaha wasiiradu ay ergayga gaarka ah iyo beesha calaamka ka codsadeen in xal u helidda arrimaha Soomaaliya loo daayo shacabka Soomaaliyeed. “Golaha wasiirada dood dheer kaddib waxay isku raaceen inaysan ka qaybgalin shirka Nairobi, maadamaa uu caqabad ku yahay horumarka ay dowladda KMG ah ka sameysay afartii bilood ee ay jirtay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga,” ayuu yiri wasiirka oo wareysi siiyay VOA-da markii uu shirka wasiirada lasoo xiray. Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado wada-tashiyo ay la sameynayso qaybaha kala duwan ee bulshada sidii nabad waarta loo heli lahaa, ayna u aragtay inaysan haboonayn in waqti lagu lumiyo ama lagu mashquulo isku keenida maamullada dalka ka jira. Mar la weydiiyay su’aal ahayd waxay DKMG ah ku qoonsanayso shirka maadaama ay ka mid yihiin waxyaabaha looga hadlayo xallinta khilaafaadyada u dhexeeya hay’adaha dowladda, ayuu ku jawaabay: “Runtii khilaafyo yaryar waa jiraan waana la xallin karaa, balse uma aragno shirka inuu yahay mid lagu xallinayo khilaafaadyadaas.” Wasiirka warfaafinta DKMG ah wuxuu intaas ku daray in ergayga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ka codsanayaan inay ku ixtiraamaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran dowladda Soomaaliya xal u helidda dalka ayna ku taageeraan. Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in iyaga loo daayo xal khilaafaadyada Soomaaliya laguna tixgeliyo, isagoo xusay in DKMG ah ay beesha caalamka ka helaan dhaqaale taasna ay uga mahad-celinayaan. Dhanka kale, dowladda Jabuuti oo dalkeeda lagu qabtay shirki lagu soo dhisay DKMG ah ayaa iyaduna kasoo horjeesatay shirkaas kuna tilmaantay mid looga horjeedo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalkeeda sannadkii 2009, waxayna uga digtay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka qaybgalaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Prof Gaandhi siduu u dhahaaye "qaabil ma jiro", maamul beeleed ayuu madexweyne ka noqdey. lol Meel uma socdaan, sida Udubland and hebelow lands, marka is maaweeliya.
-
lol@Polanyi... Azania eh! South Africa comes to mind, not Jubooyinka.