Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
-
MMA, here it is.
-
Adiga lee soo noqnoqeysid ee xanuunka kaa haaya the title of the thread soo daa waxba ha is martiyeyni baaquligaaga matagana ha soo iloobin.
-
Baaquli soo qaado cambuulo, bun, oohintaada iyo qarastada laguugu shubo.
-
Calaacal is also when you calaacal on behalf of eeyo san weyn oo bunka ka soo ursado Dayniile. I'm just saying. :cool:
-
Alshabaab shoe shiners are welcome here for counter calaacal.
-
Government Forces and Their Raaskomboni Allies Shell Dhobley Town Hiiraan Online Staff Friday, April 01, 2011 Troops loyal to the Somali government and Raaskomboni forces led by Sheikh Ahmed Mohamed Islam ( Sheikh Ahmed Madobe) have heavily shelled Dhobley town in Lower Jubba Region of Somalia since last night according to reports reaching Hiiraan Online Friday morning. The heavy shelling is said to have destroyed residential buildings although no human casualties have been reported thus far. The affected areas of the town were also the scene of fierce fighting between Alshabab and the allied Government and Raaskamboni forces last week in which Alshabab remained in control of the town. Witnesses told HOL that the heavy shelling into Dhobley town was coming from Kenyan Somali border, with residents of the town fleeing back to villages around Dhobley town from where they had come back a week earlier. Reports speak of heavy military movement, with Alshabab fighters said to have encircled Dhobley town where as Somali government and Raasbamboni forces are in an area known as Haar-Haar between Kenya and Somalia in no man's land. Alshabab officials accuse the Kenyan army of participating in the Dhobley town shelling, but there has been no response from the Kenyan government denying or confirming this. Dholey town in Lower Jubba Region of Somalia which is also close to the Kenyan Somali border, has been the scene of fierce fighting for the last few weeks where the Alshabab and the Somali government with their Raaskamboni allies each wants to bring it under their control.
-
lmao@ceelasha biyaha.
-
Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden carafta Bunka sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen. :D:D gaajo ayaa haysey miyaa? sandheeraa qashinka, eey miyaa...
-
;) in yar ayaad u ekaatey. Cafis iyo masaamax inboow. p.s. for the record, that old man came on his own, I didn't bring him.
-
lol@in love old man Maxaan ku idhi? Adiga dagaal uun baa kaa soo haray yaa Xaabsade, is deji xooga, maxaad iigu hangabeysaa xoolo maan kaa dhacay? The Zack;706363 wrote: Somalina..ever heard of tit for tat?. Marka ii sheegey qofka la tirsanaaya "dumar"?
-
Aniga ila dood kuma oran marka hore, dumar iyo ragna maxaa meesha keeney, calm down Xaabsade. There is agreeing and there is "four more years baby".
-
The Zack;687839 wrote: Sheekh Sharif for president! Four more years, baby! :D Tomorrow waxaan maqleena Godane or Faroole for president. lol... Mabda la'aantu waa sharaf la'aan.
-
lol... ------------ Cambaareyn maamul ku sheeg uu dhistay Prof: Gaandi Posted by USA on Thursday, March 31 @ 08:07:58 EDT Waxaa isa soo tarayo cambaareynta loo jeedinayo maamul ku sheeg maqaarsaar ah oo uu shalay dhistay Prof: Maxamed Cabdi Gaandi isaguna madaxweyne la sheegay in loogu doortay, kaasoo Jubbooyinka ka shaqeyn doono Maamulkan oo lagu magacaabay Azania State Of Somalia ayaa looga dhawaaqay dalka Kenya maalmo shir loo fadhiyey magaalada Nairobi oo dad isku beel ah uu isugu keenay Gaandi oo ah nin aan u dhalan gobolada Jubbooyinka Bayaan ay soo saareen beelaha ****, *****, ******,*******, ******* iyo ********* iyo qaar kale oo wax ka dega Jubbooyinka ayaa lagu diiday maamulkan oo lagu tilmaamay mid aanay u dhameyn beelaha dega gobolada Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo oo la xusay in uu matalayo. Warkan oo ay ku saxiixnaayeen qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubbooyinka ee Nairobi ku sugan ayey kaga digeen khilaaf iyo isku dhac maamulkan uu ka dhex-abuuri karo beelaha walaalaha ah ee Jubbooyinka wada-dega. Waxay kaloo wax laga yaqyaqsado ku sifeeyeen in nin isaga shirkii abaabulayey, mudddana u ololeynayey haddana uu madaxweyne noqday. Maalmo sii horeysay waxaa jiray in maamul kale oo loogu magac daray Jubbaland State isla Nairobi laga sameeyey, nin ay isku beel yihiin Gaandi ayaa madaxweyne ka noqday. Riyada maamul beel gaar ah ku kooban tahay way adag tahay in uu Jubbooyinka ka shaqeeya.
-
Xabsiga Hargeysa goorma laga soo daayey? lol...meelwalba magaciiga ayaa yaala... gacan ayaan u taagey wallee.
-
Magaca ayaa la isku haystaa durbadiiba ----------- Gaandi Oo bililiqeystay Soo Jeedintii Prof Mohamed Haji Mukhtaar ee "Azania" Soomaaliya in mudo ah waxaa ka socda oo soomaalida intooda badan ay ku heshiiyeen in la boobo la dilo la dhaco isla markaana la faquuqo dhamaan wixii ku hadla Afka Maay-ga dhulkooduna la sheegto ayagoo maalin cad ay soo jeedaan. Hadda arinta muragada leh ee maanta soo deristay ayaa waxaa ey tahay in la dhacay magacii azania oo ahaa soo jeedintii prof Mohamed Haji Muqtaar usoo jeediyey dadka dm oo aheyd in magacaasi la qaato kaasoo micnihisu yahay dhulkii barwaaqada ahaa. Shirqoolkan ka socda kenya ee uu hogaminaayo prof Gaandi ayaa waxay durbada kusoo dhawaaqeen maamul goboleed loogu magac darey Azania state of somalia kaasoo madaxweyne 5 sano ah loo doortey gaandi. Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horey ee la bililiqeysto qowmiyada d iyo m ayadoo markii ugu horeysey laga bililiqeystey beerahoodii iyo dhulkii ey deegaan ahaan u lahaayeen maanta ey taagan tahay in la bililiqeysto fikradii uu soo jeediey prof Mohamed Haji Muqtaar. Daafeet.com
-
Another one. ------ Qoraal digniin ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Dib u heshiisiinta iyo Nabad-gelyada Maxamud Siciid Qiilmawaaye oo liddi ku ah maamulka maqaar saarka ah ee loogu magac daray Azania State of Somalia KU: Dhamaan Isimada Gobolada Jubbaland OG: Wax garadka iyo siyaasiyiinta Jubbaland OG: Jaliyadda Qurbajoogta Jubbaland Ujeedo: Digniin Anigo ku hadlaya Magaca Gobolada Jubaland, kana Xuun maamulka maqarsarka ah oo laga sameyey dalka Kenya in uusan ku imaan rabitaanka iyo aayaha dadka deeganka laguna xad gudbey dadaalkii nabadeed oo aan dhawaanahan ka dhexwadnay dadka walalaha ah sidii aanu isugu keeni lahayn isla markaasna loo samaysan lahaa maamul cadaalad ah oo dadka ka soo jeeda gobaladaas ay samaysan lahayeen mamul goboleed si cadald ah ku dhaca. Sidaas darteed, waxaan dhamaan jaaliyadaha Jubbaland ee ku dhaqan dalka dibaddiisa ugu baaqayaa in ay ka hortagaan khatarta lala maagan yahay keeni kartana in dib loo soo abaabulo dagaladii sokeeye isla markaasna lagu kala fogeynayo dadka deegaankaas dagan oo in ka badan labaatan sano ay dhibaato ka dhex jirtey. Maamul ku sheegaas waxaa lagu carqalataynayaa shirrakii kala duwanaa oo jaliyada jubbaland bar yahan ka wadey gobolada iyo degmooyinka Jubbaland iyo qaaradaha adduunka oo lagu mideynayey Jaaliyada jubbaland. Waxaan dhamaan shacabka jubbaland iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed u cadaynaynaa in mamulkaasi yahay maamul aan dadka deeganka mas’uul ka ahayn isla markaasna dhawaan la qabanayo shirweyne looga tashanayo aayaha iyo miisirka Jubaland, taaso loo soomarayo dib u heeshisiin heer Gobol iyo heer Dagmo intaba si loo mideeyo dadka walaalaha ah ee reer Jubbaland. Hadaba, mar labaad waxaan cadynaynaa in maamulka loogu magacdaray Azania State of Somalia in magacaas laga soo min guuriyey gumeysigii Ingiriiska oo magacaas la isku oran jirey dalalka kenya iyo Tanzaniya, sababta dalalkaas magacii loo yaqaanay loogu magac daray gobolada Jubbaland waad dareemi kartaan macneheeda. Waxaa kale oo aan uga digeynaa in Jaaliyaduhu ka digtoonadaan in aan la iska horkeenin, wixii dhibaato ah oo halkaas ka yimaadana waxaa masul ka noqon doona wixii sameyey khayaanada xukun marooqsiga ku dhisan qof kasta oo raba in uu mamulka Jubbaland madxa ka noqda waa in uu ka soo bilaabaa aasaaska hoose, dadkana ka helaa kalsooni shirkana lagu qabtaa Jubbaland gudeheeda. Qoraalkaan waxaa soo diyaariyey Gudoomiyaha dib u heeshinta iyo nabadgalayada goboladda Jubbaland Maxamud Siciid qiilmawaaye, kala xiriir wixii talo iyo tusaaale ah E-mailkiisa oo ah midka hoose: qiilmawaaye90@hotmail.com
-
Guddoomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous Group oo si weyn uga soo horjeestay Maamulka dhawaan looga dhawaqay Wadanka Kenya Ururuka Jubbaland Indigenous Group oo ah Urur oo ay ku mideysan yihiin Aqonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo kana shaqeeya Hormarinta iyo Maamul Wanaaga Goboladas ayaa shir ay maanta ku yeesheen Magaalada The Hague ee wadanka Neteherland waxay si weyn uga horyimaaden maamul dhawaan looga dhawaaqay Wadanka Kenya. Gudomomiyaha Ururka Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin oo marki u shirkaasi soo dhaamaday u waramayay Warbahinta aya shegay in Ururka Jubbaland Indigenous group ay si weyn uga soo horjeedan go’aamadi kasoo baxay shir lagu qabtay Magalada Naivasha ee Wadanka Kenya. Mr. Dahir Cali Camiin aya waxaa uu shegay in Prof. Gandi uu ku dagdagay Maamul u samayta Gobolada Jubboyinka. Mudane Cali Kamiin oo hadalkiisa sii wata aya waxaa u sheegay in ay haboneeyd in Wada tashiyo dheraad ah laga Sameeyo arrintaan madama Maamul u samaynta uu yahay Arin aad Xaasi u ah. Jubbaland waxaa wada daga Somali oo dhan, mana dhici karto in labo malmood gudahood madaxweyne iyo maamul logu sameeyo waxana filayaa in maamulkan uu maraayo wadadi ay mareen Maamulo Badan oo ka horeyay. Gudomiyaha Waxa u shegay in waqtigaan loo baahan yahay in la garab istaago Isbadalada Dowlada Somalia ay ka wado Gobolada Jubboyinka iyo Gedo. Waxaa habon in Dowlada Kmg ah fursad loo siiyo in ay Gobolada Jubboyinka ka xoreyso Xarakada Alshabaab kaddibna loo howl galo sidi Maamul loo dhan yahay looga sameyn lahaa dhaman Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ayuu hadalkiisa sii raaciyay hogamiyah Ururka Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin. Ururuka Muwadiniinta Jubbaland waxaa u halkani ka Cadaynaya wax walba oo dhib ah ama qasaro ah ee soo kala gaara dadka walaalaha ah ee iminka nabadda kuwada nool in uu masuliyadeeda qaadi dono Prof. Gandi. Gudomiyaha waxa u Dowlada Kenya ku eedeeyay in ay gacan ka gaysatay samaynta Maamulkan Azania, waxuuna ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arimaha Gudaha Somalia. Dhanka kale, Guddoomiyah Jubbaland Indigenous Group Mudane Dahir Cali Kamiin waxaa uu ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Jubboyinka, waxaa uuna ugu baqay dhaman qurba joogta Jubbaland in ay caawiyaan walalahooda ku dhibataysan wadankii. Waxaa kale oo u shegay in Ururkooda uu ku mashqulsan yahay sidii uu gargaar u garsiin lahaa dadka abarta ay samaysay ee ku nool gobolada Jubboyinka. ————– Maxamed Cabdilahi Muuse, Freelance Journalist.
-
Ciidamada Dowladda oo howl galo aan caadi aheyn ka wada Wadooyinka Muqdisho Ciidamada Dowladda KMG ayaa saaka howl gallo aan caadi aheyn ka bilaabay qaar ka mid ah Wadooyinka xeyndaabka Muqdisho, halkaasoo saaka lagu arkayay Ciidamo fara badan oo wata Gaadiidka dagaalka. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa si weyn uga duwan dhaq dhaqaaqyadii hore, iyadoo Ciidamada baaritaano ku sameynayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada kaliya ee ugu muhiimsan isu kala gooshida qeybaha degmooyinka ayaa Ciidamada ay ka wadan baaritaanada, iyadoo labada dhinac kaga sugan gaadiidkana u kala baaraya meelaha ay u kala gooshayan. Sida ay sheegayaan wararka Rakaabka saaran gaadiidka ayaa si weyn loo baarayaa, waxaana dadka mid mid looga soo dajinayaa Gaadiidka, deetana baaritaan gaar lagu sameynayaa. Lama oga waxa xilligan ku soo beegay howl galkan, iyadoo xaalada Magaalada ay saaka tahay mid degan, waxaana howl galkan uu imaanayaa xilli la magacaabay Taliyeyaal cusub oo kala ah Taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Booliska. Ma jirto ilaa iyo hada cid lagu qab qabtay, mana jirto war ka soo baxay Talisyada Ciidamada, waxaana howl galkan ku soo aadayaa iyadoo Talisyada Booliska iyo Nabadsugida malin ka hor shaaciyeen in la sameeyay Ciidamo roondeynaya degmooyinka si ammaanka u xaqiijiyaan.
-
You can multiply and subtract whatever you want. Ximan iyo Xeeb and Galmudug waxaa dhistey dadkii lahaa yaa ONLFer. How many maamul ayaa loo sameeyey jubooyinka so far cus I have lost count? Which one should we clap for? As far as your Sakiin is concerned, is he onboard with this fake maamul you are cheering on because your adeer madexweyne looga dhigey? lol Gandhi is just another maamul isku sheeg president waxba ha xiiqin.