Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Jacpher;708134 wrote: How is this professor soon to be warlord different than others who failed at any attempt to unite these three gobalo under one admin? His Geology and Anthropology degree give him more convincing power in the locals miyaa? He was useless as a defense minister for the dawlada ku meel gaarka, marka madexweyne ha laygu yeero waaye sheekadaan. lol@XX, Kismaayo ayey ku sugaayaan the mighty Azanian army. Maamul Kenyati wato meel uma socdo.
  2. Waxgaradka Jubbooyinka oo kasoo horjeestay Maamulka Azaaniya ee dhawaan loo magacaabay gobbaladaas Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka kasoo jeedo beelaha dego gobbalada jubbooyinka oo maanta kulan balaaran ku yeeshay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose,waxaa ay si cad oga soo horjeysteen,una cambaareeyeen maamulka gobbaleedka Azaaniya ee dhawaan loosoo magacaabay gobbalada Jubbooyinka iyo Gedo,kaasoo uu hogaamin doono Pro Maxamed Cabdi Gaandi' oo horay u ahaan jiray Waziirkii hore ee Gaashaandhiga ee dowlada KMG ah ee somalia haatana kamid ah Xildhibaanada dowlada somalia. Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimaya,islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Suldaano iyo Oday dhaqameedyo aad u tiro badan ayaa intii uu kulankaasi socday waxaa dhaliilo iyo eedeemo loo soo jeediyay maamulka cusub ee Mr Gaandi,waxaana ay cuqaashu dhaqanka sheegeen in maamulkaasi uu yahay mid aan matali karin Beelaha iyo shacabka soomaliyeed ee dega gobbalada Jubbada Hoose,J/dhexe iyo gobbalka Gedo. Nabadoon Ismaaciil Haaruun'' oo kamid ahaa Odayaashii ka qeyb galay kulankaasi islamarkaana kahadlay madashada Shirka waxaa uu sheegay in hadii ay yihiin Garaadyada,Culumada iyo Odayaasha dhaqanka ee gobbalada jubbooyinka inaysan jirin wax taageero ah oo ay u hayaan maamul gobbaleedka Azaaniya ee somaaliyeed (Satate Of somalia) ee dhawaan loo soo magacaabay gobbaladaasi oo ay ka taliyaan maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab. Odayaashu waxay kaloo ay shaaca ka qaadeen dagaal ay lagalayaan maamulkaan cusub ee lasoo magacaabay gobbalada jubbooyinka,iyagoona Pro Gaandi oga digay inuu soo weeraro gobbalo ay haatan nabad iyo barwaaqo ka jirto ''sida ay hadalka u dhigeene''. Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Limuuru ee dalka Kenya uu ka dhacay Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Wafuud ka socotay beesha Caalamka,Waziiro ka tirsan dowlada somalia,Odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada kaasoo,waxaana kulankaasi lagu magacaabay maamul lamagac baxay maamul Gobbaleedka Azaaniya,kaasoo lagu wado inuu ka howli gali doono gobbalada jubbooyinka iyo Gedo oo ay ka arimiyaan Maamulada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo, Soomaaliya
  3. Xaaji Xunjuf;708689 wrote: ssc is a non existent failed rebel movement that destroyed it self it's run by People in the diaspora it's a money making machine set up to get money from the Qabil driven diaspora members. The Noble Awdalians helped establish the state of Somaliland in 1993 in borama By Sheikh cali jawhar and his People. But i don't think an Ethiopian would know that and i don't think you know the needs of the people of awdal you don't even know the needs of your own People in Ethiopia. What makes you think you know the needs of the "Koonfurian" people? Meel walba waad iska xaadirineysaa, like iney cidi ku soo dirsatey oo kale.
  4. Djibouti(Saylac.com)- Dalka Jabuuti waxa si weyn looga soo dhaweeyey ku dhawaaqida ismaamul Goboleedka Awdal State oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Canada. Shabakada saylac.com waxa soo gaadhay baaqyo tahniyad ah oo ay Beelaha Ciise ee dalka Jabuuti soo gaadhsiiyeen si ay u muujiyaan tageerada buuxda ee ay u hayaan in gobolada Awdal. Selel, iyo Gabiley ay yeeshaan Ismaamul Gaar ah. Dadweynaha reer Jabuuti ee sida weyn u taageersan Awdal State waxay sheegeen in la gaadhay wakhtigii ay beelaha ******** iyo Ciise Aayahooda ka tashan lahaayeen midna ka noqon lahaayeen horumarinta dadkooda ku dhaqan Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya. Maxamed warsame oo sheegay inuu yahay Agaasime dawladeed ee dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in tariikhda casriga ah aanay cidina cidkale ku dulnoolaan karin isagoo hadlayana waxa uu yidhi" Lama qiyaasi karo gumaystuhu dhibta uu soo gaadhsiiyey Beelaha walaalaha ah ee Dirka gaar ahaan Beelaha Ciise iyo **********, Halgankii ay labada beelood lasoo galeen Faransiis iyo Ingiriiska waxa ku dhintey dad halyeyo ah oo beelaha ka tirsan. Hadaba xoriyadii la filayey waxay noqotey mid aan gaadhin heerkii la filayey oo ay dawladihii soomaaliyeed iyo kuwoo Itoobiya labaduba ku tunteen xuquuqdii labada Belood ee Ciise iyo ********** iyo waliba walaalaheena Beelaha *****. Maanta hadii laga baxay dawladihii macangaga ahaa waxaanu filaynay in Beeluhu heli doonaan ismaamul horumar keena lakiin Beel ka tirsan beelihii xanuunka gumaysigu aadka u helay ayaa si dhakhsiyo leh u ilawday dhibta gumaysigu leeyahay waxayna bilawday inay bilawdo fikir gumaysigu lahaa fikirkaas oo ah inay xukumaan dhul ayna lahayn dadkiisana dhacaan. Maxamed Hadalkiisa isagoo sii wata waxa uu sheegay inuu aad ug xunyahay waxyaabaha ka socda Somaliland waxaanu ku baaqay in Beesha Ciise ay aad u taageersan tahay Ismaamul goboleed ay yeelato Awdal State. Ganacsade Fu'aad Muxumed Diiriye oo aanu kula kulanay xafiiska magaalada Jabuuti ayaa isaguna saxaafada u sheegay in xanuunka gumaysigu soo gaadhsiiyey dadka Soomaliyeed uu ahaa laba nuuc isagoo hadlaayana waxa uu yidhi" Xanuunka dawaladihii soomaliyeed ama gumaysigii ka horeeyey soo gaadhsiiyey bulshada soomaliyeed wuxuu ahaa laba nuuc .. Waa midka horee mid cabudhin iyo rasaas isugu jiray iyo mid kale oo kaa ka daran ahaa cabudhin dhaqaale, mid siyaasadeed iyo horumar oo dadka lagu sameeyey .. Beelaha Ciise iyo ******** ee wada dega labada dal ee Somaliya iyo Itoobiya waxa helay dhac aan umada Soomaaliyeed ku dhicin oo ah in dhulkooda la isku laayo sidii loo xukumi lahaa.. SNM waxay la dagaalantey Siyaad Bare markii wadankoodii ay heshay kuma ayna koobnaan dhulkii ay Beelaha ***** deganaayeen ee damac qaawan ayaa ka galay inay xukunto Beelaha kale ee Soomaaliyeed. Maanta Xeebta Awdal waa la xaalufuyey kaluun kuma hadhin dadkii lahaana abaaro iyo macaluul ayay la dhinteen. Saylac lama ogala in waxlagala soo dego waana cabudhin dhaqaale oo xataa aanu Ingiirskii yeelin dadkan. Markaa Awdal State waa loo baahnaa wakhti fiican. Dadka Labada Beelood ee Ciise iyo ******** waa dad isu dhaqan ah wada dhashay masayrkooduna isku mid yahay dhinac walba isaga mid ah waan soo dhaweynaynaa Awdal State" Sidoo kale qaar ka tirsan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlada Jabuuti Oday dhaqameedyo iyo waliba dhalinyaro beesha Ciise ka tirsan oo aanu kula kulanay badhtamaha Dalka Jabuuti iyo kuwo Telefoono nagalasoo xidhiidhay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa muujiyey tageerada weyn ee ay u hayaan Ismaamul goboleedka Awdal State. Dhinaca kale dalka Jabuuti waxa ku sugan wufuud Oday dhaqameedyo iyo waxgarad reer Awdal ah oo marti qaad ka helay madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele , Shabakada saylac.com oo isku dayday inay waxka ogaato ujeedada socdaalka waftigan ayaa waxay ogaatey in waftigu usocdo hawlo kala duwan oo ay ugu horeyso tageerada gobolada Awdal iyo Selel iyo Waliba K5aad u hayo xukumada Ismaciil Cumar Geeleh iyo xisbiga talada dalka haya. Baaqyada ay dadka reer Jabuuti kutaageereen Awdal State lama soo koobi karo waxaanu rajaynaynaa in waqtiyada dhaw idiinsoo gudbino maqaalo tageerada Beelaha Ciise ee dalka Itoobiya u hayaan Awdal State . Osman Hussein Saylac.com Djbouti
  5. Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay Xafalad balaaran oo lagu dhaarinayay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf . Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaare Maxamed C/laahi Maxamed (Formaajo) iyo xubno kale. Waxaa halkaasi laga akhriyay dikareeto uu soo saaray madaxweynaha, laguna magacaabay Jeneral Ceydiid Cabdullaahi (IlkaXanaf) in uu noqdo gudoomiyaha maxkamadda sare. Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa waxaa dhaariyay wasiirka cadaaladda, garsoorka iyo arriimaha diinta, halka uu dikareetadana akhriyay Mursal Maxamed Saneey. Maalinkii shalay ayay aheyd markii kulan ay yeesheen golaha wasiirada ay isku raaceen in gudoomiyaha maxkamadda sare laga dhigo Jeneral Ceydiid Cabdullaahi Xanaf.
  6. Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo Saraakiil gaartay Beledxaawo April 2, 2011 Wasiiro ka tirsan Xukuumada Farmaajo oo uu horkacayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii la soo dhaafay horaanteedi ay qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG. Xubnahan Wasiirada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga C/rashiid Xidig oo dhowaan xilkaas loo magacaabay iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. C/rashiid Xidig oo saxaafada si kooban uga waramay safarkooda ayaa sheegay inuu yahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada deegaanadii dhowaan ay la wareegeen Ciidanka Dowladda, isla markaana qorshahooda yahay inay eegaan xaalada. Wararka ayaa sheegaya in Wasiiradan iyo xubnaha kale ay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee Gobolka Gedo ay dhowaan la wareegeen Ciidamada Dowladda, waxaana qorshaha safarka uu qeyb ka yahay dadaalka Xukuumada ugu jirto sidii Gobolada Koofureed ay kula wareegi laheyd. Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa dhowaan meelo ka mid ah Gobolka Gedo dagaalo kula galay Xarakada Alshabaab, iyadoo ka qabsaday degmooyin dhowr ah. Dagaalo u dhaxeeya labada dhinac ayaa wali waxay ka taagan yihiin deegaanada qaar, halkaas oo Shabaabka ku qaadayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
  7. Dagaalada Ivory Coast oo kumanaan ruux ay ku dhinteen iyo Caasimada oo wali dagaalo ka socdaan Kumanaan ruux ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Ivory Coast ee u dhaxeeya Taageerayaasha ninka Beesha Caalamka u aqoonsan yahay Madaxweynenimada dalkaas Xasan Alwatra iyo ninka ku dhegan kursiga Madaxtinimada Laurent Gbagbo. Hey'adaha caalamiga ayaa soo warinaya in dad ku dhow 800-ruux ay ku dhinteen Magaalada dhanka galbeed Duekoue, kadib markii sida dadkaas faasas iyo baangado lala dhacay. Dagaalada ka socda Caasimada Abidjan ayaa noqday kuwo jahwareer ah, iyadoo magaalada ku go'doonsan yihiin Malaayiin ruux oo meel ay ciirsadaan la'. Ciidamada daacada u ah ninka caalamka aqoonsan yahay inuu ku guuleystay doorashadii November ayaa waxooga horumar ka sameynaya dagaalada, inkastoo iska caabin ay kala kulmayaan Ciidamada Mr Gbabgo. Weerar lagu qaaday Ciidamada Nabad ilaalinta qaramada Midoobey ee Ivory Coast ku sugan ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa afar ka mid ah Ciidamadaas, markii Ciidamada daacada u ah Mr Gbagbo ay weerareen. Hey'adaha xuquuqul Insaanka ayaa ka deyriya xaalada dalka Ivory Coast oo dagaalo qaraar ay ka soconayaan, iyadoo dagaaladaas hada isu badaleen mid sokeeye.
  8. Xaaji Xunjuf;708614 wrote: SNM is an example for everyone ssc onlf awdal state they are an inspiration for everyone;) Awoowe I thought you said SNM don't exist anymore. Anywho I'm glad you finally accept gooni isutaaga Awdal State.
  9. Female participation on local councils is a must because: Women are capable peace builders; the majority of Somali households are women-led, women are excellent communicators; women build strong working relationships; women are creative; and women contribute to increased capacity building. Aint that the truth! Thank you NASSIR for sharing.
  10. Pair of rare lion cubs saved from life as pets Smuggling attempt Their mother was shot and they were driven through a raging civil war, destined to be pets in the Middle East -- until Somali authorities intervened to save two lion cubs smuggled aboard a ship at port. The two 3-month-old cubs, a brother and sister, are believed to be rare Berbera lions because of their spotted coats. They were confiscated just more than a month ago after Mogadishu's port manager reported his suspicions to Bancroft, an organization that is training African Union peacekeepers in the war-ravaged Somali capital. The lion cubs are now being cared for by Bancroft staff, who have suitable facilities and veterinary care because they provide teams of bomb-sniffing dogs. Mike Stock, head of Bancroft, said, "The plan is that (Somali President) Sheikh Sharif will give them to (Ugandan President) Museveni until Somalia is capable of taking them back." Detroit Free Press
  11. Somali officials have intervened to save two three-month-old lion cubs smuggled on board a ship in the port of Berbera, Somalia. The brother and sister are believed to be rare Berbera lions. They were confiscated four weeks ago after Mogadishu's port manager told Bancroft, an organisation training African Union peacekeepers in the Somali capital, of his suspicions that the animals were being trafficked as pets. The cubs, believed to have been destined for Dubai, are now being cared for by Bancroft staff, who have suitable facilities and veterinary care because they provide teams of bomb-sniffing dogs. A pair of three-month-old lion cubs that were rescued from traffickers in Somalia. Photograph: Edward Parsons/AP http://www.guardian.co.uk/global/2011/mar/27/rare-lion-cubs-rescued-traffickers-somalia
  12. Great piece, thank you Thankful for sharing.
  13. Guriga walaalahiis (SL and PL) ayaa loo wadaa. Lucky for him, Waraabe is on kitchen duty this week. I hear he makes great canjera amxari (goes amazingly with raw camel meat)! :D:D
  14. Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee Soomaaliya Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u weeraray siyaasada Beesha Caalamka ee ku wajahan Dowladda KMG iyo Arrimaha Soomaaliya, isagoo hadalkii ugu xasaasinaa abid tan iyo markii loo magacaabay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha jeediyay, kaasoo si dhow iyo si fogba uga hadlay qorshaha Beesha Caalamka. Wareysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanayay oo uu saaka siiyay Idaacada ku hadasha Afka Dowladda KMG ee Radio Muqdisho ayuu si qoto dheer uga hadlay siyaasada Arrimaha Dibada ee ku wajahan Xukuumadiisa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn baaq u diray shacabka Soomaaliya, isagoo ka digay isku haleynta Beesha Caalamka, isagoo sheegay in Caalamka doonayaan in dhan walba u rodaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyed. "Waa arrin laga xumaado qaabka mar walba Beesha Caalamka nagula dhaqanto, in mar walba arrimaheena ay so fara gishtaan dhan walbana ay inoo rogaan waa wax nasiib daro ah, Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay isku tashtaan"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul wasaaraha. Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa xusay in hadii xaalka Soomaaliya uu sidan u ku sii socdo, ay dhici doonto in Dowladda KMG iyo shacabka ay lahaato Beesha Caalamka, isagoo si gaar ah u muujinayay mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirka wada tashiga uu ku baaqay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya. "Ma wanaagsana in usha lagula hayo, waxaanan habooneyn in lagu yiraahdo magaalo hebel hadaanan tagin intaas laguma siinayo, marka waxaa loo baahan yahay inaan isku tashano, hadii kale waxaa dhaceys in Beesha Caalamka ay na lahaato"ayuu si kulul u yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Mr Farmaajo oo hadalkiisa ahaa mid qiiro iyo wadaniyad ku dheehneyd ayaa si gaar ah waxaa uu ugu muuqday inuu uga gil gishay fara gelinta tooska ah ee Caalamka ku haayo Soomaaliya, isagoo yiri "Sanadkii Soomaaliya waxaa loo qoondeeyaa 80-Milayn qaar ka mid ah waxaa lagu bixiyaa Ciidamada AMISOM, anagana raali baan ka nahay, maadaama Ammaanka ay ku sugayaan, balse xagee lagu bixiyaa inta kale, inlee Soomaaliya lama siiyee, mar kasta wan weydiinaa Beesha Caalamka, mana laga helo"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in caalamka uu arko in Dowladda KMG wax qabato, balse aan waxba lagu bixin, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in la isku tashto si looga maarmo gacan hoorsiga Beesha Caalamka oo ugala jeeday lacagaha laga soo uruuriyay shacab kale, waxaana uu ka dalbaday shacabka in dhaqaalaha ay Dowladda KMG u baahan tahay shacabka Soomaaliyed uu ka yimaadaa. Mar uu ka hadlay wasiirka Umada Soomaaliyed ayuu sheegay in aan loo baahneyn Dib u Heshiisiin kale oo Beesha Caalamka ay qabato, isagoo xusay in hadii dhinacyada Soomaalida ay ku kulmaan meel ka mid ah gudaha Soomaaliya ay ka soo bixi doonto guul weyn. Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee Ra'iisul wasaaraha uu jeediyo, taasoo uu si guud ah dhaleeceyn ballaaran ugu jeediyo Beesha Caalamka.
  15. Waxaad u jeedid ayuu rabaa inuu kuu bedelo. Asagaa saxsan and everyone else waa qaldanyihiin. Internetkii xataa indhaha ayey faraha kaa gelinaayaan, acuudu bilaahi mina sheydaani rajiim.
  16. Odayaasha beelaha Soomaaliyeed oo taageeray go'aankii ay xukuumadda KMG ah ku kororsatay muddada Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Kulan ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku yeesheen golaha odayaasha beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay ku taageereen go'aankii ay xukuumadda KMG ah muddada halka sano ah ku kororsatay, iyagoo sidoo kale ka hadlay shirka ka dhacaya Nairobi. "Golaha Odayaasha beelaha Soomaaliya waxay taageerayaan qorshaha xukuumadda Soomaaliya ay waddo ee looga baxayo xilliga KMG ah, sidoo kale waxaan soo dhaweynaynaa muddada sannadka ah ee ay ku darsadeen xilligooda shaqo," ayaa yiri Ibraahim Maxamed Odawaa oo saxaafadda la hadlay kulankooda kaddib. Mr. Odawaa ayaa sheegay in muddada sannadkan ah ee dhammaan hay'adaha dowladda loogu daray xilliga ay shaqeynayaan sida madaxweynaha ay tahay mid ay dowladda KMG ah ku dhameystirayso howlaha horyaalla. Golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku gaaray go'aan inay muddada ay shaqeynayaan ku kororsadaan hal sano, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku dhameystirayaan howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin: dib u dhiska, soo celinta ammaanka, dhameystirka dastuurka iyo qodobbo kale. Muddo kororsiga xukuumadda ayaa waxaa kasoo horjeestay Qarammada Midoobay iyadoo ka codsaday xukuumadda jirta inay howlaheeda ku dhameystirto illaa bisha Ogoosto oo xilligeedu ku ekaa, lana qabto doorashooyin lagu soo dooranayo hoggaan cusub oo ay yeelato dowladda Soomaaliya. Dhanka kale, guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan shirka uu Agustine Mahiga diyaarinayo, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya. Mudane Xaad ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka ay dowladda KMG ah ku gaartay inaysan shirkaas ka qaybgalay, isagoo xusay in shirkaas uu yahay mid dhabarka looga jabinayo howlaha dowladda KMG ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  17. Somali Government Bans UN Officals from Coming to the Country Hiiraan Online Staff Sunday, April 03, 2011 Mogadishu, Somalia (HOL) - The Transitional Federal Government of Somalia has announced that it had banned some United Nations officials from coming to and working in Somalia for failing to carry out their official responsibilities. In a communiqué issued late yesterday afternoon, the Somali Ministry of Home Affairs said that it had prohibited Mr. Scot Campbell, the head of the United Nations Human Rights Office for Eastern and Southern Africa (OHCHR) and Mrs. Sandara Beidas, the United Nations Envoy on Human Rights in charge of the United Nations Human Rights Directorate in the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS), from coming to work in the country. The Somali Ministry of Home Affairs told reporters in the Capital, Mogadishu, that it had ordered the Immigration Department not to allow the concerned UN officials to set foot on Somali soil. In addition, the Somali Foreign Affairs Ministry has also written to the United Nations Political Office for Somalia concerning the same issue. Further, The Somali government has called on the United Nations Office for Somalia to reflect on the rationale behind sending individuals of such caliber to safeguard the human rights of the Somali people. Somali Minister of State in the office of the Prime Minister in charge of Human Rights, Sahro Mohamed Ali Samatar, said the government ban on the UN staff concerned was needed so as to protect the human rights of the Somali people. This is the first time the Somali Government has banned members of the United Nations Staff from working in the country since it was formed in a UN organized Reconciliation Conference in Neighboring Kenya seven years ago.
  18. lol...people are starving in Ethiopia, Kenya, Sudan, Yemen, etc. I can go on and on and list many more. Once you start using 1 avatar, then and only then I will take you seriously until then keep exposing yourself. Great news, it started to rain in the South central. Nice! --------- Roobka xilliga Guga oo ka curtay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya abti, Abriil 02, 2011 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanno ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka da'ayeen roobabka xilliga guga oo ka curtay meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Roobabkan ayaa ka da'ay deegaanno ay ka mid tahay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, iyadoo la sheegayo in roobabku ay yihiin kuwo xooggan, iyadoo dadka ku nool deegaannada ay ka da'een ay aad ugu farxeen, maadaama ay abaaro xooggan soo mareen. Deegaannada gobollada Mudug iyo Galguduud ka tirsan ee xilliga guga uu ka curtay ayaa waxay ahaayeen meelo dhibaatooyin badan ay ku reebeen abaarihii darnaa ee ku dhuftay guud ahaa Soomaaliya, taasoo ka dhalatay laba xilli roob oo la waayay. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in roobab xooggan oo ka billowday shalay gallinkii dambe deegaanka Dow-gaab, ay biriq la socotay roobka ku dishay haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka. Roobkan ayaa kusoo aadaya waqti deegaannada qaarkood ay yihiin kuwo xoolihii ku noolaa 70% ay abaaraha awgood u dhinteen iyadoo intii hartayna biyaha looga soo dhaamiyo goobo aad u fog-fog, iyadoo todobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafayba ay dadka ku nool deegaannadaas wadeen ducooyin iyo salaado roob-doon ah. Cilmi Kulan Geeddi ckg114@hotmail.com Gaalkacyo, Soomaaliya
  19. March 31, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in Hees Todobaadkii hore laga baahiyay Idaacada Radio-Hargeysa oo ka mid ahayd Heesihii ku Kaydsanaa muddada dheer Idaacadaa Radio-Hargeysa oo laga saari jiray Xiliyadii Todobaadtanaadkii ee Maamulkii Rajiimkii Siyaad Barre oo ka mid ahayd Heesihii Borobogaandada loo adeegsan jiray ee lid ku ahaa Dawlada Ethiopia ay si qaldan uga baxday Idaacada, isla markaana ay u dhuumatay Wariye ka tirsan Idaacada, isagoo intaa ku daray in ciddii qaladkaasi gashay ay talaabo adag ka qaadi doonaan. Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaabsade waxa kale oo uu digniin culus u jeediyay Ashkhaasta Mashuuraca ka dhigatay fidinta aritaasi, isagoo dhinaca kale-na sheegay in cidii lagu arko hawl-wadeenada kooxaysi Shaqada lagaga eryi doono. Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xabsade oo aanu Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, waxna kaga weydiinay Heesta lid-ka ku ahayd Dawlada Ethiopia ee Idaacada laga baahiyay ayaa waxa uu yidhi “Arintaasi wey jirtay mid qalad u dhacdayna way ahayd, oo Cajalad si qalad ah loo galiyay-na wey ahayd, Nimankii arintaasi ku kacayna talaabo adag oo bilaa Naxariis ah ayaanu ka qaadnay, sidaa darteed-na mar dambe dhici mayso in qaladkaasi lagu arko Idaacada, Dawlada Ethiopia iyo Somaliland iyo labada Shacab ee ku kala dhaqan labada Dal-na waa laba Dal oo xidhiidh Walaaltinimo ka dhaxayo oo qaadarin iyo Maamuus kala mudan” Wasiirka mar aanu weydiinay, in qaladkaasi ku dhacay aqoon dari iyo in loo badheedhay, waxa uu yidhi “Runtii aqoon daro ayay u dhacday, Cajaladaasi-na Wiil yar ayay u dhuumatay, wax la buun-buuniyo oo Mashruuc laga dhigo mahaa qalad dhacayn maaha, kuwa sii fidinaya arintaasi ee Shaqada ka dhigtay-na waxaan uga digaynaa inay ka waantoobaan Dacaayadahaa Raqiiska ah”. Mar aanu weydiinay waxyaabaha laga sheegayo in Shaqaalihii Wasaarada Warfaafinta hore u sii joogay iyo kuwa cusub ee ku soo biiray ee la sheegayo in kooxaysi ka dhex dilaaceen in qaladkaasi dhacay ay saamayn ku leeyihiin, waxa uu yidhi “Arrimahaasi waxba kama jiraan wax Groupo iyo kooxaysi-na lagama ogola Wasaarada ee Shaqo ayaa taala, Ninkii la yimaada hab-dhaqan Kooxaysi ama lagu arka-na Shaqada wuu ka tagayaa”. Si kataba ha ahaatee Heestan ayaa markii ugu horaysay idaacada Raido-Hargeysa ka baxday ama laga Baahiyey tan iyo intii ay Xornimadeeda kala soo noqotay Somalia. Heesta laga Baahiyey Idaacada Radio-Hargeysa ee Lidka ku ah Ethiopia ayaa ka mid ahayd Hubka Borobogaandaha ee warmaha ba’an ku ahaa Ethiopia oo la hal abuuray xiliyadii uu dagaalka qadhaadhi uu ka dhex soday Somalia iyo Ethiopia ee 1977-kii. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaya doorka ay ka qaadanayaan Abaaraha dalka ku habsaday, waxa uu yidhi “Runtii Abaaruhu meel adag bay marayaan, Ilaahay-na waxaan uga baryayaa Dadkeena Abaaraha iyo Biyo la’aantu ku habsadeen, waxaana Gobolada Galbeedka iyo Bariga Dalka aanu u diraynaa Wafti ka socda Warbaahinta iyo Hay’addaha oo qiimayn ku soo samayn doona”. Source:Haatuf
  20. Public Campaign Against Illega Militia Checkpoints kicks off in GalMudug Hiiraan Online Staff Saturday, April 02, 2011 A public campaign against illegal checkpoints by freelance gunmen on the Galkayo -Galinsor Road has begun in Southern Galkayo, the capital of Galmudug Region of Somalia. The campaign, which was organized by members across the social spectrum including Galmudug students,youth groups,the clergy,women groups, scholars and the Galmudug Business Communtiy, is intended to eradicate the menace of gun-totting and trigger happy freelance gunmen who man illegal checkpoints at which they rob people using the road connecting Galkayo with Galinsoor. Galmudug leaders have succeeded to dismantle several illegal checkpoints in the past few days and this new campaign to root out the culture of extortion by young gunmen on the Galmudug roads seems to be gathering momentum and building on the progress already made in weening young freelance gunmen off the chance to rob passengers on vehicles plying between the towns in the region. Schools and colleges in Galmudug remain closed as students take part in the effort to clear the roads off bandits. Also, reports reaching Hiiraan Online news desk suggest there appears that young men in Galmudug are arming themselves and preparing to fight with the highway robbers in case they resist their public campaign and attack them. There has been a huge problem of banditry in Galmudug recently which paralyzed road travel and which forced motorists to use long rough roads through other regions in an attempt to avoid being robbed.Before the public campaign begun, vehicles confiscated by the gunmen manning the illegal checkpoints after they failed to pay money were a constant feature of the roads of this banditry prone area of Central Somalia. This made the price of essential commodities to go up sharply, prompting the public to take the law into their hands. Meanwhile, the row between the most senior leaders of Galmudug regional government and the members of the Galmudug local parliament has intensified, greatly disappointing the residents of the areas under the Galmudug Administration which may undermine the goals already accomplished.