Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Chimera;708950 wrote: The government's budget is larger than those of all of the regional administrations combined, the sea-port and the airport have alot to do with that. I reckon when more of the Capital is reclaimed, the government will be in control of an economic center generating $billions. Plenty of opportunity there to tax. I fully support this rare moment of Somali self-respect & dignity coming from the Prime minister and his team! The UN has become an obstacle to peace, those third-rate African Island-ian politicians need a good dose of reality; Somalia is a full member-country of the UN and a sovereign state, regardless of what shady-entities would like to project. Well put bro.
  2. Keep dreaming, Farmaajo and Sharif are together on this!
  3. Siduu u taagan yahay iyo gacmihiisa miyaadan arkeyn? it is almost like he watches America's top model:D
  4. Xaji Xanjo ayaan weydiinaa since he works at the immigration office. Hadooti yaan laguugu soo xiiqin Che ee ka joog, ayagoo toban toban ah oo ethnic landers wada ah ayey ku soo weerari doonaan.
  5. Dee waxuu rabo ha ku hadlo iska daaf, waa nin waxba kala ogeyn.
  6. I'm still laughing at that. Waa rageedii. I was laughing at the skin head white dude, if he was infront of me I would've laughed at him even if I didn't understand wth he was saying.
  7. The second part of the video, I like how the Somali dude tells the white dude off. I'm ashamed of the Interpreter. He just standing there like a statue most of the time, not doing his job and the worst part is that he is not even bothered by the white dude's intentions.
  8. How come Kenya didn't pay the soldiers? I thought this was Azanian troops?
  9. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shairif oo xariga ka jaray Telefishin ku hadli doona afka Dowladda KMG ah Madaxweyne Sh. Sharif Sh. Axmed oo xariga ka jaraya Talafishin Cusub oo ku hadlidoona afka Dowladda KMG ah. ------ Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kaddib, kaasoo ku hadli doona afka dowladda. Munasabaddan oo ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo ka shaqeeyay sidii telefishinkan dib hawada u geli lahaa. Xafladda xarigga looga jarayay Telefishinka waxaa ka soo qayb-galay ra’iisul wasaaraha ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan. Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed ayaa hamablyo u jeediyay wasiirka warfaafinta xukuumadda KMG ah iyo dhammaan shaqaalaha telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay shaqaalaha Raadiyo Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Talefishinka inay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada iyo horumarka dalka si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaliyeed oo dagaallo kusoo jiray muddo dheer. Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore hirigelisay inay dib u furto Raadiyo Muqdisho oo laga dhageysto Muqdisho iyo gobollada ku hareereysan, iyadoo xilligaa wasiir uu ahaa xildhibaan Daahir Maxmuud Geelle, iyadoo mas'uuliyiinta dowladdu ay sheegeen inuu qayb ka qaadanayo dagaalka lagula jiro Xarrakatul Shabaab. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  10. Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay miino ay sheegeen in lagu aasay jid ku yaalla xaafad dhexdeed sniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay miino ay sheegeen inay kasoo saareen inta u dhexeysa shineemo Hodan iyo xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in miiinda ay aastay Xarrakatu Shabaab, balse lagu soo saaray howlgal ay ciidamada DKMG ah sameeyeen markii lagu soo wargeliyay in halkaas ay miino ku aasan tahay. "Baaritaanno ay ciidamada dowladda KMG ah sameeyeen ayay ku guuleysteen inay miinadan kasoo saaraan xaafad dhexdeed, waxayna ahayd mid loogu talogalay in lagu dilo askarta iyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Bariise oo saxaafadda la hadlay. Afhayeenku wuxuu sheegay in miidan ay qayb ka tahay dhibaatooyin shacabka lagu hayo, isagoo xusay in loogu talogalay in lagu qarxiyo taleefoonka gacanta, iyadoo lagu xiray goob ay shacabka iyo ciidamadu maraaan. "Sida aad arkaysaa miinadan waxaa laga sameeyay rasaasta hoobiyaha iyo walxo kale oo la isku xiran, waxaana lagu xiray taleefoonka gacanta, si ay u qaraxdo markii lasoo waco," ayuu yiri afhayeenka Booliiska oo sharraxaad ka bixinayay miinada ay soo bandhigeen. Goobaha ay booliisku sheegeen inay kasoo saareen miinadii ay soo bandhigeen maanta ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo ay soo qaadeen Xarrakatul Shabaab, iyadoo la sheegay in xoogagga Xarrakadu ay kusoo dhawaadeen jidka Maka Al-Mukarama oo muhiim u ah isku socodka dowladda iyo AMISOM. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Xukuumadda Soomaaliya oo 90 cisho u qabatay Hay’adaha Qaramada Midoobay Isniin, April 04, 2011(HOL): Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho, halkaasina ay howlahooda ku qabsadaan. Haddaba warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo arrintan ku saabsan isla markaana soo gaaray Xafiiska HOL ayaa u qornaa sidan: Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaallo horumar ah oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii shacabka somaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah. Si haddaba loo dardargeliyo horumarka la sameeyey waxaa muhiim ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee DFKMG ah, bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan iyo caalamkaba ay kaalin mug leh ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladan adag loona gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo. Caqabadaha heeysta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah hay’adihii Qaramada Midoobey oo aan la joogin shacabka Soomaaliyeed oo aan fadhigoodu aheyn Dalka gudihiisa. Waxaa hubaal ah in haddii hay’adahan uu fadhigoodu noqon lahaa caasimadda Muqdisho in xaaladda dalka uu wax weyn iska bedeli lahaa. Sidaas daraadeed Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida gar-gaarka bani’aadanimo ayaa waxey go’aamisay in dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood ah gudahooda, si ay u sahlanaato in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gargaarka ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin. Xukuumadda FKMG ah waxey hubtaa in aysan danta ummadda Soomaaliyeed ku jirin in Nayroobi ay sii joogaan hay’adaha loogu talo galay inay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Soo guurista hay’adaha QM ee Muqdisho waxey wax badan ka bedeli doontaa xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay. Mar haddii marar badan ay Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM ay u soo guurayaan Muqdisho, waxaa la joogaa waqtiga laga dhabeyn lahaa ballanqaadyadaas. DFKMG ah waxey ka codsaneysaa QM inay arrinkan siiyaan muhiimada uu leeyahay oo ay muddada 90ka maalmood gudahood ugu soo guuraan. Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee taageerada joogtada ah siiyey Dowladda, sida oday dhaqameedyada, dumarka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada oo shucuurta si joogta ah ugu muujiyey sida ay u taageersanyihiin Dowladdooda. Garad Salad Hersi Press Officer Office of the Prime Minister media@opm.gov.so Muqdisho, Soomaaliya
  12. Xaflad lagu taageerayo madaxweyne Geelle 04/04/2011 Hargeysa(Bnn)Xaafllad si heer sare ah loo soo hagaasimey oo lagu qabtey magalada hargeysa ee casimada jamhuuriyada Somali land gaar ahaan huteelka impreal . Xafladan oo siwey looga soo qeyb galey dhamaan dadweynaha rer jabuuti eek u dhaqan magalada hargeysa Taasoo usoo hagaasimey xaflada lagu taageearyo madaxwynaha jamhuriyada jabuuti mudane ismacil cumar geele Dr, mustafe c/laahi x maxamed jawaan Oo halkas kula Hadley dadweynihii sharafta lahaa ee kazoo qeybgley xaflda tageerada doorashada kadhici doonta dalka jabuti guud ahaanba malinta ay tahay Bishu 8/4/2011 Dr, mustafe oo hadalkiisu ubadnaa in tageero weyn lasiiyo madaxweynaha mudane ismaaciil cumar geele oo latageero Madama wuu dadkiisii iyo dalkiisiiba wuu hormariyay wax qabadka dalkiisa oo mata ay waajib ay tahay in loogu celiyo dorashada mar kale , Hadaba mata madama ay tahay maalin qaliya oo aan halkan ka xusayno ismaciil cumar gele Waa in aan ku tageernaa mata oo aan garanaa waxii wuu qabtay ee uu uqabtay dalka iyo dadkaba , Xaflada oo ay ka soo qabgaleen masuliyiin iyo cuqaal iyo culim oo ay hal kas ka wada hadleen Hadalkoguna ubadnaa in latageero doorasha dallka kadhici doonta 8/4/2011 Borama news
  13. Farmaajo waxba ma diidi karo ,,,, The UN pays his salary, travel allowances, his staff's salaries, his guards salaries, and that goes for the rest of the whole tfg thing. He is doing this coz he wants his mandate to be extended but this is not the way. As Mahiigaan said ,,, the Nairobi conference is only consultative one for only TWO days ................. Wuu diidey already, marka save your energy. Dekeda iyo airtportka ayaa ku filan mushaar haddii laga hadlaayo, taxes laga aruuriyo suuqyada iyo ganacsadata kumaba jiro.
  14. What changes do you suggest for Puntland ya Cowke? don't hate the playa, hate the game. That was for Cowke. What else you got?
  15. When did I post the creation of Hiiranland? I didn't know 6 districts of Xamar sit on 2km, but hey Zack the Ethiopian would know if that is possible nooh! Zack, I told you why I don't buy this, it is my opinion and I'm entitled to it. Ma fahmin waxaad isku waalwaaleyso. Haddii aad wax kale aragto by all means lets hear it. This meaningless exchange is going nowhere. FYI: There are articles on AllGedo, Gedonet, daafeet.com, HOL and many more. Dadka waxay ka yiraahdeen aqriso, laa maanta AS ayey u sacbinooyaan. radioyaha dhageyso. Wax walba waad heleysaa hadaad raadsato. Habeen wanaagsan.
  16. Hold on one second, freed one city, Kuwa Raaskambooni Azania miyey raacsan yihiin? Madoobe waxuu soo wado wabigaa ka weyn ee iska sug intaadan ku faanin xaafada yar oo Dhoobley ayaan xoreyney. Mida kale, maamul goboleed ayaan ka hadloynaa halkaan not TFG. PL, Galmudug, Ximan iyo Xeeb gudaha wadanka ayuu lagu dhisey dadkii degaanka ayaa isu tagey oo go'aansadey iney maamul dhistaan. Now do you see the picture halkan? maamul gobol Kenya wadato Soomaliya kama shaqeynaayo walaal. Soomalida deegaanka degan i tus ayagoo happy ku ah Azania, markaas ayaan dib isugu laabanaayaa ok. p.s. the only folks that should hit road are Ethiopian born Somalis. Dhulkiina xoreysta, kan dad la yaqaan ayaa leh.
  17. The Zack;708744 wrote: Qabyaalad darteedbaad uga soo horjeeddaa Azania (calling it a clan get together) taas waxaa caddeyn u ah gaalmudug and xiimanba baa waa qabiilo gobolo isku magacaabay and you are cool with that, sorry if I hit a nerve but somebody had to point out your pure hypocrisy. Zack mark hore, this aint about me, ok! ilaah ka cabso oo been abuurka iska fogey. Haddii aan soo jeesano qodobkaan halkan ku xusan, maamul lagu soo dhisey Kenya ma gadmi karo, waayo dadkii degaanka joogey ayaa is hortaagey durbadiiba sababtuna waxaa weeye, lalama tashan. Dhulkaan Azania loola baxayna AS ayaa haysato, 2000 askar oo odeygan u maleeyo iney xoreynaayaan jubboyinkane waa riyo runtii. Jubbooyinka ma aha gobolo hal maamul loo dhisi karo hadda (maybe sometime in the near future), maamul dibad lagu soo dhiseyna maba ku jiro xisaabta. Beelo badan ayaa share gareeya goboladan, qolo walbana wey hubeysan tahay. Haddii hal nin iyo Islii residents ay Kenyatigii soo wadateyna, cid aqbaleysa ma jirto. Haddii maamulkan gudaha lagu dhisi lahaa, aniga ayaa kaaga horeyn lahaa buun buuniska. Laakiin runta ha la isku sheego, odeygaan Kenyatiga wataan waxba sooma wado. Sidaad aqrisateyna waa laga soo horjeeda, particularly dadka jubooyinka jooga. p.s. My family is still living in the jubbooyinka, marka yeah, wax badan ayaan ka ogahay. Adiga Godey ayaad ka timid marka Ethiopia iska xorey first intaadan jubbooyinka sheegan. p.p.s. TFG iyo Azania shaqo iskuma lahan. No need to compare them. Midna waa dawlad caasimadeeda ka hawlgasha, midna waa maamul gobol Kenya ka hawlgasha.
  18. The Zack;708739 wrote: Somalina maba xishooneyso, adeer nooga sheekee meelaha h-du degto oo noo amaan sidaadii sida gaalmudug iyo xiiman iyo xaax, Azania waxba kama ogide. Barafasoorkana ha gaadhin Adeerkaa shariif AMISOM wuu dhaamaaye. Odayaasha Kismaayo ku shiri karo waa kuwee meesha ay alshabaab heysto. Horta marka hore don't personalize sheekadaan. Galmudug iyo X&X gurigooda ayaa lagu dhisey, Kenyati iyo Ethiopian-na bariis uma soo karin. Sharif waxaad doonta ka sheeg, It doesn't concern me, laakiin fadlan af ha ila soo gelin haddaan opinionkeyga ka dhiibto maamuul beeneedkaan aight! Gandi waa doqon if he thinks Kismaayo ayuu madexweyne u noqaanaaya. Meel aadan gacanta ku hayn ayaa loo heesaayaa. Koley asaga uguma horeyn "madexweyne ha leygu yeero" marka maamul isku sheegyadaan waa iska huuhaa.
  19. Xaaji Xunjuf;708713 wrote: Liibaan how is the ssc paltalk movement doing http://taleex.net/2011/04/03/8466 lol@Geelshube iyo been dhutiye. Classic! Buhodle is the home of the brave!