Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Bannaanbaxyo Shirka Kenya ka dhacayo looga soo horjeedo oo ka dhacay gobollada Published on April 5, 2011 by admin Bannaanbaxyo ay soo qabanqaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacay Gobollada Bakool, Mudug iyo Togdheer ayadoo ay ka qayb galeen Culumaa’udiin, Waxgarad, Aqoonyahanno, Haween iyo Dhalinyaro kuwaas oo ku dhawaaqayey halkudhigyo ay uga soo horjeedaan shirka la filayo in 12-ka bishaan lagu qabto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Guddoomiyaha Degmada Yeed ee Gobolka Bakool Cabdi Faaqid ayaa Radio Muqdisho u sheegay in isu soo baxyada ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan shirka lagu qaban doono dalka Kenya, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo Qaranimada Soomaaliya. Maryan Cabdi Aadan oo ka mid ah dadka ku nool degmada Yeed ayaa sheegtay in ay taageersan yihiin go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay ku gaartay in aan laga qayb gelin shirka Nairobi, iyadoo shirkaasi ay ku tilmaamtay mid waxba kama jiraaan ah oo burbur u horseedi kara jiritaanka Umadda Soomaaliyeed. “Haddaan nahay Haweenka Soomaaliyeed waxaan marwalba garab taagan nahay Xukuumadda KMG Soomaaliya, mana dooneyno in shir lagu majoxaabinayo danaha ummadda Soomaaliyeed dalka dibadiisa lagu qabto” ayey hadalkeeda sii raacisay. Sidoo kale Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah nabadoona Gobolka Togdheer oo isna radio muqdisho la soo xiriiray ayaa tilmaamay in bannaan bax ballaaran oo ay ku taageerayaan soo jeedintii Xukuumadda KMG Soomaaliya ee ku saabsanaa in muddo sanad ah loogu kordhiyo hay’adaha dastuuriga ee dowladda ay ka dhigeen deegaanka Buuhoodle. Garaad Ibraahim ayaa hoosta ka xariiqay in bannaan baxyadooda ay sidoo kale uga soo horjeedeen shirka Xafiiska Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu qaban qaabinayo ee la filayo in Kenya lagu qabto. Sidoo kale bannaan bax kan la mid ah ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ay ka arrimiyaan maamulada Puntland, iyadoo bannaan baxaasi uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka halkaasi ku dhaqan, kaa oo lagu taageerayey dadaallada Xukuumaddu ay ugu jirto wax ka qabashada xagga amniga, islamarkaana uu ahaa mid looga soo horjeeday shirka Nairobi oo uu soo abaabulay Augustine Mahiga ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabislan Arrimaha Soomaaliya. Bannaan baxyadaani ayaa ku soo aadaya xilli shacabka Soomaaliyeed ay qorsheynayaan in maalinta Khamiista ee nagu soo aadan ay Gobolada dalka ka dhigaan bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka lagu wado in dalka Kenya lagu qabto.
-
RadioMuqdishu has finally got a facelift.
-
Xalane iyo Xidig oo gaaray Dhoobleey So where is the new president, I meant former Sharif employee in all of this? or is this one of kismaayonews' cantarabarash again?
-
C/qaasim: Madaxda DKMG ha Isku-tanaasulaan Madaxweynihii hore ee Somalia, C/qaasim Salaad ayaa ka horyimid shirka Nairobi, isagoo madaxda DKMG ugu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda Dhageyso
-
Barnaamij ku saabsan eedeun loo jeediyey hay'adaha gargaarka Soomaaliya ka hirgala http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/03/110322_falanqayn.shtml
-
Faallo:: Awdalstate Oo Si Qabow U Fidaya Iyo Cabsida Xukuumada Silaanyo. 5/04/2011 Stockholm(Bnn) Tan iyo markii lagaga dhawaaqay dalka canada 25 marso gooni isku taaga awdalstate oo ah labada gobol ee awdal iyo salal ee ka tirsan somaliland ayaa waxa ka dhashay su'aalo badan oo ay is wadiinayeen bulshoweynta awdal iyo salal ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba . Su'aalahaas oo ahaa . Ma in baa dano gaar ah ku wadata? Halkuu kasocdaa awdalstate ? Ma joogna goortii iyo wakhtigii loobaahna in lagu dhawaaqo? Yaa Hogaaminaya Ma siyaasiyiin caan ka ah bulshada mise aqoonyahano ? Maxayse ka qabaan odayaasha, dhalinyarada, iyo bulshada kunool gudaha iyo dibadu. ? iyo qaarkale oo farabadan . Ka dib waxa la ogaaday in dhalinyaro bahowday iskuna fikir ahi ka dambeeyaan dhisida Awdalstate , kuwasoo intooda badan ku dhaqan dalka dibadiisa . dhalinyaradu waxay bilaabeen xidhiidh farabadan inay la sameeyaan dhamaan qurbajooga reer awdal iyo salal ee ku nool dunida daafyaheeda . iyagoo khuruuj qaabkii tabliiqa adeegsanaya ayay isku dayeen inay fahan siiyaan fikirkooda ah awdalstate . Xarakaad badan oo ay sameeyeen ayay mudo labo usbuuca ku gaadheen heer ay ku kasbadaan aqoonyahano ka caanka ah bulshada reer awdal iyo salal kana taageera arin iyo aduunba , dhamaan dalalka ay ku suganyihiin qurbajooga reer awdal ayay ku yeesheen laamo balaadhan oo u fudaydiya xaga wacyigalinta ama xag taageero dhaqaale. Cabsida dawlada siilaanyo ayaa soo kordhaysa kadib markii dareen xoogan uga yimi dhalinyarada dhigata jaamacadaha iyo iskuulada sare ee ku yaala magaalada boorama oo sigaar ah u danaynaya arimaha la xidhiidha awdalstate ,xakuumada oo og hadii lagu shubo fikirka awdalstate dhalinyarada inay adagtahay sida waxlooga qabankaraayi , ka dib waxay qaaday xukuumadu talaabo ah in lagu soo daayay guud ahaan magaalada ciidan dharcad ah oo soo gudbiya goobta ay uga shikiyaan shanqadh kacdoon , kuwaasoo intooda badan ka tirsanaa taageerayaashii xisbiga talada haya ee kulmiye. Maamulka gobolka iyo ciidanka bilayska ayaa ahaa iyagu kuwa kuwo kusoo baraarugay markii ay soo baxeen waraaqo xanbaarsanaa fariin isku soo bax iyo mudaharaad sabtidii ka dhacay magaalada . mudaharaadkaas oo goobjoog ay ka ahaayeen wariyaha gaarka ah ee boramanews uga soo warama gobolka awdal Maxamed Cali Cumar (Jaabir) iyo wariyaha shabakada saylac.com Daahir Ahmed Jirde . iyagoo isla markaana muuqaal iyo sawiro ka qaaday dadkii mudaharaadayay . taasoo sobobtay in wariyayaasha xabsiga loo taxaabo inta aanay ku noqon aljazeera . oo aanay gudbin wararkan abuuri kara kacdoon ka dhan ah dawlada somaliland. Xadhiga wariyayaasha ayaa noqday mid si weyn u gudbiya magaca awdalstate oo ku baaha dhamaan warbaahinta aduunka iyadoo dhanka kale bulshada somaliyeeed ku nool dalka gudihiisu si weyn isku waydiyeen sobobta loo xidhay wariye madaxbanaan iyo cabsida ka dambaysa warka uu gudbinayaa halista uu xambaarsanyahay, Ka dib xakuumada sare ayaa maanta iskugu yeedhay dhamaan wariyayaasha ka hawlgala warbaahin kala duwan ee somaliland , taasoo ula jeedadeedu ahayd in aan xagooga looga soo dhicin . Hadaba waxa is wayndiinleh ma ku filanyihiin saraakiisha iyo ciidankan cusub ee dharcadaha ahi ma u noqon karaan xukuumada silaanyo mid ay kaga hortagto dabaysha ururkan labada usbuuc jira ee ku faafay dhamaan bulshada reer awdal iyo salal ? Awdalstate iyaduna ma noqon kartaa mid caadifadeedu ku ekaato qurbojooga ? Tafiftiraha Boramanews.com Eng-Mustafe haji M Dirie Boramanews@gmail.com
-
Taking the law into their own hands Monday, 04 April 2011 Mohsen Araishi When someone who’s been shut up in a dark room for many years is suddenly exposed to the bright light of day, his vision is hazy and blurred; he can’t properly see the things around him. Like a bull in a china shop, he tramples anything in his path. Likewise, the Salafis (latter-day, die-hard Muslims, who adhere to outdated dogmas) went underground (if they weren’t arrested and consigned to a dungeon) for long decades, to avoid the outrages committed by the security men under former regimes in Egypt. When their demon (State Security) was disbanded and the rusty doors to their cells were flung open, they rushed outside to enjoy their first taste of daylight in decades. Like raging bulls, they charged across the country, bowling over anyone and anything that happened to get in their way. They don’t seem to be ready to tolerate anyone, who might question their anachronistic ideas and teachings, exhumed from ancient Islamic history. Nor do they appear to be content to discussing things with their opponents: they seem determined to take the law into their own hands to compel moderate Muslims and non-Muslims (Copts in particular) to feign appreciation for their dogmatic ideas. They attacked a Copt in the Upper Egyptian city of Qena for leasing an apartment he owns to a woman alleged to be a prostitute. The Copt had his ear cut off because he ignored the Salafis when they told him to kick the woman out of the flat. She too suffered outrageously. Her furniture and other belongings were thrown into the middle of the street and torched. She was told to migrate to a neighbouring village and that, if she comes back, she’ll be killed next time. The Salafis’ leader says that they are purging the community of “sinners and infidels”. None of these Salafis can claim to be any better than the alleged prostitute. To make matters worse, because she’s getting on in years and her charms are fading, she has reportedly ‘hung up her boots’, retiring from the world’s oldest profession. Perhaps the Revolution, too, inspired her to take this commendable step. Last week, Salafis attacked villagers in Fayoum Governorate, south of Cairo, torching an off-licence run by a Copt. According to police, one person was killed and eight others injured when villagers clashed with Salafis, who wanted to shut the store down on the grounds that alcohol is condemned in Islam, because of its detrimental effects on people’s reasoning. Surely his Muslim customers " not the owner" should have been told to stop imbibing. The Copt has nothing to do with this Muslim prohibition. Hours after being given the freedom to express themselves unscathed, Salafis organised demonstrations in Cairo calling for the release of Camilia Shehata, the wife of a Coptic priest, who has allegedly converted to Islam and is being held somewhere by the Orthodox Church, against her will. Also calling for Mrs Shehata’s freedom, the Salafis demonstrated outside the State Council, which is hearing the case of the alleged abduction of the Coptic woman. Paradoxically, the Salafis haven’t been campaigning on behalf of other political fundamentalist detainees, who have spent years in jail for their beliefs. Also, in their outrageous competition to manipulate Islam and its moderate devotees, the Salafis having been describing their participation in the recent referendum on constitutional amendments as a religious battle, which Islam must win. They used mosques as platforms to agitate the masses and exhort them to vote in favour of the constitutional amendments, telling them that they would be going against their religion (Islam), if they voted ‘No’. They even told the voters that the ballot box was a steppingstone to Paradise! In the meantime, the Salafis loudly celebrated the results of the referendum, declaring: “Islam has won and Muslims have confirmed their devotion to their religion.” It was disappointing and disgusting that one Salafi, Sheikh Mohamed Hussein Yacoub, should smiled slyly as he implied that Copts, moderate Muslims and liberals (who rejected the constitutional amendments) were free to migrate overseas if they so wished. The scene in Egypt is now a mosaic of religious overtones and groups. They include the Muslim Brotherhood (a fundamentalist group trying to burnish its image and disassociate itself from its militant manifesto of the past), moderate Copts, represented by the Orthodox Church, and radical Copts at home and overseas, who are campaigning ‘to get back Egypt from the hands of the Muslims’. *Published in the EGYPTIAN GAZETTE on Apr. 3, 2011.
-
CAIRO — Egypt, which has had turbulent relations with Iran for more than three decades, says it is ready to open a "new page" with the Islamic republic, Egyptian media reported Tuesday. "Egypt has opened a new page with all countries of the world, including Iran," Egyptian Foreign Minister Nabil al-Arabi was quoted as saying by the local media. "The Egyptian and Iranian people deserve relations which reflect their history and civilisation, provided they are based on mutual respect of state sovereignty and non-interference of any kind in internal affairs." Arabi's remarks came during a meeting with Iranian official Mojtaba Amani who handed him a letter from Iran's Foreign Minister Ali Akbar Salehi. The meeting is thought to be the first between officials of the two nations since the ouster in February of Hosni Mubarak in a popular uprising. In his letter, Salehi urged Cairo to explore ways to develop relations between the two countries, the reports said. He has also invited his counterpart to visit Tehran, while airing a wish to visit Cairo himself. Iran broke off diplomatic relations with Cairo in 1980 after the Islamic revolution, in protest at the recognition of Israel by Egypt. Since then the two countries maintain only interest sections in their respective capitals. Under Mubarak, Egypt -- the most populous Sunni Arab state -- had worked to check the influence of Shiite Iran in the region amid concerns in several Arab countries over Tehran's nuclear ambitions and support to the Lebanese Hezbollah movement.
-
Macjmaca Culimada, Ururada Haweenka iyo qeybaha Bulshada oo shir qaran dumis ku tilmaamay shirka Nairobi Warsaxaafadeedyo ay maanta siyaabo kala duwan uga soo saareen magaalada Muqdisho Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isutaga dhalinayrada, iyo golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo aragtidooda ku aadan shirka la sheegay inuu ka dhaci doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay qaban qaabisay Q/midoobay isla markaana lagu casuumay dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Ahlusunna Waljacaamaca. Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee KM4 ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay qaban qaabineyso gaar ahaana wakiilkooda Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga waxayna sheegeen in shirkaasi uu yahay shir Qaran dumis ah sida ay hadalka u dhigeen, wuxuuna farta ku fiiqay inay uga digayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan kulankaasi,wuxuuna sheegay in qofkii shirkaas ka qeybgala uu yahay qof dambi ka galay dalka iyo dadka, isagoo warsaxaafadeedkiisana ku taageeray go’aankii ay xukuumada Federaalka KMG ah ku kordhisay mudada halka sano ah. Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna shir jaraa’id saxaafada ugu qabatay xaruntooda magaalada Muqdisho ayay ku mucaaradeen shirka ka dhacaya magaalada Nairobi waxayna taasi bedelkeeda ka codsatay Q/midoobay inay dhiirigelin, taakuleyn iyo horumarin ku sameeyeen dowladda Federaalka oo ay sheegtay inay isbedelo la taaban karo ka muujiyeen maamulka iyo hanaanka Dowladnimo ee dalka. Sidoo kale, guddoomiyaha xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Sabriye oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taageeray baaqii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhigaan isu soo baxaan si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin faragelinta ay ku hayaan xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS arrimaha Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed. Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isaguna fikirkiisa ku biiriyay waxa ay ka aaminsan yihiin dhalinayrada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dhalinayradu ay taageersanyihiin go’aankii ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalkuba ku diideen shirkii dib u heshiisinta, iyagoo balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxyo maalinta khamiista ah lagu wado inay ka dhacaan magaalada Muqdisho kuwaasoo shacabku ku muujin doonaan fikirkooda shirka Nairobi iyo weliba marxaladda dalka. Shirarakani ayaa daba socda shirkii shalay golaha odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku diideen shirka ka dhacaya Nairobi. Maxamed Xuseen Ugaas Ugaasyare114@gmail.com
-
Dibadbax lagu taageerayo DKMG oo ka dhacay Sool, Sanaag iyo Ceyn Buuhoodle: (Sh. M. Network) Banaanbax looga soo horjeeday ka qeyb galka Shirka Qaramada Midoobay ee Nairobi islamarkaana lagu taageerayay Xukuumada KMG ayaa maanta ka dhacay gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Dibadbaxyadaani ayaa waxa uu ahaa kuwa si wayn looga soo horjeeday ka qeyb galka shir wada tashi ah oo ay soo agaasintay Qaramada Midoobay laguna wado in bartamaha Bishan uu ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana banaanbaxyadaasi ay ka kala dhaceen gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn ee Woqooyiga dalka Soomaaliya. Banaanbaxyada oo ay ka qeyb qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan goboladaasi ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen (Dooni mayno Shirka Niarobi, Dooni mayno shir shirqool, Dooni mayno Mahiga) iyo ereyo oo ka dhan ah shirka Qaramada Midoobay ay ku wado in uu ka dhaco Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. Dibadbaxyada kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Garaad Ibraahim Baaruud (Guutaale) oo ka mid ah waxgaradkii soo qaban qaabiyay banaanbaxyada looga soo horjeeday shirka Qaramada Midoobay. Garaad Guutaale ayaa waxaa uu sheegay inaysan marna aqbalayn shirka Nairobi iyo wixii kasoo baxa, isagoo ku daray in shirkaasi aysan wax dan ah ugu jirin maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si wayn u taageeray qorshaha Xukuumadda KMG ay horay u soo jeedisay ee ahaa in muddo halsano ah loo kordhiyo Hay’adaha ugu sareeya dowladda KMG. Dhinaca kale banaanbax midkaani la mid ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo banaanbaxaasina looga soo jorjeeday shirka qaramada midoobay ee la filayo in uu ka dhaco dalka Kenya. Banaanbaxaani ayaa waxaa ay imaanayaan xili golaha Wasiirada, Odayasha dhaqanka Beelaha Sooaaliyeed, Majmaca Culumada Islaam, Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ay kasoo horjeestay shirka ay Qaramada Midoobay shirka wada tashiga ah.
-
Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo. "Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay. Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Huge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation. In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month. The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia. Source: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90043485?%20Somalis%20demonstrate%20against%20UN-sponsored%20meeting%20on%20Somalia
-
Somalis demonstrate against UN-sponsored meeting on Somalia Huge demonstrations against an upcoming consultative meeting on Somalia sponsored by the United Nations on Tuesday took place in northern, central and southern parts of the war-decimated nation. In Buhoodle, a town in northern Somalia, hundreds of people took the streets to show support for the Somali government’s rejection of the meeting, which will held in neighboring Kenya this month. The demonstrators raised photos of Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed, chanting slogans calling for all Somalia factions not to be present at what they called blatant cheating against Somalia. Fardowsa Sheikh Ahmed, a resident in Buhoodle, told All Headline News the people expressed how they don’t want the U.N.-sponsored meeting. Ahmed also said that the demonstrators were holding placards written with: “It is embarrassing mistake for Somali individuals who want to attend the meeting” and “The aim of the meeting is to divide Somalis, destroy the TFG.” She added that they marched through several neighborhoods in the town. Security was tightened by the police forces of the breakaway republic of Somaliland which in charge of the region of Sool. Speaking at a rally, Garaad Ibrahim Da’ud, a prominent Somali elder in the Sool region, said Somalia will never accept the outcome of that meeting sponsored by the UN. Similar peaceful rallies also took place in the town of Galka’yo in the Mudug region of central Somalia and the El-barde district in the Bakool region in the south of the country.
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Aamiin. -
Shirweynihii koowaad ee Gabdhihii Kubadda Kolayga Soomaaliya oo lagu qabtay Finland Talaado, April 05, 2011(HOL): Waxaa magaaladda Helsinki ee caasimadda Finland ka dhacay shir taariikhi ah oo markii ugu horeysay ka dhaca qurba ama gudaha Soomaaliyaba,shirkaas ayaa waxaa isugu yimid gabdhihii xulka qaran iyo heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaliyeed. Shirka ayaa waxaa uu ka socdey magaalada Helsinki muddo afar maalmood ah,shirkan ayaa waxaa uu ka koobnaa qaybo badan oo maalintii koowaad waxaa ay ahayd mid soo dhaweyn ah, maalintii labaadna waxaa ay ahayd iswaraysi iyo warbixino,maalintii sedexaadna waxaa uu shirka ahaa mid ay gabdhaha kusuubsanayeen maamul cusub oo ay yeeshaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga iyo guud ahaanba isboortiga qaybihiisa kaladuwan,maalintii ugu danbeeysana waxaa ay ahayd maalin ay martisharaftii ku laabanayeen wadamadii ay kakala yimaadeen. Shirkan ayaa waa isku xiriiriye bilowgii ka ahaa Maxamuud Sujaac oo kusoo dhaweeyey Gabdhihii hore ee xulka qaranka iyo Macalimiintii qaranka iyo masuuliyiin ka socotay XSKK iyo GOS-ba. ka dib ayaa waxaa uu Maxamuud Sujaac siiyey Min Shandaqiiqo gudigii soo qabanqaabiyey ee kala ahaan Ururka Kanava,EuroSom iyo Sateenvarjo,waxaana xubnihii magacyadaas ku hadlay ka mid ahaa,Abdiqadir Gudoomiyha Kanava,EuroSom IBraahim Ahmed Takar iyo Sateenvarjo Said Jamac. Shirkan ayaa waxaa uu lahaa workshop kasoo oo looga hadlayey laba arimood oo kala ahaa: 1.Sidee loo hormarinkaraa isboortiga Guud ahaan gaarahaan kubadda koleyga. 2.Wadadee loo marikaraa horumarintaas. Workshopkan ayaa waxaa kasoo baxay wax badan oo aan isdhihi karno waxaa ay noqondoonaan kuwo lagu hormariyo kubadda koleyga. Maalintii sedexaad ayaa waxaa loo gudbay shirkan qaybtiisii ugu weynayd uguna muhiimsanayd oo ahayd shirka qaybta ay gabdhaha kusamaysanayeen urur ay isku maamulaan isla mar ahaantaan ay isaga warqabaan dhamaantood. Shirkan Gabdhaha ayaa waxaa kasoo baxay arimmo dhowr ah oo aan isleenahay waa kuwo muhiim ah,waxaana ay kala yihiin 1.Inay samaysteen maamul ay leeyihiin gabdhihii hore ee kk. 2.Inay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan XSKK iyo GOS-ba wixii horumarinta isboortiga kusaabsan 3.Inay si joogta ah ula xiriiraan gabdhihii hore ee kubadda koleyga ee ku dhibaataysan wadankii hooyo. 4.Inay soo ururiyaan gabdhihii hore iyo kuwa cusub ee kubadda koleyga. Shirkan ayaa waxaa qayb weyn kasoo qaatay abaabulkiisa aana isleenahay waxaa uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyey kaalinta halyeeynimo ee uu kasoo qaatay qabsoomida shirkan Macalinkii Qaranka Gabdhaha Soomaliieed Macalin Shiine Mxamed Guhaad,wxaa sidoo kale kaalin buuxda ka qaatay Macalinka Macalimiintoodsa Macalin Sacad Cumar Geedi,waxaa sidoo kale kaalin aan lailobi karin ka qaatay Maxamed Muqtar Shirkana ayaa waxaa dhinaca Taleefonka kaga soo qaybgalay Gudoomiyaha GOS mudane Aden Haji Yabarow Wiish oo gabdhaha hambalyo ugu horeeyn usoo jeediyey ka dibna kula dardaarmay inuu shirkooda u najaxo isla mar ahaantaana laga arko wax qabadkooda. Sidoo kale waxaa Halakaas ka hadlay Gudoomiyaha XSKK mudane Ibrahim Haji Hussein Rombo oo isgana sidaas oo kale hambalyo usoo jeediyey gabdhaha kadibna kula dardaarmay inay gabdhaha Soomaaliyeed ee jecel ciyaarta kubadda koleyga haysana jaaniska ay haystaan kuwa qurba joogta ah inay soo kaalmeeyaan waxna u qabtaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga. Waxaa sidaas oo kale kasoo hadlay laba ruug cadaa Xoghayihii hore ee GOS ahaana macalinkii gabdhaa xulka qaran e e kubadda kloeyga Mudane Ali Osman oo isgana dardaaran dheer iyo weli waxqabad kula dardaarmay gabdhahaas ugu danbeeyntii waxaa qadka Taleefonka kaga soo qaybgalay Garsoore Caalmai aha muwaadin Soomaaliyeed jeclna horumarka isbooriga guud ahaan gaar ahaan kubadda koleyga waa Osman Halane isgana waxaa uu sidaas oo kale gabdhaha kula dardaarmar wax qabad dhab ah. Gabagabdii shirkan ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyadii ururka cusub ee Gabdha kubadda koleya ay yeesheen isla mar ahaantaan halkaas lagu soo gabagabeeyey shirkii koowaad ee Gabdha kubadda koleyga Soomaaliyeed. More....
-
Jilaayada caanka ah ee aflaamta Angelina Jolie oo ah xubin qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa ku booqatay xadka Libya iyo Tunisia qoxooti soomaaliyeed oo kasoo qaxay dagaalada dalka Libya. Kaam ku yaal deegaanka Ras Djir ee dalka Tunisia ayay qoxootigan ku booqatay, waxaana ay kula kulantay dumar qoxooti u badan iyo caruur . Hey`adda UNHCR ayaa sheegtay in 200 oo kun oo dad ah kasoo barakeceen dalka Liya, una soo talaabeen xadka Tunisia, waxaana 150-kun oo ka mid ah dadkani yihiin dad u dhashay dalka Libya halka 50-ka kun ee kale u dhasheen dalal kale oo kala duwan oo ay Soomaaliya ku jirto. Booqashada Angelina Jolie ee kaamka Ras Djir ayaa kusoo beegmaya xilli ay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan qoxootiga soomaaliyeed ee ku sugan kaamkaasi. Dhowr jeer ayay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka ku haysta Tunisia ay ka dhigeen soomaalida kaamka Ras Djir ee xadka Libya.
-
Fatima Cali Madar oo loo doortay gudoomiyaha degmada Grunerlokka Fatima Ali Madar ayaa lagu doortay cod dhamays tiran shir sanadeedkii degmada oo ka dhacay guriga baarlamaanka ee magaalada Oslo shalay oo taarikhdu ahayd 28 March in ay noqoto gudoomiyaha degmada Grunnerlokka ee caasimada Oslo ee xisbiga shaqaalaha AP (Labor Party). Shirkan oo lagu qabtay Guriga baarlamanka ayaa cod dhamaystiran la isku wada raacay inay Fatima Ali Madar noqoto madaxa degmadaas Grunerlokka oo ka mida ah degmooyinka ugu dadka badan ee caasimada Oslo. Tani waxay keentay inay Fatima Ali Madar noqoto gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horaysay ee xil intaa leeg loo dooray xisbigan. Xisbiga shaqaalaha ee dalka Norway ayaa isagu ku guulaystay labadii doorasho ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi lana filayo inuu ku guulaysan doono dooshada deegaanka ee soo socta sanadkana. Fatima oo ah musharax u sharaxan golaha deegaanka ee magaalada Oslo ayaa tani waxay kor u sii qaadaysaa sharafta iyo qiimaha Somalida gaar ahaan dumarka Somaliyeed ee ku nool magaalada Oslo. Waxay u sahlaysaa inay ahaato musharax aad u adag oo dad badani isu soo taagaan ama ay aqbalaan musharaxnimadeeda xildhibaan ahaan una soo jiidi doona cod aad u farabadan Fatima iyo xisbigeedaba. Fatima waxay ka midtahay gabdhaha Somaaliyeed ee firfircooni xoogleh ka muujiyey siyaasada Norway, waxaanay aad soo dhawaynaysaa musaraxiinta kale iyo kuwa ku hamiyaaya in ay siyaasada ka soo qayb galaan. Waxay tidhi Fatima “hadii aad wadan degentay waa in aad ka muuqato, midkale Soomaalidu waanu ku cusbnay dalkan oo waa inaanu is muujino, hablaha Soomaaliyeed wax barashad sare aad bay ugu soo badanayaan wakhiyadan danbe ila markaana waxa kor u sii kacaaya sumcada Somalida ee wadankan, taas oo door wayn ka ciyaaraysa horumarka laga gaadhi karo wadankan qaniga ah”. Wadanka Norway waxa uu kamidyahay wadamada shaqalanaatu aadka ugu yartahay, sababtu tahay waxa mudooyinkii u danbeeyey hogaaminayay dowlad uu horkacaayey xisbaga shqaalahu, kuwaas oo aad ugu howlan shaqo abuurista dalkan. Fatima ayaa Bulshada Soomaaliyeed ama dadka ku nool Norway ee Imigarant ka ah ku leh sumcad iyo darajo aad u qaaliya, waxaana hubaala inay ku soo bixi doonto darajada koowaad ee xildhibaanada laga soo dooran doono degmooyinkaas hoos yimaada caasimada Oslo. Doorashadaas oo la filayo inay dhacdo September sanadkan aan ku jirno. English The Norwegian Labour Party – a brief presentation The Norwegian Labour Party has a vision of a just world without poverty, in peace and ecological balance, where people are free and equal and have influence on the conditions affecting their lives. The Norwegian Labour Party is a social democratic party committed to liberty, democracy and social justice. It is a reformist party that believes in partnership and cooperation on national as well as international level. By acting together rather than just as individuals, we can make a better society for all. The Norwegian Labour Party is the largest political party in Norway. Labour got 35,4 per cent of the votes in the general election in 2009 and has 64 out of 169 members of parliament. Together with the Socialist Left Party and the Centre Party there is a red-green majority in Parliament. These parties together have 86 out of 169 seats. KALA XIRIIR FATIMA Fatimaalimadar@hotmail.com http://fatimaalimadar.blog.com/ twitter@fatimamadar
-
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay la dagaalanka burcad-badeedda iyo shirka ka dhacaya Nairobi Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Faramaajo) ayaa sheegay in burcadbadeedda looga adkaan karo iyadoo la xasiliyo Soomaaliya, wuxuuna xusay inaan loo adkaan karin kumannaan markabkiibta dagaalka ah oo la dhoobo badaha Soomaaliya. Mudane Farmaajo, ayaa hadalkan sheegay shir jaraa'id oo shalay gallinkii dambe uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, wuxuuna xusay in ciidamada badda ku sugan aysan waxba ka qaban karin burcadbadeedda, xitaa haddii tiradooda intaas laga badiyo. "Burcad-badeeddu waxay ku xooggan tahay barriga waxaana loo baahan yahay in la xoojiyo hay'adaha dowladda si loola dagaalamo, caalamkana waa inuu garab nagu siiyo sidii aan burcadda ula dagaalami lahayn," ayuu yiri mudane Farmaajo. "Calaamku wuxuu u gurmayda Afgaanistaan, balse Soomaaliya sidaas oo kale uguma gurman, Soomaaliya iyo Afgaanistaanna waa isku cudur oo waxaa ka jira dowlado itaal daran," ayuu yiri Farmaajo oo sharraxayay sida caalamku uga gaabiyay in la xasiliyo Soomaaliya kaddib 20-sano oo ay ka jireen colaado iyo fowdo. Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kooban uga hadlay shirka bishan lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay inaan qaban-qaabadiiisa lagala tashan xukuumadda KMG ah. Mudane Famaajo ayaa sheegay inuusan reebbanayn wadatashi, balse aysan u arag shirka Nairobi inuu yahay mid aysan maslaxad ugu jirto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ay go'aan ku gaareen inaysan ka qaybgelin. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Macjmaca Culimada, Ururada Haweenka iyo qeybaha Bulshada oo shir qaran dumis ku tilmaamay shirka Nairobi Warsaxaafadeedyo ay maanta siyaabo kala duwan uga soo saareen magaalada Muqdisho Majmaca Culimada Soomaaliyeed, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Xoogaga wadaniyiinta, Golaha isutaga dhalinayrada, iyo golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo aragtidooda ku aadan shirka la sheegay inuu ka dhaci doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay qaban qaabisay Q/midoobay isla markaana lagu casuumay dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Ahlusunna Waljacaamaca. Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Bakiin ee KM4 ayaa ka hadlay fikirkooda ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay qaban qaabineyso gaar ahaana wakiilkooda Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga waxayna sheegeen in shirkaasi uu yahay shir Qaran dumis ah sida ay hadalka u dhigeen, wuxuuna farta ku fiiqay inay uga digayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan kulankaasi,wuxuuna sheegay in qofkii shirkaas ka qeybgala uu yahay qof dambi ka galay dalka iyo dadka, isagoo warsaxaafadeedkiisana ku taageeray go’aankii ay xukuumada Federaalka KMG ah ku kordhisay mudada halka sano ah. Dhanka kale, Guddoomiye kuxigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna shir jaraa’id saxaafada ugu qabatay xaruntooda magaalada Muqdisho ayay ku mucaaradeen shirka ka dhacaya magaalada Nairobi waxayna taasi bedelkeeda ka codsatay Q/midoobay inay dhiirigelin, taakuleyn iyo horumarin ku sameeyeen dowladda Federaalka oo ay sheegtay inay isbedelo la taaban karo ka muujiyeen maamulka iyo hanaanka Dowladnimo ee dalka. Sidoo kale, guddoomiyaha xoogaga wadaniyiinta Soomaaliyeed Salaad Maxamed Sabriye oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taageeray baaqii odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadanaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhigaan isu soo baxaan si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin faragelinta ay ku hayaan xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS arrimaha Dastuuriga ah ee Soomaaliyeed. Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa isaguna fikirkiisa ku biiriyay waxa ay ka aaminsan yihiin dhalinayrada Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dhalinayradu ay taageersanyihiin go’aankii ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalkuba ku diideen shirkii dib u heshiisinta, iyagoo balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxyo maalinta khamiista ah lagu wado inay ka dhacaan magaalada Muqdisho kuwaasoo shacabku ku muujin doonaan fikirkooda shirka Nairobi iyo weliba marxaladda dalka. Shirarakani ayaa daba socda shirkii shalay golaha odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku diideen shirka ka dhacaya Nairobi. Maxamed Xuseen Ugaas Ugaasyare114@gmail.com
-
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka hor yimid shirka Niarobi, taageerayna go’aankii dowladda Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ayay kaga hadleen marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo, shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo muddo kororsiga Dowladda ee halka sano aheyd. Bayaankan oo uu saxaafada u aqriyay Maxamed Xasan Xaad ayaa ka koobnaa saddex qodob iyagoo ugu horeyntii dowladda Federaalka uga mahadceliyay aqbalaadii ay odayaasha dhaqanka ka aqbaleen in aysan ka qeyb gelin shirka Nairobi ee ay qaban qaabisay Q/midoobay kaasoo loogu magac daray shirka wadatashiga Soomaalida laguna casuumay maamul goboleedyada magac ahaan hoostaga DFKMG iyo urur horay ula midoobay Dowladda Federaalka isla markaana xubno muhiim ah ku leh xukuumada iyo qeybaha kale ee dowladda. Sidoo kale, bayaanka ayay odayaashu ku taageereen muddadii halka sano aheyd ee ay xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay go’aamisay in loogu daro dhamaan hay’addaha Dastuuriga ah ee dowladda, si loo dhameystiro howlaha qabyada ah ee ka haray mudada kala guurka ah. “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in dadka Soomaaliyeed ay ku taageeraan danahooda balse aysan u aqrin waxa ay iyagu soo abaabuleen oo ay ka leeyihiin dano gaar ah” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo xusay in xalka Soomaaliya uusan ku jirin shir dibaddaha lagu qabto balse loo baahan yahay shir kasta oo la qabanayo in lagu qabto dalka gudihiisa go’aan ka gaaristiisana loo madaxbaneeyo Soomaalida. Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay goobta ayaa eedeyn u jeediyay wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga oo uu sheegay inuu uga baxay balan ay ku soo wada galeen isaga iyo odayaasha dhaqanka dalka Jabuuti taasoo aheyd in shir kasta oo looga hadlayo danaha Soomaaliya inuu ka dhoco dalka gudihiisa isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadka hogaamiyeyaasha u ah ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxay shacabka ugu baaqeen inay ka soo qeybgalaan isu soo baxyo ballaaran oo ka dhici doona gobolada dalka iyo caasimadda Muqdisho kuwaasoo lagu muujinayo diidamada shirka Nairobi. Maxamed Xuseen Ugaas Ugaasyare114@gmail.com
-
Bannaanbax lagu taageeray go'aankii DKMG ah ay ka qaadatay shirka Nairobi oo ka dhacay Gaalkacyo Talaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Bannaanbax lagu taageerayo go'aankii ay DKMG ah ka qaadatay ka qaybgalka shirka Nairobi iyo hadalkii ra'iisul waasaraha Soomaaliya ee ku aadanaa in hay'adaha gargaarku ay dib u soo guuraan Muqdisho oo maanta ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dibadbaxayaasha ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan shirka Nairobi, iyagoo ku sheegay inuu yahay shir looga horjeedo midnimada dalka iyagoo ku ururay barxad-weyn oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo. "Waxaan soo dhaweynaynaa go'aankii ra'iisul wasaare Farmaajo ee ahaa inay u soo guuraan hay'adaha gargaarka gudaha dalka iyo go'aankii ay DKMG ah kaga soo horjeesatay shirka Nairobi," ayay yiraahdeen dadka dibadbaxa sameynayay. Banaanbaxan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Galmudug oo ka taliya waqooyiga degmada Gaalkacyo uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirka ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay ee bishan ka dhacaya Nairobi. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegtay inaysan ka qaybgalayn shirka Nairobi, kaasoo ay ku tilmaantay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
lol. It never ends eh!