Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
That is because they were using ethnic Somalilander sign language. -
AA is a living Somali legend.
-
" frameborder="0" allowfullscreen> it never ends.
-
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb galay Siminaar HIV-ga ku saabsan Published on April 6, 2011 by Editor Aqoon is weedaarsi uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud oo looga doodayey halista cudurka HIV aids-ka uu u keeni karo bulshada Soomaaliyeed iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karro ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dr Aadan Xaaji ibraahim oo saxaafadda halkaasi kula hadlayey ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka siin doonto dhammaan hay’adaha ku howlan ka hortagga cudurka Aids-ka ayna la shaqeyn doonaan si ay u yaraato dhibaatada cudurkaasi u keeni karo bulshada. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan bukaano qaba cudurka lana doonayo in aan la faquuqin dadka la nool cudurka Aids-ka Talaabadaasi ayaa u muuqato mid wax weyn ka badali doonto ka wacyi gelinta bulshada in ay ka digtoonaadaan halista cudurka iyo sidii Wasaaradda Caafimaadku ay gacan uga geysan lahayd ku baraarujinta bulshada in aan la takoorin dadka la jiifa cudurka.
-
Bannaanbax Shirka Kenya looga soo horjeedo oo Gedo ka dhacay Bannaanbax ay ka qayb galeen boqolaal dadweyne islamarkaana muhiimadiisu ahayd sidii ay u taageeri lahaayeen go’aanka Xukuumada KMG ee Soomaaliya ee ku aaddan ka qayb galka shirka Nairobi ee Qaramada Midoobay ay qaban qaabinayso ayaa maanta lagu qabtay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Bannaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoranaayeen halku dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan sida ay ugu qanacsan yihiin dowrka Xukuumadda ee dhinaca nabadaynta dalka iyo sida ay uga soo horjeedaan shirka lagu wado in lagu qabto magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya. Guddoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo C/laahi Ibraahin Kulayloow oo soo qabanqaabiyay bannaanbaxaasi oo Radio Muqidsho uga waramay sida ay ahayd maanta shucuurta dadka isugu yimid degmada Luuq, ayaa tilmaamay in go’aanka dowladda ay dadweynuhu si weyn ugu faraxsan yihiin.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banadir, Mudane Maxamuud Nuur (Tarsan) ayaa u sheegay Raadiyo Mudisho inay ku guuleysteen daminta dabkii caawa fiidkii ka kacay Suuqa Afar-Irdood ee degmada Xamar Weyne. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in daminta dabka ay gacan ka geysteen laba dab-damis oo ay leedahay Dekedda Muqdisho, kuwaasoo goor dambe soo gaaray goobta uu dabku ka kacay. Nasiib wanaag, wax khasaare nafeed kama dhicin goobtaas, iyadoo dadkii halkaas deggenaa ay isaga carareen dhismaha. Guddoomiyaha ayaa caawa la arkayay isagoo dharka tuutaha xiran oo kala hagaya dadaalka dabka lagu damiyo, waxayna taasi muujineysaa sida Mudane Tarsan uu uga damqanayo dhibaatada soo gaareysa shacabka uu madaxda u yahay, iyadoo la dareemi karo in madaxda qaarkood ku adkaaneyso inay xilli habeen ah oo laga yaabo inay guryahooda ku nasanayeen u soo kacaan howl sidan oo kale muhiim u ah. Sawirrada goobta uu dabku ka kacay.
-
Dab ka kacay dukaan ku yaalla Suuqa Afar-Irdood Published on April 6, 2011 by admin Dab ayaa caawa fiidkii ka kacay suuqa Afar-Irdood oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo booqday goobta uu dabku ka kacay ayaa soo sheegay in dhismuhu ka kooban yahay laba dabaq, iyadoo dabaqa hoose uu yahay mid ganacsi oo lagu iibiyo, halkan kan korena uu yahay deegaan. Wax khasaare oo soo gaaray dadkii halkaas deggenaa ma jirto. Hase yeeshee waxaa halkaas ku baaba’ay dhammaan hantidii ku jirtay dukaanka. Isla markii uu dabku kacay waxaa goobta gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), isagoo ay la socdeen ciidamada Ammaanka ee deegaanka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliiska Qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Cali Gaab. Maamulka Gobolka ayaa sameeyay dadaal ballaaran oo lagu daminayay dabka, iyadoo ciidamaduna sugayeen ammaanka si loo ilaaliyo hantida shacabka. Gaashaanle Sare Cali Gaab oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri: “Dabka gacan ayaan ku damineynaa, gacana ammaanka ayaan ku sugeynaa”, iyadoo la arkayay ciidanka oo biyo ka soo dhaaminaya guryaha ku yaalla xaafadda.
-
Banaanbaxyo ka dhacay Galguduud Bannaan baxyo looga soo horjeedo shirka ay qaramada Midoobay ay Kenya ku qabaneyso ayaa ka dhacay degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud kaa oo ay soo qabanqaabiyeen Ururada bulshada degmadaasi iyo saraakiil ka tirsan ASWJ. Kumanaan dadweyne ah oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan shirka iyo sida ay u taageersan yihiin go’aankii diidmada ahaa ee ay Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi, Dibad baxaan oo ay hadallo kala duwan ka jeediyeen culimaa’udiin , Odayaal Dhaqameedyo, Ururada Haweenka iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Gobolka Galguduud ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedada ay isugu soo baxeen C/risaaq Cilmi Caato oo kamid ah dadkii soo ababulay, wuxuuna tilmaamay in ay isugu soo baxeen in ay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan shirka la filayo in 12-ka bishaan lagu qabto Nairobi. Dadkan oo socod ku soomaray dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Caabudwaaq ayaa ku dhawaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan shirka, waxaana dadkii isu soo baxaasi dhigayey la hadlay Sheekh Xuseen Maxamed Cosoble oo ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaaca kasoo dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay qaadacaadda shirkaasi oo uu ku tilmamay mid khiyaano ah. Sidoo kale mid ka mid ah aqoonyahannadi dibadbaxaan ka hadlay ayaa uga digay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga qabanqaabada shir hor leh oo dib-u-heshiisiineed maadaama xilligan ay muhiim tahay in la dhmeystiro howlaha wax ku oolka ah ee ay waddo dowladda Soomaaliya.
-
Banaanbaxyo balaaran oo ka dhacay Koofurta iyo baratamaha Somaliya Baladxaawo: (Sh. M. Network) Banaanbaxyo lagu taageerayay Xukuumadda Ra’iisul wasaara Farmaajo ayaa maanta ka dhacay inta badan gobolada Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Banaanbaxyadaani oo ahaa mid balaaran oo ay ka qeyb galeen boqolaal dad weyna’ah laguna taageerayay go’aankii golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul wasaare Farmaajo ay ka qaadatay ka qeyb galka shirka Qaramada Midoobay ay qaban qaabisay oo bartamaha bishan ka dhacaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo degmada Dooloow Soomaaliya. Dibadbaxa ayaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG oo ku faraxsanaa go’aankii Xukuumadda KMG ay ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi, waxaana banaanbaxyadaasi uu ka dhacay fagaaro ku yaala degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo degmada Dooloow ee gobolka Gedo. Dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la hadlay Saraakiil ka tirsan dowladda KMG, Xildhibaano ka tirsan barlamanka iyo Mas’uuliyiin kale kuwaasi oo dadka ku boorinayay sida ay isku garab istaageen go’aankii Xukuumadda Farmaajo ay ka qaadatay ka qeyb galka shirkaasi. Xildhibaan Max’uud Siid Aadan oo ka mid ah Mudanaayasha barlamanka oo ka hadlay banaanbax ka dhacay degmada Baladxaawo ayaa waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan gobolkaasi looga baahanyahay inay taageeraan dowladda KMG iyo go’aanada ay ka qaadanayaan shirkaasi. Dhinaca kale banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka dhacay gobolka Galgaduud kaasi oo lagu taageerayay go’aankii ay qaadatay Xukuumadda KMG Soomaaliya. Baananabaxaani ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu tageerayay guulaha isdaba jooga ah oo dowladda KMG Soomaaliya ay kagaartay Muqdisho iyo go’aankii golaha wasiirada ay ka gaareen shirka Qaramada Midoobay ay ku wado magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya. Ugu AFhayeenka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Bile Bashiir Cali ayaa sheegay in aan lagu marti galin shirka ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Xaruta dalka Kenya sidaasi darteedna aan ka qeyb galayn Maamulka Ahlu Suna.
-
Somalia: WFP world chief visits Puntland, meets President Farole
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
Welcome to Somalia Ms. Sheeran. -
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xaji Xanjo is the real deal, a true ethnic Somalilander. -
Thanks for answering my Qs? just one last q, has he met the TFG delegates yet?
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Luuq luuq marow laasim laamiga aas imaahaa. InshaAllah, mar dhow ayey banaanka iman doontaa waxan la qarinaayo. -
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taas ayaaba ka daran. Nin waalan yaa hubeeyey? haddaadan ka jawaabi karin awoowe is ok, waan fahmi karaa. That story is just a crock! kii Hargeysa wax ku qarxiyaba waa mentaly ill! -
Cabdiweli, Wasiirka Qorsheynta DFKG ayaa si fiican uga hadley arrintan. It all comes down to dawlad la'aanta, laakiinse in la eedeeyo wey banaantahay. Waa in shaqadooda qabsadaan like Qanyare says.
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;709147 wrote: Jb Ninka walaan Bam gacmeeedka ma Marketki bacadlaha downtown bey ka dhacday qaraxu? Xagguu ka keeney grenade-ka? askari waashey miyuu ahaa? -
Seriously, why can't he not come to his "Azania"?
-
Hargaysa [SNM], we have a problem: The rise of AWDAL. 1995 till today.
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
General Duke;709371 wrote: ^^^indeed, the problem for a secessionist is that if Somalia is divisable, so is "Somaliland".. True! -
GD, where is the prof?
-
Believe me kulahaa. Haddii aysan labaduba aadin, maxaad balanqaadi? 12ka bisha waa next week, iska sug.
-
General Duke;709379 wrote: "Aniga markii hore la ilama tashan, anigoo ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka, xataa wada tashi la ilama yeelan, aniga iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, xataa Suldaankii deegaanada xataa laguma casuumin"ayuu yiri C/rashiid Xidig oo sheegay in marka hore ay aheyd in gacan laga geysto sidii deegaanadaas Shabaab looga saari lahaa Wow... awkward moment!
-
@Bur Bur Land iyo Balaayo State. Classic AA!
-
Maamulka gobolka Bari oo ka warbixyay gurmad la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu ku haystaan gobolkasa alaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlayay shir uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan abaaraha ka jira meelo ka mid ah gobolka oo aad u sii kordhaya. "Abaaraha waxa ay curyaamin ku keeneen noloshii dadkii baadiyaha joogay iyo kuwa gudaha intaba "ayuu yiri gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay. Waxaa kaloo C/xaafid Cali Yuusuf uu ka digay masiibada arintan ka imaan karta ,isagoo bulshada ugu baaqay in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatada hada jirta. "Dadka waxaa laga doonayaa in ay ka toobad keenaan khalaadaadkii horay uga dhacay ,maadaama umadda abaar lagu saliday"ayuu yir gudoomiyaha isaga oo ku sugan Bosaaso. Gudoomiyaha ayaa ka sheegay in degmooyinka Baagaal,Qandala,Iskushuban iyo Ufayn la gaarsiiyay raashin aad u badan si loo taageero dadka abaaraha ku cayroobay. "Raashinka waa mid dhowr qaybood isugu jira oo aan ku caawinayno dadka dhibaataysan "ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheeegay in si wanaagsan loo maamulay lacag dhawaan loo aruuray dadka abaaraysan ,taasi oo qaybo badan isugu jirtay si dadka loogu caawiyo. Maamulka gobolka Bari ayaa ku baaqay sidii gacan looga gaysan lahaa caawinta dadka dhibaataysan ,waxaana uu canbaareeyay ganacsato uu sheegay in aysan ka qayb galin gurmadka abaaraha Puntland. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaaso,Soomaaliya
-
TFG visiting Gedo.