Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Somali qaarkood Alshabaab oo haysta iyo wax gacmo jara ayey ku fiicantahay.... It just keeps getting better. Waa la is celin la'yahay maalmahan wallee. Gaandi sidaan in loo caabudo ma ogeyn. Sayidka maxaa looga soo horjeystey haddii adeerada saan loo caabudo? Meeshaan ayaa puppet dad loogu yeerooya, history buukis busta halaga jafo intaan la is ceebeyn oo aan dad Soomaliyeed oo wadankood xoreystey la aflagaadeyn.
  2. oba hiloowlow;709873 wrote: Ciidamada Xooga dalka soomaliyeed yaa kamaavi ,,, Narnia madaxweynaheeda wuxuuba ka so bixi waayay howshii uu ka haayay Dowladda muxuu taraa beeraleyda jubbooyinka? Isha ka ridey, nin shaqadiisa as defense minister qaban waayey oo la soo eryay maxuu xoren karaa. Nairobi hotels shaqaalaha tips ha u kordhiyo.
  3. H'da oo si alle u hooseyso buu rabaa inuu SOL dhexdeeda kor ugu qaado oo waddanka dhan afka ku siiyee Maxaas yiri, luuq luuq marow laasim laamiga aas imaahaa. Banaanka ayaa si cad loo yimid wallee.
  4. Reer Jilib waaye Oba. Taleexi come again? waxyaabo badan ayaad iska indha tireysaa, laakiin kula yaabi maayo, waa iska normale in your neck of the woods.
  5. lol@Oba Prof Mukhtar waxuu yiri "LANG BEER FALOW ING KASAANA DOWLAD MI NAGATHA KORA"
  6. :D:D Oba ma ciyaareysid wallee. Reer Jilib inaad ahayd ma ogeen. Welcome to the family inboow.
  7. Munaasabad ku saabsan maalinta Caafimaadka Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay Munaasabadaan lagu maamuusayey maalinta caafimaadka Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, dhaqaatiir, howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalada Muqdiho iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Hadal uu ugu horeyn halkaasi ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud ayuu kaga waramay taariikhda maalinta Caafimaadka iyo sida aduunka looga xuso sanadkasta, isagoo intaa ku daray in kan Wasaarad ahaan ay ku dadaali doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad. Sidoo kale munaasabadaasi waxaa hadal ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa ku boorisay shacabka in ay qataan talooyinka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka fogaadaan daawooyinka ay jidadka ka iibsanayaan, iyadoo dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka codsatay in bulshadu ay wacyigelin badan siiyaan si aysan u dhicin in dadku ay si qaldan u isticmaalaan daawooyinka aan dhaqaatiirtu u soo qorin. Musaabadaasi ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyey saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka Banaadir ku nool kuwaasi oo ballan qaaday in ay ku dadaallayaan sidii ay bulshada u gaarsiin lahaayeen baraarujin caafimaad. Munaasabadaan ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan.
  8. CIIDAMO KATIRSAN AL-SHABAAB AYAA ISKU SOODHIIBAY MAAMULKA DOOXADA SHABELLE EE GOBOLKAN HIIRAAN Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel-gaal ee Gobolkan Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan AL-Shabaab ay kasoo goosteen iskuna soo dhiibeen Maamulka Doxada shabelle Afayeen u hadlay dooxada shabelle oo kusugan ceel-gaal ayaa ii shegay in Ciidamo katirsan AL- Shabaab kasoo goostay ay dhankooda kusoo biireen ayna soo dhaweynayaan kuso biiritaanka ay kusoo biireen ciidanka dooxada shabelle. Tirada askarta Ciidamada AL-Shabaab kaso goosatay ee isku soo dhiibay dooxada shabelle ayaa lagu garaya 15 askari, waxaana soo dhaweeyay saraakiisha iyo Ciidamada Dooxada shabelle ee kusugan duleedka magalada baladweyne. Max’uud Nuur Caga-joof oo looyaqan oo aan khadka talefanka kula xiriiray ayaa ii xaqiijiyay in ay is ku soodhiben Ciidamo katirsan AL-shabaab Maamulka Dooxada shabelle waxa uuna yiri “xalay ayaa waxaa isku keen soodhibay ciidan katirsan AL-shabaab oo garaya 15 askari waxayna wateen 12 qori oo loyaqano AK47 ah iyo labo nocyada baaburta lagu gubo ee saban ka ah iyo hal beke am ah ama baardulel sida loyaqo; Waxaa uuna sheegay in ay dhawaan u sooban dhigayaan saxafada ciidamada kasoogostay AL-shabaab iyo hubkodaba sida ugu dhaqsaha badan. Maalmo kahor ayay ahayd mar ay isku soodhiibeen ciidamo katirsanaa Ahlu sunnah waljameca oo garaya 120 askari oo wata hubkoodi iyo gaadid koodii dagaal. Waxaana wali kahadlin ciidamada AL-shabaab madax doodii kusugnayd gobolkan hiiraan ciidamadan katirsan ee is dhiibay. Hiiraanweyn online Xafiska magalada Baladweyne. Tifaf tiraha webka:c/rahman bashiir aden Hiiraanweyn1@hiiraanweyn.com
  9. Wiilka yar laga yaabo inuu SOL member yahay or one of the upcoming hackers. Waxbarashada age malaha. Waxbarashada gabdhahana dee waa sidii waagii hore, waxba isma bedelin. Aamiin to your du'a KK.
  10. by Abdi-Noor Mohamed Wednesday, April 06, 2011 "Go to the Land of Habasha" Prophet Mohamed PBUH ordered his followers who were fleeing from Mecca, Saudi Arabia, as a result of religious prosecution. "There" he added "you will find a king under whose throne no one is harmed, no matter which religion a person believes" That was the eons of time which dates back to more than 1400 years. The land was Ethiopia and the King´s name was King Nagash. In connection to that, I can relate my present situation in Sweden to that of the Prophet era. As a Moslem who ran away from strife in his own country I have finally ended up in a non-Moslem country,Sweden, where I am granted asylum till such time peace returns to my country: Somalia. Here we can see that humanity has no boundaries even though some people attempt to use religion as a block to deny people to help each other on humanity basis. Sweden is ruled by a king (ceremonial though) under whose throne everybody is protected no matter which color, creed or religion a person believes in and, above all, no child within the jurisdiction of Swedish law goes to bed hungry or left in the streets, abandoned and abused. That is where most of my joy and respect had sourced from when I attended a high profile event held at the Kulturparken of Vaxjo on 2011-04-01 in which Princess Victoria and her husband Daniel were being welcomed. It was a well organized event which started much earlier than expected as people who trickled in small numbers in the beginning had soon grown to the size of a large crowd. In the well-decorated, well-packed room they exchanged smiles as an expression of a deeply-felt joy. Swedes, though naturally quiet, have been much quieter that day as if they were observing a special royal protocol. Silence has been descending like a fog in the woods but it never took charge of the whole environment as it was often repulsed by few chats that were coming to life sporadically. No sooner did the anxiety of waiting crept than we were animated by the sight of the princess who was beaming with such a majestic elegance with Prince Daniel, her husband walked alongside as he waved for the cheering people. The event has been opened by the kulturprken Chief, Erica Månsson who welcomed the royal couple at the kulturparken and wished a happy life for them. Then a performance on the importance of glass has been staged by two ladies. Two other women have sung for the couple and then another lady Lixuan An from the project Embrace has taken the floor and made a briefing about her project on migration My eight-year daughter, Maria Abdi-Noor has been selected to give flowers to the newly-wed couple and, as a father, I feel honored to have been part of this historic moment. That scarf covered on Maria´s head (picture) is the only item remaining for her to claim as a heritage from her country. The rest are gone with the wind. She can hardly reconnect with the history of her forefathers and her Somali language is fast eroding. That piece of cloth represents her identity as a Somali and a Moslem since there is no way either in paper or otherwise, can she prove her somali identity. Neither can I or you,if you are Somali, because our passports are not regarded as a valid document on grounds that they were manufactured in the streets rather than being produced by a recognized government. That is why Somalis are not allowed to re-unite with their families in Sweden. Children like Maria, who are out of danger in terms of war, can be a voice for those children who are cut off from their parents. Children need to be accorded special attention as the only thing they know is peace and to them, peace means to live with their parents even if the parents live in a situation of war. Abdi-Noor Mohamed Writer and Film maker Vaxjo, Sweden nuuru2003@hotmail.com
  11. Thursday, April 07, 2011 Milan, Italy(CNN) - Rescue crews continued their search Thursday for more than 200 people after the boat they were in capsized in the Mediterranean Sea. The boat was carrying about 300 people, survivors told rescue officials, according to Italian Coast Guard spokesman Cosimo Nicastro. It sank Tuesday about 62 kilometers (39 miles) west off Lampedusa in Maltese waters, the Italian Coast Guard said. By Thursday, officials had rescued 53 people, and recovered 15 to 20 bodies, he said. "We are following with sorrow and concern what is happening in Lampedusa," Italian Prime Minister Silvio Berlusconi said. Many of the survivors came from African countries, such as Eritrea, Somalia and Niger, the Italian daily newspaper, Corriere della Sera said. Many others were fleeing the war in Libya, the newspaper said. The incident is the latest in a number of tragic ends in what has become a steady flow of people who set sail from Africa -- especially Tunisia -- to the Italian island of Lampedusa. According to Demetrios Papademetriou, president of the Migration Policy Institute, more than 22,000 migrants have landed on Lampedusa in the past few weeks. Though owned by Italy, Lampedusa's closest shore is Tunisia. "Of course, it's a crisis, but the Europeans do not want to call it a migration crisis," he said. According to International Organization for Migration, the majority of unauthorized immigrants arriving in Lampedusa are Tunisian. Some 2,000 other African migrants have arrived on the island after sailing from the Libyan coast, the agency said. A popular uprising in Tunisia led to the ouster of its president, Zine al-Abedine Ben Ali, in January. While protesters succeeded in spurring a regime change there, many Tunisians are not seeing the kind of transformation they were imagining. Italy's foreign minister has estimated as many as 300,000 Libyans could try to leave and could potentially end up in his country. Source: CNN
  12. Xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Iskuulka marwaas technology computer ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Arday gaareysa50-arday oo dhameysatay Course Computer isugu jiray Sorf ware and Hard ware. Xafladdani oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa'udiin, Waalidiin,odayaasha dhaqanka banaadiriga Maamulka Iskuulka, Arday fara badan iyo Marti Sharaf kale oo dhammaantooda lagu marti qaaday xarunta Xafladda marwaas computer lagu qabanayay oo aheyd degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir. Waxaa xafladda ugu horeyn aayado Qur'aan ah ku furay dr.ali omar abati binfaghi iyadoo uu ku xigsaday Sheekh Maxamuud Khaliif Mahdi oo kamid ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ahna khadiibka Masjidka Marwaas ee Degmada Xamar weyne. Waxa uu halkaasi kasoo jeediyay kalimad baraarujin ah oo ku saabsan waxbarashada isaga oo ka codsaday dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wax bartaan kuna dadaalaan waxbarashada maadaama ay yihiin mustaqbalka dalka. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay waalidiinta dhankooda in aysan ka gaabin in ay caruurtooda iyo wiilashooda dhalinyarta ah u soo diraan goobaha waxbarashada, wuxuuna ammaan ballaaran u soo jeediyay maamulka Machadka marwaas technology iyo barashada Cilmiga Computerka isaga oo sheegay in ay si aad ah isugu xilsaareen wax ka badalka garaadka ardayda oo ay soo saareen arday fara badan isaga oo ka codsaday in ay dadaalkooda horey u sii wadaan Maamulka marwaas oo aysan marnaba tiira dhigin. Waxaa sidoo kale halkaasi khudbado kala duwan kasoo kala jeediyay waalidiintii lagu marti qaaday Xafladda, Ardaydii Qalin jebineysay iyo sidoo kale marti sharafta halkaasi u timid farxadda Xafladda in ay kala qeyb qaataan Ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiinayay. Ugu dambeyntii khudbadaha ayaa waxaa soo afjaray cabdulqaadir siidow ibraahim oo kamid ah Mas'uuliyiinta ugu sareysa dhinaca Maamulka Iskuulka marwaas isaga oo ka hadlay arrimo badan isla markaasina sameeyay ballan qaadyo. ustaad cabdulqaadir ayaa sheegay ugu horeyn in xaalad waliba ay soo wajahday iskuulka marwaas computer lakin iyagu ay ku dadaaleen in iskuulka uu sii jiro waliba uu sii shaqeeyo arday fara badanna ay soo saaraan. Waxa uu xusay in ardayda maanta shahaadada qaadaneya ay ku jiraan odayaal da' ah iyo haween waaweyn oo lakin ay fursad u siiyeen in xilligani ay wax bartaan iyaguna ay ka faa'ideysteen. Dhinaca samafalka waxa uu sheegay maclin cabdulqaadir in iskuuka ay dhigtaan dad fara badan ayna ku dhigtaan si lacag la'aan ah taasina ay qeyb ka tahay tabarucaada iskuulka uu u sameynayo inta dooneysa in ay wax barato oo aysan tabarta u saamixin in ay dhaqaalaha wax lagu barto iska bixiyaan. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday maclin abuukar in waalid waliba oo wiilashiisa diyaar u ah in ay wax u bartaan ay xaaladda noloshooda u qiimeyn doonaan xittaa lacag la'aan ay wax ku bari doonaan sida hadeerba iskuulka kajiro. Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Barnaamij Nasiib Tijaabin ahaa kaasi oo loo qabtay Ardaydii Shahaadooyinka la guddoonsiinayay, waxaana suurageliyay Barnaamijkaasi Maamulka sare ee Machadka marwaas oo mar waliba kaalin buuxda ka qaata dhiiragelinta sidii jiilka soo koraya ay u soo saari lahaayeen.
  13. Haa...HOL ------- Banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayay go'aankii Xukuumada oo ka dhacay Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo Banaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaanbaxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda. Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada. Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka doonimeyno Alshabaab….Soomaaliya Soomaalibaa leh dooni meyno shirka shirqoolka ee Q/midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah. Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda. Maxamed Xuseen Ugaas. Ugaasyare114@gmail.com
  14. Roobab ka curtay Deegaannada Galbeed ee gobolka J/hoose Khamiis, April 07, 2011(HOL): Xilli abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta gobolka J/hoose ay tahay mid aad u daran islamarkaasina ay u le’deen dad iyo xoolaba ayaa waxa ay Roobab lixaad leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada waxa ay ku curteen qaar katirsan deegaanada ku yaal galbeed gobolka J/hoose. Deegaanada ay roobabka ka da’een ayaa waxa kamid ah deegaanka Kaamjaroon, Beerxaani, Baqdaad, Duriyo iyo deegaana kale oo hoosyimaada oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka J/hoose islaamarkaasina ah deegaano ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah. Roobabka ayaa ahaa kuwo aad u culus islamarkaasina buuxiyay dhamaanba harooyinkii ay ka cabi jireen xoolaha oo iyagu ahaa kuwo guray, sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaanada ay roobabka ka curteen ee gobolka J/hoose, waxaana roobabkani si weyn u soo dhaweeyay xoolaleyda ku dhaqan gobolka J/hoose oo ay saameyn balaaran ku reebtay abaarta ka jirta dalka Soomaaliya. “Dhibaatada heysata xoolaleyda waa ka weyntahay wax afka laga sheego, biyo ay xoolaha cabaan iska daaye waxa la waayay wixii ay dadka cabi lahaayeen, Ilaah ayaa mahad iska leh oo ina waraabiyay xilli ay xaaladu aad u adagtahay,” ayuu yiri Aadan Salaad oo ah nin xoolaley ah islamarkaana HOL u waramayay. Iyadoo ay roobab ka curteen qaar katirsan deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose, ayaa hadana deegaano badan oo katirsan Jubooyinka waxa ka jira abaar iyo biyo la’aan aad u daran, haseyeeshee dadka xoolaleyda ayaa iyagu ah dad had iyo jeerba aan ka noogin baryada Allaah oo ay ku weeydiisanayaan Raxmadiisa. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo, Soomaaliya
  15. Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Shirka Kenya oo Muqdisho ka dhacay Khamiis, April 07, 2011(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayna soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaana Majmaca Culimada, haweenka Qaranka, Golaha isutaga Dhalinayrada, Xoogaga Wadaniyiinta, iyo Golaha Abwaanada aragtida fog ayaa maanta ka dhacay Dugsigii tababarka Booliska ee Iskoola Bolisiyo. Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen ..Dooni meyno shirka Nairobi..Hagardaamada Mahiga waa horumarka Al shabaab…go’aank ka gaarista aayaha Soomaaliyeed waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed oo ay mataleyso Dowladda FKMG ah. Sidoo kale, banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Haweenka, dhalinyarada, Culimada, kooxda Baanbeyda, Barbaarta Gaashaaman iyo hobolada Heegan waxayna halkaasi dadweynuhu ku soo bandhigeen aragtidooda ku aadan go’aanka dowladda Federaalku ay ku diiday shirka Nairobi ee ay qaban qaabineyso Q/midoobay waxayna tilmaameen in dowladdu ku saxneyd inay qaadacdo shirkaasi maadaaba bey yiraahdeen uu xagal daacinayo dedaalada dowladda ee ku aadan nabadsoo celinta. Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Faadumo Aadan Cosoble oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin go’aanka dowladdu ku gaartay in aysan ka qeyb galin shrika Nairobi, waxayna ugu baaqday wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay Soomaaliya u qaabilsan Mr. Mahiga inuu tixgeliyo rabitaanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Mahiga waa inuu baajiyo shirkaasi maadaama ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ka soo horjeedaan, waana diidanahay in shirar dibadda loogu qabto iyadoo ay jirto Dowlad Federaal ah oo mataleysa Shacabka” ayay tiri Marwo Faadumo. Guddoomiyaha golaha isutaga dhalinyarada Soomaaliyeed C/fitaax Cali Xasan oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Q/midoobay in ay ku bixiso kharashaadka shirarka Nairobi loogu qabanayo Soomaalida biyo dhaamis iyo mucaawino raashin ah maadaama buu yiri shacabka Soomaaliyeed maanta ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah ee aysan u baahneyn shirar dibaddeed. Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo isna banaanbaxayaasha la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay ka Culimo ahaan ay waafaqayaan go’aanka Xukuumada ee ku aadan shirka Nairobi ee Q/midoobay wuxuuna ka dalbaday in maanta aysan u baahneyn Soomaalida kala qeybin iyo tafaraaruq balse ay u baahan tahay in la xoojiyo hay’addaha Dowladda si ay u suurta gasho in nabadii iyo kala dambeyntii la soo celiyo. Sheekh Dhicisow ayaa ugu dambeyntii Baaq u jeediyay golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday inay taageeraan go’aamadii ugu dambeeyey ee xukuumada, gaar ahaana diidmada shirka Nairobi iyo muddo kordhinta isagoo tilmaamay in haddii baarlamaanka khilaafkiisu sii socdo uu hor seedi karo bur bur ku yimaada dhamaamba hay’addaha dalka. Banaanbaxayadan ayaa waxay daba joogaan banaanbaxyo ballaaran oo si isdaba jooga ah uga dhacayay todobaadyadii ugu dambeeyey qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, sida Mudug, Galgaduud, Gedo, iyo Bakool kuwaasoo ay shacabku ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan marxaladaha dalka. Maxamed Xuseen Ugaas ugaasyare114@gmail.com
  16. GD, is got nice ring to it - Odinga's Narnia
  17. Dr. Abdiweli is one of the many shining stars in the new TFG. Great man.
  18. Caabudwaaq:(R.CW)Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna iyo bulshada qeybahoda kala duwan. Waxaa ka qeyb galay isu soo baxa maanta Gaadiidka gaashaaman ee Maamulka Ahlusuna iyo kuwa dadweynaha iyaga oo socod ku soo maray xaafadaha iyo wadooyinka magaalada, waxaana lagu soo xardhay sawirada madaxda dowlada iyo calankeena Sharafta leh ee Soomaaliya, iyagoo ugu dambayna isugu yimid Geedka Xoriyada ee Degmada Caabudwaaq. C/risaaq Cilmi Caado oo kamid ahaa xubnihii soo agaasimay isu soo baxa ay bulshada deegaanka ka dhigeen maanta degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan DKMG ee Soomaaliya go'aanka ay ka qaadatey Shirka lagu wado in lagu qabto Kenya iyo Mudada sanadka ah oo ay xukuumadu ku siyaadsatey jiritaankeeda iyo mowqifka hay'adaha QM ee mudada 90.ka cisho inay ku soo dagaan Soomaaliya, Howlgalada wada jirka ah ee Dowlada iyo Ahlusuna ee Gobolada dalka ay kawadaan iyo Hogaan Cusub ee Ahlusuna looga dhawaaqay dhawaan Gobolka galgaduud. Gudoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye gudoomiyaha Gudiga Fulinta Sh. Xuseen Maxamed Cosoble iyo Afhayeenka Maamulka Culimaa'udiinka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka mid ahaa xubnihii maamulka Ahlusuna oga qeybgalay maanta isu soobaxa ay sameeyeen bulshada deegaanka. Sh. ibraahim Sh. Xasan Guureeye gudoomiyaha guud ee Ahlusuna ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeedibay is cafiyaan si ilaahay Raxmaadkiisa nooga soo waraabiyo maadaama ay jirto abaar saamaysay dadka iyo duunyada dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay taageersan yihiin maamulka Ahlusuna DKMG Go'aankeeda isaga oo caalamka ugu baaqay inay ixtiraamaan dawlada dalka Soomaaliya ka jirta. "Ahlusuna waxay taageeraysaan rabitaanka shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed waxaana ugu baaqaynaa umada Soomaaliyeed inay cadawgooda umidoobaan Waxaa ay diyaar u tahay Ahlusuna inay dhigto gogol Nabadeed cid kasta oo Soomaalinimada ogol waana ku heshiisiinaynaa cidii xilifu ay ka dhix jirto (xiisad)' ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay inuu umahad celinayo ciidamada qalabka sida ee Ahlusuna iyo DKMG sida ay heeganka ugu yihiin difaacida Diinta, Dadka, iyo Diinta. Sidoo kale Afhayeenka Ahlusuna Sh. Bile Bashiir Cali Mire ayaa ka hadlay aragtida Ahlusuna ee Shirka Kenya waxaana uu sheegay in aan lagu wargalin Ahlusuna shirkaasi isla markaana aanay diyaar u'ahayn ka qayb galkiisa isaga oo sheegay inay maqleen dad ku qaraabanaya magaca Ahlusuna oo sheegtay inay mataayaan kuwaasi oo uu ku sheegay inaanay wadan magaca Ahlusuna isla markaana aanay matali karin. Sh. Bile ayaa umahad Celiyaya Ciidamada Qalabka sida ee Ahlusuna iyo kuwa DKMG howsha adag ee ku aadan sugida amaanka deegaanada ay gacanta ku hayaan waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan howlaha ay utaagan yihiin. Dadka kale ee ka hadlay isu soo baxa maanta waxaa kamid ahaa Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Ururada Haweenka, Ganacsatada, Abwaano, Ardada malcaamadaha kala duwan ee deegaanka waaana uu ku soo dhamaaday sidii loogu tala galay. C/kariin Axmed Bulxan
  19. Banaanbaxyo balaaran oo maanta ka dhacay degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/xaawo ee gobolka Gedo anaanbaxyo ballaaran oo si weyn loo soo abaabulay ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaana degmada Luuq, Doolow iyo Beledxaawo ee dalka Soomaaliya waxaana banaan-baxyadani lagu taageerayay go’aankii diidmada ahaa ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Q/midoobay ay qaban qaabisay ee wadatashiga iyo sidoo kale taageero ay u muujinayeen go’aankii xukuumada ee muddo kordhinta hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda. Banaanbixii ugu horeeyey ayaa maanta ka dhacay magaalada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo ay isugu soo baxeen kaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne ah oo muujinayay go’aankii ka soo baxay dowladda waxaana dadkaasi ay isugu jireen dhalinyaro, haween iyo waxgaradka magaalada. Dadweynihii isu soo baxay ayaa waxay wateen boorar ay ku qornaayeen waan taageersanahay dowladda federaalka, doonimeyno Al-shabaab, Soomaaliya - Soomaali baa leh, dooni meyno shirka shirqoolka ah ee Qaramada Midoobay iyo erayo kale, waxayna lug ku soo dhex mareen waddooyinka magaalada Luuq halkaasoo ay ugu dambeyntii usugu soo urureen goob fagaare ah. Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Kaliil oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa u sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Gedo ay taageero u hayaan go’aankii ay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ku gaartay in aysan ka qeyb galin shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Nairobi ee ay garwadeenka ka tahay Q/midoobay wuxuuna xusay in ay ku taageersan yihiin go’aankoodaasi dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo ay soo abaabuleen qeybaha bulshada rayidka ee degmooyinkaasi waxayna banaanbaxayaashu muujiyeen shucuurtooda ku aadan shirka Q/midoobay ee ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna taageereen in go’aankii dowladda ay mudada ku kordhisatay iyo weliba hadalkii ka soo yeeray labo cisho ka hor Ra’iisul Wasaare Farmaajo kaga dalbaday hay’addaha Q/midoobay inay muddo 90 cisho gudahood ah ku soo degaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana Caasimadda.