Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Mahiga iyo Kooxdiisu : Cadowga Qaranimada !! Xasan Carab Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Shaki kuma jiro in Danjire-Mahiiga ergayga Wakiilka Qaramadda Midoobeey ee Somaaliya wado oo wuu cadeeystay la dagaalanka jiritaanka Somaaliyeed waxaana markhaati cad u ah qorshaha shirka Shir-qoolka Kenya lagu qaban doono 13/04/2011 ujeedada ka dameeysaana tahay kala dirida dawladda KMG ah iyo soo nooleeynta awoodii qabqablayaasha(gacan ku dhiiglayaashii) iyo abuurida colaado iyo muran hor leh,waana arrin ayaan daradeeda leh laguna burburinaayo guula iyo horumarka kooban oo Dawladu gaarteey gaar ahaan waqtiyadan danbe oo eey xoogaa horumar ah ka muujiyeen dhanka amaanka iyo gacan ku heysta Caasimadda Muqdsiho kuna timmi dadaalka iskaashiga Madaxweyne Xurmadle-Sh.Shariif iyo Ra’iisal Waasaare Xurmadle-Max’d C/Laahi Farmaajo iyo Gollaha Xukuumadda inkastoo dhanka Gudoomiyaha Barlamaanka Xurmadle-Shariif Xassan iyo kooxda garabkiisa ah carqalatan weyn ka jirto taasoo wax lagu xumaado ah. Danjire Mahiiga ayaa muujiyeey xulufeeysi iyo la duubnidda garaabada lidka ku ah hogaaminta Sh.Shariif iyo Siyaasada wax ku oolka ah ee Farmaajo iyo golihiisa oo la oran karo waa kuwii ugu wax qabad wanaagsanaa uguna daacadsanaa xukuumadii dalka soo maray mudada burburka,Mudane-Farmaajo iyo golihiisa Wasiiradu waxeey wadaan qorshayaal iyo tallaabooyin hanaan iyo habsami ilaa hada u socda, dadweynaha Muqdisho ku dhaqana si weyn u soo dhoweeyeen, waxaana meesha ka baxay murankii Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare oo xukuumado badan curyaamiyeey sida:-Dr-C/Qaasim iyo Dr-Cali Khaliif,Col-C/Laahi Yuusuf iyo Proff-Geedi,Col-C/laahi Yuusuf iyo Col-Nuur Cadde,Sh.Shariif iyo Dr-Cumar C/Rashiid,balse qorshaha Mahiiga iyo tallaabooyinka dhinaca keliya ah ee Mudane-Shariif Xassan ayaa sida muuqata noqonaaya abuurida ama abuuray muraan iyo khilaaf kale inkastoo aan filaayo aqlabiyada xubnaha barlamaanka fadhiidka ah in eey hada wax yare fahmeeyn hadalo cambaareeyn ah iyo tallaabo qaadidna wadaan.
-
Viva Sheik Sharif!
-
Maalinba maalinta ka danbeysa wey ka duwantahay. Banaanbax AS ka dhan waa la dhigey Xamar, you can Google it. ---------- Bannaanbax looga horjeedo shirka ay Qaramada Midoobay soo qaban-qaabisay oo Muqdisho ka dhacay Talaado, Abriil 12, 2011 (HOL) – Bannaanbaxyo looga horjeedo shirka ka furmay magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada bulshada rayidka iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana xubnihii ka hadlay ay ku tilmaameen shirkaas inuusan ahayn mid ay dani ugu jrito Soomaaliya. Dadweynihii ka qaybqaadanayay dibadbaxan ayaa socod kusoo maray degmada Xamarweyne iyagoo ugu dambeyn kusoo ururay barxad weyn oo ay kula hadleen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kuwa bulshada rayidka ah. "Talada Soomaaliya gogosheedu waa Muqdisho, wax badan ayaana dibadda wax ka doonnay caalamkana waa nagu wareeray... waxaana loo baahan yahay in gudaha dalka lagu soo laabto si looga hadlo xaaladda Soomaaliya," ayuu yiri Shariif Xuseen Jilacow oo ka mid ah golaha odayaasha Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka hadashay xoghayaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cali Cosoble iyadoo shirka ka furmay Nairobi ku tilmaantay mid lagu burburinayo dowladda Soomaaliya laguna qaybinayo dalka. "Mahinga iyo inta la midka ah ee doonaysa inay Soomaaliya la kala qaybiyo waan kasoo horjeednaa, shirka Nairobi ma ahan mid looga hadlayo xalka Soomaaliya ee waa mid lagu burburinayo, gudaha dalka ayaa lagu qaban karaan shir wadatashi, Mahinga waxaad waddo ma doonayno, ogow Soomaaliya xalkeeda wuxuu yaallaa gudaha iyada ayaan ka tashanaysa," ayay tiri Faadumo. Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gadhuub oo isaguna hadal ka jeediyay mudaaharaadka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon inuu xil ka qaadi sku sameeyo wakiilkiisa Soomaaliya danjire Mahinga oo uu sheegay inuu ka shaqeynayo burburka Soomaaliya. "Soomaaliya wixii u dan ah iyadaa taqaan mana doonayso in cid kale ay u yeeriso, innagu waxaan doonaynaa cid nala shaqeysa ee ma doonayno cid naga shaqeysa, waxaana ka codsanaynaa xoghayah guud ee Qarammada Midoobay inuu bedelo wakiilkiisa Soomaaliya," ayuu yiri Gardhuub. "Ma doonayno cid na qafaasha ee waxaan doonaynaa cid aayaheenna nagala shaqeysa, ciddii qafaalka raalli ka noqotay oo raacdayna go'aan ayaan ka qaadanaynaa," ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa raaciyay. Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin inaysan raalli ka ahayn shirka Nairobi iyo ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Madaxweyen Shariif oo ka qayb galay 51-guurada ciidanka Xoogga dalka Madaxweynaha dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay sanadguuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliiyed, iyadoo Madaxweynuhuna uu ku dhaliilay beesha caalamka in ay dayaceen fursado badan oo wax looga qaban karay xaaladaha Soomaaliya ka taagan. Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana uu ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay. Ugu horeyn waxaa munaasabadasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka warbixiyey taariikhda iyo heerarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay soo mareen, isagoo xusay in tan iyo wixii ka dambeeyey bur burkii dalka dib u habeyn lagu sameeyey ciidamada qalabka-sida taasi oo u suurta gelisay in ay soo hooyaan guulo wax ku ool ah. Sidoo kale munaasabadaasi lagu weyneynayey maalinta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa kaloo ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Shariif Shiikhuna Maye oo lagu sharfay in uu halkaasi ka hadlo ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka ay yihiin lafdhabarka ciidanka loona baahanyahay in ay sii wadaan howlgalada dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii waxaa munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadinn ku aadan maalinta ciidanda Xoogga dalka hawada u marsiiyey saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda iyo xaasaskooda in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horrumar iyo barraare. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ciidamadu aysan fiirin marxaladda hadda lagu jiro balse looga baahanyahay in ay fiiriyaan hadafka iyo guulaha isdaba jooga ah ee ay gaarayaan. Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jahwareertay talooyinka ay soo jeedinayaan beesha caalamka balse loo baahanyahay in Soomaalidu lagu taageero hadafka ay hiigsanayaan si looga miradhaliyo himiladaasi. Munaasabadaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay sugaan ka turjumeysa taariikhdii ay soo mareen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
-
Wasaaradda Gaadiidka DKMG ah oo qalab soo bandhigtay Muqdisho — Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee DKMG ah ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo howlaha Wasaaraddaasi horay u sii socod siinaya. Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Maxamed Cismaan (Dhagaxtuur) ayaa qalabkan warbaahinta u soo bandhigay, waxaana ay ka koobnaayeen qalabka Taraafikada, iyo kuwa lagu sameeyo Taargooyinka ama Astaanta Baabuurta. Goobta qalabkan lagu soo bandhigay sidoo kale waxaa yiilay habka sharciga ah ee wadooyinka gaadiidka u mari lahaayeen. “Qalabkan waxyaabo badan buu u fududeeyay wasaaradda, inta dhiman gaadiidleyda way qaadan doonaan Dikumintiyada Baabuurta” ayuu yiri Mr Dhagaxtuur. Ma ahan qalabkii ugu horreeyay oo casri ah ee Wasaarad kamid ah wasaaradaha Dowladda KMG ah ay soo bandhigto, waxaa jiray Wasaarado ay kamid tahay Wasaaradda Warfaafinta oo sidaasi oo kale qalabyo lagu soo kordhiyay soo bandhigay.
-
Great vision by Eng Hashim Abdalla
-
Sawirro ku saabsan Munaasabadda Booliska
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
“Afarta Kursi Ee S/land Looga Taliyo Reer Kaliya Ayaa Haysta, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Wakiilada, Guurtida, Maxkamada Sare, Ma SidaasaDumuqraadiyad Iyo Dawladnimo Noqonysa” 9/04/11-Hargaysa-(Bnn) Wasiirkii Ciyaaraha ee xukuumaddii hore ee Rayaale, Maxamuud Siciid Maxamed ayaa Mar labaad ku eedeeyey xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo inay dhinac ka raran tahay, isla markaana beel qudha ka kooban tahay, waxaanu sheegay in beelaha ***** iyo ******** ay ka maqan yihiin meesha afar wasiir oo ay xukuumaddii hore ku lahaayeen, waxa kale oo uu ka dayriyay xaalada siyaasadeed ee wakhtigan uu dalku marayo. Mr Maxamuud Siciid Maxamed Waxa uu tilmaamay in aan dalku u baahnayn saddexdan xisbi wax ka badan, isagoo xusay in saddexdan xisbi ee jira wax ka badani ay dalka Asqo iyo fawdo ku keeni doonaan haddii la furo. Wasiirkii Hore ee Ciyaaruhu waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey shir jaraa’id oo Xisbiga UDUB ku qabtay Xaruntooda Hargeysa, waxaanu yidhi “Somaliland Afarta kursi ee looga taliyo reer kali ah ayaa haysta sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Wakiilada, Gudoomayaha Guurtida, Maxkamada Sare, hadaba ma sidaasa dumuqraadiyad noqonaysa ma sidaasa dawladnimo noqonysa, meeyay reerihii kale ee Somaliland” Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Ciyaaruhu waxa uu intaasi ku daray in haddii arrintaasi wax laga qaban waayo qaranimada Somaliland meel dheer laga dooni doono, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay maanta taa ma joogtee Somaliland maanta badbaadin bay u baahan tahay, hadaan maanta la badbaadina meel fog baa laga dooni doonaa, dawlada Kulmiye maanta waxa la odhan karaa waa hal reer baa la odhan karaa, Somaliland midnimadeedii way baa’biisay sidaa haday ku sii socotana (No More Somaliland), Somaliland jiri mayso yaan waxba been la isu sheegin, meel aanay jirina yaan laga doon-doonin” Mar uu ka hadlayay arrinta furista ururada siyaasada, waxa uu sheegay in aan wakhtigan dalku u baahnayn, balse saddexda xisbi ee jira loo sameeyo nidaam iyo sharci, isaga tilmaamay in haddii la furo asqo dalku galayo, waxaanu yidhi “Timirtii horeba dab loo waa, waar saddexda xisbi oo imika jira bal saddexda xisbi ha laga dhigo, oo shuruuc haloo sameeyo, oo cidkasta oo damac leh inay barnaamijkeeda halkaa ka hesho, taas ayaynu u baahanahay maanta, laakiin arrintan asqada ah uma baahnin”. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha iyo dhalinyarada ee Xukuumaddii Rayaale Maxamuud Siciid Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay in sababta ay uga baxeen guddidii ka talo bixinta Ururada Siyaasada isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Run ahaantii markii horena waxaanu u ogolaanay guddoomiyaha xisbiga UDUB oo tixgelin odayagaas ayaanu tixgelinaynaa ah ayaanu ku ogolaanay, diyaar baanu u ahayn (Guddida) inaanu la wadno, meel fiican bay maraysay hawshu, laakiin khaladkaa iyaga xagooda ka yimd baanu uga baxnay”. Isha:HTF -
Chimera, I thought you might like this.
-
Source : Nairobi Star
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Somalina replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Aqbaar ma jirtaa? -
SHARIIF XASAN OO LAGU EEDEYAY INUU BALAN KA BAX SAMEEYAY Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu balan ka bax sameeyay, iyagoo sheegay inuu shalay si iskiis ah uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta Baarlamaanka ayaa sheegay in balanta uu uga baxay Xildhibaanada ay aheyd in marka hore uu ugala tashto Shariif Xasan tallaabada uu qaaday iyo go'aanka uu ku gaaray inuu kaga qeyb galo shirka wada tashiga Magaalada Nairobio. "Balan ka bax ayuu sameeyey Shariif Xasan, waad ogtihiin warbaahintiina in kulankii Baarlmaanka uu ku balan qaaday in shirkaasi go’aankiisa uu kala tashan doono baarlmaanka laakin shalay ayuu baxay isagoo aan cid la tashan xitaa aana ogeeysiin baarlmaanka taasina waa balan ka bax” ayuu yiri Xildhibaan Cashara. Xildhibaan Cashara ayaa nasiib daro lu tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlmaanka uu ka qeyb galo shir uusan ogeyn ajandaha looga hadli doono, waxaana uu sheegay in talaabada uu qaaday Gudoomiyaha baarlmaanka ay noqon doonto mid lagula xisaabtami doono. Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay tallaabada uu qaatay Shariif Xasan, iyadoo tani la sheegay in Shariifku u qaaday isagoo Xukuumada iyo Madaxweynaha uu ku xumeynayo go'aankooda ahaa in aysan ka qeyb gelin shirka wada tashiga Magaalada Nairobi berri ka furmaya.