Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu'aale Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) – kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo. Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu'aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu'aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub. Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya. Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo, Soomaaliya
  2. Again, I was responding to XX. Baska danbe soo raac. Cheers!
  3. If loser Farole is going to bring peace to a region, he should start in PL. Violence and piracy are skyrocketing in PL thanks to his leadership. No one but the Tanzanian retard will listen to his childish outbursts marka I say good luck Mr Fish.
  4. What are you talking about now? It is a fact that Azania was not invited to this conference.
  5. General Duke;711356 wrote: ^^^The amusing thing is that this conference is made out to be the problem. The fact tat Sharif has failed in the past two years to even travel to any part of Somalia is never the problem, the fact that he has failed to deliver any of his promises, new constituition, defeating Al Shabaab and building tangible institutions is not the problem. A two day meeting of Somali stakeholders is a big issue, worthy of demonstrations. Come of it people. Yes, a meeting about Somalia held in Kenya is a big issue. Sharif might be in power for 2 years, but conferences about Somalia were held outside of Somalia the past 20 years. I believe, it is you who needs to come off from whatever you are on adeer!
  6. Nairobi: (Sh. M. Network) Waxaa maalintii labaad dalka Kenya ka socda Shirka wadatashiga ee qaramada Midoobay ay qabatay dowladda KMG iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxaana shirka inta uu socday la isku khilaafay waqtiga dowladda KMG Soomaaliya. Ka qeyb galayaasha shirka QM ee ka socda dalka Kenya ayaa isku fahmi waayay arigtidooda ku aadan waqtiga ay sii shaqeyn karto dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo masuuliyiin ka tirsan ka qeyb galayaasha ay taageereen go’aankii waqti kordhinta ee Xukuumada KMG Soomaaliya. Masuuliyiin ka tirsaneyd garab ka mid ah garabyada Ahlu Sunna ee Shirka ka qeyb galaya iyo Maamulka Galmudug ayaa shirka ka soo jeediyay in dowladda KMG loogu daro hal sano oo dheeri ah wixii ka dambeeyana laga tashada qorshaha kale ee lagu badali lahaa dowladda KMG Soomaaliya taasi oo ay ku qanci waayeen qeybaha kale ee shirka ka qeyb galayay. Madaxdii ka socotay Maamulka Puntland ayaa shirka ka sheegay in loo baahanyahay in madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo gudoomiyaha Barlamanka in ay doorasho aadaan xiliga uu dhamaado waqtiga dowladda KMG Soomaaliya bisha August ee soo socota. Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan qeybaha shirka ka soo qeyb galay gaar ahaan Puntland, Ahlu Sunna iyo Galmudug in ay ogolaadaan waqtiga uu ku darsaday Barlamanka KMG Soomaaliya. Wariyaha Shabelle ee Magaalada Nairobi Max’ed Cabdu Nuur Mascuud oo ku sugan goobta Shirka ayaa sheegay in caqabadaha shirka horyaala ay yihiin sidii loo mideyn lahaa fikradaha, waxaana gaba gabada kulanka oo maanta ku eg laga soo saarayaa bayaan dhowr qodob ka kooban. Masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka ayaa kulanka ku sugan kuwaasi oo iyagu qudhooda kala taabacsan maamulada kala arigtida duwan ee Soomaalida islamarkaana ka qeyb galaya Shirka wadatashiga ee Qaramada midoobay. Max’ed Cabdi Nuur Mascuud Shabelle Nairobi Kenya
  7. Garoweonline is getting warar hoosaad that others have no access to, lol... spare me.
  8. Duke, there is no fear, just politics 101. 3 months ago, Mahiga said “The security process is a long-term one. It is one of the essential tasks of the TFG to gain legitimacy, trust and credibility of its citizens as well as the international community. At the end of the day, it is up to the TFG to take up the ownership and the responsibility for its own country.” Then Mahiga organizes a meeting without the approval of the TFG. Marka what do you expect the TFG to do? sit around and count the stars? c'mon now. You can take cheap shots at Farmajo/Sharif like the clowns from your hood anytime, ku dayo ku dayo. Laakiin don't come here and play down the demos organized by the Somali people to protest this conference. Don't insult the Somali people in Galkacyo, Mudug. Buhudle. Cabudwaq, Doolo, Luuq, BeledXawo, Muqdishu, and Yeed. You are hallucinating if you think warlord Qeybdiid, sambac useless Faroole and your confused friend Awliyo have the power to overthrow Farmajo/Sharif.
  9. These clowns can meet Obama if they want, the reality on the ground is Muqdisho nimaysan raalli ka ahayn ka talin maayo. Afarta meeting-ka isugu timidna I hope they enjoy their vacation.
  10. Gaalkacyo:Qaarkamid ah ururada Bulshada rayidka ah & Siyaasiyiinta gobolka Mudug oo canbaareeyey Shirka Nairobi. aalkacyo: (Allpuntland)-Iyadoo maanta Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya uu si rasmi ah uga furmay shirka wadatashiga hogaamiyeyaasha Soomaalida ee looga xaajoonayo mustaqbalka soomaaliya & cida badalaysa Hogaanka dawlada Kumeel gaarka ah oo waqtigoodu uu gabagabo yahay islamarkaasna la filayo inay qodobo xasaasi ahi kasoo baxaan ayaa shirkaas waxaa canbaareeyey qaarkamid ah Ururada Bulshada rayidka ah ee gobolka Mudug oo sheegey in uu yahay mid Soomaali lagu kala faqooqayo. Dahabo Maxamed Barre (Dahabo Wadani) oo ah gudoomiyaha Ururka Wadani ee kajira gobolka Mudug oo kamid ah dadkii ka hadlay shirka Nairobi ayaa canbaaraysay shirka,waxaana ay sheegtay in uu yahay mid looga soo horjeedo hanaanka maamul ee ay xukuumada Farmaajo waqtiga kooban dalka uga hirgelisay islamarkaasna ay shaqooyinka culus dalkooda ugu qabteen,iyadoo intaas ku dartay in loo baahanyahay in beesha caalamku ay taageerto hanaanka ay Farmaajo & Wasiiradiisu wadaan. Dahabo Wadani Waxay sidoo kale sheegtay in Shirkani uu lidi ku yahay xukuumada Soomaaliya islamarkaasna aanan la ogolayn in xukuumada dalka arimihiisa faraha looga qaado,iyadoo sheegtay inuu yimid kadib markii Xuuumadu ay ka guulaysatay cadowyadeeda. Faarax Cabdi Doorshe oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka Mudug islamarkaasna xilal heer Wasiir ah Puntland kasoo qabtay oo isna dhankiisa cabiray fikirkiisa shirka Nairobi ayaa sheegey in uu yahay mid lagu mijo-xaabinayo hogaanka sare ee Soomaaliya,isagoo ka digay in shirkaasi uu burbur horleh & dawlad la’aan uu Soomaaliya u keenayo,maadaama buuyiri aan lagala tashan xukuumadii dalka kajirtay. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  11. Midowga Ururrada nabadda iyo Hormarinta Waqooyiga Yurub oo taageeray go’aanka xukuumadda Midowga ururka Nabadda iyo Horumarinta Somaliyeed ee Waqooyiga Yurub(Sweden, Finland, Denmark, Norway)* waxay tageerayaan go’aankii ka so baxay dowladda Soomaaliya iyo golaha dhaqanka Somaliyeed oo ku saabsanaa in aan laga qaybgalin shirka UNPOS ka qaban qaabineysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya12- 13ka April 2011. Waxaan aminsanahay in dowladda Soomaliya aad ugu hawlantahay sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabad waarta. Haddi ay jiraan khilaaf ka dhexeeya dowladda iyo maamul-gobaleedyada dalka Somaaliya, waxaa haboon in dowladdu ay u yeerto madaxda gobolada kana shaafiso dhibaatada ay sheeganhayaan iyada oo la kaashaneysa wax garadka Soomaaliyeed. Waxaa la gaaray xili shacabka Soomaaliyeed uu ka daalay in danihiisa uu marti ka noqdo, markastana xalka laga doono meela kale. Soomaaliya aad ayey ugu baahantahay in ay gacan ka hesho Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka guud ahaan, lakiin waa meel ka dhac in aan la tixgalin jiritaanka dowlad, barlamaanka Somaaliya iyo qarannimada dalka Somaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed wax badan ayuu dowlad la’aan ahaa, markanna si aad ah ayuu u doonayaa in uu ilaalsado iftiinka yar ee haatan u baxay, mana doonayaan in laga damiyo iftiinkaa. Midowga Ururka Nabada iyo Horumarka Soomaaliyeed ee Waqoyiga Yurub waxay caalamka ka codsanhayaan in uu taagero buuxda siiyo dowladda Somaaliya si shacabka Somaaliyeed ugu baxaan gaajada, cudurka iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn. Midowga Uruka Nabadda iy Horumarinta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Yrurub wuxuu kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah meelkasto oo ay joogaan gudaha iyo dibada dalka in ay taageeraan dowladooda u istaagtay ilaalinta jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed, kana fogaadaan goobaha ama shirarka lagu wiiqayo qaranimada Somaaliyeed. Ugu danbeyntii Midowga Ururku wuxuu ku boorinayaa dowladda Somaaliya in ay wakhti badan galiso sidii ay dalka ugu soo dabaali lahayd amni, xasilooni iyo kala dambeyn.
  12. Xukuumadda Soomaaliya oo ku celisay in aysan wax lug ah ku lahayn shirka ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ee Nairobi ka bilowday Talaado, April 12, 2011(HOL): Shir ay isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa looga hadlay shirka ka bilowday Nairobi, Golahu waxey isku raaceen arrimahan: Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia aad iyo aad bey uga xuntahay arrimaha siyaasadeed ee ay UNPOS hadda wado. Waxaan aaminsanahay UNPOS iyo beesha caalamkuba inay wadashaqeytoodu ay tahay mid loo maro labo waddo si loogu guuleyso nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo kala ah: 1. Axdiga Fedraalka KMG ah. Axdiga ayaa si cad u qeexaya in Dowladda FKMG ah, hay’adiisa fulinta ay mas’uul ka tahay siyaasadda iyo dhaqangelinta. 2. Geedi socodka nabadda Jabuuti waxuu sidoo kale dib u xaqiijineysaa hay’adaha FKMG ah inay yihiin aasaaska wadajirka Soomaaliya, taasoo la doonayo inay beesha caalamku ku dhaqmaan xaalad kasta iyo waqti walba ee geediga nabadda. Waxaa cad in kulanka wadatashiga ee ka dhacaya Nairobi 12ka iyo 13ka April 2011 uu bilowga qabanqaabada iyo abaabulkiisaba ay leedahay UNPOS tanoo ka soo horjeeda aragtiyada iyo soo bandhigidda ee Dowladda FKMG ah, taasoo si ku celcelis ah loogu bandhigay UNPOS iyo beesha caalamkaba. Dowladda FKMG ah iyo Somalida kale ee talada ka wada dhaxeysa marnaba lug kuma laheyn qabanqaabada fikirka, macluumaadka iyo ajendada shirka Nairobi. Marka tan la fiiriyo, waxaa la rabay inay ahaato wadatashi iyo dib-u-heshiisiin Somalida dhexdeeda ah, sidaas daraadeed, waxaan aaminsanahay inay tani ay ka soo horjeedo rabitaanka shacabka, Axdiga iyo heshiiskii nabadda ee Jabuuti. Sidoo kale, bulshada soomaliyeed waxey si ku celcelis ah u caddeeyeen sida ay uga soo horjeedaan kulankan Nairobi, ha noqoto Somalida gudaha dalka iyo kuwa dibedda ee qurbojoogta ah. Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda. Labada Goleba waxey si guud iyo si gaar ahba ugu caddeeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka sida cad ee ay uga soo horjeedaan ka qeybgalka shirka. Tan oo ay wehlisay 100 xildhibaano oo saxiixooda u geeyey Guddoomiyaha oo ay ku caddeynayaan inay ka soo horjeedaan ka qeybgalka shirka oo uu iska indha tiray. Marka tan la eego, ka qeybgalka shirkan waxuu ka soo horjeedaa siyaasadda dalka, waxuuna keeni karaa inuu dhaawac u keeno danaha dalka, waxuuna horseedi karaa in hay'adaha Qaranka uu ku yimado burbur. Sidaas daraadeed, waxaan cambaareyneynaa falkan isaga ah, waxaana ugu baaqeynaa wafdigan inay ka soo baxaan shirka ay hadda ku jiraan. Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka soomaaliyeed iyo xildhibaanada matala shacabka inay diidaan oo ay cambaareeyaan falkan si isku mid ah. Si aysan u dhicin is-faham la’aan, waxaan caddeyneynaa oo aan ku celcelineynaa in Dowladda FKMG ah ay ku dhisan tahay dib-u-heshiisiin iyo nabadeyn oo dhan walba ah. Tani waxaa markhaati ka ah tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday 100 kii maalmood ee ugu danbeeyey. Waxaan aaminsanahay guulaha iyo horumarka somalida ay gaartay ay caddeyneyso sida ay uga go’antahay inaan ugu guuleysano ujeedooyinka aan wadaagno si loo hubiyo inaan danaheena u fulino kuwa shacabka soomaaliyeed iyo kuwa bulshada caalamkaba. Waxaa kaliya oo looga guuleysan karaa cadowgeena Al-Shabaab, burcadbadeeda iyo gaajada si wadajir ah iyo wadashaqeyn buuxda ee dhexmarta soomaalida iyo bulshada caalamkaba. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay sii joogteeyaan dadaaladooda ay ku saacidayaan shacabka soomaaliyeed xilligan taariikhiga ah iyo inay xushmeeyaan sharafta iyo qaranimda dalka. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so
  13. Maalinta aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay Talaado, April 12, 2011(HOL): Iyadoo saaka ay ku beegan tahay 51 sano guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd 12/04/1960-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayay munaasabadan. Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay barxaddii Ex. Fiyoore ee degmada Xamarweyne waxayna dadkani isugu jireen bulshada qeybaheeda kala gedisan, sida Haweenka, dhalinyarada, Ardayda, Hobollada iyo weliba kooxda Baanda Muusikada, waxayna dadweynuhu siteen boorar waaweyn oo ay qoran yihiin halku dhegyo ku aadan maalinta aas aaska ciidanka, iyo taageerada ay u hayaan shacabka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey shirka saaka ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay soo qaban qaabisay Q/midoobay waxayna halkaasi ka cadeeyeen fikirkooda ku aadan iyagoo sheegay in horjeedaan shirkaasi uu yahay shir lagu majaxaabiyo horumarka ay sameyneyso Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana qatar ku ah Qaranimada iyoMidnimada Soomaaliyeed. Nabadoon Shariif Xuseen Jilicow oo ku hadlay magaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan saraakiil, saraakiil xigeeno, Alifley iyo Dabley isagoo tilmaamay in maalintan ay dareen gaar ah ku reebeyso dadkooda waaweyn ee iyagu aqoonta u leh awoodii xooganeyd ee ay lahaayeen ciidamada Xooggu isagoo u rajeeyey inay dib ula soo noqon doonaan awoodoodii balse ay dedaalaan oo kaliya. Xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Marwo Faadumo Cali Cosoble oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa u hambalyeysay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar madaxweynaha oo ah Taliyaha guud ee ciidanka Qalabka sida, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhamaan saraakiisha ciidanka Xoogga “Haddii aan nahay haweenka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed waxaa sharaf noo ah maanta inaan ka soo qeybgalno munaasabadan, waxaana leenahay Ciidanka xooggu waa kuwa aan ku hurudno, waana kuwa caddowga naga difaaca guuleysta ayaan leenahay” ayay tiri Marwo Faadumo. Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay inuu si weyn u xusuusto heesihii iyo guubaabadii ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed loona baahan yahay in shacabka Soomaliyeed ay garab siiyaan ciidamada si ay uga guul keenaan hadafkooda xoreynta dalka. Dhanka kale, banaanbaxayaasha ayaa waxay cambaareeyeen shirka ka furmaya maanta magaalada Nairobi kaasoo loogu magac daray kulanka wadatashiga waxayna xuseen in shirkaasi aanu ka tarjumeynin danaha shacabka isla markaana uu dib u dhac u keenayo horumarka dowladda ee soo celinta nabadda, waxayna qaarkood ku eedeeyeen wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay in kulankaasi uu dano gaar ah ka leeyahay kuwaasoo uu ku kala fogeynayo dhinacyada Soomaalida. Maxamed Xuseen Ugaas ugaasyare114@gmail.com
  14. http://baidoanews.com/view.php?id=6829 My cousins have better and more important things to do.
  15. Max’ed Cabdi Gaandi oo dhawaan sheegtay inuu wakiil uga yahay dowlada Faransa Geeska Afrika ayaa maanata waji gabax kala kulmay goobta uu ka dhacayo Shirka ay soo wada qaban qaabiyeen hogaamiye Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed shariif Xasan iyo Mahiga. Gaandi oo saakay isu soo diyaariyay inuu ka qeyb galo shirkaasi ayaa waxaa laga xirtay albaabka xaruntii uu ka dhacayay shirka, isagoona kolkuu goobta gaaray ku dooday inuu yahay waxa uu ugu yeeray madaxweyne Gobaleedka Maamulka Azaaniya. Ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay u sheegeen baidoanews in Gaandi kolkii uu ku hungoobay ka qeyb galka shirkaasi inuu dib isaga laabtay hotelkii uu ka daganaa Nairobi, waxaana iminka uu ku mashquulsanyahay sidii uu ula xiriiri lahaa Agusitine Mahiga uuna uga dhaadhicin lahaa in loo ogolaado ka qeyb galka shirka,
  16. Godane wears niqab because he is afraid to show his face to Sheik Sharif Sheik Ahmed! Long live our commander in chief, mudane Sheik Sharif Sheik Ahmed!
  17. Waxaa laga yaabaa inaad xafiiska Immigrationka shaqo ka raadineyso.