Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Sharif Ahmed runs of to Ethiopia, on route to Tanzania desperate times
Somalina replied to General Duke's topic in Politics
I wonder why the poster didn't start a thread about Faroole when he threatened to attack SL on BBC and ran to Ethiopia? Consistency is needed here don't ya think! -
Caliyaale ayuu ku waashey malaha dhibaato ayaa ka soo gaartey halkaa miskiinka. Ilaahey ha u gargaaro. Aamiin.
-
First Faroole's nephew writes Farmaajo has promised many things and delivered little. Then he comes back today and writes on the same page Farmaajo has done a good job thus far. Aniga maa waalan mise Mudug ayaa laga buraanburaayaa. Quuqlayaasha halkan isugu yimid oo dawlada dacaayadeynaa, walaalayaal Soomaalida aduunka gees ka gees ayaa garab taagan dawladan hadalkiina qiimo kuma fadhiyo. Don't worry jago ayaa la idin siinayaa soon, idinkoo sacbinaaya waa la arki markaas.
-
DKMG oo Shir Dib-u-heshiisiin ah ku Baaqday VOA
-
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Soomaalida London weydiisanaya inay ka qaybqaataan dib u dhiska Muqdisho Khamiis, Abriil 14, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dib ugu laabtay magaalada London ee xarunta Brirtain si uu Soomaalida ku nool magaaladaas u weydiisto inay gacan ka geystaan dib u dhiska Muqdisho. War lagu daabacay barta Internet-ka ee BBC-da ayaa lagu sheegay in Tarsan uu doonayo inuu kulmo la qaato Soomaalida London ku nool iyadoo qorshayaashiisa ay ka mid yihiin inu ku boorriyo inay maalgashi ku sameystaan dalkooda hooyo. Mudane Tarsan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay Soomaaliya sannadkii 2010 markaasoo uu noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo horay ugu lahaa xaafadda Islington ee waqooyiga London goob internet cafe ah. Inta uu booqashada ku joogo London ayaa lagu wadaa inuu kulan loo qabanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee London uu ka jeediyo khudbad uu ku weydiisanayo jaaliyadda inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya ayna qayb ka qaatan dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo muddo dheer burbursanayd kaddib markii ay dagaallo ka dhaceen. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho xildhibaan Tarsana ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyenimo ee gobolka Banaadir wuxuu sheegi jiray inuu doonayo in Muqdisho uu dib u dhiso si ay ula tartanto caasimadaha kale ee caalamka. Mudane Tarsan ayaa ka mid ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee kasoo horjeeday faragelintii ciidan ee ay Itoobiya ku sameysay Soomaaliya 2007 - 2008, wuxuuna dhowr jeer ku qabanqaabiyay London dibadbaxyo looga soo horjeeday faragelintaas. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Siminaar ay soo qaban qaabisay Hey'adda UYS oo Odayaal dhaqameedyo ka socday Beelaha Soomaaliyed u qabatay
-
Siminaar ay soo qaban qaabisay Hey'adda UYS oo Odayaal dhaqameedyo ka socday Beelaha Soomaaliyed u qabatay Siminaar ay soo qaban qaabisay Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS oo ay ka qeyb galeen Odayaal dhaqameedyo ka socday Beelaha Soomaaliyed ayaa halku dhigiisa ahaa Aynu ka bad baadino Ubadkeedan dagaalada iyo qaraxyada, kaasoo ahaa wajigii labaad oo ay Hey'addu u qabato in ka badan 100-Oday dhaqameed. Siminaarkan oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, madax dhaqameedyada, Gudiga Odayaasha dhaqanka, Xubnaha Gudiga Odayaasha ee Hey'adda, iyadoo dooda siminaarka ahaa mid odayaasha iyo waxgaradka iyo xubnihii mas'uuliyiinta ay isu tusaaleynayeen sida xilligan wax looga qaban karo xaalada. Xildhibaan Cusmaan Cabdi Daallo oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka qeyb galay siminaarka ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Hey'adda soo qaban qaabisay, isagoo sheegay in tallaabada Hey'addu qaaday ay tahay mid ku dayasho mudan, waxaana uu sheegay in ajandaha siminaarka uu yahay mid loo gartay in dhaqanka uu dib ugu eego sidii dhalinyarada dagaalada loogu adeegsado lagu dadaali lahaa in laga soo duwo. "Dhaqanka waxaa leeyahay dhibaatada dalka, hadii dhalinyaro wanaagsan ubad wanaagsan soo saartaan, dhibaatada sidan ayay ka yaraan laheyd, dhaqanka kala qeybsan, siyaasad kala taageera, dhaqanka waxaa laga rabaa xeer beegto waxay sameyn jireen wax badan dhibaatada beelaha ayay xalin jireen, taariikhdana go'aankooda la iskuma soo noqon jirin, dhaqanka meesha uu ku sugan yahay gaar ahaan K/Soomaaliya in aan cidna dhageysan ayaa hada jirta, maxaa yeelay waa kala qeybsan yihiin"ayuu yiri Xildhibaan Daalo oo intaa ku daray in loo baahan yahay in la wado wacyi gelin cel celin ah, bacdamaa qofka maskaxdiisa tahay mid jilcan. Sidoo kale Xildhibaanada ka hadlay siminaarka ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Maxamuud Axmed, waxaana uu ugu dhankiisa sheegay in markii horeba uu caajib ahaa magaca ay wadato Hey'adda, isagoo xusay inay dib u sii raaceyso 13-dii dhalinyaro ee SYL ee qaranimada u aas aasay, isagoo xusay in dhaqanka uu door muuqda ku leeyahay xalinta colaadaha iyo inay dhalinyarada tubta toosan ku hogaamiyaan. Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo isna ka hadlay siminaarka ayaa ugu horeyn Hey'adda UYS uga mahad celiyay dadaalada ay wado, isagoo sheegay inay isu keentay dad aan isu imaan jirin, isla markaana ay ka shaqeysay sidii nabada loo gaarsiin lahaa shacabka, kaasoo uu sheegay inay hada wax ka bilaaban yihiin. "Dadka wax garadka waxaa u sheegayaa aan ambaqaadno nabada sidii aan ninba ninka kale ee saaxibkiis u gaarsiin lahaa inuu ugu yeero, sidii wixii la isku sheegay loogu gudbin lahaa, isla markaana gacmaha la isku qabsado sidii nabad iyo wanaag loogu gudbi lahaa" Nabadoonka ayaa mar uu ka hadlay kaalinta Odayaasha dhaqanka ka qaadan karaan xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda, isagoo sheegay in horay odayaasha dhaqanka ay gacan uga geysteen khilaafkii horay u soo dhex galay, isla markaana ay haatan diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan. Waxaa uu sheegay Madaxda Dowladda in khilaafka dhexdooda ay u baahan tahay inay heshiiyaan, hadii kalena ay iyaga ku baxayaan, isla markaana ay imaanayaan dad kale, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafaadkii u dhaxeeyay Madaxdii Dowladihii hore in aaqirkii meesha inay iyaga ka baxeen, Ragg kalena la soo doortay. Sidoo kale Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay dhaqanka uu yahay mid wax sixi kara, waxna toosin kara, isagoo sheegay in kaalintooda tahay in geed hoostiisa fariistaan nabada ay raadiyaan, isagoo khilaafka madaxda dowladda u dhaxeeyay ku sababeeyay mid salkeeda ay leedahay Beesha Caalamka. Waxaa kaloo Xubnaha Gudiga ka hadlay ka mid ahaa C/llaahi Cabdulle Wehliye, Xasan Maxamed Diirshe Nuur Xaashi Aadan oo dhamaantood ku dheeraaday ka hadalka ajandaha siminaarka oo ahaa mid gogol dhig u ah in dhaqanku ay noqdaan kuwo dhexda u xerta xalinta khilaafaadka, iyo ka hor taga in dhalinyarada loo adeegsado dagaalada, lagana dhigto xaabo lagu huriyo, iyagoo soo qaatay in Ganacsatada iyo Odayaasha ay ka wada shaqeyn karaan joojinta codlaada, waxaa kaloo ay wada sheegeen in hadii la helo goob dhaqan xarun u ah looga bixi karo dhibaatada in dhaqsi lagu soo afjaro, iyagoo tusaale u soo qaatay xarumo dhaqameedyada ka furan Gobolada dalka, kaasoo ay sheegeen inuu tusaalo iyo talo u noqon karo in dhaqanka meel walba ka abaaro xalka. Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xeray Gudoomiyaha Gudiga Beesha H/gidir Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) ayaa isna ku dheeraaday dadaalada ay wado Hey'adda UYS, in ugu dambeyn ay noqonayaan kuwo mira dhalay, waxaana uu ka mahad celiyay siminaarada joogtada ee ay u qabato Odayaasha dhaqanka. Abuukar Ganey ayaa ugu baaqay Madaxda Hey'adda inay furaan xarun saldhig u ah dhaqanka, si uu u noqday meeshii la isugu imaan lahaa, isla markaana marjac u ah, waxaana uu ku booriyay ka qeyb galayaasha siminaarka inay wixii ay ka dhaxleen ama ay ka barteen gaarsiiyaan dhinacyada kale, si bulshada ay uga wada faa'ido wixii siminaar ee la qabtay. Si kastaba ha ahaatee siminaarkan ay u qabatay Hey'adda UYS ayaa noqonaya kuwo qeyb ka ah siminaarada dhaqanka lagu soo nooleeynayo, isla markaana kaalintooda kaga aadan xalka dalka iyo ka shaqeynta nabad ku soo dabaalida ay u noqon lahaayeen kuwo door weyn ay uga qaateen sidii ay ugu muujin lahaayeen inay u gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.
-
Xukuumadda oo shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin ku baaqday bartamaha Bisha Juun. Warsaxaafadeed (Muqdisho – Khamiis, 14 April 2011)—–Shirkii caadiga ahaa ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Nairobi iyo marxaladda kala guurka ah. Golahu waxey dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga ‘heerka sare’ ee ka dhacay Nairobi 12kii iyo 13kii April 2011. Kulankan ma noqon mid miro dhal ah oo buuxiya waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed. Ka dib Golahu markii ay ka hadleen mustaqbalka iyo xilliga kala guurka ah iyo sida ugu habboon ee loo raadin karo nabad, wadatashi iyo dib-u-heshiisiin dhameystiran, isla markaana ka doodeen ayey waxey Golahu isku raaceen arrimaha soo socda: In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda. In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey. In ajendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.
-
Madaxweyne Shariif oo Ethiopia Aaday (Muqdisho, Khamiis 14 April 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho una socdaalay Dalalka Ethiopia iyo Tarzania. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Mudane Abdihakim Mohamud Haji FIQI, Wasiirka maaliyadda Hessien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Maxamed Saney. Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxey la kulmayaan Prime Minister ka Dalka Ethiopia Melez Zenawi si ay ugala hadlaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iyo arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga Soomaaliya iyo dalalka geeska Africa. Shirkan ayaa daba socda shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa dhammaadkii Janaayo oo ay labada mas’uul ba goob joog ka ahaayeen iyo shirkii Wasiirada Difaaca oo uu dhowaan Addis Ababa uga qeybgalay Mudane Abdihakim oo suurto galiyey booqashada maanta. Booqashadan ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynahu ku soo kala bixiyey dalal Afrikan ah si uu la tashiyo ula soo sameeyo Madaxda dalalkaas, isla markaana uu ka codsado dalalka Africa sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda nabad illaalinta ee ciidamada Afrika ka wadaan Dalka Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu horey safaro la tashiyo ah ku soo maray dalalka Ugandha, Brundi iyo Rwanda. Haddana waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynahu booqdo dalalka Ethiopia iyo Tanzania. Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u arka la tashiyada dalalka Afrika ay muhiim u tahay geedi socodka nabadda iyo sii dhameystirka heshiiskii Djibouti. Sidoo kale booqashooyinkan ayaa waxey muujinayaan sida ay Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed uga go’antahay xal u helida sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ay dowladaha Afrikanka ah ay mas’uuliyad isaga saari lahaayeen arrimaha Soomaaliya. Madaxweynahu waxuu kaloo warbixinno siin doonaa Madaxda Afrika ee ku aadan xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan xilligan kala guurka ah iyo sida looga bixi karo. Madaxweyne Sharif ayaa aaminsan in loo baahanyahay in hay’adaha Qaranka ay noqdaan kuwo shaqeynaya oo u adeegaya danaha ummadda soomaaliyeed, isla markaana xalka uu ku jiro in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii xilliga kala guurka ah looga bixi lahaa. - DHAMAAD - Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisoow” La taliyaha R/W ahna afhayeenka Xukuumadda.
-
Somali Minister of Public Works & Reconstruction Participate the 23rd UN Habitat Governing Council Meeting Hiiraan Online Staff Wednesday, April 13, 2011 Nairobi, Kenya (HOL) - Somali Minister of Public Works and Reconstruction, Abdirashid K. Hashi is in Nairobi to participate the 23rd Governing Council of UN Habitat. The Minister is accompanied by the Somali Ambassador to Kenya, Mohamed Ali Nur, who is also accredited to UN Habitat and the Director General of the Ministry of Public Works and Reconstruction Eng. Abdulkadir Farah Gelle. Kenyan President Mwai Kibaki, opened on Monday the 23rd Governing Council under the theme Sustainable Urban Development through Expanding Equitable Access to Land, Housing, Basic Services and Infrastructure and ministerial level delegates from all continents are taking part the five day long deliberations. On the side lines of the conference Minister Hashi met UN Undersecretary General and the Director General of UN Habitat Dr. Joan Clos whom he briefed the situation of Somalia and the effort of the new government to rebuild the country. Dr. Joan Clos, UN Habitat Executive Director & Minister Abdirashid Hashi of Somalia Dr. Clos informed the minister that he will allocate more resource and experts to the UN Habitat Somalia unit and that he will do everything possible to help Somalia recover from the current predicament and he also accepted an invitation to visit Mogadishu. Minister Suharso Monoarfa and his team with the Somali delegation The Minister also held fruitful bilateral meetings with the Minister of Housing and Urbanization of Morocco Mr. Ahmed Taoufiq Hejira, the Minister of Public Housing of Indonesia Suharso Monoarfa and the Japanese ambassador to Kenya who all pledged solidarity and tangible technical support for Somalia. Minister Ahmed Taoufiq Hejira of Morocco & Minister Abdirashid Hashi of Somalia
-
Xaaji Xunjuf;711527 wrote: somalina what you think of Nuur cade For president Faroole for Prime Minister Speaker of parliament Mawlid Macaane Move the capital to Galkacyo Cabinet of 15 Ministers There is something you don't understand awoowe, Faroole uma talinaayo Soomaliya. PL ayaa laga nacay, Soomaliya ayaad usoo wadaa. Not in this lifetime. Dalxa walaa Nur Cade meel ha fadhiistaan. If changes are going to take place we want to see new and fresh faces. The capital will not be moved awoowe. The problem is AS, and it seems no one here is addressing them. They need to be destroyed by Somalis not AMISOM.
-
Garowe temporrary capital city ------- BIG fat NO Farmaajo President --------------------- not necessary so a giant NO Omaar for PM ---------------------------- a simple NO Dalxa Speaker ----------------------------a big fat NO With 100 Mp'S SELECTED from the 18 districts of Somalia. --- YES ------- XX, lol@Sakin...keep dreaming
-
General Duke;711511 wrote: Faroole matters not adeer. What matters is that Somalia needs a better leader than Sharif Hotel. Also traveling to Eyl would be further than someone going from Mogadishu to Jowhar, which Sharif has not done. I'm not sure who you want to replace Sharif. It sure aint gonna be Faroole.
-
I'm not upset just laughing at your delusions. Farole's dream to become the president of Somalia will be crushed soon. Sorry adeer, no tribalist retard will ever again set foot in Villa Somalia. You can quote me on that for future reference. Sharif is not clutching to anything adeer, that is what Farole is known for ma garatey. And let me ask you this, how can you have an election with AS controlling most of the South?
-
Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu’aale kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu’aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo. Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu’aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu’aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub. Ugaas Xuseen Ugaas Max’uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya. Xasan Nuur Max’ed, Kismaayo- Somalia Filed Under: Wararka Kismaayo24 ------- http://amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4161:goaano-ka-dhan-ah-maamulka-azaaniya-oo-kasoo-baxay-shir-ay-yeesheen-waxgaradka-jubbooyinka&catid=48:wararka --------- http://somalimidnimo.com/2011/04/11/war-murtiyeed-ay-soo-kala-saareen-qabiillooyinka-dega-jubbooyinka-gedo-iyo-qabiilka-talomoge-********-oo-sheegay-in-azaaniya-gooni-u-tahay-gaandi/ --------- http://gaafo.com/51244
-
No you need to stop it. Yesterday your retarded uncle Farole was calling for a Somali reconciliation conference to be held in Garowe, and today he is in Nairobi attending what Mahiga dubbed as "consultative Somali meeting". Take your nonsense elsewhere adeer. This meeting is not inclusive if the TFG and 90% of the stakeholders in Somalia are not attending it. You are losing your marbles adeer. Warlords and retards are not Somalia, don't represent Somalia and can not speak for Somalia. Cheers!