Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Roobab ka curtay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo dadkii reer Miyiga ahaa oo ay rajo soo gashay Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Inkastoo ay adagtahay in markiiba ay ka soo kabtaan dad xoola dhaqatada ah diifta iyo diihaalka ay ku reebtay abaartii kululeyd ee soo martay, ayaa haddana dhinaca kala waxaad moodaa in hadda rajadu tahay mid hagaagsan. Wararka saacadihii ugu danbeeyay laga helayo deegaannada ay ku nool yihiin dad xoola dhaqatada ah ee ka fog biyaha wabiga shabelle ayaa sheegaya in meelaha qaar ay ka da'een roobab lagu qabowsaday, islamarkaana biyo dhigay togag in muddo ah qalalnaa, inkastoo haddana roobabkaasu aheyn kuwo u xoog badan sidii loo baahnaa. Dadka xoola dhaqatada ah oo marka laga soo tago baadka dhibaato ba'an ku qaban helista biyo ku filan, ayaa siweyn u hadal haya bilowgga raxmada Eebe, waxaana ay rajo badan ka qabaa in ribicda roobku si wanaagsan ugu dhacdo dhulka jilaalku ku raagay, taasoo ah dariiqa kaliya oo ay uga bixi karaan iyaga iyo xoolahooda biyo la'aanta ku raagtay. Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto roobabka hadda ka curtay qeybo badan oo ka mid ah degaannada dhaca bartamaha Soomaaliya, ma'aha kuwo markiiba dadku uga maarmi karaa kaalmadii dhinaca Bani'aadamnimada, maadaama intooda badan ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen, kuwo yar ee hadda u harayna yihiin kuwo aan laheyn Cad la cuno iyo Caano toona, waxaana ay u baahan yihiin waqti dheer oo soo kabasho ah. Meelaha goballka Hiiraan roob-ka laga soo sheegay ayaa waxaa ka mid ah deegaanno badan oo hoostaga degmada Maxaas iyo Moqokori, gaar ahaan Tuulooyinka ay ku nool yihiin xoola dhaqatada, waana halka ugu darran marka la eego abaarta goballka ka jirta. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha DKMG ah oo sheegtay inaan dalka lagu qaban karin mudaaharaadyo aysan ogeyn Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amarro ku saabsan inaan la qaban karin dibadbaxyo aan iyada fasax looga qaadan, waxaana la sheegay in ciddii sameysa mudaaharaad aan laga warhayn laga qaadi doono taallaabo adag. Wasiir ku xigeenka wasaaraddan Ibraahim ***** Yaroow oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho Axaddii shalay ayaa sheegay in maalmahan ay soo barteen dibadbaxyo rabshado wata oo laga dhigayo Muqdisho sidoo kalena ay jiraan shirar abaabulan oo lagu qabto hoteellada amarkanna uu yahay mid khuseeya shirarka iyo dibadbaxyada aysan wasaaraddu la socon. "Sababta aan go'aankan u qaadannay waa inaan ka hortagno in qof Soomaali ah uu ku dhinto rabshado ka dhasha dibadbaxyo iska soo horjeeda oo Muqdisho lagu qabto," ayuu yiri mudane Yaroow oo sharraxayay sababta ay amarkan u soo saareen. Wasiir ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dadka dhigaya dibadbaxyada noocii ay doonaan ha ahaadaane ay lasoo xiriiraan wasaaradda iyo maamulka gobolka Banaadir, ayna dhigaan dibadbaxyo aan rasbshado wadan iyagoo muujiyanaya oo keliya shuruutooda ku aaddan waxay ka cabanayaan. "Ciddii amarkaan dhegaha ka xirta amarkan waxaan u arkaynaa kuwo doonaya inay qalqal geliyaan ammaanka guud ee dalka, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag oo waafaqsan falka ay ku kaceen," ayuu wasiir ku xigeenku yiri. Wasiir ku xigeenku wuxuu ugu baaqay milkiilayaasha hoteellada Muqdisho inay ka digtoonaadaan in hoteelladooda lagu qabto shirarka aan fasax looga haysan wasaaradda arrimaha gudaha, isagoo sheegay in ciidamo loo xilsaaray ka hortagga shirarkaas ay dowladdu diyaarisay. Ugu dambeyn, wasiirka oo la weydiiyay inay ogolaanayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda inay u fasaxayaan dadka qabanqaabinaya haddii ay weydiistaan wasaaradda ayaa sheegay inay u ogolaanayaan, balse ay ka digayaan oo keliya inay noqdaan kuwo rasbshado wata. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Canug yar oo ku dhintay AUN Guryo tiro badan oo ku gubtay Magaalada Hargeisa Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Inta la ogyahay ilmo yar ayaa geeriyooday, guryo badan oo kalena way ku baabaéen magaalada Hargeisa, ka dib markii xaafad ka mid ah kuwa ay degaan dadka danyarta ahi ay ku gubteen in ka badan 32 Guri oo ka kooban cariishyo iyo Buulal yaryar. Guryaha gubtay oo ku yaalay xaafadda Goljano ee degmada 26 June ee magaalada Hargeisa, ayaa ah mid ay degan yihiin dad danyar ahi. Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Roobleh Furre oo ka hadlay gubashadan ayaa sheegay in qofka geeriyooday uu yahay ilmo yar oo ku dhex gubtay Guri ka mid ah guryaha shuf-beelay. "Hase ahaatee, ma xaqiijin karno khasaaraha dhabta ah, balse waxaanu ku wadnaa baadhis," ayuu yidhi Taliyuhu oo warbaahinta u waramay. Dadweyne aad u tiro badan, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa ka qayb-galay deminta Dabkan, hase ahaatee, magaalada Hargeisa oo maalinba-maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaysa ayaan lahayn wax dab-demis ah oo ka qayb-gala gurmadka haddiiba Gubasho dhacdo, marka laga reebo saddex Baabuur oo mid ka mid ah ay leedahay Shirkadda Dahabshiil, taas oo ay dadweynuhu walaac ka muujiyeen. Bishii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ilaa 28 in ka badan ay gubteen Degmada Gacan-Libaax ee magaalada Hargeisa, kuwaas oo baadhis la sameeyay lagu ogaaday in ujeeddo loo gubayo, isla markaana dad badan loo xidhxidhay. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
-
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;712577 wrote: Today's blog: It is for Soomaalina, abaaydeen ayaa rabtee inay aragto cuntooyinka laga cuno maqaayadaha Islii. Maqaayadaan Towfiiq ayaa la yiraahdaa, Islii ayeena ku taalaa. Thanks Aqiyaar! meesha waa dhisantahay yaaqo laakiin why is it empty? portionka aad ayuu u badanyahay, labo qof wax ku filan ayaa hal qof la hor dhigaa, what a waste, I need to talk to the manager now . Teeda kale, dadka cunta banaanka kama cunaan miyaa? jiq miyaa maalmahan? Waaga Cusub ma meet gareysey? what's up with the beef with Caraale? Sagal Arts ma tagtey weli ? warka soo daa. Che maxuu ka sameynooya halkaas? daba kac oo fiiri masaajidyada uu galaayo iskana ilaali inaad keligaa raacdid. lol
-
Mayor of Mogadishu 6 Children in London all on housing benefit.
Somalina replied to London2010's topic in Politics
Exactly! -
Mayor of Mogadishu 6 Children in London all on housing benefit.
Somalina replied to London2010's topic in Politics
Albany helps Mogadishu Mayor reach out to Somali diaspora. 14 Apr 2011 Packed room hear Mayor speak at a London event. During a recent visit to London, away from his full-time job as the Mayor of Mogadishu, Albany helped Mohamoud Nur reach out to the Somali diaspora and explain to the wider UK public some of the difficulties he faces in bringing improvements to the population of the war-torn capital. Mohamoud is passionate about trying to bring a better future to the inhabitants of his city of birth in Somalia and is taking his experiences from when he lived and worked in London to bring about gradual change back home. Together with his “political hero”, Ken Livingstone, Mohamoud addressed a jam-packed meeting of the members of the Somali diaspora in London on Tuesday evening. Albany arranged the stakeholder outreach and media engagement for him during his visit. This is part of a much wider programme of strategic communications programme that Albany is running. The company is assisting the nascent Somali government and African Union mission to help stabilise a country devastated by conflict. Through a unique contract with the UN, Albany’s forty-strong project team in Nairobi and Mogadishu is leading the way in running a fully integrated campaign to counter the radicalising effect of al Shabaab and engage Somalis in supporting a positive future for their country. -
Mayor of Mogadishu 6 Children in London all on housing benefit.
Somalina replied to London2010's topic in Politics
Che, here the link -
Mayor of Mogadishu 6 Children in London all on housing benefit.
Somalina replied to London2010's topic in Politics
London2010;712736 wrote: I judge him on his ludicrous position of being a breeder of children he can't afford. He has sex and he can't shoulder the responsibility for them. 6 of them, produced 7 grand-children everyone of them on benefit. The cycle of their moral depravation is worse that of roma gypsies. How do you know they are on benefit? Did it say it on the article or you provide them with the benefit cheques every month? --------------------------- London taught me to be mayor of Mogadishu Peter Dominiczak 14 Apr 2011 A former Islington council worker is transforming the war-torn capital of Somalia despite death threats from Islamic extremists. Mohamoud Ahmed Nur, 55, has been mayor of Mogadishu, one of the world's most dangerous cities, for nine months. He is battling against terror group al Shabab, which is aligned with al Qaeda and is at war with the Somali government. Mr Nur, who lived in Camden until becoming an MP in his home country in 2009, returned to London this week to meet his "political hero" Ken Livingstone. He said that Mr Livingstone said he may send used London buses to Somalia if he wins next year's election. He said: "I was a great supporter of him. I once stood as a councillor in Camden and was a Labour Party activist for many years. It has completely inspired the way I have gone about my job in Mogadishu." His job as an employment adviser with Islington council inspired him to go home to become a politician. Mr Nur, whose wife Shamis Elmi still lives in London with their six children and seven grandchildren, said: "The people of Mogadishu used to live in fear. They used to live in garbage and filth. We want to free them from that. It has been 20 years of intensive civil war, 20 years of intensive chaos. People accepted that. "When I first took office my enemies used to call me every night and say 'you will die, tomorrow you will die'. "Seeing what was going on in north London made me realise what I could do in Mogadishu. I saw the regeneration of King's Cross. It used to be dark, dirty and full of drugs and prostitutes. The main parts of Mogadishu haven't had electric lighting for 20 years. "I put lights in the markets and the main streets and it has made a huge difference." -
Consensus for All-inclusive Somali Conference inside Somalia
Somalina replied to xiinfaniin's topic in Politics
General Duke;712250 wrote: Xiin, You made valid points, if Puntland sent a team led by Abdulkadir Ali Hashi or Dr Jimcaale to Mogadishu and sat with the cabinet, things could easily be worked out. You can't be serious. Jimcaale? no thank you, I will take Faroole over him. Carry on. -
Thank you awoowe for the vote of confidence however I'm a businesswoman not a politician. Sheik Sharif inuu jaamacadaha wax ka baro ayaa loo qaatey, politics hadduu baranooyaa. p.s. I have my eyes set on Bajuni Islands, Eyl, Hobyo and Jazira. You will be welcome in all of my resorts (of course 35% discount since you have different ethnicity). GD, awoowe is just pretending, he loves Somalia. I think he should be a curator of the national museum of history in Hargeysa (or in Garowe ).
-
Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maxamed Dheere oo la isku rasaaseyay.
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Uga sheekee safarkaada Oba, our secessionist brother xooga u caqliyeey. Waxuu u maleeyey meel la baneeyey. lol... -
Xaaji Xunjuf;712234 wrote: Somalina awoow maxa odayasha kugu diray odayasho wax badan bay og yihin cilmi fara badan ba ka buuxa Ayagaa dudumiyey wadanka intey hunguri, iyo jago ka raadinaayeen, dadkii ayey kala sooceen xataa intey koofi baraawe iyo cimaamad noo soo xirtaan. They can collect their pension cheques outside of Somalia. Haddii kale xabsi ha loo taxaabo balaayo gafuur weyn. Seriously I respect older men oo guriga iska jooga, BBC da iyo Hiiran Online isku mashquuliya. Ha noo daayaan wadankeena, waqtigooda wuu dhamaadey. lol@Thankful...it is all an act.
-
Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maxamed Dheere oo la isku rasaaseyay.
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Have you been to Mogadishu? your answer is no. Thank you. Shangaani has more pop than Berbera. -
Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maxamed Dheere oo la isku rasaaseyay.
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Dude is lost. Little under half a million alone are in Ceelasha biyaha. Jubbooyinka kulahaa. -
Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maxamed Dheere oo la isku rasaaseyay.
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Mogadishu is the most travelled to city in Somalia. It is still the financial and the cash cow capital of Somalia. The daily skirmishes generate money for a lot folks. Teeda kale, reer miyigii dhan Xamar usoo qaxeen hadda because of the drought. -
Awoowe, Faroole represents the Somali people in the regional state of Puntland, Somalia. PL is not moving forward thanks to his retarded leadership. He alienated the Somali people in that region from the rest of the country. What he needs to do is resign and move back to Kangaroo land. Sharif can go with him too.
-
lol@cute. He is spoken for unfortunately. Mid kalaan kuu raadinaa. You are welcome.