Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Somaliland:borama road constructions in full gear + PICS
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
MashaAllah! reer Borama waa dad wax qabsanaayaa keligood. -
Somali model-actress Waris Dirie understands pain. At the age of 5, she was told that there was evil between her legs, and if she wanted to marry one day, it had to be removed from her body. As her mother held her against a rock, a village woman mutilated her. Eight years later, Dirie walked nine days from her rural home in Gaalkacyo to relatives in Mogadishu in order to escape an arranged marriage to a man more than three times her age. She then traveled to London to work for her uncle. She was discovered at a McDonald's by photographer Terence Donovan, who put her on the cover of a 1987 calendar and launched her modeling career. She soon became the face of Chanel, Levi's, L'Oréal and Revlon, and found film work as a Bond girl in “The Living Daylights.” But it wasn't until 1997 that Dirie revealed her painful past to Marie Claire magazine, putting a face on female genital mutilation. As a result, she was asked to be a United Nations special ambassador for women's rights in Africa. “If I hadn't been on billboards on Times Square and the face of Revlon, I don't think anyone would ever have been interested in my story,” she said in a recent phone interview. Dirie's story, published in her book “Desert Flower,” is now the basis of a film of the same name opening Friday at Cinemas Palme d'Or in Palm Desert. Speaking from her current home in Gdansk, Poland, Dirie said she is excited that the film is finally coming to the U.S. “I've waited a long time for it to come to America,” she said. “America needs to understand that this is not in the Quran, that it is not religious. FGC (female genital cutting) is a brutal, brutal crime against women and nobody talks about it.” Interest in turning Dirie's story into a film began shortly after her book was published, but it took nearly a decade before it became reality. In the intervening years, Dirie published “Desert Dawn,” “Letter To My Mother” and “Desert Children,” which was used to launch a European campaign against FGC. Once the film, which stars Somali model Liya Kedebe, began shooting, Dirie stayed away from the set. “I didn't want to see what they would do to my story until it was finished,” she said. But Dirie is pleased with the finished product. “When I see people walking out of the cinemas with such sadness and anger on their faces, I know my story got to them,” she said. “That was what I wanted.”
-
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay doorasho dalka ka dhacda, kana hadlay xaaladda dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheikh Axmed ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan doorasho madaxweynenimo oo la qabto. Madaxweynaha oo maanta xarunta madaxtooyada Villa Somalia kula hadlayay mudanayaall baarlamaan oo 100 ka badan, ayaa sheegay in uusan wax ka qabin in doorasho ka dhacdo dalka , maadaama muddadii dowladdu ay haatan gabaabsi tahay . Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu ku dheeraaday ka hadalka xaaladaha adag ee dalka ka jira sida abaaraha iyo colaadaha, waxa uu xildhibaannada iyo mas’uuliyiintii kale ee kulanka joogay kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka iyo dadka looga samata bixin lahaa dhibaatooyinka jira,waxa uuna ku baaqay isku duubni in lagu waajaho dhibaatooyinka jira oo dhan. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in waqtiga u haray Dowladda uu iminka yahay mid gabo gabo ah loona baahanyahay in la dhamaystiro tallaabooyin badan oo ay Dowladdu horay u qaaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Dowladdu ay sii socoto ayna u baahantahay wadashaqayn dhexmarta Hay’adaha dowladda iyo tallooyin midaysan oo laga qaato go’aanada hadda yaala. Sidoo kale Mudane Shariif Sheikh Amxed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu hoosta ka xariiqay in doorasho uu diyaar u yahay, islamarkaana uusan diidanayn laakiin waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaantahay in la eego waqtiga ku haboon iyo muhiimada arinkaasi uu leeyahay, isagoo mudanayaasha u sheegay in waxwalbo ay u baahanyihiin diyaar garow, dadaalkana ay lagama maarmaantahay in mid intaa kabadan lala yimaado si howlaha yaala loo fuliyo. Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa ugu dambayntii tilmaamay in xilligan loo baahanyahay in xal laga gaaro marxaladaha muuqda, Xukuumaduna ay soo gayso waxqabad iyo mowqif midaysan oo lagu wajaho dhibaatooyinka dalka ka jira gaar ahaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha dhibaatada ku haya umadda, dadaalka Xukuumadana loo garab geli lahaa maadaama ay muuqdaan tallaabooyin badan oo wax laga qabtay siyaasadda dalka iyo howlaha amniga ay u baahan yihiin in la isku jaangooyo ee aaney hakinin howlaha hadda la wado Kulankan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed uu la qaatay mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa kii labaad oo muddo todobaad aan ka badnayn ayaa waxa uu Madaxweynuhu mudanayaasha kala hadlay sidii looga gudbi lahaa marxalladda adag ee uu dalku marayo. Dhageyso
-
Deeq raashin ah oo loo qaybiyey qoysas dan yar Munaasabadaan lagu soo gabo gabeynayey qaybinta deeq mucaawino ah oo ka timid hay’adda bisha cas ee dalka Iiraan, ayna u soo marsiiyeen Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey magaalada Muqdisho. Deeqdaan oo loo qaybiyey in ka badan 2000, oo qoys ayaa waxa ay soo bilaabatay 10-kii bishaan, iyadoo deeqdaasi raashinka ah oo isugu jirta Bur, Bariis iyo Sonkor loo qaybiyey maanta qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda ay wax ka bartaan Machadka Qamar oo ay maamusho Wasaaradda haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya. Ugu horeyn waxaa halkaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska Marwo Maryan Qaasim Axmed oo hay’adda bisha cas ee Iiran uga mahad celisay deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen looguna talagalay in la gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan gudaha dalka. Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa *****lka ka qaaday in deeqdaasi mucaawinada ah loo qaybiyey sidii loogu talagalay, iyadoo ka dalbatay mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee Iiran in ay joogteeyaan kaalmooyinka ay sii nayaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka ee ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa dhinaca kale xustay in bisha May ee sanadkan ay ardayda wax ka barata Machadka Qamar laga rari doono goobta ay hadda wax ku dhigtaan, taasi oo ay ku tilmaamtay in ay aad u yartay, ayna rajaynayso in la geyn doono goobo kale oo ka ballaaran goobta ay iminka wax ku bartaan. Arritintaan ayaa waxa ay qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoska ay ugu jirto wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan haysta.
-
Wasaaradda Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun Caafimaad Published on April 20, 2011 by Editor Munaasabad xariga looga jarayey xarun caafimaad oo ay yeelato degmada Xamar Jab Jab ee Gobolka Banaadir iyo degmooyinka la deriska ah ayaa maanta ka dhacday xarunta degmadaasi, ayadoo munaasabadaasina ay ka qayb galeen mas’uuliyiin uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya. Munaasabadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana xarriga looga hajarayey xarun caafimaad oo degmada Xamar jab jab ku taala ayaa waxaa sidoo kale ka qayb kalay taliyaha ciidanka booliska ee Gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin, taliyaha Qaybta bartamaha Cali Xiris Barre iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay. Mas’uul u hadlay hay’ad lagu magacaabo Osbid oo dib u dayactir ku sameysay xarunta maanta xarriga laga jaray oo markii hore ahaan jirtay xarun caafimaad laguna magacaabio Unburitooriye Ceel gaab ayaa sheegay in dib u habeynta ay ku sameeyen ay tahay mid ka dambeysay wadaniyada iyo wada hadal ay la geleen Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Degmadasi taasi oo uu ku tilmaamay in ay ku guuleysteen dib u dayactiridda xaruntaasi caafimaad. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in xaruntaan caafimaad ay haqab tiri doonto baahida Caafimaad ee ay u qabeen dadka ku nool degmada Xamar Jab Jab iyo degmooyinka kale ee ku xeeran, waxaana uu intaa ku daray in dhismooyinkii wasaaradda caafimaadku lahaan jirtay ay bur bureen. “waxaan rabnaa in aan dib u dayactir ku sameyno xarrumihii caafimaadka ee ku bur buray dagaaladii dalka ka dhacay, Wasaaradduna ay gacan weyn ka geysan doonto sidii dib loo soo nooleyn lahaa xarrumihii caafimaad ee wasaaraddu hoos imaan jirtay”ayuu hadalkiisa ku daray. Dr Aadan Xaaji Ibraahim ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dadaallada Xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto wax u qabashada Umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo kaalmooyinka dalka dibadiisa uga imaanaya ee ay gacanta ku hayaan hay’ado kale oo danno gaar ah ka leh arrimaha Soomaaliya. Tallaabadaani ayaa qayb ka ah sidii bulshada Soomaaliyeed loogu gaarsiin lahaa adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin.
-
Wasaaradda Caafimaadka oo guddoontay deeq daawo ah Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u guddoontay Deeq daawo ah oo ka timid Isutaga Imaaraadka Carabta, taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladaha caafimaad darri ee ka jira Gudaha Soomaaliya. Xafladaani Wasaaraddu Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay kula wareegeysay deeqdaasi daawada ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamig ah ee Aadan Cadde halkaasi oo ay ka qayb galeen mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Hadal ay ugu horeyntii halkaasi ka jeedisay Wasiiru-dowlaha xafiiska R/wasaaraha Sahro Max’ed Cali Samatar ayaa waxa ay ugu horeyn uga mahad celisay dowladda isutaga Imaaraadka carabta kaalinta wax ku ool ka ah oo ay la garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay intaa ku dartay in deeqdaasi ay wax weyn ka tari doonto baahida bulshada Soomaaliyeed ay u qabaan dhanka daawooyinka. Wasiiru-dowlaha Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in arrinkaani ay si gaar ah uga mahad celinayaan madaxda sare ee Isutaga Imaaraadka Carabta, iyadoo baaq u dirtay dowladaha kale inay kaalmo beniaadnimo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee aafeeyeen colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday ee Soomaaliya ka taagan. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Cismaan Ibraahim libaax ayaa isna sheegay in ay deeqdaani daawada ah aanu midii ugu horeysay, isagoo tilmaamay in ay jiraan kaalmo daawo oo dhanka badda loo soo marsiinayo kuwaasi oo uu xusay in ay ugu deeqeen Isutaga Imaaraadka Carabta. Munaasabadaasi ayaa ku soo idlaatay sidii loogu talagalay.
-
Safaarada Soomaaliya ee Suudaan oo Xarriga ka jartay Xafiis Cusub Xaflad ballaaran oo lagu furayay Xafiis si rasmi ahaan ay uga shaqeyn doonaan Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan ayaa ka dhacday Xarunta Ururkaasi, iyadoo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee Suudaan ku dhaqan. Furitaanka Xafiiskaasi cusub ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay suudaan Mudane Ibraahim Guure Maxamed oo sheegay in uu aad u faraxsanyahay xafiiskaasi cusub, waxaana uu tilmaamay in ururka arday Soomaliyeed laga doonayo inay ka shaqeeyaan wax u qabshada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baraneysa wadanka Suudaan Safaarada Soomaaliya ee Suudaan ayuu xusay in kaalin weyn ay ka qaadatay xalinta khilaafaadkii ka dhex aloosanaa Ururka Ardayda Soomaaliyeed. Sido kale waxaa halkaasi ka hadlay Aadan Cabdi Saneey oo kamid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan muddo badan kunoolaa halkaasi kaa oo tilmaamay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Xafiiskaasi cusub, isagoo ku booriyey inay ku dadaalaan sidii ay uga fogaan lahaayeen khilaaf soo kala dhex gala ardayda dhexdooda, ayna ka hortagaan wax kasta oo ardayda Soomaaliyeed u keeni karra bur bur. Dadkii munaasabadaasi hadalada kala duwan ka soo jeediyey ayaa waxa ay dhamaantood ku booriyeen sidii ay uga gudbi lahaayeen qabad kasta oo ay u arkaan in ay u dhimeyso danaha Soomaaliya iyo tan ururkooda intuba. Munaasabadaasi ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan
-
Jacpher;712900 wrote: Just some rogue politicians trying to score a goal against current PL admin . There are way to many ways of getting even with Faroole than declaring a state within a state. I hardly doubt if their own constituent want to heed that direction. Judging by the VOA interview it sure sounds like goal scoring against Farole's admin.
-
Amiir Axmed Cabdi Godane talks About the Wars with Amisom
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Markaas waxaa looga dhawaaqey Sweden, markanse gudaha wadanka ayaa looga dhawaaqey.
-
Casayrland Youth Union oo sheegay inay garab taagan yihiin maamulka raascasayr state of somalia Ururka dhalinyarada casayrland ayaa aad u soo dhoweeyey maamul goboleedka cusub ee looga dhawaaqay magaalada caluula ee caasimada maamulkaas ururkan ayaa sheegay in aad u soo dhowaynayaan horumarka la taaban karo ee ka dhacay deegaanadaas waxayna sheegeen inay aad ugu riyaaqeen madaxwaynaha maamulkaas loo doortay eng farah mohamuud yuusuf dooxajoog waxayna sheegeen in tani ay tahay midnimo iyo horumar dhan walba leh oo ay gaareen shacabwaynaha deegaanada raascasayr waxayna ugu baaqeen golaha wasiirada cusub ee loo doortay maamulkaas inay ka shaqeeyaan horumarka sidoo kale waxay ugu baaqeen dhalinyarada inay la shaqeeyaan maamulka garab istaagaan sidoo kale waxay maamulka puntland ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan daris wanaag iyo xiriir dhex mara labada maamul ee raascasayr iyo puntland isku soo wada duuboo madaxwaynaha maamulka raascasayr oo la hadlayey idaacada VOA laanteeda afsoomaaliga ayaa sheegay in ay u soo jeesteen wax qabad sidoo kale waxuu qurba joogta degaankaas ugu baaqay inay maalgashadaan deegaanadaas oo ilahay uu ku manaystay kheyraad dhan walba waana deegaanada ugu kheyraadka badan goboda waqooyi bari Allcaseyr.net
-
More maamul goboleed to come.
-
Dr Bare Faatax ”Puntland Waa Maamul aanu Darisnahay” Maamul Goboleed cusub oo loo bixiyey Raascaseyr State, ayaa lagu dhaawaqay maanta, waxaana madaxweyne loogu doortay Faarax Maxamuud Yusuf (Dooxa-joog) halka kuxigeena laga dhigay Dr. Barre Faatax. Madaxweynaha cusub ee mamulkan Raascaseyr, wuxuu xil wasiirnimo ka heyn jiray dowlada Puntland, wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahano kasoo jeeda beelaha raascasayr oo sanadkan gudihiisa shir ugu soo dhamaaday degmada Baargaal. Soo Shaacbixida maamulkan ayaa in muddo ah la hadal-hayey, waxaana sida la sheegay ugu dambayn la go,aansaday in lagu dhawaaqo 18kii bishan April. Hadaba si aanu faah-faahin dheeraad ah ugu ogaano ujeedada iyo hadafka loo unkay maamulkan cusub, iyadoo beeshani hormuud u tahay beelihii ku bahoobay maamulka Puntland ayaa waxaa su,aashaas weydiinay Dr. Barre Faatax ” Waxaan goosanay inaan yagleelno maamul ka madxbanaan Puntland, oo daris wadaag la ah, markii aan ka aamin baxnay dowlada Puntland oo iyadu haba-yaraatee aan wax dan ah gobolkeena u hayn”. ayuu yiri Madaxweyne xigeenka cusub oo isagu xafladiisa caleema saarka lagu qaban doono magaalada London, halka Faarax dooxajoogna uu magaalada Caluula haatan ku sugan yahay. Dhanka kale idaacad VOA ayaa wareysi ay la yeelatay madaxweynaha maamulka Caseyr-land wuxuu faah-faahin dheer ka bixiyey sababihii ku kalifay inay abaabulaan maamul ka gooni ah kan Puntland. ”Laba shir baa la qabtay, waxaa kulmay qurabjoogta iyo dadka kale ee gudaha ku nool, sababta waxay ahayd in la sameeyo laba Gobol oo lakala yiraahdo Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu tahay magaalada Caluula”. ”Jahli iyo cuduro ayaa halkaas ka jira dowladu waligeed ma soo eegin, bil walba haween ayaa ku umula badda korkeeda iyagoo loo sii wado Boosaaso, runtii waxaa jirta baahi aan u qabnay in goboladaas wax loo qabto” sidaas waxaa VOA u sheegay madaxweynaha Caseyr-land. ”Aniga madaxweyne ayaa la ii doortay (Farax dooxa joog) kuxigeena waa Barre Faatax” ”Maamulka Puntland dheg uma jalaqsiin codsiyo badan oo aan u gudbinay, dhawaana xataa markii aan madaxda Puntland u tagnay waxay noogu jawaabeen aflagaado iyo bahdil” ayuu mar kale ku jawaabay. Faarax dooxa joog ayaa isagoo ka jawaab celinayey su,aal ahayd inay wali hoos iman doonaan maamulka Puntland ayaa ku jawaabay:- ”Maamulka Puntland waaan ka madaxbanaanahay, totatly ma hoos imaano maamulka Puntland, waxaan sugaynaa dowlada dhexe oo federaal ah.” Sidoo kale Masuulkan ayaa xaqiijiyey xariga nin aqoon yahan ah oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Ciise, kaasoo maalmihii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga magaalada Garoowe, aqoonyahankan ayaa isaguna kasoo jeedaa beelaha ku dhawaaqay maamulkan cusub. Dad badan ayaa saadaalinaya inay arrintani tahay bilowga kala xarig furasho ku timid maamulkii Puntland ee la unkay sanadii 1998dii. allcaseyr.net
-
Isniin 18 April, 2011 Maamul ka madaxbannaan Puntland ayaa xalay looga dhowaaqay gobolka Bari, kaasoo la baxay Raascasayr State of Puntland. Maamulkaasi ayaa doortay madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo gole wasiiro oo ka kooban afar xubnood. Waxaa madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxa joog) oo horey wasiir uga soo noqday maamul goboleedka Puntland, halka ku xigeenna loo doortay Barre Faarax. Mr. Dooxa Joog ayaa VOA u sheegay in maamulkaasi uu ka kooban yahay labo gobol oo kala ah Gobolka Binna oo caasimaddiisu ay tahay Baargaal iyo gobolka Boolimoog oo caasimaddiisu ay tahay magaalada Caluula. Dooxa Joog ayaa sheegay inaysan ka tirsaneyn maamulka Puntland, isagoo ku eedeeyay inay canshuurta ka qaataan deegaanadaasi, haddana dayaceen gobolka. http://www.voanews.com/somali/news/Bari-Raascaseyr-State-of-Somalia-oo-lagu-Dhowaaqay-120069994.html
-
Libaaxyadii dekedda Muqdisho lagu qabtay oo Uganda loo qaadayo Liibaaxyadii yar-yaraa ee lagu qabtay dhawaan dekedda magaalada Muqdisho xilli la doonayay in si dhuumaaleysi ah halkaaso looga dhoofiyo ayaa waxaa iminka loo wadaa dalka Uganda si ay ugu noolaadaan. Libaaxyadan "caruurta ah" oo kala ah lab iyo dhadig walaalo ah ayaa hooyadood xabad lagu dilay, waxaana markii dekedda Muqdisho lagu qabanayay loo waday dalalka isu tagga imaaraadka (Dubai) halkaasoo loo iib geyn rabay. Tan iyo markii la bad-baadiyay ayaa waxa ay ku jireen xero loo sameeyay taas oo ku taal duleedka garoonka diyaaradaha oo ay ku sugan yihiin ciidamada Uganda. Ra`iisal wasaarada Soomaaliya Maxmed C/laahi Farmaajo oo arintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in ay bad-baadinayaan naf walba, xataa duur-joogta, balse waqti xaadirkan ujeedadiisu tahay sidii uu Al-Shabaab u tir-tiri. Wararka ayaa sheegaya in libaaxyadan laga keenay magaalada Ber-bera ee waqooyiga Soomaaliya, mana cada wali qaabka Muqdisho lagu keenay. Ma ahan markii ugu horeysay oo dibadda loo iib geeyo duur-joogta Soomaaliya oo ay colaada dabada dheeraatay intooda badan leysay.
-
The court finally ordered him to be deported back to his native land in the Ethiopian administered Somali Region once he finishes serving his two year term. Fadlan ha is ceebeynina markale, iska suga inta aad information ka heleysaan intaadan Koonfur afka la soo gelina. Shame on you. http://somalilandpress.com/somaliland-man-arrested-for-claiming-prophethood-21786
-
Gabhdha K/Koleyga Muqdisho oo u ambabaxay tartanka ECAIBC ee Nairobi Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) - MUQDISHO: Xulka Gabdhaha Kubadda Koleyga Caasimadda Muqdisho oo muddo labo bil Tababar ku qaadanayay garoonka dugsiga sare Booliska [scualo Polizia] ayaa u ambabaxay ka qeybgalka tartanka Inter City oo 19ka April ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wafdi ka kooban 19 xubnood oo isugu jira madax iyo ciyaartoy ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde , waxaana wafdigan hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali “Roombo” ayaa ka hor inta aysan ka ambabixin Muqdisho ciyaartoyda kula dardaarmay inay muujiyeen ciyaar wanaag ay ku dheehan tahay karti iyo asluub. “ Haddii aad tartankan ka keentaan guulo waxaad ogaataan inaan sanad walba kaga qeybgeli doonno wiilal iyo gabdho” ayuu yiri Roombo” newsinside“hore waxaan xoogga u saarnay ka qeybgalka tartanka InterCity ee wiilasha lakiin sanadkan XSKK wuxuu door biday inuu ahmiyad siiyo gabdhaha si loogu dhiirigeliyo isboortiga” Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Roombo ayaa tibaaxay in XSKK mar walba ku dadaali doono sidaa aan fagaarayaasha caalamka looga waayin ciyaaryahanada K/Koleyga Soomaaliya. wuxuuna ugu mahadceliyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wasaaradda Isboortiga iyo GOS kaalinta ay ka gaysteen inuu najaxo ka qeybgalka tartankan Inter City. Dhanka kale Tababaraha Gabdhaha ku ciyaaraya magaca caasimadda Muqdisho Faay Aweys Maxamed ayaa u mahadcelisay Guddoomiyaha XSKK dadaalkii uu u galay ka qeybgalka gabdhaha ee tartankan, waxayna sheegtay inay ilaalin doonaan ciyaartoyda magaca iyo sumcadda caasimadda Muqdisho. Waa markii ugu horeysay tartankan Caasimadaha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay ka qeybgalaan gabdho Soomaaliyeed oo matelaya magaca Caasimadda Muqdisho, waxaana hore ugu qeybgeli jiray tartan dhinaca Soomaaliya wiilasha oo keliya. Kala soco Hiiraan Online warbixinta cayaarha berito ka bilaabandoona magaalada Nairobi. Said Ibrahim saciid_buuna@hotmail.com
-
omalia’s Islamists try to halt aid Traditional society may provide hope for Somalis caught in conflict Monday, April 18, 2011 While the world has many ‘forgotten conflicts’ Somalia is beginning to look like an eternal conflict. After the rule of the warlords, Al Shabaab, formerly the military arm of the Islamic Courts Union, has gained control over much of Somalia and have declared war on the UN and humanitarian workers. After briefing the European Commission, Philippe Royan, Technical Assistant for DG ECHO Somalia, spoke to New Europe about the difficulties of delivering aid to a nation that has become synonymous with anarchy. “We are working in a country where 80% of the food security needs are in the regions under the control of Al Shebaab, that is the south and centre. For them, food comes from God and not the World Food Programme, which is why they have been closing down these food programmes”. The humanitarian expert, says that ECHO and the UN agencies are, “tolerated at best” by the Islamic fighters, who are fighting the transitional Somali government. “They asked our partners to register with them, for a fee of $10,000. They said there could be no female staff, no programmes for women and 10% of staff wages should go to al Shabaab, and the same with any contract fees”. They have also expelled 18 partner organisations of ECHO and the World Food Programme, including those who worked in development, “because they say development comes only from God,” and for any organisation with American links. Royan says that there is also many dangers to working in the field, last week two aid workers were kidnapped. They were eventually released after traditional elders intervened. “They have a very strict, Salafist, interpretation of Islam, but there is some tolerance because they have to balance their ideology with the demands of the local population and while they are busy fighting at the moment, they don’t have time to look at the administration of the large territory they control at the moment,” said Royan. He added, “at the same time they were facing the clan elders, who were saying, that were good and taking care of people.” The situation gets more complex when many of the militia fighters, have benefited from the emergency relief in the past. The militia, are in a struggle with the traditional clan leaders. Local commanders are brought in from outside areas, to try to break the influence of the elders. sometimes, these commanders can be more tolerant to aid operations, but it depends on the person and what pressure he is under from his superiors. For Shebaab to succeed, they have to break the traditional systems, including the local councils that look after the life of the community. This is what kept us alive in the previous crisis. If you got an agreement with the local communities and were accepted by them, you could implement things. Now it’s quite different, because these people are no longer strong enough to release a hostage, let a truck through a checkpoint. They say that they agree with us, but don’t have the authority.” Given the nature of those in control of large parts of Somalia, how does ECHO deal with them? “We keep it at a technical level. Talking to them is OK as long as you do not have any other discussions that could give them any form of recognition. They are on the list of terrorist entities, but you have to balance that with your mandate to save and preserve lives. I don’t talk to Shabeeb, nobody in Nairobi does, but our local partners do, but they first talk to the elders and make an agreement with them first.” “It is a risk to approach Shabaab, and our people are really courageous.” There is a grim warning about the future, “We have registered the first generation of young people who have not known a single day of peace in their lives.” This is a problem for those who wish to bring peace to the region as they say it is harder to persuade people to put down their arms if they have no experience, or concept of the benefits of peace. Although the Somali conflicts may seem like a war without end, ECHO staff point out that they have extensive experience in working in conflict areas, and remain optimistic despite the many dangers facing them.
-
Xisbiga Nabada Iyo Hormarinta oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Maanta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliy waxaa looga dhawaaqay xisbi loogu magacdaray xisbiga Nabada iyo Hormarinta waxaana xisbigaan aas aasay dad aqoonyahano ah oo isku tagay. Munaasabada maanta xisbigaan looga dhawaaqay ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf aad u badan qaar ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka KMG Soomaaliya odoyaal waxgarad iyo waliba Aqoonyahano. Mudane Xasan Sheekh oo ka ka mid ah aasay aasayaasha xisbiga ayaa waxa uu sheegay in xisbigaan aas aasay ka dib markii aqoonyahana Soomaaliyeed ay arkeen marxalada uu imnka ku jiro dalka isla markaana ay arkeen aqoonyahana Soomaaliyeed in loo baahanyahay maskax nadiif ah oo waxbadan soo kordhin karta. Waxa uu Sheegay Mudane Xasan Sheekh in xisbigaan uu ku dadaali doono sidii umada Soomaaliyeed ay ku heli lahayd nabad isla markaana ay ugu tilaabsan lahayd hormar. "Anaga Beesha caalam dhibaato ayay nagu haysaa nagana dhibaato ayaan ku haynaa waxaa loo baahanyahay in aan dhibaatada ka qaadna iyana ay dhibaatada naga joojiso taasina waxaa lagu gaari karaa dadaal iyo waliba in la helo aqoonyahano hogaamiya dalka'"ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh. Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay masuulkaan in xisbigaan uu u furan yahay cid kasta oo jecel nabada iyo Hormarka umada Soomaaliyeed oo aanan waliba ka qayb qaadan bur burka iyo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya. Sidoo kale Munaasabadaan ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya waxa uuna sheegay in loo baahanyahay xisbiyada cusub in ay soo baxaan maadaama uu sheegay in dhowaan la qaban doono doorashooyin. Waxa uu tilmaamay mudanahaan ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya in baarlamaanka uu meel marin doono xisbi kasta oo soo buuxiya shuruudaha looga baahanyahay xisbiyada siyaasada ee wadanka Soomaaliya. Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha odoyaash dhaqanka ****** oo asna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah u soo dhowaynayaan xidigaan cusub oo uu sheegay in ay horkacayaan dad aqoon yahano ah oo wax wayn ku soo kordhin kara dalka. Shirwaynahaan sidoo kale waxaa ka dhex muuqday fanaaniinta Soomaaliyeed ee hobalada Waabari kuwaas oo qaadayay heesho wadani ah.