Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Like wasiirka arrimaha dibada ee SL indha adeegiisii uu ku tagey shirkii Soomaliyeed ee London, kadibna yiri, waxaan la mid ahayn ergaga ka socday wadamada jaarka oo ay ka mid ahaayeen Ethiopia iyo Kenya, when in reality none of those countries sent delegates to that meeting. Classic bacaaaaaaac!
  2. Jacaylbaro;709407 wrote: It is Politics adeer ........... believe me one of the two will attend. Yeah! it is politics and you need to learn it. Bacaaaaaaaaaaaaaaaac!
  3. Warku waa cad yahay. Bacaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaac!
  4. Your comment is BACAAAAAAAAAAAAAAAAAAC! UN office must relocate, waa muqadas. If they can have offices in Congo, they can certainly have offices in Mogadishu.
  5. Bandhig lagu muujinayay buugaagta Soomaalida oo ka dhacay Norway Markii ay taariikhdu ahayd 22 iyo 23 bisha afaraad 2011, ayaa lagu qabtay wadanka Norway caasimadiisa Oslo, bandhig lagu muujinayay buugaagta ay qoreen soomaalida, sidoo kalena, dhaqanka qaniga ah ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed. Bandhigan oo noociisa mid lamida aan horey loogu qaban wadanka Norway, balse, noqon doona haduu alle idmo mid sanadle ah si umada soomaalida ah ee ku nool wadanka Norway ay jaaliyadu ugu baraarujiso qiimaha iyo qaninimada uu leeyahay dhaqanka iyo afka soomaaliga , ayay ka soo qayb galayaashiisu ka kala yimaadeen qaarada Afrika, Yurub iyo waqooyiga Amerika. Barnaamijkan waxaa lagu bilaabay habeen casho, dadkii ka soo qaybgalayna iyaga oo ku qanacsan sida barnaamijka uu u dhacay ayay guryahoodii ukala dheelmadeen. Maalintii habeenkaas xigtay oo ay ahayd taariilkhdu 23 , bisha afaraad , kuna beegneyd maalinta buugaagta aduunka, ayay maskaxmaalayaashu ku soo bandhigeen casharo la xariira dhaqanka, suugaanta , buugaag qiimaha ay xanbaarsanyihiin aanan waxba lagu miisaami karin, goobta kulamada caalamaiga ah lagu qabto ee Håndverkeren. Barnaamijka maalintiisa labaad waxa uu socday inta u dhaxaysay waqtiyada kala aha 12:30 ilaa19:30 fiidnimo. Barnaamijkan waxaa ka qaybqaatay shirkada daabacda buugaagta qurbejoogta soomaalida ee loogu yeero SCANSOM ee uu matalayay qoraaga, mudane, Maxammed Sheeikh Xassan iyo Agaasimaha shirkada, Mr. Cabdirashiid, qoraaga caanka ah,mudane, Dr. Maxammed Daahir Afrax (Djibuti), qoraa; mudane, Siciid Cali Shire (UK), qoraa; mudane, Cali Khayr (Norway), Faaduma Cali Madar (musharax xubin kursiga maamulka degmeda Oslo), Ubax Cabdulqaadir (Musharax xubin, kursiga maamulka degmeda Oslo), Cabdicasiis Maax (abwaan). Martisharaftii madaxda ahayd ee goobta ka jeedisey hadalo lagu dhiirigelinayo horey u wadida dhaqanka iyo afka soomaalida ayay kala ahaayeen ; Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya, mudane, Cali Cabdi Awaare, Wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo horumarinta maamulada degmooyinka ee Puntland , Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh). arnaamijkan waxaa soo agaasimay; jaaliyada qurbejoogta Soomaalida Norway, sigaarana waxaa ugu xilsaarnaa fulintiisa madaxa jaaliyada , mudane Cabdiwahaab Maxammed Siciid, madaxa arimaha bulshada ee jaaliyada, mudane , Cabdirisaaq Siciid Bille (dhuubane). Barnaamijka waxaa xiriirinayay madaale, aftahan , Ciiro. Waxaa dhaqaalaha barnaamijka ku deeqay ; degmeda Oslo qaybteeda dhaqanka, Kulturrådet . More pics
  6. Mogadishu Friday 22 April 2011 SMC Kumaan kun taageerayaal oo la oran karo waa tiradii ugu badneyd ee fagaarayaasha sportiga isugu timaada tan iyo horyaalkii 28-aad ee lagu qabtey garoonka Da'da ah ee Conis Stadium, ayaa galabta u soo xaadirtey kulan ciyaareedka Elman iyo B/telecom,kaasi oo lagu qiyaasi karay inuu la mid ahaa Derby De italia ee labada Milan ama kulankii Copa Del Rey Final ee xaley ka dhacay Mestalla Stadium. Elman Fc oo hogaanka 30-dhibic ku horkeceysay ayaa garoonka iskeentay iyadoo ujeedadu ay ahayd xitaa hal dhibic kasoo qaado B/telcom maadaama ay tahay koox weyn oo horyaalka heysay sanado aan la ciyaarin wax horyaala marxalada dalka awgeed. Macalinka Da'da yar ee Elman Fc Yuusuf Cali Nuur ayaana gudaha garoonka ka hore ciyaarta iigu sheegay in kubadd wanaagsan ay ciyaarayaan guushuna ay dhex taalo 2-da kooxood iyo wixii ay kala helaan,waxaana uu xusey in dhaliyahooda hogaanka u haya gool dhalinta ee C/casiis Hoomey uu dhaawac dartii u ciyaari karin. B/telcom ayaan waxba lasoo harin waxayna garoonka is keeneen iyagoo ku xisaabtamaya ka aarsada Elman oo lugtii hore guul daro idiin baday, Walow rajada B/telcom ay lahayd ay tahay ciriirsada kaalinta 3-aad oo abaal marin lagu bixinaayo, hadana waxaaba kala weyneyd yeysan idiinku dabaal degin Elman ee ka adkaada, sidaasi waxaa ii xaqiijiyey qaar ka tirsan xidigaha B/telcom oo ciyaarta ka hore aan la kulmay. 3:35 daqiiqo ayaa kubadii uu fasaxay garsoore Nuur Maxamed C/dulle (Nuur-Roze) oo ay calanka u hayeen Saalax iyo fiidow. Elman waxay ciyaarayeen qaaka 4-4-2 walow mar marka qaar qeybta danbe 5 ay ka dhigayeen, B/telcom dhexda ayey aad u xoojiyeen waxana macalinkoodu ku ciyaarsiiyay 4-5-1 taasina waxaa kaga dhashay gool qeybtii hore, daqiiqadii 15-aad iyadoo ciyaaryahan Saacid Saalax Xuseen uu Elman u saxiixay goolkaasi, waxaa isbedelay jawiga garoonka sawaxan,sacab iyo durbaan ayaa laga dareemayey xitaa 1-km meel u jirta garoonka lagu baratameyey, Qeybtii koowaad sidaa ayaa lagu kala nastay,iyadoo Elman fc ku hogaamineysay 1-0. Laakiin markii qeybta 2-aad dar daaran ay labada macalin soo siiyeen xidigahooda ayey ciyaartii kululaatey Banaadir ayaa waxaa u suura gashey iney dhaliyaan goolkii bar-bardhaca kaa oo ahaa laad xor ah ama Bulusiyoone uu 20m ka dhaliyey Nuune Xuseen Abti-doon ka dib waxaa ruxmay garoonkii oo idil, sawaxan ka badan kii Elman taageerayaashooda ayaa dhacay, waxayna sababtu ahayd taageerayasha B/telcom oo garab ka helayey kuwa SITT Daallo oo last game beri la ciyaaraya Heegan rajana ka lahaan karey hadii Elman laga adkaado. Iyaguna Heegan ka badiyaan. ELMAN dhowr weerar ayey qaaday wixii goolka lagu bareejeeyay ka danbeyey.waxaana xusid mudan kubad gool loo filan karey oo daqiiqadii 85-aad uu si dirqi ah ku bixiyey goolhaye C/weli Khanyare (GAATAMOW) oo ka mid ah goolhayasha ugu wanaagsan tartanka, si kastaba 1-1 ayey ku idlaatay ciyaarta waxaana halkii ka bilowday dabaal dega taagerayaasha Elman Fc oo aad u xamaasadeysnayd mudana sugayay iney ku soo laabtaan hanashada horyaalka oo ay horey ugu guuleysteen 4-jeer iminkana xareystay kii 5-aad. Waxaa halkii lagu bixiyey bilado iyo Koobkii 1aad oo Elman la siiyey.halka sida uu sheegay Gudoomiyaha xiriirku abaal marinada guud lagu bixinayo xaflad marka uu dhamaado horyaalka oo dhowr kulan kaliya ka hareen. Biladaha waxaa si wadajira xidigaha Elman Qoorta ugu surayey Gudoomiyaha GOS Aaden X.yabarow ( Wiish) Ku-xigeenkiisg Duraan Axmed Faarax. Gudoomiyaha Xiriirka & ku-xigeenkiisa Said Muganbe iyo Cali Said Guled iyo Dr Cabdi Ibraahim (Dr Jiiyaa) oo ah Madaxa ururka caafimaadka X.s.k.c. Xiriirka kubadda cagtu ayaa si weyn loogu amaani karaa Dadaalka ay u soo galeen qabashada horyaalkan,walow ay hore ugu guuleysteen horyaalada heerarka 3-aad 2-aad tartanka dugsiyada iyo koobkii taarikhiga ahaa ee gobolada.hadana horyaalka 36-aad heerka 1-aad waxaa uu ahaa mid loo dhabar adaygay marka la eego xaalada muqdisho ay iminka ku sugan tahay iyo tirada shacabka u heelan sport iyo nabad oo qaarkood uga imaanayey daawashada horyaalka degmooyin fog fog muqdisho, Ceelasha Biyaha,Lafoole. Afgooye,warshiikh.darmooley.balcad oo dhamaan ka tirsan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe. that's the spirit C/xafiid C/samad Zaciimka Cell: 2526-1-5517722 zaciimka02@hotmail.com Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 More pics at http://www.somaliweyn.org/pages/news/Apr_11/22Apr16.html
  7. Wasaaradda Macdanta oo dadaal ugu jirta sidii loo soo nooleyn lahaa hay’adihi hoos imaan jiray Wasaaradda Macdanta, Biyaha Tamarta iyo Shidaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kicin doonto Dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa Bulshada oo ay maamusho Wasaaraddaasi. Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay kusimaha Wasiirka Wasaaradda ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan Yuusuf faarax Dujaan, Ku simaha Agaasiamah Guud ee Wasaaradda iyo Howlwadeennada ka howlgalla xarunta Wasaaradda macdant biyaha tamarta iyo Shidaalka, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Marwo Khadiijo. C/raxmaan Yuusuf Faarax Dujaana Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka oo hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa tlmaamay in dhawaan ay dib usoo nooleynayaan Wakaaladihii Biyaha iyo Warshadii Koronta ee Eneeyo si ay uga faaiideystaan Shacbiga Soomaaliyeed, taasi oo uu xusay inay qayb weyn ka qaadan karto dhamaan adeegyadii guud ee bulshada. Sidoo klae Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa sheegtay inay si aad ah ugu faraxsantahay xilka loo dhiibay islamarkaana ay diyaar u tahay Qorshe howleedka u dagsan Wasaaradda Macdanta Biyaha Tamarta iyo Shidaalka ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay ka codsatay howlwadeenada Wasaaradda inay gacan kusiiyaan gudashada waajibaadka shaqo. Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo shidaalka ee Soomaaliya ayaa wadday maalmihii ugu dambeeyay qorsheyaal ay ku soo celinayso nidaamyadii lagu maamulayay hay’adaha gaarka loo leeyhaay, kuwaasoo hoos yimaada Wasaaradda Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.
  8. Mushaaraad la siiyay Ciidamada Dowladda iyo sare u kac ku yimid sarifka lacagaha doolarka Xukuumada Soomaaliya ayaa bilowday inay mushaaraad siiso Ciidamada xooga dalka, waxaana sare u kac uu ku yimid sarifka lacagaha doolarka, iyadoo mar kaliya ay isku soo beegmeen sare u kaca ku yimid sarifka doolarka iyo mushaar siinta Ciidamada. Mushaarka loo qeybiyay Ciidamada Dowladda ayaa gaareysa 200$ (Labo Boqol Doolarka Mareykanka), kaasoo askari kasta la siiyay qiimahaas, iyadoo wadooyinka lagu arkayay askarta Dowladda oo raxan raxan ugu qul qulaya Saldhigyada Dowladda ee mushaarka laga qeybinayay. Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay in mushaar qeybinta ay qeyb ka tahay balanqaadkii Xukuumada ee ahaa inay daryeelayaan Ciidamada Dowladda, isla markaana ay si joogto ah u qaadanayaan mushaarkooda. Hase ahaatee lacagahan mushaarka la siinayo ayaa ah kuwo labo bilood ah, oo Ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Xooga dalka la siinayo askarigiiba. Laakiin maalmihii u dambeeyay dhinaca maciishada qutul daruuriga ayaa aheyd mid meel dhexe iska sabeyneysa, sidoo kale sarifka doolarka ayaa hoose ahaa, laakiin waxaa mar kale suuqyada laga dareemay sare u kaca ku yimid sarifka Doolarka. Boqolka Doolarka Mareykanka ayaa iminka lagu sarifayaa 3200, 000 000 (Saddex Milyan iyo Labo Boqol Shilinga Soomaaliga), waxaana taasi keentay in sidoo kale uu sare u kaca qiimaha maciishadaha kale duwan. Mid ka mid ah Ganacsatada suuqyada Xamar weyne oo aan maanta la kulanay ayaa inoo sheegay in sare u kacan ay ku sii aaday, xilli dhowaan la geli rabo bad-xiranka, xilligaasoo ay yaraaneyso maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha ganacsi wada ee dalalka dibadiisa ka yimaada, waxaana dhacda xilligan oo kale in baqaarada waa weyn lagu keydiyo raashinada iyo bagaashka, ilaa laga baxayo bad xiranka. Xilliyadii hore ayay isku soo beegmi jireen mushaaraadka la siiyo Ciidamada oo doolar ahaan u qaataan iyo sare u kaca ku yimaada sarifka, waxaana hada aad loo hadal hayaa arrintan, maadaama ganacsida dalka uu udub dhexaad u yahay doolarka, taasoo meesha ka saartay qiimihii uu lahaa shilinga Soomaaliga, oo hada uu noqday Beesada kunaa u weyn Kunaa u Yar.
  9. Jacaylbaro;714253 wrote: What a contradiction ............ Farmaajo was calling the UN to relocate to Mogadishu last week saying the city is save and now postponing "elections" coz of insecurity ??? ,, Jacaylbaro;714280 wrote: BACAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAC ........ Hay'adaha lacagta ku qaata magaca Soomaaliyeed iyo election ayaad rabtaa inaad isbarbardhigto. Eesh calaa caqli eh!
  10. Jacaylbaro;714337 wrote: ..... odaygu inuu intaa ka caqli badan yahay baan u haystay Adiga u caqliyey since aad ka caqli badan tahay.
  11. Somalina

    Niqaab

    Waxaan ugu soo dhejiyey in LG ay ka tusaale qaadato sida wax loo soo bandhigo. Teeda kale, this topic 1000 jeer ayaa laga hadley halkaan. Dadkaan ma daalaan miyaa?
  12. The title adiga ayaa camirtey, GD buugiisa miyaad aqrisataa awoowe? The title should say "Maamulka Raascasayr oo sheegay in Puntland aysan imaan karin deegaanada Maamulka Raascasayr" http://allcaseyr.net/2011/04/24/maamulka-raascasayr-oo-sheegay-in-puntland-aysan-imaan-karin-deegaanada-maamulka-raascasayr/
  13. Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaab oo galabta casir liiqii la wareegay gacan ku heynta degmadaas ay caawa isaga baxeen, kadib saacado ay ku sugnaayeen magaalada. Sida ay sheegayaan wararka Shabaab ayaa uga baxay dhanka Garoonka diyaaradaha oo markii hore ay ka soo galeen, halkaas oo mara wado taga degmada Ceelbuur oo saldhig weyn u ah, waxaana wax yar kadib markii ay baxeen degmada gudaha u galay Ciidamo fara badan oo Ahlusuna, kuwaas oo gurmadyo uga yimid deegaanada kale. Wararka ayaa sheegaya in Shabaab intii ay ku sugnaayeen gudaha Dhuus Mareeb ay dad ku dileen, inkastoo aan la heyn tirada dadka, sidoo kale ilaa saddex ruux oo uu ku jiro nin Sheekh ah ayay horay u sii wateen. Waxaa kaloo la sheegayaa in Shabaabka bililqeysteen Xarumaha Maamulka Ahlusuna, sida Keydkii rasaasta, waxaa kaloo ku jirta Hoy uu leeyahay Gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud oo ay iyana wixii agab ka rarteen. Sidoo kale intii Shabaabka ku sugnaayeen degmada ayaa waxaa ay galeen qaar ka mid ah Xarumaha Hey'adaha sama falka ee halkaas ka howl gala. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Gawaari ay ka qaateen degmada, kuwaas oo isugu jira kuwa caadi ah iyo gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada. Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, ha yeeshee waxaa jira qasaarooyin kala duwan, inkastoo aan la heyn cadadkooda. Ciidamada Ahlusuna ayaa la sheegay in markii ay galeen Dhuusa Mareeb ay qabteen dhanka koofureed iyo halkii ay ka baxeen Shabaabka, gaar ahaan dhanka wadada Garoonka, iyadoo la sheegay in dhankooda doonayaan inay ka jawaabaan weerarka Shabaab ku soo qaadeen degmada. Shabaabka ayaa degmada si lama filaan ah ku soo galay, kadib weerar kedis ah oo ay ku soo qaadeen galabta, kaasoo aaqirkii keenay inay qabsadaan, waxaana Afhayeen u hadlay uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka, saanad hub ay ku qabsadeen. Dadka taxliiliya arrimaha Milateriga ayaa sii saadaalinayay in Shabaab aanay sii heysan karin magaalada, maadaama ay tahay mid dhowr jiho ka furan, ayna Ahlusuna si fudud ay ugu rogaal celin karaan, waxaa taa bedelkeed keentay saacado kadib inay isaga baxaan, si aanay qasaare ula kulmin. Lama oga in Culumaa'udiinka Ahlusuna uu dagaalka lagu soo qaaday uu keeni karo in khilaafka u dhaxeeya uu meesha ka saari karo, dibna ugu midoobi karaan in dagaal wada jir ah ugu qaadaan Shabaab, kadib markii horay ay isugu khilaafeen dhanka hogaaminta dagaalka. Shabaabka ayaa horay weeraro sidan oo kale ku soo qaaday, iyagoo saacado la wareegayay, waxayna dhowaan markii sidan oo kale ay weerar ugu qaadeen Dhuusa Mareeb, markii ay ugu daba mareen Ahlusuna weerarkii ay ku qaadeen degmada Cadaado. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
  14. Somalina

    Niqaab

    Layzie enjoys ruffling SOLers' feathers.
  15. Xaruntii Caafimaadka ee Empratooriyadii Ceel Gaab oo dib loo Howlgeliyey Muddo labaatan Sanno ka dib Sawirro Aqriso
  16. Siminaar loo qabtay Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta Siminaar socon doona muddo 6 bilood ah u furtay Garsoorayaasha Maxkamadda, kaas oo kor loogu qaadayo aqoontaGarsoorka si loo hagaajiyo hannaanka Garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo siminaarkaasi furay ayaa sheegay in garsoorayaashu ay ka faa’iideysan doonaan casharro qiimo leh oo ku saabsan shaqadooda iyo in ay caddaalad sameeyaan, wuxuuna ugu baaqay in ay waqti siiyaan Tababarka si loo gaaro ujeeddada guud. Mudane Ilkaxanaf ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Maxkamaddu ay u taagan tahay sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd, ayadoo la adkeynayo Adeegga Garsoorka dalka oo ahmiyad weyn ku leh dadaalka dib loogu soo celinayo Ammaanka iyo kala dambeyeynta dalka. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa dhawaan loo magacaabay xilka, wuxuuna sheegay in uu wax badan ka qaban doono arrimaha garsoorka dalka.
  17. Madaxweyne Shariif oo magacaabay Garyaqaanka guud ee Dowladda Soomaaliya Sabti, April 23, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa magacaabay garyaqaanka guud ee Dowladda Soomaaliya, wuxuuna xilkaas u magacaabay Avv. Xasan Cali Xeyle oo ka mid ah aqoonyahannada arrimaha sharciga soo bartay. Xaflad ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa laga aqriyay wareegto uu madaxweynaha ku magacaabay Garyaqaanka guud ee dowladda, iyadoo goobtana uu ku sugnaa Avv. Xasan Xeyle. Madaxweynaha oo magacaabista ka hadlay ayaa sheegay in Avv. Xasan Xeyle ay sugeyso howl aad u adag, wuxuuna u rajeeyay in uu ka soo baxo xilka loo magacaabay. Dowladda Soomaaliya ayaanan horay u lahayn wax garyaan ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in aysan dowladihii Soomaaliya loo soo dhisay tan iyo burburkii kaddib aysan yeelan wax garyaqaan ah. Avv. Xasan Xeyle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay howl badan oo aad u adag ay sugeyso, wuxuuna hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in ay ku gacan siiyaan xilka loo magacaabay. Garyaqaanka oo isla goobtaas lagu dhaariyay ayaa magacaabiddiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf u dhaxeeyo hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in howsha ugu horreysa ee uu garyaqaankan qabanayo ay tahay in uu qaab sharci ah u dhexgalo waxyaabaha ay isku hayaan madaxda hay’adaha ugu sarreeya Dowladda Soomaaliya. Sidoo kalena magacaabidda garyaqaankan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay qorsheynayeen in ay la kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan ka qeybgalay shir aysan raali ka ahayn madaxweynaha Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Farmaajo. Ugu dambeyntiina, Goobta lagu magacaabay ee lagu dhaariyay Avv. Xasan Xeyle ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay Seddex Wasiiru-Dowle oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  18. GOS oo Mudisho ka furay tababar muhiim ah Sabti, April 23, 2011(HOL): Waxaa Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho si rasmi ah markii ugu horreysay uga furmay Tababar sare oo maamulka Isboortiga 'Advanced Sport Managemen Cours- Organizing An Olympic Sports Organization Module' kaasoo ay soo agaasintay GOS oo gacan dhaqaale ka halaysa Guddiga Olambikada Adduunka "IOC - Olympic Solidarity". Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin sare oo ka tirsan GOS iyo wasaaradda Isboortiga iyo xubnaha Guddiga Fulinta GOS. Waxana ugu horeyn halkaasi hadalo ku aadan ujeedada Tababarka ka sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee GOS Duraan Axmed Faarax isagoo tibaaxay Tababarkan uu yahay markii ugu horeysay oo dalka gudahiisa lagu qabto ayna casharo ka bixinayaan macalimiin taqasus ku qaatay maamulka Isboortiga. "Tababarkan waa mid sare oo dibadda loo tegi lahaa, lakiin anaga waxaan nasiib u yeelanay inaan dalkeena ku barano markii ugu horeysay macalimiin taqsus ku soo qaatay oo illaa Master ka diyaariyay maamulka isboortiga ayaana casharadan bixinaya. Tababarkan muddo hal sano ayuu soconayaa bishiiba labo mar ayuuna dhacayaa, Waxaan loogu talagalay in isboortiga Soomaaliyeed uu helo aqoonyahano Isboorti oo awoodi kara inay aqoonta maamulka isboortiga berito u sii gudbiyaan jilalka kale."ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka GOS Md. Duraan. Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa dhinaciisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maanta in ay furaan tababar sare oo dhinaca maamulka isboortiga, wuxuuna tibaaxay in ay tani cadeyn u noqonayso in maamulka sare ee GOS uusan isku koobeyn hogaanka Isboortiga balse ay soo sareyso aqoonyahano xirfad u leh maamulka Isboortiga. "Tababarkan sare ee dhinaca maamulka Isboortiga waa markii ugu horeysay oo dalka lagu qabto inta uu jiray Isboortiga Soomaaliya, waana waxaan balan qaadnay markii nala dooranayay inaan kobcinayno maamulka dhanka Isboortiga. Maanta tababarkan waxaa ka qeybqaadanaya Jaamiciyiin waxaana rabnaa inay dadkaan noqdaan macalimiin maamulka isboortiga, inay ka qeybqaataan xiriirada ama madaxdii berito anaga na bedeli lahayd inay noqdaan." Ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Md. Wiish. Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada Isboortiga, Shaqada iyo Shaaqalaha Cali Sheekh C/laahi {Cali Afgooye} ayaa ugu danbeyn sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Tababar sare oo heer caalami ah oo dalka gudahiisa lagu qabto markii ugu horeysan, wuxuu GOS ugu mahadceliyay dadaalka baaxadda leh ee ay ugu jiraan horumarinta Isboortiga. Wuxuu kula dardaarmay ka qeybgalayaasha Tababar inay ka faa`ideystaan casarada dhinaca maamulka Isboortiga oo uu sheegay inay muhiim tahay inay iyaguna beri si wanaagsan u gudbiyaan wixii ay barteen. Ugu dambeyn wuxuuna wasiir ku xigeenka Isboortiga Md. Cali Afhooye ku dhawaaqay in Tababarku furay yahay. Waa markii ugu horeysay taariikhda isboortiga Soomaaliyeed in Tababar sare oo noocan oo kale dalka lagu qabto, waxaana hore GOS u qaban jirtay aqoon kororsi la xiriir maamulka Isboortiga oo maalmo ku kooban kaasoo ay ka faa`ideysan jiraan madaxda xiriirada. Balse kani ayaa kaga duwan mudada dheer ee uu soconaya 'April 2011-April 2012' iyo aqoonsiga Caalamiga ay ka helayaan ka-qeybgalayaasha IOC. Said Ibrahim Hussein (BUUNA) buuna@isboorti.com Isboorti.com Managing Editor Muqdisho, Soomaaliya