Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. SOL cyber-state of Somalia Hogaamiyaha maamulkan waa Jacpher Abu Minnesota Abu Kismaayo
  2. Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gariiga Ilyaas Cali Xasan iyo 18 qof oo Soomaali ah oo xabsiga la dhigay Ilyaas Cali Xasan oo qadka Taleefanka iigu waramay ayaa sheegay in sababta xarigiisa ay ka danbeysay kadib markii Todobaad ka hor weerar ku soo qaadeen Wadaniyiin u dhashay dalka Gariiga oo la tilmaamay in ay yihiin Cunsiriyiin xili Booliska ay ku sugnaayeen guryahooda, tallaabadaasi oo uu Guddoomiyaha ku eedeeyay ineysan waxba ka qaban Booliskuu goobta ku sugnaa. Guddoomiyaha ayaa weerarkaasi cunsurinimo waxaa uu u bandhigay Hey'addaha Qaxootiga qaabilsan gaar ahaan UNHCR iyo wadamada Midowga Yurub, wuxuuna intaa raaciyay Ilyaas Cali Xasan in Boolisku ay ka dalbadeen in ay badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee aysan waxba ka qaban. Maanta ayaa Booliska ay weerar ku soo qaadeen xarunta Jaaliyadda iyagoo bartilmaameedsaday Guddoomiyaha iyo 18 qof oo xabsiga weli ku jira, waxaana uu Ilyaas uu sheegay in sababta loo xeray ay ka danbeyay eedeymaha jira ee ay u jeediyeen Booliska xiligii weerarka lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed. Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xisbiyada dalka Gariiga ka jira ayaa ku booqday xabsiga Guddoomiyaha Jaaliyadda, wuxuuna Ilyaas uu xaqiijiyay in beri Maxkamad la soo taaki doono si loogu qaado eedeymaha ay Booliska u heystaan isla markaana waxaa arinta ku howlan sida uu sheegay Shan Looyar oo u doodaya Guddoomiyaha iyo dadka kale ee Soomaaliyeed. Todobaad ka hor ayey aheyd markii koox cunsiriyiin ah ay weerar ku soo qaadeen dadka Soomaaliyeed isla markaana dhibaato xooggan u geysteen xili ay Booliska Gariiga ku sugnaayeen goobta la soo weeraray taasoo aysan waxba ka qaban. Cali Muxiyaddiin Muxiyaddiin@hotmail.com
  3. eh! how did that happen? I just like watching riwaayadahaan cusub (new maamuls), wax kale ma ahan!
  4. loooooool. Maalinba mid lee soo socda.
  5. Biography of Tim Hetherington Tim Hetherington was born in Liverpool, UK. He studied literature at Oxford University and later returned to college to study photojournalism. He lives in New York and is a contributing photographer for Vanity Fair magazine. His interest lies in creating diverse forms of visual communication and his work has ranged from multi-screen installations, to fly-poster exhibitions, to handheld device downloads. Known for his long-term documentary work, Tim lived and worked in West Africa for eight years and has reported on social and political issues worldwide. His project Healing Sport was published by Thames and Hudson as part of group project Tales of a Globalizing World (Thames & Hudson 2003). Long Story Bit By Bit:Liberia Retold (Umbrage Editions 2009) narrates recent Liberian history by drawing on images and interviews made over a five year period. A new book, Infidel (Chris Boot Ltd 2010), about a group of US soldiers in Afghanistan, continues the examination of young men and conflict. As a film maker, he has worked as both a cameraman and director/producer. He was a cameraman on Liberia: an Uncivil War (2004) and The Devil Came on Horseback (2007), and his directorial debut film Restrepo about a platoon of soldiers in Afghanistan, was awarded the Grand Jury Prize at the 2010 Sundance Film Festival. His most recent film Diary is a highly personal experimental short currently playing at film festivals. He is the recipient of numerous awards including a Fellowship from the National Endowment for Science, Technology and the Arts (2000-4), a Hasselblad Foundation grant (2002), four World Press Photo prizes including the World Press Photo of the Year 2007, the Rory Peck Award for Features (2008), and an Alfred I. duPont award (2009). Tim was tragically killed on 20th April 2011 while covering the conflict in Libya. A terrible loss. To leave condolences for Tim, please visit www.timhetherington.org
  6. Roobab lagu diirsaday oo saacadihii la soo dhaafay ka da'ay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Saacadihii la soo dhaafay inta badan dadka ku dhaqan Miyiga ka fog wabiga shabelle iyo waliba dadka dega hareeraha wabiga, waxaa ay ahaayeen kuwo qabowsaday kadib markii uu Eebe u shubay raxmadiisa. Deegaannada ku hareereysan magaalada Beledweyne gaar ahaan kuwa dhaca Jiinka wabiga ayaa waxaa ku da''ay roob sida ay HOL u sheegeen reer Miyiga siweyn loogu diirsaday, halka sidoo kale dhulka Caduun-ka ah ama ka fog wabiga shabelle intaba badan abaartu ku dhufatayna ay heleen roob meelaha qaar sida la sheegay baliyadii biyo dhigay. Sidoo kale xalay oo idil ayaa dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa ay idhaha la raacayeen hilaaca roob-ka ka da'aya hareeraha magaalada, walow gudaha magaalada uusan ka da'in roob weyn oo la sheegi karo. Roobab-kan hadda ka curtay qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyayba dadka ku dhaqan goballka gaar ahaan reer Miyigu siweyn uga cabanayeen abaar kulul oo ku dhuftay dadka iyo duunyada intaba, waxaana hubaal ah in haddii ay Roobab-ku sidan ku sii socdaan ugu yaraan dadku ka soo kaban doono diiftii iyo diihaalkii ay abaartu ku reebtay. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraam.com Beledweyne, Soomaaliya
  7. Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca oo si buuxda maanta ula wareegay degmada Garbahaarey Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG ah ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, kaddib dagaal khasaare badan geystay oo shalay gallinkii hore ku dhexmaray dhinacyadan Tuulo-barwaaqo oo koonfur kaga beegan degmada Garbahaarey. Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee DKMG ah Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inay saakay si nabad ah ku galeen Garbahaayre ayna iyagu haatan gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in xoogaggii Xarrakatul Shabaab ay isaga baxeen degmadaas saakay aroortii hore. "Degmada Garbahaarey innaga ayaa gacanta ku hayna ciidamadii ku sugnaa ee Al-Shabaab way isaga baxeen, waxayna u ruuqaansadeen dhinaca Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere," ayuu yiri Kaliil. Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu shacabka degmadaas ugu baaqay inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan maamulkooda, isagoo xusay inaysan jirin wax dhibaato ah oo loo geysanayo. Xarrakada Al-shabaab ayaan ka hadlin qabashada degmada Garbahaare ee gobolka Gedo halkaasoo ay gacanta ku hayeen labadii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay degmadan noqonayso degmadii afaraad oo ka tirsan gobolka Gedo lagana qabsado Xarrakatul Shabaab tan iyo markii ay billowdeen dagaallada gobolkaas ka socda bishii Feberaayo sannadkan. Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegaya inay degmadaas ka taagan yihiin xiisado colaadeed. Dowladda KMG ah ayaa isku dayaysa inay gobolka Gedo ka qabsato Xarrakatul Shabaab oo gobolkaas ka talinaysay labadii sano ee lasoo dhaafay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  8. Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) http://www.hiiraan.com/news/2011/Apr/wararka_maanta28-13370.htm
  9. Ina Jaad, I have forwarded your PM to the admin. Keep them coming aight!
  10. Paragon stop sending PMs, If you have something to say, say it right here. Maanta banaanka ayaad isa soo dhigtey, I promised BOB to cool things off ma ahee waa ooy laheed more than you are doing now, you can thank him later. Mirqaanka markuu kaa dhamaado halkan iskeen.
  11. BOB, haddaad celin kareyn waxan dee maxaad iga rabtaa aniga? wuuba ii fakfakaanaaya sidii inan maseyrsan, caqligiisa dhanba waa intaa.
  12. Paragon;715081 wrote: Waryaaraheen, war idinka siday wax idin ka yihiin. Shaydaanka ha la naaro, balse tan yar aan isku madadaaliyo ee faraha kala baxa. You want to open the show, be my guest! I promise you that by the time I'm done with you on this thread, you will never show your face on SOL.
  13. Sharaftii waa is qaadey awalba afka uun bey ka jirtey, laakiinse haddaad moodey inaad aniga wax igaga qaadeyso hadal waa riyooneysaa. Go buy some dignity and self respect markaas igu soo noqo. So far air uunbaa kaa soo baxaysa. Waxaad is moodey iyo waxaad tahay webiga Nile-ka ayaa u dhaxeeyo.
  14. Qofkaan doono ayaan abukaati u noqon, waxad halkan u timidba soo abukaatonimo ma ahan? Haddaadan aqoon sida dumarka loo ixtiraamo waa lagu bari, ama yeel ama ha yeelin, couldn't give a hoot. You have just been served! deal with it. Aqoontaada uma baahni qiimona iguma fadhiso and just so you know it is my thread and I say what goes! ama nac ama nafta waa. Peace out!
  15. General Duke;715027 wrote: The beautiful Raas Casayr region of Puntland has for far too long been neglected by every leader of the State. The ignorance of our leaders and elites is baffling for this region promises a great deal in the development of the state. The fihesries industry, mineral wealth and an enterprising people is what this region holds. The ancient capital of Bargaal is situated in Raas Casayr as well as the important Cape Guardafui peninsular. Thus the need rise and motivation of the locals of this regions brings a great deal of promise. Raas Casayr region as well as all the Eastern Ocean coast need urgent attention and development. There needs to be a development of Roads linking Eyl, Garacad, Xafuun, Bargaal, Bayla, the Cape area and the main road. New ports needs to be developed in Cape Guardafui, Xafuun, Garacad and Eyl. Government offices, schools, police stations and hospitals need to be developed for these regions. Again this is a star and good luck to the cause of Raas Casayr and the development of the Eastern regions. Long live Somalia. Well said.
  16. Ka soco threadkan walaal, waxba ma sheegeysid. Peace out.
  17. Duhur-Toronto-Xaflad aad u qurux badan oo ka dhacday magaalada Toronto, dad aad u fara badanna ka qeyb galleyn aya waxa soo qaban qaabiyay gabdhaha ka soo jeeda Mareeg Region.Somalida ku nool magaalada Toronto oo ka qeyb galay xuskaas oo lagu xusayay dhlashada Mareeg State,ayaa aad ula dhacay madadaalada iyo Music oo aay soo qaban qaabiyen Hobolada Waaberi iyo Fananka Abdi Muse Cadde. Waxaa Cashada ka hadlay Dr Mohamed Haji Ali Mohamed iyo Dr Abdirahman Mohamud Ahmed oo ka qeyb galay shirkii ka dhacay London,oo lagu aasaasay Mareeg State,labada mudane oo khudbad dheer ka jeediyay meesha xafladda lagu dhigay ayaa ka hadlay sida aay muhiim u tahay in la badiyo dadaalkka wakhti badanna la galiyay dhisidda Mareeg State. Familiar faces More picshttps://picasaweb.google.com/kuulow10/MAREEGSTATE?authkey=Gv1sRgCKSllKeUlefwiAE#
  18. Showqi you missed last sunday's party in Toronto.
  19. Xildhibaanno Kenyaan Ah Oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay April 27, 2011 | Posted by admin Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyay mudanayaal hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya, oo muddo socdaal ku joogay magaalada Muqdisho. Tarsan ayaa sheegay in Ilyaas Barre Shiil, iyo Maxamed Mukhtaar Shiidiye ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Soomaalida, isagoo ku tilmaamay socdaalkooda tallaabo muujineysa sida ay Soomaalidu isugu naxayaan. Ilays Barre Shiil oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ah, ayaa xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Muqdisho marti ugu noqdo dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in uu aad uga xannuunsanayo dagaallada muddada badan ka socda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuna ka codsaday dadka Soomaalida ah in ay ka shaqeeyaan nabadda. Maxamed Mukhtaar Shiidiye, oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in khilaafka ka jira Soomaaliya ay xalkiisa keeni karaan shacabka Soomaalida. Aamina Jaamac Dable, oo la socotay xildhibaannada hore ee Kenya, balse ka timid dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in shacabka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan gudaha iyo dibeddaba ay u baahan yihiin in wax loo qabto.
  20. Ciyaar saaxibtinimo qeyb ka ah Tartamada isboorti ee is dhex galka bulshada oo ka dhacay Magaalada Muqdisho Ciyaar saaxibtinimo oo qeyb ka aheyd tartamada Isboorti ayaa ka dhacday garoonka School Polizio ee degmada Xamar Jajab, kaasoo ay isaga hor yimaadeen Kooxaha Kubada Cagta CCD iyo kooxda Geeska Afrika oo ka mid ah Kooxaha heerka 3aad ee Seria C-da. Kulankan ciyaareed oo ahaa mid xiiso lahaa ayaa labada kooxood soo bandhigay ciyaar farsamadeeda sareysa, waxaana daawadayaasha garoonka ay ahaayeen kuwo la dhacay hab ciyaareedka labada kooxood. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa labada kooxo ay iska dhaliyeen min gool, waxaana qeybtaas ay ku kala nasteen bar bar dhacaas, hase ahaatee waxaa jiray fursado labada kooxood ee kala ah CCD iyo Kooxda kale ee Geeska Afrika ay iska qasaariyeen fursado. Labada kooxood ciyaartoyda ayaa labada dhinac u dagaalamayay sidii kooxba kooxda kale ay uga badin lahaayeen, waxaana weerarka labada dhinac isu adeegsanayeen ahaa mid ay ku raadinayeen goolka guusha. Ugu dambeyn Kooxda Geeska Afrika ayaa waxaa u suura gashay in gool helaan, kaas oo u sahlay inay garoonka guul kala hoydaan, iyagoo ku badiyay 2-gool iyo gool, waxaana dadkii daawanayay ahaa kuwo u riyaaqay ciyaartan saaxibtinimo, waxaana ciyaartan ay qeyb ka tahay tartamada Isboorti ee si dhex galka bulshada. Si kastaba ha ahaatee Kooxda Kubada cagta ee CCD ayaa ka mid ah kooxaha heerka saddexaad ka ciyaara, iyadoo kooxda ay ka qeyb gasho tartamo kala duwan oo isugu jira Koobabka, iyo kuwa saaxibtinimo ee is balansiga labada kooxood, waxaana ciyaartoyda kooxda ay yihiin kuwo kaliya ee heerka 3aad ee hela taageero iyo daryeel, ku aadan sare u qaadida dhanka moraalka. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  21. Best of luck to the new mayor and governor of Mudug.