Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliya oo loo diiday inay ka dhoofaan Muqdisho Dhageyso
  2. Somali government rejects parliamentary electoral commission to travel. HOL Monday, May 09, 2011 35 honorable members of Parliament electoral commission of Somalia were rejected to travel from Aden Adde International Airport to abroad for some duties today, while 15 others of parliament members were stopped to fly for health conditions, as Honorable Khaalid told Hiiraan Online. Members of the electoral commission of parliament were reported to be heading to one of the neighbouring countries to attend a workshop.The step to ban their travel was instructed by the president Sharif Sheikh Ahmed saying that no parliament member can leave the country in this circumstances. "Parliament members were rejected to travell by Gen. Abdullahi Gafow Mohamud after receiving a letter from the interior ministry," one of the parliament members who was at the airport was quoted as saying . Khalid also stated that they are at the airport waiting further instructions from the government to allow them to leave. This incident comes after the electoral commission started the procedures to organize an election which is contradictory to the government decision to postpone elections until next year.
  3. Warar goor dhow na soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa afartameeyo Xildhibaano oo ka tirsanaa 3-da Gudi ee uu dhowaan magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa is hor-taag lagu sameeyay safar ay ugu ambabixi lahaayeen Magaalada Nairobi. Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in aanay ka dhoofi karin garoonka Xildhibaanada, kadib markii lagu soo wargeliyay, in aanay Xildhibaanada aanay dhoofi karin. Is hor-taaga lagu sameeyay Xildhibaanada ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay amar ka soo baxay wasaarada Arrimaha Gudaha lagu joojiyay safarkooda, kadib markii la soo amray Ciidamada Booliska iyo Waaxda Duulista Hawada. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka dhacday garoonka gudihiisa gacan ka hadal dhex martay Xildhibaanada iyo Ciidamada Booliska, iyadoo taasi ay dib u dhac ku dhigtay waqtigii ay dhoofi laheyd Diyaarada African Express. Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Xildhibaanada ay u socdeen siminaar la sheegay inay waday Hey'adda NDI oo horay siminaar u qabatay Xildhibaanada Baarlamaanka. Xildhibaan Xareed Xasan Cali oo ah Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ayaa sheegay in inqilaab lagu sameeyay, isla markaana laga hor joogsaday safarkooda, ay ugu ambabixi lahaayeen Magaalada Nairobi. "Anagoo gudaneyna howlaha baarlamaanka, oo aan howlo ugu soconay Nairobi, waraaqooyinkii tikidka wadanay ayaa waxaa inoo yimid Nabad Sugida iyo Booliska oo dhahaya Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa nagu amray in aanay bixi karin, waana nasiib daro, in maanta nin dhahaya anigaa amray in nagula celiyo garoonka"ayuu yiri Xildhibaan Xareed Xasan Cali oo sheegay in muddo shan maalmood ay howlaha doorashooyinka ugu maqnaan lahaayeen Magaalada Nairobi. Garoonka Diyaaradaha ayaa habsami u socodkiisa waxaa uu saacado noqday mid buuq iyo sawaxan hareeyay, taasoo keentay mid hakad gelisay howlaha, isla markaana duulimaadyadii qaar ay noqdeen kuwo waqtigoodii ka dib dhacay. Diyaarada ay raaci lahaayeen Xildhibaanada ayaa lagu amray inay cagaha ka qaado garoonka oo ay ka dhoofto, iyadoo diyaaradu ay bixday iyadoo in ka badan 40-kuraas ay faaruq yihiin. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
  4. Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay Gudiga Dib u heshiista Qaranka, talooyin ka dhageystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka; isagoo ka dhageystay talo bixintooda ku aadan xaaladda uu dalka marayo ee dhinacayada arrimaha bulshada iyo dib u heshiisiinta iyo sidoo kale dhinaca amniga iyo siyaasadda. Waxaa uu Madaxweynuhu ka dhageystay Gudiga figradaha ay ka soo jeediyeen sida dalka looga bixin karo dhibaatada jirta, loona helo xal wax looga qabto. Waxuu Madaxweynaha la socodsiiyay xubnaha Gudiga Qaranka ee dib u heshiisiinta horumarka laga sameeyay dhinaca amaanka iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto inay gobolada dalka oo dhan ka sifeyso kooxaha nabad diidka ah ee Soomaaliya u diidan inay gaarto dowladnimo iyo horumar Madaxweynaha Mudane Shariif Sheekh Axmed waxuu u sheegay Guddiga inay ka qaataan doorkooda sidii dalka looga saari lahaa maraxaladda KMG ah, loona gudbo hanaan dowladeed oo ku yimaada doorasho guud oo dalka laga sameeyo si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo joogto noqota. Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa isna hadal ka jeediyay kulanka, isagoo muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in Gudigooda ay qeyb ka qaataan xalinta khilaafaadka Dowladda KMG dhexdeeda.
  5. Wasiirka arimaha gudaha oo tababar u soo xiray ku dhawaad 300 oo qofood Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta ku dhawaad 300 oo dadweyne ah magaalada Muqdisho ugu soo xirtay Siminaar looga hadlayay tiiraanyo bixinta. Siminarkan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka G/Banaadir isla markaana socday Muddo 10 maalmood ah ayna ka qeybqaadanayeen ilaa iyo 270 xubnood oo ka kala socotay qeybaha bulshada, ayaa waxaa casharo ka bixinayay macalimiin ka timid Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana lagu baranayay tiiraanyo bixinta. Xiritaankii Simanarkani ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalad Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isagoo kula dardaarmay xubnihii ka qeybgalay Siminaarkani in ay bulshada uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay ka kororsadeen. Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sh. Xasan Faarax oo Siminaarkaasi soo xiray ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaashii Siminaarkaasi in ay ku dadaalaan in aqoontii ay ka dhaxleen tababarkani ay bulshada gaarsiiyaan si looga wada faa’iideysto. Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu maamulka G/Banaadir ugu jiiro sare aqaadinta aqoonta iyo wacyiga bulshada ku dhaqan G/Banaadir.
  6. Liban;717893 wrote: ^^^ That is so WEAK. You are just desperate and naive as ever, just like the guy in the picture above. LOL Sure, now go puke elsewhere.
  7. Wajigii labaad siminaar looga hadlayay kala qeybsanaanta Dowladda dhexdeeda iyo xisbiyada dalka ku soo kordhaya oo ay qeyb galaan Ururada Bulshada Rayidka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo siminaarkaas la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado ku tacaluqa xaalada dalka uu ku sugan yahay. Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD oo soo qaban qaabisay siminaarka ayaa waxaa ka qeyb galay, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiin ka socday Ururada Bulshada, Aqoonyahano iyo qurba joogta. Muxiyadiin Xasan Afrax oo ah Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka oo ugu horeyn ka hadlay siyaasada ayaa soo qaatay xaalada dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in Dowladda ay khilaafka dhexdeeda ay ka xalisato. "Dalkan dhibaatada uu ku sugan yahay, waa la og yahay, iyo inay sii dabar go'ayaan kooxihii dalka qaribay, Al-Shabaab waa sii naafoobeen, maxaa yeelay aabahood Usama ee fikirka ay ka qaateen meesha waa ka baxay, sidaas darteed waxaan ku boorineynaa in Dowladda ay khilaafka xaliso, kooxahan inta ka hartay la cirib tiro"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax oo sheegay in fikirka Usama Bin Laden uu ahaa mid caalamka oo dhan saameeyay, Gaal iyo Muslim. Xildhibaan Xuseen Caraale oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga saari lahaa haraadigii dalka qaribay, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu hada hurdada ka kacay, diyaarna u yahay in shacabka uu u dhega-nuglaaday. "Baarlamaanka kaalintiisa waa muuqataa, hurdada inuu ka kaco ayuu diyaar yahay, sidaas darteed shacabka warka ka soo yeeraya diyaar ayaan u nahay inaan u dhega-nuglaano, waxaase idin sheegaa in marka dalka laga saaro doono haraadigii argagixisada, waxay raaci doonaan ninkii Hogaaminayay ee dhaqanka caalamka rogay"ayuu yiri Xuseen Caraale oo intaa ku daray in Al-Qaacida cid walba ay sariirteeda ugu tageyso, isla markaana kuwii ka faracamay loo baahan yahay in la suuliyo sida uu yiri. Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cali Waranto oo siminaarka hadal ka jeediyay ayaa tusaaleeyay sida looga baahan yahay in nabada laga shaqeeyo, isagoo soo qaatay kaalinta Hey'adda CCD ay ugu horeyso hey'adaha kale, waxaana uu uga mahad celiyay tallaabada ay qaaday mar walba. Xildhibaan Xasan Cali Waranto ayaa mar uu ka hadlay geeridii Usama Bin Laden iyo sida dalka xilligan xal loogu heli karo ayuu tilmaamay in dilka Usama Bin Laden uu la micno yahay Aqal Xuunkiisa la gooyay, hase ahaatee waxaa uu xusay in Ayax tagay eylkiisa haray, oo ugala jeeday kooxihii ku fikirka ahaa inay wali joogaan Waxaa kaloo siminaarka ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Maxamuud Shiino oo soo dhoweeyay dadaalada bulshada ka imaanaya ee dhanka taageerada Dowladda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Hey'adda CCD inay qabatay wax muuqda oo ay sare u qaaday fahamka wacyiga dalka ka jira, kadib markii ay isu keentay bulshada qeyabaheeda kala duwan. Xildhibaanka Shiino ayaa sidoo kale tilmaamay in xaalada dalka uu ku jiro ay ka rajeynayaan is bedel, isla markaana dadaalka xukuumada ee ku soo dabaalida nabadgelyada dalka uu meel wanaagsan marayo. Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah Haweenka Dallada Ururada Bulshada ayaa iyana wax laga xumaado ku tilmaamay kala qeybsanaanta iyo is qab qabsiga u dhaxeeya Dowladda, iyadoo tilmaamtay in dhinac kasta oo mas'uul ah uu gooni wax u wato. "Waxaa nasiib daro ah inay kala qeybsanaadaan, shacabka wuxuu rabaa nabad, waxaan uga baaqayaa dowladda in qolooyinka is heysta ay heshiiyaan, oo meel isugu imaadaan, waxaan ugu baaqayaa Hey'adda CCD inay gogol u fidiso oo dib u heshiisiin ah, dadka is heysta"ayay tiri Ruriqo Cali Cabdulle. Xubnaha ka qeyb galayaasha siminaarka, gaar ahaan haweenka ayaa ahaa kuwo dhex taalinayay inta uu socday siminaarka iyo khudbooyin, iyadoo sugaano ku cabirayay xaalada dalka uu ku jiro, iyo sida lagama maarmaan u tahay in laga wada shaqeeyo sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa. Siminaarkan ayaa noqonaya wajigii labaad oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD, kaasoo ujeedkiisa ahaa mid looga hadlayay qaabka looga bixi karo kala qeybsanaanta Dowladda iyo xisbiyada dalka ku soo kordhaya, waxaana ay ku soo beegmeysa xilli Dowladda ay ku kala qeybsan tahay xilliga kala guurka ee ku eg jiritaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
  8. Dude, open your own thread to post your drivel and don't address me again. Thank you.
  9. Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/05/2011 kadhacday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska xaflad siweyn loosoo agaasimay xilkana uu kulawareegayay madaxweynaha cusub ee dawlad goboleedka Koonfurgalbeed Dr. C/kariin Maxamed Cali (Yaanyuurow) Xaflada oo ahayd mid si heer sare ah loosoo qaban qaabiyay ayna kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dadweyne fara badan ayaa waxaa halkaasi qudbado kasoo jeediyay dad badan ayada oo ay xafladu kusoo dhamaatay jawi aad u heer sareeya. Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa khadla teleefoonka kaga qaybgalay madaxweynihii hore ee dawladgoboleedka Koonfurgalbeed Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo sheegay in xilkii uu kuwareejiyay Dr. C/kariin. Siyaasiyiin iyo dadweynaha kasoo jeeda lixda gobol ee ay ka koobantahay dawladgoboleedka koonfurgalbeed ayaa siweyn usoo dhaweeyay xilka uu kala wareegay Dr. C/kariin madaxweynihii hore Dr. Shaatigaduud oo hada kusugan dalka Jarmalka. Waxaa ayagana dhankooda xaflada kusoo bandhigay suugaan iyo heeso mada daalo ah koox fanaaniin ah oo katirsan fanaaniinta magaalada London. Dawladgoboleedka koonfurgalbeed ayaa waxaa ladhisay bishii April sanadii 2002 ayada oo ay xafladii dhaarinta madaxweynahana kadhacday aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo oo ayadu ah caasimada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dawladgoboleedka koonfurgalbeed.
  10. Shirkii Wadamada dhaqaalohoodu soo korayo oo Istanbuul ka furmay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo dhaqaalaha wadamada soo koraya, iyadoo shirkaasina uu ka qeybgalayo wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya. Shirkaasi oo furmay abaaro Sagaalkii Aroornimo ee xiliga Istanbuul ayaa waxaa ka qeygalay wufuud kala duwan oo ka kala socotay wadamada uu dhaqaalohoodu soo koroyo, waxaana mudada uu socdo shirkaasi looga hadlidoonaa sidoo loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadamada soo korayo, iyadoo shirkaasina looga doodi doono sidii arigti mid ah looga qaadan lahaa kobcinta dhaqaalaha wadamadaasi. R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shirkaasi Soomaaliya uga qeybgalay, waxaana la filayaa in halkaasi ay ka jeediyaan Khudbad ku saabsan arinta ku aadan dhinaca dhaqaalaha, sida uu R/Muqdisho u xaqiijiyay Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne oo ka mid ah Wafdiga uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka. Arintani ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Xukuumaddu ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka.
  11. Wasiirka Caafimaadka oo maanta u duulay Jineva Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Jineva ee dalka Swezerland. Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa’uud iyo wafdiga uu hogaaminayaba waxa ay magaalada Jineva uga qeybgali doonaan shirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya dhamaan Wasiiradaha caafimaadka ee wadamada caalamka iyo hey’adaha caafimaadka, iyadoo halkaasi lagu doorandoono hoggaanka cusub ee Heyadda WHO yeelandoonto. Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan wasaaradda Caafimaadka, waxana la fulayaa in ay halkaasi kulamo kula soo qaataan mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Caafimaadka ee WHO iyo madax kale, iyadoo tani ay qeyb ka tahay dadaaladda wasaaradu ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka Bulshada.
  12. Ciidamada Booliska oo howl gallo lagu sugayo ammaanka ka wada Muqdisho. Ciidamada Booliska ayaa maanta howl gallo lagu burburinayay Dhismooyinka sharci darrada ah ee lagu iibin jiray Qaadka islamarkaasna lagu sugayay ammaanka guud ee caasimadada ka sameeyay deg,ooyin ka mid ah magaalada Muqdisho. Afheyeenka Ciidanka Booliska Soomalaiyeed G/sare C/llahi Xasan Bariise oo saxaafadda Shir jaraa’id ugu qabtay KM4 ayaa sheegay in Howl galkaan loogu talo galay in lagu xaqiijiyo ammaanka dadka dhismeyaasha sharci darrada ah laga burburiyayna la dejinayo Goobo kale kuwaas oo loo wareejiyay inay ganacsigooda ku sii wataan, halkaas oo ah Waddada Ajabka ee 12-ka April, si loo soo celiyo ammaanka iyo nadaafadda magaalada. Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa howl gal kan la mid ah ka sameeyay degmada Xamarweyne ayagoo burburiyay dhismayaal sharci darro ah isla markaana goobo kale geeyay dad badan oo ku ganacsanayay hareeraha waddooyinka degmada. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshe ay dowladda Hoose ku soo celineyso bilicda magaalada iyo habsami u socodka howlaha suuqa oo ay hadda soo dageen ganacsato badan oo ay dagaallada magaalada ka dhacaya saameeyeen. Ciidamada Booliska ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday Howl gallo lagu soo celinayo ammaanka caasimadda dalka kaddib markii ay ammarro isku mid ah kasoo baxeen Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Amniga Gobolka Banaadir si looga hortago falalka gurracan ee ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.
  13. Djibouti Leader to Focus on Skills Development in Third Term Bloomberg Sunday, May 08, 2011 Djiboutian President Ismail Guelleh pledged to focus on developing workers’ skills during what he said will be his final term, aiming to transform one of Africa’s smallest countries into a Red Sea hub. “We will opt for targeted training, tailored for the real needs of our economy both nationally and regionally,” Guelleh said in a speech today at his inauguration in the capital, Djibouti. “Our aim is to eventually make Djibouti a regional business platform, combining logistics, industry and finance.” Djibouti, host to the only U.S. military base in Africa, has a $982 million economy with fewer than a million people that relies on services related to its strategic location on the Red Sea, one of the world’s busiest shipping lanes, according to the U.S. State Department. The nation’s port provides the only access to the sea for neighboring Ethiopia, Africa’s second-most populous nation. Djibouti’s economy has grown an average of 5 percent annually over the past five years, the International Monetary Fund says. The expansion has been spurred by projects including a new container terminal, built by DP World Ltd. (DPW) and the government, and Nakheel PJSC’s construction of a five-star hotel that boosted tourism. Growth is expected to be 4.8 percent this year and 5.7 percent in 2012, according to the IMF’s website. Economic Strategy Reorganization of Djibouti’s education system will be combined with an economic strategy that will “develop new unexploited areas such as small industries and the maritime economy,” Guelleh said, without providing details. Guelleh has led Djibouti since 1999. He succeeded his uncle Hassan Gouled Aptidon, who was the country’s first president after it gained independence from France in 1977. In March 2010, Guelleh amended the constitution to allow him to extend his rule by two more six-year terms. In April, Guelleh won 81 percent of the vote in a presidential election boycotted by opposition parties. Mohamed Warsama Ragueh, the only other candidate, obtained 19 percent. An international team of observers that included officials from the African Union and the League of Arab States declared the vote “free and democratic.” The 63-year-old leader said he was taking his oath of office today for the “third and final time.” Among dignitaries at his inauguration was Sudanese President Umar al-Bashir, who has been indicted by the International Criminal Court for war crimes in Darfur. Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi and Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed also attended the ceremony. To contact the reporter on this story: Paul Richardson in Djibouti at pmrichardson@bloomberg.net.
  14. Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii ay ka qeyb galeen caleema saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle. wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiiru-dowlaha madaxtooyada. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sh Xasan Faarax, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/casiis Maxamed “Laftagareen” iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa ka soo qeyb galay Xafladda caleemo-saarka maxadweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo markii sadexaad loo doortay madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna sidoo kale madaxweynuhu kulamo la qaatay madax ka soo gashay xafladdaasi.
  15. Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Axad ah markii saddexaad loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalkaas oo uu kaga guuleystay murashaxii la tartamaya ee Max’ed Warsame Raage, waxaana xaflad dhaarinta ka qaybgalay madax ka kala socday dalal dhowr ah. Xafladda oo ka dhacday Hotel Kambisk ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo madax kale oo u badan Afrikaan. Dhaarinta kaddib, ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay madaxweynaha xilka loo dhaariyay ee dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubnihii lagu casuumay inay ka qaybgalaan xafladda caleemo saarka, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jeediyay hadal u badan guubaabo iyo dardaaran. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo la hadlay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula kulmay xafladda kaddib xubnihii caleemo-saarka kasoo qaybgalay. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 63-jira ah ayay shacabka dalkiisu u doorteen inuu hoggaamiyo mar saddexaad bishii lasoo dhaafay ee Abriil, balse murashaxii uu la tartamaya ee Raage ayaa diiday codadkii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada tirintii codadka kaddib. Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa horay u diiday inay doorashada ka qayb-galaan, waxayna sabab uga dhigeen diidmadooda in guddiga doorashada uusan ahayn mid dhexdhexaad ah oo uu la safan yahay xisbiga talada haya ee RPP. Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ku yaalla bariga Afrika ayaa wuxuu xorriyadiisa ka qaatay sannadkii 1977-kii gumeytihii Faransiiska, waxaana intii uu xorta ahaa madaxweyne kasoo noqday Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon iyo madaxweynaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geelle
  16. Xaaji Xunjuf;717597 wrote: Maybe Koonfurians:D Kindly afkaada ka leexi Koonfurians. FYI, Che doesn't represent us, talk to Zubeyra for more details. Anywho, Happy May 18th reer SL markii la gaaro May 18th. For now Happy Mother's Day to all the mothers in the world.
  17. Wasiirka boostada oo booqday dhismayaasha Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliyeed ee magaalada Roma Wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Boostada & Igaarsiinta dalka Soomaaliya Dr. Cabdi Kariin Xasan Jaamac, Ambassador Nur Cadde iyo Axmed Sh. Yusuf Guled ayaa booqday dhismihii Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Roma, dalka Talyaaniga. Dhismaha safaarada oo ahaa qasri afar dabaq ah oo aad u qurux badan hase yeeshee uu ka muuqdo dayactir la'aan, ayaa waxay wafdigu warbixin halkaa uga dhegeysteen Safiirka Soomaaliya u jooga carigaas Ambassador Nur Cade kaas oo uga war bixiyay xaaladda saafaaradu ku sugan tahay iyo marxaladihii ay soo martay. Safiirka ayaa sheegay in ay dayctireen qunsuliyadii Soomaaliya taas oo iminka u ah Saafarada Soomaaliya. Ambassador Nur Cadde ayaa wefdiga ku soo wareejiyay dhamaan qeybaha safaarada oo ay joogeen shaqaalaha safaarada oo shaqadooda u gudanayay si hufan. Wasiirku wuxuu ku amaanay safiirka dadaalka iyo juhdiga uu galiyay in la badbadaadiyo hantidii qaranka iyo in safaaraddu dib u bilowdo shaqadeedii. Safaaradda ayaa waxaa ku sugan shaqaalo aad u karti iyo wadninimo badan kuwaas oo u soo dhabar adeygay sidii ay u badbaadin lahaayeen dhismayaasha Qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay dalkaas.
  18. This news doesn't make sense Awoowe. Retard Faroole kuma dhaco inuu weeraro Raascaseyr, there will be hell to pay haddii kale.
  19. The Somali lady above (Nasim) was in Chris Rock's Good Hair movie.
  20. Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya Jimco, May 06, 2011 (HOL) - Ururrada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa sheegay inay kordhiyeen muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in muddo kordhinta lagu dhawaaqi doono dhammaadka bishan. Muddo kordhinta tababarkan ayaa yimid kaddib markii ay kulammo ku yeesheen xubno ka socday Midowga Afrika iyo Midowga Yurub magaalada Baraasalis ee xarunta dalka Biljamka oo xarun uu ku leeyahay Midowga Yurub. Howlgalka Midowga Yurub ee lagu tababarayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee ka socda dalka Uganda ayaa dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo weli ay socdaan tababarro ay saraakiisha Midowga Yurub siinayaan laba guuto oo ka tirsan ciidamada DKMG ah. Tababarkan ayaa kasii socon doona dugsiga tababarka ee ku yaalla dalka Uganda, kaasoo ay leeyihiin ciidamada dalka Uganda, iyadoo la sheegay in ciidamada la tababarayo looga fadhiyo inay soo celiyaan nabadda Soomaaliya. Xilli kordhintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Midowga Yurub ay sheegeen inay joojinayaan dhaqaalaha ay siiyaan DKMG ah iyo ciidamada AMISOM haddii aan la ogolaan doorasho dalka ka dhacda inta aan la gaarin bisha Ogoosto oo xilliga dowladda uu ku eg-yahay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya