Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Shirkad Mareykanka ah oo Air Porka Muqdisho ku soo bandhigtay Eeyo iyo Saraakiil ka hortaga qaraxyada+Sawiro
  2. Xukuumada Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamanka War saxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa jawaab looga bixiyay hadal shalay ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo war saxaafadeedkan uu ku soo beegmay xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Hey'adaha Dastuuriga. Hadaba War saxaafadeedkan oo ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha oo nuqul ka mid ah uu ina soo gaaray ayaa u qornaa sidan:- Warsaxaafadeed Arbaco, Muqdisho, May 11.2011 Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadalkii shalay 10-kii May 2011 uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka kaasoo ahaa in Xukuumada FKMG ah aaney u soo gudbin Guddoonka Baarlamaanka wax qorsha ah oo uu ka doodo. Xukuumadda waxey barlamaanka u gudbisay mudadii lasoo dhaafay hishiisyo kala duwan oo lala soo galay dawladaha Turkiga, Iran, Sudan, Indonesia iyo dawlada kale, waxey sidoo kale u gudbisay Gudoonka Barlamaanka qorshe howleedka Xukuumada iyo Agandaheeda ku aadan marxaladda kala guurka ah. Xukuumadu waxay warbaahinta u soo gudbineysaa tallaabooyinkii ay sameysay si ay ugu gudbiso Guddoonka Baarlamaanka qorshe howleedka xukuumada iyo kulamo gaar ah ay ka codsatay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu soo qaban qaabiyo si aragti midaysan looga gaaro qorshaha ku aadan marxaladda kala guurka ah. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah wuxuu u gudbiyay Gudoomiyaha Barlamaanka go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 17.02.2011, kaasoo ay Wasiirada soo jeediyeen in muddo kordhin wadajir ah la sameeyo. Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u qoray Gudoomiyaha go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 28.03.2011 oo ay Golaha Wasiirada kusoo jeediyeen in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu qoray warqad taariikhdu markay aheyd 21.04.2011 taasoo uu kaga codsanayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inay kulan wada tashi ah ay isku arkaan guddi ka socda Gudoonka barlamaanka oo ay wehliyaan Gudoomiyayasha Gudiyada iyo mid ka socda Golaha Wasiirada si ay u wada hadlaan aragti midaysanna kasoo gaaraan farqiyada u dhaxeeya hay’adaha dastuuriga ah. Hadaba, Ra’’isal Wasaaraha kadib wuxuu u diray Gudoomiyaha Barlamnaanka taariikhdu markey ahayd 27.04.2011 warqad kale oo ku xusan tahay agendaha looga wada hadlayoo shirkaas maadaama uu gudoonka Barlamaanka soo codsaday inloo soo cadeeyo kulanka waxa uu ku saabsan yahay. Dhammaan hawlahaan ma aysan noqonin kuwa mira dhal ah maadaama aanan jawaab ka helin Gudoonka Barlamaanka isla markaasna soo jeedimahayna aanan marnaba loo gaynin barlamaanka si xildhibaanada Barlamaanka ay uga doodaan ugana qaataan go’aan sharci ah. Xukuumadda FKMG ah had iyo jeer waxey raadinaysaa wadda walba oo lagu gaari karo is faham, wada shaqeyn iyo aragti midaysan si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyadoo mid la yahay. Ugu danbayn, waxaan ka codsanaynaa Gudoonka Barlamanka inuu horgeeyo Golaha Barlamaanka soo jeedimihiii Golaha Wasiirada isla markaana uu dar dar galiyo wada tashiyadii looga gol lahaa in is faham iyo aragti midaysan looga gaaro marxaladda kala guurka ah. Xukuumadda Waxay ku hawlan tahay arrimaha amniga iyo xasillooni kusoo celinta nabad galyo waarta dalka, waxeyna ugu hanbalayaynaysaa ciidamada xoooga dalka soomaaliyeed oo maanta kasoo hooyay guulo wax ku ool ah dagaallo ay la gashay kooxaha nabad diidka ah kana qabsadeen qeybo badan oo ka tirsan Degmeda Hodan.
  3. Afar Ciyaartooy Oo Somaliland Ka Tagay Oo Laga Soo Celiyay Dalka Jabuuti Iyo Dareenka Arintan Ku Xeeran Hargaysa-(Bnn) Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay inuu Amar ku bixiyey inay dalka dib ugu soo noqdaan Afar ciyaartoy oo ka tirsan kooxda ciidanka Bileyska Somaliland ee Goodir oo iyagu maalintii Jimcihii ee 6-dii bishan u kicitimay dalka Djibouti si ay uga qayb galaan tartan Kubada Cagta ah oo ka furmay dalkaas, waxaana sida uu sheegay taliyaha ciidanka Bileysku ku amray ciyaartoydaas inay dalka dib ugu soo noqdaan. Taliyaha ciidanka booliska Cilmi Kabaal ayaa intaasi ku daray inay heleen warar sheegay inay ciyaartoydaasi ciyaartaas kaga qayb galayaan magaca dawladda Somaliya, isla markaana uu isagu bixiyey amarka ay dalka ugu soo guryo noqonayaan afartaas ciyaartoy. Taliyaha ciidanka Bileyska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf ugu waramayey khadka tilifoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa. Afarta ciyaartoy ee iyagu u kicitimay dalka Djibouti ayaa la sheegay inay maanta dalka dib ugu soo noqonayaan, kuwaas oo magacyadoodu ay kala yihiin Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye), Jamaal Cabdi Axmed, Yacquub Cabdalle Cumar iyo Axmed C/raxmaan Maxamed (Axmed Shaafi). Ugu horayn Taliyaha Ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal), arintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anaga afar nin ayaa naga raacay ciyaartoygaa, qolooyinkaas tagay Djibouti-na waxay ay ku tageen waa inay ciyaartaas kaga qayb galaan magaca Somaliland. Ujeedada ay halkaas u tageena waxay ahayd inay ka la soo ciyaaraan oo ay ka garab saftaan ciyaartoy qurbo jooga reer Somaliland ah oo iyaguna ku sugan Djibouti. aniga waxa i soo gaadhay war aan rasmi ahayn oo sheegay in la rabo inay ku ciyaaraan magaca Somaliya, markaa aan sidaa maqlay ayaanu nidhi dalka dib ugu soo noqda, waanay soo noqonayaan oo way soo socdaan. Intii aanay ciyaartoygu amba-bixin waxa nala soo xidhiidhay oo na soo waydiisatay wasaarada ciyaaraha Somaliland anaguna waanu u ogolaanay inay ka oo qayb galaan ciyaartaas oo ay magaca Somaliland waliba ku soo ciyaaraan”. Mar uu ka hadlayay in uu wasiirka ciyaaruhu ka danbeeyey inay dalka dib ugu soo noqdaan afartaa ciyaartay, waxa uu taliyuhu yidhi “Arintani sida ay u dhacday waxa aynu ka waraysanaynaa waftigii wasiirada ahaa ee dalka Djibouti tagay, maadaama oo uu waliba ku jiro wasiirkii ciyaaraha Somalilad, markaa iyaga aynu wixii faah-faahin ah ka sugaynaa Insha Allaah”. Dhinaca kale Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ciidanka booliska ee Goodir C/raxmaan Cumar Axmed (Awga) ayaa Sheegay, isla markaana ka hadlayay waxa ka jira wararka afarta ciyaartoy ayaa sheegay in 4-taa ciyaartoy ay maanta dalka ku soo guryo noqon doonaan, isla markaana ay ka biyo diideen markii la yidhi magaca Somaliya ku ciyaara, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Afarta ciyaartoy ee u kici-tintay dalka aynu jaarka nahay, isla markaana ay walaalaha nahay ee Djibouti waxa ay ka mid ahaayeen kooxda ciidanka booliska ee Goodir, isla markaana waxa ay u ambabaxeen si ay uga soo qayb qaataan koob lagu qabanayo Djibouti, kaas oo ay markii hore kaga qayb galayeen magaca Somaliland ayaa waxa la yidhi kaga qayb gala magaca Somaliya, arintaas ayaa waxa ka biyo diiday afartii ciyaartoy anaguna markii aanu warkaa maqalnay waanu la xidhiidhnay waxaananu ku nidhi deg-deg u soo noqday bari Isniinta (maanta) ayaanay dalka ku soo noqonayaan hadii Alle yidhaa”. Isha:Hatuf
  4. Jabuuti (RBC Radio):- Cayaar aad u xiisa badan ayaa Magaalada Jabuuti ku dhexmartey Dhalinyaro matalaysay Qaramada Soomaaliya iyo Jabuuti. Cayaarta oo ay isaga hor yimaadeen labada kooxood ee kala matalayey Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ay ku cayaarayeen magacyada Xulka Soomaali Diaspora iyo Xulka Dekedaha Jabuuti. Dhalinyarada Matalaysay dalka Soomaaliya ayaa laga soo kala xulay Magaalooyinka Puntland, Soomaaliland iyo Wadamo dhowr ah oo qurbaha ku yaala, waxaana cayaartaasi ay ahayd mid aad loogu riyaaqay. Daawashada cayaartani ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xiriirka Sports-ka ee dalka Jabuuti Faduulo, Madaxa Qurba jooga iyo Iskuxirka dalka Jabuuti Xaamuud, Gudoomiyaha Ururka Somali Diaspora Maxamed Macalim, Maamulka Ururka Somali DiasporaXamdi Axmed iyo Cabdulaahi Qooje oo ah Madaxa Jaaliyada Finland. Cayaarta oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxay ku soo idlaatay 3-4 oo ay guusha ku raacdey Naadiga Dekedaha Jabuuti oo marti loo ahaa, waxaana cayaartu ay ahayd mid xiisa gooni ah xambaarsan isla markaana labada dhinac ay weerar iyo weerar celis ku cayaarayeen. Ciyaartaas ayaa waxa aad iyo aad uga dhex muuqday Cayaaryahanadii ka tagey deegaanada Puntland ee u cayaarayey Naadiga Comsed waxaana laacibiintaasi ka mid ahaa Ciise Maxamed Ciise iyo Maxamed Abuu-raas oo isagu dhaliyey goolkii saddexaad ee ay dhaliyeen xulka matalayey Soomaaliya. Laacibiinta mataleysay Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa laga keenay Puntland, Somaliland, England, Sweden, Dubai, waxaana howshani sahlay Ururka Somali Diaspra Forum.
  5. Leezu- Not sure why you're getting personal with me and throwing insults. MMA- ma fahmi kartid hadda.
  6. Gudoomiyaha ayaa shegay in ay Jireen Kooxo Si Dhuumaleysi ku Yimid Magalada Laasqoray Kuwaasi oo dadka degaanka kala kulmay Mudaharaad iyo Dhagaxtuur .
  7. Muqdisho (RBC) Sida uu RBC Radio u xaqiijiyeen xubno ku dhow afhayeenka barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inay garoonka Muqdisho ka dhoofaan xildhibaano ku dhow 40 kuwaasoo maalintii Isniintii xukuumadu ka joojisay inay safraan. Ilo wareedka ayaa RBC Radio u sheegay in wada hadal ku saabsan sidii xayiraada looga qaadi lahaa xildhibaanadan ay yeesheen xubno dhexdhexaad ah oo ka tirsan barlamaanka iyo wasaarada arimaha gudaha, iyadoo wasiirka gudaha C/shakuur Sheekh Xasan uu ogolaaday in xildhibaanadaasi maanta ay safraan. Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan oo khilaaf uu kala dhexeeyo madaxweyne Shariif iyo xukuumada ayaan wax lug ah ku yeelanin xalinta arintan, waxaana ilo wareedku noo sheegeen in Shariif Xasan uu ka maagay inuu qaab codsi ah ugu tago xukuumada maadaama uu isu haysto inuu ka sareeyo. Xubnaha dhexdhexaadka ayaa ilaa shalay u kala dabqaadayey dhinacyada iyadoo arinta ay gaartay xafiiska madaxweynaha KMG, wasaarada arimaha gudaha iyo taliska booliska oo dhamaantood markii dambe ogolaaday in xildhibaanada la fasaxo maadaama qaarkood aysan shaqo ku lahayn hawsha uu wato afhayeenka oo ay u socdeen arimo caafimaad. Waxaa xusid mudan in xukuumada markale cadeysay inaysan marnaba aqoonsaneyn wax guddi doorasho la yiraahdo tan iyo inta barlamaanka oo mideysan uu ka dhisayo guddi noocaasi ah, sidaa waxaa RBC Radio u sheegay mid ka mid ah mudanayaasha hawsha ku jirey. Dhanka kale Shariif Xasan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Muqdisho ayaa ku eedeeyey xukuumada inay Axdiga KMG jebisay, wuxuuna ka dalbaday in xukuumadu raali gelin ka bixiso soo celintii mudanayaashii uu dirsaday, hase yeeshee waxaa isla shalay eedeyntaasi u jawaabay isla mudanayaal kale oo iyaguna saxaafada la hadlay sheegeyna in xukuumadu ku saxsaneyd safar ka joojinta wax ay ugu yeereen guddi suuq mugdi lagu dhisay oo u adeega danaha Shariif Xasan. Si kastaba waxaa arimahan oo dhan ay culeys ku sii kordhinayaan xaalada qir-iyo- qirta ah ee ka dhexeysa madaxda ugu sareysa TFG oo hadda meel adag kala maraya, iyadoo maalin walibana uu imaanaya wax sii kala fogeeya oo arinta ceel dheer ku sii rida. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  8. Boosaso ( RBC Radio) Wararka ka imanaya Qaybo ka mid ah Gobolka sanaag ayaa sheegaya in Halkaasi ay soo gaadheen Gaadiid ay Wataan Masuuliyin ka Tirsan Maamulka Somaland. Hadaba arimahaasi ayaa Waxaa ka Hadlaya Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur oo Haatan Ku sugan magalada Boosaso. Gudoomiyaha ayaa shegay in ay Jireen Kooxo Si Dhuumaleysi ku Yimid Magalada Laasqoray Kuwaasi oo dadka degaanka kala kulmay Mudaharaad iyo Dhagaxtuur. Waxaana u intaasi raaciyay in ujeedkooda uu ahaa Ciidamo ay ka Qoraan Qaybo Ka mid ah Gobolka Sanaag Gaar ahaan deeganda Xiga Waqoyiga. Maxmed Siciid Nuur ayaa intaasi Raaciyay in Maamul ahaan ay la socdaan Dhaq dhaqaaqyada ka soconaya Gobolka sanaag ay Wadaan dad Ka amar Qaata Maamulka Somaliland ee Xududa la Wadaaga Gobolka Sanaag. Gudomiyaha oo haatan Mudo Laba Casho ah ku sugan magalada Boosaso ayaa Tilmaamay in dhinaca Roobabka Haatan Dhulka Barwaqo yahay isla Markaasina aanay jirin Wax Dhibaata ah oo haatan ka jira. RBC Radio
  9. May 10, 2011 Hargeysa, (Qaran news)- Ciidamada milatariga oo kaashaanaaya qaybo ka mid ah ciidanka Booliska ayaa maanta weerar ku qaaday dhul ka kooban sadex beerood oo ay deganaayeen qoysaskii lahaa ilaa iyo kontonkii sanadood ee ugu danbeeyay, dhulkaasi ama beerhaasi oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa, ciidamadani oo adeegsanaayay awood xoogan oo uu amarkeeda uu soo bixiyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland mudane Nuux Taani. Beerahani ayaa uu taliyaha ciidanka qaranku ku tilmaamay in ay yihiin dhul ay ciidanka qaranku leeyihiin, waxana ay wararku sheegayaan in dhulkaasi oo ay dadkaasi masaakiinta ahi ay lahaayeen tan iyo intii uu ingriisku uu maamuli jiray Somaliland oo ay deganaayeen halkaasi, ayaa ciidanka qaranku ay maanta ku soo qaadeen weerar qaawan, taasi oo dadkii deegaanka ahaana ay qoryo soo qaateen isla markaasina ay difaac ka galeen dhulkii la lahaa ka guura. Dhanka ciidanka waxa kaga dhaawacmay hal sarkaal oo ay bawdayada xabadi kaga dhacday, bawdayada xaga ciidanka qaranku ay 2 nin qay si xun u garaaceen oo ay mayd ahaan uga tageen, sarkaalkaasi iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Jamaal Gaalolaaye waxa aanu ka tirsanyahay ciidanka koob iyo tobnaad ee ciidanka qaranka, sarkaalkani ayaa lagu daawaynayaa cisbatalka magaalada Hargaysa Sidoo kale weerarkani waxa maanta hogaaminaayay sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka oo la yidhaa Doolaal oo ka amar haystay tay taliyaha ciidanka qaranka, Nuux Taani, oo sheegay in sadexdaas beerood ee qoysaskaasi ay lahaayeen laga dareeriyo. Rabshadahani maanta dhex maray ciidanka qaranka iyo dadkii deegaankaasi deganaa ayaa waxa xoojin soo saaray ciidanka booliska oo qabtay 3 nin iyo **** xdoodii qori, rabshadaha oo iskood u yaraaday markii ciidankii malatariga aagaasi maanta laga saaray ayaa waxa ilaa caawa soo badanaayay ciidamo aad u tiro badan oo ay dadka deegaanku soo dhoobeen aagii beerahaasi iyo dhanka dooxa oo ay caawa aad ugu soo qul qulayaan, waxa ayna soo qaateen hub aad u tiro badan iyada oo xaga miyigana ay ka soo dhacayaan gurmadyo hor lihi. Wax garadka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Hargysa, ayaa caawa canbaareeyay arintani foosha xun, waxana ay arintani u eegtahay mid keenaysa iska hor imaad lagu hoobto hadii ayna xukumadu si deg deg ah ayna arintani wax uga qaban. Dadka deegaanka ayaa qaarkood ay sheegeen in aanu taliyaha ciidanku waxba u qaban sarkaal dhawaan ku dhintat gobolada bariga oo qoyskiisii laga goostay waxii ay xaqa u lahaayeen, taasi oo ay cadho weyn ugu qabaan taliska ciidanka. Wararka qaar ayaa sheegaaya in taliyaha ciidanku uu dhulkani ka iibiyay ganacsade ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, oo lagu heshiiyay lacag lagu qiyaasay 5 Boqol oo kun doolar. Ilaa hada xaga xukumada iyo ciidanka qaranka midkoodana wax war ahi kama soo baxin, hase ahaatee arintani waxa ay abuurtay dareen xoogan oo laga qabay xisbiga Kulmiye hadii uu talada dalka ku guulaysto, in uu bilaabi doono iska hor imaad sokeeye. Waxana laga cabsi qabaa in ay maalinta bari ah ay xukumadu goobtaasi gayso ciidan xoogan, taasi oo ay wararku sheegayaan in wasaarada gaashaandhigu ay amartay in raga hubka haysta lagu sameeyo hub ka dhigis, sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheeganaaya cudud ay iskaga difaaci doonaan gardarada iyo dhul boobka, waxana ay sheegeen in tani ay tahay mid indho laan ah oo aan geedna loogu soo gaban, waxana ay sheegeen in ay ku dhiman doonaan goobtii ay ku dhasheen oo ayna deegaanka iyagu meel kale kaga imanin, ciidanka deegaanka ee meesha ku soo qul qulaaya ayaa sii kordhaaya iyada oo dhalinyaradii magaalada joogtay qaarkoodna ay ku biireen.
  10. Grazie signori! -------------- Somali women and the pending presidential election Dear Associated Press Editor, There has been much ado in the Press lately about the pending elections in Somalia, for example, the Associated Press article of April 14, "Somali government rejects UN efforts to hold elections", and from Reuters on April 21, "Somalia government postpones vote to 2012 amid security crisis". I should be grateful for the opportunity to express my views. I was recently elected Chairwoman of the Somali National Women's Association, formally and by democratic vote in Mogadishu, and confirmed in late 2010, at a peace-building initiative network meeting called by the Regional Minister of Women and Family affairs in Punt land. Through this venue, Somali women are able to come together and express their views about peace and country infrastructure under the slogan, 'United Somali Women without Borders'. The meeting in 2010 represented 130 Somali women, both expat and those living in Somalia, who were ambassadors, academics, medical professionals, educators, and artists. At this meeting, we dedicated October 25th of each year to stand as "Somali Women's Peace Day". When we met in March 2011, we agreed to create a structured network that would aim to include several thousand women, who are willing to take part in the peace-building process. My letter today expresses support for delaying the Presidential elections, but for reasons that go beyond those already reported in the global news. At present, Somalia does not have the means to support viable Presidential elections before the Somali Constitution has been ratified. And most importantly, ratification of the new Constitution cannot take place without first creating necessary stability within the country's infrastructure. The Rights of Somali citizens should first be defined and implemented. These include, among others, the Rights of women and children, which should be granted in equal and relative measure to those of men, as well as the Right to life for all Somali citizens. This includes entitlement to education, health care, and legal identity across the country and without concern for regional or tribal distinctions. All Somali citizens must be granted and ensured the Right to live in peace and freedom without continual threat of war and insecurity, but they should also be granted the Right to vote democratically for their leaders. The latter should go hand-in-hand with ensuring the security-based concerns already expressed. Here, I attempt with all dignity as a Somali woman, to write about our problems with the practical, and yet firm, wisdom of a mother. Somalia is now in a state of infancy, and our country is in the process of creating developments that will carry us into the future as a strong and productive member of the global scene. However, Somalia needs first to repair the heavy losses we have incurred over the past 20+ years, due to civil unrest and war that has unjustifiably raged and rampaged through our lives. Further, we again face drought in many parts of the country, and people are again dying or being driven away due to natural disaster (and not only due to war and political conflict). Nevertheless, our traditional means to overcome drought, for example, are disrupted by conflicted tribal boundaries and people are simply not able to safely cross into drought-free areas to find food and sustainability. Against this tide, we therefore we need time to nurture the development of our political initiatives that will effectively generate the necessary infrastructure stability. We Somalis recognize that stability takes many forms, and thus, within our current democratic Government, we are in the process of addressing all facets of an operational Constitution. Doing so affords us the opportunity to learn from our past mistakes, as well as the mistakes of other African nations; we first and foremost need to eradicate corruption and lack of accountability in the way potential future leaders might conceptualize a leadership organization. To place pressure on having a Presidential election before its time has purposefully evolved, can potentially serve nothing more than to reinforce our already existing problems. For example, even our definition of "Federal Government" needs to be established. That there presently exists an individual with the title of "President" for each region within Somalia may not only be misleading, but may also undermine the bipartisan spirit of the federal identity. It is on matters such as this that I take great courage in the futuristic sight of our present, albiet transitional, political leaders, especially the Prime Minister, which is toward the horizon. I ask that the West not inadvertently force us into short-term thinking, which will only provide an inaccurate appearance of stability. Thus, the current democratic Government and Parliament are working together in cooperation for the first time in decades. Initiatives that positively affect the lives of Somali men, women and children are currently in development. I respectfully ask the western nations, as well as the United Nations, to take notice of our efforts and to give us positive credit for this momentum underway. From an insider perspective, such as mine, a premature election might place us once again into a situation where newly elected political players, having newly designed political agendas, will only serve to disrupt the current positive flow. Must we "reinvent the wheel" so early in this process? On behalf of the women of Somalia, I kindly ask for recognition of our efforts to effect real stability within Somalia, so that our current leaders can continue to solve our internal problems, as well as those resulting from the diaspora. Then, we can hope to ensure a proper platform for holding Somali Presidential elections within our own borders. Respectfully, Asha Omar Geesdiir Malmö, Sweden
  11. 40 PMs travelling at the same time and 15 sick at the same time, now that is news worthy event. What is the US going to do about it? Stick it to them hard Mr President, you should've put them in jail overnight. Waa socotaa koley, go out with a bang. Ahmed 10 : -10 Ethiopian Sakin
  12. CAIRO, May 9 (UPI) -- A man confessed to belonging to a Somali militant group after Egyptian security forces arrested him at Cairo International Airport, security sources said. The newly formed National Security Service claimed one of its first successful raids when it captured Somali man Youssef Hassan at the international airport, security officials told Al-Masry Al-Youm. Sources told the news agency that intelligence officials had suspected militants would try to use fake diplomatic passports to try to get into the country. Hassan was arrested carrying 15 forged foreign and U.N. diplomatic passports when he arrived in Cairo from Morocco, the news agency added. He was also carrying nine airline tickets to various destinations. The Egyptian newspaper said a similar method was used by the hijackers behind the Sept. 11, 2001, attacks on the United States. Al-Qaida-affiliated al-Shabaab is from Somalia and security forces claim al-Qaida was responsible for a recent attack on a cafe in Morocco. The Egyptian newspaper didn't indicate if Hassan was linked to al-Qaida, however. The NSS took over after the Interior Ministry dissolved the country's notorious State Security Investigations Service in March.
  13. “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne waayo waxaan helnaa Dhaqaale fara badan Kuwaan ayaa magaca xildhibaan ku tuntey.
  14. KENYAN based regional airline Jetlink has stopped operating flights to Hargeisa Somaliland few months after it was launched late last year. The airline cited insecurity and low passenger numbers on the route as the reasons behind the decision to pull out. "It is not profitable we had low traffic and the al shabaab factor makes people afraid of travelling there," said Jetlink Managing Director Elly Aluvale. Though Somaliland is peaceful, its proximity to war torn Somalia makes it unpopular for travelers. It is internationally recognized as an autonomous region of Somalia. It is bordered by Ethiopia, Djibouti, Gulf of Aden and the autonomous Puntland region of Somalia. Jetlink operated two flights a week on Mondays and Fridays. "Even the two flights a week did not have enough passengers and the numbers were dwindling," added Aluvale. Apart from Jetlink, East African Safari Air also operated flights from Nairobi direct to Hargeisa since February 2010 but stopped shortly after launch. The operational costs on that route are making it a hard nut to crack for airlines. Prior to the connection between the two cities, it used to take travelers up to 12 hours sometimes even a whole day to get to Somaliland from Nairobi because of many interconnections. Travellers had to fly to Dubai via Djibouti and then Ethiopia to get a connecting flight to Hargeisa. The Nairobi-Hargeisa connection was seen by Somaliland administration as key to opening up the area to East African business and the Common Market for Eastern and Southern Africa trading bloc. Aluvale said that the airline will relook at that route once travel to the destination improves. Other Jetlink destinations are Mombasa, Eldoret and Kisumu in Kenya and Mwanza, Juba and Khartoum within the Eastern Africa region. The airline is currently facing stiff competition that has spurred price wars locally.
  15. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ay doonayeen inay si sharci daro dalka uga baxaan. Isagoo caawa wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu si cad ah u sheegay in isaga uu amray in Xildhibaanada la celiyo, maadaama uu sheegay in socdaalkooda ahaa mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga iyo shuruucda sida uu hadalka u dhigay. "Wasaarada Arrimaha Gudaha oo aan anigoo wasiirka ugu horeeyo ayaa si amar ah ugu wargelinayay Ciidamada Ammaanka inay u joojiyaan Xildhibaanada aanay ka dhoofi karin Garoonka"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha. C/shakiir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay xor u yihiin inay dalka ka dhoofaan, hase ahaatee ujeedkooda uu ahaa Xildhibaano Gudi sheeganayay oo doonayay inay dalka si sharci daro uga baxaan. "Gudi aan la ansixin oo aan shuruucda la waafajin sida Gudiyada kale ee Dastuurka iyo nidaamka Dowliga loo ansixiyay ayaan joojinay anaga, kuwaas sharci darada Gudigooda ahaa ayaan dib u celinay"ayuu lahjad kulul ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Wasiirka ayaa xusay in cid kasta oo gaar ah oo shacab iyo Dowladda ka tirsan ay si sharci ah dalka uga dhoofi karaan, hase ahaatee tallaabadii maanta ayuu sheegay inay aheyd mid gaar ah oo lagu hor istaagay Gudi sharci daro ahaa. Ilaa 40-meeyo Xildhibaan ayaa maanta is-hortaag lagu sameeyay, kuwaas oo ahaa Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ee uu dhowaan magacaabay Shariif Xasan, waxaana is hor taagaas ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal dhex maray Xildhibaanada iyo Ciidamada Ammaanka. Arrintan ayaa ah mid sii horseedeysa khilaafka ka taagan Hey'adaha Dowladda, iyadoo tallaabada Wasaarada Arrimaha Gudaha qaaday ay tahay mid xasaasiyadeeda yeelan karta, taasi oo keeni karta inay dhacaan qalaan qal siyaasadeed iyo mid midi ku taag hor leh.
  16. Si fiican weliba, maalinba qabiil names halkan inuu ku soo qoro ayuu baneystey.
  17. Waxuu yiri Masai waxay aaminsanyihiin in lo'da aduunka joogta dhanba ay iyagu leeyihiin. Where did you get the backward zoo keeping Masai sheeko? jeebkaada sooma ahan?
  18. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ay doonayeen inay si sharci daro dalka uga baxaan. Isagoo caawa wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu si cad ah u sheegay in isaga uu amray in Xildhibaanada la celiyo, maadaama uu sheegay in socdaalkooda ahaa mid aan waafaqsaneyn nidaamka dowliga iyo shuruucda sida uu hadalka u dhigay. "Wasaarada Arrimaha Gudaha oo aan anigoo wasiirka ugu horeeyo ayaa si amar ah ugu wargelinayay Ciidamada Ammaanka inay u joojiyaan Xildhibaanada aanay ka dhoofi karin Garoonka"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha. C/shakiir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay xor u yihiin inay dalka ka dhoofaan, hase ahaatee ujeedkooda uu ahaa Xildhibaano Gudi sheeganayay oo doonayay inay dalka si sharci daro uga baxaan. "Gudi aan la ansixin oo aan shuruucda la waafajin sida Gudiyada kale ee Dastuurka iyo nidaamka Dowliga loo ansixiyay ayaan joojinay anaga, kuwaas sharci darada Gudigooda ahaa ayaan dib u celinay"ayuu lahjad kulul ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Wasiirka ayaa xusay in cid kasta oo gaar ah oo shacab iyo Dowladda ka tirsan ay si sharci ah dalka uga dhoofi karaan, hase ahaatee tallaabadii maanta ayuu sheegay inay aheyd mid gaar ah oo lagu hor istaagay Gudi sharci daro ahaa. Ilaa 40-meeyo Xildhibaan ayaa maanta is-hortaag lagu sameeyay, kuwaas oo ahaa Gudiga Doorashooyinka Baarlamaanka ee uu dhowaan magacaabay Shariif Xasan, waxaana is hor taagaas ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal dhex maray Xildhibaanada iyo Ciidamada Ammaanka. Arrintan ayaa ah mid sii horseedeysa khilaafka ka taagan Hey'adaha Dowladda, iyadoo tallaabada Wasaarada Arrimaha Gudaha qaaday ay tahay mid xasaasiyadeeda yeelan karta, taasi oo keeni karta inay dhacaan qalaan qal siyaasadeed iyo mid midi ku taag hor leh.
  19. lol@backward Masai zoo keeper. Awoowe, he didn't say that and you know it, so why did you feel the need to insult the Masai people? maxay kaa galabsadeen?
  20. Puntland Oo beenisay in ay hawlgal ka wado deegaanada xeebaha fogfog ee gobolka Bari Dhageyso