Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Xaaji Xunjuf;720191 wrote: Topica awoow hada maskaxdayda wuu ka sii masaxmaya laakin waan idhi dee waxan is yidhi sheekada yaan Somaliweyn laga dhigin nfd ba la marayey marki danbe Somalia iyo xammar ba la so gaadhay hada Somaliland la so gaadho wa Somaliweyn adeerkeen IOG uun ba inaga maqan lol :D . Adiga ayaa soo geliyey Xamar sheekada, markii ay kugu xumaateyna dee waa sidii aan sheegey. As for Sayidka. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/23871-Biography-of-Darwish-Ismail-Mire-Part-I
-
Xaaji Xunjuf is avoiding this thread like the plague. haha. Awoowe soo gal fadlan, don't be shy and say something, anything, c'mon now. lol
-
This reminds me of the Wilton Park conference.
-
Jacaylbaro;719970 wrote: ^ ^ He forgot to change the Nickname dee ............. Cabaad lee miyaa intaas? poor oldman JB is crying as usual, diifka iska tirtir odeyahow!
-
-
IMF chief Dominique Strauss-Kahn, who has been charged with sexual assault and attempted rape, had been involved in similar incidents "at least once," a New York court has been told. There were "reports that he has engaged in conduct similar to this on at least one other occasion," the prosecutor told a New York court, just before the judge denied bail to the powerful head of the International Monetary Fund. Strauss-Kahn was accused of sexually assaulting and attempting to rape a hotel maid at the weekend, and reports have since emerged of other women who claim to have been attacked by the IMF chief. A young author claimed she had been forced to fight off Strauss-Kahn in a TV program that first aired in France in 2007 and again this week. Tristane Banon, the 31-year-old god-daughter of the accused's second wife, said he lured her to a studio apartment in Paris with the promise of an interview in 2002, when she was starting out as a journalist. Once she arrived, he allegedly started ripping at her clothes like a "rutting chimpanzee". "I kicked him, I called him a rapist, he didn’t seem to care," Ms Banon said in earlier interviews. She was able to escape but reportedly did not press charges because she was afraid it would affect her career. Ms Banon’s mother, Anne Mansouret, this week confirmed her daughter was planning to make a report to Paris police, The Daily Mail reports. This week Judge Melissa Jackson said Strauss-Kahn should be remanded because he was "a flight risk" after being charged with sexual assault and attempted rape of a hotel chambermaid. http://news.ninemsn.com.au/world/8249972/imf-chief-attacked-like-a-rutting-chimpanzee
-
Mac Sokor!
-
The Heat were beaten badly (21 pt lead). King James only had 15 points, and Wade left with 18 points. The Heat could not defeat the Bulls during the regular season, and I don't think they will now. I predict Dallas v Chicago final.
-
lol...where is awoowe? lool
-
Dhalinyaro dadaaleysa oo Xaafadda Rinkeby ee Magaalada Stockholm ku xusay 15ka May Isniin, May 16, 2011(HOL): Dhalinyaro Soomaaliyeed oo is-xilqaamay ayaa waxay magaalada Stockholm ku xuseen maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanad kasta la xuso marka la gaaro 15-ka May. Dhalinyaradan oo u badan kuwo ku dhashay ama ku koray Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Stockholm ayaa waxay muujiyeen dadaal aysan isku shuqlin dad iyaga ka waa weyn oo xitaa ogaa qiimaha ay leedahay maalintaas iyo maamuuska loo sameyn jiray. Xaflad ay maalintan ku xusayeen oo ay ku qabteen xaafadda Rinkeyby ee magaalada Stockholm ayaa waxaa ka qeybgalay dad aan sidaas u badneyd, iyadoo markii aan weydiiyay dhalinyaradii xafladda soo abaabushay sababta aysan dad badan uga soo qeybgelin dad badan ay sheegeen in jawiga xoogaa uu qabow yahay, isla markaana uu roob da’ayo, sidaasna aysan dad badan u soo xaadirin. Dad badan yeysan kas oo qeybgelin balse waxaa xusid mudan in dhalinyarada xafladda soo abaabulay oo aan ka xusi karo C/raxiin Muxyaddiin Maxamed, Axmed Jabbey, Axmed Maxamed Cali, Qadaafi iyo Xuseen ay dareemayeen weynida maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xusuusto dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ee ka qeybgqaadatay gobanimo-doonkii. C/raxiin Muxyaddiin Maxamed oo isagu si weyn ugu howlanaa qabanqaabada xafladdan ayaa HOL u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed laga xuso Magaalada Stockholm, gaar ahaan Xaafadda Rinkeby, wuxuuna sheegay in ay ku dhalisay xuska maalintan iyadoo dalka Soomaaliyeed uu muddo ka badan 20 sano dhibaato ku jiro, sidoo kalena ay soo badanayaan maamul goboleedyo mid kasta oo ka mid ah lagu sheegayo in uu gooni isu taagayo. Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaanad Drs. Aamina Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jaalle Maxamed Cumar oo ka mid ahaa taageerayaashii SYL iyo weliba XHKS, waxayna labaduba si weyn u bogaadiyeen dhalinyarada isku shuqliyay in ay maamuusaan oo ay weyneeyaan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale ku dheeraadeen ka hadalka munaasabadda 15-ka May iyo kaalintii ay gobanimo-doonka ku lahaayeen dhalinyaradii SYL.
-
Tartan K/Cagta ah oo lagu weyneynayay Maalinta 15-ka May oo ay SYAO ku qabatay Nairobi Tartan kubada cagta ah oo lagu weyneynayay Maalinta 15-ka May oo ay si heer sare ah u soo qaban qaabisay SYAO ayaa manta waxaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee pumwani, ee dalka Kenya. Aqoonyahano, Siyaasiyii, qubaro isboorti iyo dhalinyaro oo ay kamid ahaayeen Macalinka macalimiinta Baskuwali, Macalin Geelle, Macalin Jabshe, Anas Cali oo ah qabiir isboorti, Ururo dhalinyarao iyo madaxda kooxihii ka qeyb galayay tartanka ayaa ka soo qeyb galay tartanka lagu xusayay 15 may. Waxaa tartanka ka qeyb galayay kooxo badan iyadoo ay kama dambeys u soo bexeen 4 koox oo ka kala socday xaafadaha Section3 , Camerok , iyo laba kooxood oo ka socday Eastlight oo kala ahaa Eastlight stars iyo Eleven stars kuwaasi oo lagu beegay munaasabada maalinta 15-ka may oo ah maalin ku weyn dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada. Ciyaaraha oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa ayaa inta ay socdeen waxaa u soo daawasho tagayay dad aad u tiro badan kuwaasi oo kala tageerayay kooxaha tartanka kaqeyb galayay. Gaba gabada tartanka lagu weyneynay maalinta 15 ayaa waxaa ku guuleystay Eatleight Stars, iyadoo goobta lagu gudoonsiiyay koobkii iyo hadiyado kale oo qaali ah. Dhamaan kooxihii ka qeyb galaya tartanka ayaa hadiyado kala sareeyay oo loogu qiimeeyay koox waliba iyo kaalinta ay gashay ayaa goobta lagu gudoonsiiyay, xafladii lagu gaba gabeynayay xuska maalinta 15 ayaa waxa hadalo kooban kajeediyay qaar kamid ah xubnihii kasoo qeyb galay. Gudoomiyaha SYAO Maxamed Ibrrahin Cali Cajiib ayaa u hambalyeeyay dhalintii ciyaaraha ka qeyb galayay, waxa uuna ku booriyay isku xirnaan iyo nabad jaceyl, waxa uuna goobta ugu balan qaaday in uu tartamo nabadeed u qaban doono si looga badbaadiyo maran habaabinta iyo in dagaalada dalka ka socdo loo isticmaalo. Mr Cajiib ayaa sidoo kale sheegay in isboortiga uu yahay midka kaliya ee dhalinyarada loogala dagaali karo in maskaxdooda lagu shubo fikrado dagaal oo la soo minguuriyey lana doonayo in lagu dhibaateeyo dhalinyarada . Waxa uu intaasi raaciyay gudomiyaha in loo baahanyahay in ay dhalinyarad ka qeyb qaataan nabada iyo horumarka dalka, maadama isboortigu yahay is dhex galka dhalinyarada, isagoo koobkii gudoonsiyay kooxdii kuguuleysatay. Sidoo kale waxaa ka hadlay goobta macalin C/llahi Baskuwaale isaga oo u mahad celiyay SYAO qaabka ay isugu xilqaantay xuska maalintan weyn, waxa uuna isboortiga ku tilmaamay isha kaliyah ee dhalinyarada lamaran habaabiyay lagu bad baadin karo. Ugu dambeyna waxaa goobta hadiyado lagu gudoonsiiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartanka iyadoo uu Ururka SYAO u kala sareysiiyay qaabka ay kaalimaha u kala galeen.
-
Ciyaar K/cagta oo lagu maamusayay Munaasabada 15-ka ee dhalinyaradii SYL oo Muqdisho lagu qabtay Ciyaar Kubada Cagta oo lagu maamusayay 68-guuradii ka soo wareegatay aaskii Ururka SYL dhalinyarada gobanimo doonka Soomaaliyeed maalinta 15-ka May ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Munaasabadan K/cagta oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD, isla markaana ay kala qeyb qaateen Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed ayaa shalay galab ka dhacday Garoonka School Polizio, halkaasoo ay ka soo qeyb galeen dadweyne fara badan. Ciyaartan oo ay daawanayeen Mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta, qabiiriin Isboorti iyo Saraakiil ka socotay Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed Saciid Mugaambe. Ciyaartan Kubada Cagta oo aheyd mid ay isaga hor yimaadeen Kooxda Kubada Cagta CCD iyo Heegan ayaa xiiso gaar ah laheyd, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeeda sareysa, waxaana koox walba ay ku dadaaleysay sidii libinta dhankeeda u raaci laheyd. Labada Kooxood ayaa ahaa kuwo muujiyay karti iyo dadaal, taasoo keentay in qeybtii hore ee ciyaarta ay ku kala baxaan bar bar dhac goolal la'aan ah, hase yeeshee markii qeybta labaad la isugu soo noqday ayaa ciyaartoyda labada dhinac oo wada tashi la soo sameeyay macalimiintooda ayaa waxay horay uga bilaabeen dar dartoodii. Qalad uu galay mid ka mid ah ciyaartoyda Kooxda K/cagta CCD oo uu kubada gacanta ku taabtay diilinta ganaaxa dhexdeeda ayaa waxaa arkay calanwadihii ciyaarta, kaasoo garsooraha u sheegay inay Kubada uu gacanta u taabtay daafaca, isla markaana rigoore laga dhigay. Kooxda Heegan ayaa rigooradaas u noqotay midii fursada iyo faa'idada u laheyd, iyagoo shabaqa ku hubsaday, waxaana ciyaarta durba noqotay mid ay gool iyo waxba ku hogaamiyaan kooxda Heegan. Gaba gabadii ciyaarta ayaa Kooxda Kubada Cagta CCD oo la soo baxday weerar lixaad leh, si ay isaga soo bar bareyso ayaa ugu dambeyn waqtigii ku dhacay, taasoo sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta ay guusha ku raacday Kooxda Kubada Cagta ee Heegan. Saciid Mugaambe Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed ayaa ugu dambeyn ciyaartoyda Heegan gudoonsiiyay Koobkii munaasabada 15-ka May, oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD. Munaasabadan Isboorti ayaa aheyd tii u horeysay ee shalay lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo beegay 68-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii Ururka Dhalinyada Soomaaliyed ee SYL, iyadoo tartankan ka turjumayay is dhex galka dhalinyarada iyo nabada.
-
Thanks bro. ------------------
-
represent, represent! No doubt, see my stacks are fat, this is what it's about Nas :D:p
-
Munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 68-aad ee aas’aaska ururkii Dhalinyarada SYL ayaa maanta lagu qabtay xarunta G/Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Munaasaban loogu dabaaldegay xuska maalinta ururkii dhalinyarada SYL oo ku asteysan 15-ka May, oo ay ka soo wareegatay 68-sano, oo lagu qabtay xarunta maamulka G/banaadir ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda arimaha Bulshada Shaqada, horumarinta Shaqaalaha dhalinyarada iyo Isportiga, iyo Ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed. Munaasabadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda, maamulka G/Bamaadir, dhalinyarada ku dhaqan G/Banaadir, Haweenka, Fanaaniinta, iyo martisharaf kale oo aad u farabadnaa. Dadkii ka hadlay munaasabadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Kheyre Cawaale oo ka mid ahaa dadkii sida wanaagsan ula soo shaqeeyay uururkii gobanimadoonka ahaa ee SYL, waxa uuna tilmaam iyo tusaale ka bixiyay halgankii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u soo galeen Xoriyadda. Sidoo kale waxa munaasabadaasi ka soo qeybgalay koox dhalinyaro ah oo ka soo fakatay Khawaarijta isla markaana Dowladdu u fidisay cafis iyo daryeel, kuwaas oo labisnaa Calankeenna Soomaaliya, isla markaana muujinayay wadaniyadda iyo farxadda maalinta 15-ka May, iyadoo Maxamed faarax oo ku hadlay magaca dhalinyaradaasi uu sheegay in Allaah uu xaqa garadsiiyay ayna ka faa’iideysteen cafiskii Dowladda isagoo ugu baaqay dhalinyarada kale, in ay ka soo baxaan dhibaatada iyo halaagga ay faraha kula jiraan. Ugu danbeyntii waxaa xafladani soo xirtay Wasiirudowlaha Xafiiska R/wasaaraha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, oo xafladani soo xirtay ayaa ugu baaqday dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, ayna ku daysadaan ururkii SYL, iyadoo tilmaantay in Xukuumaddu ay dhalinyarada ku hageeyso wadadii SYL. Munaasabddo kale oo lagu maamuusayay xuska maalinta dhalinyarada ayaa lagu qabtay magaaladda Gaalkacyo, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay waxqabadkii ururkii SYL, sidoo kale munaasabad kale oo taa la mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Nairoobi taas oo ay ka soo qeybqaleen mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan oo ku nool magaaladaasi. Xuska maalinta Dhalinyarada ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay cafis iyo daryeelba u fidineyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marinhabaabiyeen Khawaarijta.
-
War-Deg deg ah: Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo geeriyooday
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo u tacsiyadeynaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Imaam Maxamuud Imaam Cumar ka soo jeedo Sanca(Puntlandi.com) Alla ha u naxariistee waxaa galabta ku geeriyoodey magaalada Nairobi Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ahaa Iimaamka Beesha M, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed ayaa tacsi gaara u diraya Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha M geerida ku timid Iimaanka, wuxuuna marxuumka illaahey uga baryayaa jano waarta iyo Dambi dhaaf. Imaam Maxmuud Imaam Cumar oo maalmahaan dambe xanuunsanaa ayaa galabta ku geeriyoodey magaalada Nairobi, geerida Imaanka waxaa lagu wargelinayaa dhamaan eheladiisa iyo dhamaan Beesha M, Waxaan Murxuumka Illaahey uga baryeynaa jano waarta iyo dambi dhaaf,shacabkana samir ilaahey ha ka siiyo, AAAAmiiiiin -
War-Deg deg ah: Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo geeriyooday
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Nairobi. -
War-Deg deg ah: Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo geeriyooday
Somalina replied to oba hiloowlow's topic in Politics
May Allah SWT grant the Imaam Jannahtul firdawsa. Muqdisho: (S. M. N) Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa maanta waxaa Meydkiisa laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya. Salaadii Janaasada ayaa Marxuumka waxaa lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport, iyadoo Janaasadaasi uu Tujiyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaan sidoo kale kasoo qeyb galay gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Xubno ka tirsan Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo si wada jir ah Salaada Janaasada ugu dukuday. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Saxaafadda kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ayaa u Tacsiyadeeyay Eheladii iyo Qarabaadii uu ka geeriyooday Imaamka iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka. Salaadii Janaasada kadib ayaa Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar waxaa Meydkiisa loo qaaday deegaanka Jasiira halkaasi oo lagu aasay, waxaana markii la aasay kadib Saxaafadda la hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) kaasi oo sheegay inay si wanaagsan ugu soo gaba gaboobay Aaskii Maruumka. Gabagadii aaska ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda C/laahi Sheekh Xasan kaasi oo ugu Tacsiyadeeyay Umadda Soomaaliyeed Geeridii ku timad Allah Unaxariistee Imaam Max’uud Imaam Cumar oo maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho. -
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;719477 wrote: Today's pictorial blog: Soomaalina ayaa maqaayad Islii ku taalo nagu wareerisee, waa kanaa hee mid kale. This one looks like very modern. Grand Royal restaurant la dhahaa. N. B. - The pictures were taken on a mobile, marka sidaas clear uma aha. Thank you MMA for the pics. Waxaan ku weydiinaa, what kind of a sandwich is that? fish n chips miyaa? Ma arko veggies at all (tomato is a fruit) and I aint suprised . Adiga miyaa cunaayey alaabtaas Miskiin? p.s. Waa baaqdey xooga.